Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_Oct-2024_Somali-WebKaamiro ku xiran baallaha nalka oo ku teedsan Eden Avenue waxay hubinaysaa taargada gawaarida ee gaari kasta oo meesha mara. (Sawirka waxaa qaaday Maren Fullerton) Qalabka Akhriya Taargada Gawaarida Waxay Booliska Ka Caawiyaan La Dagaalanka Dembiyada Tignoolajiyaddu Waxay Raadraacdaa Gawaarida La Xaday Waxayna Horseedaa in Tuugada La Soo Xirxiro WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND Mid ka mid ah qalabki ugu dambeeyay ee Waaxda Booliiska Edina ayaa si dhakhso ah u caddeeyey inay ka mid yihiin kuwa ugu waxtarka badan. Wax ka yar un sanad, kaamirooyinka akhriya taargada gawaarida (LPR) waxay horseedeen in booliiska ay soo helaan gawaari la xaday, soo qabashada qoryo lana xiro tobaneeyo dad ah. “Waxay dhabtii noo abuureen shaqo badan – si wanaagsan,” ayuu yiri Saddex Alifle Dave Boosalis, oo hoggaan u ah hindisaha kaamiradaha LPR. Waxa uu ka jawaabay qaar ka mid ah su’aalaha caadiga ah ee ku saabsan barnaamijka LPR. Imisa kaamiradaha akhriya taargada gawaarida ayaa ku xiran Edina? Booliiska Edina waxay leeyihiin 18 kaamiro oo ku kala xiran meelaha istiraatiijiga ah. Afar kaamira oo guurguura oo loo raro meelo kasta oo ay dembiyo badan ka dhacaan. Gawaarida booliiska qaarkood ayaa sidoo kale ku qalabaysan. Ganacsiyo dhowr ah oo gaar loo leeyahay ayaa iibsaday kaamirooyinka LPR si ay xogta ula wadaagaan Booliiska Edina. Ganacsiyadu marin uma haystaan xogta; kaliya hay’adaha sharci fulinta ayaa loo diraa digniinaha LPR waxayna xogta u isticmaali karaan ujeedooyinka wax baarista. Kaamirooyinka maxaa loo isticmaalaa? •Helitaanka gawaarida la xaday •Aqoonsiga gawaarida lala xiriirinayo dembi dhawaan dhacay ama qof haysta waan soo xirid •Soo helitaanka dadka maqan, oo ay ku jiraan waayeellada iyagoo gaarigooda wata ay u war dambaysay •Baaritaanada booliiska Kaamirooyinka sidee ayay u shaqeeyaan? Kaamirooyinku waxay iskaangareeyaan taargada gawaarida meesha soo mara waxayna waafajiyaan gawaari kasta oo ku xiran waarannada mulkiilaha, dembiyada, la tebiyay in la xaday ama la xiriira qof maqan ama la afduubtay. Nidaamku waxa uu si otomaatig ah u ogeysiiyaa dirayaasha wax kasta oo uu qalabku qabto. Kaamiriooyinka ka hor, saraakiishu waxay ahayd in ay fiiriyaan gawaarida oo ay lambarada taargada ka baaraan kombiyuutar. Sidee ayay gacan uga geystaan baaritaanada dembiyada? Marka laga yimaado aqoonsiga gaariga ku lugta leh, xogta waxaa loo adeegsan karaa in lagu raadraaco dhaqdhaqaaqa gawaarida, iyadoo ku xiraysa goobaha dembiyada. “Waa qalab baaritaan oo wanaagsan oo loogu talagalay baarayaasha,” Boosalis ayuu yiri, isagoo xusaya in kaamirooyinka LPR hadda la geeyay dalka oo dhan, iyadoo kuwa badana ay noqonayaan onlayn. Waaran ayaa loo baahan yahay si xogta loo galo, iyadoo sharciyada asturnaanta sirta ay xaddidayaan gelitaanka iyo keydka. Haddii kaamirooyinka LPR ay si aad ah u guuleystaan, maxaa ay dembiyada sida xatooyada gawaarida weli uga sii jiraan gudaha Edina? “Inkastoo ay yihiin qalab wanaagsan oo wax lagu baaro, ma garanayo in ay daruuri u yihiin ka hortagga – weli,” Boosalis ayuu yiri. Waxay gacan ka geysteen soo helitaanka 23 gawaari ilaa iyo dabayaaqadi Agoosto. Balse kaliya waa hal qalab oo lagula dagaalamo dembiyada. Xatooyada gawaarida waxaa sida ugu wanaagsan looga hortagi karaa iyadoo si fudud looga hortagayo xatooyada, Booliska ayaa carrabka ku adkeeyay. Waxay u sahlan tahay sida in aad xirto gaarigaaga oo aad qaadato furayaasha oo aad xirto albaabada garaashka marka laga reebo in aad joogto garaashka dhexdiisa ama aad joogto daaradda hore. Roondooyinka booliiska, baaritaanada, kaamirooyinka LPR, iyo tignoolajiyadda kale, oo ay wehliyaan deggenayaal feejigan, waxay noqon karaan kuwo aad waxtar u leh. “Dembiilayaashu waxay ugu soo laabtaan Edina sababtoo ah waxay ogyihiin in ay jirto fursad,” Boosalis ayuu yiri, isagoo dadka ku booriyay in ay gacan ka geystaan in meesha laga saaro fursadaas. “Rajadeenu waxay tahay inay si joogta ah u arkaan dadaalkaas oo ay sii socdaan.” Si aad u hesho waxbadan oo ku saabsan Booliska Edina, booqo EdinaMN.gov/Police. Guusha Kaamiradaha Akhriya Taargada Gawaarida Laga soo bilaabo Sibteembar 2023 marki kaamiradaha Booliska Edina ee ugu horreeyay la bilaabay ilaa dabayaaqadi Agoosto 2024: • Wadarta Digniinaha Kaamiradaha Akhriya Taargada Gawaarida: 170 • Warbixinnada laga soo saaray digniinahaas: 58 • Xiritaanada: 37 • Gawaarida la soo helay: 23 • Digniinaha la xiriira badbaadada booliska, sabab macquul ah ama caawinta wakaalad kale: 13 • Digniinaha horseeday daroogo sharci darro ah ama qalabka lagu sameeyo daroogada ee la soo qabtay: 5 • Qoryaha la soo qabtay: 4 OKTOOBAR 2024 Majalada 11, Qeybta 10Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 Kooxda Jawaab Bixinta Beddelka Kale ah Waxay Wax Ka Qabtaan Caafimaadka Dhimirka Edina iyo Richfield Kooxdu Waxay Guul Ka Gaartay Gaarista iyo Taageerista Kuwa Ku Dhibaatoonaya Bulshadeena WAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER Kooxda Jawaab Bixinta Beddelka Kale ah, oo ah hindise ay aasaaseen Hennepin County iyo magaalooyinka Edina iyo Richfield, ayaa shaqeynaysay tan iyo dhammaadki Juun si ay wicitaanada caafimaadka dhimirka wax uga qabtaan qaab cusub. Madaxa Booliska Edina Todd Milburn wuxuu gacan ka geystay samaynta barnaamijki tijaabada ee Kooxda Jawaab Bixinta Beddelka Kale ah ee ugu horreeyay Degmada marki uu u shaqeynayay Magaalada Brooklyn Park. Milburn ayaa sheegay in uu dhiirigeliyay in koox la mid ah laga billaabo Edina iyada oo ay ugu wacan tahay kororka ku yimid wicitaanada caafimaadka dhimirka ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Maadaama Xarunta Dirridda Gurmadka ee Edina ay sidoo kale gurmad u dirto Magaalada Richfield, Milburn ayaa barnaamijkiisa tijaabada ku casuumay Richfield. Waaxda Booliska Edina waxay lahayd Shaqaale Bulsho oo u qaabilsan Hennepin County, Donna Nelson, oo ku dhex milantay waaxda tan iyo 2020. Doorkeedu waxa uu inta badan diiradda saarayay dabagalka dadka la daala dhacaya dhacdooyinka caafimaadka dhimirka. Kooxda cusub waxay awoodaa in ay diiradda saarto ka jawaabista dhacdooyinka caafimaadka dhimirka isla marka ay dhacayaan si ay gacan uga geystaan in ay taageero siiyaan isla waqtigaas iyo kadib. “Waxaa laga yaabaa in aan qaab-dhismeedka qaar ka keenay waayo- aragnimada shaqadeydii hore, balse waa shaqaalaha kartida leh ee halkan ku sugan waxa gacanta ka geystay in loo horumariyo sida maanta ay wax yihiin si ay u daboolaan baahiyaha dadka deggan Edina iyo Richfield,” ayuu yiri Milburn. Gurmadka Degdegga ah Bixiye/Dabdemiye John Brooks, Baare Morgan Piper iyo Shaqaale Bulsho Cassy Jerrett ayay kooxdu ka kooban tahay. Caadiyan, Brooks iyo Jerrett ayaa ah labada qof ee ku sugan goobta dhacdada halka Piper uu inta badan daaha gadaashiisa ka shaqeeyo dhammaan kiisaska booliska ee la xiriira caafimaadka dhimirka. Kooxdu waxay shaqeysaa 9 a.m. ilaa 5 p.m. Isniinta ilaa Jimcaha hadda, balse taasi waxaa laga yaabaa in marwalba ay sidaa noqon maadaama ay sii kobcayaan oo ay wax ka baranayaan xogta wicitaanadooda. Inta ay shaqeynayaan, waxay isu xilsaaraan wicitaanada 911 ee dadka xasradaha ku jira. Waxaa sidoo kale u waca saraakiisha iyo bixiyeyaasha gurmadka degdegga ah marka wicitaan ay faa’iido badan u tahay in ay kooxdu wax ka qabato. Dhawaan, Kooxda Jawaab Bixinta Beddelka Kale ah waxaa soo gaaray tiro yar soo wacayaal 911 ah oo si toos ah u codsanaya joogitaankooda beddelki jawaabta booliska ama dabdemiska. Kooxdu waxay ka jawaabtay 166 wicitaan waxayna gaarigooda ku tageen in ka badan 1,000 mayl kaliya labo bilood gudahood. Kooxda waxaa loogu talagalay in ay wicitaanada caafimaadka dhimirka u wajahaan si ka duwan sida caadiga ah ee jawaabta booliska iyo EMS. Jawaab bixinta booliska guud ahaan waa mid la xiriirta waaqac fal-dembiyeed halka jawaabta dabdemiska ay la xiriirto waaqaca caafimaad. Kooxda Jawaab Bixinta Beddelka Kale ah waxay caawisaa dadka la daalla dhacaya xasradaha caafimaadka dhimirka iyadoo siinaysa waqtiga dheeraadka ah iyo feejignaanta ay u baahan yihiin waqtigaa si xal loogu helo walaacooda degdegga ah una bixiyaan kheyraad loogu talagalay natiijooyin wanaagsan oo la helo mustaqbalka, dhammaan iyadoo booliska iyo dabdemiska fursad loo siinayo inay maareeyaan wicitaanada kale. “Waxay u socotay si aad u wanaagsan. Waxaan isla markiiba qabanay tiro fiican waxaana haysanay gacansiinta saraakiisheena,” ayuu yiri Milburn. “Dadki ay u adeegeen kooxda waxay na siiyeen jawaab-celin wanaagsan.” Inkastoo Kooxda Jawaab Bixinta Beddelka Kale ah ay ka kooban tahay saddexdaan, waxaa sidoo kale taageera shaqaalaha kale ee ku sugan Hennepin County, Richfield iyo Edina. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Kooxda Jawaab Bixinta Beddelka Kale ah, la xiriir Waaxda Booliiska Edina, 952-826-1610. Waxaa halkan ku yaalla faahfaahin yar oo dheeraad ah oo ku saabsan saddexda ay ka kooban tahay kooxdu: John Brooks Bixiye Gurmadka Degdegga/Dabdemiye Waaxda Dabdemiska Edina, 26 sano Saddex erey oo uu isticmaalo Brooks si uu ugu qeexo doorkiisa: Naxariis, Wada-Shaqeyn, Daryeelid “Mid ka mid ah yoolalka kooxdu waa in la jilciyo habka ay wax u wajahaan gurmad bixiyeyaasha koowaad. Waxaa jira dadka qaar oo ay xaaladooda ka sii darto marka ay arkaan tiro dad ah oo lebis gaar ah xiran oo ku hareereysan una sheegaya waxay u baahan yihiin in ay sameeyaan. Intaa waxaa dheer, gurmad bixiyaasha koowaad dhab ahaantii waxay kaliya haystaan labo ikhtiyaar marka ay la macaamilayaan qof ka tirsan bulshada, taasina waa in aad ka tagto ama aad u dirto isbitaalka. Marar badan, midkoodna ma ahan xalka saxda ah.” Morgan Piper Baare Waaxda Booliska Edina, 14 sano Saddex erey oo ay isticmaasho Piper si ay ugu qeexdo doorkeeda: Baare, U Doode, Xalliye “Ka ahaan Sarkaal Roondo oo hore, waxaan dhibsaday in aan ka tago wicitaan oo aan iraahdo, ‘Waan ka xumahay, ma jiraan waxkale oo aan sameyn karno.’ Marka haysashada kooxdan cusub si ay u wacdo oo ay u ogaato in qofku helayo kheyraad waa wax aad u fiican. Waa ay fiicnaan lahayd haysashada dad fiican oo yimaada marki aan haysan wax kale oo aan ku sameeyo wicitaanka. Marka waxay ila tahay inay taasi qeyb weyn ka tahay; rabitaanka gaba-gabeyntaas ka hor inta aadan goobta ka tagin iyo oggaanshaha in wax kale la sameyn karo.” Cassy Jerrett Shaqaale Bulsho Hennepin County, 2 sano Saddex erey oo ay isticmaasho Jerrett si ay ugu qeexdo doorkeeda: Iskaashi, Udub-Dhexaad u ah Qofka, Gudbin “Tani waxaa ay ahayd shaqadi aan ugu jeclaa gobolka ilaa hadda. Waan jeclahay in aan maalin walbo soo baxo oo aan joogo Edina. Dhabtii waan ay iigu baxdaa. Saraakiisha jooga halkan waa kuwo wanaagsan. Waxaan ka helaa caqabada ah inaan isku dayo in aan wax ku xalliyo goobta si aan wax fiican uga dhigo, ugu yaraan maalinta un, kadibna u sii gudbo maalinta xigta oo aan arko haddii ay jiraan kheyraad ama adeegyo wax looga qabto waxay taasi keeni doonto.” 2 Macluumaadka (Profile-k) Tartamaha Golaha Deegaanka Edina Borofayllada soo socda waxaa gudbiyay musharrixiinta, kuwaas oo ku jira warqadda codbixinta ee Nofeembar 5. Codbixiyeyaasha Edina waxay dooran doonaan Duqa Magaalada iyo laba xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka. Waxbadan ka ogow EdinaMN.gov/Election. Maxaad aad ugu jeceshahay inaad ku noolaato Edina? Magaaladu si ay u horumarto maxaad jeclaan lahayd inaad ka caawiso? Waa maxay dhinacyada aad xoogga ku saarayso ololahaaga? Ron Anderson DUQA MAGAALADA Ciwaanka: 5728 Kemrich Drive Years in Edina: 36 Websaytka: Anderson4mayor.com •Dareenka Bulsho •Xaafadaha quruxda badan •Aqbalitaanka •Heerarka naqshada dhismaha ee loogu talagalay horumarinta cusub •Xaaladda/kordhinta tas-hiilaadka dadweynaha •Wax ka qabashada caqabadaha kororka bulshada iyo badbaadada dadweynaha •Daahfurnaanta geedi socodka – shaacinta •Isla xisaabtanka maaliyadeed •Iskaashiga lala leeyahay dadka deegaanka Jim Hovland DUQA MAGAALADA Ciwaanka: 5023 Nob Hill Drive Years in Edina: 35 Websaytka: Hovland2024.com •Ballanqaadka cajiibka ah ee carruurta, qoyska iyo waxbarashada taas oo qayb ka ah dhismaha magaaladeena. •Dareenka goobta, derisnimada, daryeelka iyo ka tirsanaanta ee qofku ka haysto ku noolaanshaha Edina. •Edina waxay ku dadaashaa in ay heersare ka gaarto wax kasta – oo ay ku jiraan waxbarashada, caafimaadkeeda, adeegyada tafaariiqda iyo maaliyadda, ganacsiyadeeda iyo isticmaalka dhulka. •Si joogta ah u xoojinta dareenkeenna bulshonimo iyo u heellanaanta midba midka kale. •Si wadidda xoojinta xiriirka nagala dhexeeyo dadka deggan deegaankeena iyo sii wadidda in aan kor u qaadno daahfurnaanta ay dawladu ku shaqeyso. •Talo muwaadin oo aad u weyn oo looga qeybqaato arrimaha u oggolaan doona Golaha in ay qaataan go’aanno si fiican loo sababeeyay. •Sii wadidda noqoshada bulsho horay u socod rajaynaysa oo si wax ku ool ah u maareysa isbeddelka ku salaysan istiraatiijiyadaha dadka deggan deegaankeena iyo Goluhu abuureen. •Sii wadidda maareynta wanaagsan ee magaalada iyo in si wax ku ool ah adeegyada loo gaarsiiyo dadka deggan deegaankeenna. •Ixtiraamka danaha oo dhan iyo marwaliba u dhaqanka si caddaalad iyo daacadnimo ay ku jirto si loo raadiyo danta guud. Ryan Daye XUBIN KA TIRSAN GOLAHA DEEGAANKA Ciwaanka: 6808 Chapel Lane Years in Edina: 3.5 Websaytka: Ryan4edina.com •Xasiloonida iyo dareenka bulshonimo ee kadhex jira xaafadaheeda kala duwan. •Faa’iidooyinka goobta nawaaxiga magaalada ku taasha iyadoo isla markaana loo dhaw yahay fursadaha dhaqan iyo dhaqaale ee Magaalooyinka Mataanaha. •Beeraha nasiinada iyo goobaha tamashleynta ee tirada badan oo ay ku jiraan dhabbayaasha orodka iyo socodka, dariiqyada baaskiilka iyo bilicda quruxda badan. •Ku xiridda dadka deegaanka oo lagu xiro xogta muhiimka ah ee ku saabsan maamulka Magaalada iyo horumarinta iyo ka dhigista mid sahlan in la raaco oo la fahmo. •Helitaanka siyaabo lagu joogteeyo laguna horumariyo adeegyada Magaalada ee aasaasiga ah iyadoon un kaliya lagu tiirsanayn kordhinta ka faa’iideysiga canshuuraha. •Dhisidda dariiqyo xiriir adag oo lala yeesho dadka deegaanka iyo dhiirigelinta kordhinta kaqeybgalka dadweynaha ee xagga go’aan gaarista. •Mudnaansiinta isu dheellitirka u dhexeeya dadaalka kobcinta iyo ilaalinta hantida Edina ka dhigaysa meel sare oo lagu noolaado. •Dhiirigelinta isbeddelka lagama maarmaanka ah ee bulshada iyada oo loo marayo kaqeybgalka iyo iskaashiga beddelki go’aan gaarista iyo waajibaadyada madaxda ay u soo saaraan kuwa ay xukumaan. •Horumarinta mas’uuliyadda maaliyadeed ee dawladda hoose ee magaalada. Waa in aan ku dadaalnaa in aan Edina ka dhigno meel la awoodi karo oo soo dhaweysa cidkasta. Carolyn Jackson XUBIN KA TIRSAN GOLAHA DEEGAANKA Ciwaanka: 5716 Continental Drive Years in Edina: 25 Websaytka: Carolyn4Edina.com •Beeraha nasiinada ee xaafadeena. Beerta u dhow gurigeena waa goob aad ugu wanaagsan in lagula kulmo deriska laguna qabsado hawlaha guriga dibadiisa ah. •Booliiskeena waxtarka leh iyo dabdemiska. Waxay jawaab u bixiyaan si degdeg ah oo ixtiraam leh. •Xiriirkeena rayid. Edina waxay leedahay ururo badan oo bulsho oo dadka siiya fursad ay ku caawiyaan kuna horumariyaan xirfadaha hoggaaminta. •Ka dhigista Magaalada mid si aad ah ugu roon baaskiilka iyo dadka lugeynaya. Waxaanu habab badbaado ah ugu baahanahay da’ kasta si looga fogaato taraafigga baabuurta. •Kordhinta awooditaanka guryaha ee shaqaalaha. •Dhisidda Saldhiga Dabdemiska 3aad si loo yareeyo waqtiyada ka jawaabista ee waaxda waqooyi bari ee Edina. •Dhammeystirka dhismaha Xarunta Farshaxanka Edina ee ku taasha Maktabadda cusub ee Southdale. •Ka shaqeynta hirgelinta Qorshaha Aagga Southdale si looga dhigo xudunta ganacsi ee Magaalada mid aad loogu socon karo laguna wadi karo baaskiilka. •Xallinta isticmaalka goobtii Hore ee Howlaha Guud ee ku taasha Grandview, oo ay ku jirto ku kordhinta aagga madadaalada. James Pierce XUBIN KA TIRSAN GOLAHA DEEGAANKA Ciwaanka: 5505 Merritt Circle Years in Edina: 11 Websaytka: Pierceforedina.com •Qoyskeyga iyo anigaba waxaan u riyaaqnaa deegaanka seeraha u eg ee ay haystaan xaafado badan oo Edina ku yaala, oo ay wehliso marin-u-helka dhabbayaasha socodka. •Waxaanu qadarinaa marin-u-helka habboon ee xulashooyinka tafaariiqda ee Edina iyo u dhawaanshaheeda magaalooyinka kale. •Waxaanu u riyaaqnaa dareenka bulsho ee ka jira halkan, anagoo dareemayna in aan si aad ah isugu xiranahay si ka duwan meel kasta oo kale oo aan kusoo noolayn. •Waxaa iga go’an in aan horumariyo xalalka loogu talagalay awooditaanka guryaha ee dhammaan dadka deggan magaalada. •Waxaan hiigsanayaa hagaajinta isku xirka dadka lugeynaya anigoo xoogga saaraya deegaanka dabiiciga iyo negaanshaha. •Waxaan ku dadaalayaa in Magaaladu kor u qaado adeegyada tayaysan ee heerka sare ah ee ay siiso dadka deegaanka. •Mudnaansiinta guryo la awoodi karo oo ay helaan dhammaan dadka deegaanka. •Gaarista isku dheellitirka horumar casri ah, oo waara. •Dhiirigelinta ku lug lahaanshaha iyo kaqeybgalka weyn ee bulshada. Ron Anderson Jim Hovland Ryan Daye Carolyn Jackson James Pierce 3Magaalada Edina EdinaMN.gov Guddiga Tamarta & Deegaanka oo Martigelinaya Bandhigga Baabuurta Korontada Ku Shaqeeya Okt. 5 Si Dhow u Fiiri Baabuurta Korontada Ku Shaqeeya ee Deriskaaga oo Ogow Waxay Ka Dhigan Tahay in Aad Adiga Mid Yeelato Baabuurta ku shaqeysa korontada ma madadaalaa in la kaxeeyo? Ilaa intee in le’eg ayuu dabku caadi ahaan haynayaa? Waa maxay faa’iidooyinka deegaan iyo dhaqaale ee lahaanshaha ama yeelashada mid? Liiska su’aalahaaga u diyaarso khuburada baabuurta korontada ee saaxiibtinimada iyo waxtarka leh ee ku sugan Edina, kuwaasoo sidoo kale ah deriskaaga! Guddiga Tamarta & Deegaanka waxa uu martigelin doonaa Bandhigiisa ugu horreeya ee Baabuurta Korontada Ku Shaqeeya 11 a.m.-2 p.m. Sabti, Oktoobar 5, gudaha booska baakinka ee Hoolka Magaalada Edina, 4801 W. 50th St. Ku raaxayso muusig toos ah iyo gaari cunto inta aad meelaha marmarayso oo waxbadan ka ogow noocyada kala duwan ee baabuurta korontada ku shaqeeya. Munaasabadu waa bilaash in laga qeybgalo. Koox dadka deegaanka ah ayaa isu xilqaamay in ay keenaan baabuurtooda gaarka ah si ay ka qeybgalayaasha u tusaan qaababka kala duwan, sifooyinka iyo qiimahooda. Baabuurta la soo bandhigayo waxaa ka mid ah moodheellada Audi, BMW, Cadillac, Chevy, Ford, Kia, Rivian iyo Tesla. Munaasabada waxaa si gaar ah loogu soo bandhigi doonaa BEV-yada − ama baabuurta batariga korontada ku shaqeeya − kuwaas oo si buuxda koronto ugu shaqeeya oo aan lahayn matoor shidaal. “Tani waa fursad madadaalo ah oo aan lahayn cadaadis si aad ugu xirmato dadka bulshadaada ee maalin kasta kaxeeya baabuurta korontada ku shaqeeya oo aad ka maqasho waxa ay ka jecel yihiin ama aanay ka jecleyn baabuurtooda. Si marka qof uu tixgelinayo in uu mid iibsado, u ahaado macmiil xog ogaal ah,” ayuu yiri Tom Tessman, Guddoomiyaha Tamarta & Deegaanka waxna ka hoggaaminaya qorsheynta munaasabadda. Haddii aad la yaaban tahay wax ku saabsan lacago celinta, dhiirigelinada iyo dabeynta, shirkadaha Drive Electric Minnesota iyo Xcel Energy ayaa ku sugnaan doona munaasabadda si ay uga jawaabaan su’aalaha. Labo gedisleey, Golden Valley Tesla iyo Key Cadillac ee Edina, ayaa sidoo kale halkaa joogi doona si ay dadka ula wadaagaan macluumaad dheeraad ah. Qorshaha Waxqabadka Cimilada ee Edina waxa uu hiigsanayaa in 25% ee baabuurta Edina si buuxdo koronto ugu shaqeeyaan marka la gaaro 2030. Sida qorshuhu yahay, 1% ee baabuur kasta oo loo beddelo baabuurta korontada ku shaqeya, 2,750 mitrik tan oo gaaska hawada lagu siidaayo ah ayaa sanad walba meesha laga saari karaa, oo ay ku jiraan kuwa hawada lagu siidaayo ee la xiriira kororka isticmaalka korontada. “Baabuurta korontada ku shaqeeya waxay leeyihiin faa’iidooyin badan. Baabuur si buuxdo koronto ugu shaqeeyo wax qiiq ah kama siidaayo iskaalamiindada, kharashka dayactirkuna badanaa waa mid hooseeya. Tusaale ahaan, marna uma baahan doontid in aad olyada markale beddesho haddii aad iibsato gaari si buuxdo koronto ugu shaqeeyo,” ayay tiri Maareeyaha Negaanshaha Marisa Bayer. “Waxaa sidoo kale jira kharashaad hawlgal oo yar. Shirkadda Xcel Energy waxay saadaalisay in barnaamijyadooda dabaynta baabuurta korontada ku shaqeeya, dabeynta guriga ay u dhiganto kharashgareynta qiyaasti $1 halki gallon oo baasiin ah.” Si aad wax badan uga ogaatid bandhigga, Bayer kala xiriir mbayer@EdinaMN.gov ama 952-826-1621. - WAXA QORAY BRITTANY BADER DHACDOOYINKA SOO SOCDA Talaado, Oktoobar 1, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Oktoobar 3, 3-7 p.m. Suuqa Beeralayda u dambeeya xilliga, Centennial Lakes Park Sabti, Oktoobar 5, 10 a.m.-2 p.m. Xayawaanka Llamas ee Fagaaraha, 50th & France Sabti, Oktoobar 5, 7:15 p.m. Caweyska Kaaha Goolofta, Barxadda Goolofta Braemar Khamiis, Oktoobar 10, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Horumarinta, Hoolka Magaalada Edina Isniin, Oktoobar 14 Maalinta Dadka Dhaladka ah Talaado, Oktoobar 15, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Sabti, Oktoobar 19, 8 a.m.-4 p.m. iyo Axad, Oktoobar 20, duhurki-4 p.m. Guridda Geedka Buckthorn ee Deyrta ee Bilaashka ah, ka dhaceysa Braemar Golf Dome Khamiis, Oktoobar 24, 4-5:30 p.m. ama 5:30-7 p.m. HalloBoo Dhabbaha Socodka-Xujo-ama-Wax Bixi, ka dhacaya Beerta Edinborough Sabti, Oktoobar 26, 10 a.m.-duhurki Xujo-ama-wax bixi, ka dhaceysa 50th & France Sabti, Oktoobar 26, 8 a.m.-4 p.m. iyo Axad, Oktoobar 27, duhurki-4 p.m. Guridda Geedka Buckthorn ee Deyrta ee Bilaashka ah, ka dhaceysa Braemar Golf Dome Axad, Oktoobar 27, 6 p.m. Kooxda Xuska John Philip Sousa ee u Horreeyey, oo kadhacaya Edinborough Park Bandhigga Baabuurka Ku Shaqeeya Korontada Ma daneyneysaa in aad yeelato ama kireysato baabuur ku shaqeeyo koronto? Kala hadal dadka deegaanka ee wata mid! Tesla, Rivian, Cadillac LYRIQ iyo kuwa kale! 11 a.m.-2 p.m. Sabti, Oktoobar 5 Booska Baakinka Hoolka Magaalada Edina 4801 W. 50th St. Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta & Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813 ama 16) ama onlaynka. Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov. 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4