Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_June-2024_Somali-WebDhabbayaasha cusub ee dhexjiiraya geedaha ayaa u sahli doona dadka baaskiilka ku wada buuraha iyo kuwa lugeynaya inay sahamiyaan dhanka bari ee Braemar Park inta u dhaxaysa cirifka koonfureed ee Barxadda Goolofta Braemar iyo Wadada Gleason ee dhanka bari. (Sawirka Scott Denfeld) WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND Dhabbayaasha baaskiil ku wadista buuraha iyo kuwa lugeynta oo cusub, oo gooni ah oo kuyaala qeybta bari ee Braemar Park ayaa la furi doonaa bisha Juun, taasoo ah talaabada ugu horeysa ee weyn ee lagu horumarinayo qeybaha aan la isticmaalin ee beerta 500-akar ah. Dhabbaha baaskiilka ee 3-da mayl ka badan iyo dhabbaha lugeynta ee 1.3 mayl ah ee dhanka bari ayaa ah kuwa ugu horreeya waxa ugu dambayn isku noqon doona 8 mayl oo dhabbaha baaskiilka buuraha ah iyo 3 mayl oo dhabbaha lugeynta ah oo dhexmari doona qeybaha aan la adeegsan ee beerta ee ay ugu wacan yihiin geedka qodxoolaha buckthorn iyo geedaha noocyada kale ah ee qalaad ee sharaya meelaha bannaan. “Shaqada sanadkani waxaa diirada lagu saarayaa sidi geedaha qalaad meesha looga saari lahaa si markaas aanu ugu gudubno tallaabada xigta, taasoo ah in kor loo qaado oo la dhireeyo deegaan cusub,” ayey tiri Qorsheeyaha Beerta Rachel Finberg. Dib u soo celinta deegaanka dabiiciga ah ee beerta waa mashruuc sanado badan qaadanaya, balse afar ilaa shan sano gudahood, baaskiileyda iyo kuwa lugeynaya waxaa hareerahooda ahaan doona dhul caafimaad qaba, oo bilic qurxan. Dhabbayaasha baaskiilka iyo kuwa lugeynta ee dhanka galbeed ayaa ku xigi doona, iyagoo la furayo dabayaaqada sanadkan. Dhabbaha alwaaxa ah iyo dhabbayaasha cirifka koonfureed, oo isku xiri doona labada dhinac, ayaa noqon doona qeybta ugu dambeysa. Naqshadda iyo oggolaanshaha ee aaggan ayaa aad u adag iyada oo ay ugu wacan tahay dhexmarka dhulka biyo-mareenka ah ee jilcan ee Nine Mile Creek, ayey tiri Finberg. Warka wanaagsan ayaa ah waaxda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta ayaa furi doonta qeyb kasta marki la dhammeystiro. Dib u soo celinta deegaanka iyo dhabbayaasha waa labo qeybood oo muhiim ka ah Qorshaha Guud ee Beerta Braemar si loo cusbooneysiiyo loona kordhiyo beerta nasiinada ee ugu weyn magaalada ee hoyga u ah Barxadda iyo Teendhada Goolofta ee Braemar, Barxadda iyo Garoonka Braemar iyo Garoomada Courtney ee kubadda baseball-ka. $8.1 milyan ee horumarinada ah waxaa bixinaya canshuurta iibka iyo isticmaalka ee kala bar boqolkiiba ah ee uu codbixiyuhu ansixiyey 2022. Dhabbayaasha Cusub ee ugu Horreeya ee Braemar Park Ayaa La Furayaa Bishan Dhabbayaasha Baaskiil Wadista Buuraha iyo Kuwa Lugeynta Ayaa Dhexmari Doona Aagaga Dib Usoo Celinta Deegaanka Dabiiciga “Waa wax lagu farxo in tani ay ugu dambeyntii miro-dhal ay noqoneyso,” ayuu yiri Agaasimaha Beeraha Nasiinada & Tamashleynta Perry Vetter. “Awooda degdeg loogu dhaqaaqayo dib u soo celinta kheyraadka dabiiciga ah ayaa dad badan u oggolaan doonta inay ku istareexaan aaggan.” Vetter ayaa xusay in Magaaladu ay nasiib u yeelatay in shirkadda aadka loo amaano ee Pathfinder Trail Building ee fadhigeedu yahay Afton ay noqoto shirkadda ugu kharashka yar tartanka oo ay saxiixdo inay dhisto dhabbayaasha. Pathfinder ayaa dhawaan dhistay Beerta Baaskiilka ee Taft Bike Park ee ku taasha Richfield. Iyadoo uu jiro damaca in la isku dayo in la isticmaalo dhabbayaasha baaskiilka iyo kuwa lugeynta ee uu dhismuhu ku socdo, Vetter ayaa dadka ka codsanaya in aysan isku dayin inay isticmaalaan. Dhabbayaasha lama dhammeystirin waxayna noqon karaan kuwo khatar ah. Intaa waxaa dheer, baaskiil wadayaasha ayaa laga yaabaa in ay si aan ula kac ahayn u waxyeeleeyaan dhabbayaasha dhismaha lagu wado, taasoo ku kacaysa waqti badan iyo lacag dheeraad ah si loo dhammeystiro. “Waxaan ognahay in dad badani ay rabaan in tani ay sameeyaan,” ayuu yiri Vetter, “balse fadlan baaskiil haku wadina ilaa xariga laga jaro.” Furitaan kasta waxaa la sii sheegi doonaa xilli hore. Follow-garee bogga Facebook ee Waaxda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta Edina, iska qor warsidaha iimaylka barta EdinaMN.gov/Parks ama ka hubi jadwalka webseedkaas. Waxbadan ka ogow mashruuca oo dhan oo wararkii ugu dambeeyey kala soco EdinaMN.gov/ BraemarPark ama Finberg kala xiriir rfinberg@ EdinaMN.gov ama 952-826-0397. Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 JUUN 2024 Majalada 11, Qeybta 6Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina WAXAA QORAY BRITTANY BADER Boodh naxaas ah oo yar oo macno weyn ku fadhiya ayaa dhawaan si maamuus leh looga suri doonaa bannaanka afar guri oo muddo dheer ka dhisnaa Edina. Afarta guri – oo la dhisay inti u dhaxaysay 1900 iyo 1924 – ayaa ah guryihi ugu horreeyey ee si rasmi ah loogu aqoonsado Barnaamijka Guryaha Dhisan Qarniga ee Magaalada, kaasoo ah hindise ay horraanti sanadka daahfureen Guddiga Ilaalinta Dhaxalka iyagoo la kaashanaya Bulshada Taariikhda Edina si loo maamuuso guryaha dhisan 100 sano ama ka badan. Barnaamijka Guryaha Dhisan Qarniga ayaa doonaya inuu kor u qaado wacyiga muhiimada taariikheed ee ay leeyihiin guryaha qarniga dhisan, dhiirigelinta ka hadalkooda, iyo iftiiminta sida dheereynta cimriga guryaha iyada oo loo marayo dayactir iyo dib u cusbooneysiin ay u yaraynayso siideynta qiiqa kaarboonka ee la xiriira duminta iyo dhismaha guryaha. “Barnaamijkani wuxuu bixinayaa fursad mulkiilayaal guryo oo badan loogu aqoonsado dadaalkooda ku aadan ilaalinta guryaha ee gudaha Edina,” ayey tiri Emily Dalrymple, Kaaliyaha Qorsheeyaha Magaalada iyo xiriiriyaha shaqaalaha ee Guddiga Ilaalinta Dhaxalka. “Iyadoo mulkiilayaasha guryaha ay ka sheekeynayaan taariikhda guriga bulshaduna fursad u heleyso inay wax ka ogaadaan, waxay keeneysaa inay dad badani kaqeybqaataan sheekada.” Sida ku xusan diiwaanada Qeybta Qiimeynta Magaalada, laga bilaabo bilowgi sanadka, Barnaamijka ‘Guryaha Qarniga Dhisan’ Ayaa Taariikh Ku Maamuusaya Guryaha Edina Afar Guri Ayaa Dhawaan Lagu Aqoonsaday Hindisaha Cusub ee Magaalada 268 oo guryo ayaa uqalma maadaama la dhisay sanadki 1924 ama kahor. Xitaa waxaa jira siddeed la dhisay kahor sanadki 1888, marki Edina laga dhigay tuulo. Guryahani waxay taagnaayeen qarni ama kabadan oo kobac ah, laga soo bilaabo beeraleey yar iyo tuulo warshadeed ilaa ay ka noqotay xaafadi nawaaxiga magaalada ku taala ee ugu horreysay oo ay deggan yihiin in kabadan 53,000 oo qof. Weli halkan ayey nooga dhisan yihiin si aan maanta ugu riyaaqno taariikhdooda iyada oo ay ugu wacan tahay daryeelka mulkiilayaasha, kuwi hore iyo kuwa hadda. Deganayaashii ugu horreeyay ee codsada barnaamijka waxay ahaayeen Bob iyo Carol Thompson, mulkiilayaasha guri 1924 la dhisay oo ku yaala Country Club District. “Waxaan had iyo jeer xiiso u qabay taariikhda Country Club iyo Sam Thorpe, dhisaha,” ayuu yiri Bob. Markasta oo aan wax kasii barto, waxaan usii riyaaqaa goobtan gaarka ah. “Guryaha la dhisay 1924 ayaa ahaa kuwi ugu horreeyey ee Country Club. Qoyska Moore, oo ah mulkiilayaashi ugu horreeyey, ayaa si firfircoon ugu lug yeeshay xaafada 1940 meeyadi.” Guddoomiyaha Guddiga Ilaalinta Dhaxalka Jane Lonnquist waxay ku rajo weyntahay mulkiilayaal guri oo badan oo uqalma guud ahaan Edina oo dhan ay ku dhiirigelin doonaan inay soo gudbiyaan guryahooda si loo aqoonsado kadib markay wax badan ka ogaadaan barnaamijka. “Barnaamijka Guryaha Qarniga Dhisan waa aalad madadaalo ah oo magaalooyinka kale ay ku xusi jireen taariikhdooda, waxaana rabnay inaan Edina keeno. Waxaa jira Guryo Qarni Dhisan iyo taariikh weyn guud ahaan Edina, ma aha oo kaliya goobaha leh ciwaanka Astaanta Taariikhiga ee rasmiga ah … Bogga webseedka Guryaha Qarniga Dhisan wuxuu leeyahay ilo cilmi baariseed oo bilaash ah iyo xitaa xulasho aad taariikhda gurigaaga kula wadaagi karto webseedka qaranka haddii aad danaynayso,” ayey tiri. Iyadoo barnaamijkani uu doonayo inuu soo bandhigo guryahaan gaarka ah ee taariikhiga ah, waxaa muhiim ah in la ogaado inuusan ka dhigeyn guryaha kuwo uqalma aqoonsiga taariikheed ee maxalliga ama qaranka oo uusan soo rogeynin wax xadidyaadyo ah oo ku aadan dayactirka. Halka qarash ee ku lugta leh waa tabbeelaha naxaasta ah ee lagu dhajinayo afaafka hore ama daaqad ku jeedo wadada. “Ogaanshaha in guryaha dariskeyga ah uu mar daganaan jiray dhakhtarkii qalliinka wadnaha furan ee ugu horreeyey ama hindisihi calaamadaha Burma-Shave ama muusikeystihi gitaarka ee ku guuleystay abaalmarinta Grammy ma ahan wax adag, balse waa madadaalo. Iyo xitaa haddii uu qof hayo xoogaa xog ah uu nala wadaago, taasi waa mid fiican. Barnaamijkani waxaa loogu talagalay inuu ka dhigo ilaalinta taariikhda mid fudud oo madadaalo ah,” ayey tiri Lonnquist. Si loogu beego Bisha Ilaalinta, afarta mulkiilayaasha guryaha ee ugu horreysay ayaa tabbeelayaashooda naxaasta ah ku qaatay xus la qabtay bishi May. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka, booqo EdinaMN.gov/CenturyHome. 5524 W. 70th St. Sanadka La Dhisay: 1900 Xaafadda: Dherarada Qodobbada ugu Muhiimsan ee Codsiga: Mulkiilayaasha hadda ayaa ah mulkiilayaashii afaraad ee 124 sano ee uu jiro. Mulkiilayaashu waxay ku dadaalaan inay dareenka qadiimiga ah ku ilaaliyaan xardhidooda waxayna soo bandhigaan labo bam-gacmeedka biyaha ah oo sanadadi hore la isticmaali jiray. Tan iyo sanadki 1986, dib u dayactirada waaweyn ee lagu sameeyey waxaa kamid ah ku darista qolka mulkiilaha guriga, labo goobood oo dab-shidka gaaska ah iyo jiko cusub; dib u qaabeynta saddex musqulood; iyo hoolista sagxadaha dhulka ee alwaaxa ah. 4116 W. 44th St. Sanadka La Dhisay: 1911 Xaafadda: Morningside Qodobbada ugu Muhiimsan ee Codsiga: Gurigan waxaa marki ugu horreysay lahaa Alfred iyo Jessie Simmons, kuwaas oo la sheegay inay guriga ka qaabeeyeen guri Fillo ah oo ay ku soo arkeen safar ay ku tageen California. Taariikh ahaan, dhulku wuxuu qeyb ka ahaa qeybta “Grimes Homestead” ee Morningside, oo loogu magac daray Jonathan Taylor iyo Elizabeth (Eliza) Gordon Grimes, oo ahaa dadkii ugu horeeyey ee degey degmada Edina Mills iyo dhul beereedkoodii. 4120 W. 44th St. Sanadka La Dhisay: 1914 Xaafadda: Morningside Qodobbada ugu Muhiimsan ee Codsiga: Gurigani wuxuu marki hore qeyb ka ahaa aagga “Grimes Homestead” area, sida 4116 W. 44th St. 4523 Bruce Ave. Sanadka La Dhisay: 1924 Xaafadda: Country Club Qodobbada ugu Muhiimsan ee Codsiga: Gurigani waxaa marki hore lahaa Clarence iyo Esther Moore. Waxaa lagu qiyaasayaa sanadki 1936 ama 1937, guriga in lagu sameeyey dib u dayactir ballaaran, oo ay ku jiraan ku darista dhabarka dambe ee guriga, qol gaar ah oo ku yaala dabaqa koowaad iyo irid kor ka dadan oo dhabarka guriga ku taasha, u fidinta qolka fadhiga dhanka koonfureed, iyo albaab la xiro oo ku yaala iridda hore. Mulkiile hore ee guriga ayaa wuxuu ahaa Roger Awsumb, xidig kamid ahaa showgi telefishinka carruurta ee “Lunch With Casey,” ee soo gali jiray 1954 ilaa horraantii 1970-meeyadi. 2 Riwaayado Habeenkii Axadda 7 p.m. Juun 2 Kindasorta Juun 9 First John Philip Sousa Memorial Band Juun 16 Hunker'd Down Blues Band Juun 23 Kooxda Muusiga ee Josh Cleveland Juun 30 Capri Big Band Julaay 7 Luke LeBlanc Trio Julaay 14 First John Philip Sousa Memorial Band Julaay 21 The Two Sundays Big Band Julaay 28 First John Philip Sousa Memorial Band Ogast 4 Minneapolis Police Band Ogast 11 Riwaayada Nalka Tooshka ee First John Philip Sousa Memorial Band (Hawluhu waxay bilaabmayaan 6:30 p.m.; Riwaayadu waxay bilaabmaysaa 8:30 p.m.) Ogast 18 Dirty Shorts Brass Band Ogast 25 Sawyer’s Dream Monday Night Concerts 7 p.m. Juun 3 Just Dave & the Rockin’ All Stars Band Juun 10 Nova Contemporary Jazz Orchestra Juun 17 Brooklyn Big Band Juun 24 The EXECS Big Band Julaay 1 Homeward Bound Julaay 8 Moonlight Serenaders Big Band Julaay 15 Jazz on the Prairie Big Band Julaay 22 Kooxda Durbaanka ee Pan-handlers Steel Julaay 29 Rockin’ Woody Ogast 5 Ali & Joe Ogast 12 Swing Beat Big Band Ogast 19 The PrizeFighters Ogast 26 Lee Engele Riwaayadaha Caweyska Arbacada 7 p.m. haddii aan waqtiga la beddelin Juun 5 Minnesota Symphonic Winds Juun 12 Percolators Band Juun 19 Dabaaldegga Juneteenth (6 p.m.) Juun 26 “Centennial Lakes: Taariikh Afka Ah” (riwaayada 6:30 p.m. ee ay soojeedinayaan Dave & The Rockin’ All Stars, 7 p.m. Dood-cilmiyeed) Julaay 10 Matt Jennings Electric Trio Julaay 17 Ugaar ah caruurta: Teddy Bear Band (6 p.m.) Julaay 24 Medalist Concert Band Julaay 31 Bandhigga Hobolada Dadka Waaweyn ee Codka Hallaasiga Ogast 7 Ugaar ah caruurta: Shirkadda Tiyaatarka Morningside (6 p.m.) Ogast 14 Brio Brass Ogast 21 Folkaanaha Caanka Ah Ogast 28 Ugaar ah caruurta: Princess Sing- Along (6 p.m. la kulan-oo-salaan; riwaayadda 6:45 p.m.) Filimada Jardiina Cadceed dhaca Jimcaha Juun 14 Bee Movie Julaay 26 Socdaalka Ogast 16 Shrek Riwaayadaha Carruurta 10 a.m. Talaado iyo Khamiis haddii aan waqtiga la beddelin Juun 4 Teddy Bear Band Juun 6 Bob the Beachcomber Juun 11 Jolly Pops Juun 13 Todd’n’Tina Juun 18 Wonderful World of Woody Juun 20 Wendy’s Wiggle, Jiggle, iyo Jam! Juun 25 ARK: Acoustic Rock for Kids ee John Kerns Juun 27 Kayla Malmgren - Juggles the Juggler Julaay 2 Xammaaratada iyo Berri-biyoodlaha ee Xarunta Dabiiciga ee Richardson Julaay 9 The Bazillions Julaay 11 Muusiga Kidpower oo Toos ah Bandhiga Xayawaanka Julaay 16 Yoogada Carruurta ee Learning Tree Yoga Julaay 17 Teddy Bear Band (Arbaco 6 p.m. Gaar) Julaay 18 La Kulanka Shinbirta Raptor - U ee M Xarunta Raptor Julaay 23 Magical Entertainer Brian Richards Julaay 25 Sticks and Tones Julaay 30 Princess Sing-Along (10 a.m. la kulan- oo-salaan; 10:45 a.m. riwaayad) Ogast 1 Wendy’s Wiggle, Jiggle, iyo Jam! Ogast 6 Muusiga Kidpower oo Toos ah Bandhiga Xayawaanka Ogast 7 Shirkadda Tiyaatarka Morningside (Arbaco 6 p.m. Gaar) Ogast 8 Will Hale and the Tadpole Parade Ogast 13 Todd’n’Tina Ogast 15 Hooperina Ogast 20 The Bazillions Ogast 22 Teddy Bear Band Ogast 27 Wonderful World of Woody Ogast 28 Princess Sign-A-Long (Arbaco gaar ah. 6 p.m. la kulan oo salaan; riwaayadda 6:45 p.m.) Ogast 29 ARK: Acoustic Rock for Kids ee John Kerns Centennial Lakes Park, 7499 France Ave. S., wuxuu bixiyaa riwaayado xagaaga bilaash ah iyo filimo Jardiinada ah. Riwaayadaha iyo filimada waxaa lagu qabtaa Maetzold Amphitheater. Macaamiisha ayaa lagu dhiirigelinayaa inay keenaan busteyaal ama kuraasta cawska. Booqo CentennialLakesPark.com ama boggeeda Facebook si aad uga hesho wararki ugu dambeeyey. MADADAALO2024XAGAAGA 3Magaalada Edina EdinaMN.gov 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4 HouseNovel Ayaa La Guddoonsiiyay Abaalmarinta Dhaxalka ee 2024 Abaalmarinta Dhaxalka ee 2024 lama guddoonsiin guri kuyaala Edina, balse waxaa la guddoonsiiyay il-kheyraad u ah dhammaan guryaha Edina iyo guud ahaan Mareykanka. HouseNovel, oo ah webseed keydiya taariikhda guryaha, waxaa naqshadeeyey Amanda Zielike iyo saygeeda, David Decker. Isagoo la daahfuray sanadki 2022, HouseNovel waa madal bilaash ah oo qofka isticmaalaya u roon oo loogu talagalay dadka inay ka ogaadaan oo ay ku diiwaangeliyaan taariikhda guryaha iyo dadka deggan. Guddoomiyaha Guddiga Ilaalinta Dhaxalka Jane Lonnquist ayaa HouseNovel u magacowday Abaalmarinta Dhaxalka maadaama webseedka iyo labada qof ee sameeyey ay keyd weyn u yihiin mulkiilayaasha guryaha Edina ee doonaya macluumaad ku saabsan guryahooda iyo kuwa cilmi-baaris ku sameynaya Gurigooda Qarniga Dhisan. Webseedka waxaa ku jira in kabadan 24,000 guri oo keydkiisa ku jira — ku dhawaad 600 oo kamid ah waxay ku yaalaan Edina. “Guryuhu waa mid kamid ah iibsiyada ugu weyn ee aan sameyno inta aan nool nahay. Hadana weli, waxaa jira waxyar oo laga og yahay oo ka baxsan xaqiiqada qiimaha wajiga,” ayey tiri Zielike. “Xaqiiqdii waxay un ku saabsan tahay bayaaminta waqtiyada gaarka ah iyo qisooyinka iyo waxyaabaha guriga ka dhigaya guri ee inta badan luma lana ilaawo waqti kadib.” Aabaha Zielike ayaa lahaa Hagaajinta Saacadaha Edina wuxuuna ganacsigiisa kasii wataa gurigooda kuyaala Lois Lane. Zielike waxay weligeed xiiseyn jirtay taariikhda guryaha waxayna si gaar ah u jecleyd guryaha kuyaala Country Club District. Zielike iyo Decker waxay aad u jecel yihiin hantida ma guurtada ah, naqshadeynta dhismaha iyo sheeko ka sheekeynta. Dhammaan waxyaabahaas xiisaha badan waxay ku kulansan yihiin HouseNovel. “Riyadeenu waxay noqon lahayd in aan keydino qeyb taariikh ah oo ku saabsan guri kasta oo ku yaala wadanka,” ayey tiri Zielike. “Balse wixii intaas dhaafsiisan, xitaa iyadoo ay jiraan duminta iyo burburinta guryaha ee aan laga fursan karin, hadafkeena koowaad waa in aan helno hab sahlan oo aan ku ilaalin karno kuna xusno qisadooda si marwalba loo xasuusto.” Guryaha kuyaala Edina, HouseNovel ayaa xogta dadweynaha kasoo xigtay Bulshada Taariikhda Minnesota, Madxafka Taariikhda Degmada Hennepin iyo Minneapolis Star Tribune. Webseedka ayaa qofkasta u oggolaanaya inuu geliyo xogta ku saabsan guryaha si bilaash ah oo fudud. Marka la iska diiwaangeliyo, HouseNovel wuxuu bixiyaa hagista cilmi-baarista oo bilaash ah balse sidoo kale wuxuu leeyahay qeybo lacag ah oo ikhtiyaari ah, haddii mulkiilaha gurigu rabo caawinaad dheeri ah oo ku saabsan baaritaanka gurigiisa. Si aad u sahamiso webseedka oo aad u bilowdo, booqo HouseNovel.com. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Abaalmarinta Heritage iyo kuwii horay u qaatay, booqo EdinaMN.gov/HeritageAward. – WAXAA ISKU DUBARIDAY LAUREN SIEBENALER DHACDOOYINKA SOO SOCDA Maalmaha Talaadooyinka iyo Khamiisaha laga bilaabo Juun 6, 9:30-11 a.m. Kulmiska Farshaxanka ee Xarunta Farshaxanka Edina, Centennial Lakes Park Khamiisaha laga bilaabo Juun 6, 3-7 p.m. Suuqa Beeralayda, Centennial Lakes Park Sabti, Juun 1 Pride Month ayaa bilaabmaya Sabti, Juun 1, 10 a.m.-7 p.m. Edina Art Fair, 50th & Faransiiska Axad, Juun 2, 10 a.m.-5 p.m. Edina Art Fair, 50th & Faransiiska Isniin, Juun 3, 7 p.m. Wadahadalka Magaalada: Hawlaha Dabdemiska, Onlayn Talaado, Juun 4, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edinal Talaado, Juun 11, 5:30 p.m. Aqoon-is-weydaarsiga Bulshada ee Qorshaha Aagga Yar ee Lincoln iyo Londonderry, Walnut Ridge Park Talaado, Juun 11 Casharrada Qoob ku Ciyaarka Beerta, Centennial Lakes Park Arbaco, Juun 12, 5 p.m. Art Together, Fred Richards Park Khamiis, Juun 13, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Hormarinta, Magaalada Edina Jimco, Juun 14, 8 p.m. Filimka Caweyska “Bee Movie,” Centennial Lakes Park Talaado, Juun 18, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edinal Arbaco, Juun 19 Juneteenth; xafiisyada Magaaladu way xidhan yihiin Arbaco, Juun 19, 6 p.m. Dabaaldega Juneteenth, Centennial Lakes Park Arbaco, Juun 26, 6:30 p.m. Dood-cilmiyeedka Taariikhda Centennial Lakes Park kadib bandhigga Dave & The Rockin’ All Stars, Centennial Lakes Park Liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov. Si toos ah u daawo shirarka Golaha Deegaanka, Guriyeynta & Maamulka Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta: • Edina TV (Kanaalada Comcast 813 ama 16) • Facebook.com/EdinaMN • "Ka daawo kulanka" bogga internetka ee EdinaMN.gov/LiveMeetings Guriga ku yaala 4508 Wooddale Ave., ee uu sanadki 1930 sawiray John H. Kammerdiener, waa mid kuyaala Country Club District oo borofayl ku leh HouseNovel. (Qadarinta sawirka waxaa leh Maktabadda Degmada Hennepin iyo Madxafka Taariikhda Hennepin)