Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_Sept-2024_Somali-WebWAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND Bishan Xafladda Farshaxanka Deyrta Edina ayaa loo dabaaldegayaa 20 sano oo bandhig farshaxan ah oo lagu qabanayo bilicda cagaaran ee Centennial Lakes Park iyadoo isla markaana loo faa’iideynayo bulshada Edina. Kumanaan dad ah oo ka kala yimid guud ahaan gobolka ayaa beerta ku soo dagi doona Sibteembar 7 iyo 8 si ay u sahmiyaan waababka 235 farhsaxanyahan, lagu daray cunto iibiyeyaal, taabageliyaal iyo ururo. Waxaa jira Aagga Carruurta oo hawlo badan leh halka, dadka waaweyna, Edina Liquor ay khamri ugu adeegi doonto Hughes Pavilion. Diiwaan 430 farshaxanyahanno ah ayaa codsaday bandhigga in loo garsooro. Waxa ay soo bandhigi doonaan riinjiyaynta, sanam- samaynta, dheri-samaynta, warbaahinta isku dhafan, sawir-qaadista, farshaxanada wanaagsan, muraayadaha, dahabka iyo waxyaabo kale oo badan. “Waxaan haysanaa farshaxanyahanno aad u kala khibrad duwan oo qiimahoodu kala duwan yahay, marka waxaad heli kartaa wax gaar ah oo aad guriga u qaadato,” ayay tiri Madaxweynaha Rugta Ganacsiga Edina Shelly Loberg. Si gacan looga geysto xuska sanad guurada, loogada munaasabadda ayaa kor u qaadaysa naqshad cusub oo laga heli doono koofiyadaha, shaararka iyo badeecadaha kale. Waxa dad badan oo soo booqanaya munaasabadda aysan ku baraarugsanayn ayaa ah in munaasabada lacag loogu yabooho Sanduuqa Ka Hortagga Dembiyada Edina, iyadoo waxa ka soo xarooda sidoo kale u faa’iideynayaan Beerta Centennial Lakes Park, Xarunta Farshaxanka ee Edina iyo Rugta Ganacsiga ee Edina. Sanduuqa Ka Hortagga Dembiyada Edina ayaa maamuli jiray munaasabada muddo 17 sano ah ka hor inta uusan ku wareejin Rugta. “Xafladda Deyrta Farshaxanka ayaa il weyn oo qaaraan ah inoo ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha Sanduuqa Dembiyada Greg Daggett. “Qaybta kale waa imaanshaha waxay ka timaadaa gudaha iyo dibadda Edina, Markaa waa fursad in metalaad la siiyo Booliska iyo Dabdemiska.” Sanduuqa Dembiyada waxa uu gacan ka geystaa taabagelinta barnaamijyo badan iyo adeegyo la siiyo Booliska Edina oo ay ku jiraan Qeybta K-9, Qeybta Mootooyinka iyo munaasabadda Night to Unite. Waxa uu sidoo kale hadda taageeraa Waaxda Dabdemiska Edina. Goobta xafladda, waabka Sanduuqa Dembiyada waxa uu ku mashquulsanaan doonaa, Booliska K-9, mootooyinka roondada iyo ka jawaabayaasha koowaad. “Eyga ayaa had iyo jeer wax weyn ku fadhiya,” ayuu yiri Daggett. Xafladu waxa ay sidoo kale dad badan oo ka soo qeybgalayaal ah bartaa Centennial Lakes Park, kuwaas oo arka bandhigga farshaxanka joogtada ah ee dadweynaha, doomaha badeelka, barxadda goolofta iyo ciyaaraha cawska, kuwaas oo dhammaantood furan inta munaasabada ay socoto. “Waa munaasabad madadaalo ah oo bulshada dhexdeeda ah,” ayay tiri Maareeyaha Guud ee Beerta Centennial Lakes Park Tiffany Bushland. “Waxaa yimaada dad ay marki ugu horreysay tahay halkan waxayna aad ugu raaxeystaan beerta iyagoona soo laabta.” Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo edinafallintothearts.com ama munaasabadda ka follow-garee Facebook ama Instagram ama booqo edinacrimefund.org. Sarkaalka Tababarka Booliska Edina Jaren Zech iyo Heather Edelsen, hadda ah Guddoomiyaha Degmada 6aad ee Hennepin County, kula sheekeyso waabka Sanduuqa Ka Hortagga Dembiyada Edina inta ay socoto xafladda 2023. (Sawir Fayl) Kaqeybgal Xafladda Goorta: 10 a.m. ilaa 6 p.m. Sabti, Sibteembar 7 iyo 10 a.m. ilaa 5 p.m. Axad, Sibteembar 8 Goobta: Centennial Lakes Park, 7499 France Ave. Gelitaanka: Bilaash Baakinka: In ka badan 6,000 oo goobo oo bilaash ah ayaa laga helayaa beerta, Baakinka Xafiiska Centennial Lakes iyo deegaanada ku xeeran. Tabarucaadaha Sanduuqa Dembiyada Sanduuqa Ka Hortagga Dembiyada Edina ayaa $57,313 ugu deeqay Waaxda Booliska Edina sanadki 2023. Ilaa hadda 2024, waxa uu $41,518 ugu deeqay meelaha soo socdo: • Todoba kamaradood oo akhriya laysinka taarikada • Kharashaad loogu talagalay K-9yada hadda iyo kuwa hawlgabka ah • Roondada baaskiilka iyo mootada • Kireysashada qalabka Ninja Anywhere oo loogu talagalay Madasha Furan ee Waaxda Booliska • Casuumaadaha Badbaadada Dadweynaha, sahayda iyo abaalmarinada Xafladda Deyrta Farshaxanka Ayaa Loo Dabaaldegayaa 20 Sano Munaasabadda Ayaa Qaaraan Weyn u ah Sanduuqa Ka Hortagga Dembiyada Edina Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 SIBTEEMBAR 2024 Majalada 11, Qeybta 9Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina ¹» ¹» ¹º¹º ¹º ñ ñ ¹» ¹º ¹º ¹º ¹º ¹º ¹º ñ ¹» ñ ñ ñ ñTRACY AVEVERNON AVEWOODDALE AVEHANSEN RD70TH ST W FRANCE AVE SVALLEYVIEWRDMINNESOTA DRGLEASONRDEdinaCommunityCenter AvailAcademy Golden Years Montessori CityHall St Peter's LutheranChurch & School South ViewMiddle School NormandaleElementary ConcordSchool CorneliaSchool SouthdaleLibrary Fire Station Public Works & Park Maintenance Creek ValleySchool FireStation Valley View Middle School Edina High School Countryside School HighlandsSchool EdinaCommunity Library Our Lady of Grace Church & School M innehahaCreek NineMileCreek N i n e Mile Creek SouthdaleCenter Canadian Pacific RailroadCanadian Pacific RailroadBLAKE RDSCHAEFER RDV E RN O N A V ECAHILL RD66TH ST W YORK AVE SINTERLACHEN BLVD MALONEY AVE 4 4 T H S T W 50TH ST W 54TH ST W 58TH ST W 70TH ST W 76TH ST W DEWEY HILL RD VALLEY VIEW RD VALLEY VIEW RD 78TH ST W I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62 April 2019 ±Legend 0 2,000 Feet 7 8 6 Raadiyaha Horumarka (Development Tracker) 2 3 Raadraacaha Horumarka Magaalada Edina waxaa ka mid ah mashaariic isugu jirta dib u dhis iyo dhismeyaal cusub oo la soo gabagabeeyay lixdii bilood ee la soo dhaafay, kuwo hadda socda, kuwo codsiyo rasmi ah usoo gudbiyay Magaalada ama intooda badan la oggolaaday. Ka fiirso Horumarka iyo Raadiyaha Dhismaha onleenka EdinaMN.gov adigoo gujinaya badhanka “Learn About Projects” (“Wax Ka Baro Mashaariicda”). 4 10 1 9 Dib-u-horumarinta Isticmaalka Isku Dhafan ee Enclave 7200-7250 France First Bank & Trust ¹»¹»¹º¹º¹ºñ ñ¹»¹º¹º¹º¹º¹º¹ºñ ¹»ññ ññTRACY AVEVERNON AVEWOODDALE AVEHANSEN RD70TH ST W FRANCE AVE SVALLEYVIEWRDMINNESOTA DRGLEASONRDEdinaCommunityCenterCalvinChristianSchoolGoldenYearsMontessoriCityHallSt Peter's LutheranChurch & SchoolSouthviewJr HighNormandaleElementaryConcordSchool CorneliaSchool SouthdaleLibraryFireStationPublic Works &Park MaintenanceCreek ValleySchool FireStationValley ViewJr HighEdinaHighSchoolColonialChurchCountrysideSchool HighlandSchool PublicLibraryOur Lady ofGrace Church& School M in ne hahaCreekNineMileCreek N ine Mile Creek Canadian Pacific RailroadCanadian Pacific RailroadBLAKE RDSCHAEFER RDVERNON AVE CAHILL RD66TH ST W YORK AVE SINTERLACHEN BLVDMALONEY AVE 44TH ST W50TH ST W 54TH ST W58TH ST W70TH ST W 76TH ST W DEWEY HILL RD VALLEY VIEW RDVALLEY VIEW RD 78TH ST W I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62 April 2019 ±Legend 0 2,000 Feet 5 6 11 2 1 Goobtii Hore ee Howlaha Guud Goobta: 5146 Eden Ave. Soosaare: Maamulka Guriyeynta iyo Dib u Horumarinta (HRA) ee Edina iyo Jester Concepts Marxaladda: La Hakiyey Oggolaanshiyaal horudhac ah ayaa la siiyay guryo cusub, maqaaxi cusub iyo beer cusub oo dadweyne. Horumariyihi guriyeynta ee hore ayaa awoodi waayay inuu helo maalgelin wuuna ka baxay mashruuca. Mustaqbalka, Edina HRA ayaa dooran doona horumariye guriyeyn oo cusub si uu u kabo hawlwadeenka maqaaxida, Jester Concepts. Cusbooneysiimaha qorshaha goobta ayaa loo diyaarin doonaa dib u eegista ka dib markii horumariyaha cusubi uu qandaraaska galo. 2 5100 Guri Goobta: 5100 Eden Ave. Soosaare: Opus Development Marxaladda: La Hakiyey Horumariyuhu wuxuu qorsheynayaa in la dumiyo dhismaha xafiiska oo uu dhiso dhisme dabaq oo todoba biyaano ah oo ka kooban 136 qaybood. Boqolkiiba toban oo ka mid ah qeybaha guryaha ayaa qiimahooda laga dhigi doonaa kuwo la awoodi karo oo ah 50% ee dakhliga dhexe ee aagga. Dhismaha waxa ku jiri doona 3,000 fiit oo laba jibaaran oo goob ganacsi ah. Goobta waxa ku jiri doona wadooyin cusub oo dadwayne oo ku yaala dhamaan dhinacyada dhismaha iyo hagaajinta bilicda oo leh fagaarayaal dadweyne iyo farshaxanka dadwaynaha. 3 Guryaha Fiilada ee Muqaalka Valley Lagawada Arki karo Goobta: 4404 Valley View Road Soosaare: City Homes Marxaladda: La dhameystiray City Homes ayaa dhistay guryo labo-labo saf oo labo qeyb ah (wadar ahaan afar guri). Dhammaan qeybaha guryaha ayaa la dhammeystiray waana la iibsan karaa. 4 70th & France Ave. Goobta Bangiga (Bank Site) Goobta: 7001 and 7025 France Ave. Soosaare: Maalgashiga Orion, ESG iyo Mortenson Marxaladda: Wajiga 2 La Sugayo Dhismaha Wajigii 1aad ee mashruucan waxaa la dhamaystiray horraantii 2023 iyada oo la dhisay hal dabaq, 1-fiit oo labba jibaaran U.S. Dhismaha bangiga la dhexmarayo. Wajiga xiga waxaa ka mid ah dhisme abaartimenti 24-biyaano, 267-qaybood ah oo leh 1,500 fiit oo laba jibbaaran oo tafaariiq ah; lix-ilaa- todoba biyaano, xafiis/dhisme tafaariiq oo 189,430 fiit oo laba jibaaran ah; iyo goob kore oo baabuurta la dhigto oo sideed heer ah oo qaado 540 gaari taasoo leh goobta baaskiilka oo 1,300 fiit oo laba jibbaaran ah. 5 7200 & 7250 France Avenue Goobta: 7200 & 7250 France Avenue Soosaare: Orion Investments Marxaladda: La ogolaaday Mashruucan wuxuu yeelan doonaa laba waji. Wajiga 1 wuxu noqon doonaa dhismaha shan dabaq, 124,620-fiit oo dhisme xafiiseed ah iyo meherad laga shaaho oo leh goob baabuurta la dhigto oo dhulka hoostiisa ah oo ku yaal goobta 7250 France Ave. Goobta 7200 France Ave. waxaa ka mid noqon doona balli, dariiqyada waddooyinka dhinacyadooda lagu socdo, meel cagaaran, muuqaal qurxin iyo goob baabuurta la dhigto oo dusha sare ah halkaas oo dhismuhu noqon doono mustaqbalka mid shub ah. Wajiga 1 waxa uu helay oggolaanshaha kama dambaysta ah. Wajiga 2aad waxaa ku jiraya dhisme la cabbir ah xagga joogga iyo dhulka uu ku fadhiyo oo ku yaala booska 7200 waxaana ka mid ah 153 abaartimenti. Guryaha intooda badan ayaa la qiimo ah kuwa suuqa iyadoo 10% laga dhigayo kuwa qiimahooda la awoodi karo. Goobta baabuurta ladhigto ee joogtada ah ee Wajiga 1 ayaa loo baahan doonaa in lagu daro horumarinta Wajiga 2. Wajiga 2 muu helin oggolaanshaha kama dambaysta ah. 6 Dib-u-horumarinta Isticmaalka Isku Dhafan ee Enclave Goobta: 7235 France Ave. Soosaare: Enclave Companies iyo Lifestyle Communities Marxaladda: Oggolaanshaha Horudhaca Ah Horumariyaha ayaa hantay oggolaansho horudhac ah oo saddex boos loogu kala qeybinayo goobta 9-ka akar ee hadda ah Macy’s Furniture & Mattress Gallery. Afar dhismo ayaa loo oggolaaday in laga dhiso goobta. Bakhaarka Macy ee jira ayaa meel kale loo rarayaa oo dhismaha ka dhisana waa la dumin doonaa. Afarta dhisme ee cusub waxaa ka mid ah: • Booska koonfur-galbeed: Dhisme 11-biyaano ah oo ka kooban guryo gaar loo leeyahay oo ay ka mid yihiin 49 qeybaha waayeelka, xafiis 47,000-fiit oo laba jibaaran ah iyo 9,500 oo fiit oo laba jibaaran oo boos maqaaxi/tafaariiq ah oo ku yaala heerka wadada • Booska waqooyi-galbeed: Dhisme toddobo-biyaano oo isticmaal isku dhafan leh oo leh 124 abaartimentiyo, 20,000 fiit oo laba jibbaaran oo xafiis ah iyo 7,500 fiit oo laba jibbaaran oo ah goob maqaaxi/ tafaariiq oo ku yaala heerka wadada • Booska waqooyi-beri: Dhisme toddobo- biyaano ah oo leh 223 abaartimentiyo kiro ah • Booska koonfur-beri: Dhisme toddobo-biyaano ah oo leh 176 abaartimentiyo kiro ah iyo maqaaxi 4,100 fiit oo laba jibbaaran ah Dhisme kasta waxaa ka mid noqon doona baakin gudaha ah oo loogu talagalay dadka deggan, shaqaalaha iyo macaamiisha. Baakinka ku yaala heerka wadada la siman ayaa u furan dadweynaha guud. Qorshaha wadada ayaa qaabeynaya dariiqyo wado oo cusub, dariiqayada lugeynta dhinacyada wadada oo cusub iyo aagag bilcin ah oo cusub oo u furan dadweynaha guud. Qeybta Dhabbaha Gobolka Nine Mile Creek ee hadda jira ayaa ku sii taali doonta cirifka koonfureed ee dhismaha. 7 Edina Endodontics Goobta: 7300 Metro Blvd. Soosaare: Hempel Real Estate & Edina Endodontics Marxaladda: La ogolaaday Booska shanta akar ah ayaa la sii kala qeybin doonaa si loogu oggolaado dhisme ganacsi oo hal biyaano ah, oo 6,000 oo fiit oo laba jibbaaran ah oo laga dhigayo rugta ilkaha. Ma jiraan isbeddelo loo soo jeediyay dhismaha xafiiska jira ee ku yaala goobta. 8 Badbaadada Dadweynaha ee Koonfurta Metro Xarunta Tababarka Goobta: 7525 Braemar Blvd. Soosaare: Magaalada Edina Marxaladda: La ogolaaday Ballaarin 5,536 fiit oo laba jibbaaran ah ayaa loo qorsheeyay cirifka koonfureed ee xarunta hadda jirta. Mashruuca ayaa abuuraya goob tababar oo dheeraad ah oo loogu talagalay ka jawaabayaasha koowaad. 9 Saldhiga Dabdemiska 2 Goobta: 4401 76th St. W. Soosaare: Magaalada Edina Marxaladda: Dhisme Ku socdo Magaalada Edina ayaa bilowday dhismaha cusub ee Saldhiga Dabdemiska 2aad oo 33,578-fiit oo laba jibbaaran ah gu’ga dhexdiisa. Dhismuhu wuxuu bixin doonaa meel ay ku shaqeeyaan Waaxda Dab- demiska ee Edina iyo Qeybta Caafimaadka Dadweynaha ee Magaalada. Xarunta cusub waxaa la filayaa in la furo dabayaaqada 2025. 10 Albeerkada Finch Goobta: 4620 77th Street W. Soosaare: Solhem Companies Marxaladda: Dhisme Ku socdo Horumariyuhu wuxuu dumiyey dhismihi xafiiska ee bannaanaa. Aasaaska ayuu dhisme ugu socdaa dhismo abaartiment ah oo todoba biyaano ah, oo ka kooban 276-qeybood. Toban boqolkiiba guryuhu waxay noqon doonaan guryo la awoodi karo. Mashruuca waxaa laga rabaa in uu kamid ahaado waddo cusub oo lagu galo Fred Richards Park ee dhanka bari ee dhismaha xafiiska dhisan. Wadada dhismo ayaa ku socda waxaana la filayaa in la dhammeeyo dabayaaqada 2024 ama gu’ga 2025. 11 First Bank & Trust Goobta: 4901 77th St. W. Soosaare: Solomon Marxaladda: La dhameystiray Solomon ayaa dhisay xafiis 15,000 fiit oo laba jibaaran ah iyo bangi qofka loogu adeegayo gaarigiisa dhexdiisa. 3Magaalada Edina EdinaMN.gov 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4 Golaha Ayaa Tixgelinaya Guryaha La Awoodi Karo oo Qayb ka ah Hantida Saldhiga Dabdemiska LHB Ayaa Soo Bandhigay Saddex Fikradood oo Horudhac ah oo ku saabsan Sida Goobta Loo Horumarin Karo Guriyeyn la awoodi karo ayaa loo eegayaa horumarinta ku dheggan Saldhiga Dabdemiska 2aad. Magaaladu waxa ay iibsatay boos 8-akar ah oo ku yaala West 76th Street si ay uga dhisto saldhig dabdemis oo cusub, kaas oo qaadan doona in ka yar kala bar goobta. Hal xulasho oo ay Magaaladu sahminayso ayaa ah horumarinta guriyeynta si loo gaaro yoolalka guryaha la awoodi karo ee Edina. Edina Housing Foundation, oo ah shirkad madax bannaan oo aan macaash-doon ahayn, ayaa kireysatay LHB Architecture & Engineering si ay u abuurto fikradaha guriyeynta ee goobta. Shirkadda Foundation iyo LHB ayaa saddex fikradood oo horudhac ah Golaha Magaalada ugu bandhigay kalfadhi shaqo oo la qabtay bishi la soo dhaafay. Hal xulasho ayaa ah shan xabo oo afar qeyb ah, labo biyaano oo guryaha magaalada ah. Mid kale ayaa ah dhisme abaartimenti afar biyaano ah oo leh 45 ilaa 50 qeybood iyo saddex xabo oo afar qeyb ah, labo biyaano oo guryaha magaalada ah. Xulashada saddexaad ayaa ah mid aad u cufan oo leh dhismayaal saddex iyo afar biyaano ah oo ku yaala goobta. Xubnaha Golaha ayaa shirkadda Foundation siiyay jawaab-celin ku saabsan soojeedimaha waxaana ay weydiisteen macluumaad dheeraad ah. Si horay loogu sii amba qaado mashruuca noocan ah, shirkadda Foundation ayaa u baahanaysa in ay la wareegidda goobta ka codsato Magaalada. Qiimaha dhulka, haddii ay hesho shirkadda Foundation, lama go’aamin. Hawlaha kale bishii hore, Golahu: •Waxa uu bixiyay jawaab-celin ku saabsan fikradaha Fred Richards Park. Confluence ayaa shaqo bilowday bishi Juun si ay Barxaddi hore ee Goolofta ee Fred Richards Executive ee ku taasha Parklawn Avenue ugu beddesho beer 43-akar ah oo waxyaabo badan loo isticmaalo. Beertu waxaa ay ka koobbnaan doontaa saddex aag oo muhiim ah: Central Green, Nature Bank iyo Great Lawn. Waxaa sidoo kale jira luuq ku yaala qeybta waqooyi ee beerta, oo loo yaqaano The Loop. Xoogaa isbeddelo ah ayaa lagu sameeyay qorshaha guud ee asalka ah. Beddelki dib loo cusbooneysiin lahaa aqalka naadiga si loogu daro musqulo cusub iyo adeeg cunto, Confluence ayaa ku talinaysa aqal beereed cusub oo bartamaha ku yaala in la dhiso. Dariiqa laga soo galo ee ugu weyn, baakinka, barxadaha iyo garoomada lagu ciyaaro ayaa dib la isugu habeeyay si loo yareeyo saameynada soo gaaraya dhulalka qoyan. Shaqada ayaa lagu sii wadi doonaa si loo kala shaandheeyo fikradaha. Kadib marka naqshadaha la dhammeeyo, dukumiintiyada dhismaha ayaa la sameyn doonaa si loogu tartamo qandaraaska. Waaxda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta ayaa rajeyneyso in ay dhagax dhigto mashruuca, oo ay suurtagalinayso canshuurta gadida xulashada maxalliga, sanadka soo socda. •Waxa uu aqbalay deeq farshaxan oo la yiraahdo “Stealth” oo ka socota Dennis W. Schulstad. Farshaxanka, oo ka samaysan bir aanan daxalaysan oo Boola-boolada Qoorta Dheer ee Buluugga ah, ayaa la dhigi doonaa hareeraha harada ku taal marinka koonfureed ee Centennial Lakes Park dabayaaqada bishan. •Waxa uu shirkada TKDA u soo kireystay adeegyada qorista codsashada deeqda ee loogu talagalay barnaamijka horumarinta meelaha laga gudbo wadada tareenka. Mareykanka Waaxda Gaadiidka iyo Maamulka Jidka Tareenka ee Federaalka ayaa haysata fursad deeq ka socota federaalka oo loogu talagalay mashaariicda hagaajinta meelaha laga gudbo ee wadada weyn ee tareenka ama dariiqa tareenka oo ujeedadoodu tahay in kor loogu qaado badbaadada. Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xiga ilaa 7 fiidnimo Sibteembar 3 iyo 17. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov/Meetings. - WAXA SOO URURISAY JENNIFER BENNEROTTE DHACDOOYINKA SOO NOQNQODA Khamiista 3-7 .p.m. Suuqa Beeralayda, Centennial Lakes Park DHACDOOYINKA SOO SOCDA Isniin, Sibteembar 2 Maalinta Shaqaalaha; Xafiisyada Magaalada ayaa xiran Talaado, Sibteembar 3, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edinal Arbaco, Sibteembar 4, 5 p.m. Daahfurka Dhabayaasha Braemar, Braemar Golf Dome Sabti, Sibteembar 7, 10 a.m.-6 p.m. iyo Axad, Sibteembar 8, 10 a.m.-5 p.m. Xafladda Farshaxanka Deyrta, Centennial Lakes Park Talaado, Sibteembar 10, 6-8 p.m. Kulanka Bulshada ee Lincoln iyo Londonderry ee Qorshaha Aagga Yar, Qolka Ujeedooyinka Badan ee ku yaala Xarunta Hawlaha Guud & Dayactirka Beerta Nasiinada Arbaco, Sibteembar 11 Maalinta Waddaniga Arbaco, Sibteembar 11, 7 p.m. Dooda Magaalada ee ku saabsan Xarunta Tababbarka Badbaadada Dadweynaha ee South Metro, onlayn iyo Edina TV Khamiis, Sibteembar 12, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Hormarinta, Magaalada Edina Khamiis, Sibteembar 12, 11 a.m.-1 p.m. Dhacdada Shred, booska baakinka Braemar Arena Sabti, Sibteembar 14, Duhurki-4 p.m. Bandhiga Baabuurta Edina, 50th & France Axad, Sibteembar 15 Bisha Dhaqanka Isbaanishka Talaado, Sibteembar 17, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edinal Jimco, Sibteembar 20 Codeynta dadka maqan ayaa bilaabmaysa Sabti, Sibteembar 21, 9 a.m. Madadaalada Jimicsiga Dadka ee Bilaashka ah, 50th & France Khamiis, Sibteembar 26, 5-7 p.m. Madasha Furan ee Waaxda Booliska, Hoolka Magaalada Edina Axad, Sibteembar 29, 2-4 p.m. Kala Beddelashada Dharka Halloween, Xarunta Waayeelada Edina Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta & Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813 ama 16) ama onlaynka. Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov.