Loading...
HomeMy WebLinkAboutAboutTown_2023AnnualReport_Somali-Web-22023 Warbixinta Sannadlaha ee Magaalada Edina Laxiriira Magaalada Saacadda Taalada ee Barxaddda Goolofta Braemar Sawirka Jaldiga waxaa qaaday Scott Denfeld Taalo saacad afar gees ah oo si gaar ah loogu dhisay Barxaddda Goolofta Braemar oo ay ku deeqday kobcisada goolofta ee muddada dheer Pacy Erck ayaa ka taagan bartamaha waxqabadka. Barxadaha goolofta Braemar iyo tas-hiilaadka tababarka ayaa mashquul ahaa sanadki 2023 kadib cusbooneysiimo lagu sameeyey sannadihii la soo dhaafay. Waxbadan ka ogow BraemarGolf.com. Jaldiga Dushiisa Shaxda TusmadaLaxiriira Magaalada Warbixinta Sannadlaha Ee 2023 Wareeg Daabacaad 25, 000 Daabacaadda Rasmiga ah ee EdinaMN.gov City of Edina, Minnesota 4801 W. 50th St. Edina, Minnesota 55424 952-826-0359 Tafatire Jennifer Bennerotte Naqshadeeye: Dan Doar Qorayaasha Wax ku Darsaday: Reham Alemam, Brittany Bader, Jennifer Bennerotte, Matthew Cords, David Katz, Lauren Siebenaler iyo Debbie Townsend Daabace: Magaalada Edina Xuquuqda-nuqulka 2024 ee Magaaalada Edina, 4801 W. 50th St., Edina, MN 55424. Mu’asasad XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA:Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku Halayn Karo Magaalo lagu Noolaan karo Erayga Duqa magaalada ............................................................1 Cutubka La Hilmaamay ee Taariikhda Isboortiga Edina: Kubadda Xeegada Barafka ee Minnesota ...............................2 2024 Ayaa Isbeddelo u Keenay Kooxda Hoggaanka Fulinta ee Edina.......................................................................................8 Isbeddellada Shaqaalaha Booliska Ayaa Keenaya Isu Dheellitirnaan, Fikrado Cusub ...............................................10 Shaqo Ayaa ka Socota Qorshaha Waxqabadka Cimilada ee Magaalada ...........................................................................12 Hindiseyaasha Magaalada Laga Bilaabo 2022-2023 Ayaa u Gogol Xaaraya Adeegyo iyo Tas-hiilaad Bulsho oo Cusub ....17 Ganacsatada oo Lacag Ka Qaadaysa Bacaha Laga Bilaabo Juulaay 1 .....................................................................24 Waaxda Dabdemiska Ayaa Qorsheyneysa inay ‘Goob Bulsho’ Dib ugu Qaabeyso Saldhiga Dabdemiska 2aad ee Cusub .....26 Keliya Maaha Jaarnimo, Waa Sharciga .................................29 Shaqada Ayaa Bilaabeysa inay Wax Ka Beddesho Braemar, Fred Richards Parks ..................................................................31 Ballaarinta Braemar Arena Ayaa Ku Jirta Marxaladaha Naqshadeynta iyo Qorsheynta ..............................................37 Guryo Cusub oo loogu talagalay Waayeelada Ayaa Bidhaaminaya Guulaha Guriyeynta .....................................38 Qorshaha Aagga Yar ee Ka Shaqeynaya Aagga Lincoln/Londonderry .............................................................43 Deeq-bixiyaasha Ayaa Wax Bixiyey Si Ay Gacan Uga Geystaan in Edina laga Dhigo Mid Badbaado ah oo Qurxan Sanadki 2023 ..............................................................44 Xarumaha Magaalada Edina .................................................46 Laga bilaabo Xafladda Barafka Qaboobaha ee Janaayo caadi ah lagu qabto Centennial Lakes Park ilaa Xafladda Maalinta Sanadka Cusub Ka Horreysa ee Qoyska ee Edinborough Park lagu qabto dabayaaqada Diseembar, Magaalada Edina waxay leedahay tiro munaasabado sanadle ah si ay dadka deegaanka ula raaxaystaan kuwa ay jecel yihiin iyadoo isla markaana ku xirmaya xubnaha kale ee bulshada. Munaasabadaha sanadlaha ee kale ee caanka ah waxaa kamid ah Qaranka Bulshada ee Maarso, Dhoolatuska Doomaha iyo Dabaaldega Juneteenth ee Centennial Lakes lagu qabto bisha Juun, isku soo baxa iyo baaruuda hawada ee Juulaay 4, iyo Bandhigga Nalka Habeenki iyo Nalka Tooshka ee bisha Agoosto lagu qabto Centennial Lakes Park. Ururka Ganacsiga & Xirfadda ee 50th & France waxa uu martigelin doonaa Bandhigga Farshaxanka Edina bisha May 31-Juun 2, halka Rugta Ganacsiga Edina ay Deyrta martigelin doonto Bandhig Faneed, qaaraanka Sanduuqa Kahortagga Dembiyada ee Edina iyo Waaxda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta Sibteembar 7 iyo 8. Marka laga yimaado munaasabadahaas, dadka deegaanku waxay filan karaan munaasabado gaar ah oo kale sanadka 2024. Tan iyo waqtigan la qorayo, taariikhaha qaar lama go'aamin, balse xusuuso dhacdooyinkan oo ka raadi ogeysiisyada onlaynka ah iyo Daabacaada billaha ah: Wargeyska Edina. Hawlaha Guud ee dadweynaha u furan, May 23. Munaasabad furan oo bilaash ah, oo qoysaska u roon oo ah “Gawaarida Waaweyn” ayaa caadi ahaan la qabtaa sanadaha tirada dhabanta ah inta lagu jiro Toddobaadka Hawlaha Danta Guud ee Qaranka, oo ah toddobaad loogu talagalay maamuusidda xirfadlayaasha Hawlaha Danta Guud. Qofkasta waa lagu soo dhaweynayaa in uu kasoo qeybgalo oo uu waxbadan ka ogaado sida Hawlaha Guud, Injineerinka iyo Dayactirka Beeraha Nasiinada ay ugu adeegaan bulshada Edina iyadoo ah hab madadaalo iyo isdhexgal leh. Kaqeybgalayaashu waxay sahmin karaan gawaarida sida cagafta tiirarka rarta, cagafta wadada xaaqda ama laamiyeysa, waxay eegi karaan noocyo kala duwan oo qalabka gacanta ah ama kuwa korontada ku shaqeeya, qaadan karaan sawiro, oo su’aalo weydiin karaan shaqaalaha Magaalada. Xuska taariikhda Centennial Lakes Park, Juun 26. Waagi hore ahayd god jayga laga qodo, beerta Centennial Lakes Park waa dahabka taajka nidaamkeena beeraha nasiinada. Shirkadda United Properties ayaa la wareegtay dhulka ee hadda loo yaqaano Centennial Lakes iyagoo heshiis kula wareegay sanadki 1988 kana shaqeeyey inay goobta dib ugu horumariyaan sidii xafiis adeegsi isku dhafan leh iyo qaab nololeed isku dhafan. Shirkadu waxay Magaalada kala shaqeysay inay dhismaha u rogto naqshad isku dhafaysa goob ka kooban tafaariiqda, madadaalada, la dego iyo xafiis iyo beer nasiino oo loogu talagalay horumarinta ah 100-acre. Xafladda xarig-jarka Weber Park ee la hagaajiyay, Juulaay 11. Xaafadda Morningside waxay leedahay dhowr meelood oo hoose iyo kuwo xiran oo u nugul fatahaadda. Isbeddelka cimilada ayaa goorhoreba sare u qaaday khatarta daadadka waana uu sii wadi doonaa inuu sidaa sii sameeyo. Magaaladu waxay dhawaan soo gaba-gabeysay mashruuc bulshada looga caawinayo in ay u adkeystaan daadadka. Balliyada biyaha, tuubooyin iyo meelo ay biyaha ku shubmaan ayaa la adeegsan doonaa si badbaado leh si loo dhaqaajiyo oo loo kaydiyo biyaha daadka. Tuubo iyo biyo-shub la ballaariyey ayaa meeleyn doona butaaca ka yimaada aagga hoose ee Lynn/Kipling iyo barta hoose ee Grimes Avenue, iyo shabakad tuubooyin oo la balaariyay dibna loo habeeyey iyo isbeddellada yar ee joogga ayaa biyaha ka fogayn doona guryaha. Balliyada Weber iyo Lynn/Kipling ayaa la ballaariyey hoosna loo dhigay. Mashruuca kaabayaasha fatahaadaha ayaa sidoo kale lagu daray dib u soo celinta kheyraadka dabiiciga ah ee dhulalka sare, dhabbayaasha dabiiciga iyo buundooyinka looga gudbo labo goobood oo ku yaala Weber Park, hagaajinta gelitaanka dadka lugaynaya ee beerta oo leh qaar ka mid ah wadooyinka ADA-u hoggaansan, iyo dib-u-dhiska garoomada isboortiga ee ku yaala aagga ay saameyntu soo gaartay oo loo yeelay caws cusub iyo nidaamyada waraabka. Dhagax dhigga Saldhiga Dabdemiska 2aad. Waqti kamid ah gu’gan, waxaanu bilaabi doonaa in aanu Saldhig Dabdemiska 2aad oo cusub ka dhisno 4401 W. 76th St. Saldhigga cusub wuxuu xaqiijin doonaa in wakhtiyada jawaab celinta degdega ah ay sii socdaan mustaqbalka kadib koboca la saadaaliyay ee qeybta koonfur-bari ee bulshadeena. Dhismaha waxaa loo naqshadeeyey in uu udub dhexaad u noqdo Magaalo Weynta Southdale waxaana kamid ahaan doona goob loogu talagalay munaasabadaha bulshada iyo shirarka. Waxaan rajeynayaa in aan dhammaantiin idinku wada arko munaasabadahaan iyo isu imaatinada kale sanadka 2024 dhexdiisa! James B. Hovland Duqa Magaalada Erayga Duqa magaalada WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 1 2 •LAXIRIIRA MAGAALADA Cutubka La Hilmaamay ee Taariikhda Isboortiga Edina: Kubadda Xeegada Barafka ee Minnesota Ee David Katz Xiisaha iyo kartida Edina ee jiilasha soo jiray ee ciyaaraha xeegada barafka ayaa aad loo yaqaanaa. Sanadihii la soo dhaafay, Magaaladu waxay soosaartay in kabadan saamigeeda horyaalka dugsiyada sare, isreeb-reebka kulleejyada iyo xidigaha NHL. Wax maanta aan si weyn loo aqoon waa doorka Edina ay kusoo bandhigeyso ina adeerta ciyaarta xeegada barafka, ciyaarta ree Yurub ee kubadda xeegada barafka, oo ay keeneyso Waqooyiga Ameerika. Waa qiso cajiib ah oo iskeed u taagan – oo si labanlaab ah u dhacaysa si kadhan ah daaha weyn gadaashiisa ee xilligii dagaalkii qaboobaa “diblumaasiyadi isboortiga.” Sug, Waa maxay Kubadda Xeegada Barafka (Bandy)?Marka koowaad ee loo sharraxayo qof aan waxbo ka aqoon, kubadda xeegada barafka waxaa inta badan lagu qeexaa isku dhafka xeegada barafka iyo kubadda cagta. Kubadda xeegada barafka waxay dhabtii labada ciyaaroodba ka horreysay qarniyo, balse isbarbardhigu weli waa mid ku habboon. Kubadda xeegada barafka waxaa lagu dul ciyaaraa barafka, balse si weyn aad dusha uga dhow cabbirka xeyndaabka garoon kubadeed marka loo barbardhigo garoon ciyaarta xeegada barafka hockey oo caadi ah. Xeerarku waxay shabahaan kubadda cagta, halka qalabku uu si cad u sheegayo in ciyaarta xeegada barafka ay kasoo unkatay ciyaarta kubadda xeegada barafka. Kow iyo toban kudul ordayaal baraf kooxdiiba ayaa soo qaata lebiska barafka iyo kabaha barafka lagu dul ordo oo dhaadheer iyo ulo ka gaaban dhigooda xeegada barafka. Beddelka goonta goobada ah, waxay “laadaan” kubbad guf iyo cinjir ah oo lamid ah cabbirka kubadda teeniska. Bilaabashada kubadda xeegada barafka waa mid mugdi ah oo lagu tartamayo. Ingiriiska, Weelis, Holan, Finlaan iyo Ruushka ayaa sheegta sumcadaas, balse dhammaan sheekooyinka ayaa isku raacay in cayaartu ay si rasmi ah u saldhigatay 1800-meeyadii, oo ku baahday waqooyiga Yurub, waxayna ka kasbatay qaar ka mid ah taageerayaasheeda ugu waaweyn wadamada Waqooyiga Yurub. Laba arrimood ayaa hor istaagay sii kobcitaanka kubadda xeegada barafka: Dagaalkii Dunida I iyo, tan weli ugu daran, kudarista ciyaarta xeegada barafka (balse aan lagu darin kubadda xeegada barafka) ee Ciyaaraha Olombikada Qaboobaha laga bilaabo 1920. Sida taariikhyahan uu ku sifeeyey ciyaarta, kubadda xeegada barafka ayaa dib u noqotay sida jabalo baraf ah oo ku dhalaalaya cimilo kululaanaya” ee Midowga Soofiyeetka, Iswiidhan, Norway iyo Finlaan. Sidaa ayey ahayd tobanaan sano. Bilaabashada Ciyaarta Barafka ee Bandy ee gudaha EdinaCimilada Minnesota iyo dhaqanka xooggan ee ciyaarta xeegada ayaa gobolka ka dhigaya meel macquul ah oo ku filan in ciyaarta kubadda xeegada barafka loogu soo bandhigo Mareykanka. Hase yeeshee, doorka Edina ee udub-dhexaadka u ah riixidda wadajirka, ee caalamiga ah ee ay dib ugu soo nooleyneyso kubadda xeegada barafka ayaa ubaahan sharraxaad.Sawirka Waxaa Bixiyey Bulshada Taariikhda EdinaBraemar Arena ayaa martigeliyey dhowr kamid ah rugihi abid ugu horreeyey Waqooyiga Ameerika ee kubadda xeegada barafka, oo la qabtay Diseembar 1976 iyo Maarso 1977. “Ergada” ku jirtay horyaalada aduunka ee ka socotay Kooxda Kubadda Xeegada Qaranka Soofiyeetka. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 3 Waxaa si weyn ugu ammaanan madixi hore ee Beeraha Nasiinada & Tamashleynta Bob Kojetin, kaas oo Ururka Kubadda Xeegada Barafka ee Ameerka ay si ceeb la’aan ah ugu yeeraan “aabaha kubadda xeegada barafka ee Mareykanka.” Marka laga yimaado doorkiisa Kaaliyaha Agaasimaha (1962-1976) iyo kadib madaxa waaxdaas (1977-1994), Kojetin ayaa sanado ahaa Guddoomiyaha Ururka Kubadda Jilcan ee Minnesota. Sanadki 1972, Kojetin ayaa shaqo aan caadi ahayn ka aqbalay Don Porter, Agaasimaha Fulinta ee Ururka Kubadda Jilcan ee Mareykanka (ASA). Porter ayaa markaas un kasoo laabtay Shir madaxeedka Xiriirka Caalamiga ah ee Ciyaaraha, halkaas oo uu kula kulmay wufuudi Soofiyeetka ee ka socotay Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Xeegada Barafka (IBF). Waxa laga yaabaa in aanay isku af ku hadlin, balse mas’uuliyiintani ayaa isku ujeedo ahaa: labada darafba waxay doonayeen in ciyaartooda lagu daro Ciyaaraha Olombikada. Midoodna ma dhici karin ilaa dalal badan ay qaataan kubbadda jilcan iyo kubadda xeegada barafka, siday u kala horreeyaan. Iyadoo laga duulayo middaa, Porter ayaa Kojetin u diray shaqo xaqiiqo raadin ah oo uu ku tago Moosko si uu u sahmiyo suurtagalnimada in kubbadda jilcan la keeno Yurub halka kubadda xeegada barafkana la geeyo Waqooyiga Ameerika. Kojetin ayaa kasoo laabtay safarkan lama filaanka ah isagoo sida soojeedin wejiyo ah, Barnaamij Isdhaafsi Kubadda Xeegada Barafka/Kubadda Jilcan oo shan sano ah oo ay isla taabagelinayaan IBF iyo ASA. Muddadaas, danjirayaasha kubadda xeegada barafka waxay martigelin doonaan rugo caafimaad, ciyaari ciyaaraha bandhiga waxayna u xusul duuban samaynta kooxihii kubadda xeegada ee ugu horreeyay Mareykanka. Wakiilada kubadda jilcan, oo uu ku jiro Kojetin laftiisa, ayaa hoggaaminaya dadaalo isbarbar socda guud ahaan Atlaantiga. Braemar Arena ee kuyaala Edina ayaa martigeliyey dhowr kamid ah rugihi abid ugu horreeyey ee kubadda xeegada, oo la qabtay Diseembar 1976 iyo Maarso 1977. Ergada waxaa kamid ahaa Mikhail Osintsev iyo Viacheslav Soloviev, lix jeer horyaalka dunida u qaaday Kooxda Kubadda Xeegada Qaranka Soofiyeetka. Inti lagu jiray safar dambe, qorshe safar aad u degdeg badan ayaa leex-leexday kudhawaad 1,500 oo mayl guud ahaan Minnesota kahor inta aan wakiilada dalxiis loogu dirin Michigan. Dhul-xajisashada Barafka DushiisaTaageerayaasha kubadda xeegada barafka ayaa dareemay in ciyaartu ay raad weyn ku yeelan karto deegaanka xeegada barafka ee Mareykanka iyagoo codsi u diray laba kooxood gaar ahaan: dhalinyarada barafka kudul orda iyo ciyaartoyda xeegada barafka ee “sare”. (ku sii socota bogga xiga)Sawirka Waxaa Bixiyey Bob KojetinIyada oo qeyb ka ah barnaamijka is-weydaarsiga sheeko cusub ee u dhexeeya Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Xeegada Barafka iyo Ururka Kubadda Jilcan ee Mareykanka, Agaasimaha Beeraha Nasiinada iyo Tamashleynta ee Edina Bob Kojetin ayaa rugo tababar ka fuliyey guud ahaan Midowgi Soofiyeeti. 4 •LAXIRIIRA MAGAALADA Sanadki 1981 wareysi lala yeeshay The Xiddiga Minneapolis, Kojetin ayaa dooddii hore ku macneeyey sidan: “Waxaan haynaa ilaa 2,000 oo dhalinyaro ah oo ku jira xeegada barafka oo habaysan. Waxaan ugu yeeraa 10-daqiiqo kudul ordayaal baraf. Waxay ku qaataan saddex saacadood, oo ay ku jiraan u safrida iyo ka soo noqoshada ciyaaraha … haddana wadarta wakhtiga barafka ay ku qaataan waxa uu noqon karaa 10 daqiiqo.” Taa cagsigeeda, kooxda kubadda xeegada barafka waxay saftaa 11 ciyaartoy halki mar (cagsiga lixda xeegada barafka), “iyadoo aanu jirin wax beddel ah, waxayna si buuxda u socotaa labo kaambiyo [45-daqiiqo].” Marka la soo koobo, “kubadda xeegada barafka waxay soosaartaa ciyaartoy kudul oroda barafka.” Iyadoo ah ciyaar aanan la istaabaneyn, kubadda xeegada barafka waxay sidoo kale u tahay ikhtiyaar kale oo fiican ciyaartoyda kudul orda barafka ee dareemaya inay ka duqoobeen ciyaarta xeegada barafka. Paul Lundeen, oo soo ciyaaray NCAA hockey kahor inta aanu ku biirin kooxdi kubbada xeegada barafka ee ugu horeysay ee rasmiga ah ee dalka (Kooxda Bandoliers ee Edina), ayaa xusay sanadki 1983: “Waxa aan ka jeclahay kubadda xeegada barafka ayaa ah in aanay jirin qof xiridda iyo jirsiinta kabadan labo tillaabo. Lakabka barafka aad ayuu u weyn yahay in qof la dulmaro. Waxay in badan u baahan tahay kudul orodka barafka iyo maareyn.” Hase yeeshee, cabbirka baaxadda weyn ee xakameynta garoomada kubadda xeegada barafka – kudhawaad 340 fiit dherer ah iyo 200 fiit oo ballac ah – ayaa sidoo kale caqabad ku noqotay. Kaabayaal noocan oo kale ah kamay jirin qaaradda oo dhan; balse la’aanteeda, kubadda xeegada barafka waligeed ma aanay saldhigi lahayn. Nasiib ayey ahayd is-dhaafsiga barnaamijka in Isku Duwaha Kubadda Jilcan/Kubadda Xeegada Barafka ee Mareykanka uu u dallaco madaxa waaxda beeraha nasashada iyo madadaalada ee nawaaxiga magaalada. Horyaal TaariikheedSanadki 1979, garoonki kubadda xeegada barafka ee ugu horreeyey ee rasmiga ah ee ku yaala kulaalaha galbeed ayaa laga furay Edina. Bob Kojetin ayaa la tashaday khuburo, oo uu ku jiro xoghayaha guud ee Ururka Kubadda Xeegada ee Finlaan, oo ku saabsan sida waayo-aragnimo dhab ah oo kubadda xeegada barafka ah loogu raro Xaafada Prospect Knolls ee 21-ka acre ee Lewis Park. Dadaalka Beeraha Nasiinada & Tamashleynta Edina oo kabadan sidii hore. Aqoonyahanada qaar ee ciyaarta ayaa xitaa “ku tilmaamay [Lewis Park] garoonka kubadda xeegada barafka ee ugu fiican adduunka,” sida ku xusan maqaal 1987 lagu qoray Minneapolis Tribune. Horyaalada kale ee taariikhiga ah ayaa si degdeg ah u soo raacay. Kojetin iyo asxaabta waxay isku dubarideen ciyaarihii kubadda xeegada barafka ee runta ahaa ee ugu horeeyay ee barafka Mareykanka bishii Diseembar 1979. Bandhigan kadhacay Lewis Park ayaa isu keenay Kooxda Qaranka Sawirka Waxaa Bixiyey Bulshada Taariikhda EdinaSanadki 1979, garoonki kubadda xeegada barafka ee ugu horreeyey ee rasmiga ah ee ku yaala kulaalaha galbeed ayaa laga furay Edina, goobta 21-ka acre ah ee Lewis Park. Aqoonyahanada qaar ee ciyaarta ayaa “ku tilmaamay garoonka kubadda xeegada barafka ee ugu fiican adduunka,” sida ku xusan maqaal 1987 la qoray. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 5 Iswidhan ee da'da yar iyo naadiga kubadda xeegada barafka ee sare ee Broberg/Söderhamn ee Iswidhan. Marki xigtay, sanadki 1980, tababare xamaasad leh marna soo ahaa sarkaal Ciidadamada Iswidhan ah oo lagu magacaabi jiray Gunnar Fast ayaa soo caga dhigay Magaalooyinka Mataanaha. Wuxu aqbalay amar hami leh: in uu ciyaartoyda xeegada barafka u beddelo ciyaartoyda kubadda xeegada barafka, kooxo sameeyo oo uuna aasaaso Horyaal Mareykan oo dhab ah. Guusha uu ka gaaray dadaalkan waxa daliil u ah in horyaalkan kaliya aanu maanta kobcin, balse si weyn loogu tartamo “Koobka Gunnar.” Isla sanadkaas, Kojetin ayaa wax ka aasaasay Ururka Kubadda Xeegada Barafka Ameerika (sidoo kalena loo yaqaano Kubadda Xeegada Barafka ee Mareykanka) wuxuuna ku daray madaxweynaha ABA liiskiisa sii kordhaya ee jagadiisa iyo xilalkiisa. Inti lagu jiray sanadihi la sameynayey, Kubadda Xeegada Barafka ee Mareykanka ayaa qaar badan oo kamid ah kulamadeeda caadiga ah ku qabsanaysay midkood Xarunta Magaalada Edina ama Machadka Iswidhanka Mareykanka ee Minneapolis. Waxaa laga yaabaa in aanay la yaab ahayn, ciyaartoyda xeegada barafka ee heerka sare kaga jiray Edina Hornets ay si weyn uga dhex muuqdeen liisaska kubadda xeegada barafka ugu horreysay ee Mareykanka. Kooxihi lagu furay ayaa qaatay magacyo qur-qurxan sida Bandy Roosters, Bandy Aide iyo Bandolier. (Bandolier ayaa haysata ilaa hadda waxayna ku faantaa 10 guulo oo Koobka Gunnar – in ka badan naadi kasta oo kale.) Waa ay ku mahadsan yihiin dadaalka ay ku mintideen xoojiyayaasha sida Fast iyo Kojetin, oo gacan kageystay in xirfadaha xeegada barafka loo beddelo kubadda xeegada barafka, Minnesota waxay markiiba soo saartay darsin kooxo oo ka kooban laba qaybood. Saldhigidda degdegga ahayd ee kubadda xeegada barafka ee Galbeedka Dhexe ee Mareykanka ayey ka yaabisay oo cajab-gelisay taageerayaashi ku sugnaa hoyga ciyaarta. Qaar ayaa ka helay fursad hore oo ay ku arkaan ciyaartoydaan cusub oo wax sameynaya marki Mareykanka uu kuwi ugu fiicnaa u diray Ljusdal, Iswidhan, si ay ugu ciyaaraan koox bandhig ahaan kahor Koobki Dunida ee Kubadda Xeegada Barafka ee 1981. Lix kun oo daawadayaal ah – ku dhawaad tirada dadka ee magaalada martigelinaysay laftigeeda – ayaa camiray tarabuunka si ay u daawadaan Kooxda USA oo la tartamaysa naadi Ljusdal maxalli ah. Waxaa xusid mudan, ciyaartoydii cusbaa ayaa dhalisay goolki koobaad ee ciyaartan taariikhiga ah waxayna kaambiyadi hore ku dhammaatay 2-2. Inti lagu jiray kaambiyadi labaad, qaboojinta weyn ee Iswidishka ayaa khasaaraheeda latimid, taasoo keentay in looga badiyo 2-9 kuwi kasoo wareegay xeegada barafka ee daalanaa. Xitaa sidaas, soo muuqashada xusidda mudan ee Kooxda Mareykanka ayaa qabsatay ciwaanada guud ahaan Iskandaneefiya iyo Midowgi Soofiyeeti. (ku sii socota bogga xiga)Sawirka Waxaa Bixiyey Bulshada Taariikhda EdinaEdina ayaa martigelisay ciyaarihi kubadda xeegada barafka ee runta ahaa ee ugu horreeyey ciida Ameerika bishii Diseembar 1979. Bandhigan ayaa isu keenay Kooxda Qaranka Iswidhan ee da'da yar iyo naadiga kubadda xeegada barafka ee sare ee Broberg/Söderhamn ee Iswidhan. 6 •LAXIRIIRA MAGAALADA ‘Koobka Glasnost’Bishi janaayo 1989, dawladi Soofiyeetka ayaa ballanqaad gaar ah siisay kooxdeeda qaranka. Haddii ay qaadaan Horyaalka Adduunka ee Kubadda Xeegada Barafka ee lagu qabtay Moosko, liiska Soofiyeedka oo buuxa wuxuu kasban doonaa safarkii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo lagu tago Mareykanka (sida dhaqan-galka, safar dheer oo Minnesota ah). USSR ayaa qaboobahaas ka badisay Finlaan, taayarada ayaa si rasmi ah ugu socday booqashadan Janaayo ee 1990. Marka laga yimaado tartamada u dhexeeya kooxaha qaranka ee dalka martigelinaya iyo wadamada martida ah, Kooxda Kubadda Xeegada Mareykanka ayaa sidoo kale qabanqaabisay buug sheeko cusub oo loogu magac daray Koobka Glasnost. (Waxaa magaca looga soo qaaday siyaasad Soofiyeetka ah oo dardar ku socotay isla magacaas, taasoo xooga saaraysay dib u habaynta iyo hufnaanta.) Koobka Glasnost, kooxaha Maraykanka ee tartamayay mid kastaa waxay “qoratay” saddex marti oo Soofiyeetka ah si ay ugu biiraan kooxdooda. Markii Vladimir Plakhunov, Andrei Efremov iyo Viktor Salomatev ay horyaalka adduunka guulo ka gaareen, waxay sidaa ku gaareen iyagoo xiran maaliyadda cascas ee Minnesota Reindeer. Koobka Glasnost waxa uu ahaa mudaaharaad cajiib ah oo ciyaartinimo iyo saaxiibtinimo waayihi sii idlaanayay ee Dagaalkii Qaboobaa – iyo bar-kulan cajiib u ah xeegada barafka ee caanka ah oo aad uga yar saaxiibtinimada “Mucjisada Barafka,” oo la furay tobanki sano ee kasii horreysay. Kubadda Xeegada Barafka Ayaa Dardar Horey Ugu SocotaSida la ogsoon yahay, kubadda xeegada barafka ee Mareykanka weligeed ma gaarin heerka muuqashada ama caanimada loo baahnaa inay kula xifaaltanto ina adeerteed aadka u caanka ah – xitaa ciyaaraha qaboobaha dhexdooda ee Magaalooyinka Mataanaha. Hase yeeshee, Kooxda Kubadda Xeegada Barafka ee Mareykanka ayaa sii xoogeysaneysa ilaa maanta. Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, ururka ayaa taabagaliyey horyaalada dhallinyarada oona ballaariyey Kooxda Qaranka ee Haweenka. Inti lagu jiray muddadan koritaanka dambe, xarunta qaaradda ee cuf-isjiidadka kubadda xeegada barafka ayaa ka guurtay Edina – balse maaha wax badan. Sanadki 1983, Barasaabka Rudy Perpich ayaa bilaabay raadinta goobta iyo maalgelinta loo baahan yahay si loo siiyo Minnesota xarun isboortiga qaboobaha oo heer-Olimbig ah oo leh garoon baraf ah oo ku yaal bartamaheeda. Inkasta oo magaalada Edina ay ka mid ahayd bulshooyinka gudbiyey soo jeedinta, Gobolku wuxuu ugu dambeyntii maamuuskan ku abaalmariyey Magaalada Roseville. Garoonka Guidant John Rose Minnesota Oval (ama si fudud “OVAL”) ayaa martigeliya 110,000 fiit oo laba-jibbaaran oo barafka la qaboojiyey ee dibedda ah, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah barxadaha barafka macmalka ah ee ugu weyn dhammaan Waqooyiga Ameerika. Waxaa dadweynaha loo furay sanadki 1993.Sawirka Waxaa Bixiyey Bulshada Taariikhda EdinaKasoo wareegayaasha xeegada barafka – ku dhawaad dhammaan ka yimid Magaalooyinka Mataanaha ah – waxa ay aad ula dhaceen ciyaartoyda iyo taageerayaasha kubadda xeegada barafka ee carrigooda iyagoo soo bandhigay bandhigyo ixtiraam leh oo ka dhacay Koobka Adduunka ee Kubadda Xeegada Barafka ee sannadlaha ah ee lagu qabtay Ljusdal, Iswidhan. Sawirku waa liiski 1983. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 7 Waxaa xiiso leh, naqshadii hore ee OVAL ma soo dhaweyn kubadda xeegada barafka. Cagsigeeda, soojeedinta Magaalada Edina suureysay garoon baraf oo loogu talagalay kubadda xeegada barafka iyo wareegyada kudul orodka barafka oo kudhex yaal barxadda kudul orodka barafka ee xawaaraha ah. John Rose, sharci-dejiyaha gobolka ee u ololeeyay mashruuca oo loogu magac daray dhismaha isboortiga ayaa jecleystay fikradda ah in madadaalada qaboobaha Minnesota ee ugu cusub lagu daro naqshadda kama dambaysta ah. Rose ayaa si shakhsi ah u wacay Kojetin si uu uga codsado in Agaasimaha Beeraha Nasiinada ee Edina la shuraakoobo dhiggiisa Roseville si ay u dhaqangeliyaan qeybtan naqshadeynta Edina ee OVAL. Marka dib loo eego, kudarista kubadda xeegada barafka ayaa hadiyad rabbaani ah u ahayd isboortiga – oo kaliya ma aha in Magaalada Edina ay ugu dambeyntii baabi’in doonto garoonka barafka ee Lewis Park ka dib in ka badan 20 sano oo uu hawlgalayey. Kaabayaasha cusub ayaa sidoo kale u oggolaaday ABA inay martigeliso Horyaalka Adduunka Kubadda Xeegada Barafka ee 1995. Marka loo fiiriyo urur isboorti oo sumcad leh, 15-sano oo rikoor ah iyo 300 oo xubnood oo kaliya oo ku jira liiskiisa, utartamidda indhaha caalamiga ah maka yareyn geesinimo dhiiran. Waxay guulo ku gaareen qeyb ahaan taabo-gelin weyn oo ka socotay shirkadda tareenada ee ay leedahay dawladda Iswidhan. Wariyaha isboortiga Magaalooyinka Mataanaha Patrick Reusse waxa uu isu imaatinka aan hore loo arag ee OVAL la mid dhigay Super Bowl oo leh karti caalami ah – oo dhab ahaantii diiday fursad uu ku soo tebiyo Super Bowl XXIX ee Miami isaga oo door biday daawashada taariikhda isagoo ku sugan ardaagiisa. Sagaal wadan oo markaas diiwaanka galay ayaa ku tartamay Horyaalka Kubadda Xeegada Barafka ee 1995. Halkaa marka ay marayso, Kanada, Hangari, Nederlaan iyo waddanka dhawaan xornimo qaatay ee Kazakhstan ayaa dhammaantood dhisay ururada kubadda xeegada barafka ee qaranka. Waxay u muuqataa mid badbaado ah in lagu soo gabagabeeyo in ololaha caalamiga ah ee Xiriirka Kubadda Xeegada Barafka ay ciyaartooda ku faafiyaan meel ka baxsan waddankoodii caadiga ahaa uu caddeeyay guul la taaban karo. Intaa marka laga soo tago, waxaa xusid mudan in Edina yar, Minnesota, ay doorkan udub-dhexaadka ah ka ciyaarto kicinta soo nooleynta kubadda xeegada barafka. Macluumaadka asalka ah ee qoraalkan wuxuu ka yimid warbixino ay keydiyeen Bulshada Taariikhda Minnesota, Bulshada Taariikhda Edina iyo Ururka Kubadda Xeegada Barafka ee Ameerika. Waxaa si gaar ah ugu mahadsan madaxweynaha ABA Chris Middlebrook, qoraaga xusuus-qorka Diiwaanada Kubadda Xeegada Barafka: Baacsigayda Isboortiga La Ilaaway, iyo Bob Kojetin, “aabaha kubadda xeegada barafka ee Mareykanka.” Sawirka Waxaa Bixiyey Bulshada Taariikhda EdinaUrurka Kubadda Xeegada Barafka ee Ameerika ayaa si ceeb la’aan ah ugu ammaanaya madixi hore ee Beeraha Nasiinada & Tamashleynta ee Magaalada Edina Bob Kojetin inuu yahay “aabaha kubadda xeegada barafka ee Mareykanka.” 8 •LAXIRIIRA MAGAALADA 2024 Ayaa Isbeddelo u Keenay Kooxda Hoggaanka Fulinta ee Edina Waxaa qoray Matt Cords Kooxda Hoggaanka Fulinta ee Magaalada ayaa lagu kordhiyey laba xubnood oo cusub oo shaqaale ah rubuca hore ee 2024. Shaqaalaysiinta Ari Lenz inay noqoto Kaaliyaha Maareeyaha Magaalada waxay khibrad wax ku ool ah u keeneysaa Waaxda Maamulka, iyadoo mashaariic dhowr ah oo heersare ah loo qorsheeyey sanadka soo socda. Lenz, oo Magaalada u soo shaqeysay sanadadi 2012 iyo 2013 kana ahayd Ku Simaha Maareynta Magaalada, ayaa kusoo laabatay Edina bishi Janaayo, iyadoo aqoon ballaaran oo ku saabsan dawladda hoose u keeneysa kooxda. Waxay beddeleysaa Lisa Schaefer, oo iscasishay deyrti si ay xil uga qabato Ururka Magaalooyinka Minnesota. Lenz waxay kasoo shaqeyneysay dawladda hoose ku dhawaad shaqadeedi oo dhan, iyadoo ka bilowday Maareyn Shaqo Barasho ah oo ay kasoo qabatay Johnson County, Kansas, inti ay ku jirtay sanadaheedii kulleejka ee Jaamacadda Kansas halkaas oo ay ka qaadatay shahaadada heerka labaad ee jaamacadda ee Maamulka Dadweynaha. Qallin-jebinti kadib, Lenz waxay kasoo laabatay Great Plains una soo laabatay Minnesota, waxayna bilowday inay Maareynta Magaalada Kala Shaqeyso Magaalada Edina. “Waayahaygi aan ku sugnaa Edina ayaa saameyn weyn ku yeeshay xirfadeyda shaqo – sida aan u arko doorka maareeyaha dawladda hoose, iyo nooca maareeyaha aan rabo in aan noqdo,” ayey tiri. “Waxaan soo arkay waxa uu adeeg dadweyne oo tayo leh u egyahay waxaana wax kasoo bartay qaar kamid ah agaasimeyaasha ugu wanaagsan waaxda ee hawsha wada.” Doorkeeda ah Kaaliyaha Maareeyaha Magaalada, Lenz ayaa maareyneysa Waaxda Maamulka, taasoo hadda ay kamid tahay Kaqeybgelinta Bulshada, Kala Duwanaanta, Sinnaanta & U Dhannaanshaha; iyo xafiiska Karaaniga Magaalada. Marka laga yimaado mas’uuliyadahaan, Kaaliyaha Maareeyaha Magaalada waxa uu kormeeraa waaxaha Maaliyadda, Kheyraadka Shaqaalaha iyo Macluumaadka Teknoolojiyadda wuxuuna taageeraa Maareeyaha Magaalada. Kahor inta aysan jagada ka aqbalin Edina, Lenz waxay ku dhawaad siddeed sano ay Magaalada Hopkins ka shaqeyneysay Kaaliyaha Maareeyaha Magaalada. Waxay ahayd Hopkins halka Lenz ay ku yeelatay xirfadda dhinacyo badan oo ay kormeeri doonto iyada oo ah Kaaliyaha Maareeyaha Magaalada Edina, iyadoo kala duwanaanta iyo u dhannaanshaha iyo kaqeybgelinta bulshada ay yihiin labo kamid ah awoodaheeda ugu waaweyn. Iyadoo ka soo shaqeysay mid kamid ah magaalooyinka sida aadka ah loo kala duwan yahay, Lenz waxay leedahay waayo-aragnimo gacanta hore ah oo ay kula hawlgasho tiro boqolley sare oo dadka deegaanka ah oo ku hadla luqado badan kana kala soo jeeda isiro iyo xaalado dhaqan-dhaqaale oo kala duwan. “Waxaan waxbadan ka bartay sinnaan la’aanta nidaamsan waxaana ku raaxeystay dhisidda dhaqanka, dib-u-dhiska iyo abuurista dareenka bulsho halkaas oo dadku ay dareemaan sharaf iyo katirsanaan,” ayey tiri Lenz. Kor u qaadista dhaqanka abaabulka ee Magaalada ayaa ah hawl kale oo muhiim u ah Lenz. “Waxay u baahan tahay in loo qasdo, dadaal badan si loo fahmo oo saameyn loogu yeesho dhaqanka abaabulka, balse marka si fiican loo qabto, waxay sare u qaadeysaa wax soosaarka, hawlgelinta shaqaalaha iyo waxqabadka guud. Dhaqanka, iyo abuurista nooca deegaanka aan ku qaban karno waxyaabo waaweyn, ayaa mudnaanta koowaad ii ah,” ayey tiri. Lenz waxay isu aragtaa in ay tahay mashaakil xalliso dabiici ah taasoo awood u leh inay si dhakhsa ah ku fahamto fikradaha kuna xirmato iyadoo soosaareysa xalal hal-abuur leh, soo jiidasho leh oo wax ku ool ah. “Waxaan dhabtii leeyahay xirfado wada-xiriir oo adag waxaana qadariyaa kaqeybgalka shaqaalaha, taasoo aan aaminsanahay inay abuureyso dhaqan adag, oo daacad ah halkaas oo aan dhabtii sameyn karno waxyaabo adag balse madadaalo ah inta aanu sameyneyno.” Maareeyaha Magaalada Scott Neal waxa uu si dhow ula shaqeyn doonaa Lenz. “Ari waxay noqon doontaa qof WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 9 gacanteyda midi ah. Waxaan rajeynayaa in aan iyada wax ka barto, iyo cagsigeeda. Waan ku kalsoonahay,” ayuu yiri Neal. “Waxaan bogaadinayaa tamarta, caqliga iyo anshaxa shaqo ee Ari. Way ku habboon tahay ururkeena, waxayna ila tahay in ay halkan meel sare ka gaari doonto.” Marki wax laga weydiiyey ku soo noqoshadeeda Magaalada, Lenz waxay ku sifeysay Edina in ay tahay “bulsho sumcad aad u xoogan ku leh maamulka xirfadeysan iyo adeegyada dawladeed ee heerka sare ah . … Golaha Magaalada iyo shaqaalaha waxay mas’uuliyadda adeegga dadweynaha u qaataan si dhab ah waxayna diyaar u yihiin inay yeeshaan hal-abuur iyo cusbooneysiin si ay adeegyada ugu wanaagsan ee suurtogalka ah u siiyaan bulshada.” Dhanka Maaliyadda, Pa Thao ayaa Febraayo bilowday doorkeeda cusub ee Agaasimaha waaxda, iyadoo ka mas’uul ah kormeeridda hawlaha gudaha iyo dibedda ee waaxda. Thao waxay bilowday inay u shaqeyso Magaalada Edina labo sano kahor iyadoo ahayd Isku Duwaha Hantidhowrka iyo Xisaabaadka. Waxaa durbadiiba loo dallacsiiyey Kaaliyaha Agaasimaha ee waaxda. Iyadoo ka soo qallinjebisay Jaamacadda Concordia ee ku taasha St. Paul kana qaadatay shahaadada heerka koowaad ee Xisaabaadka iyo Maaliyadda, “Waayo-aragnimada ay u leedahay goobaha guud iyo kuwa gaarka ahba waxay ka dhigtay musharrax xooggan, oo ugu cadcad shaqada” ayuu yiri Neal. Thao waxaa markale laga dallacsiiyey ururka dhexdiisa dabayaaqadi 2023 si ay u beddesho Alisha McAndrews oo ayna noqotay Agaasimaha Maaliyadda ee Edina. Sanadki 2022, seyga McAndrews ayaa shaqo ka helay meel ka baxsan gobolka taasoo keentay go’aanka ay si joogta ah ugu guureyso, taasoo fursad u furtay Thao. “Pa ayaa xirfado farsamo oo xooggan u keeneysa shaqada wax cabsi ahna kama qabto in ay guntiga u giijsato si ay wax uga qabato dhibaato adag,” ayey tiri McAndrews. Agaasimaha Maaliyadda ka ahaan, Thao waxay si weyn uga qayb qaadan doontaa hiigsiga istaraatiijiyadeed ee kooxda, soo saarista curaarta, iyo saadaalinta caafimaadka maaliyadeed ee Magaalada iyada oo u maraysa miisaaniyad sanadeedka iyo Qorshaha Horumarinta Raasamaalka. Muhiimadda adeegga macaamiisha marka laga eego dhanka maaliyadda ayaa muhiim u ah Thao, sidoo kale, waxayna ku talo jirtaa inay saarto codkaas "kor iyo hoos" si ay macaamiisha oo dhan uga caawiso horay u socd. Thao waxay ku faraxsan tahay inay “sharto daloolkaas” marka ay timaado caawinta waaxaha kale, taasoo ay saadaalisay inay “macno badan u keeni doonto doorarkooda.” In fursado tababar la siiyo kooxda Maaliyadda ayaa yool kale u ah Thao, iyadoo xustay in fursadihi ay Magaalada bixisay ay waxtar lahaayeen waayaheedi ay la shaqeyneysay Edina. Thao waxay sidoo kale ka shaqeyneysaa abuurista jawi shaqo oo wanaagsan. “Waxaa jirta fikrad khaldan oo ah in dadka ka shaqeeya maaliyadda ay cajis yihiin oo aan wahsi badanahay. … Waxaan rabaa in aan u keeno xamaasad, madadaalo iyo macno shaqooyinkeena. Qaar ka mid ah yoolasha sare ee Thao ayaa ah kormeerka xisaab-xirka sanadlaha ah oo socon doona laga bilaabo Febraayo ilaa Juun iyo lacago u qoondeynta ballaarinta garoonka Braemar Arena iyo dhismaha Saldhiga Dabdemiska 2 ee cusub. “Waxay ku saabsan tahay in aad ogaato waxa aad rabto, oo haddii fursad ay soo baxdo, in aadan lumin aragtideeda,” ayey tiri Thao mar wax laga weydiiyey waxa ku dhiirigeliyey in ay qabato jagada cusub. “Edina waa magaalo weyn oo dadka aan kala shaqeeyo ayaa ka dhiga mid qiimo badan.” Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waaxaha Magaalada, booqo EdinaMN.gov.Sawirka waxaa qaaday Jason HeuerAri Lenz iyo Pa Thao waxay Kooxda Hoggaanka Fulinta ee Magaalada Edina kusoo biireen horraanti sanadkan. Lenz waa Kaaliyaha Maareeyaha Magaalada ee cusub ee Edina halka Thao ay tahay Agaasimaha Maaliyadda. 10 •LAXIRIIRA MAGAALADA Isbeddellada Shaqaalaha Booliska Ayaa Keenaya Isu Dheellitirnaan, Fikrado Cusub Waxaa qortay Lauren Siebenaler Shaqaalaha Taliska Waaxda Booliska Edina ayaa kordhay sanadki 2023. “Waxaa ina soo maray shaqo ka tagis tiro badan labadi sano ee la soo dhaafay, balse waxaan nasiib u yeelanay in aan haysano kartida noocan ah oo darajo xiran,” ayuu yiri Madaxa Booliska Todd Milburn. “Taasi waxay noo sahashay in aan dallacsiimo wanaagsan ku sameyno jagooyinka muhiimka ah.” Bishi Agoosto, afar jago oo Sadex Alifle ah ayaa lagu daray. Dib u qaabeynta yar waxay gacan ka geysatay abuurista kaalin kormeer oo aad isugu dheellitiran gelinada roondada oo dhan. Afar sarkaal oo leh in ka badan 30 sano oo adeeg ah ayaa loo dallacsiiyey kaalimaha cusub ee Sadex Alifle – Darren Davis, Emily Jepson, Mike Sussman iyo Jesse Penman. Waaxdu waxa ay hadda leedahay 10 Sadex Alifle oo kormeera 41 sarkaal. “Sharci fulintu waa ay isbeddeshay caqabadaha jirana waa kuwo gaar ah,” ayuu yiri Xidigle Dave Venne, kaasoo kormeera Qeybta Roondada. “Ku darista sadex alifleyaal dheeraad ah waxay oggolaaneysaa qof dheeraad ah oo roondo qabta si loo xaqiijiyo badbaadada saraakiisha iyo badbaadada bulshada. Waxay bixiyaan daboolis xirfadeed oo xilli kasta ah waxayna xoojiyaan ka jawaabista baahiyaha bulshadeena.” Saddexda xidigle ee Waaxda Booliska waxay diiradda saaraan maamulka, roondada iyo heerarka xirfadeed. Venne waxa uu ahaa Xidigle Roondo tan iyo 2022. Waxa uu kormeeraa dhammaan hawlagallada roondada, horumarinta hoggaanka iyo wada-xiriirada. Ryan Schultz ayaa ahaa Xidiglaha Maamulka tan iyo 2022. Waxa uu kormeeraa baaritaanada, diridda 911, mashaariicda waaweyn, tignoolajiyadda iyo hawlgallada gaarka ah. Mid kamid ah mashaariicdiisii ugu waaweynaa ee sanadki 2023 waxa uu ahaa hirgelinta softiweerka cusub ee gurmad dirista. Jake Heckert ayaa loo magacaabay Xidiglihi u dambeeyey dabayaaqadi 2023, isagoo kormeeraya heerarka xirfadeed. Waajibaadkiisa ka xidigle ahaan waxaa kamid ah qorista iyo shaqaaleysiinta shaqaalaha, kaqeybgelinta bulshada, tababarka, diiwaanada, hantida iyo caddeynta, iyo maareynta barnaamijka Dhibowga. U dallacsiinta Jepson ee Sadex Alifle, kaalinti sarkaalka hawlgelinta bulshada ayaa bannaanaatay. Halyey sagaal sano ka soo shaqeynayey waaxda, Baaraha Dembiyada Tafaariiqda Nick Donahue ayaa muujiyey xiiso uu u qabo xilkaas ugu dambeyntiina waa loo doortay. Donahue ayaa bilaabay jagada Sarkaalka Hawlgelinta Bulshada Janaayo 1.Sawirka waxaa qaaday Jason HeuerKooxda hoggaanka Waaxda Booliska Edina waxaa kamid ah qeybta hore, dhanka bidixe:) Sadex Alifle Mike Sussman, Sadex Alifle Emily Jepson, Sadex Alifle Darin Cizek, Madaxa Booliska Todd Milburn, Ku Xigeenka Madaxa Aaron White, Sadex Alifle David Boosalis, Sadex Alifle Jason Behr; iyo qeybta dambe: Sadex Alifle Brandon Kuske, Sadex Alifle Darren Davis, Xidigle Ryan Schutlz, Xidigle Jake Heckert, Xidigle Dave Venne, Sadex Alifle Ben Wenande, iyo Sadex Alifle Jesse Penman. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 11 “Waxaan rajeynayaa in aan la kulmo dadka deegaanka, la wadaago aqoonteyda oo aan baro siyaabaha looga hortago in ay dhibane u noqdaan fal-dembiyeed,” ayuu yiri Donahue. “Doorkan, Waxaan la kulmi doonaa dad badan oo cajiib ah. Waxay ila tahay haysashada fursad saameyn togan aan ugu yeesho ilmaha ay tahay qeybta ugu fiican ee shaqadan iyo waxa aan aad ugu faraxsanahay.” Guul kale oo shaqaaleysiin ah ayaa ka timid Barnaamijka Dhibowga Booliska Edina, kaasoo bilowday dabayaaqadi 2022. Barnaamijka waxaa loo aasaasay inuu Ardayda Dhibowga ku jirta siiyo tababarka shaqada iyo hagista loo baahan yahay in lagu galo kaalinta Sarkaalka Booliska marka ay dhammeeyaan dugsi dhigashadooda. Marki hore loo shaqaaleysiiyey jagada Saraakiisha Adeegga Bulshada, Emily Zeise iyo Jared Simme waxay u wareegeen barnaamijka Dhibowga marki la bilaabay. Jacob Prince, Jose Soto Ortiz iyo Moises Martinez ayaa loo qaatay Dhibowga. Dhammaan shantuba waxaa loo dallacsiiyey Saraakiil Boolis sanadki 2023 iyo horraanti 2024. “Ardayda Dhibowga waxay sheegeen in khibradani ay fududeysay culeyski tababarka Sarkaalka Booliska ee hore,” ayuu yiri Heckert. “Barnaamijku waxa uu siiyey fursad ay ku bartaan siyaasadda, habraacyada, juqraafiga cilaaqaadna la yeeshaan saraakiisha. Waa wareysi shaqo oo 24/7 ah iyagoo cilaaqaad la yeelanaya saraakiisha sidoo kalena sameynaya aragtiyo ku saabsan anshaxa shaqadooda iyo awoodda loogu dallacsiin karo jagada sarkaalka.” Iyadoo dhammaan dardargelin laga soosaaray isbeddelada shaqaaleysiinta ee 2023, hoggaanku wuxuu rajeynayaa fursado cusub sanadka 2024. Mid kamid ah waa horumarinta Koox Ka Jawaabis oo Kale, iskaashi u dhexeeya Booliska Edina, Dabdemiska Edina iyo Degmada Hennepin. Kooxdu waxay taageeri doontaa oo ay dabagali doontaa dhacdooyinka caafimaadka ee dhimirka ee Edina. Kooxdu waxaa kale oo ay fileysaa in ay soo dhaweyso baxnaaninta guriga dhexdiisa ah ee eeyaha ee shaqaalaha Waaxda Booliska oo la filayo gu’ga. “Diyaarinta kooxdan hoggaanka cusub, waxaa jira fikrado badan oo hal-abuur leh oo soo socda,” ayuu yiri Milburn. “Waxaan ku faraxsanahay fikradahaan waxaana rajeyneynaa in aanu aragno koritaankooda.” Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Waaxda Booliiska Edina, booqo EdinaMN.gov/Police.Sawirka waxaa qaaday Jason HeuerNick Donahue ayaa bilaabay jagada Sarkaalka Hawlgelinta Bulshada Janaayo 1. 12 •LAXIRIIRA MAGAALADA Shaqo Ayaa ka Socota Qorshaha Waxqabadka Cimilada ee Magaalada Waxaa qortay Lauren Siebenaler Magaaladu waxay horumar la taaban karo sanadki 2023 ka sameysay wajigi koowaad ee Qorshaheeda Waxqabadka Cimilada. Mid kamid ah guulihi ugu waaweynaa ee 2023 waxay ahayd rukumashada Magaalada Edina ee 12 milyan kWh oo tamarta la cusbooneysiin karo ah iyada oo u mareysa barnaamijka Renewable*Connect ee shirkadda Xcel Energy. Marka la isku daro tamarta la cusbooneysiin karo ee laga dhaliyo goob kasta, tani waxa ay micnaheedu tahay in dhammaan tas-hiilaadka Magaaladu ku shaqeeyaan tamar la cusbooneysiin karo. “Magaaladu waxay ka dhabaysay ballanqaadkeedi in 100% koronto la cusbooneysiin karo u hesho hawlaha dawladda hoose,” ayuu yiri Khabiirka Negaanshaha Matthew Gabb. “Dadka deegaanka waxaa lagu xujeynayaa in ay kusoo biiraan ballanqaadka Magaalada!” Barnaamijka Renewable*Connect Flex ayaa suuragal uga kadhigaya dadka deegaanka iyo ganacsiyada in ay iska diiwaangeliayaan tamar nadiif ah iyada oo aanan loo baahan in la rakibo qalab sida soolarrada cadceeda. Magaalada waxa uu yoolkeedu yahay in ay hesho 1,200 qoys oo Edina deggan oo ka diiwaangashan barnaamijkan oo la gaarsiiyo tamar laga dhaliyey dabeysha maxalliga ah iyo agabka soolarka cadceeda. Ballanqaadka qiimaha jaban ayaa lagu daray biilka tamarta billaha, taasoo sahleysa in cagaar loo guuro. Sidoo kale sanadki 2023, Magaaladu waxay sii waday in ay raxanteeda gaadiidka ay ku darto gawaarida korontada ku shaqeeya iyo kuwa isku dhafka ah. Afar gaari oo koronto ku shaqeeya ayaa lagu daray oo wadar ahaan isku ah sideed, iyo saddex isku dhaf ah ayaa la helay oo wadar ahaan isku ah 37. Intaa waxaa dheer, Magaalada waxay rakibtay lix kaalin oo gawaarida laga dabeeyo sanadki 2023. Kaalimo loogu talagalay baakinka guud ee Hoolka Magaalada iyo Braemar Arena ayaa la rakibay. Afar jaajareeyaal oo loogu talagalay raxanta gawaarida ayaa lagu kordhiyey Hawlaha Guud & Xarunta Dayactirka Beerta Nasiinada iyo Saldhigga Dabdemiska 1aad oo raxanta gawaarida oo kaliya loogu talagalay. Waaxda Hawlaha Dadweynaha Edina waxay sidoo kale ahayd goobti labadi siminaar ee ugu horreeyey ee Magaalada ee Waxkasta Koronto laga dhigo, barnaamij ay suuragalisay iskaashi lala yeeshay Xarunta Tamarta iyo Deegaanka iyo Waaxda Injineerinka ee Magaalada Edina. Ku dhawaad 60 dadka deggan Edina, Eden Prairie iyo St. Louis Park ayaa kaqeybgalay labada siminaar bishi May iyo Oktoobar halkaas oo ay ku barteen koronto ku shaqeynta iyo lacag-celinta kala duwan ee loo heli karo mashaariicda horumarinta guriga ee tashiilka tamarta. Siminaaro badan ayaa loo qorsheeyey 2024. “Dadka kaqeybgalay siminaarada waxay barteen waxkasta oo kusaabsan waxa ay yihiin koronto ku shaqeynta iyo kaarboon dhimista,” ayuu yiri Gabb. “Waxa ay barteen sida kor loogu qaado tayada hawada iyo dahaaridda si ay gurigooda uga dhigaan mid aad ugu habboon kulleylaha iyo qaboobaha. Waxaan sidoo kale dulmarnay noocyada kala duwan ee lacag-celinta la heli karo.” Il kale oo lacag-celinta ah waa Sanduuqa Waxqabadka Cimilada. In kabadan 40 dadka deggan Edina ah iyo mulkiilayaasha ganacsiyada ayaa ka faa’iideystay sanduuqa sanadki la soo dhaafay, iyadoo wadar dhan $51,342 ay aaday mashaariicda casriyeynta tamarta. Ilaa $1,000 iyo $2,000 oo loogu talagalay dhismayaasha ganacsiga, warshadaha ama kuwa qoysaska badan ay deggan yihiin ayaa loogu deeqi karaa xagga mashaariicda sida rakibista soolarka cadceeda ee saqafka sare ama hagaajinta dahaarka. Koboca Isweydaarsiga Dharka ee Magaalada ayaa ahaa guul kale sanadki 2023. Ku dhawaad 500 oo xubnaha bulshada ah ayaa isdhaafsaday in kabadan 3,300 rodol oo dhar iyo kabo ah, iyadoo 875 rodol oo dheeraad ah loogu deeqay Halyeeyada Naafada Mareykanka ee Minnesota. Marka la barbardhigo, sanadki 2022, 300 oo xubnood oo bulshada ka tirsan ayaa kala baddashay qiyaastii 1,500 rodol oo dhar iyo kabo ah. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 13 (ku sii socota bogga xiga) “Dib u isticmaalka ayaa ah mid kamid ah ahmiyadaha sare ee gobolka, degmada iyo Magaalada. Ma jiraan barnaamijyo kale oo badan sida Isweydaarsiga Dharka oo ka faa’iideysta dib u isticmaalka magaalada,” ayey tiri Isku Duwaha Dib u Warshadeynta Waxyaabaha Dabiiciga ah Twila Singh. “Intaa waxaa dheer, kani waa mid kamid ah barnaamijyo tiro yar oo ay dadku si bilaash ah u sameyn karaan, mana jiro waajib saaran dadka si ay wax u keenaan. Ma jiraan goobo badan oo ay dadku waxyaabo bilaash ah ku sameeyaan maalmahaan.” Qorshaha Waxqabadka Cimilada hadda wuxuu weli marayaa Wajiga 1aad, kaasoo sii jiraya ilaa 2024. Wajiga 2aad waxa uu dhici doonaa laga bilaabo 2025 ilaa 2027, iyadoo uu ku xigsan doono Wajiga 3aad laga bilaabo 2028 ilaa 2030. Inta dhex lagu sii jiro, Magaaladu waxa ay lasocon doontaa horumarka iyadoo isticmaaleysa natiijada ka imaada daraasada liiska ilaha gaasaska hawada kusiidaaya kaas oo laqabto sanad waliba. Ficilada loo doortay qorshaha waxay ku saleysan yihiin cilmiga cimilada waxaana loo habeeyey Edina iyadoo lagu salaynayo talada bulshada. Waxay ku habaysan yihiin qaybahan soo socda: Gaadiidka & Isticmaalka Dhulka, Biyaha & Biyaha Wasakhda ah, Dhismayaasha & Tamarta, Cunnada Maxalliga ah & Beeraha, Bannaanka Cagaaran & Geedaha, Caafimaadka Cimilada & Badbaadada, Dhaqaalaha Cimilada, Tallaabooyinka Wax Isdhaafsiga iyo Maareynta Qashinka. Dadweynaha waxaa lagu boorinayaa inay la socdaan horumarka qorshaha iyada oo la adeegsanayo Madasha Horumarka Qorshaha Waxqabadka Cimilada barta Bit.ly/ClimateActionPlan-Edina. Si aad wax badan ooga ogaatid Qorshaha Waxqabadka Cimilada ama dadaalada nagaanshaha ee Magaalada, booqo EdinaMN.gov/Sustainability.Sawir FaylInkastoo ay xoogaa qabow ahayd bishi Abriil, Isweydaarsigi Dharka ee 2023 ayaa lahaa kasoo qeybgalki ugu wanaagsanaa abid. Dhar Isweydaarsiga xiga waxaa loo qorsheeyey bisha May 9 in uu ka dhaco garoonka Braemar Arena. 14 •LAXIRIIRA MAGAALADA Warbixinta Horumarka 2023 Tamarta La Cusbooneysiin Karo: Magaaladu waxay ka dhabaysay ballanqaadkeedi in 100% koronto la cusbooneysiin karo u hesho hawlaha dawladda hoose. Sanadki 2023, Magaaladu waxay rukumatay 12 milyan kWh oo tamarta la cusbooneysiin karo ah iyada oo u mareysa barnaamijka Renewable*Connect ee shirkadda Xcel Energy. Cusbooneysiinta Tamarta Dhismayaasha Magaalada: Horumarino tamarta ah ayaa ka socda Hoolka Magaalada Edina. Baaritaan lagu sameeyey waxtarka qalabka farsamada, korontada iyo tuubooyinka ayaa lagu ogaaday in soolarrada cadceeda ee Hoolka Magaalada ay gaareen dhammaadka cimriga waxtarkooda una baahan yihiin dib u qaabeyn iyo ballaarin dhammeystiran. Marki la rakibo dabayaaqada 2024, waxay soosaari doonaan ku dhawaad 50% oo kamid ah baahiyaha tamarta sanadlaha ah ee dhismaha. Siyaasadda Dhismayaasha Waara: Afar mashaariic horumarin ah ayaa la ansixiyey sanadki 2023 oo u hoggaansamaya Siyaasadda Waaritaanka ee Dhismaha, oo ay ku jiraan Saldhig Dabdemis 2aad oo cusub iyo The Finch. Siyaasadda, oo la dhaqangeliyey 2022, waxay kaga baahan tahay horumariyeyaasha doonaya hindiseyaasha Magaalada, sida horumarinta qeybta la qorsheeyey (PUD) ama maalgelinta canshuur kordhinta (TIF), inay raacaan tilmaamaha waaritaanka dhismaha. Sanduuqa Waxqabadka Cimilada: Barnaamijka kharash-wadaaga ah waxa uu lacag u celiyey 41 dadka deegaanka ah iyo mulkiilayaasha ganacsiyada ee kharashaadki uga baxay mashaariicda tashiilka tamarta ama rakibaadda soolarada cadceeda ku shaqeeya ee saqafka korkiisa la saarto. Wadar dhan $51,342 ayaa ku aaday mashaariicdaan bulshada. Sanadka 2024, barnaamijkani waxa uu eegayaa inuu ballaariyo iyadoo ay ugu wacan tahay Xeerka Yareynta Sicir Bararka. Magaaladu waxay filaysaa isbedel yar oo ay ku sameyso qadarka lacag-celinta iyo ku darista baskiilada korontada ku shaqeeya. Qiimaynta Tamarta Deegaanka iyo Ganacsiga: Magaaladu waxaa ay taageertay 47 qiimeyn oo tamarta ganacsiga ah iyo ku dhawaad 200 oo qiimeyn oo tamarta guryaha ah iyada oo loo marayo Sanduuqa Ilaalinta iyo Nagaanshaha, oo ay soo saaraan khidmadaha gelitaanka adeegyada guryaha. Labo siminaar oo Waxkasta Koronto laga dhigo ayaa la qabtay. Ayaa Midkood Socda ama La Dhammeystiray ee wadarta guud ee 46 ugu dambeyn 2030 16 TALLAABO Dhismayaasha & Tamarta Mashruuca Dhismaha Kaabeyaasha Daadka ee Morningside: Mashruuca injineerinka waxaa la dhammeeyey xagaagi 2023 waxa uuna ka dhigi doonaa Xaafada Morningside mid aad ugu adkeysata daadadka. Dhir badan oo wadani ah ayaa lagu tallaalay aagga mashruuca. Biyaha & Biyaha wasakhda ah Ayaa Midkood Socda ama La Dhammeystiray ee wadarta guud ee 20 ugu dambeyn 2030 10 TALLAABO WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 15 Khidmadda Bacda Wax Lagu Qaato: Qorshaha Waxqabadka Cimilada ee Magaalada ayaa leh yool qashinka looga yareynayo Edina. Qeyb kamid ah hadafkaas ayaa waxaa kamid ah dhiirigelinta siyaabo deegaanka u roon oo badan oo lagu dukaameysto. Laga bilaabo Juulaay 1, ganacsiyada badankooda ee ku yaala Edina waxay ka qaadi doonaan 5 senti bac kasta oo wax lagu qaato. Haddii aad la timaado bacdaada marka aad dukaameysaneyso, waxaad caawineysaa labaduba jeebkaaga iyadoo aan wax lacag ah lagaaga qaadeynin bacda wax lagu qaato iyo meeraha adiga oo aan isticmaaleynin baco badan. Wareegtadu waxaa ay khuseysaa ganacsatada iyo tafaariiqleyda ee iibiya ama bixiya badeecadaha, alaabaha ama agabka. Cuntada tabarucaada ah iyo goobaha cuntada ee ruqsada haysta sida maqaaxiyaha iyo gawaarida xamuulka ee raashinka ayaa laga dhaafay. Khidmadda 5-ta senti ah ma khuseyso bacaha qaarkood, sida kuwa wax lagu soosaaro, badeecadaha duban ama kuwa daawooyinka la isku qoro. Barnaamijka Wacyigelinta Ganacsiga Cagaaran: Toddobo ganacsiyo oo kale oo Edina ka hawlgala ayaa loo magacaabay in ay yihiin “Ganacsi Cagaaran” sanadki 2023. Xarunta Dukaameysiga ee Galleria ayaa ku jirtay heerka “dahabiga.” Grandview Tire & Auto, Redline Property Partners, Minneapolis Area REALTORS, Stranger & Co., iyo Paragon Pilates iyo Physical Therapy ayaa loo magacaabay heerka “qalinka.” Lush Cosmetics ayaa ku jirtay heerka “naxaasta.” Sideed ganacsi ayaa loo magacaabay Ganacsi Cagaaran sanadki 2022. Ayaa Midkood Socda ama La Dhammeystiray ee wadarta guud ee 14 ugu dambeyn 2030 Tallaabooyinka Wax Isdhaafsiga Munaasabada Kala Beddelashada Dharka: Magaaladu waxay martigelisay munaasabadeedi labaad ee Dhar Iswaydaarsiga Bulshada ee maalinta la xuso Dhulka ee bisha Abriil si ay gacan uga geysato inay dharka ka ilaaliso in la geeyo meelaha qashinka lagu qubo. Qashinka Dabiiciga: 7500 York ayaa si guul leh u hirgelisay barnaamij tijaabo ah oo loogu talagalay dib u warshadeynta qashinka dabiiciga ah ee qoysaska badan. Iyadoo gacan laga helayo Guddiga Qashinka Dabiiciga ah ee 7500 York, 65 fillo ayaa isu qoray inay kaqeybqaataan barnaamijka. Saddex goobood oo dadweyne oo qashinka la geeyo ayaa la furay 2023. Goobaha ku yaala Xarunta Waayeelada Edina, Beeraha Bulshada iyo Centennial Lakes Park waxay u oggolaadaan dadka deggan dabaqyada in ay kaqeybqaataan dib u warshadeynta qashinka. Maareynta Qashinka Ayaa Midkood Socda ama La Dhammeystiray ee wadarta guud ee 24 ugu dambeyn 2030 (ku sii socota bogga xiga) TALLAABO 14 TALLAABO 16 •LAXIRIIRA MAGAALADA Bredesen Park: Magaaladu waxay lacag $1 milyan kudhow ka heshay Waaxda Khayraadka Dabiiciga ah ee Minnesota si ay u soo celiso Bredesen Park una beddesho geedaha dambaska ee uu burburiyey Bahalka Geed Dambaska Duleeliya. Dhaqangelinta deeqaha waxay dhici doontaa 2024 ilaa 2026. Hindisaha NextGen Trees Initiative: $100,000 ee ka imaatay sanduuqa Xeerka Qorshaha Samata-bixinta Maraykanka (ARPA) ayaa loo qoondooyay hindisaha NextGen Trees. Labadi sano ee la soo dhaafay, 1,100 geed ayaa lagu beeray Edina. Dhaashboodhka Geedaha NextGen waxa uu muujinayaa khariiradda halka geedaha lagu abuuray, nooca geedaha iyo tirada inta la abuuray. Khariiradda Kahel barta EdinaMN.gov/Maps. Xeerka Caws-gaabinta: Golaha Deegaanka Edina waxay ansixiyeen xeer cusub oo caws-gaabinta ah oo u oggolaanaya caws dheeraad ah oo kaweyn oo faxliyaha u roon. Xeerku waxa uu khafiifiyey xadadka joogga ee dhirta sanadka oo dhan, wuxuuna hakiyey dhaqangelinta bisha May si waafaqsan yoolalka Caws-jarid Maya Bisha May. Barnaamijka Lawns2Legumes ee Guddiga Biyaha iyo Khayraadka Ciidda ee Minnesota waa kheyraad weyn oo lagu bilaabi karo deyr si aad ah ugu roon faxliyaha. Waxbadan ka ogow bwsr.state.mn.us/l2l. Mashaariicda Aagagga Dabiiciga ah: • La dhammeeyey - Mashruuca biyaha daadadka ee Dhasheegga Lynmar; Mashruuca Kaabayaasha Daadka ee Morningside Wajiga 3 dib u soo celinta muuqaalka dhulka • Socda - Dib u soo celinta Sagaal Mayl oo ah Dhirta Ka Baxda Hareeraha Marin-biyoodyada; Dib u soo celinta muuqaalka Dhabbaha Wooddale • La Naqshadeeyey - Mashruuca dib u soo celinta Bredesen Park dib u soo celinta muuqaalka dhulka; dib u soo celinta iyo xoojinta Braemar Park iyo Fred Richards Park Ayaa Midkood Socda ama La Dhammeystiray ee wadarta guud ee 24 ugu dambeyn 2030 Bannaanka Cagaaran & Geedaha Qorshaha Waxqabadka Isku Socodka Badbaadada ah Loona Siman Yahay: Magaaladu waxay $200,000 ka heshay Waaxda Mareykanka ee Gaadiidka si ay u sameyso Qorshaha Waxqabadka Isku Socodka Badbaadada ah Loona Siman Yahay si kor loogu qaado badbaadada wadooyinka oo Edina looga dhigo goob ku wanaagsan in baaskiil lagu wado, lagu socdo oo bas lagu raaco. Magaaladu waxay $50,000 oo dheeraad ah ku bixin doontaa qorshaha oo ay bilaabeysaa wacyigelinta bulshada sanadka 2024 dhexdiisa. Gaadiidka Korontada Ku Shaqeeya: Afar gaari oo koronto ku shaqeeya iyo saddex gaari oo isku-dhaf ah ayaa lagu daray raxanta Magaalada Edina sanadki 2023. Isticmaalka Gaadiidka & Dhulka Ayaa Midkood Socda ama La Dhammeystiray ee wadarta guud ee 28 ugu dambeyn 2030 7 TALLAABO Xusuusin: Qeybaha Cuntada Deegaanka & Beeraha, Caafimaadka Cimilada & Badbaadada iyo Dhaqaalaha Cimilada waxa ay bilaaban doonaan sanado dambe.) 7 TALLAABO 28 WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 17 Hindiseyaasha Magaalada Laga Bilaabo 2022-2023 Ayaa u Gogol Xaaraya Adeegyo iyo Tas-hiilaad Bulsho oo Cusub Waxaa qoray Brittany Bader Qorshaha Shaqada Miisaaniyadda ee 2022-2023 waxaa kamid ahaa 33 mashruuc guud ahaan afarta tiir ee Magalaada ee ah xaqiijinta aasaaska xoogan, adeeg la isku halayn karo, magaalo lagu noolaan karo iyo in laga dhigo mid ku wanaagsan wadajirka gudaha Edina. Maalgelinta beeraha nasiinada iyo tas-hiilaadka beeraha; naqshadeynta saldhig dabdemis oo cusub; dhammeystirka mashruuca yareynta khatarta daadadka; kor u qaadista isku halleynta nidaamka nalalka waddooyinka; kordhinta guriyeynta la awoodi karo; iyo in lacagaha Xeerka Qorshaha Samata-bixinta Maraykanka (ARPA) loo adeegsado in lagu taageero ganacsiyada yaryar, lagu bixiyo kaalmada cuntada iyo kirada, lagu taageero ururada bulshada laguna abuuro in kabadan 1,000 geed ayaa un ahaa dhowr kamid ah natiijooyinki kasoo baxay qorshihi labada sano lagu hanweynaa. Dhowr hindise ayaa ku gadaamnaa abuurista goobo cusub ama la hagaajiyay oo dadweyne, taasoo loo turjumay siyaabo badan oo dadka Edina degani ay ugu raaxaysan karaan bulshadooda sanadaha soo socda. “Shaqadi la qabtay 2022 iyo 2023 waxay dhabtii u gogol xaartay horumarino la taaban karo oo la sameeyo 2024 iyo 2025,” ayey tiri La Shaqeeyaha Maareynta Magaalada Gillian Straub. “Dabayaaqadi 2023, Magaaladu waxay yeelatay awood ay ku ururiso in kabadan $70 milyan oo loogu talagalay horumarinada beerta nasiinada iyo garoonka, waxay naqshadeysay Saldhig Dabdemis oo 2aad oo ay kamid yihiin goob soo dhaweynta bulshada ah iyo Caafimaadka Dadweynaha, waxayna bilawday inay Degmada Hennepin kala hadasho Xarunta Farshaxanka inay kireysato maktabadeeda cusub. Sanadada 2024 iyo 2025, horumarinadaas iyo tas-hiilaadka ayaa qaabeyn doona magaalada.” Dhawr ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ayaa lagu faahfaahiyey boggaga soo socda iyadoo soo koobidda mashaariicda kale ay ku dhammeystiran yihiin Bogga 22. Aftida Canshuurta Iibka Xulashada Maxalliga ee Lagu Hagaajinayo Beeraha Braemar iyo Fred Richards Sheyga Qorshaha Shaqada: Qabo aftida canshuurta iibka xulashada maxaliga ee doorashada guud ee 2022. Haddii la ansixiyo, dhaqangeli natiijooyinka. Magaalada Edina waxa ay ku faantaa tayada in ka badan 40 beeraheeda nasiinada ah. Iyadoo tirada dadku ay kor u sii kacayso ayna sii kordheyso baahida loo qabo fursadaha madadaalada, Magaalada waxaa ka go’an in ay wax ka qabato baahiyaha ay dadka degani u aqoonsadeen inay ka jiraan beeraha nasiinada, tamashleynta iyo dhabbayaasha. Marki la dhammeystiro, qorshaha $71-ka milyan ah ee lagu maalgelinayo Braemar Park iyo Arena iyo Fred Richards Park ayaa bixin doona fursado madadaalo ah oo cusub, oo ay ku jiraan dhabbayaasha lagu wado baaskiilka, baaskiil ku wadista buuraha, kudul orodka barafka ee baadiyaha iyo adeegsiga dadka lugeynaya; garoomo cusub oo lagu ciyaaro, goobo bannaanka lagu wada cunteeyo iyo kulamada dibedda ah iyo barxadaha kubadda pickleball-ka; dayactirka kaabayaasha muhiimka ah ee Braemar Arena iyo ballaarinta si loogu daro lakab afaraad oo barafka gudaha ah; casriyeynta barxadda kubadda ee Courtney Fields; dib u soo celinta deegaanka dabiiciga ah iyo dhirta; iyo qaar kaloo badan. Bishii Nofeembar 2022, codbixiyeyaasha Edina waxay ansixiyeen afti loo adeegsanayo kalabar boqolkiiba iibka xulashada maxalliga ah oo canshuurta la adeegsado ilaa 19 sano si ay u maalgeliyaan mashaariicda labada beerood ee nasiinada. Xulashadan maalgelinta ah waxay la wadaagi doontaa saamaynta canshuurta dadka aanan deganayn ee ka iibsada alaabaha iyo adeegyada magaalada, halkii kaliya ay ahaan lahaayeen dadka hantida ku leh Edina. Intaa waxaa dheer, (ku sii socota bogga xiga) 18 •LAXIRIIRA MAGAALADA doorashadi Nofeembar 2023, codbixiyeyaashu waxay ansixiyeen in canshuurti iibka ee jirtay loo isticmaalo in lagu maalgeliyo ballaarinta garoonka Braemar Arena. Tan iyo markaas, kooxaha naqshadeynta waxa ay ka shaqeynayeen inay kala shaandheeyaan fikradaha oo ayna sameeyaan xirmooyinka u tartamidda qandaraaska dhismaha. Mashruuca dhabbaha ee ku yaala Braemar Park waxa ay naqshadiisu mareysaa 60% waxaana la bilaabay shaqada dib u soo celinta. Horumarinada Courtney Fields ayaa si buuxda loo naqshadeeyey waxaana la bilaabay shaqada xirmada nalalka. Fred Richards Park ayaa ay hadda naqshadeedu mareysaa 20%. Bulshadu waa in ay isha ku haysaa fursadaha kaqeybgalka bulshada ee mustaqbalka si ay u miisaamaan oo ay gacan uga geystaan jiheynta qeybaha mashruuca qaarkood, sida garoomada lagu ciyaaro, barxadaha kubadda pickleball-ka iyo adeegsiga tas-hiilaadka. Waxaa xusid mudan, dadweynaha waxaa lagu casuumi doonaa in ay dib u eegis ku sameeyaan oo ay faallo ka bixiyaan qaabka naqshadda la qaatay taasoo kadhaceysa fagaare furan iyo barta BetterTogetherEdina.org. Faahfaahinta waxaa lagu dhawaaqi doonaa marki la helo. Dhanka Braemar Park, dhismaha dhabbaha waxa uu dhici doonaa 2024, horumarinada Courtney Field ayaa la hirgelin doonaa 2024 iyo 2025 waxaana sii socon doona maareynta kheyraadka dabiiciga ah ilaa 2026. Dhanka Fred Richards Park, naqshadeynta, qandaraas u tartamidda iyo qaar ka mid ah dhismooyinka bilowga ah ayaa dhici doona 2024 iyadoo hagaajinada la filayo in la dhammeystiro 2025. Wajiga naqshadeynta ee ballaarinta Braemar Arena waxa uu bilaabmi doonaa 2024. “Mashruuc kasta waxa uu keeni doonaa waxyaabo cusub, xiiso badan oo gaar ah oo lagu kordhiyo beeraheena nasiinada ee Edina iyo nidaamyada dhabbaha,” ayey tiri Qorsheeyaha Beerta Nasiinada Rachel Finberg. “Tusaale ahaan, magaaladu hadda ma lahan dhabbo baaskiil lagu wado buuraha dushooda, marka taasi waa wax lagu farxo. Beerta Fred Richards, waxaan haysanaa fursad aan ku qabano mashruucan dib u soo celinta ah oo bulshada siin doona goob kale oo ay kaga agdhawaadaan dabiiciga.” Si aad waxbadan uga ogaatid shaqada laga qabtay mashaariicda beeraha nasiinada ee Braemar iyo Fred Richards, akhri maqaalka ku qoran bogga 31aad. Saldhiga Dabdemiska 2 Sheyga Qorshaha Shaqada: Hel goobta Saldhiga Dabdemiska 2. Go'aami habka/qorshayaasha maaliyadda. Dooro naqshadeeye mashruuc. Ansixi qorsheyaasha dhismaha si aad u xaqiijiso in dhismuhu qancinayo baahiyaha shaqaalaha Magaalada si ay u fuliyaan hawlgallo dabdemin 24-saac ah iyo EMS. Kudar goob xafiis oo loogu talagalay Qeybta Caafimaadka Dadweynaha oo kudhex taasha goobta Saldhigga 2aad. Saldhig Dabdemis oo 2aad oo cusub ayaa laga dhisayaa goob siddeed-accre ah oo ku taasha 4401 W. 76th St. waxa uuna hoy u noqon doonaa shaqaalaha dabdemiska/gurmadka degdegga iyo Qeybta Caafimaadka Dadweynaha, iyo sidoo kale goob Booqo xarunta Mashaariicda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta barta BetterTogetherEdina.org si aad ula socoto mashaariicda qorshaha horumarinta ee Braemar Park iyo Fred Richards Park iyo fursadaha kaqeybgalka ah ee la xiriira. Mashaariicda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta Eeg mashaariicda hadda ee beeraha nasiinada iyo tamashleynta ee Edina oo faallo ka bixi. Eeg Mashaariicda https://www.bettertogetheredina.org WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 19 bulsho. Dhismaha waxaa la filayaa in uu bilowdo gu’ga oo la dhammeystiro qaboobaha. “Marki aad eegto khariiradda, waxaad arki doontaa in saldhigga cusub uu ku yaalo si aad ah ugu duruqsan yahay galbeedka marka loo fiiriyo kan hadda, marka daboolisteena gudaha magaalada Edina ayaa la ballaariyey oo waqtiyada ka jawaabista ee la saadaaliyey waxay noqon doonaan kuwo si aad ah loogu siman yahay magaalada oo dhan,” ayey tiri Maareeyaha Mashruuca Zuly Marquez. “Saldhigga cusub waxa uu bixin doonaa helitaan weyn iyo aragtida adeegyada muhiimka ah iyo meel cagaaran oo dheeraad ah oo loogu talagalay dadweynaha ku sugan goobtaas.” Dhismaha cusub waxa uu noqon doonaa qiyaastii 33,600 cagood oo laba-jibbaaran oo labo dabaq oo isdulsaaran ah wuxuuna lahaan doonaa munaarad tababar oo shan biyaano ah. Waxaa sidoo kale kamid ahaan doona xalalka dhismaha ee waaritaanka sida soolarrada cadceeda, ceelasha kuleylka gudaha dhulka iyo dhireynta wadaniga ah. Saldhigu waxa uu ku fadhiisan doonaa ku dhawaad saddex meelood meel kamid ah goobta, iyadoo mashaariicda kale loo tixgelinayo dhulka haray. Inkastoo Saldhiga Dabdemiska 2aad ee hadda jira uusan ku filneyn in uu daboolo baahiyaha heerka adeegga dabdemiska/gurmadka caafimaadka ee loo baahan yahay ee bulshada oona la dhimi doono adeegsigaas marka saldhigga cusub la dhiso, Magaaladu waxa ay eegeysaa in dhismaha ay dib ugu qorsheyso in waxyaabo kale loo adeegsado. Si aad waxbadan uga ogaatid shaqada laga qabtay Saldhiga Dabdemiska 2aad, akhri maqaalka ku yaala Bogga 26. Mashruuca Dhismaha Kaabeyaasha Daadka ee Morningside: Sheyga Qorshaha Shaqada: Hirgeli Mashruuca Dhismaha Kaabeyaasha Daadka ee Morningside. Mashruucan injineernimada hal-abuurka leh ee Magaalada ee la dhammeystiray 2023 waxa uu hoos u dhigay khatarti daadadka ee in kabadan 100 guri oo ku yaala Xaafadda Morningside ee geeska waqooyi-bari ee magaalada, taasoo leh aagag badan oo hooseeya oo aar-go’an ah oo u nugul fatahaadaha. “Waanu ogeyn in ay baahi dhab ah ka jirtay Xaafadda Morningside sababtoo ah waxa ay lahayd qaab-dhismeedyada ugu badan ee beylahda u ah fatahaadaha. Marka, markii ay xaafadu soogaartay dib u dhiska waddooyinka, waxa ay u noqotay fursad in tani wax laga qabto,” ayey tiri Maareeyaha Kheyraadlka Biyaha Jessica Wilson. Dhismaha mashruuca $12.5 milyan waxa uu bilowday 2022 waxaana la soo gaba-gabeeyey xagaagi 2023. Ku xiridda mashruuca ee dib u dhiska wadada xaafada ee sii qorsheysnaa ayaa dhimay kharashka iyo carqaladeynta xaafada. Mashruuca waxaa kamid ahaa dib u simista wadooyinka, ballaarinta iyo hagaajinta nidaamka bullaacada biyaha iyo bixinta gaadiidka looga gudbo biyaha fatahaada iyada oo la adeegsanayo biyo shub cusub oo mara Weber Park. Keydinta daadadka ee Dhasheegga Weber waxaa ku kordhay afar jibbaar halka keydka daadadka ee aagga ay ku fakadaan ee Lynn/Kipling labo jibbaar la weyneeyey. Sawirka la soo gudbiyeyNaqshad muujineysa Saldhiga Dabdemiska 2aad ee cusub ee geeska koonfur-bari ee booska.(ku sii socota bogga xiga) 20 •LAXIRIIRA MAGAALADA Astaanta u gaarka ah waa ku darista nidaamka saadaasha bamgareynta si uu u kordhiyo keydka daadka uu qaado ee Dhasheegga Weber. 15-kii daqiiqo oo kastaba, nidaamka bamka waxa uu aruuriyaa xogta waqtiga-dhabta ah ee ku saabsan saadaasha cimilada isagoo adeegsanaya khadka ateenada. Haddii duufaan weyn la saadaaliyo, nidaamku waxa uu dhimaa heerka biyaha ee ku jira dhasheegga si uu u abuuro keyd qaadi kara biyaha fatahaada sida uu sameyn jiray mashruuca kahor, biyaha waxa intaa kadib lagu toosiyaa Bde Maka Ska ee Minneapolis, kaliya goor hore. “Kahor marka duufaan la saadaaliyo, haddii dadku ay eegaan heerka biyaha ku jira Weber Pond, waxay arki karaan hoos u dhac weyn oo dhowr cagood ah,” ayey sheegtay Wilson. Marka la eegayo dhacdooyinka duufaan ee waaweyn – dhacdooyinka u dhaxeeya daadadka 10-sano iyo 100-sano – mashruucan kaabayaasha ah ayaa hoos u dhigay khatarta fatahaadda ee 138 dhismo wuxuuna gebi ahaanba meesha ka saaray khatarta ilaa 30 dhismo. Beerta Weber Park waa beer bulsho oo aad loo qiimeeyo, marka laga yimaado faa’iidada aasaasiga ah ee dhimista khatarta fatahaadda, geedaha qalaad ee dhafaruurka iyo garlic mustard ayaa laga saaray iyada oo qeyb ka ah hagaajinta caafimaadka deegaanada dabiiciga ah. Xoojinta beerta waxaa kamid ah: • Dib u soo celinta kheyraadka dabiiciga ah, oo ay ku jiraan: ◦Beerista in kabadan 2,500 oo geedo iyo dhir yaryar ah ◦Abuurista in kabadan 6,600 oo dhirta abaar-moogga ah ◦Ku kordhinta tiirarka uu maro qubaha • Dhabbooyin dabiici ah oo cusub iyo isgoysyada buundooyinka • Lugeynta gelitaanka beerta oo la hagaajiyay oo leh dhabbo waafaqsan ADA • Garoomada ciyaaraha oo dib loo dhisay oo leh caws cusub iyo nidaamyada waraabka Wilson ayaa sharraxday in beerta Weber Park ay ku biiri doonto kaalimaha mid ka mid ah aagagga dabiiciga ah ee ugu caafimaadka badan magaalada oo ay weheliso Arden Park iyo Fagaaraha Goolofta ee Braemar, oo ah labo goobood oo sidoo kale soo maray dib u soo celinta deegaanka dabiiciga ah 10-ki sano ee la soo dhaafay. “Dib u soo celinta dabiiciga waxa ay qaadataa dhowr sano in ay gaarto quruxdeeda dhammeystiran. Dhirtu waxa ay hadda mareysaa marxaladi qaangaarka waxayna u muuqan doontaa teel-teel sanadka 2024. Balse sanadka 2025, waxaan dheefsan doonaa dhammaan faa’iidooyinka xoogi aan galinay. Waxaan arki doonaa sare u kac ku yimaada deegaanka wuxuuna noqon doonaa mid qurux badan,” ayey tiri Wilson. Si aad waxbadan uga ogaatid mashruuca Dhismaha Kaabeyaasha Daadka ee Morningside, booqo BetterTogetherEdina.org/morningside. Sawir LagudbiyayIyadoo qeyb ka ah mashruuca kaabayaasha, tas-hiilaadka beeraha sida dhabbaha dabiiciga iyo buundoyinka lagu gudbo ayaa lagu kordhiyey Weber Park. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 21 Maxaa Xiga 2024-2025 Qodobada Ugu Muhiimsan Qorshaha Shaqada Miisaaniyadda 2024-2025 waxaa kamid ah: • Sii wadista horumarinada beeraha nasiinada ee Braemar Park iyo Arena iyo Fred Richards Park • Qorsheynta Xarun Farshaxan oo cusub iyo barnaamij u dejin • Ballaarinta awoodda qaadista bullaacada Aagga Cahill • Xulashada goobta iyo qorsheynta Saldhig Dabdemis 3aad oo cusub • Horumarinada gaadiidka aagga Grandview • Ballaarinta awoodda qaadista bullaacada York Avenue • Aqoonsiga kheyraadka iyo tababarka loogu talagalay ka jawaabista wicitaanada caafimaadka dhimirka • Qorsheynta doorashooyinka Dugsiyada Dadweynaha Edina ee 2025 iyo kadib • Daraaseynta saameynta fasixidda THC/xashiishka • Ka taageerista shaqaalaha ee baahiyaha badqabka iyo PTSD • Sii amba qaadista yoolalka guryaha la awoodi karo • Diyaarinta warbixinta Qorshaha Dhammeystiran • Qabashada xog-ururinta Tayada Nolosha ee 2025 • Kala shaandheynta hababka kaqeybgalka bulshada Sida Loo Raaco Horumarka Qorshaha Shaqada Horraanti 2023, Magaaladu waxay daahfurtay Madasha Horumarka, boggaga daahfurnaanta onlaynka halkaas oo ay dadweynuhu kala socon karaan horumarka qorshaha shaqada ee Magaalada iyo Guddiga. Madasha Horumarka waxaa hadda kamid ah boggag loogu talagalay Qorshaha Shaqada Miisaaniyadda, Qorshaha waxqabadka Cimilada, Qorshaha Isirka & Sinnaanta iyo qorshayaasha shaqo ee Guddiga La-talinta. Shaqaaluhu waxay akhbaar cusub bixiyaan saddexdii biloodba mar. Si aad u eegto Madasha Horumarka ee Qorshaha Shaqada Miisaaniyadda, booqo Bit.ly/EdinaBudgetWorkPlan. (ku sii socota bogga xiga) Tiirarka: Miisaaniyadda: Mu’asasad Xoogan Kaabayaasha Magaalada, tashiilaadka, farsamada iyo qalabka waxa ay daboolayaan baahiyaha bulshada ee hadda iyo kuwa mustaqbalkaba. Adeeg La isku Halayn Karo Adeegyada Magaalada waxa ay kor u qaadaan badbaadada, badqabka iyo tayada nolosha ee Edina. Magaalo lagu Noolaan karo Qorsheynta Magaaladu waxa ay kobcisaa caafimaadka, horumar isku xiran, oo waara oo kobcinaya nolosha dadka hadda deggan iyo kuwa mustaqbalka. Ku wanaagsan wadajirka Dawladda Magaaladu waxa ay kobcisaa bulsho loo dhan yahay, xog-ogaal iyo hawl-kar ah. 22 •LAXIRIIRA MAGAALADA Qorshaha Mustaqbalka Fog ee Xarunta Farshaxanka Bishi Sibteembar 2023, Magaaladu waxay warqadda heshiiska damacsanaanta la gashay Degmada Hennepin si loogu daro goob la kireysto oo loogu talagalay Xarunta Farshaxanka Edina oo ku taasha dabaqa labaad ee dhismaha cusub ee Maktabadda Southdale, oo laga dhisi doono goobta maktabadda dhisan ay ku taasho ee 7001 York Ave. S. Dhismaha waxaa loo qorsheeyey in la bilaabo bartamaha-2025 uuna dhammaado Gu’ga 2027. Nidaamka Nalalka Wadooyinka & Qorshaha Dayactirka Bishi Sibteembar 2023, Golaha Magaaladu waxay ansixiyeen kordhinta khidmadda lagu galo adeegyada guryaha ee 2024, iyadoo inta badan dakhliga dheeraadka ah ee soo xarooda lagu hagaajinayo xagga dayactirka nalalka wadooyinka magaalada oo gaaraya ilaa 3,000. Si kor loogu qaado isku halleynta nidaamka nalalka wadooyinka Edina, Magaaladu waxa ay qorshaynaysaa in ay kordhiso heerka nalalki hore lagu badalayo iyo kala guurka lahaanshaha dhamaan marka laga reebo kuwa ku yaala tas-hiilaadka beeraha iyo madadaalada iyo degmooyinka 50th & France iyo Grandview oo la hoos geynayo Xcel Energy in ka badan 25 sano. Canshuur Soo Rogista Qorshaha Horumarinta Raasamaalka $2-da milyan ee Canshuur Soo Rogista Qorshaha Horumarinta Raasamaalka (CIP) ee 2024 ayey bishi Diseembar 2023 ansixiyeen Golaha Magaalada waxaana lagu maalgelin doonaa mashaariicda sida ilaalinta hantida, amniga iyo hufnaanta dhismaha Aqalka Dawladda Hoose, keydinta qalabka doorashada, iyo casriyeynta nidaamyada loogu talagalay kormeerka dhexe ee qorshaysan iyo adeegyada goobta ee diridda 911. Golaha Magaaladu waxay sidoo kale meelmariyeen siyaasadda kordhinta Canshuur Soo Rogista CIP iyadoo canshuuro ku rogisti deymaha ay dhacayaan. Xeeladaha Guriyeynta La Awoodi Karo Ayaa Ka Faa’iidaya Sanduuqa Aaminaada Guriyeynta Iskaashi cusub oo lala yeelanayo Twin Cities Habitat for Humanity ayaa la sameeyey si ilaa lix guri loogu ilaaliyo lahaansho la awoodi karo oo mustaqbalka fog ah. Iskaashigi ay Magaalada kula jirtay Homes Within Reach ayaa la dheereeyey si loogu oggolaado ugu yaraan saddex fursadood oo dheeraad ah oo lahaanshaha la awoodi karo ah. Labo mulkiilayaasha guryaha ah ayaa saxiixay barnaamijka ilaalinta 4d waxayna maalgelin ka heleen barnaamijka Deeqda Adkeysiga Guryaha si ay guryahooda kirada aad ugu tashiilaan tamarta. Lacagaha Maalgelinta Kordhinta Canshuurta (TIF) Magaaladu waxa ay ansixisay qorshe maalgelin lagu bixinayo lacagaha TIF ee yaala si kor loogu qaado koboca iyo dib u maalgelinta gudaha Edina. Siyaasadda maamuleysa isticmaalka TIF ayaa sidoo kale la cusbooneysiiyey si ay uga turjumto dhaqanka ugu wanaagsan loona xaqiijiyo in dheefaha dadweynaha la bixin karo marka TIF la isticmaalo. Mashruuca/Hindisaha Cusbooneysiinta Tiirka Miisaaniyadda Warbixinada Kale ee Mashruuca ee Ka Socda Qorshaha Shaqada Miisaaniyadda 2022-2023 WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 23 Mashruuca/Hindisaha Cusbooneysiinta Tiirka Miisaaniyadda Kordhinta Kaqeybgalka Barnaamijka Qashinka Dabiiciga Kaqeybgalka dib-u-warshadaynta waxyaabaha dabiiciga ah ayaa sare u kacay ku dhawaad 2% sanad kasta tan iyo inti uu bilowday barnaamijku. Kaqeybgalka guryaha qoysaska badan ayaa sii ah aag diirada la saaro Magaaladuna waxay kaalmo ka bixisay 94 guri waxayna soo gaba-gabeysay afar barnaamij tijaabo oo goobta ah sanadki 2023. Intaa waxaa dheer, Magaaladu waxay furtay saddex goobood oo dadweyne oo qashinka dib-u-arshadeynta la geeyo. Fulinta Maalgelinta Xeerka Qorshaha Samata-bixinta Maraykanka (ARPA) Magaaladu waxay qabatay $4.9 milyan oo maalgelinta ARPA ah oo ay ka heshay dowladda federaalka si ay u bixiso kaalmo ku saabsan cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo ay sare ugu qaaddo dhaqaalaha. Magaaladu waxay dooratay inay soosaarto labo qorshe oo kala gaar ah oo lagu kharashgareeyo lacagta, lagana soo bilaabo Oktoobar 2023, $2.386 milyan oo kamid ah $4.9 milyan ayaa la isticmaalay, inta soo hartayna waxay ku qasbanaadeen in la isticmaalo. Sababaha taageerada waxaa kamid ah: • Kaalmo ganacsi oo loogu talagalay Rugta Ganacsiga, Ururka Ganacsiga & Xirfadda ee 50th & France iyo Tiyaatarka Edina • Taageerada ganacsiyada yaryar iyadoo la adeegsanayo Barnaamijka Kaalmada Farsamada (TAP) • Kaalmada kirada iyo cuntada iyada oo la adeegsanayo Mutadawiciinta Qoran si ay u Caawiyaan Dadka (VEAP) • Ballaarinta Kaalmada Caafimaadka Maskaxda • Barnaamijka Edina LETRS, oo loogu talagalay in uu tababar tacliimeed siiyo ardayda • Barnaamijka Edina Give and Go si uu uga caawiyo ardayda Dugsiyada Dadweynaha Edina inay iska bixiyaan farshaxanka, tacliinta ama hawlaha ciyaaraha fudud • Hindisaha Geedaha ee NextGen, kaasoo lagu tallaalay in kabadan 1,000 geed oo noocyo kala duwan ah guud ahaan Edina • Kafaala-qaadida khad intarneed oo xawaare sare leh oo loogu talagalay dadka deggan Edina ee uqalma iyada oo loo marayo barnaamijka Aasaaska Intarneedka ee Comcast • Horumarinada raasamaalka bulshada ee Beeraha Nasiinada ee Centennial Lakes iyo Edinborough • Mashruuca tijaabada shabakada kaamiradaha ammaanka bulshada ee 50th & France • Hawlaha dawlada hoose, oo ay ugu horreeyaan magdhowga shaqaalaha, tababarka, taageerada iyo hawlgallada Si aad wax badan uga ogaato isticmaalka Magaalada ee maalgalinada ARPA, booqo BetterTogetherEdina.org/arpa. Sahanka Tayada Nolosha Xog-ururinta Tayada Nolosha ayaa la sameeyey Gu’gi 2023. 93 boqolkiiba jawaab bixiyaasha ayaa ku qiimeeyay tayada nolosha Edina mid "aad u fiican" ama "wanaagsan." Marka la eegayo isbarbardhigyada halbeegga ah, Edina waxay Kaalinta 1aad ka gashay baraf xaaqista, adeegyada ambalaasta ama gurmadka caafimaadka ee degdegga ah, adeegyada dabdemiska, ka hortagga dabka iyo waxbarashada, iyo dhacdooyinka gaarka ah ee ay magaaladu taaba-geliso marka loo barbardhigo bulshooyinka kale ee Minnesota ee isla su’aalaha sahanka la weydiiyey. 24 •LAXIRIIRA MAGAALADA Ganacsatada oo Lacag Ka Qaadaysa Bacaha Laga Bilaabo Juulaay 1 Laga bilaabo saamarkan, ganacsiyada badankooda waxay ka qaadi doonaan 5 senti bac kasta oo wax lagu qaato. Qorshaha Waxqabadka Cimilada ee Edina ayaa leh yool lagu yareynayo qashin ururinta. Qeyb kamid ah hadafkaas ayaa waxaa kamid ah dhiirigelinta siyaabo deegaanka u roon oo badan oo lagu dukaameysto. Yoolkaas, Guddiga Tamarta & Deegaanka ayaa 2023 kula taliyey Golaha Deegaanka in ay meelmariyaan xeer uga baahanaya ganacsatada badankooda in ay lacag ka qaadaan bacaha wax lagu qaato. Xeerka, oo ku jira Cutubka 20, Qodobka 14 ee Xeerka Magaalada, ayaa dhaqangalaya Juulaay 1, 2024. Waxaa hoos ku qoran su'aalaha badanaa la iska weydiiyo xeerka cusub: Maxaa ay muhiim u tahay dhimista bacaha wax lagu qaato ee halka marka isticmaalo?In kabadan 1.3 milyan oo baco ah ayaa bishiiba laga qeybiyaa gudaha Edina, marka loo eego xisaabinta shaqaalaha Magaalada. Qaar badan oo kamid ah bacahaan dib looma isticmaalo ama si sax ah dib looguma warshadeeyo iyada oo loo marayo meelaha qashinka la geeyo ee ku yaala goobaha sida suuqyada. Taa beddelkeeda, bacaha balaastiga ah badankooda waxa ay ku dambeeyaan qashin-qubkeena, halka mararka qaar ay ku dambeeyaan marinada biyaha, nidaamyada biyo-shubka iyo meelaha cagaaran. Ganacsiyadee ayaa lacag ka qaadaya bacaha?Wareegtadu waxaa ay khuseysaa ganacsatada iyo tafaariiqleyda ee iibiya ama bixiya badeecadaha, alaabaha ama agabka gudaha Edina. Tani waxaa kamid ah, balse aanay ku koobneyn: • dukaamada raashinka • dukaamada dharka iyo alaabaha guryaha • dukaamada sandaqadaha ah • waratada • goobaha ciyaaraha/madadaalada Miyey jiraan wax ganacsiyo ah ama noocyo baco oo laga dhaafayo xeerka?Cuntada tabarucaada ah, barnaamijyada kaalmada cuntada, iyo goobaha cuntada ee ruqsada haysta (sida maqaaxiyaha iyo gawaarida xamuulka ee raashinka) ayaa laga dhaafay xeerkan. Khidmadda 5-ta senti ah ma khuseyso bacaha qaarkood sida kuwa wax lagu soosaaro, badeecadaha duban, kuwa daawooyinka la isku qoro ama bacaha uu la yimaado macmiilka. Muxuu xeerku u baahan yahay?Shuruuda ugu weyn ee xeerka ayaa ah in ganacasatadu ay ka qaadaan 5 senti bac kasta oo wax lagu qaato ee la siiyo macaamiisha laga bilaabo Juulaay 1, 2024. Iyadoo Magaaladu aysan qaadi doonin dakhligan, ganacsatada waxaa looga baahan doonaa sanadka kasta in ay Magaalada u soo sheegaan tirada iyo qiimaha khidmadaha bacaha wax lagu qaato ee laga qaaday macaamiisha. Yaa qaadanaya lacagaha la ururiyo?Khidmadda lacagta waxaa qaadi doona oo hayn doona mehradda ganacsiga. Khidmadahani waxaa loo isticmaali karaa in looga caawiyo ganacsiyada kasoo kabashada kharashka baco wax lagu qaato oo dheeraad ah oo waara iyo/ama agabka isgaarsiinta ee ay ku sharraxaan siyaasaddooda bacda ee u gaarka ah. Sidee ayaa sharciga loo dhaqangelin doonaa?Magaaladu waxa ay adeegsataa hab waxbarasho-koowaad ah waxayna gacan ka siin doontaa ganacsiyada sidii ay u buuxin lahaayeen shuruudaha xeerka. Magaalooyinka kale ee Minnesota ma leeyihiin shuruudan?Haa. Minneapolis iyo Duluth waxay kaga baahan yihiin ganacsatada in ay lacag ka qaadaan bacaha wax lagu qaato. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 25 Waatee bacda dib loo isticmaali karo ee ugu wanaagsan? Bacda dib loo isticmaali karo ee ugu wanaagsan waa midda horayba aad u haysato; fadlan si joogta ah u dhaq oo dayactir marki loo baahdo. Haddii aad u baahan tahay bac cusub, waxaa jira noocyo badan oo dib loo isticmaalo karo oo bacaha wax lagu qaato ah. Tan ugu muhiimsan, dooro mid la dhaqi karo oo la isticmaali karo ugu yaraan 100 jeer. Tusaalooyinka sheeyaasha bacaha ah ee waara dibna loo isticmaali karo waxaa kamid ah: • Dunta tolan sida dunta nayloonta, maryaha, PET dib loo warshadeeyey iyo jawaanada (jawaanada aan tolneyn iyo kuwa tolan) • Cudbiga ama cudbiga dib loo warshadeeyey • Dharka kale ee dabiiciga ah (sida jawaanada dunta, jute) Haamaha “Boomerang” ee loogu talagalay siinta iyo qaadashada boorsooyinka ee dadka deegaanka ayaa wada yaala magaalada, oo ay ku jirto Maktabadda Bulshada Edina. Waxaan adeegsadaa boorsada lugaha leh ee lagu dukaameysto. Ma sii wadi karaa isticmaalkeeda?Haa! Isticmaal habka kuugu fiican ee aad ku qaadan karto sheeyaasha aad soo iibsatay ama aad ka heshay mehradda. Marka laga yimaado boorsooyinka lugaha leh ee lagu dukaameysto, waxyaabaha kale ee beddelka u ah bacaha dib loo isticmaali karo waxaa kamid ah: • Boorsooyinka dhabarka • Danbiilaha sallada • Boorsooyinka baaskiilka • Caagaga adag ee wax lagu qaato • Sanaadiiqda kareetka Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan khidmadda bacda wax lagu qaato, booqo EdinaMN.gov/BagFee ama la xiriir Khabiirka Negaanshaha Matthew Gabb, mgabb@EdinaMN. gov ama 952-826-1611, ama Isku Duwaha Dib u Warshadeynta Waxyaabaha Dabiiciga ah Twila Singh, tsingh@EdinaMN.gov ama 952-826-1657. - Waxa soo ururisay Jennifer Bennerotte Xalka Sanadka Cusub ee Edina: La Imow Bacdaada Laga bilaabo bisha Juulaay 1, ganacsatada Edina waxaa looga baahan yahay in ay lacag ka qaadaan bacaha. Haddaba yeelo caado aad kula timaado bacahaaga marka aad dukaameysaneyso! Waxbadan ka ogow EdinaMN.gov/BagFee. 26 •LAXIRIIRA MAGAALADA Waaxda Dabdemiska Ayaa Qorsheyneysa inay ‘Goob Bulsho’ Dib ugu Qaabeyso Saldhiga Dabdemiska 2aad ee Cusub Waxaa qortay Reham Alemam Magaaladu waxay bilaabi doontaa Saldhigga Dabdemiska 2aad oo cusub dabayaaqada sanadkan. Magaaladu waxay iibsatay 4401 W. 76th St. iyadoo qorsheyneysa inay dumiso dhismihi ku yaalay goobta kana dhisto Saldhig Dabdemis cusub oo 33,578-cag oo laba jibbaaran ah, kaasoo sidoo kale ay kamid tahay goob loogu talagalay Qeybta Caafimaadka Dadweynaha ee waaxda. Saldhiga Dabdemiska 2 ee cusub wuxuu beddeli doonaa midka kuyaala York Avenue kaasoo aad uga yar inuu daboolo baahiyaha waaxda. Saldhiga Dabdemiska 2 ee hadda ee kuyaala York Avenue kaliya wuxuu bixiyaa adeegga ambalaasta taageerada nolosha ee horumarsan. Kaliya hal matoor dabdemis oo keyd ah ayaa goobta yaala, taasoo kadhigeysa aagga weyn ee Southdale in aan laga difaacin dabka, sida ay tilmaamayso daraasad ay 2019 sameeyeen Five Bugles Design. Daraasada oo ay Magaaladu qabatay waxay sidoo kale sheegtay in wicitaanada adeegyada xaaladaha degdegga ah ee niska bari ee magalaada la filayo in ay sii kordhaan. Saldhiga Dabdemiska ee cusub waxa uu ku yaali doonaa waaxda saddexaad ee waqooyi ee goobta ee 76aad. Barxadda baakinka ee hadda ku taasha qeybta koonfureed ayaa la dumiyey laguna beeray noocyo dhir wadani ah halka dhul-biyoodka ku yaala geeska koonfur-galbeed la ilaalin doono lana xafidi doono. Wajiyada mustaqbalka waxaa ku jiri kara qeyb-hoosaad loogu talagalay fursadaha horumarineed, oo ay ku jirto waddo cagaaran oo ku xiran nidaamka baakinka Magaalada. “Saldhig Dabdemis waa astaan ku taal magaalo kasta,” ayuu yir Madaxa Dabdemiska Andrew Slama. “Mashruuca Saldhiga Dabdemiska 2aad waxa uu abuuri doonaa astaan lagu aqoonsan karo xaafada iyo guud ahaan magaalada. Waxaanu ku faraxsanahay in aanu dhisno xarun si aad ah looga fakaray oo jawi shaqo oo badqaba u abuureysa shaqaalaheena si ay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan ka jawaabida xaaladaha degdegga ah ee magaalada.” Deyrti la soo dhaafay, Golaha Deegaanku waxa uu ansixiyey qorshe goobeed loogu talagalay mashruuca oo leh astaamo dheeraad ah oo kala duwan, joog dhismo gaaban oo dabaqa koowaad ah iyo is-aragti yar dabaqa koowaad ah oo ku aadan dhanka dadweynaha. Goluhu wuxuu sidoo kale ansixiyey wax ka beddelka xeerka si loogu oggolaado hay'adaha sida dowliga ah loo leeyahay iyo kuwa ka shaqeeya hay'adaha madaniga iyo dhaqanka ee Degmadda Warshadaha Qorshaysan halkaas oo uu dhismuhu ku yaalo. Iyada oo talo laga helayo dadweynaha iyo shaqaalaha iyo isha lagu hayo waaritaanka, fikir badan ayaa la geliyay naqshadda. Tilmaamaha waaritaanka waxaa kamid ah soolarrada cadceeda iyo laami biyuhu ka gudbi karaan. Shuraakada mashruuca waa Tegra Group, wakiilka milkiilaha; BKV, naqshadeeyaha mashruuca iyo injineerka; iyo Kraus-Anderson, maamulaha dhismaha. Maareeyaha Mashruuca Zuly Marquez ee Magaalada Edina, oo qeyb ka ah Qeybta Tas-hiilaadka ee Waaxda Injineerinka, ayaa kormeere ka ah mashruuca. Waxay ka jawaabtay su’aalaha qaarkood waxayna talo siisay mashruuca. Maxay tahay sababta loogu baahan yahay Saldhig Dabdemis 2aad oo cusub?Marquez: Saldhiga Dabdemiska 1aad ee u dhow Countryside Park waa xarunta ugu weyn ee shaqaalaha dabdemiska iyo gurmadka caafimaadka ee Edina. Goobta hadda ee Saldhiga Dabdemiska 2aad ee geeska koonfur-bari ee magaalada ayaa ku wanaagsan u adeegista bulshada, balse dhismaha iyo dhulka ayaa aad uga yar baahiyaha la saadaaliyey ee mustaqbalka. Saldhiga 2aad ee hadda ayaa xaddidan; waa uu yaryahay. Ma ahayn markii la nashqadeynayay, balse looguma talagalin in uu hoy u noqdo shaqaale dabdemis oo badan habeenkii. Marka, meeshaas waa ay ka bateen. Geeska koonfur-bari ee bulshadeena ayaa si laxaad leh u kobacday, taasoo sidoo kale ka dhigneyd kobac weyn oo ku WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 27 yimaada xajmiga wicitaanada. Dhismaha Saldhiga Dabdemiska 2aad ayaa hoy’ u noqon doona gawaarida iyo ka jawaabayaasha gurmadka si wanaagsan si ay uga jawaabaan baahiyaha aagga. Naqshadda ayaa sidoo kale u oggolaan doonta kobaca. Waa maxay adeegyada cusub ee ay bulshadu ku arki doonto Saldhiga Dabdemiska 2aad ee cusub?Marquez: Labadi sano ee la soo dhaafay, Qeybta Caafimaadka dadweynaha ayaa u guurtay Saldhiga Dabdemiska 1aad, saldhigaasna waxaa horey ugu sugnaa dad tiro badan. Marka, waxa ay doonayaan inay Qeybta Caafimaadka dejiyaan meel kabaxsan saldhiga damdemiska ee cusub oo leh awood-qaadis la kordhiyey. Saldhiga Dabdemiska 2aad waxa uu aad ugu muuqan doonaa bulshada isagoona leh goobo ay suuragal tahay in la isugu yimaado iyo fursado Beeraha Nasiinada & Tamashleynta lagu qabto munaasabadaha. Waxaa jira qorsheyaal ah in qol bulshadu ay ku kulanto lagu daro si ay u adeegsadaan. Waa maxay jadwalka dhismuhu? Marquez: • Dhul iibsiga - 2022 • Naqshadda, duminta iyo qandaraasyo u tartamidda - 2023 • Bixinta qandaraasyada - Febraayo 2024 • Dhagax dhiga - gu’ga 2024 • Dhammeystirka dhismaha - xilliga qaboobaha 2025 Immisa ayuu ku kacayaa dhismuhu?Marquez: Golaha Magaaladu waxay bixiyeen qandaraasyo dhismo oo gaaraya $24.1 milyan. Tani waxay wadarta miisaaniyadda mashruuca gaarsiineysaa $47.3 milyan, oo ay ku jiraan dhismaha, dhul-helidda, kharashaadka fudud (alaabta guryaha, qalabka lagu rakibo guryaha, dhisidda guud iyo qalabka xarunta dabdemiska), iyo lama filaanka milkiilaha. Yaa ku lug leh?Marquez: Waaxda Dabdemiska ayaa si weyn ugu lug leh mashruucan si ay u xaqiijiso in naqshada dhismuhu ay ku habboon tahay baahiyahooda, laga bilaabp xaqiijinta in qaabayntu shaqaynayso oo saldhiggu si sax ah u qalabaysan yahay, ilaa xaqiijinta in alaabta la adeegsanayo ay yihiin kuwa saxda ah. Derik Otten, maareeyahayga, ayaa si weyn ula socday. Dadkale oo ka socda Qeybteena Tas-hiilaadka ayaa sidoo kale eegayay qorsheyaasha xagga korontada iyo aragtida dayactirka un, iyo guud ahaan mustaqbalka dhismaha. (ku sii socota bogga xiga)Sawirka waxaa qaaday Jason HeuerMaareeyaha Mashruuca Tas-hiilaadka Zuly Marquez ayaa kormeereysa mashruuca dhismaha Saldhiga Dabdemiska 2aad. 28 •LAXIRIIRA MAGAALADA Maxay yihiin waxyaabaha qaar ee u gaarka ah dhismahan?Marquez: Waxaanu goobta ka sameyneynaa waxyaabo badan oo wanaagsan. Waxaanu qorsheyneynaa in ay yeelato soolarrada cadceeda iyo laami ay biyuhu ka hoos uga gudbi karaan si biyaha socda ay uga sii gudbaan nidaamka biyo-mareenka ee dhulka hoostiisa ah. Waxaanu helnay ceelasha kuleylka dhulka hoostiisa ah waxaana bilcinta dhulka ku jiri doona noocyo dhir oo wadani ah. Waxaanu isku dayeynaa in aanu buuxino dhammaan qiyamyadaas Magaalada. Ma ahan daboolista baahiyaha Waaxda Dabdemiska oo kaliya, balse sidoo kale waxaa la tixgelinayaa waaxyaha kale iyo sida ay u adeegsan karaan goobtan iyo sida bulshada si wanaagsan loogu adeegi karo kheyraadka kala duwan ee saldhiga dabdemiska. Aragti noocee ah ayaad rabtaa in Saldhiga Dabdemiska 2aad uu ku yeesho bulshada?Marquez: Waxaan rabaa dadku in ay ogaadaan in Magaaladu ay diyaar u tahay ayna doonayso in ay u adeegto bulshada. Taasi waa wax aan in badan ka maqlo asxaabtayda aan isla shaqeyno – waxaanu jecelnahay u adeegidda dadweynaha. Oo markaa, sidee ayaad sidaas u samaysaan? Hagaag, siyaabo badan, balse in loo muuqdo bulshada ayaa muhiim ah. Wixii macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan dhismaha Saldhiga Dabdemiska 2aad, booqo BetterTogetherEdina.org.Sawirka la soo gudbiyeyBandhigga Saldhiga Dabdemiska 2aad ee cusub ayaa muujinaya dib u naqshadeyntiisa casriga ah marka laga eego jihada waqooyi-galbeed ee 76th Street.Sawirka la soo gudbiyeyAfaafka albaabka galbeed waxaa lagu bilcin doonaa dhir wadani ah. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 29 Keliya Maaha Jaarnimo, Waa Sharciga Sharciga: Qeybta 8-89. – Loo baahan yahay. Qof kasta oo leh ey ka weyn lix bilood waa in ruqsada eyga noocaa ah uu kaqaataa Magaalada. Qaybta. 8-90. – Caddaynta tallaalka cudurka raabiyada waa in la soo bandhigo waqtiga ruqsad-siinta koowaad iyo dibu-cusbooneysiinta ruqsad kasta oo ku xigta. Qeybta 8-91. – Khidmada. Qof walba oo ey leh waa inuu bixiyaa qadarka lacagta lagu dajiyay Qeybta 2-724 sida looga baahan yahay khidmadda laysinka ee hore, khidmadda cusboonaysiinta, khidmadda eyga la xiniinyo bixiyay, ama khidmadda laban-laabka ah. Kharashka dib u cusboonaysiinta waxa la iska rabi doonaa ka hor ma maalinka Janaayo 1 ee sannad kasta. Qeybta 8-92. – Rasiidhada iyo summadda. Marka la bixiyo khidmadda ruqsadda ee looga baahan yahay Qaybta 2-724, Magaaladu waa inay siiso rasiid asal ah mulkiilaha oo ay la harto nuqulka rasiidkaa. Waqtiga ruqsad-siinta koowaad, Magaaladu waa inay sidoo kale siiso summad bir ah mulkiilaha eyga. (1) Mulkiiluhu waa inuu summada oo dabacsan uga xiraa qoorta eyga iyadoo leh bir abadiyan ah oo dabacsan si summadda ay si sahlan ugu arki karaan saraakiisa Magaalada. (2) Haddii summad ay lunto, summada labaad ayaa laga yaabaa in ay bixiso Magaaladu marka la soo bandhigo rasiidka muujinaya bixinta kharashka khidmada ee sannadka hadda. Magaaladu waxay ka qaadaysaa khidmad summad kasta oo mar labaad la bixiyo qadarka lagu dajiyay Qeybta 2-724. (3) Waa sharci darro in la been-abuuro ama la isku dayo in la been-abuuro summadaas ama in laga soo qaato ey kasta oo summadda si sharci ah ay ugu dhejiyeen cidda leh iyada oo ujeedadu tahay in lagu dhejiyo ey kale, ama in sumaddaas lagu dhejiyo ey kale. (4) Summadda lama wareejin karo, mana jirto wax lacag ah oo loo celinayo khidmadda laysinka sababo la xiriiro ka tagitaanka Magaalada ama dhimashada eyga ka hor inta aysan dhammaan muddada laysinka. Macnaheedu Waa: Sanad kasta, mulkiilayaasha eeyaha ee kaweyn 6 sano jir ee magaalada dhexdeeda waxaa looga baahan yahay inay qaataan laysin. Laysinnada eyga waxay dhacaan dhammaadka sanadka marka ay tahay Diseembar 31. Waxaa jira khidmad $10 ah haddii aad cusbooneysiisid laysinkaaga kadib Maarso 1. Laysinnada eeyada aan la dhufaanin waa $30 iyo $20 kuwa la dhufaanay. Laysin-siinta ayaa Magaalada siinaysa hab ay ku xaqiijiso in eeyaha si sax looga tallaalo raabiyada. Intaa waxaa dheer, mulkiilayaasha eeyaha ayaa qadarin aad u weyn ka hela laysinka taas oo mas'uuliyiinta ay sameeyaan dadaal kasta si ay ugu celiyaan eeyaha lumay guryahooda marki ay xiran yihiin laysin hadda ah. Dhammaan eeyaha kale waxaa la geeyaa hoyga xayawaanada halkaas oo lagu dallaco khidmaha haynta iyo daabulista. Waxaad ka codsan kartaa ruqsada eyga onlaynka barta EdinaMN.gov/DogLicenseForm. Si aad ugu codsato shakhsi ahaan, booqo qeybta soo dhaweynta ee ku taasha Waaxda Booliska Edina, 4801 W. 50th St., inta lagu jiro saacadaha shaqada ee 8 a.m. ilaa 4:30 p.m. ee maalmaha shaqada ee toddobaadka. Baro Sharciyada Maxaliga ah Ruqsadaha Eyga (ku sii socota bogga xiga) 30 •LAXIRIIRA MAGAALADA Waa in aad la timaadaa caddaynta hadda ee tallaalka raabiyada. Dib ugu cusbooneysiimaha boostada ah waxaa lagu codsan karaa iyadoo xaaladda tallaalka raabiyada ee hadda iyo khidmadda laysinka loo dirayo: Waaxda Booliska Edina, 4801 W. 50th St., Edina, MN 55424-1934. Markaad bixisid lacagta khidmada, waxaad helaysaa risiit iyo summad bir ah haddii ay tahay markaagii koobaad. Summaddan waa in eyga lagu dhuujiyo si loo arki karo. Waxaa jira khidmad $6 ah ee summadaha marka labaad la bixinayo haddii middi hore ay lunto. Waa sharci darro in la been summadaha la been abuuro, la xado, laga saaro ama lagu guuuriyo eey kale. Summada lama kala wareejisan karo, oo lacagta khidmadda laysinka lama soo celin karo. Wixii macluumaad dheeri ah ama sida loo iibsado ruqsadda eyga onlayn ahaan, booqo EdinaMN.gov/DogLicenseForm. Sharciga: Qeybta. 26-46. – Ka saarida gawaarida ka dib marka barafku da'o. Qofna ma dhigan karo gaariga ama ugama tagi karo waddo ama luuq kuyaalo magaalada kadib marka uu da’ado baraf joogiisu gaarayo ugu yaraan 1.5 inji ilaa kadib marka barafka laga guro ama xariiqda geesta loo xaaqo. Gaarigi kasta ee la dhigo ama looga tago wadada oo xadgudub ku ah qeybtan waxaa ka saari kara ama looga saari karaa amarka sarkaal boolis ama shaqaale magaalada ah. Haddii gaariga ay saaraan ama looga saaro amarka Magaalada, kharashka waxaa lagu dallici karaa mulkiilaha gaariga. Ka saarida kama hor istaagi doonto dacwad ku soo oogida milkiilaha ee ku xadgudubka qaybtan. Majiraan gawaari loo ogolyahay in lagu baakimo waddooyinka Edina, waddada weyn ama jidadka yaryar marka ay jiraan xaaladaha soo socda: • Marka baraf 1.5 inji ama kasii badan ah uu da’o, ilaa inta loo xaaqayo geesaha • Laga bilaabo 1 ilaa 6 a.m. Nofeembar 1 ilaa Maarso 31, iyadoon loo eegin cimilada ama saadaasha • Wixii lix saacadood ama kasii badan ah oo isku xiga, in si kale loo saxiixo ma ahane (sannadka oo dhan lasoo rogi karo) Macnaheedu Waa: Laga bilaabo bisha Nofeembar 1 ilaa Maarso 31, dhammaan baabuurtu waa inay ka fogaadaan waddooyinka inta u dhaxaysa saacadaha 1 iyo 6 a.m. Ma jiro gaari lagu baakimi karo wax waddo ah kadib marka uu da’o baraf ugu yaraan 1.5 inji ah ilaa wadada la xaaqo ballaceeda oo dhan. Wixii macluumaad dheeraad ah, Waaxda Booliska Edina ka wac 952-826-1610. – Waxaa soo ururiyay Matthew Cords Baro Sharciyada Maxaliga ah Xeerarka Baarkinka Ee Xilliyada QaboobahaSawir FaylDhammaan ruqsadaha eyga ee Magaalada Edina waxaa lagu jaangooyaa sannad-taariikheedka kalandarka waxa ayna dhacayaan Diseembar 31. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 31 Shaqada Ayaa Bilaabeysa inay Wax Ka Beddesho Braemar, Fred Richards Parks Waxaa qoray Debbie Townsend Shaqaaluhu waxay goorhoreba nadiifiyeen geedihi qodxaha lahaa si ay waddo ugu furaan socodka iyo dhabbayaasha baaskiil ku wadista buuraha iyadoo wajiyadii ugu horeeyay ee hagaajinta Braemar Park ay socdaan. Labadaba Braemar Park iyo Fred Richards Park waxay mari doonaan isbedello waaweyn sanadada 2024 iyo 2025 kadib marki cod-bixiyaashu ansixiyaan iibabka maxalliga waxayna u isticmaali doonaan canshuurta inay ku bixiyaan dhabbaha cusub, barxadaha pickleball-ka, garoomada lagu ciyaaro, dib u soo celinta dabiiciga iyo waxyaabo kale oo la doonayo. “Dadka deggan Edina waxay gacan kageysteen soosaarista qorsheyaasha hagaya beerahaan dhowr sano kahor,” ayey tiri Qorsheeyaha Beerta Rachel Finberg, taasoo hogaaminaysa labada mashruuc oo gacan ka helaya shaqaalaha kale ee Magaalada iyo la-taliyayaasha. Braemar Park Iyadoo dhan 500 acre, tani waa goobta tamashleynta ee ugu weyn Edina. Waxaa ku yaala Barxadda Goolofta Braemar iyo Ganbaloolka Goolofta, Braemar Arena, Braemar Field iyo barxadda kubadda ee Courtney Fields. Inta u dhaxeysa iyo hareeraha xarumahaan waxaa kuyaala goobo dabiici ah oo aan la maareyn oo ay qabsadeen geedo qalaad waxayna u bisil yihiin in dib loo soo celiyo kheyraadka dabiiciga loona adeegsado madadaalada. Canshuurta iibka nus-sentiga ah oo ay ansixiyeen cod-bixiyeyaasha bishi Nofeembar 2022 lana ururiyey laga bilaabo Abriil 2023 ayaa lagu bixin doonaa horumarinada Braemar Park iyo gelitaankeeda. Tan iyo intii la meelmariyey canshuurta, mashruucu wuxuu ka soo guuray qorshe fikireedki 2018 una wareegay dhammeystirka naqshadaha dhabta ah iyadoo talo laga helayo adeegsadayaasha beerta, dadka deegaanka ee u dhow iyo Golaha Magaalada. SRF Consulting, taasoo gacan kageysatay soosaarista qorshaha lagu hagayo, ayaa ka shaqeyneysa naqshadeynta dhabbaha iyo dib u soo celinta kheyraadka dabiiciga ah. Koox mashruuc oo kale oo ay hagayaan latalinta WSB ayaa ka shaqeyneysa horumarinada Courtney Field. “Qorshaha guud waxa uu ka kooban yahay dhawr waxyaalood oo kala duwan, qaar si fiican ula socda, qaar madax-bannaan,” ayey tiri Finberg. “Marka, mashruucan, waxaan leenahay xaalad gaar ah oo lataliyaal kala duwan oo ka shaqeynaya qeybo kala duwan oo qorshahan ah si looga helo adeegyada ugu aqoonta badan ee latalinta.” Waa kuwan qaar kamid ah mashaariicda Braemar Park iyo xaaladahooda. Si aad uga hesho warbixinadi ugu dambeeyey iyo macluumaad dheeraad ah, booqo qeybta Mashaariicda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta barta BetterTogetherEdina.org. Saaridda Geedka DhafaruurkaQeybo kamid ah Braemar Park, oo ay ku jiraan qeybta bari ee ku teedsan Wadada Gleason iyo qeybaha waqooyi-galbeed iyo koonfur galbeed, ayaa waxaa qabsaday geedka dhafaruurka. Geedaha noocyada qalaad ah waa in la jaraa oo xididadooda daawo lagu shubaa si looga hortago inay soo laabtaan. Landbridge Ecological Services ayaa shaqo ka bilaabay bishi Janaayo si ay geedka dhafaruurka uga nadiifiyaan qeybaha bari iyo koonfur galbeed si waddo loogu furo dib u soo celinta dabiiciga, dhireynta iyo dhismaha dhabbaha. Booqdayaasha beerta waxaa laga yaabaa inay arkaan rastada geedka dhafaruurka ah oo la daabulayo. Rastada qaar ee gudaha hoose ee baarta yaala ayaa la gubi doonaa marka xaaladuhu ay masaamaxaan. Saaridda geedka dhafaruurka ee hore ayaa la dhammeystiri doonaa bisha Abriil. Landbridge ayaa soo celin doonta (ku sii socota bogga xiga) 32 •LAXIRIIRA MAGAALADA booqashooyinka goobta xagaagan iyo deyrta si ay u bartilmaameedsato wixi geedaha dhafaruurka ah oo dib u soo baxa oo ay daawo ugu shubto wixi geedo qalaad ah oo kasoo baxa meelaha la nadiifiyey. Isxilqaamayaasha, oo ay ku jiraan kooxaha baaskiilada buuraha ee ka dhursugaya dhabbayaasha aagaas, ayaa nadiifinayey qeybaha waqooyi-galbeed. Teendhada Goolofta Braemar agteeda, Resource Environmental Solutions ayaa ka qabaneyso daraasad soconeyso, iyadoo tijaabineysa habab kala duwan oo lagu saaro geedka dhafaruurka laguna sumeeyo si looga hortago in uu soo laabto. “Qaar kamid ah natiijooyinkaas waxaa loo isticmaali doonaa qorsheyaasheena mustaqbalka si aan u saarno geedka dhafaruurka,” ayey tiri Finberg. Garoomada CourtneyBilaabashada yar ee qaboobaha ayaa sahashay in si fiican loo bilaabo horumarinada garoomada kubada usha. Garoomada 2, 3 iyo 4 ayaa isla sidaas lagu sameynayaa cusbooneysiinta nalalka iyo koontaroolada ee horay looga sameeyey Garoonka 1 iyadoo la adeegsanayo Deeqda Isboortiga Dhallinta Hennepin iyo deeqo ka socdo bulshada kubadda usha ee Edina. Qandaraaslayaasha waxay marhoreba ka saareen tiirarki nalalka ee geedaha ahaa iyo wixi ku rakibnaa. Dhulku wuxuu ahaa mid si ku filan u diiran si loo dhigo aasaaska tiirarka birta ee cusub loona rakibo. Nalalka tamarta tashiila ee ka sarreeya ayaa bixin doona iftiin wanaagsan iyadoo isla markaana la yareynayo kharashaadka hawlgalka iyo dayactirka. Fiilooyinka iyo shaqada korontada waxaa la soo gaba-gabeyn doonaa gu’ga 2024, kahor furitaanka koowaad ee xilliga. Casriyeynta kale, oo ay ku jiraan shabaqa badbaadada iyo waraabka, ayaa la falanqeyn oona la sameyn doonaa iyadoo lagu saleynayo kharashka iyo mudnaanta. Garoonka Garoomada CourtneyQoysasku waxay muddo dheer codsanayeen garoon u dhow garoomada kubadda usha. Mid cusub ayaa laga dhisi doonaa meesha hadda sallaxyada shabaqa leh ay ku yaalaan. Sallaxyadaas waxaa loo rari doonaa meelo kale oo dhismaha ah iyada oo qeyb ka ah horumarinada. Dadka isticmaalaya beerta dadka deggan xaafadaha nawaaxiga waxay goorhoreba bixiyeen dookhyadooda ku aadan astaanta garoonka iyo nooca qeybaha ciyaarta ee ay jeclaan lahaayeen inay haystaan: wiifowga, meelaha lagu taraaraxo, iyo jaraanjarooyinka. Xog-ururin labaad ayaa gu’gan ururin doonta ra’yi ku saabsan naqshadaha. Yoolku waxa uu yahay in waqti fiican lagu dalbo agabka garoonka lagu ciyaaro si loo rakibo deyrta 2024. Tallaabooyinka badbaadada, oo ay ku jiraan shabaq ku xirista, ayaa lagu xiri doonaa si adeegsadayaasha garoonka looga gaashaamo kubadaha baseball-ka ee habowga ah.Sawirka waxaa qaaday Jason HeuerShaqaale katirsan Landbridge Ecological Services ayaa geedka dhafaruurka ka nadiifinaya si uu wado ugu banneeyo dhabbayaasha Braemar Park. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 33 Dhabbayaasha Kudul Orodka Barafka ee BaadiyahaIyadoo qaboobaha fudud ay ka faa’iideysteen mashaariicda Garoomada Courtney, durbaba ma caawin tijaabinta dhabbayaasha barafka. Ku dhawaad labo mayl oo kamid ah dhabbayaasha ayaa loo simi doonaa barafka dushiisa ee Barxadda Goolofta Braemar si ay u isticmaalaan dadka kudul orda barafka baadiyaha. Khariiradda dhabbayaasha la qorsheeyey ayaa la soo saaray iyo gaari la soo iibiyey oo hagaajin kara dhabbayaasha barafka iyadoo sidoo kale loo adeegsanayo hawlaha xilliga kuleylaha. Balse laga billaabo bartamaha Febraayo, ma jirin baraf ku filan oo la simi karo. Qorshuhu waxa uu yahay in la simo dhabbayaasha xilli qaboobe ah oo jawaabcelinta laga ogaado adeegsadayaasha, kadibna la hagaajiyo qaabka dhulka sanadaha mustaqbalka. Ma jiro baraf sameyn la oggol yahay, iyo xitaa nal habeenkii ah, marka loo eego jawaab-celinta bulshada ee tamashleynta qaboobaha ee Braemar Park. Dhabbayaasha Baaskiilka BuurahaShaqada lagu sameynayo sideed mayl oo dhabbaha baaskiilka buuraha ah ee qeybaha waqooyi-galbeed, koonfur-galbeed iyo bariga beerta nasiinada ayaa bilaabmaysa gu’gan. SRF ayaa sameysay naqshadaha dhabbaha kadib marki ay dhageysatay kooxaha baaskiilka buuraha oo kala duwan, oo ay ku jiraan ardayda raacda ee dugsiga dhexe iyo dugsiga sare ee Edina. Iyadoo lagu saleynayo jawaab-celinta, qaabki hore waxaa loo beddelay dhabbayaal taxane ah oo ku xirmaya dhabbayaasha kale si qofka uu u raaci karo hal dhabbo marar badan ama u sahmiyo qeybo kale duwan oo beerta ah, ayuu yiri Ken Grieshaber ee SRF. Dhabbayaasha waxaa kamid ahaan doona dariiqyo, miisas, garaangaro, meelo la qabsado, meelo laga boodo iyo qaababka kale, qaar badan oo kamid ah laga sameynayo dhulka iyo dhagaxyada goobta horay u sii yaalay. “Arrinta cajiibka ah ee aagga dhulkan ayaa ah in aan leenahay ku dhawaad 30 ilaa 40 fiit oo dhul karakeeshin ah oo lagu ciyaaro,” ayuu Grieshaber u sheegay xubnaha Golaha Deegaanka marki uu ka warbixinayey beerta. “Qofkasta waxa uu dhabtii ku faraxsan yahay muuqaalo badan oo aan awood u yeelan doono in aan dhex marno nidaamka dhabbaha dhexdiisa.” Qeybaha caqabadaha badan leh waxaa sidoo kale ku jiri doona hab lagu meereysto. “Waxaan isku dayeynaa in aanu middan kadhigno khibrad dhabbo oo maddadaalo leh haddii aad tahay baaskiil wade bilow ah ama mid heer dhexe ah,” ayuu yiri Grieshaber. Kuwani ma ahaan doonaan dhabbayaal heerka sare ah, marka ma soo jiidan doonaan baaskiil wadayaasha buuraha adag. “Waxkasta oo aan ka maqalnay tan iyo hadda waa in dadka ay u badan tahay inay goobtan baaskiil ku yimaadaan si ay u wadaan. Gaari ma ku imaan doonaan si ay u wadaan,” ayuu yiri Agaasimaha Beeraha Nasiinada & Tamashleynta Perry Vetter. Aagga ka caaganaanta dabiiciga ayaa dhabbayaasha baaskiilka ka sooci doona waxyaalaha kale ee tamashleynta ee beerta. Dhabbayaashu waxay sidoo kale kala sooci doonaan dhabbayaasha baaskiilka iyo kuwa lugeynta intooda badan aagaga. Halka ay isugu yimaadaan, sida cirifka koonfureed ee beerta ilaa dhulka qoyan, kala qaybiyayaashu waxay kala sooci doonaan baaskiil wadayaasha iyo kuwa lugaynaya.Sawirka waxaa qaaday Bryan HuinkerNalal tashiila tamarta oo cusub ayaa lagu rakibay Garoomada Courtney 2, 3 iyo 4 kuwaasoo si weyn kor ugu qaadi doona aragtida habeenkii ee ciyaartoyda iyo daawadayaasha. (ku sii socota bogga xiga) 34 •LAXIRIIRA MAGAALADA *Dhererka iyo qaabeynta waa ay isbeddeli karaan Dhabbayaasha Beerta Braemar ee Qorsheysan Dhabbaha Baaskiilka Buurta: 8.09 Mayl | Dhabbaha Lugeynta Dadka: 2.9 Mayl | Wadarta Dhererka Dhabbaha: 10.99 Mayl* Goolada Ay Ka Boodaan Baaskiilka Buuraha Dhabbaha Baaskiilka Buurta - Aasaasi Dhabbaha Baaskiilka Buurta - Heer Dhexe Dhabbaha Socodka Waqooyi-galbeed 0.48 Mayl 0.87 Mayl 0.88 Mayl 0.35 Mayl Koonfur-galbeed X 0.59 Mayl 1.62 Mayl 0.66 Mayl Koonfur X X 0.60 Mayl (Dhul Qoyan)0.53 Mayl (Dhul Qoyan) Bari X X 3.05 Mayl 1.36 Mayl BRAEMAR BLVD HWY 169 W 74TH ST W 76TH ST W 78TH ST DEWEY HILL RD FIGURE 1: Park Context Map VALLEY VIEW R D HILARY LN Koonfur-galbeed Koonfur Bari Waqooyi-galbeed Koorsada Goolofta Braemar Hilary Lane Braemar Golf Dome Braemar Arena Dhabbaha Baaskiilka Buurta - Heer Dhexe Goolada Ay Ka Boodaan Baaskiilka Buuraha Dhabbaha Baaskiilka Buurta - Aasaasi Dhabbaha Socodka WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 35 Shaqaalaha Magaalada waxay sahminayaan iskaashi ay la yeelanayaan kooxaha baaskiilka buuraha si ay uga caawiyaan dayactirka, dhaqan ka caadi ah bulshooyin badan. Barxadaha Kubadda Pickleball-kaFikradi hore ee dhisidda barxado kubadda pickleball-ka ah oo u dhow Barxadda Goolofta Braemar ma ahan mid suuragal ah sababo kala duwan dartood. Goobo cusub ayaa la sahminayaa si loo helo goobta ugu wanaagsan oo ay si fudud u adeegsan karaan ciyaartoyda. Si gacan looga geysto go'aaminta taas, ciyaartoyda pickleball ayaa xog looga ururiyey BetterTogetherEdina.org oo kusaabsan sida ay barxadaha ku tagi lahaayeen, inta jeer ee ay ciyaaraan, waqtiyada maalinti iyo waxqabadyada kale ee ay kaqeybqaataan. Xog ururintu waxay sidoo kale wax ka weydiisay tas-hiilaadka ay rabaan sida musqulaha ama khaanadaha. Natiijooyinka sahankaas ayaa loo adeegsan doonaa si ay gacan uga geystaan xulashada goobta iyo go’aaminta waxa ay tahay in lagu daro marka laga soo tago barxadaha. Dhabbayaasha SocodkaMarka geed dhafaruurka la nadiifiyo, shaqadu waxay ku bilaabmi kartaa ilaa saddex mayl oo dhabbayaasha socodka/lugeynta ah oo ku yaala qeybaha waqooyi-galbeed, koonfur-galbeed, koonfurta iyo bari. Dhabbo cusub oo ku yaala qeybta waqooyi-galbeed ayaa ku laab-laabmi doona dhabbayaasha baaskiilka buuraha, kaliya un aadaysa galbeedka Braemar Golf Dome. Waxay goyneysaa Braemar Boulevard, halkaas oo ay socotadu ka leexan karaan ama u sii socon karaan xagga cirifka koonfureed ee beerta. “Waxay ila tahay inay waayo-aragnimo aad u kala duwan u noqon doonto kuwa lugeynaya marka geed dhafaruurka la saaro,” ayuu yiri Vetter. “Intaa kadib, waxaad heli doontaa dareenka wanaagsan ee goobta iyo meesha aad ku sugan tahay. Waqti xaadirkan, haddii aad ku lugeyso halkaas waxaad arki kartaa 10 fiit markiiba.” Qeybo kamid ah dhabbaha alwaaxa ah ee cirifka koonfureed, kaas oo dhex-mara dhulka qoyan ee xasaasiga ah, waa laga saari doonaa. Si loo xaddido tirada buundooyinka, dhabbaha alwaaxa ah iyo dhabbayaasha, baaskiilka iyo kuwa lugeynta ayaa meelo isaga darmi doona. Xad ku yaala bartamaha qeybaha dhabbayaashaas ayaa kala sooci doona labada kooxood. Dhabbaha socodka/lugeynta ayaa ka leexan doona dhabbaha baaskiilka marka uu kasii baxayo geeska koonfur-bari. Laga bilaabo halkaas, dhabbuhu wuxuu kuwa lugeynaya aadin doonaa waqooyi halkaas oo ay ka leexan karaan ama toos kor u sii aadi karaan Seedka Hilary. Xad dhir dabiici ah ayaa kuwa lugeynaya ka gaashaami doona Wadada Gleason ee dhanka bari. Hagaajino ayaa lagu sameyn doonaa halka dhabbuhu ka gooyo waddooyinka, sida Braemar Boulevard, iyo in la siiyo marin sahlan oo dadku ay ku qaadi karaan dhabbaha. U tartamidda qandaraaska mashruuca ayaa la soo bandhigayaa gu’gan, oo dhismuhu daba socdo. Dusha saxda ah ee qeyb kasta ayaa la go’aamin doonaa marki u tartamidda qandaraasku soo laabto, balse Finberg ayaa sheegtay yoolku inuu yahay in kor loo qaado adeegsiga dadka dhaq-dhaqaaqa xaddidan leh ama adeegsada aaladaha lagu socdo. Ugu dambeyntii, dhabbayaasha adeegsiga isku-dhafan leh ayaa laga dhisi doonaa Hilary Lane iyo Braemar Boulevard si wareeg dhammeystiran loogu sameeyo beerta. Mashruucaasi wuxuu ku tiirsan yahay qaar ka mid ah maalgelinta gobolka waxaana lagu xiri doonaa dib u dhiska wadada ee mustaqbalka, marka weli jadwal looma dejin. Beerta Nasashada ee Fred Richards Dadka ku lugeynaya oo baaskiilka ku wata Dhabbaha Gobolka ee Nine Mile Creek ee sii dhexmara barxadi goolofta ee hore waqooyiga Galbeedka 77th Street iyo galbeedka Parklawn Avenue waxay arkaan calaamado yar oo beerta soo socda. Goobta 43-acre ah, oo kudhawaad ah laban-laabka Centennial Lakes Park, waxay dhawaan hoy u noqon doontaa dhabbayaal cusub, barxado, garoomo lagu ciyaaro, garoon ciyaar loo dhan yahay, dib u soo celinta dabiiciga iyo hagaajinta deegaanka duurjoogta. Halka waji ee tan iyo hadda la dhisay waa garoon lagu ciyaaro iyo hoy’ lagu wada cunteeyo oo ku teedsan Parklawn Avenue. Canshuurta iibka nus-sentiga ah waxay bixin doontaa $17.7 milyan oo mashaariic ah. (ku sii socota bogga xiga) 36 •LAXIRIIRA MAGAALADA In badan oo shaqada kamid ah ilaa hadda ayaa ahayd kala shaandheynta qorshihi guud ee hore kaasoo hagi doona qaababka naqshadeynta iyo qorshayaasha dhismaha. Lataliyaashu waxay sahminayeen goobta, iyagoo muunado ka qaadaya carrada oona qiimeynaya dhirta ka baxaysa iyo dhulka qoyan. Talada bulshada ayaa la raadin doonaa gu'gan iyadoo la rajaynayo in loo furo mashaariicda in loo tartamo qandaraaska xilliga dayrta. Haddii waxkasta ay u dhacaan sida qorshuhu yahay, dhismaha ayaa bilaabmaya dabayaaqada sanadkan. Finberg ayaa kulamo la yeelaneysay deriska beerta si ay waxyaabihi u dambeeyey ula socodsiiso. “Guud ahaan, qof kastaa wuu ku faraxsan yahay inuu arko inay horey u socoto,” ayey tiri. Waa kuwan dhowr kamid ah qeybaha ugu waaweyn mashruuca Fred Richards Park iyo xaaladahooda. Si aad uga hesho warbixinadi ugu dambeeyey iyo macluumaad dheeraad ah, booqo qeybta Mashaariicda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta barta BetterTogetherEdina.org. Isbeddelka Carwada GooloftaCarwadi hore ee barxada goolofta, oo hadda hoy’ u ah qaar kamid ah barnaamijyada Beeraha Nasiinada & Tamashleynta waxna lagu keydiyo, ayaa si baaxad leh loo dayactiri doonaa loona ballaarin doonaa. “Dadku runtii waxay rabaan ikhtiyaar cunto halkaas,” ayey tiri Finberg. Qorshayaashii hore ayaa dalbanayey suurtagalnimada qol khamri. Gorfeyn ganacsi ayaa la qabanayaa si loo ogaado adeeg cunto iyo cabitaan shaqayn kara iyo sidii taas loogu dari lahaa meel bulsheed oo kiro ah iyo aagag loogu talagalay barnaamijyada Beeraha Nasiinada. Waddo cusub oo gasha carwada goolofta, barxadaha isboortiga iyo baakinka ayaa laga dhisi doonaa cirifka koonfureed ee beerta iyadoo qeyb ka ah dib u horumarinta 4620 W. 77th St. Garoon Ciyaareed Loo Dhan YahayIyadoo dhammaan garoomada lagu ciyaaro Edina ee cusub loogu talagalay inay awoodaan dadka ku socda gaariyaasha naafada, garoomo loo dhan yahay ayaa loogu talagalay inay dhiirigeliyaan ciyaarta iyo kaqeybgalka carruurta qabta naafooyinka kala duwan. Rosland Park ayaa hoy u ah garoonka kaliya ee loo dhan yahay gudaha Edina, waxaana lagu dhisay si waafaqsan tilmaamihi hore. Si loo xaqiijiyo in garoonka cusub ee Fred Richards uu daboolayo baahiyaha bulshada, Finberg ayaa isu keentay dad ah kooxda diiradda, oo ay ku jiraan saddex wakiil oo degmo dugsiyeedka ka socda oo la shaqeeya carruurta baahiyaha gaarka ah qaba, shaqaalaha Waaxda Carruurta ee Minnesota iyo kuwa yaqaana carruurta qaba ootisamka. “Waxaanu rabnaa in aanu ogaano waxa dadka kahor-istaaga inay adeegsadaa garoomaha lagu ciyaaro,” ayey tiri Finberg. “Hadafkeenu waxa uu yahay in aan garoonkan cusub kadhigno mid loo wada dhan yahay ilaa inta macquulka ah.” Garoonka cusub waxa uu ku yaali doonaa qeybta koonfurta-dhexe ee beerta, oo u dhow carwada goolofta iyo baakinka. Daanta Dhulka QoyanQeybta waqooyi-galbeed ee beerta, oo Daanta Dabiiciga loogu magac daray qorshayaashii 2017, waxay noqon doontaa 17 acre oo doog ah iyo dhul dhasheeg ah oo loogu talagalay duurjoogta iyo kaydinta biyaha daadka ee dabiiciga ah. Dhabbo iyo jid alwaax oo lagu socdo ayaa u oggolaan doona booqdayaasha inay sahmiyaan dhulalka qoyan iyadoo isla markaana la yareynayo saameynta soo gaareysa. Waraaqda shaqada iyo nidaamka sharci ee loogu shahaadeynayo agga inuu yahay daanta ilaalinta dhulalka qoyan ayaa socota. In laga dhigo daan dhul qoyan waxay dhalin kartaa in kabadan $1 milyan iyadoo la iibinayo kiridhityada si loola barbixiyo saameynta horumarinta. Daanta dhulka qoyan ah waxay faa'iido u leedahay inay abuurto dhul qoyan oo aad u weyn oo soo jiita duurjoogta halkii ay ka ahaan lahayd dhibco ilaalinta balliyada ah. Shahaadeynta waxay sidoo kale ka dhigan tahay in dhulka qoyan uu abid yahay oo uuna sii ahaado astaan beereed dabiici ah. Wixii macluumaad dheeraad ah, Finberg kala xiriir rfinberg@EdinaMN.gov ama 952-826-0397. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 37 Ballaarinta Braemar Arena Ayaa Ku Jirta Marxaladaha Naqshadeynta iyo Qorsheynta Waxaa qoray Debbie Townsend Laba shirkadood oo takhasus leh ayaa si wadajir ah uga wada-shaqeyn doona inay dayactiraan, cusbooneysiiyaan oo ay ballaariyaan Braemar Arena, 7501 Ikola Way. Middood waxay keeni doontaa khibradda ku aadan makaanikada garoomada barafka, laga bilaabo tuubo-gelinta ilaa korontada, iyo shaqada aasaasi ahaan ku aadan gudaha dhismaha. Khibradda midda kale waxay ku aadan tahay goobaha guud waxayna ka shaqeyn doontaa dhanka dibedda. Marki cod-bixiyeyaashu ansixiyeen iibka maxaliga ee nus-sentiga ah iyo adeegsiga canshuurta ee Nofeembar 2022, waxay sidoo kale u codeeyeen in $13.5 milyan oo kamid ah canshuurta la soo ururiyey loo qoondeeyo dayactirada kaabayaasha muhiimka ah iyo casriyeynta Garoonka. Sanad kadib, waxay u codeeyeen in isla canshuurta iibka lagu maalgeliyo $31.7 milyan kale oo loogu talagalay casriyeynta, oo ay ku jiraan ku darista lakab baraf afaraad oo gudaha ah. Halki mashaariicda la bilaabi lahaa kadib codeynta 2022, madaxda Magaaladu waxay doorteen inay sugaan codeynta labaad si ay isugu daraan dadaalada loona yareeyo carqaladeynta dadka adeegsanaya. “Ma dooneyno in aan wax lacag ah khasaarino,” ayuu yiri Agaasimaha Beeraha Nasiinada & Tamashleynta Perry Vetter. Labada shirkadood waa la soo gaba-gabeynayaa. Sanadkan waxaa diiradda la saari doonaa naqshada iyo qorsheynta. Garoonka waxaa la dhisay bartamihii 1960-meeyadii wuxuuna soo maray dayactiro yaryar tobanaanki sano ee la soo dhaafay, marka waa shaqo isku tolan oo dhismo. Waa saddex garoomada barafka ee gudaha ah oo hoy’ u ah dugsi sare iyo horyaalka xeegada barafka, wareegyada kudul orodka barafka, kudul ordayaasha tamashlada barafka, xirfadleyda Da Beauty League iyo ilmaha baranaya kudul orodka barafka. Isku dheellitirka isticmaalayaashaas dhismaha waxay ubaahan doontaa qorsheyn ballaaran iyo waqtiyeynta qeyb kasta oo mashruuca kamid ah. “Haddii aanu rabno in aan hoos u galno garoon baraf, waxaan rabnaa in aan xaqiijino in wixi garoomo baraf ah oo jira la casriyeeyo si markaa la isugu halleyn karo,” ayuu yiri Vetter, tusaale ahaan. Xitaa waxay u baahan tahay in aan hoos ugu daadagno tafaasiisha ka baxaysa in la adeegsado inta lagu jiro waji kasta, gelitaanka musqulaha, marinnada hoolka, iwm. Shaqada naqshada iyo qorsheynta waxay gacan kageysan doontaa go’aaminta jadwalka dhismaha. Si aad u hesho wax dheeraad ah oo Garoonka kusaabsan, booqo qeybta Beeraha Nasiinada & Tamashleynta barta BetterTogetherEdina.org. ARENA 38 •LAXIRIIRA MAGAALADA Guryo Cusub oo loogu talagalay Waayeelada Ayaa Bidhaaminaya Guulaha Guriyeynta Waxaa qoray Debbie Townsend Furitaanka Forty-Forty Flats, horumarinti ugu horreysay ee loogu talagalay guriyeynta la awoodi karo ee waayeelada ee laga dhiso gudaha Edina tan iyo 1991, ayaa muujisay guulaha laga gaaray yoolalka guriyeynta sanadki 2023. Waa 118 abaartimentiyo oo la isugu geeyey gudaha dhismo casri ah oo ku yaala 4040 W. 70th St. waxay ahaayeen koror boqolkiiba 50 ah wadarta guud ee magaalada ee qeybaha guryaha la awoodi karo ee la ansixiyay ama lagu abuuray siyaasadda guriyeynta ee hadda. Edina waxay joogtaa 353 qeybo guryo la awoodi karo oo furan ama la ansixiyey yoolalkeeda 1,804 qeybo guryo marka la gaaro 2030. “Waxaan sameynay xoogaa horumar ah oo aad u wanaagsan si aan u gaarno yoolalkeena guri ee la awoodi karo,” ayuu yiri Agaasimaha Horumarinta Bulshada Cary Teague, isagoo milicsanaya guulihi la gaaray dhowrki sano ee la soo dhaafay. “Waxay ila tahay waanu ku faani karnaa wixi aanu qabanay.” Sida la filayo, dadaalada Edina waxay si aad ah ugu dhaqaaqi doonaan xagga guriyeynta la awoodi karo badalki xeerar adag ama xaddidaadaha dakhliga ee guryaha la awoodi karo. Waxaa xoog badan la saari doonaa ikhtiyaarada lahaanshaha cagsiga kirooyinka. Yoolku waxa uu yahay in qofkasta la gacansiiyo laga bilaabo qoysaska da’da yar ee shaqeeya ilaa waayeelada doonaya inay u wareegaan guriyeynta kale ama ay ka agdhawaadaan ubadkooda. Waa tan soo koobista horumarka ay Edina ka gaartay barnaamijyada guriyeynta: Barnaamijka Ilaalinta Lahaanshaha La awoodi karoBarnaamijkani waxa uu iibsadaa guryaha qiimahoodu dhexdhexaadka yahay guud ahaan Edina, wuu cusbooneysiiyaa kadibna kadhigaa kuwo la awoodi karo beddelki loo dumin lahaa guryo raaxo ama horumarin kale. Guryaha waxaa la hoos geeyaa qeybta Amaanada Dhulka Bulshada marka iyadoo mulkiilayaashu iska iibin karaan, waxay guryaha kuwo la awoodi karo uga dhigtaa iibsadayaasha xiga. Shan guri ayey soo iibsatay sanadki 2023, oo wadar ahaan dhan 15 guri tan iyo intii la daahfuray barnaamijka sanadki 2021. Abaalmarin dhan $750,000 oo ka timid Golaha Dawladda Hoose oo loogu talagalay dadaalada Edina ee ilaalinta guriyeynta ayaa ballaarisay waxa barnaamijku qaban karo. Sidoo kale sanadki 2023, iskaashi cusub ayaa lala galay Twin Cities Habitat for Humanity. Maareeyaha Horumarinta Guriyeynta La Awoodi Karo Stephanie Hawkinson ayaa fileysa in iskaashiga uu barnaamijka ka gacansiin doono soo iibsashada lix guri sanadka 2024. “Waxa ina celinaya waa sahayda guryaha aynu iibsano iyo qandaraasleyaal diyaar u ah inay hagaajiyaan,” ayey tiri. Abaartimentiyada iyo Guryaha Qoysaska BadanForty-Forty Flats ayaa ahaa horumarinta guriyeynta kaliya ee si buuxda ugu heellan guryaha la awoodi karo oo khadka soo gala sanadki 2023. Waa horumarinti saddexaad oo noocan oo kale ah sannadihii la soo dhaafay. Kuwa kale – Amundson Flats, 62 unug guri ah oo ku yaala 7075 Amundson Ave., iyo The Sound ee 76aad, 70 unug guri oo kuyaala 4100 W. 76th St. – ayaa muujinaya hal-, labo-iyo saddex qol oo ay adeegsadaan dadka kaliga ah ilaa qoysaska. Forty-Forty Flats ayaa si dhaqsa ah u buuxsamayey, qeyb ahaan iyadoo ah dhismo cusub oo bixinaya adeegyo badan oo uu dabaq dheer bixin lahaa, balse qiimo jaban ah, ayey tiri Maareeyaha Guriyeynta Jen Massa. Waxay leedahay xarun jimicsi, fadhi fooqa sare ah, qolka martida, waxqabadyada bulshada, maareeye goobta ku sugan, iyo waxa noqday qol ujeedo badan leh oo caan ka ah dabaqa koowaad. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 39 Waxaanu jecelnahay soo dhaweynta martida ee dalxiiska u yara hakada,” ayey tiri Massa. “Jawaab-celinta aan ka maqalnay iyaga ayaa ah in dhismuhu aad u wanaagsan yahay oo ay kuwo badan daneynayaan inay kireysteyaasheena ku xiraan xaafadda.” Forty-Forty Flats ayaa la filayaa in si fiican loo kireeyo gu’gan. Amundson Flats iyo The Sound ee 76aad ayaa buuxa waxayna leeyihiin liisas sugitaan ah. “Tirada wicitaanada ee aan qabano ayaa hoosta ka xariiqaya baahida loo qabo bulsho awoodi karta oo waayeelada ah,” ayey tiri Massa. Sida kale ee ay Edina ku kordhineyso guryaha la awoodi karo waa iyadoo u mareysa Siyaasadda Guriyeynta La Awoodi Karo, ee la aasaasay 2015, taasoo u baahan horumarinada guriyeynta la awoodi karo ee qiimaha suuqa ah lagu daro xoogaa qeybo guryo la awoodi karo ama jeebka laga bixiyo khidmad lagu taageerayo barnaamijyada guriyeyn la awoodi karo. Tan iyo hadda, siyaasadaasi waxay keentay 110 guri oo la awoodi karo oo ku yaala toddobo dhismo kale oo qiimaha suuqa ah, oo ay ku jiraan Avidor, The Lorient iyo Nolan Mains. Waxay sidoo kale keentay in kabadan $8.4 milyan oo khidmadaha la iska bixiyo ah. Labo kale oo la ansixiyey 2021 ayaa hadda la furayaa. The Eddi, oo kuyaala 4911 W. 77th St., ayaa leh 20 kamid ah 200 qeybo guryo la awoodi karo oo uqalma guriyeynta la awoodi karo. Maison Green, oo kuyaala goobti hore ee Perkins ee 4917 Eden Ave., ayaa leh 196 unugyo guryo, sidoo kalena leh 20 loo dhigay inay noqdaan guryo la awoodi karo. Barnaamijka Come Home 2 EdinaBarnaamijkan rahanta ah ee labaad ayaa bixiya lacag kaalmo hormaris ah oo gaareysa ilaa 25 boqolkiiba ee qiimaha la iibinayo. Sanadki 2023, qadarka amaahda ugu badan ayaa la gaarsiiyey ilaa $90,000, halkii ay ka ahayd $60,000, halka qiimaha iibsiga guud ee ugu badan la gaarsiiyey ilaa $515,000 si wanaagsan si looga turjumo suuqa guryaha ee dhabta ah. Barnaamijka ayaa lahaa sagaal amaahyo sanadki 2023; shan kamid ah kuwaas oo loogu talagalay guryaha halka afar loogu talagalay fillooyinka ama guryaha magaalada. Tan iyo daahfurkiisii 2007, barnaamijka Come Home 2 Edina ayaa deyn ku bixiyey in kabadan $7.3 milyan wuxuuna ka caawiyey154 qoys inay guryo iibsadaan. Magaaladu waxay sidoo kale kordhisay iskaashigi ay la lahayd Amaanada Dhulka Bulshada, taasoo haysa sabarlooga dhulalka ay iibsato si guryaha looga dhigo kuwo si aad ah loo awoodi karo. Tan iyo 2021, saddex meelood labo kamid ah deymaha barnaamijka Come Home 2 Edina ee loogu talagalay guryaha halka qoys ah ayaa ahaa guryaha Amaanada Dhulka Bulshada. Barnaamijka Amaahda Jiilka KoowaadBarnaamijkan la daahfuray Nofeembar 2021 si uu lacag kaalmo oo hormaris ah u siiyo dadka qoysaskoodu weligooda aanay guryo horay u yeelan, iyaga oo ka maqan lahaanshaha hantida jiilalka ah. Sanadki 2023, qadarka amaahda ee ugu badan ayaa la kordhiyey ilaa $20,000, laga soo bilaabay $15,000. Sannad kasta oo lahaansho ah, $1,000 oo kamid ah deynta ayaa la cafiyaa. Tan iyo hadda, sagaal amaah ayaa barnaamijka loo marsiiyey dadka ka shaqeeya iskuulada maxalliga ah, ururada adeegga bulshada, maqaayadaha, xarumaha dawladda iyo xannaanada. Wadarta $140,000 ee la amaahday ayaa loo adeegsaday in gacan looga geysto iibsiga lix guri, labo fillo iyo hal guri magaalo. Barnaamijka Dib u Habaynta Lahaanshaha GurigaBarnaamijkani wuxuu amaah la dib dhigayo siiyaa mulkiilayaasha guryaha ee ubaahan in laga caawiyo dayactirka guryaha iyo hagaajinada tamarta. Waayeelo badan ayaa adeegsaday barnaamijkan, oo ay fududeysay Xarunta Tamarta iyo Deegaanka, si ay uga caawiso dayactirada iyo hagaajinta si ay u sii deganaan karaan guryahooda, fillooyinkooda ama aqaladooda magaalada ee Edina. (ku sii socota bogga xiga) 40 •LAXIRIIRA MAGAALADA Sanadki 2023, sagaal deymaha noocan ah ayaa la ansixiyey. Waxay bixiyaan $2,000 ilaa $30,000 oo dulsaar hoose leh waxaa dib loo dhigaa ilaa 30 sano si markaa aysan u baahan in la dayactiro ilaa guriga la iibiyo. “Wali waxaan u haynaa lacag barnaamijkan, marka waxaan ku dhiirigelinaynaa dadka inay soo codsadaan,” ayey tiri Hawkinson. Barnaamijka Yareynta Canshuurta Guryaha Kireynta Barnaamijkan, oo xagga canshuuraha looga yaqaano “4d,” ayaa oggolaanaya dhimista canshuuraha guryaha ku dhawaad 40 boqolkiiba oo loogu talagalay mulkiilayaasha 20 boqolkiiba ama kabadan ee guryaha kirada kadhiga heerar la awoodi karo. Sanadki 2023, labo dhismo ayaa lagu daray barnaamijka, iyadoo la ilaalinayo lix unug guryo oo la awoodi karo. Mulkiilayaashaas guryaha ayaa sidoo kale kaqeybqaadanaya barnaamijka Deeqaha Adkeysiga Guryaha oo daboolaya ilaa 90 boqolkiiba ee horumarinada tashiilka tamarta. Tani waxay caawineysaa mulkiilayaasha iyo kiresyteyaasha iyadoo siineysa casriyeyn kor u qaadeysa qeybaha guryaha oona yareyneysa kharashaadka adeegyada guryaha. Waxay sidoo kale qeybaha guryaha kadhigtaa kuwo tashiila tamarta, taasoo Magaalada ka caawineysa yoolalka Waxqabadka Cimilada. Baahida Loo Qabo Guryo La Awoodi Karo Qiimaha dhexdhexaadka ah ee guri Edina ku yaala oo la iibiyey sanadki 2023 waxa uu ahaa $746,950. Celceliska kirada abaartimentiga ayaa gaartay ilaa $1,321 bishii ee guriga halka qol ee isu go’an iyo ilaa $1,980 ee labada qol ee jiifka, sida ku xusan Rent.com. Farqiga u dhexeeya dakhliga iyo kharashaadka guriyeynta ayaa sii kordhaya, taasoo culeys weyn saareysa dadka inay awoodaan guriyeyntooda. Xeerka guud ee miisaaniyadda waa in wax aanan ka badneyn 30 boqolkiiba ee dakhliga lagu kharashgareeyo kirada ama rahanta; wixi intaas kabadan waxaa loo arkaa kharsh culeys ah. Gudaha Edina, kalabar kamid ah kireysteyaasha ayaa kharash culeys ah saaran yahay, marka loo barbardhigo 21 boqolkiiba ee mulkiilayaasha ayey tiri Hawkinson. Qaar badan oo kamid ah, kharashaadka kirada ama rahanta ayaa gaara ama dhaafa boqolkiiba 50 ee dakhliga soo gala. “Farqiyada u dhexeeya kirada iyo dakhliga ayaa gebi ahaanba xadka ka baxay,” ayey tiri Hawkinson. “Dadka ayaa la soo baxaya keydkooda kaliya si ay isaga bixiyaan kiradooda.” Toddobaad kasta waxaa soo waca dad doonaya in la caawiyo. Waxaa jirta macalimad iskuul oo shaqo ka fariisatay oo carruurteeda ku korsatay gudaha Edina oona dabartay ilaa kulleejka. Hadda iyadoo 70-meeyada kasii baxayso, lacagteeda hawlgabka kuma filna inay ku noolaato Edina, marka waxay ubaahan tahay xulashooyinka guriyeyn la awoodi karo si ay ugu sii nagaato magaalada ay ugu yeerto minankeedka. Ama haweeneyda hantideeda kaliya ay tahay gurigeeda Edina, balse aanan awoodin inay maareyso, sidaas darteed waxay isku dayaysaa inay ogaato sida ay iibkeeda u waafajin lahayd guri ay awoodi karto oona xaqiijinaya inay ka bixiso kiradeeda mustaqbalka. “Waa waxa kaliya ay hanti ka leedahay, marka waxay ubaahan tahay lacagta kasoo gasha inay isku dabarto inta ay nooshahay cimrigeeda,” ayey tiri Hawkinson. Qeybaha Guryaha La Awoodi Karo ee ku jira Horumarinada Heerka Suuqa Sanadka La ansixiyey Horumarinta Wadarta Qeybaha Guryaha Guryaha La Awoodi Karo 2015 Millennium 227 11 2017 Nolan Mains 100 10 2017 Avidor 165 18 2018 4500 France/ The Lorient 45 3 2021 Maison Green 196 20 2021 The Eddi 200 20 2022 The Finch 276 28 WADARTA 1209 110 WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 41 Dad badan oo ay Hawkinso la hadashay si fudud uma heli karaan wax kamid ah inta uu isu jiro qiimahooda. Waxaa laga yaabaa inay uqalmaan ama aanay uqalmin “guriyeyn la awoodi karo,” halkaasoo inta badan barnaamijyada kireynta ay u adeegaan guryaha qoysaska dakhligoodu aanu ka badnayn boqolkiiba 60 ee aagga dakhlige dhexdhexaadka ah (ugu badnaan $59,640 ee labadi qof sanadki 2023) iyadoo inta badan barnaamijyada lahaanshaha ay u adeegaan dadka jooga ama ka hooseeya boqolkiiba 115 ($114,310 ee labadi qof). Iyadoo qisooyinka gaarka ah ee dadka ubaahan kaalmada aanay aqoon dadka deggan Edina, way garowsan yihiin inay jiraan dhibaatooyin. Sahanka Tayada Nolosha ee 2023 ee dadka deegaanka, dadki fikradaha ka dhiibtay guriyeynta ayaa u arkay in Edina ay leedahay xulashooyin guriyeyn la heli karo oo aad u yar oo loogu talagalay dadka keli-keliga ah iyo qoysaska dakhligoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka ah. “Dadka deggan Edina waxay garowsan yihiin farqiga dadka keli-keliga ah, qoysaska da’da yar iyo dadka badankiisa ee ka shaqeeya Edina kahor istaagaya inay awoodaan inay ku noolaadaan gudaha Edina,” ayey tiri Hawkinson. Mustaqbalka Dambe Iyadoo waxbadan wax laga qabtay, Magaaladu waxay aad uga fog tahay yoolka Qorshaha Dhammeystiran ee xulashooyin 1,804 gurayaha la awoodi kara ah marka la gaaro 2030. Balse waxaa jira ifa-faalooyin inaga horreeya. (ku sii socota bogga xiga) 1986 100 150 200 250 300 1990 1994 1998 2002 2006 2010 2014 2018 2022 146 318 Dakhliga Qoyska Guriga Dhexdhexaadka ah (MN) Kirada CPI ee Deganaanshaha Aasaasiga ah (MSP) Tusmada Qiimaha Macmiilka (CPI) waxay cabbirtaa sicir-bararka kharashaadka nolol maalmeedka. Dhibcuhu waxay ka tarjumaan isbeddelka dhexdhexaadka ah ee kharashaadka laga bixiyey badeecadaha iyo adeegyada kala duwan. Kharashaadka kirada waxay si aad ah kor uga keceen dakhliga, iyadoo guriyeynta uga dhigeysa mid aanay awoodi karin qoysaska ku dhaqan Magaalooyinka Mataanaha. Isbeddelka Kharashka Kirada iyo. Dakhliga Qoyska Guriga 42 •LAXIRIIRA MAGAALADA Canshuur dhimista la heli karo ee loogu talagalay mulkiilayaasha guryaha ee ku jira Barnaamijka Yareynta Canshuurta Guryaha Kireynta (4d) ayaa si weyn u korortay 2024. Mulkiile leh 100 unugyo guri ah ayaa heli kara boqolkiiba 80 dhimis ah. “Waxaan rajeyneynaa kaqeybqaadasho badan sanadka 2024 ee kala soocidda canshuurta 4d,” ayey tiri Hawkinson. “Waa kaydin weyn.” The Finch, ee ku taasha aagga Pentagon Park ee u dhow Fred Richards Park, ayaa dhismo lagu wadaa waxaana la filayaa in la furo 2025 iyadoo 28 kamid ah 276 abaartimentiyadeeda ay uqalmaan guryo la awoodi karo. (Qeybaha guryahani ayaa goorhoreba lagu daray wadarta xagga yoolalka guriyeynta.) Dadaalada guriyeynta ee Magaalada aasaasi ahaan waxaa lagu maalgeliyey khidmadda iibka la bixinayo ama lacagti maalgelinta canshuur kordhinta ee Southdale ee u dambaysay. Inteeda badan ayaa lagu kharashgareeyey guulo ilaa 2023. “Waxaan kaliya haynaa $2.14 milyan oo soo hartay si aan ugu kharashgareyno guriyeynta la awoodi karo, tillaabna uma qaadi kartid guriyeynta la awoodi karo adigoo haysta intaas,” ayey tiri Hawkinson. “Waxaan haynaa wax ku filan dhowr guri ama wax kayar horumarin guriga qoysaska badan.” Waxbadan kama naasa cada khidmadaha iibsashada ama qeybaha guryaha la awoodi karo ee dhismayaasha cusub ee qoysaska badan sababtoo ah waxyar ayaa ku jira dhuunta horumarinta. Dhulka la heli karo, heerarka dulsaarka sare, helitaanka shaqada iyo qiimaha, iyo kharashka agabka ayaa dhammaan saameynaya. Ilaalinta guryaha fudud ayaa sidoo kale caqabad ah, xitaa iyadoo la haysto caawimaada khuburada sida Habit for Humanity. “Ilaalinta halka qoys ayaa gaabis noqoneysa qeyb ahaan sababo la xiriiro tirada sii yaraaneysa ee guryaha ku haray aagga qiimaha aanu ilaalin karno,” ayey tiri Hawkinson. Koox mashruuc aan rasmi ahayn oo ka kooban shaqaalaha Magaalada, Xubnaha Golaha ee hadda iyo kuwii hore iyo qareenka Magaalada ayaa la shaqeeyay lataliye si loo go'aamiyo siyaabaha maalgelin joogto ah loogu abuuro dadaallada guriyeynta. Sameynta sidaas ayaa sidoo kale albaabada u fureysa maalgashadayaasha dibedda ah, taasoo si weyn u kordhineysa fursadaha, ayuu yiri Xubin Ka Tirsan Golaha Deegaanka James Pierce, oo qeyb ka ah kooxda. “Tani waa dhibaatooyin qaranka dhan ah, mana jirin qof awooday inuu xalliyo. Balse waxaan isku-dayeynaa in aan u ogaano bulshadeena,” ayuu yiri. Qaar kamid ah shaqada soo socota ayaa sidoo kale ah waxbaridda dadka ee ku saabsan xaaladda guriyeynta iyo awoodista. Tusaale ahaan, Pierce ayaa la sheekeystay haweeyneey ugu soo laabatay Edina inay daryeesho hooyadeed oo xanuunsan oona rabtay inay guri ka iibsato, balse dhammaan kuwi aagga qiimaheeda ku jiray waxaa la wareegay horumariyeyaal kuwaasoo duminayey si ay uga dhisaan guryaha raaxada oo aad u waaweyn. “Ma ay garan in taasi ay tahay waxa aan ka hadlayno marka aan ka hadlayno awoodista guryaha,” ayuu yiri. Si aad waxbadan uga ogaatid wixi kamid ah barnaamijyadaan, booqo EdinaMN.gov/AffordableHousing ama Hawkinson kala xiriirshawkinson@EdinaMN.gov ama 952-833-9578. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 43 Waxaa qoray Debbie Townsend Koox hawleed isxilqaan ah ayaa ku qaadan doonta inta ka dhiman 2024 iyagoo abuuraya Qorshaha Aagga Yar ee goob ka baxsan Lincoln Drive bariga U.S. Highway 169. Aagga, xuduudka la ah Nine Mile Creek ee waqooyiga iyo bariga, ayaa ku fidsan waxyar un ka hoose abaartimentiyada The Loden. Hadda waxay hoy’ u tahay dhismayaasha wax soosaarka fudud, bakhaarro, dhismayaal ganacsi oo ay ka buuxaan xafiisyo iyo adeegyo, iyo Dukaamada Londonderry oo soo bandhigaya maqaayado iyo tafaariiq. Qorshe Aag Yar oo Lincoln-Londonderry ah ayaa looga hadlay Warbixinta Qorshaha Dhammeystiran ee 2018 balse waqtigaas lama sameyn, ayuu sharxay Agaasimaha Horumarinta Bulshada Cary Teague. Qorsheyaasha Aagga Yar ayaa loo sameeyey aaggaga kale, oo ay ku jiraan 44th & France, 50th & France iyo Wooddale-Valley View. Qorshayaashaan ayaa haga xeerarka isticmaalka dhulka iyo soo jeedinta horumarinta mustaqbalka. Waa hagis hiigsi oo mustaqbalka ah oo loogu talagalay aag juqraafi gaar ah waxaana kamid ah mowduucyada sida gaadiidka, guryaha iyo ilaalinta deegaanka. Soo jeedin horumarineed oo dhowaan ah ayaa soosaartay daneynta dhammeystirka qorshaha aagga yar. “Ma jirin wax dood ah oo bulshada lagala yeeshay waxa ay tahay hiigsiga deegaankan, si markaa loo hago horumarka deegaankan, waxa loo baahan yahay in laga doodo,” ayey tiri Iskuduwaha Horumarinta Bulshada Addison Lewis, taasoo ka shaqeyn doonta isku xirka shaqaalaha kooxda shaqada. Kooxdu waxay ka koobnaan doontaa xubnaha Guddiga Qorshaynta, dadka deegaanka iyo milkiilayaasha guryaha kuwaas oo leh khibrado kala duwan si ay u keenaan aragtiyo kala duwan. Magaaladu waxay u qoondaysay lataliye si uu u fududeeyo hawsha una diyaariyo qorshaha iyadoo lagu salaynayo hagida koox-hawleedka. Shirar bulsho ayaa lagu qaban doonaa marxalado kamid ah hawsha si macluumaad loola wadaago oo ra’yi-celin looga soo ururiyo. Qorshaha qabyada ee koox-hawleedka waa in la horgeeyaa Guddiga Qorshaynta iyo Golaha Deegaanka labadaba si uu jawaab-celin iyo oggolaansho u helo. Waxa uu intaa kadib u baahanayaa in loo geeyo Golaha Dawladda Hoose si uu u helo ansixinta ugu dambeysa kahor inta aanan loo meelmarin sidii wax ka beddelka Qorshaha Dhammeystiran ee Magaalada. Qorshaha Dhammeystiran, oo ah qorshe uu gobolku waajibiyey oo la cusbooneysiiyo 10-kii sanaba mar, ayaa bixiya dulmar ku saabsan horumarinta iyo dib u horumarinta Edina oo dhan. Lewis ayaa rajaynaysa in qorshaha qabyada ah la dhamaystiro dhamaadka 2024 ama horraanta 2025. Waxbadan ka ogow ama iska qor si aad u hesho wixi cusbooneysiin ah bit.ly/Lincolnsap. Qorshaha Aagga Yar ee Ka Shaqeynaya Aagga Lincoln/Londonderry Aagga Yar ee Lincoln- Londonderry I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62 44 •LAXIRIIRA MAGAALADA Waa ay ku mahadsan yihiin deeqsinimada shakhsiyaadka, naadiyada iyo ururada, Magaalada Edina waxay heshay in kabadan $180,000 oo tabarucaado ah sanadki 2023. Si looga dhabeeyo ballanqaadki Magaalada ee badbaadada dadweynaha, Sanduuqa Ka Hortagga Dembiyada Edina ayaa wadar dhan $57,312.86 u qoondeeyey Waaxda Booliska sanadki 2023. Sanduuqa Ka Hortagga Dembiyada ayaa wax ugu tabarucday dharoonta Mavic 3, labo baskiil oo koronto ku shaqeeyo oo loogu talagalay roondada baaskiilka, Adeegga Waaxda Booliska ee Kaamiradda Ammaanka ee Guurguurta, iskaanarada faraha ee moobilka, kharashaadka roondada lugta ee fasaxyada, Lebiska mootada booliska iyo tababarka, kharashaadka roondada mootada, kharashaadka K-9 hawlgabka ah, alaabta xayaysiinta ee ka qaybgalka bulshada, kharashaadka safarka shirka qaranka, wacyigelinta/alaabta xayaysiinta ee Waaxda Booliska iyo sanduuqa la isku laabi karo ee eyga. “Sanduuqa Ka Hortagga Dembiyada ee Edina waxa uu ka kooban yahay mutadawiciin cajiib ah oo si hagar la'aan ah u caawiya waaxdayada si loo xaqiijiyo in aan haysano agabka iyo kheyraadka aan Edina uga dhigno mid ammaan ah,” ayuu yiri Madaxa Booliska Todd Milburn. Sidoo kale taageerista Waaxda Booliska, degane muddo dheer deganaa Edina iyo Xubin Guddiga Sanduuqa Ka Hortagga Dembiyada Pacy Erck ayaa $12,000 oo tabarucaad ah u bixiyey si Waaxda Booliska Edina loogu qalabeeyo adeegga eyga ee K-9 oo cusub. Waaxda ayaa hadda haysata Eyga Arijirka Nederlaan oo tababar ku jira. Waxaa gacanta ku haya Sarkaal Nick Pedersen. Erck ayaa sidoo kale $1,000 ugu deeqday “La Dukaameyso Sarkaal Boolis” iyo $500 oo ay ku bixisay xagga Sanduuqa Xusaska Braemar sanadki 2023. Kuwa kale ee ku deeqay $500 ama ka badan waxay ahaayeen: • Dennis Schulstad – $10,000 xagga bilicda dhulka ee Centennial Lakes Park, ubaxa iyo dayactirka • Mark iyo Jackie Nolan – $10,000 oo loogu talagalay saddex kuraasta jardiinada ee Bredesen Park • Bert iyo Carol Guinee – $3,200 oo loogu talagalay kuraasta jardiinada ee Bredesen Park • David iyo Martha Williams – $3,200 oo loogu talagalay kuraasta jardiinada ee Centennial Lakes Park • Diane Kaplan-Berk – $3,200 oo loogu talagalay kuraasta jardiinada ee Centennial Lakes Park • Ururka Xawaaraha Garoonka ee Gabdhaha Edina – $3,200 oo loogu talagalay kuraasta jardiinada ee Pamela Park Deeq-bixiyaasha Ayaa Wax Bixiyey Si Ay Gacan Uga Geystaan in Edina laga Dhigo Mid Badbaado ah oo Qurxan Sanadki 2023 Sawir FaylK-9 Blitz xardhan ayaa billadihiisa iyo abaalmarinadiisa sawir ku galaya kahor hawlgabkiisa munaasabadda “dab-joogga” bishi Diseembar. Sanduuqa Ka Hortagga Dembiyada ee Edina ayaa lacag ku deeqay si uu ugu daboolo kharashaadka eyga ee hawlgabka ah. WARBIXINTA SANNADLAHA EE 2023• 45 • Jonathan Gross – $3,200 oo loogu talagalay kuraasta jardiinada ee Weber Park • Megan D’Agostino – $3,200 oo loogu talagalay kuraasta jardiinada ee Centennial Lakes Park • Michael iyo Nicole Cancialosi – $3,200 oo loogu talagalay kuraasta jardiinada ee Weber Park • Paul Peters – $3,200 oo loogu talagalay kuraasta jardiinada ee Lewis Park • Andy Warczak – $2,250 oo loogu talagalay geedka Swiss Stone ee Chowen Park, oo ku teedsan Webiga Birch iyo Swamp White Oak ee ku yaala York Park • Ururka Goolofta Braemar – $1,950 xagga Sanduuqa Xusaska Braemar • Little Memorial Hospice Inc. – $1,750 oo loogu talagalay adeegsiga guud ee Waaxda Dabdemiska • Saaxiibada Maktabadda Edina – $1,500 oo loogu talagalay buugaagta xuska Juneteenth • Saaxiibada Maktabadda Edina – $1,500 oo loogu talagalay adeegsiga guud ee Xarunta Waayeelada • William Davis – $1,400 oo uu ku bixiyey xagga afar geed oo ku yaala Rosland Park • Cargill – $1,000 oo ay ku bixisay xagga “La Dukaameyso Sarkaal Boolis” • Dr. J. Patrick iyo Linda Smith – $1,000 oo loogu talogalay adeegsiga guud ee Waaxda Dab-damiska • Saaxiibada Maktabadda Edina – $899 oo loogu talagalay 100 buugaagta Compost Stew ah ee Suuqa Beeraleyda • Tony Giannakakis (Dhiseyaasha Guryaha TC) – $700 xagga Highlands Park • Naadiga Rotary ee Edina – $609 oo loogu talagalay 100 buugaagta carruurta ee Juneteenth • Sanduuqa Qoyska Michele iyo Andy Herring ee Mu’asasada Minneapolis – $500 oo loogu talagalay adeegsiga guud ee Xarunta Farshaxanka Edina Deeqaha la siiyo Magaalada Edina waa cashuur laga jari karo. Wixi macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan wax ugu tabarucidda Magaalada, Karraaniga Magaalada Sharon Allison kala xiriir 952-826-0359. - Waxaa isku dubariday Reham AlemamSawir FaylMunaasabadi sanadlaha ee labaad ee La Dukaameyso Sarkaal Boolis ayaa bishii Diseembar ka dhacday Target. Afar qoys oo ree Edina ah ayaa helay $500 oo ay kusoo iibsadaan hadiyado iyo waxyaabaha daruuriga ah iyada oo ay ugu wacan tahay deeqaha Cargill iyo Pacy Erck.