HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_Dec-2024_Somali-WebXubno Xil Haya Ayaa Dib Loogu Doortay Golaha Deegaanka
Hovland Ayaa Janaayo Bilaabaya Muddo Xileedki Shanaad Uguna Dambeeyay
WAXAA DIYAARIYAY LAUREN SIEBENALER
Sida ay go’aamiyeen codbixiyayaasha Edina,
duqa Magaalada ugu xil haynta dheer, Jim
Hovland, waxa uu dhawaan bilaabi doonaa
muddo xileedkiisi shanaad iyo waxa uu ku
sheegay tookadiisi ugu dambaysay.
“Ayaan hore waxaan ku fikiray, ‘Markaan
amaadba ka fadhiisataa’, hadana waxaa had
iyo jeer jira wax xiiso leh oo laga shaqeeyo,”
ayuu yiri Hovland. “Tanina waxay tahay sababta
aan u rabay inaan markale tartamo. Waxaa
jira waxyaabo badan oo xiiso leh oo hadda ka
socda magaaladeena. Ma iila qumanayn in aan
dhaho 20 sano ayaa ku filan.”
Qaar ka mid ah mashaariicda uu Hovland
rajaynayo inuu fuliyo waxaa ka mid ah $70
milyan oo lagu horumarinayo beeraha nasiinada
ee Fred Richards iyo Braemar iyada oo loo
marayo xulashada canshuurta gadida maxalliga
ah, Saldhiga Dabdemiska 2aad Ee cusub, iyo
Xarunta Farshaxanka cusub ee suurtagalka ah
ee Maktabadda cusub ee Hennepin County.
“Waxaan ku faraxsanahay in la igu garabsiiyo dib
u soo laabashadayda dadkuna fishaan shaqada
aan qabano inay la jaanqaadayso shaqada
hiigsiga ah ee ay magaaladeenu muddo soo
qabatay,” ayuu yiri Hovland. “Fikradan ah halka
magalaadeena loo jihaynayo waxay ahayd aragti
wadareed, ma ahayn Golaha – ma ahayn aniga
ka ahaan Duqa Magaalada – balse waxay ahayd
aragti aan wadajir u qabnay. Oo hirgelinta
aragtidaas waxay ii ahayd farxad iyo in aan
arko magaalada oo isbeddelaysa xoogaana sii
kobcaysa, iyo ugu yaraan fikradayda, inay marba
sii fiicnaato waqti kadib.”
Hovland waxaa la tartamay Xubin Golihi Hore
ah Ron Anderson. Marka loo eego natiijada
doorashada, Hovland wuxuu ku guulaystay ku
dhawaad 55% ka mid ah codadka, isagoo helay
16,887 cod halka Anderson uu helay 13,867.
Marka laga soo tago Duqa Magaalada ee
markale dib loo doortay, Xubnaha Golaha
Deegaanka ee hadda xilka haya Carolyn
Jackson iyo James Pierce ayaa ahaa cod-
helayaasha ugu sarreeya. Waxaa kula tartamay
Guddoomiyaha Qorshaynta Ryan Daye labada
kursi ee Golaha Deegaanka. Jackson ayaa
helay codadka ugu badan isagoo 16,552 cod
ka helay codadki la tiriyay, sida ku cad natiijada
rasmiga ah ee doorashada. Pierce ayaa
kursigiisa ku xajistay codad dhan 13,781
oo cod halka Daye uu helay 12,594.
Hovland, Jackson iyo Pierce ayaa xafiiska muddo
xiloodkoodii afaraad loogu dhaarin doono
kulanka ugu horreeya ee Golaha Deegaanka
ee 2025, 7 p.m. Talaado, Janaayo 7.
Dadka ka codeeyay Edina ayaa ahaa 86%. Ku
dhawaad 59% waxay goor hore ka codeeyeen
Sanadka 2025, Jim Hovland wuxuu bilaabi doonaa muddo xileedkiisii shanaad uguna dambeeyay ee duqa Magaalada Edina.
(Sawir La Soo Gudbiyey)
Hoolka Magaalada ama boostada halka 41% ay
goobahooda codbixinta ka codeeyeen Maalinti
Doorashada. Taasi waxay ku dhawaad iskala
badaleen natiijadii doorashadi 2016, marki 86.27%
ay codeeyeen, iyadoo 39% ay codeeyeen goor
hore halka 61% ay ka codeeyeen goobahooda
codbixinta, sida ay sheegtay Karraaniga magaalada
Sharon Allison.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku
saabsan Golaha Deegaanka Edina,
booqo EdinaMN.gov/CityCouncil.
86% ka mid ah codbixiyayaasha la diiwaangeliyay ayaa ka codaysay Edina Garsoorayaasha Doorashada
167
41%
59%
Tirada aaday goobaha codbixinta Maalinti Doorashada si ay u codeeyaan
Ayaa goor hore codaysay
86%
Tirakoobka Codbixinta 15,054 Tirada codbixiyayaasha ee goor hore ka codeeyay Hoolka Magaalada Edina
884
Celceliska tirada codbixiyayaasha maalinle loogu adeegay inti u dhaxaysay Okt. 28 iyo Nofem. 4 ee Hoolka Magaalada Edina
Celceliska tirada codbixiyayaasha maalinle loogu adeegay inti u dhaxaysay Sibtem. 20 iyo Okt. 27 ee Hoolka Magaalada Edina
275
Magaalada Edina EdinaMN.gov 1
DISEEMBAR 2024
Majalada 11, Qeybta 12
Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo
Daabacaad: Edina
Barnaamijka Dhimista Canshuurta Guryaha
Kirada, loo yaqaano “4d,” wuxuu hoos u
dhigayaa heerka dabaqada canshuurta guryaha
ilaa 0.25% ee qeybaha guryaha la awoodi karo,
taasoo keentay ilaa 80% canshuur dhimis ah.
Mulkiilayaasha Guryaha Waxay Canshuuraha iyo Adeegyada Guryaha Ku Tashiilan Karaan Qeybaha Guryaha La Awoodi Karo
Hantida Canshuuraha 2020 Canshuuraha 2021 Canshuuraha 2022 Canshuuraha 2023 Canshuuraha 2024
4300 baloog ee Parklawn Avenue
(23% qeybaha guryaha la
awoodi karo)
$58,231 $65,574 $64,333 $63,751
6300 baloog ee York Avenue
(100% la awoodi karo)$46,679 $31,374 $31,285 $22,291 $23,602
5500 baloog ee Warden Avenue
(guri kali ah oo la awoodi karo)$4,673 $4,720 $4,702 $5,067
Dhimista 4d ayaa dhaqangalaysa Heerka dabqada 4d ayaa tagay 0.25% kaasoo laga soo dhimay 0.75%
Kuwa kaqeybqaadanaya barnaamijka 4d
waxay sidoo kale codsan karaan Deeqda
Guryaha Adkaysiga leh taasoo daboolaysa
90% ee horumarinada tashiilka tamarta ilaa
$50,000. Horumarinadaas waxay keenayaan
isticmaalka yar ee gaaska iyo korontada iyo
tashiilka kharashaadka. Waa kuwan
guryaha ka faa’iidaystay barnaamijyada.
Waxbadan ka ogow EdinaMN.gov/4d ama
Maareeyaha Horumarinta Guryaha La
Awoodi Karo Stephanie Hawkinson kala
xiriir shawkinson@EdinaMN.gov ama
952-833-9578. Canshuuraha Guryaha Sannadkiiba (Muujinaysa Dhimisyada)
Guryaha Parklawn iyo Warden waxay
kaqeybqaateen Barnaamijka Deeqda
Guryaha Adkaysiga leh, taasoo si weyn hoos
ugu dhigtay isticmaalkooda/biilashooda
mustaqbalka ee gaaska iyo korontada.
Celceliska Lacago Bixinta ee Mashaariicda Tashiila Tamarta
Guriga ayaa iska
diiwaangeliyay
barnaamijka 4d
Parklawn
Barnaamijka
Deeqaha
Adkeysiga
$32,290 (90%)
Lacago Celinada
Adeegyada
Guryaha
$1,330 (4%)
Mulkiiluhu
Bixiyay
$2,286 (6%)
Warden
York
$59,861
$1,922
WAXAA QORTAY JACEY MISMASH
Koox baaskiilka buuraha Minnesota ah ayaa gacan ka geysan doonta
ilaalinta Dhabbayaasha Beerta Braemar ee cusub ee hoos imaanaya
heshiiskii ugu horeeyay ee Magaalada Edina ay la gashay koox aan
macaash doon ahayn oo dayactirta dhabbaha.
Waa Maxay MORC?
La aasaasay sanadki 1994, Minnesota Off-Road Cyclists (MORC) waa
urur mutadawiciin ah oo ah baaskiilleeyda buuraha jecel kuwaas oo
gacan ka geysta hagaajinta iyo dayactirka dhabbayaasha Minnesota
oo dhan. Mutadawiciintooda dhabbayaasha waxay dhigtaan “dugsiga
dhabbaha,” kaasoo ah koorso onlayn ah oo saddex saac ah si ay u
bartaan waxkasta oo ku saabsan muhiimada iyo saadka maamulka
dhabbaha, iyadoo sidoo kale tababar joogta ah lagu siiyo goobta.
Sidee ayay MORC ugu lug yeelatay Magaalada Edina?
MORC waxay taageero u ahayd dadaaladi maxalliga ahaa ee
dhabbayaal cusub loogu keenayay Edina marki qorshayaal loo dejiyay
mustaqbalka Beerta Braemar sanadki 2017. Marki maalgelin loo
helay si dhabbayaal cusub loo dhiso sanadki 2023, MORC waxay
bixisay jawaab-celin ku saabsan naqshada dhabbaha. U olololayntooda
joogtada ah ee dhabbayaasha la soo jeediyay ee cusub, waxay macno u
samaynaysay Magaalada inay raadsato iskaashi ay la yeelato MORC.
“Inti aan haynay maalgelinta loo heli karo dhismaha dhabbaha,
diyaargarowga dayactirka joogtada ah ee dhabbaha ayaa ah hawl aad
u weyn,” ayay tiri Qorsheeyaha Beerta Rachel Finberg. “Xirfadaha
iyo khibrada laga helayo shabakadda mutadawiciinta ee MORC ayaa
hawsha aad ugu sahlay Magaalada.”
MORC waxay adeegyadeeda ku bixinaysaa si bilaash ah. Heshiiska u
dhexeeya MORC iyo Magaalada Edina waxaa dib u eegis loogu samayn
doonaa si sanadle ah si loo kordhiyo.
MORC maxaa ay ku samayn doonaan dhabbayaasha Edina?
Mutadawiciinta MORC waxay samayn doonaan dhammaan dayactirada
dhabbayaasha baaskiilka buuraha ee Beerta Braemar, iyagoo diiradda
saaraya hagaajinta astaamaha, ka qaadaya waxyaabaha khatarta ah,
xakamaynaya nabaad-guurka iyo waaritaanka dhabbaha oo bilaash u
ah Magaalada.
Magaalada Edina Waxay MORC Kala Shuraakowday Dhabbayaasha Baaskiilka Buuraha
Heshiiska Cusub Ayaa Mutadawiciinta ku Abaabulaya Dhabbayaasha Cusub ee Buuraha
2
WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND
Mulkiilayaasha guryaha ee Country Club
District ama guryaha astaanta ah ee Edina
waxay yeelan doonaan kala caddayn
dheeraad ah oo ku saabsan hannaanka
dib-u-cusboonaysiinta ka dib markii Golaha
Deegaanka Edina uu ansixiyay isbeddelada
Xeerka Magaalada bisha Oktoobar.
Cusboonaysiimaha, kuwaas oo aan dhaqangeli
doonin ilaa Janaayo 2026, waxay si fiican u
qeexayaan isbeddelka qaabdhismeedka iyo
naqshadeynta ay tahay inay ansixiyaan Guddiga
Ilaalinta Dhaxalka (HPC) ee guryahaan.
“Xeerkii hore ma cayimin marka Shahaadada
Ku habboonaanta (COA) loo baahan yahay.
Yoolka isbeddeladani waa in lagu caddeeyo
waxa hannaanku yahay waana inuu bixiyo
kheyraad badan si dadku ay si fiican u fahmaan
waxa loo baahan yahay,” ayay tiri Kaaliyaha
Qorsheeyaha Magaalada Emily Dalrymple,
taasoo qaabilsan xiriirka shaqaalaha ee HPC.
HPC waxay u ololaysay isbeddelada waxayna ku
bixisay in ka badan labo sano horumarintooda.
Waxay saameynayaan kaliya guryaha ku yaalla
Country Club District iyo guryaha astaanta
ah ee Magaalada: Guriga Baird, Buundada
Browndale, Dugaiga Cahill, goobta Edina Mills,
calaamadda Tiyaatarka Edina, Hoolka Grange,
Guriga Grimes, guriga Hendrick & Marri Oskam
guriga iyo guriga Paul Peterson.
HPC waxay u aragtay isbeddeladu inay lagama
maarmaan yihiin sababtoo ah Xafiiska Ilaalinta
Taariikhda Gobolka ma bixiyo shuruuc ilaalin
ah oo loogu talagalay Diiwaanka Qaranka
ee Goobaha Taariikhiga ah. Kuwa iibsada
guryahaan waxay qadariyaan taariikhdooda
waxayna fahmaan inay u baahan yihiin inay
noqdaan ilaaliyayaal mas’uul ah, ayay tiri
Guddoomiyaha HPC Jane Lonnquist.
“Xaafadu waxay aad taageero ugu ahayd
isbeddeladaan!” Lonnquist ayay tiri.
Isbeddelada waxay sidoo kale
cusboonaysiiyeen Qorshaha Maareynta ee
Country Club District. Qorshayaashani waxay
bixinayaan hagis faahfaahsan, laakiin aasaasi
ahaan isbeddelada waji kasta oo hore ama
wadada ku jeeda ee guri ay saamaysay waxay
u baahan tahay COA. HPC waxay dib-u-eegis
ku samayn doontaa isbeddelada waxayna
ansixin doontaa kahor inta aan oggolaansho
dhismo la soo saarin. Meelaha laga soo
reebayo waxaa ka mid anoqon kara sida
isbeddelada joogtada ah sida shaqada saqafka
ama daaqad bedelista.
Isbeddelada xeerka ee kale waxaa ka mid ah:
•Marka COA la oggolaado, ogolaansho
dhismo waa in lagu codsadaa hal sano
gudihii.
•Shuruud lacag meel dhexe la dhigayo
oo dhan $3,000 ee mashaariicda
qiimahoodu ka hooseeyo $100,000 ama
$15,000 ee mashaariicda qiimahoodu
intaas ka sarreeyo.
Cusboonaysiimaha Dhawrista Dhaxalka Ayaa Diirada Saaraya Wax Kala Cadaynta
Tilmaamaha Ayaa ay Ujeedadoodu Tahay Xaqiijinta in Guryaha Taariikhiga ah La ilaaliyo inta Lagu Jiro Dib-u-cusboonaysiimaha
Mutadawiciinta MORC waxay bixin doonaan dayactirka muhiimka ah ee Dhabbayaasha Beerta Braemar ee dhawaan la dhisay. (Sawir Lagudbiyay)
Lacagta meesha dhexe la dhigayo ayaa la
kharashgarayn doonaa si cimilada looga
ilaaliyo guryaha taariikhiga ah loona xafido
haddii qandaraaslaha uu ku guuldarraysto inuu
sidaas sameeyo.
Qorshaha la cusboonaysiiyay ee Country
Club waxaa sidoo kale ka mid ah asalka
taariikhda xaafadda ee faquuqa isirka iyo
sida mulkiilayaasha guryaha ay uga tanaasuli
karaan wax kasta oo xannibaado noocaas ah,
ayay tiri Lonnquist.
Isbeddelada waxay dhaqangeli doonaan
marka Qeybta Kormeerka Dhismaha ay
bilowdo nidaamka sooftiweerka cusub ee
oggolaanshaha, oo la filayo Jan. 1, 2026. HPC
waxay inta waqtiga laga gaarayo ku bixin
doontaa wax barista mulkiilayaasha guryaha,
qandaraaslayaasha iyo wakiilada hantida
maguurtada ah.
Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah,
ka eeg xogaha kulanki Golaha Deegaanka
ee Okt. 1 barta EdinaMN.gov/Meetings
ama Agaasimaha Horumarinta Bulshada
Cary Teague kala xiriir
cteague@EdinaMN.gov.
“Waxaan maareynaynaa biyaha – taasi waa inta badan waxa aan sameyno,”
ayuu ku sharraxay Jason Tufty, Madaxweynaha MORC. “Nabaad-guurku waa
mid ka mid ah xoogaga ugu awoodda badan Dunida, taasina waa waxa aan
ka shaqeyneyno halkan.”
Marka laga yimaado dayactirka Dhabbayaasha Beerta Braemar, MORC waxay
bixin doontaa ra’yi iyo talo ku saabsan waxyaabaha lagu kordhinayo ama laga
beddelayo dhabbayaasha ee horay loo wadayo.
Sidee ayay dadka deegaanku gacan uga geysan karaan dhabbayaasha?
Iskaashiga u dhexeeya MORC iyo Magaalada Edina wuxuu dadka deegaanka
siinayaa hab gaar ah ay uga qayb qaadan karaan dhabbayaasha, iyagoo
MORC had iyo jeer raadiya mutadawiciin ama deeq bixiyayaal si ay u
taageeraan shaqadooda. In ka badan 90% oo deeqaha waxay si toos ah
u aadaan helitaanka saadka sida agabka wasakhda iyo qalabka si ay ugu
xannaaneeyaan dhabbayaasha wadada ka baxsan.
“Waxaa jira boos badan oo loogu talagalay mutadawiciinteena,” ayuu
sheegay Tufty. “Waxaan u furanahay cidkasta oo rabta in ay na caawiso,
haddii ay yihiin baaskiilleyda buuraha iyo haddii aysan ahayn. Waxaan ku
faraxsanahay iskaashigan aan la leenahay bulshada.”
Si aad wax ugu deeqdo ama isugu xilqaanto MORC, booqo morcmtb.
org ama iimayl u dir volunteer@morcmtb.org. Si aad u hesho macluumaad
dheeraad ah oo ku saabsan dhabbayaasha, booqo EdinaMN.gov/BraemarPark
ama Finberg kala xiriir rfinberg@EdinaMN.gov.
3Magaalada Edina EdinaMN.gov
952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4
DHACDOOYINKA SOO SOCDA
Axad, Diseembar 1, 6 p.m.
Kooxda Muusiga Booliska ee Saint Paul,
Edinborough Park
Isniin, Diseembar 2, 5:30 p.m.
Aqoon-is-weydaarsiga Bulshada Lincoln iyo
Londonderry, Chapel Hills United Church
of Christ
Talaada, Diseembar 3, 7 p.m.
Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka
Magaalada Edina
Khamiis, Diseembar 5, 4-7 p.m.
Sawirada Santa, Centennial Lakes Park
Jimco, Diseembar 6, 6:30 p.m.
Cashada Khamrada ee Fasaxa Khamriga
Edina, Centennial Lakes Park
Sabti, Diseembar 7, 3 p.m.
Dhacadada Cocktail ee Fasaxa Khamriga
Edina ee lala kaashanayo Vikre Distillery,
Centennial Lakes Park
Sabti, Diseembar 7, 7 p.m.
Fiiqsiga Fasaxa Khamriga Edina,
Centennial Lakes Park
Axad, Diseembar 8, 6 p.m.
Prior Lake Windjammers,
Edinborough Park
Isniin, Diseembar 9, 6 p.m.
Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka
Magaalada Edina
Axad, Diseembar 15, 6 p.m.
Kabaha Qoyska ee Barafka Dayaxa Buuxa,
Braemar Golf Course
Axad, Diseembar 15, 6 p.m.
Kooxda Muusikeystayaasha Walaalaha
Walker, Edinborough Park
Talaado, Diseembar 17, 7 p.m.
Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka
Magaalada Edina
Khamiis, Diseembar 19, 7:30 a.m.
Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U
Hormarinta, Magaalada Edina
Isniin, Diseembar 23-Arbaco, Diseembar 25
Xafiisyada magaalada waa la xiray
Talaado, Diseembar 31, 10 a.m.-12:30 p.m.
ama 2-4:30 p.m.
Xafladaha Habeenka Sanadka Cusub
Ka Horreeyo ee Beerta Nasiinada,
Edinborough Park
Golaha Ayaa Xeerarka Wax Ka Beddelay si ay u Fasaxaan Ganacsiyada Xashiishka
Ilaa Shan Tafaariiqle Xashiish Ayaa Ka Hawlgali Kara Aagaga Ganacsiga ee Jira
Magaaladu waxay go'aamisay goobaha ganacsiga
ee xashiiska lagu iibin karo gudaha Edina marka
Xafiiska Maareynta Xashiishka (OCM) ee Gobolku
bilaabo inuu bixiyo laysinada sanadka 2025.
Dadka waaweyn ee 21 sano jirka ah iyo ka
weyn ayaa loo oggolaaday in ay xashiishka ku
isticmaalaan gudaha Minnesota tan iyo Agoosto
2023. Hase yeeshee, xashiishka laguma iibin karo
gudaha gobolka ilaa OCM ay laysino ka siinayaan
tafaariiqleyda, oo la filaayo waqti ka mid ah 2025.
Degmooyinka waxaa looga baahan yahay inay
ogolaadaan shatiga xashiishka ee uu bixiyo
Gobolka, balse waxa ay meelmarin karaan xeer
ku aadan qaar ka mid ah xeerarka maxaliga ah ee
gaarka ah, oo ay ku jiraan tirada ugu badan ee
ruqsadaha la bixinayo, kharashka diiwaangelinta
iyo soonaha degmooyinka ee ganacsiga xashiishka
loo oggolaan doono inay ka shaqeeyaan.
Magaalada waxaa looga baahan yahay in ay u
oggolaato hal diwaangelin tafaariiqle 12,500 oo
qofba. Marka, Edina waxa ay tirada tafaariiqlayda
ku xadidi kartaa shan ama waxa ay oggolaan
kartaa ka badan. Golaha Magaalada waxay
go’aansadeen inay ku bilaabaan shan markii ay
ansixiyeen wax ka bedellada xeerka fadhigoodii
Nofeembar 19.
Magaalooyin badan waxa ay doortaan in ay
soone u sameeyaan tafaariiqleyda xashiishka si
la mid ah dukaamadaa tubaakada iyo khamriga.
Gudaha Edina, dukaamadaas waxaa laga oggol
yahay Degmooyinka Ganacsiga ee Qorshaysan
(PCD). Tusaalooyinka aagaga soonaha u ah PCD-
1 ee ganacsiga yaryar ee xaafada waa Valley
View & Wooddale, 44th & France, 70th & Cahill
iyo Lincoln & Londonderry. PCD-2 waxa uu
ogolyahay ganacsiyo badan oo xoogaa waaweyn.
Tusaalooyinka waa Grandview iyo 50th & France.
PCD-3 ayaa oggolaanaya ka ganacsiga ugu badan
uguna ballaaran waxa uuna ku kooban yahay
Degmada Southdale.
Wax ka beddelka xeerka soonaha wuxuu kaga
baahan yahay tafaariiqleyda xashiishka inay ka
hawlgalaan isla degmooyinka sida dukaamada
tubaakada iyo khamriga. Xeerka maxalliga
ah wuxuu kaga baahan yahay tafaariiqleyda
xashiishka inay ugu yaraan 500 oo fiit u jiraan
iskuullada, xannaanada maalinta iyo xarumaha
dadka lagu dabiibo ee la deggan yahay.
Ganacsiyadu waxay furnaan karaan laga bilaabo
10 a.m. ilaa 10 p.m.
Sidoo kale sida uu dhigayo xeerka soonaha ee la
cusboonaysiiyay, beerashada xashiishka, soo saarista,
warshadaynta, jumlada, tijaabinta, safrinta iyo
keenista waxa ay ku koobnaan doontaa Degmada
Warshadaha ee Qorshaysan. Dhammaan hawluhu
waa in ay ka dhacaan dhismo xiran gudihii.
Hawlaha kale bishii hore, Golahu:
•Waxa uu aasaasay Degmada Canshuur
Kordhinta Maalgelinta (TIF) ee 72aad iyo France
3 kadibna waxa uu ansixiyay heshiisyada dib-u-
horumarinta TIF ee lala leeyahay Edina Enclave
iyo Lifestyle Communities ee 7235 France Ave.
Kooxda horumarinta waxay qorshaynaysaa
in ay ku dhawaad $310 milyan ku maalgeliso
mashruuca. Sida ku cad heshiisyada dib-
u-horumarinta TIF, Magaalada iyo Hay'ada
Guriyeynta & Dib U Hormarinta waxay ku
yabooheen ilaa $22.874 milyan si loo magdhabo
qeyb ka mid ah kharashaadka la awoodi karo
iyadoo la isticmaalayo isku darka TIF iyo deeq ka
timid Sanduuqa Mashaariicda Gaarka ah iyo Dib-
u-horumarinta Raasamaalka (SPARC).
•Meelmariyay wajiga labaad ee dib u horumarinta
7200 iyo 7250 France Ave. Orion Investments
waxay horay u heshay oggolaanshaha
Horumarinta Qeybta Qorshaysan ee goobta. Si
kastaba ha noqotee, dhisaha wuxuu codsaday
wax ka beddel si joogga saqafka dabaqa
koowaad looga soo yareeyo 16 fiit loogana
dhigo 14 fiit ee dhismaha ee wajiga labaad ee
mashruuca. Wajiga 2aad waxaa ku jiri doona
abaartimenti 153-qeyb, lix biyaano ah oo leh
baakin dhulka hoostiisa ah. Goobta tafaariiqda
waxaa laga saaray soojeedinti hore si loo yareeyo
jaamka ka imaanaayo goobta. Goobtu hadda
waa ay bannaan tahay. Orion Investments waxay
qorsheynaysaa inay dhismaha bilowdo deyrtan.
•Waxaa qalab cusub loo soo iibiyay garoonka
lagu ciyaaro ee beeraha nasiinada ee Birchcrest,
Highlands iyo Yancey iyo nalka ciyaaraha ee
Lewis Park.
Kulamada caadiga ah ee Golaha Deegaanka
ee soo socda waa 7 p.m. Diseembar 3 iyo 17.
Kulan gaar ah ayaa la qaban doonaa 6 p.m.
Isniin, Diseembar 9, si loo qabto dhageysiyo
dadweyne oo ku saabsan mashaariicda dib u
dhisyada wadooyinka ee 2025.
- WAXA SOO URURISAY JENNIFER BENNEROTTE
Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka
Guriyeynta & Dib-u-hormarinta iyo
Guddida Qorshaynta toos uga daawo
Edina TV (Kanaallada Comcast 813
ama 16) ama onlaynka.
Si aad u hesho liiska shirarka iyo
dhacdooyinka oo dhameystiran,
booqo EdinaMN.gov./Meetings