Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_August-2024_Somali-WebThomas Brooks Waa Maareeyaha Cusub ee Kala Duwanaanta, Sinnaanta & Udhannaanshaha ee Magaalada Brooks Ayaa Yimid Edina Isagoo Khibrad u Leh Dawlada Hoose iyo Gobolkaba WAXAA QORAY BRITTANY BADER Koritaankiisii, shaqada riyada u ah Thomas Brooks waxay ahayd macalin ama tababare. Goordambe noloshiisa, kadib marki uu ka qalin-jabiyay shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda ee maamulka ganacsiga iyo shahaadada mastarka ee cilmi-nafsiga warshadaha iyo ururka, waxa uu xaqiiqsaday inuu isku xiri karo rabitaankiisii cimrigiisa oo dhan ahaa si uu dadka kale ugula taliyo horumarinta shaqada sinnaanta ee ururada. Thomas Brooks Ayaa Jagada Maareeyaha Cusub ee Kala Duwanaanta, Sinnaanta & Udhannaanshaha (DEI) ee Magaalada bilaabay bishi Juun 17. “Waxaan ugu dambeyntii tababare ku noqon karaa shaqada sinnaanta. Waxaan u hammuun qabaa inaan awoodo in aan barbar socdo safarrada shaqaalaha iyo bulshada anagoo ka wada shaqaynayna sidii aan isbedel wanaagsan u samayn lahayn,” ayuu yiri Brooks. Kaaliyaha Maareeyaha Magaalada Ari Lenz waxay sheegtay in Magaaladu ay ka faa'iidaysan doonto Brooks khibradiisa u gaarka ah ee sinnaanta ee heer degmo iyo heer gobolba. Ka hor Edina, waxa uu dhawaan ahaa Agaasimaha Sinaanta & Udhannaanshaha Ganacsiga ee Gobolka Minnesota, halkaas oo 23 wakaalado Gobol uu kala shaqeeyay istiraatiijiyadaha udhannaanshaha, iswaafajinta mudnaanta shaqada iyo horumarka qorshaha sinnaanta. Waxa uu sidoo kale dib u eegis ku sameeyay siyaasadaha iyo xeerarka Gobolka. Intaa ka hor, waxa uu u soo shaqeeyay Magaalada Roseville isagoo soo noqday Maareeyihi ugu horreeyay ee Sinnaanta & Udhannaanshaha, isagoo soosaaray oo hirgeliyay Qorshe Hawleedka Sinaanta Qoomiyadaha Istaraatiijiga ah ee ugu horreeyey ee magaalada iyo tababarida 250 xubnood oo shaqaale ah. “Thomas waa mashaakil-xalliye mufakir ah oo horay u dhaqaajin doona Magaalada Edina. Doorkiisa cusub, waxa uu wax ka baran doonaa dhammaan adeegyada ay Magaaladu bixiso kadibna waxa uu raadin doonaa meelaha aan ka gaabinay iyo fursadaha si aanu si wanaagsan ugu adeegno baahiyaha bulshada iyo shaqaalaheena,” ayay tiri Lenz. Ka ahaan Maareeyaha DEI ee Edina, Brooks waxa uu hoggaamin iyo taageero siin doonaa shaqaalaha Magaalada iyo Golaha Deegaanka si loo xaqiijiyo kala duwanaanta, sinnaanta, udhannaanshaha iyo in mabaadii’da ka tirsanaanta lagu daro dhammaan adeegyada iyo mashaariicda Magaalada. Tani waxaa ka mid ah kormeeridda Qorshaha Shaqada Sinaanta ee Magaalada, oo markii ugu horreysay la sameeyay 2018. Brooks waxa uu sidoo kale taageeri doonaa wacyigelinta bulshada, u adeegi doonaa sidi isku xirka shaqaalaha ee Guddiga Xuquuqul Insaanka & Cilaaqaadka waxa uuna arrimaha sinnaanta ee Magaalada ku matali doonaa heerarka kale ee dawladda. Brooks ayaa sheegay in mid ka mid ah siyaabaha ugu waaweyn ee uu ku wajaho shaqada sinnaanta ay tahay gorfeynta xogta. “Waxaa jira cilmi ku saabsan shaqada sinnaanta oo aysan ila ahayn in qofkasta uu garanayo ama uu xisaabta ku darsado. Waa in aad dhabtii u qasadaa sida aad si qoto dheer ugu kuurgaleyso caqabadaha aanu wajahno iyo sida aanu xal ugu heleyno. Waxaan raacaa kala duwanaanshaha iyo gaabiska aan ku aragno xogta waxaana isku dayaa in aan ballaariyo xogta aan heli karno. Waxaan mudnaanta khibradaha kuwa ugu badan ee ay saameeyaan go’aannada aan gaareyno geeyaa horayda iyo dhexda,” ayuu yiri. “Kaqeybgelinta ayaa dhabtii muhiim ii ah aniga, maadaama ay tahay helitaanka siyaabo cusub oo lagu gaaro codad cusub. Haddii aan ogaano in shey uusan taariikh ahaan ugu shaqeyneynin kooxo dad oo gaar ah, waxaan jeclahay in aan isku dayo wax cusub oo ku salaysan xogta si loo hagaajiyo natiijooyinka qofkasta.” Siifiiga Brooks waxaa sidoo kale ka mid ah shahaadooyin uu ku qaatay kaqeybgalka hawlaha dadweynaha iyo isxilqaanka ballaaran ee shaqada sinnaanta. Waxa uu hadda ka shaqeeyaa Guddiga Shaqada Bulshada ee Minnesota, halkaas oo uu rajeynayo in uu yareeyo caqabadaha xubnaha bulshada ee hadda iyo kuwa mustaqbalka ee xagga xirfadda shaqada bulshada, gaar ahaan bulshooyinka kala duwan. Brooks kala xiriir thbrooks@EdinaMN.gov ama 952-826-1622. Wixi macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan kala duwanaanta, sinnaanta iyo shaqada loo dhan yahay ee Magaalada, booqo EdinaMN.gov/DEI. Thomas Brooks waxa uu shaqadiisa cusub ee Waaxda Maamulka jagada Maareeyaha Kala Duwanaanshaha, Sinnaanta & Udhannaanshaha bilaabay bishi Juun 17. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 AGOOSTO 2024 Majalada 11, Qeybta 8Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina Waaxaha Booliska iyo Dabdemiska Edina waxa ay dib u daahfureen Smart911, oo ah adeeg leh labo ujeedo oo kala duwan. Marka koowaad, Smart911 waxa uu u ogolaadaa SaddexAliflayaasha Booliska, Taliyeyaasha Dabdamiska, dirayaasha 9-1-1 iyo shaqaalaha Waaxda Isgaarsiinta inay soo diraan digniino ku saabsan dhacdooyinka amniga dadweynaha ee magaalada oo dhan. Marka labaad, Smart911 waxa uu dadka deegaanka siiyaa fursad ay kula wadaagaan macluumaadka ku saabsan naftooda sida xaaladahooda caafimaad, gelitaanka guriga, xayawaanka rabaayada ah iyo in ka badan si markaa ka jawaabeyaasha ugu horreeya ay u helaan macluumaad dheeraad ah marka ay ka jawaabayaan xaalad degdeg ah si ay u bixiyaan daryeel ka sii wanaagsan. Afar shaqaalaha magaalada ah ayaa udub dhexaad u ahaa dib u bilaabista barnaamijka: Xidigle Boolis David Venne, Kormeeraha Dirida Janelle Harris, Hogaamiyaha Unugga Xiriirada Dabka Andrew LaVenture iyo Iskuduwaha Sare ee Isgaarsiinta Lauren Siebenaler. Si wadajir ah, afartooda waxa ay bilaabeen kulamo tababarid ah oo ay siinayaan Booliska, Dabdemiska iyo shaqaalaha la diro oo ku saabsan sida loo adeegsado digniinaha badbaadada dadweynaha ee Smart911 iyo sida ugu wanaagsan ee farriimaha xaaladaha degdegga ah loogu farsameeyo dadweynaha. Hadafku waxa uu yahay in xogta ku saabsan dhacdo lagu helo sida ugu dhaqsaha badan uguna waxtarka leh ee suurtogalka ah. Laga bilaabo Juulaay 11, waxaa jiray 2,020 qof oo isu diiwaangeliyay ogeysiisyada badbaadada dadweynaha. Su’aal: Sidee ayaan isaga diiwaangeliyaa digniinaha badbaadada dadweynaha ee dhinaca Smart911? JAWAAB: Haddii aad danaynayso in aad hesho warbixinno qoraal ah, farriin qoraal ah oo ah “EdinaAlerts” u dir 67283 si aad isu diiwaangeliso. Marki tallaabadan la dhammeystiro, waxaad rukuman kartaa farriimaha qoraalka ah oo kaliya, ama waxaad dhammeystiri kartaa in aad furato koontadaada Smart911 adiga oo gujinaya liinkiga ku jira fariinta qoraalka ah ee daba-socota. Haddii aadan rabin in aad iska diiwaangeliso digniinaha qoraalka ah, waxaad booqan kartaa EdinaMN.gov/Alerts si aad u bilowdo furashada koontadaada una maamusho dookhyadaada ogeysiiska. Su’aal: Sidee ayaan ku ogaan karaa in aan horay isu diiwaangeliyay? JAWAAB: Haddii aad u maleyneyso in aad horay isu diiwaangelisay, waxaad booqan kartaa bogga gelitaanka Smart911 si aad isugu daydo in aad gasho. Ku dhufo “Forgot User ID and Password (Hilmaamay Aqoonsiga isticmaalaha iyo Lambar Sireedka)” waxayna kuu soo diri doontaa macluumaadka aad ku gasho akoonkaaga, haddii aad mid leedahay. Su’aal: Maxaa ay qabanaysaa in koonto la furto? JAWAAB: Haddii aad doorato in aad koonto furato, waxaad ku darsan kartaa dookhyadaada ogeysiiska si aad ugu hesho iimaylo, farriimo qoraal iyo wicitaano cod ah ee farriimaha digniinta waxaadna ku dari kartaa ciwaanka gurigaaga. Waxaad sidoo kale haysataa ikhtiyaar aad kula wadaagto xogta ku saabsan naftaada iyo gurigaaga, sida tirada dadka ama xayawaanada rabaayadda ah ee ku nool gurigaaga, xaalad kasta oo caafimaad iyo bixiyeyaasha caafimaadka ee aad door bidayso. Macluumaadkan oo dhan waa ikhtiyaari in aad bixiso, balse waxa ay muhiim u yihiinkuwa soo diraya 9-1-1 iyo ka jawaabayaasha ugu horreeya haddii xaalad degdeg ah ay ka dhacdo gurigaaga. Su’aal: Miyaan heli doonaa ogeysiisyada loogu talagalay xaafaddayda? JAWAAB: Ma aha wakhtigan. Haddii aad iska qorto, waxaad heli doontaa digniinaha dhacdooyinka magaalada oo dhan. Dhacdooyinka qaar ee waaweyn waxaa ay saameeyaan isu socodka gaadiidka mana jirto hab uu nidaamku ku beegsado dad ku sugan goob gaar ah. Marka, digniinaha la diro waxaa ku jiri doona xog guud oo ku saabsan dhacdooyinka oo ay la socdaan tilmaamo ku saabsan sida looga fogaado goobta, haddii loo baahdo. Su’aal: Ma ka bixi karaa? Sidee? JAWAAB: Haddii aad iska diiwaangelisay farriimaha qoraalka ah ee digniinta badbaadada dadweynaha oo aadna rabto in aad ka baxdo, ereyga “STOP” u dir 67283. Si aad u cusbooneysiiso ogeysiisyada ciwaankaaga iimaylka, gal koontadaada Smart911 kadibna ku dhufo “Alerts (Digniinaha)” si aad u beddesho dookhyadaada ogeysiiska. Su’aal: Kawaran haddii aan qabo su’aalo kale ama ay igu adkaato in aan iska diiwaangeliyo? JAWAAB: La xiriir Kormeeraha Dirida Janelle Harris jharris@EdinaMN.gov si aad caawimaad uga hesho. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Smart911, booqo EdinaMN.gov/Alerts. – WAXAA ISKU DUBARIDAY LAUREN SIEBENALER Magaalada Waxay Dib u Daahfurtay Smart911 si ay Dadka ula Wadaagto Digniinaha Muhiimka Ah ee Booliska iyo Dabdemiska Iska Diiwaangeli si aad Ogeysiisyada ugu hesho Farriin Qoraal ah, Iimayl ama Wicitaan Taleefan WAXAA QORTAY GIOVANNA CONTRERAS Kooxda Hobolada ee First John Philip Sousa Memorial Band, oo ay aasaaseen ardaydi dhammeysay Dugsiga Sare ee Edina sanadki 1970, ayaa soo jiidasho ka abuura goobta muusigga ee Edina. Sannadahaa oo dhan, waxa ay soo jiiteen daawadayaasha iyagoo noqday kooxda loogu jecel yahay magaalada. Showgooda halka saac ah ayaa la qabtaa Axadda u dambeysa ee bilkasta laga bilaabo bisha Sibteembar ilaa May oo lagu qabto Edinborough Park iyo Juun ilaa Agoosto oo lagu qabto Centennial Lakes Park. Meesha ugu xiisaha badan xilligooda waa Masraxa Nalalka Tooshka, oo ah dhacdo aad loo wada sugo oo ruwaayadahooda sanadka oo dhan lagu soo bandhigo Centennial Lakes Park. Munaasabadda sanadkan waxaa la qaban doonaa 8:30 p.m. Agoosto 11. Horraanta fiidka, Edina Model Yacht Club ayaa Caweyska Nalka Guriga ku qaban doona beerta. TIROOYIN AHAAN Kooxda Hobolada ee First John Philip Sousa Memorial Band 2,000 Qiyaasta celceliska dadka soo xaadira Masraxa Nalalka Tooshka ee sanadlaha ah 2 Xubnaha kooxdu waxa ay ku soo lug lahaayeen tan iyo 1970 Wadarta riwaayadaha la qabto xagaaga oo dhan, iyadoo afar ka mid ah lagu martigeliyo Centennial Lakes Park 10 42 Qalabka kooxda 3: Flute/piccolo 6: B-flat clarinet 1: E-flat clarinet 4: Trombone 4: Saxophone 2: Euphonium 4: French Horn 7: Turumbo 2: Bassoon 2: Bass Clarinet 4: Percussion 3: Tuba 2 WAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER Jessica Connors ayaa shaqo bilowday horraanti xagaagan iyadoo ah Xiriiriyaha Bulshada ee cusub ee Iskaashiga Wadajirka ah ee Booliska Bulshada (JCPP) ee Edina. Iyada oo uu yahay barnaamij ay leedahay Degmada Hennepin, JCPP ayaa ka shaqeeya inuu dhiso aaminaada iyo wada xiriirka u dhexeeya booliska iyo bulshada iyada oo loo marayo tababaro, munaasabado iyo wada- sheekeysiyo. Wakaaladaha kale ee shuraakada ka ah waxa ay yihiin Bloomington, Xarunta Brooklyn, Brooklyn Park, Crystal/New Hope/ Robbinsdale, Hopkins iyo Richfield. Barnaamijka JCPP waxa uu Edina ka bilowday horraanti 2023. Sameynta guddiga la-talinta dhaqamada kala duwan (MAC) ayaa ahaa mid ka mid ah hindisayaashii ugu horreeyay ee JCPP. Kooxda, oo la sameeyaya Agoosto 2023, waxa ay ka kooban tahay sagaal xubnood oo ka soo kala jeedo asalo kala duwan xiriirna la leh Edina. Guddiga MAC waxa uu bishiiba mar la kulmaa shaqaalaha booliiska si ay ugala hadlaan mowduucyada muhiimka u ah bulshadooda, u dhisaan kalsooni labada dhinac ah una furaan wada-xiriir laba geesood ah. U dhalatay New York, Connors waxa ay haysataa shahaadada koowaad ee jaamacadda ee cadaaladda dembiyada oo ay ku takhasustay dadyow gaar ah. Sanadki 2015, waxa ay ka shaqo bilowday Xafiiska Sharci Fulinta Degmada Hennepin iyada oo noqotay Ku-xigeenka Xabsiga. Waxa ay shaqadeeda kor ugu dallacday Ku Xigeenka Kala Soocidda, iyada oo maamusha unug 72-maxbuus ah ka dibna Unugga Tababarka iyo Horumarinta. Connors waxa ay gacan ka gaysatay dib u habeynta tababarka loogu talagalay ku xigeenada xabsiga si ay wax uga bartaan xeeladaha xaaladaha lagu dajiyo iyo sida loola xiriiriyo dadka ka soo jeeda asalo kala duwan. Kadib u shaqeynta Xafiiska Sharci Fulinta Degmada Hennepin, Connors waxa ay shaqada Kormeeraha Asluubta ka bilowday Waaxda Asluubta iyo Dhaqancelinta Bulshada (DCCR). “Jessica waxa ay leedahay taariikh muhim ah oo ku saabsan shaqada noocan ah waxayna sidoo kale xiriiro muhiim ah ku leedahay Degmada Hennepin,” ayuu yiri Madaxa Booliska Edina Todd Milburn. “Waxa ay u hammuun qabtaa shaqadan iyo in ay dhisto xiriiro. Shakhsiyadeeda hawlkarka ah waa mida dhabta ah ee aan u dooneyno booska xiriiriyaha si aanu gacan uga geysano dhisidda kalsoonida bulshadeena, soo xirno farqiga u dhexeeya kana caawino saraakiisheena in ay qabtaan shaqo muhiim ah.” Kadib marki ay dhashay gabadheeda, u shaqeynta DCCR, Connors waxaa ay go’aansatay in ay beddesho shaqadeeda. Iyadoo ah Injineer Gaar ah oo Shati haysta, waxay iibsatay dukaanka nadiifinta qalalan oo ku yaal agagaarka Wayzata/Orono, waxayna ku baratay meheradda muddo saddex bilood ah iyadoo kaashanaysa milkiilihii hore. Kadib marki ay iska iibisay ganacsigi, Connors waxaa ay rabtay in ay ku laabato shaqo ay dad caawiso. Waxay ka shaqeysay caafimaadka dhimirka ee guryaha la deggan yahay, iyadoo la tacaaleysa shakhsiyaad qaba habdhaqanno caafimaadka dhimirka ah oo aad u daran. Kadibna waxa ay damacday in ay dadka kale ku xirto kheyraadka, taasoo ah tan u horseeday booska Edina. “Dhabtii waan u mahadnaqayaa Edina,” ayey tiri Connors. “Imaanshaha halkan, waxay ahaayeen kuwo aad ugu furfuran isbeddel oo doonaya inay wax badan keenaan rabaana inay wax badan qabtaan, iyagoo doonaya inay wax badan ka qeybqaataan, oo kaliya waxay dareemeen sida, aynu samayno waxyaabo waaweyn. Bal aynu ku sameyno saameyn bulshadeena dhexdeeda oo qofkasta ah.” Mid ka mid ah waxyaabahaas waaweyn waa taxanaha hooyada ee looga gol leeyahay in la isugu keeno hooyooyinka si ay wax u bartaan, isugu xirnaadaan isuna awoodsiiyaan. Cutubka Koowaad ee Taxanaha waxaa la yiraahdaa “Haweenka La Awoodsiiyay Ayaa Wax Awoodsiiya.” Waxaa la qaban doonaa 9 a.m. ilaa 1 p.m. Sabti, Agoosto 10 oo lagu qabanayo Hughes Pavilion oo ku taasha Centennial Lakes Park. Diiwaangelin ayaa loo baahan yahay waxaana laga dhammeystiri karaa onlaynka barta EdinaMN.gov/JCPP. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan munaasabadda hooyada ama macluumaad kale oo ku saabsan JCPP, booqo EdinaMN.gov/JCPP. Jessica Connors Waxay Ka Shaqo Bilowday Iskaashiga Wadajirka ah ee Booliska Bulshada Xiriiriyaha Cusub ee Bulshada Ayaa Khibrad Hodan Ah iyo Xiriiro Muhiim Ah u Keenaya Hennepin County Jessica Connors ayaa shaqo bilowday bishi Juun iyadoo noqotay Xiriiriyaha Bulshada ee Iskaashiga Wadajirka ah ee Booliska Bulshada ee Edina, iyadoo xilka kala wareegtay Lulu Thompson. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) DHACDOOYINKA SOO NOQNQODA Khamiisaha, 9:30-11 a.m. Kulmiska Farshaxanka ee Xarunta Farshaxanka Edina, Centennial Lakes Park Khamiista 3-7 .p.m. Suuqa Beeralayda, Centennial Lakes Park DHACDOOYINKA SOO SOCDA Sabti, Agoosto 3, 10 a.m. Heesaha iyo Waqtiga Sheekada oo lagu qabanayo Fagaaraha, 50th & France Talaado, Agoosto 6 Habeenka la Midoobo, goobo kala duwan Arbaco, Agoosto 7, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edinal Sabti, Agoosto 10, 9 a.m. Madadaalada Jimicsiga Dadka ee Bilaashka ah ee YogaSix, 50th & France Sabti, Agoosto 10, 9 a.m. Taxanaha Hooyada, Centennial Lakes Park Sabti, Agoosto 10, duhurki Rugta Sameynta Alaabaha, Maktabada Southdale Axad, Agoosto 11, 6:30 p.m. Riwaayada Habeenka Iftiinka iyo Tooshka, Centennial Lakes Park Talaado, Agoosto 13, 5 p.m. Muddada xaraynta ayaa u dhammaaneysa Golaha Deegaanka, Xarunta Magaalada Edina Arbaco, Agoosto 14, 5 p.m. Art Together, Fred Richards Park Khamiis, Agoosto 15, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Hormarinta, Magaalada Edina Jimce, Agoosto 16, 8 p.m. Caweyska Filimka, “Shrek,” Centennial Lakes Park Sabti, Agoosto 17, 11 a.m.-5 p.m. Vintage Village, 50th & France Talaado, Agoosto 20, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edinal Arbaco, Agoosto 28, 6 p.m. La-Hees Amiiradda, Centennial Lakes Park Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta & Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813 ama 16) ama onlaynka. Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov. 3Magaalada Edina EdinaMN.gov 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4 Shaqaalaha Ayaa Sii Wada Shaqada Xeerka lagu Xakameynayo Iibinta Xashiishka ee gudaha Edina Dhageysiga Dadweynaha Ayaa La Qabanayaa Dabayaaqada Sanadkan si Loo Soo Ururiyo Ra’yi Celinta Shaqaalaha magaalada ayaa ka shaqeynaya xeer lagu xakameynayo halka xashiiska lagu iibiyo gudaha Edina marka Xafiiska Maareynta Xashiishka (OCM) ee Gobolku bilaabo inuu bixiyo laysinada sanadka 2025. Dadka waaweyn ee 21 sano jirka ah iyo ka weyn ayaa loo oggolaaday in ay isticmaalaan xashiishka tan iyo Agoosto. 1, 2023 Hase yeeshee, xashiishka laguma iibin karo gudaha Minnesota ilaa OCM ay ka bixinayaan laysino, oo la filaayo Janaayo ama agagaarkeeda. 1, 2025 Degmooyinka waxaa looga baahan yahay inay ogolaadaan ruqsadaha xashiishka ee uu bixiyo Gobolka. Magaaladu waxa ay meelmarin kartaa xeer ku aadan qaar ka mid ah xeerarka maxaliga ah ee gaarka ah, oo ay ku jiraan tirada ugu badan ee ruqsadaha la bixinayo, kharashka diiwaangelinta iyo soonaha degmooyinka ee ganacsiga xashiishka loo oggolaan doono inay ka shaqeeyaan. Sharciga gobolku waxa uu sidoo kale magaalooyinka u oggol yahay in ay sameeyaan meelaha ka caagan laga bilaabo dugsiyada, xanaanooyinka maalinta ah, xarumaha daawaynta la dego ama soo jiidashada beerta dadweynaha oo ay si joogto ah u isticmaalaan carruurta yaryar, oo ay ku jiraan garoommada ciyaaraha iyo barxadaha ciyaaraha fudud. Ugu yaraan halmar sanadki, magaalooyinka waxaa looga baahan yahay inay sameeyaan hubinta u hoggaansanaanta ganacsi kasta oo xashiishka iyo naaca hemp ah. Fadhi shaqo oo bishii hore ahaa, shaqaalaha Magaalada waxa ay soo bandhigeen talooyinka bilowga ah, kuwaas oo la mid ah sida iibka tubaakada iyo khamrada loogu koontaroolo gudaha Edina. •Tirada xarumaha tafaariiqda – Magaalada waxaa looga baahan yahay inay ogolaato hal liisan 12,500 qofba. Marka, Edina waxa ay tirada ku xadidi kartaa shan ama waxa ay oggolaan kartaa ka badan. Golaha Deegaanka waxa ay fareen shaqaalaha inay soo diyaariyaan qabyo qoraalka xeerka oo leh ugu badnaan shan. •Kharashka diiwaangelinta – Magaaladu waxa ay soo rogi kartaa khidmada tafaariiqda ee bilowga ah oo dhan $500 ama ka badan ilaa kala bar qadarka khidmada laysinka Gobolka, hadba kii yar. Shaqaaluhu waxa ay ku taliyeen in lagu dallaco lacagta ugu badan ee diiwaangelinta ilaa ay Magaaladu si buuxda u fahamto shaqada shaqaalaha ee la xiriirta geedi socodka. •Soone u sameynta degmooyinka – Magaalooyin badan waxa ay doortaan in ay soone u sameeyaan tafaariiqleyda xashiishka si la mid ah dukaamadaa tubaakada iyo khamriga. Gudaha Edina, dukaamadaas waxaa laga oggol yahay Degmooyinka Ganacsiga ee Qorshaysan (PCD). Tusaalooyinka aagaga soonaha u ah PCD-1 ee ganacsiga yaryar ee xaafada waa Valley View & Wooddale, 44th & France, 70th & Cahill iyo Lincoln & Londonderry. PCD-2 waxa uu ogolyahay ganacsiyo badan oo xoogaa waaweyn. Tusaalooyinka waa Grandview iyo 50th & France. PCD-3 ayaa oggolaanaya ka ganacsiga ugu badan uguna ballaaran waxa uuna ku kooban yahay Degmada Southdale. Sida ugu wanaagsan si loogu fidiyo ganacsigan magaalada oo dhan, Goluhu waxa uu shaqaalaha faray in ay diyaariyaan xeer oo ay ku jiraan dhammaan saddexda PCD. Dadweynaha waxaa lagu martiqaadi doonaa inay miisaamaan xeerka qabyada ah inta lagu jiro dhageysiga dadweynaha dabayaaqada sanadkan. Dadka deegaanka waxa ay maragta ku bixin karaan waqtigaas onlaynka barta BetterTogetherEdina.org, farriin cod ah ama iyaga oo kaqeybgalaya kulanka marka arrinta la isla eegayo. Ganacsiga kale bishii hore, Golaha Magaalada: •Waxa uu ansixiyay heshiis lala galay Injineerada Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka – Degmada St. Pauliyo Xafiiska Ilaalinta Taariikhda Gobolka Minnesota oo ku aadan Buundada Wooddale Avenue ee dulmarta Minnehaha Creek. Buundada waxaa la dhisay sanadki 1937 iyada oo ka soo baxday barnaamijkii gargaarka federaalka ee xilligii Niyad-jabka. Waxaa loogu talagalay in ay noqoto Astaanta Dhaxalka deegaanka ee uu u qoondeeyay Guddiga Ilaalinta Dhaxalka Edina. Hase yeeshee, xaalada buundada ayaa sii xumaanaysa, gidaarada geesaheeda ma buuxinayaan heerarka badbaadada ee hadda jira halka qeybta la maro ee ciriiriga ahna aysan ku filneyn in ay si nabad ah u qaado dadka lugeynaya iyo kuwa baaskiilka wata. Injineerada Ciidamada Qalabka Sida iyo Xafiiska Ilaalinta Taariikhda Gobolka waxa ay isku raaceen in buundada la beddeli karo. Hase yeeshee, heshiiska is-afgaradka wuxuu u baahan yahay in Magaaladu ay buundada u diiwaangeliso ujeedooyin taariikheed oo ay calaamad xog ka bixinaysa ku dhejiso meel u dhow buundada oo faahfaahinaysa taariikhdeeda. •Waxa ay dib u eegeen feegaarka qorshaha dib loogu qaabeynayo Meesha Baaburta lagu sameeyo ee Kee ee ku taasha 6016 Vernon Ave. meeshaas oo uu qorshuhu yahay in laga dhigo maqaayad biisada lagu sameeyo. Goluhu waxa uu codsadaha siiyay jawaab-celin aanay qasab ahayn in loo hoggaansamo. Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xigta 7 p.m. Arbaco, Agoosto 7, iyo Talaado, Agoosto 20. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. - WAXA SOO URURISAY JENNIFER BENNEROTTE