HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_July-2024_Somali-WebWAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND
Adeeg bas oo dheereeya oo leh tas-hiilaad
wanaagsan ayaa imanaya Wadada France.
Dhismaha qeybta Edina ayaa hadda socda.
Qeybaha kale waxaa la dhammeyn doonaa ilaa
deyrta 2025, iyadoo wadadan cusub ee Metro
Transit, oo loo yaqaano E Line, si aan la hubin
loogu qorsheeyay in la bilaabo Diseembar 2025.
Waa maxay E Line halkeese u safri doonaa?
Waa khad Gaadiidka Baska Degdegga ah (BRT)
oo adeeg degdeg ah siin doona inta badan waxa
hadda loo yaqaano Route 6. Waxa uu ka soo
bilaabmi doonaa Jaamacadda Minnesota ilaa
magaalada hoose, Magaalada kore, hoos France
Avenue wuxuuna ku dhamaan doonaa Xarunta
Southdale Transit.
Wadooyinka BRT waa kuwo dhakhso badan
sababtoo ah basasku waxay ku hakadaan meelo
kooban, basaska waa laga galaa/baxaa albaabo
badan rakaabkuna waxay tigidhada sii jartaan
goorhore. Qofka deggan Edina waxa uu ka
casheyn karaa 50th & France, qabsan karaa
bas oo uu tagi karaa dhacdo isboorti oo ka
socota Gophers qiyaastii 38 daqiiqo, ayuu yiri
Isku Duwaha Wacyigelinta Bulshada ee Metro
Transit Erik Thompson.
Maxaa kale oo u gaar ah waddooyinka BRT?
Meelaha la hoos fadhiisto ee basaska lagu sugo
waxay leeyihiin kuleyl marki loo baahdo la daaran
karo iyo calaamado elektaroonig ah oo kuu
sheegaya marka basaska xiga ay imaanayaan.
Jardiinadooda waa kuwo sare si ay ugu sahlaan
qofkasta in uu karo ama ka dego baska.
Maxaa dhacaya inta dhismuhu socdo?
Qeybaha aadaya koonfurta France Avenue laga
bilaabo wadooyinka 44aad ilaa 66aad ayaa
laga xiri doonaa in ay ka gudbaan gaadiidka
ilaa Agoosto. Marka shaqada goob kasta la
dhammeeyo, qeybtaas dib ayaa loo furi doonaa
ayuu yiri Thompson. Inta ay xiran yihiin, gawaarida
gurmadka degdegga iyo waxyaabaha ganacsiga ah
ee meelo la geynayo ayaa weli sii adeegsan doona.
Calaamadaha leexashada ayaa lagu dhejin doonaa.
Jadwalku waa uu isbeddeli karaa.
Gaari ma ku baakiman karaa oo ma soo
dukaameysan karaa ama soo cunteyn karaa
inta dhismuhu socdo?
Haa! Dhammaan ganacsiyada ku yaala hareeraha
France Avenue waa ay sii furnaan doonaan. Sidaas
oo kale ayey u furnaan doonaan meelaha kore ee
gawaarida la dhigto.
“Waxaan ku dhiirigelin lahaa haddii ay gaari u soo
kaxeysanayaan 50th & France in ay ku baakintaan
meelaha kore ee baabuurta la dhigto,” ayuu yiri
Qorsheeyaha Gaadiidka Edina Andrew Scipioni.
“Haddii aad ka imaanayso galbeed ama aad ka
imaanayso koonfurta, waa in aysan ka duwanaan
sida caadiga ah.”
Miyay jiraan wax munaasabado gaar ah
oo dhacaya?
Makhaayadaha qaarkood waxay balaariyeen
fadhiga bannaanka, halka dukaamo badan oo
tafaariiqda ah ay yeelanayaan bandhigga iibka
wadada dhinaceeda ah. Ururka Ganacsiga &
Xirfadlayaasha 50th & France ayaa martigelinaya
munaasabado badan oo bilaash ah oo ay ku jiraan:
•Muusiga Fagaaraha: Ruwaayado la qabanayo
5 ilaa 8 p.m. Jimco kasta ilaa bisha Agoosto.
•Qoob Ka Ciyaarka Fagaaraha: 7 p.m.
Sabtiyada Juulaay 6, Agoosto 3, 24 iyo 31,
iyo Sibteembar 7.
•Heeso & Sheeko: Bandhig-faneedyo qoyska
u roon iyo farshaxan-gacameedka carruurta,
saacada 10 a.m. Sabtiyada Juulaay 13 iyo
Agoosto 3.
“Waxay noqon doontaa mid aad u madadaalisa
dadka,” ayey tiri Agaasimaha 50th & France
Rebecca Sorensen. “Inta ay halkan joogaan, dadku
waxay sahmin karaan dhammaan dukaamadeena iyo
maqaayadaheena cusub ama waxay booqan karaan
kuwa dookhooda ah. Wax badan ayaa noo socda.”
Dhacdooyin badan ayaa la qorsheeyay.
50thandFrance ka follow-garee Instagram si aad
uga hesho warbixinadi ugu dambeeyay ama booqo
50thandFrance.com.
Yaa bixinaya lacagtan?
Kharashka $60-ka milyan ah ee E-Line ku baxaya
waxaa si buuxda looga maalgelinayaa lacago isku
jir ah oo ka kala socdo federaalka, gobolka iyo
Dawladda Hoose, ayuu yiri Thompson.
Miyuu xarafka “E” ee ku jira E Line u taagan
yahay Edina?
Waa ay isku soo beegmeen. Metro Transit waxay
horay u lahayd wadooyinka degdegga ah ee A ilaa
D waxaana ku xiga E. Waa ay fududahay in la
xasuusto, Scipioni ayaa yiri.
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo
metrotransit.org/e-line-project, halkaas oo
aad sidoo kale iska qori karto si aad u hesho
warbixinadi ugu dambeeyay. Ama Scipioni kala
xiriir ascipioni@EdinaMN.gov ama 952-826-0440.
Adeeg Bas oo Dheereeya ayaa imanaya Wadada France
E Line Ayaa Sahli Doona in Loo Safro Magaalada Kore, Magaalada Hoose, Jaamacadda Minnesota
France & 44th St
FranceXarun la dhisayo 2024
Xarun la dhisayo 2025
France & 58th St
France & 47th St
France & 62nd St
France & 50th St
Isbitaalka Fairview Southdale
France & 54th St
Xarunta Southdale Transit
Magaalada Edina EdinaMN.gov 1
WARBIXINTA DHAQAALAHA SANNADLAHA AH EE CAANKA AH BOGGA 3
Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo
Daabacaad: Edina
JUULAAY 2024
Majalada 11, Qeybta 7
WAXAA QORAY BRITTANY BADER
Marka mashruuca dib u dhiska wadada ee u
dhow Xarunta Magaalada Edina la dhammeeyo
dhammaadka xagaaga, goobta waxaa dib loo
furi doonaa iyadoo leh horumarino badbaadada
ku aadan oo dhawr ah, oo ay ku jiraan nidaamka
calaamadaha taraafikada oo cusub oo ku
yaala Wadada Grange iyo West 50th Street oo
lahaanaysa meelo cusub oo wadada laga gooyo
iyo nalalka tilmaama meelaha laga gudbo oo
cod leh.
Waa maxay jadwalka waqtiga?
Dhismuhu wuxuu bilaabmay toddobaadki Juun
10. Waxaa loo qorsheeyay in la dhammeystiro
toddobaadka saddexaad ee bisha Agoosto, ka
hor inta aan iskuulada la furin.
Maxay Magaaladu u qabanaysaa
mashruucan?
Mashruucani waxa uu qeyb ka yahay qorshaha
weyn ee kor loogu qaadayo badbaadada
dhammaan noocyada gaadiidka ee laga helo
Degmada Grandview wuxuuna sii wadaa
shaqadii ay Magaaladu qabatay sanadkii hore
markii labo roundabout (afar-irdood) lagu daray
wadada Eden Avenue.
“Yoolka mashruucani waxa uu yahay in kor
loogu qaado badbaadada gawaarida iyo dadka
lugeynaya labadaba ee degmada dhexdeeda.
Waxaanu rabnaa in aanu bixino dhabbayaal
dhinaca wadooyinka ku yaala oo badbaado iyo
istareex ah oo loogu talagalay dadka lugeynaya
iyo kuwa baaskiilka ku wata aagga, marka
laga yimaado dhimista xawaaraha gaadiidka
iyo ilaalinta badbaadada kuwa u leexanaya
dhanka bidixe ee West 50th Street,” ayuu yiri
Agaasimaha Injineerinka Chad Millner.
Waa maxay isbeddellada la sameeyay si kor
loogu qaado badbaadada dadka lugeynaya?
•Nidaam cusub oo nalka taraafikada ah iyo
laba meelood oo wadada laga gooyo oo
dheeraad ah oo ku yaala isgoyska Grange
Road iyo West 50th Street
•Calaamadaha nalalka adeegsiga
dadka lugeynaya oo cusub oo bixinaya
macluumaadka geynta wadada oo cod leh
•Ku kordhinta dhabbayaal dhinaca wadada
ah oo ballaaran (ballacooda u dhaxeeyo 8
ilaa 10 fiit) oo ku yaala labada dhinac ee
wadada West 50th ee aagga mashruuca
•Dhammeystirka qeybta koowaad ee
dhabbo dhinaca wadada ah oo 10-fiit-
ballac ah oo ku taasha Grange laga bilaabo
wadada West 50th oo ugu dambeyn ku
darmi doonta wadada Eden Avenue kadib
mashruuc ku xiga oo la fulin doono 2025
Waa maxay isbeddellada la sameeyay si kor
loogu qaado badbaadada gawaarida?
•Kala qeybiyaasha bartamaha wadada
oo loo yeelo wadada West 50th si loo
dhuudhuubo seedadka hoosna loogu dhigo
xawaaraha gaadiidka
•Ka ilaalinta seedka u leexanaya dhanka
bidixe ee ka imaanaaya wadada West 50th
ee u leexanaya Grange Road
•Qoondeynta seedka u leexanaya dhanka
bidixe ee ka imaanaaya wadada West 50th
ee u leexanaya Dale Drive
Waa maxay wadooyinka la xirayo
inta uu socdo dhismuhu?
Mashruucu waxa uu ka kooban yahay laba
aag shaqo: Wadada Grange Road laga bilaabo
Minnesota Highway 100 waqooyi aadeysa
(Hwy 100 N) laga koro loogana dago taagaga
ilaa wadada West 50th, iyo wadada West 50th
laga bilaabo Grange ilaa waxyar marki la dhaafo
Dale. Calaamad ayaa la surayaa si darawallada
looga leexiyo.
•Meesha gaadiidka maxalliga ay u
leexanayaan waa Eden Avenue, iyadoo laga
soo leexanayo wadada Vernon Avenue ilaa
wadada West 50th.
•Gelitaanka iyo ka bixista koritaanka iyo ka
dagitaanka wadada Hwy 100 N ayaa kooban
inta uu socdo mashruucu. Darawalladu
waa in ay ka sii tabaabusheystaan taagaga
la xirayo, inkastoo ay ku xiran tahay wajiga
shaqada, qandaraaslaha waxaa laga yaabaa
in uu furo wakhtiyada qaarkood.
•Si ay u adeegsadaan aaggaga dadweynaha
ee ka baxsan Dale, darawalladu waxay u
baahan yihiin in ay isticmaalaan Wadada
Bariga Sunnyslope.
Sideen ku tagi karaa Xarunta Magaalada?
Dadka booqanaya Xarunta Magaalada Edina
waxay u baahnaan doonaan in ay isticmaalaan
wadada laga galo loogana baxo Eden Avenue ilaa
inta uu mashruucu ka dhamaanayo.
Qaabkee ayay Magaaladu u bixinaysaa
lacagta mashruucan?
Sidi mashruuci roundabout-ka (afar-irdoodka)
ee sanadki la soo dhaafay, $2.7-ka milyan ee
loogu talagalay horumarinadaan waxay ka imaan
doontaa maalgelinta kordhinta canshuurta (TIF)
ee degmada ee la xiriirta Maison Green.
Khariiradaha meelaha laga leexanayo
iyo macluumaadka socda ee ku saabsan
mashruuca waxaa laga heli karaa Bit.
ly/50thGrangeProject. Wixii macluumaad
dheeraad ah, kala xiriir Millner, 952-826-0318
ama cmillner@EdinaMN.gov.
Horumarino Badan oo Badbaadada Grandview Ah Ayaa Socda
Dhabbayaasha Waddada Dhinaceeda oo Cusub, Meelaha Wadada Laga Gudbo Ayaa Lagu Kordhiyay
Agagaarka Xarunta Magaalada Edina
MN-100 N
Galaya Dallacaada
MN-100 N
Ka Bixidda Dallacaada Wadada Grange4116 W
.
5
0
t
h
S
t
.
5100 Ede
n
A
v
e.Dale Dr.Xarunta Magaalada Edina
50th & France
Nidaam Cusub oo
Calaamadaha Taraafikada
iyo Meel Ay Dadka Ka
Gooyaan Wadada
Seedka
D
h
a
n
k
a
B
i
d
i
x
e
U
Leexana
y
a
e
e
L
a
i
l
a
a
l
i
y
a
y
e
e
u
Leexanay
a
W
a
d
a
d
a
G
r
a
n
g
e
R
d
.
Seed Bid
i
x
L
o
o
Q
o
o
n
d
e
e
y
a
y
oo u Lee
x
a
n
a
y
a
D
a
l
e
D
r
.
FURAHA: Wadooyinka Qeybta Kala Qeybisa Wadada Dhabbayaasha Dhinaca Wadada oo Ballaaran
?úA@
Edina City Hall
Edina Country Club
Our Lady of GraceCatholic Church
GrandviewSquareGus Young Lane
Eden Ave
n
u
e
49th Street West
Vernon AvenueHawthorneCourtArcadia AvenueDale DriveGra
n
g
e
R
o
a
d
52nd StreetWest
51stStreetWest
InterlachenBoulevard
50th Street WestSummitAvenueHilltopLane
SherwoodR oadHankerson AvenueBrooksideAvenueSu
n
n
y
s
l
o
p
e
R
o
a
d
E
a
s
t
Willson RoadMaxar, Microsoft
Legend
Road Closure
Project Area
Detour Local Traffic ¯
W 50TH STREET - LOCAL TRAFFIC DETOUR
Wadada
Leexadka
FURAHA:
Xiritaanka Wadada
Aagga Mashruuca
Leexashada Gaadiidka
Maxalliga
2
WARBIXINTA MAALIYAD SANADEEDKA CAANKA AH 2023
Tusaha Magaalada Edina
Golaha Magaalada
Duqa magaalada
Jim Hovland – 612-874-8551
Xubnaha Golaha
Kate Agnew – 952-833-9556
Carolyn Jackson – 952-833-9547
James Pierce - 952-833-9548
Julie Risser – 952-833-9557
Kooxda Hoggaanka Fulinta
Maareeyaha Magaalada
Scott Neal - 952-826-0401
Kaaliyaha Maareeyaha Magaalada
Ari Lenz – 952-826-0416
Agaasimaha Isgaarsiinta
Jennifer Bennerotte – 952-833-9520
Agaasimaha Horumarinta Bulshada
Cary Teague - 952-826-0460
Agaasimaha injineernimada
Chad Millner – 952-826-0318
Agaasimaha Maaliyadda
Pa Thao – 952-826-0420
Taliyaha Dabka
Andrew Slama – 952-826-0332
Agaasimaha Shaqaalaha
Kelly Curtin - 952-826-0402
I.T. Agaasime
Ryan Browning - 952-826-0434
Komishanka Jardiinooyinka &
Madadaalada
Perry Vetter - 952-826-0430
Madaxa Booliska
Todd Milburn – 952-826-0487
Agaasimaha howlaha guud
Brian Olson – 952-826-0311
Magaalada Edina waxay kaga warbixisaa
natiijooyinka dhammaadka sannad-
maaliyadeed Warbixinteeda Maaliyadeed ee
Guud ee Sannadlaha ah (CAFR). Warbixintani
Maaliyad Sanadeedka Caanka Ah waxay
soo koobeysaa xog muhiim ah oo laga soo
qaatay lacago la xushay bishii Diseembar
31, 2023 CAFR waxayna la jaanqaadaysaa
Mabaadii’da Guud ee Xisaabaadka La
Oggol Yahay. Si aad u hesho dib u eegista
dhammeystiran ee booska maaliyadeed ee
Magaalada ee 2023, la tasho ACFR, oo laga
heli karo EdinaMN.gov/Finance.
WAXAA QORAY MATT CORDS
Ka dib bilo qorsheyn, bandhigyo iyo falanqeyn ah
oo ay wadeen hoggaanka Magaalada, dhismaha
Saldhiga Dabdemiska 2aad ee cusub ee Edina
waxa uu bilowday bishi May.
Mashruuca laga wado 4401 W. 76th St., oo lagu
qiyaasay in dhismihiisu ku kacayo $24.1 milyan,
waxa uu taageero dheeraad ah siin doonaa
darafka koonfur-bari ee magaalada isagoo
kordhinaya shaqaalaha, qalabka iyo booska
bulshada. Iyadoo xarunta cusub laga dhisay aag-
weynaha Southdale, Dabdemiska Edina waxay
si wanaagsan ugu diyaarsanaan doontaa in ay u
adeegto degmo si joogta ah u aragto wicitaanada
ugu tirada badan.
Xogta mashruuca iyo maalgelinta waxaa
faahfaahiyay Agaasimaha Maaliyada Pa Thao iyo
Maareeyaha Mashruuca Zuly Marquez.
Ma sharrixi kartaa sababta Magaaladu
u kordhisay miisaaniyadda mashruuca
Saldhiga Dabdemiska 2aad?
Marquez: qandaraasyada dhismaha iyo kharashka
dhulka ayaa ka badnaa inti la qiyaasay iyada oo
ugu wacnaa culeysyada suuqa iyo sicir bararka ee
aan weli dagin.
Dhowr ikhtiyaar oo naqshadayn ah iyo
miisaaniyada mashruuca ayaa la horgeeyay
Golaha Deegaanka markii la codsanayay si
loo kordhiyo miisaaniyada. Qorshehee ayaa
ugu dambeyntii loo doortay mashruuca?
Marquez: Golaha Deegaanku waxay doorteen
ikhtiyaarka “Wanaagsan.” Ikhtiyaarkani waxa
uu isu dheelli tiray isdhaafsiga u dhexeeya
raasumaalka iyo qaababka naqshadaynta–isagoo
ilaalinaya naqshadaha sida dhagaxa, darbiyada
garbaha iyo saqafka kore ee daboolka ah,
sifooyinka waaritaanka sida soolarka dusha sare
iyo nidaamka dhalaaliya barafka–dhammaan
isagoo iska ilaalinayo dhimista isticmaalka.
Ikhtiyaarka “Ugu Wanaagsan” waxa uu ku daray
labo qol oo dheeraad ah oo la seexdo iyo qeybta
keydinta agabka dabdemiska. Mashruucu waxa
uu weli raacayaa miisaaniyad uu Goluhu ansixiyay
horraanti sanadkan.
Sidee mashruuca loo maalgelinayaa?
Thao: Waxaanu haysanay oggolaanshaha lacagta
curaarta ee Qorshaha Horumarinta Raasamaalka
ee lagu iibsanayo goobta, taas oo u dhiganta
kharashka badankiisa ilaa maanta.
Kulanki Golaha Deegaanka ee Juun 4,
2024, $17.51 milyan guud ahaan curaarta
waajibaadka ayaa loo oggolaaday in ay
daboosho naqshadeynta mashruuca ee Saldhigga
Dabdemiska iyo kharashaadka dhismaha ee hore.
Marquez: Magaalada waxaa loogu deeqay $1.3
milyan oo qoondeynta Gobolka ah oo lagu
siiyay xeerka maalgelinta raasamaalka ee la
meelmariyay 2023. Deeqdani waxaa maamula
Waaxda Badbaadada Dadweynaha. Sanduuqa
Ilaalinta iyo Waaritaanka Magaalada waxa
uu sidoo kale bixiyay $200,000 si kor loogu
qaado cadadka soolarada saaran aagga saqafka
dhismaha inta lagu jiro dhismaha hore.
Naqshada Saldhiga Dabdemiska 2aad waxay
xisaabta ku darsanaysaa waaritaanka.
Ma filan karnaa qaar ka mid ah sifooyinkaan
leh kharashka hore ee badan in la gudo
mustaqbalka fog?
Marquez: Marka loo eego natiijooyinka
barnaamijka Caawinta Naqshadeynta Tamarta,
hindisayaasha dib u bixinta fudud ee Xcel iyo
CenterPoint Energy waxa ay u dhexeeyaan 5 ilaa
10 sano ee dhammaan xeeladaha naqshadaynta
tashiilka tamarta.
Xirmada xeeladaha naqshada waxaa ka mid ah
sheeyaasha sida qalabka farsamada waxtarka sare
leh, qalabka dareema joogitaanka dadka, dib u
isticmaalka kuleylka, nalalka, dahaarka ilaaliya
kuleylka, iwm.
Waa maxay saameynta dhaqaale ee soo
gaaraysa dadka deggan Edina?
Thao: Bixinta deynta si loogu maalgeliyo
dhismaha Saldhig Dabdemis oo cusub,
mulkiilayaasha dhismayaasha ee Edina waxay
u badan tahay in ay arkaan koror ku yimaada
canshuuraha hantidooda. Qadarka dhabta ah
waa ay adag tahay in la go’aamiyo sababtoo
ah waxaa jira arrimo kala duwan oo saameeya
canshuuraha hantida, oo ay ku jiraan qiimayaasha
suuqa, heerarka canshuurta iyo qorshayaasha kale
ee dakhliga/kharashgareynta ee Magaalada.
Isha dib u bixinta deyntan ayaa noqon doonta
canshuuraha guryaha ee la ururiyo muddo ka
badan 30 sano.
Saldhigga Dabdemiska 2aad ee cusub
waxaa loo qorsheeyay in la furo 2025.
Si aad waxbadan uga ogaatid mashruuca
Saldhiga Dabdemiska 2aad, booqo
BetterTogetherEdina.org/fire-station-2.
Saldhiga Dabdemiska 2aad: Waa maxay
kharashka uu ku kacayo?
Lacagaha Curaarta ee ay Soo Saarto Magaalada Ayaa Gacan Ka Geysan Doona in Lagu Bixiyo inta Badan Mashruuca Badbaadada Dadweynaha
3Magaalada Edina EdinaMN.gov
Maareeyaha Guud ee Khamriga Edina Josh Furbish
waxa uu dhawaan ka hadlay isbeddelada warshada
iyo waxa ka dhacaya dukaamada khamriga ee
degmada Edina.
Su’aal: Sidee ayuu dakhligi 2023 ula
barbardhigan yahay sanadihi hore?
JAWAAB: Waxaan haynay diiwaanada sanadada isku
xiga ee dakhligi 2021 iyo 2022 taasina waa ay adag
tahay marwalba in la gaaro.
Qaab-nololeedka ayaa isbeddelay intii lagu jiray aafadi
caabuqa. Hadda, waxaanu aragnaa caadooyinka
macaamiisha oo dib ugu guuraya halki aan ku arki
jirnay kahor aafadi caabuqa.
Dakhligu waa shay ay akhyaar badani dejiyaan
sababtoo ah waa tiro noo sahlan anaga in aanu
maskaxdeena ku fahamno. Sanadki 2023, waxaanu
ku xirnay $13.3 milyan. Haddii aan ku laaban lahayn
2018 ama 2019, aad ayaan ugu faraxsanaan lahayn
tiradaas! Balse waxaanu sameynay ku dhawaad $14
milyan 2021 iyo 2022.
Mararka qaarkood dadka ayaa isticmaali doona ereyga
“dib u dhis.” Tani ma aanay ahayn dib u dhis. Waxay
ahayd mid in badan ah “dib u habeyn” sababtoo ah
sheeyaashu waxay ahaayeen kuwo ka duwan.
Su’aal: Ma kula tahay in saameynta laga
dareemay warshada oo dhan?
JAWAAB: Sida ay sheegtay shirkadda hogaanka xogta
iyo aragtida cabitaanka caalamka, ISWR, hoos u dhaca
dakhliga ku yimid sanadki 2023 waxa uu ahaa isbeddel
warshadeed oo ballaaran. Inkastoo heerka kobaca
sanadlaha ah ee isku dhafka warshadaha (CAGR)
loo saadaaliyay in uu kobco heer qaran, waxyaabaha
sameynaya kobocaas waa kuwo aad u ballaaran. Meelo
badan oo aanu taariikh ahaan ku tiirsanayn ayaa
dhab ahaantii hoos u dhacay, taasoo ah sababta ay
aad muhiim noogu tahay in aanu bartilmaameedsano
qeybaha warshada ee loo saadaaliyay in ay ku kobcaan
heer ka sarreeya saadaasha CAGR ee warshadda. Kala
mudnaansiinta badeecadaha qiimaha sare leh ee
qeybta khamriga iyo goobaha khamriga yar soosaara
waxa ay inta badan ku tiirsan yihiin xagga dhaqamada
waara oo miyir qabka ah, kuwanina waa wax
soosaarada aanu suuqa keeni karno ee sida yar loo arko
ama aan la arkin.
Su’aal: Sidee ayay shaqaaluhu ugu kobceen
Khamriga Edina?
JAWAAB: Labadii sano ee la soo dhaafay, waxaanu
haysanaa shaqaale yar oo nus-gelin ka shaqeeya
bakhaarka iyo kuwo badan oo shaqeeya waqti buuxa
ama nus-gelinka la dheereeyay. Waxaanu haysanaa
unug xudun wanaagsan oo ah xirfadlayaasha
warshada oo aad u caqli badan, aad u aqoon badan.
Waxaanu dhab ahaantii bilownay in aanu xirfadlayaal
badan oo diyaariya cabitaanada khamriga iyo kuwa
aan khamriga ahayn u soo jiidno dukaanka Khamriga
Edina. Waxa ay doonayeen in ay ka hawlgalaan
deegaankan kaas oo, isna, naga caawiyay in aanu kor
u qaadno khibradda macaamiisheena. Macaamiishu
waxa ay bilaabeen in ay ogaadaan in shaqaalaheenu
ay yihiin kuwo caqli iyo aqoon leh. Shaqaalaheena
waxaa ka mid ah khabiir ku xeel-dheer khamriga
whiskey iyo khabiirka khamriga wine oo Faransiis ah.
Su’aal: Maxaa Khamriga Edina ka sara mariyay
dukaamada kale ee khamriga?
JAWAAB: Waxaanu dhab ahaantii eegnay xulashada
badeecada aanu haysanay iyo waxa macaamiisheenu
doonayaan. Waxaanu si weyn u nahay dukaanka
dhalada maxalliga mana nihin tafaariiqle sanduuq-
weyn. Waxaanu waqti ku bixinay soo helidda badeeco
cusub oo gaar ah oo aanay macaamiishu war badan
ka hayn balse la tartama noocyada caanka ah.
Saddexdi bilood ee dambe ee 2023, waxaanu soo
kordhinay 22 noocyo khamri ah oo cusub kuwaas
oo aan ama suuqa laga helin gebi ahaanba ama aad
ugu yar maqaaxiyaha maxalliga iyo baararka aagga
ku yaala.
Su’aal: Sidee ayay badeecadaha cusub la
ahaayeen macaamiisha?
JAWAAB: Waxaanu ogaanay noocyada qaar oo ay
bulshadani dhab ahaantii u riyaaqday. Midda aanu
inta badan ka hadalno waa Sauvignon Blanc ee laga
keenay New Zealand oo la yiraahdo Riley’s Lookout.
Goobta khamriga lagu sameeyo waxay ku taashaa
meel aad ugu dhow dhismaha Kim Crawford, taasoo
ah nooca loogu iibsi badan yahay Sauvignon Blanc.
Marka xaaladaha sii kobcaya ayaa ku dhawaad isku
mid ah. Astaanta dhadhanka waxay la dhadhan tahay
Kim Crawford ama waaba ay ka dhadhan sarreysaa,
fikradayda. Bulshadani waa ay un jeclaatay. Marki
aan samaynay qiimeynteena badeecada ee saddexda
bilood ee dambe ee sanadka, waxaanu ahayn
akoonka Lr. 1 ee Midwest ee Riley’s Lookout. Marki
aan ka eegnay iibiyaha, waxaa noo soo baxday in aan
iibinaynay wax ka badan kuwa kale!
Su’aal: Sidee ayay guushaasi
dareensiinaysaa kooxda?
JAWAAB: Waxa ay ahayd mid xiiso leh in la aqoonsado
badeecado cusub oo loo keeno macaamiisheena oo
xoogaa madadaalo la qaato. Samaynta u wareegistan
waxay aad ula mid ahayd sanado hore marki aan fiirin
jirnay qeybteena khamriga oo aan kala bixi jirnay qaar
ka mid ah noocyada waaweyn ee qaranka. Waxaanu
dhab ahaantii dhisnay iskaashiyadaan xooggan ee aanu
la yeelanayno warshadaha khamriga ee maxalliga iyo
warshadaha khamriga madaxa-bannaan ee Midwest
waxaana bilownay in aanu halkan boos uga abuurno.
Inkastoo ay ahayd nidaam xoogaa ka duwan oo
ay xoogaa adkayd in la aqoonsado qaar ka mid ah
badeecadahaan khamriga ee cusub, waxay noo ahayd
madadaalo in aanu samayno. Oo ilaa hadda, bulshada
waa loo jiitay xagooda.
Su’aal: Sidee ayaad ula falgashaan
macaamiishiina horteeda?
JAWAAB: Khamiis kasta inta lagu jiro xagaaga, waxaan
joognaa Suuqa Beeralayda Centennial Lakes ku
dhawaad saddex saacadood gudaha Hughes Pavilion.
Waxay ahayd wax weyn in arrintaas laga shaqeeyo
waxaana u qabanay si deggan sababtoo ah ma ahayn
wax aanu horay u fulinay. Waxaa laga yaabaa in aanu
sanadkan ballaarin ku samayno qeybta aan khamriga
ahayn.
Waxaanu sidoo kale kafaalaqaad la galaynaa
Ururka Ganacsiga & Xirfadlayaasha 50th & France
ee taxanaha riwaayadaha xagaaga. Waxaanu ku
faraxsanahay in aanu samaynay beer cabitaanka
laga cabo oo ku taasha Fagaaraha ku yaala
Nolan Mains. Taasina waxa ay noqon doontaa
goob kale oo aan ku gaarno kuna hortagno
macaamiisheena si ka duwan sidii hore.
Marka laga yimaado madadaaladaas oo dhan,
waxaa sidoo kale la noo doortay in aanu
noqono “Cabitaan Keenaha” Rugta Ganacsiga
Edina. Marka waxaanu taageeri doonaa qaar ka
mid ah dhacdooyinka isku xirka Rugta anagoo
geyneyna cabitaanada la doortay.
Su’aal: Ma kula tahay in xashiishka la
sharciyeeyay uu saameyn ku yeeshay
iibabka khamriga?
JAWAAB: Haa, baahida korortay ee loo qabo
xashiishka iyo badeecadaha THC ee geedka
hemp ku salaysan ayaa saameyn ku yeeshay
warshadda khamriga. Waxaanu kaliya
bixinaa cabitaanada lagu daray THC waxaana
helnay boos leh xulasho noo oggolaatay in
aanu sii wadno in aanu tartanno sanadki la
soo dhaafay. Badeecadaha THC ayaa sidoo
kale abuuray noocyo leh waxyaabaha sida
“Janaayo qalallan” iyo “Oktoobar Miyir La
Qabo” halkaas oo kuwaan ay yihiin sheeyada
macaamiishu u wareegeyso oo aan kaliya ahayn
inta lagu jiro bilahaas balse sanadka oo dhan
ah si ay u dhimaan cabista khamriga. Waa laan
cusub waxaana weli haysanaa waxbadan oo
aanu barano oo aanu qiimeyno, balse sidoo
kale waa qeyb aan ku saadaalinayno in aan ka
aragno koboc la taaban karo inta sharciga laga sii
badalayo.
– WAXAA ISKU DUBARIDAY
LAUREN SIEBENALER
Khamriga Edina Ayaa Isbeddelo Sameynaya si uu Kor Ugu Qaado
Khibradda Macaamiisha Una Hagaajiyo Faa’iidada
Maareeyaha Guud Josh Furbish Ayaa Ka Shaqeynaya in uu Ka Jawaabo in uu Beddelo Caadooyinka Macaamiisha
WARBIXIN SANADKA
Dakhliga Saafiga ah ee Khamriga Edina Ka Hor
inta Aan La Wareejin:
2023 – $545,816; 2022 – $624,235
2021 – $780,499; 2020 – $654,577
2019 – $1,190,725; 2018 – $1,431,841
2017 – $1,007,132
Wareejinta Khamriga Edina 2023:
Xarunta Farshaxanka – $300,000
Braemar Arena – $350,000
Beerta Centennial Lakes Park – $350,000
Khamriga Edina “wuxuu dib faa’iidada ugu
celiyaa bulshada.” Inkastoo wareejinta sanadlaha
ah ay wadar ahaan ka badnayd faa’iidadi 2023,
Khamriga Edina waxa uu haystaa baaqi ugu jira
sanduuqa si uu ugu daboolo.
4
WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND
Isbeddelo degdeg ah oo ka jira Braemar Park
ayaa socda iyadoo Magaaladu bilaabayso in
ay kharashgareyso dakhliga ka soo xarooda
canshuurta iibabaka maxalliga oo ay ansixiyeen
codbixiyayaasha Edina sanadki 2022.
Ururinta canshuurta iibka ee nus-sentiga ah
waxay bilaabatay Abriil 1, 2023, waxayna soo
xaraysay in ka badan $5.5 milyan sanadka
kalandarka. Waaxda Maaliyadda ayaa ku
qiyaastay inay sii wadi doonto inay soo
xarayso ilaa $7.3 milyan sanadkii. Qiyaastii
boqolkiiba 54 ka mid ah dakhligaas ayaa ka
imaan doona dadka ku nool meel ka baxsan
Edina balse lacag kaga baxdo ganacsiyada
maxalliga ah, sida lagu xusay falanqaynta
Jaamacadda Minnesota.
Canshuurtu waxay $71 milyan u aruurin
doontaa beeraha Braemar Arena, Braemar
Park iyo Fred Richards Park waxayna istaagi
doontaa marka qadarka la ururiyo ama kadib
19 sano, middi soo hormarta.
“Qorshe hawleedyada guud ee loogu talagalay
beerahaan waxay ka koobnaayeen sifooyin iyo
barnaamijyo badan,” ayay tiri Qorsheeyaha
Beerta Nasiinada Rachel Finberg. “Waxaanu
xaqiijinaynaa in aanu qaadano waqti si aan
u qiimeyno dhammaan sheeyaashaas oo
aan u awoodno in aanu dhammaantood
deeqsiino jadwalka iyo miisaaniyadda. Kahor
inta aanu kharashgareyn lacagta, waxaanu
rabnaa in aan xaqiijino in aanu lacagta u
kharashgareyneyno si sax ah.”
Isbeddelada Beeraha Nasiinada Waxay Ka Bilaabmayaan
Canshuurta Iibabka iyo Canshuurta Adeegsiga
Beeraha Nasiinada ee Braemar Arena, Braemar Park iyo Fred Richards Park Ayaa Helaya Horumarino Ballaaran
WARBIXIN SANADKA
Mashaariicda Waaweyn ee Socda
Mashruuca Sharaxaadda Xaaladda
Saaridda geedka
dhafaruurka
Saarista noocyada dhirta qalaad ee
deegaanka u daran guud ahaan Braemar
Park si waddo loogu furo dhabbayaasha
75% ayaa dhammeystiran, waxaa socda
kormeer.
Dhabbayaasha Beerta
Braemar
Ku darista 11 mayl oo dhabbayaasha
baaskiil wadista buuraha iyo kuwa
lugeynta ah
Dhanka bari waxaa la filayaa in la
dhammeystiro ugu dambeyn Juulaay.
Qeybaha Galbeedka iyo Waqooyi
Galbeed ayaa socda.
Horumarinada
Garoomada Courtney
Casriyaynta nalalka iyo ku darista
shabaqa badbaadada Dhismaha ayaa socda.
Garoonka Garoomada
Courtney Ku darista garoon cusub Talada dadweynaha ee ku aadan
naqshadeynta ayaa socota.
$8.1 million Braemar Park Improvements$17.7 million Fred Richards Park Improvements$13.5 million Braemar Arena Critical Infrastructure Updates$25.3 million Braemar Arena expansion
Braemar Park Improvements
Braemar Arena Critical Infrastructure Updates
Fred Richards Park Improvements
Braemar Arena Expansion
$8.1million
$17.7million
$13.5million
$31.7million
$8.1 million Braemar Park Improvements$17.7 million Fred Richards Park Improvements$13.5 million Braemar Arena Critical Infrastructure Updates$25.3 million Braemar Arena expansion
Braemar Park
Improvements
Braemar Arena Critical Infrastructure Updates
Fred Richards
Park Improvements
Braemar Arena Expansion
$8.1million
$17.7million
$13.5million
$31.7million
$8.1 million Braemar Park Improvements$17.7 million Fred Richards Park Improvements$13.5 million Braemar Arena Critical Infrastructure Updates$25.3 million Braemar Arena expansion
Braemar Park
Improvements
Braemar Arena Critical Infrastructure Updates
Fred Richards
Park Improvements
Braemar Arena Expansion
$8.1million
$17.7million
$13.5million
$31.7million
Geedka buckthorn ee ku yaala qeybaha Braemar Park ayaa la guray halka meelaha qaarna lagu gubay goobta
iyadoo ah tallaabada koowaad si loo dhiso dhabbaha iyo dib u soo celinta deegaanka dabiiciga, oo lagu
bixinayo canshuurta iibka iyo canshuurta adeegsiga ee uu cod-bixiyuhu ansixiyay. (Sawirka faylka)
Beerta Nasashada ee
Fred Richards
Dib u soo celinta guriga naadiga
Goobo la isugu yimaado
Garoon ciyaareed loo dhan yahay
Dib u soo celinta deegaanka dabiiciga
iyo dhulka qoyan
Barxadaha kubadda pickleball-ka iyo
kubadda kolayga
Dhabbayaasha
Braemar Park
Horumarinada goobta Garoomada Courtney
Dib u soo celinta deegaanka dabiiciga ah
Casriyaynta baarkinka iyo goobta
Barxadaha kubadda pickleball-ka
Braemar Arena
Casriyaynta kaabayaasha muhiimka ah oo ay ku jiraan
saqafka, HVAC, nidaamka qaboojinta baraxadda barafka
lagu dul ordo, adeegsiga ADA, qolalka labiska iyo
musqulaha: $13.5 milyan
Ballaarinta lakab baraf oo gudaha ah oo afaraad, goob
gaariga laga raaco/looga dago oo ammaan ah, hool weyn
oo laga soo galo oo baarkin lagu kordhiyay: $31.7 milyan
Bishi Nofeembar 2023, codbixiyayaasha Edina waxay
ansixiyeen isticmaalka canshuurta iibka ee mashruuca
ballaarinta $31.7 milyan. Si kor loogu qaado waxtarka iyo
tashiilka, mashaariicda waa la isku dhafay.
Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan
mashaariicdaan oo dhan, booqo qeybta Mashaariicda
Beeraha Nasiinada ee BetterTogetherEdina.org.
Mashaariicda Waaweyn ee Soo Socda
Madasha Furan ee Fred Richards
Kaalay oo arag naqshadaha horudhaca ah
ee beerta oo taladaada ka dhiibo.
Goorta: 5-8 p.m. Isniin, Juulay 8
Halkee: Hughes Pavilion oo ku taasha
Centennial Lakes Park, 7499 France Ave.
5Magaalada Edina EdinaMN.gov
WARBIXIN SANADKA
Barnaamijka: Aaasaaska Luqadda ee loogu talagalay
Macalimiinta Wax Akhrinta iyo Hikaadda (LETRS)
Ururka: Sanduuqa Waxbarashada Edina
Qadarka Abaalmarinta Deeqda: $300,000
Lacaguhu waxa ay taageeraan dhammaan Dugsiyada
Dadweynaha Edina dugsiga barbaarinta ilaa
macalimiinta fasalka labaad ee lagu tababarayo
LETRS. Cilmi baaristu waxay soo jeedineysaa ardayda
aanan ahayn akhristeyaasha aan isku kalsooneyn
in ay halis weyn ugu jiri doonaan dhibaatooyinka
caafimaadka maskaxda iyo habdhaqanka. Haddii
canugu ku dhibtoonayo in uu wax akhriyo,
caafimaadka maskaxdiisa ayaa hoos u dhacaysa oo
haddii canugu uu ku guuldarreysanayo caafimaadka
maskaxda, waxay u badan tahay in uu ku dhibtoodo
in uu waxbarto. Dugsiyada Dadweynaha Edina waxay
sameeyeen horumar la taaban karo oo ku saabsan
bixinta caafimaadka dhimirka. Tallaabadooda
xigta waxa ay ahayd in ay macalimiinta siiyaan
tababarka ay u baahan yihiin si ay wax uga qabtaan
waxbarashada akhris-qoraalka ardayda.
Magaaladu Waxay sii Wadaa inay Gargaar Siiso Bulshada iyada
oo u maraysa Xeerka Qorshaha Samatabixinta Mareykanka
13 Barnaamij Ayaa Ka Faa’iideystay Deeqaha ARPA sanadki 2023
Iyada oo qayb ka ah Sharciga Qorshaha Samatabbixinta Mareykanka (ARPA), Magaalada Edina waxaa loo qoondeeyay $4.9 milyan si ay uga hortagto masiibada
COVID-19 oo kor loogu qaado dhaqaalaha. Qorshayaasha kharashgareynta lacagaha ARPA waxaa ansixiyay Golaha Deegaanka sanadadi 2021, 2022 iyo 2023
kadib marki Magaalada ay talo ka heshay bulshada.
Wadarta Deeqaha ARPA ee 2023:
Qeybta Caafimaadka Dhimirka - $60,000
Kaalmada Kirada ee VEAP - $198,006
Sheybaarka Hal-Abuurka Rugta Edina - $150,000
Taageerada Ganacsiyada Yaryar - $47,475
Khad Xawaare Sare oo loogu talagalay Bulshada - $10,463
Khad Xawaare Sare oo loogu talagalay Magaalada - $178,236
Hindisaha Geedaha ee NextGen - $94,827
Caafimaadka Bulshada - $74,968
Jawaabta Maalgelinta Raasamaalka - $127,444
Sanduuqa Waxbarashada Edina ee LETRS - $300,000
Barnaamijka Maaliyadda Guriyeynta La Awoodi Karo - $30,134
Tababarka iyo Taageerada Hawlgallada Dowladda - $68,593
Deeqda Edina Give and Go - $20,000
Barnaamijka: Kaalmada Kirada
Ururka: Mutadiwiciinta U diiwaangashan
Caawinta Dadka (VEAP)
Qadarka Abaalmarinta Deeqda: $198,006
Lacaguhu waxay taageeraan dadka deggan
Edina ee ay si toos ah u saameeyeen saameynada
dhaqaale ee ka yimid aafada caabuqa COVID-19.
Lacagahani waxaa loo adeegsaday in lagu kabo
kirada, adeegyada guryaha iyo dabaajiyo dhigida
si loo bixiyo guryo sugan loogana hortago hoy
la’aanta codsadayaasha dakhligoodu hooseeyo.
Waxay sidoo kale gacan ka geysteen in lagu
bixiyo dardargelinta codsiyada ku salaysan si
dhakhso ah si loogu xiro dadka deegaanka
adeegyada iyo taageerada iyada oo loo marayo
kanaalo toos ah. Barnaamijkani wuxuu taageero
toos ah siiyay kireysteyaasha qaba baahida ugu
badan si loo xaqiijiyo in baahiyaha aasaasiga ah
loo daboolay si dhakhsa ah oo hufan.
Barnaamijka: Shaybaadhka Ikhtiraaca Edina
Ururka: Rugta Ganacsiga Edina.
Qadarka Abaalmarinta Deeqda: $150,000
Lacaguhu waxa ay taageeraan barnaamijyada
iyo adeegyada Sheybaarka Hal-Abuurka Edina
ee ganacsiyada dhismay. Waxaa loo adeegsaday
kharashaadka barnaamijka ee tooska ah ee
barnaamijka Sheybaarka Hal-Abuurka, oo ay
ku jirto kirada, adegyada guryaha, mushaar
bixinta iyo dheefaha. Adeegyadu waxa ay diirada
saaraan ka caawinta ganacsatada iyo bulshada
ganacsiga maxalliga ah in ay noqdaan kuwo
aad ugu adkeysta oo aad u qalabaysan si ay u
sahmiyaan deegaanka ganacsiga iyo dhaqaalaha
isbedbedelaya hadda iyo mustaqbalka. Tani
waxaa lagu gaaraa iyada oo loo marayo
waxbarashada ganacsiga, latalinta iyo ku
xirista iskaashiyada la aaminay ee ka caawiya
hoggaamiyayaasha in ay kobcaan oo ay wax u
hal-abuuraan shakhsi ahaan iyo xirfad ahaanba.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Hindisaha Xeerka Qorshaha Samatabixinta Mareykanka ee Magaalada, booqo
BetterTogetherEdina.org/arpa.
– WAXAA ISKU DUBARIDAY LAUREN SIEBENALER
Deeqda Edina
Give and Go
Tababarka iyo Taageerada
Hawlgallada Dowladda
Barnaamijka
Maaliyadda Guriyeynta
La Awoodi Karo
Jawaabta
Maalgelinta
Raasamaalka
Caafimaadka
Bulshada Hindisaha Geedaha
ee NextGen
Khad Xawaare Sare
oo loogu talagalay
Magaalada
Khad Xawaare
Sare oo loogu
talagalay
Bulshada
Taageerada
Ganacsiyada
Yaryar
Qeybta Caafimaadka
Dhimirka
Sanduuqa
Waxbarashada Edina
ee LETRS Sheybaarka
Hal-Abuurka
Rugta Edina
Kaalmada
Kirada ee
VEAP
6
WARBIXIN SANADKA
Waxaa ku faahfaahsan garaafyada la bixiyay waa
2023 iyo 2022 wadarta dakhliyada iyo kharashaadka
dhammaan lacagaha dowladda. Dakhliga waxaa lagu
soo bandhigaa qayb (tusaale ahaan, Cashuuraha)
kharashaadkana waxa lagu soo bandhigaa hawlo
(tusaale, Dawladda Guud). Dhammaadka sanad
maaliyadeedka hadda, dakhliga iyo kharashgareynta
waxay gaareen $90.8M iyo $97M, sida ay u kala
horreeyaan, hoos u dhaca guud ee baaqiga lacagta
ee $6.2M ka hor ilaha kale ee maalgelinta (sida,
Wareejinada, Curaarada la Bixiyay, iwm.).
Dakhliga ayaa noqday 17%, ama $13.3M, ka
badan sanadki 2022. Kororka ayaa inta badan
loo aaneynayaa kor u kac ku yimid isbaheysiga
dowladaha hoose ($1.2M); Kuwa Kale ($3.9M)
iyo Canshuuraha ($4.1M), Ururinada Kordhinta
Canshuurta ($358K) iyo Canshuurta Iibka Guud
($5.5M) waxaa qeyb ahaan dhimay hoos u dhaca
Qiimeynada Gaarka ($816k) iyo Leysinada iyo
Oggolaanshiyaasha ($1.7M). Dakhliga isbahaysiga
dawladaha hoose ee 2023 ayaa badnaa iyada oo
ay ugu wacan tahay ARPA ($1.2M) iyo Maalgelinta
Kaalmada Badbaadada Dadweynaha ($2.3M).
Kororka Dakhliga Kale waxaa inta badan loo
aaneyn karaa dakhliga maalgashiga ($8.2M).
Magaaladu waxay haysaa maalgashiyada ilaa
ay ka bislaadaan waxay la kulantay dheefaha
saafiga ah ee aan la xaqiijin sanadki 2023, taasoo
kordhisay wadarta dakhliga maalgashiga ilaa
$5.3M. Dakhliga Canshuurta (hantida, kordhinta
canshuurta, khidmada gelitaanka ganacsiga,
canshuurta hoteelada iyo canshuurta iibka guud)
waxaa ku korortay 20% halka Qiimeynta Gaarka
ay hoos u dhacday 18%. Kororka canshuuraha
ayaa ka dhashay kordhinta canshuur ku soo
rogista hawgelinta Sanduuqa Guud (badbaadada
dadweynaha, hawlaha guud, iwm.); canshuuraha
hantida waxa ay ka yihiin 54% ee dhammaan
dakhliga sanduuqa dawladda iyo 67% ee dakhliga
Sanduuqa Guud. Qiimeynta Gaarka ayaa inta badan
hoos u dhacday iyada oo ay ugu wacan tahay
ururino yar oo ka dhashay Siyaasadda Qiimeynta
Gaarka la cusbooneysiiyay ee Magaalada.
Kharashaadka ayaa noqday 6% ama $6.2M in ka
badan 2022. Tani waxaa loo aaneynayaa $11.2M
ee hoos u dhaca ah ee ku yimid kharashgareynta
Badbaadada Dadweynaha, taas oo ay keentay
kharashgareyn raasamaal oo yar ($3M). Shaqooyinka
danta guud ayaa kor u kacay iyada oo ay ugu
wacan tahay kororka mudnaanta miisaaniyadda
si loo soo jiito oo loo sii hayo shaqaalaha oo
hantideena raasamaalka loo maareeyo si wanaagsan.
Shaqooyinka danta guud ayaa lahaa kharash
hanti raasamaal oo dhan $12.2M oo loogu
talagalay gawaarida barafka xaaqa iyo darbiga
xajinaya dhismaha. Kharashgareynta Waaxda
Beeraha Nasiinada & Tamashleynta ayaa korortay
$1.3M, taasoo si aad ah u waafaqsan heerarka
kharashgareynta xilligi aafada caabuqa kahor.
Kharashyada adeegga deynta ayaa hoos u dhacay
iyadoo ugu horreyn ay ugu wacan tahay iyada oo
aanay jirin lacago celinada curaarta ee jirtay oo la
sameeyay sanadki 2023.
Lacagaha Dowladda
Kharashaadka Sanduuqa Dowladda
2022 2023 Farqiga
Dowladda Guud $22,812,564 $21,903,233 $909,331
Badbaadada
Dadweynaha $43,180,505 $31,938,035 $11,242,470
Shaqada Dadweynaha $19,294,918 $27,715,046 $8,420,128
Xadiiqadaha iyo
Madadaalada $6,748,817 $8,071,113 $1,322,296
Adeegga Daynta $11,296,389 $7,471,875 $3,824,514
Wadarta $103,333,193 $97,099,302 $6,233,891
$0
$10
$20
$40
$50
$30
Badbaadada
Dadweynaha
Xadiiqadaha iyo
Madadaalada
Dowladda
Guud
Shaqada
Dadweynaha
Adeegga
DayntaMalaayiinIsbarbardhigga Kharashaadka Sanduuqa Dowlada
2022 2023
Isbarbardhigga Dakhliyada Sanduuqa DowladdaDakhliyada Sanduuqa Dowladda
2022 2023 Farqiga
Canshuuraha $48,193,547 $52,297,131 $4,103,584
Kordhinta Canshuur
Ururinta $1,720,243 $2,078,687 $358,444
Canshuurta Iibka Guud —$5,450,871 $5,450,871
Qiimeyn Gaar ah $4,426,156 $3,609,885 $816,271
Ruqsadaha iyo
Oggolaanshaha $7,482,098 $5,716,734 $1,765,364
Dawlad-goboleed $6,459,627 $7,718,968 $1,259,341
Kharashka Adeegyada $6,254,411 $7,121,548 $867,137
Kuwa kale $2,904,785 $6,823,160 $3,918,375
Wadarta $77,440,867 $90,816,984 $13,376,117
$0
$10
$20
$30
$40
$50
$60
Kordhi
nta
C
a
ns
h
u
ur
Ur
uri
nta
Qiime
y
n
G
a
ar
a
h
Cansh
u
urt
a Ii
b
k
a
G
u
u
d
Ruqsa
da
h
a
&
O
g
g
ol
aa
ns
h
a
h
a
Dawla
d-
g
o
b
ole
e
d
Kharas
hk
a
A
de
e
g
y
a
d
a
Cansh
u
ur
a
h
aMalaayiin
Kuwa k
al
e
2022 2023
7Magaalada Edina EdinaMN.gov
Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Ayaa
Isteerinka Ka Wareejiyay Gobolka una
Wareejiyay Saameyn Maxalli
Deganaha Edina Heather Edelson Ayaa Loo Dhaariyay Guddoomiyaha
Cusub ee Degmada Hennepin
DHACDOOYINKA SOO NOQNQODA
Axadaha, Isniinaha, iyo Arbacooyinka, 7 p.m.
Riwaayad, Centennial Lakes Park
Talaadooyinka iyo Khamiisaha,
(Dhacdo ma jirto Juulaay 4), 9:30-11 a.m.
Kulmiska Farshaxanka ee Xarunta Farshaxanka
Edina, Centennial Lakes Park
Talaadooyinka iyo Khamiisaha, 10 a.m.
Madadaalada Carruurta, Centennial Lakes Park
Khamiista 3-7 .p.m. (Dhacdo ma jirto Juulaay 4)
Suuqa Beeralayda, Centennial Lakes Park
DHACDOOYINKA SOO SOCDA
Isniin, Juulaay 1, 4:30 p.m.
K-9 Gryf Shaqo Ka Fadhiisi iyo Xaflad,
Centennial Lakes Park
Khamiis, Juulaay 4
Maalinta Xorriyada, Xafiisyada Magaalada
ayaa xiran
Khamiis, Julaay 4, 10 a.m
Dhoolatuska Afarta Juulaay ee Edina, waxay
ka bilaabmaysaa xaga dambe ee Hoolka
Magaalada Edina
Khamiis, Luuliyo 4, 8:30 p.m.
Rashka iyo Riwaayadda Afarta Juulaay,
Rosland Park
Jimco, Juulaay 5
Xafiisyada magaalada waa la xiray
Sabti, Luuliyo 6, 7 p.m.
Qoob Ka Ciyaarka Fagaaraha ee Arthur
Murray, 50th & France
Axad, Julaay 10, 5 p.m.
Art Together, Fred Richards Park
Khamiis, Luuliyo 11, 5 p.m.
Dabaaldegga xarig-jarista ee horumarinada
Beerta Weber, Weber Park
Sabti, Luuliyo 13, 9 a.m
Madadaalada Jimicsiga Dadka ee Bilaashka ah
oo leh Qolka Yoogada, 50th & France
Sabti, Luuliyo 13, 10 a.m
Heesaha iyo Waqtiga Sheekada oo lagu
qabanayo Fagaaraha,
50th & France
Salaasa, Julaay 16, 10 a.m.
Yoogada Carruurta oo leh Geedka Barashada
Yoogada, Centennial Lakes Park
Salaasa, Julaay 16, 7 p.m.
Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada
Edinal
Khamiis, Julaay 25, 7:30 a.m.
Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U
Hormarinta, Magaalada Edina
Axad, Julaay 26, 7 p.m.
“Xayeysiisyada Sii Nuxuusaya ee
Magaalooyinka Mataanaha,”
Matxafka Taariikhda Edina
Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka
oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov.
Si toos ah u daawo shirarka Golaha
Deegaanka, Guriyeynta & Maamulka Dib-u-
hormarinta iyo Guddida Qorshaynta:
• Edina TV (Kanaalada Comcast 813 ama 16)
• Facebook.com/EdinaMN
• "Ka daawo kulanka" bogga internetka
ee EdinaMN.gov/LiveMeetings
WAXAA QORTAY GIOVANNA CONTRERAS
Deganaha Edina Heather Edelson ayaa dhawaan ku
guuleysatay tartanka si ay u buuxiso jagada bannaan
ee Guddoomiyaha Degmada Hennepin ee Degmada 6,
iyadoo u adeegeysa Edina.
“Waan jeclahay siyaasadda dadweynaha.
Waan jeclahay hawlaha kakan. Waan jeclahay
daahsoonaanteeda. Waxaan jeclahay dhexgelista
nidaamyada iyo aragtida sida waxyaabuhu u
shaqeeyaan una hawlgalaan,” ayay tiri Edelson. Waxa
ay sidoo kale sheegtay in ay xiiso u qabto arrimaha
deegaanka sida ilaalinta biyaha iyo horumarinta
siyaasado waxbarasho oo wanaagsan oo ku aadan
akhris-qoraalka sida READ Act (Xeerka AKHRI).
Degmada Hennepin waxa ay qabatay doorasho gaar
ah bishi May kadib marki Chris LaTondresse uu iska
casilay xafiiska deyrti 2023 si uu u aado dadaal shaqo
oo kale. Is-casilaadiisii waxa ay cod la’aan dhigtay
16 magaalooyinka metro ee galbeed oo ku yaala
dawladda oo ku jira dawladda Degmada.
Guddoomiyaha Degmada 6 waxa uu matalaa
dhammaan ama qeybaha magaalooyinka Chanhassen,
Deephaven, Eden Prairie, Edina, Excelsior, Greenwood,
Hopkins, Long Lake, Minnetonka, Minnetonka Beach,
Northern Mound, Orono, Shorewood, Spring Park,
Tonka Bay, Wayzata iyo Woodland.
“Waxaan gaari doonaa bulshooyinkeena,” ayay
tiri Edelson. “Waxaan la kulmayaa maayarada iyo
maareeyayaasha magaalada. Waxaan u sameynayaa
dhammaan 16-ka magaalo si aan u dhexmaro oo aan
ugala hadlo waxa mudnaanaha magaalooyinku ay yihiin.”
Edelson waxa ay haysataa shahaadada koowaad ee
jaamacadda oo ay ka qaadatay Jaamacadda Hamline
ee xagga daraasaadka sharciga iyo shahaadada
heerka labaad ee shaqada bulshada oo ay ka qaadatay
Jaamacadda Minnesota. Ka hor inta aan loo dooran
Aqalka Wakiilada ee Minnesota, waxa ay soo ahayd
baxnaaniyaha caafimaadka dhimirka ee bukaan-
socodka iyo shaqaale bulsho oo caafimaad. Waxa ay
si isku xigta uga soo shaqeysay oo ay soo ahayd sharci
dejiye muddo lix sano ah iyada oo matalaysa Edina,
iyada oo ku soo gabagabaysay shaqadeedi kalfadhigi
sharci dejinta ee bishi May.
Heer gobol, Edelson waxa ay soo matashay dad
lagu qiyaasay 44,000 oo ku nool qaybo ka mid ah
Bloomington iyo Edina. Iyadoo raadineysa siyaabo ay ku
abuurto isbeddel, waxa ay sahmisay aagan siyaasadda
iyada oo kala hadlaysa oo fikradaha ku soo bandhigaysa
dadaal labo geesood ah.
Edelson waxa ay guusheeda u aaneyneysaa Xarunta
Sharci dejinta in ay xooga saarto baahida loo qabo in
la fahmo ujeedooyinka dadka oo loo helo is-afgarad
guud si loo bixiyo adeegyada muhiimka ah iyada oo aan
faragelin yar lagu samayn. Marka loo eego aragtideeda,
fahmidda kala duwanaanta iyo kartida dhaqanka ayaa
muhiim u ah maamul wax ku ool ah.
Iyada oo hadda joogta heer deegaan, Edelson waxa
ay matashaa dad lagu qiyaasay 182,000 oo qof.
“Siyaasado badan oo aan ku meelmaray Xarunta
Sharci Dejinta, hadda waxaan gacan kageysanayaa ka
hirgelinta heer degmo, taas oo runtii xiiso leh,” ayay tiri.
Waxay ay soo shaqaaleysiisatay labo xubno shaqaale
oo cusub si ay uga gacan siiyaan baahida jagada ee
baaxadda leh.
Edelson waxaa loo qorsheeyay in ay dhammeystirato
muddo xileedkeeda ku-meelgaarka ah ee hadda,
kaas oo socon doona ilaa dhammaadka sanadka.
Waxa ay u baahan tahay in deyrtan dib loogu doorto
Guddoomiyaha Degmada haddii ay rabto in ay sii
wadato in ay sii matasho Degmada 6 sanadka 2025.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku
saabsan Degmada, booqo Hennepin.us.
Si aad ula xiriirto Edelson, iimayl ugu dir
heather.edelson@hennepin.us.
Heather Edelson waxa ay doorasho gaar ah ku guuleysatay
bishi May si ay u noqoto Guddoomiyaha Degmada Hennepin
ee matalaya Edina iyo inta kale ee Degmada 6. (Sawirka
waxaa qaaday Jason Heuer)
952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov8