Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_Feb-2025_Somali-Web (1)Qeybta Waaritaanka Ayaa Heshay Lacag Ay Shidaalka Noolaha ee B100 Ku Keento Waaxda Hawlaha Guud ee Edina In Ka Badan $595,000 oo Deeq Maalgelin ah ayaa Loo Helay Haan Cusub iyo Dib-u-Habaynta Gawaarida WAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER Qeybta Waaritaanka ee Magaalada Edina waxay heshay ku dhawaad $600,000 oo deeqo ah si ay 10 gawaari oo shidaalka naftada ku shaqeeyo ugu beddesho shidaalka noolaha ee B100 sanadka 2025 dhexdiisa. “Raxanta gaadiidka hawlaha culus xaqiiqdii waa tignooljiyad ay adag tahay in loo beddelo koronto. Waxaanu awoodnay in aanu koronto u beddelno raxanta baabuurta yaryar, balse baabuurta waaweyn ee hawlaha culus waa ay ka duwan yihiin,” ayay tiri Maareeyaha Waaritaanka Marisa Bayer. “Waxaan ubaahanahay in aanu isla heerka adeegga u joogteyno bulshadeena, iyadoo sidoo kalana qiimo jaban oo macquul ah. Mashruucan shidaalka noolaha ah waxa uu inoo abuurayaa fursadaas isagoo isla markaana yaraynaya raadka kaarboonka ee baabuurtaas.” Mashruuca waxaa lagu qiysaasay inuu ku kacayo $600,000 waxaana aasaasi ahaan lagu maalgeliyaa deeqo. Deeqaha badan ee loo ururiyo hal mashruuc waxaa loo tixgeliyaa “maalgelin isku dhafan.” Ilaha waxaa ka mid ah: •$163,000 ka socota Barnaamijka Dhiirigelinta Kaabayaasha Isku-dhafka Sare ee Waaxda Beeraha ee Maraykanka (USDA) •$163,000 ka socota Sanduuqa Tartanka Gobolka ee Waaxda Ganacsiga ee Minnesota (maalgelinta iswaafajinta (USDA) •$119,340 ka socota Barnaamijka Deeqda Tashiilka iyo Ilaalinta Tamarta ee Waaxda Tamarta (DOE) •$100,000 ka socota Golaha Cilmi-baarista iyo Horumarinta Digirta Soy ee Minnesota •$50,000 ka socota Deeq Waxqabadka Cimilada Maxaliga ah ee Wakaaladda Xakamaynta Wasakhowga Minnesota Hadda oo la sugay maalgelinta deeqda, tillaabada xigta waa shaacinta Codsiga Iibka ee haan cusub, oo gooni ah si loo diro shidaalka noolaha iyo nidaamyada dib-u-habaynta ee 10- ka gaari. Gawaaridu waxa ay awoodaan in ay ku shaqeeyaan shidaalka noolaha, laakiin dib- u-habaynta ayaa loo baahan yahay si shidaalka noolaha loo kululeeyo xilliga qaboobaha. Marka oggolaanshiyaasha la helo haantana la rakibo, gawaaridu waxay awoodi doonaan inay ku shaqeeyaan shidaalka cusub. “Warshadu weli diyaar uma ahan horumarinta Siyaasadda Raxanta Cagaaran ee aan isku daynay in aan ku gaarno qalabkeenna waaweyn. Kharashkeenna caadiga ah ee gaariga wadada xaaqa waa $200,000- $250,000. Waxaan codsanay qiyaasta gaariga wadada xaaqa ee isagoo dhan korontada ku shaqeeya waxayna dheheen waa $750,000. Taasina waa mid saddex jeer ka badan inta aanu sida caadiga ah kharashgarayno, oo si cad, uma aanu cudur-daari karin,” ayuu yiri Agaasimaha howlaha guud Brian Olson. “Mashruucan shidaalka noolaha ah waxa uu abuurayaa dhimista 100% ee raadkeena kaarboonka wuxuuna in ka badan buuxin doonaa shuruudaha Siyaasadda Raxanta Cagaaran. Tani waa xulasho anaga oo dhan aanu ku faani karno iyadoon waxbo loo dhimaynin baahideena awoodeed ee aan haysano ama shaqooyinka aanu qabanno.” Badalista shidaalka noolaha ayaa la saadaalinayaa in la dhammeeyo dayrta. Xagga aqoonta shaqaalaha, badalistan shidaalka noolaha waa middi ugu horraysay nooceeda oo laga sameeyo magaalo ku taallo Minnesota. Magaalooyinka kale ee ku guulaystay u badalashada shidaalka noolaha waxaa ka mid ah Madison, Wisconsin, iyo Ames, Iowa. “Naftada noolaha waxay ahayd qayb muhiim ah oo ka mid ah istaraatiijiyada Madison si ay u yarayso siidaynta qaaca, taasoo naga caawinaysa in aanu in ka badan 15 milyan oo rodol oo kaarboon laba ogsaydh ah ka badbaadino inay galaan hawada sare tan iyo 2018,” ayay tiri Rachel Darken, Kaaliyaha Kormeeraha Raxanta ee Magaalada Madison. “Tignoolajiyadda ay naftada noolaha 100% ku shaqeynayaan raxanteenna gawaarida qashinka iyo kuwa barafka xaaqa ayaa sahlaysa in ay sanadka oo dhan ku shaqeeyaan shidaal nadiif ah.” Wixii macluumaad dheeraad ah ku aabsan Qeybta Waaritaanka, booqo EdinaMN.gov/Sustainability. Magaaladu waxay qorshaynaysaa inay dib-u-habayn ku samayso 10 Gawaarida Hawlaha Guud ah si ay ugu shaqeeyaan shidaalka noolaha ee B100 marka la gaaro dayrta 2025. (Sawir Fayl) Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 FEBRAAYO 2025 Majalada 12, Qeybta 2Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina WAXAA QORTAY JACEY MISMASH Laga soo bilaabo dhismihiisii hore ee 1982, ilaa dib u furitaankiisii weynaa ka dib dab qabsaday 2012, iyo ilaa maanta, Qubbada Goolofta ee Braemar waxa ay ahayd xarun hormuud u ah bulshada goolofta Edina bilaha qaboobaha. Marki lagu soo kordhiyay tignoolajiyadda Toptracer ee sanadki 2019, qadarinta Qubbada Goolofta ee Braemar ayaa kaliya sii waday inay kobacdo. Xarunta gudaha lagu ciyaaro ee ugu wayn uguna dheer Magaalooyinka Mataanaha ah, Qubbada Goolofta ee Braemar Blvd. waxa ay hoy’ u tahay 44 meel oo laga tuuro goolofta labada heer oo dhan. Kaliya afar kaamiro ayaa loo baahan yahay si ay si sax ah ugu raadraacaan darbada kubbada ee qubbada dhexdeeda. “Kubaddu waxay u baahan tahay kaliya inay ku dhex socoto laba ka mid ah kaamirooyinka muddo hal ilbiriqsi,” ayuu ku sharraxay Maareeyaha Guud Joseph Abood. “Kaamirooyinka ayaa markaa raadraaci kara duullimaadka kubbadda gudaha qubbada oo dhan.” Qubbada Goolofta ee Braemar waa xarunta kaliya ee gudaha lagu ciyaaro oo ku taasho Minnesota oo ku qalabaysan tignoolajiyadda Toptracer waana mid ka mid ah toddobada kaliya ee ku yaalla Maraykanka. Tan iyo marki lagu kordhiyay tignoolajiyadda, Qubbada Goolofta ee Braemar waxaa in ka badan 246% sare u kacay dakhliga xilli ciyaareedki 2019 ilaa 2023. Kororkan laxaadka leh ee qulqulka lacagta caddaanka ah ayaa u oggolaaday xarunta in ay si isku filan u shaqeyso, taasoo siinaysa lacagaha lagu sameeyo cusboonaysiimaha joogtada ah iyo dayactirka si xaalad wanaagsan loogu ilaaliyo xarunta iyo tignoolajiyadda. “Toptracer ayaa naga soocaysa mashiinada jilniinka maadaama macaamiishu ay arki karaan dhabbaha dhabta ah ee kubbad kasta oo ay tuuraan,” ayuu yiri Abood. “Sidoo kale waa xulasho aad u qiimo jaban oo loogu talagalay qaboobaha iyo goolofta gudaha oo leh tignoolajiyad weyn.” Ma aha oo kaliya in Toptracer ay ciyaartoyda goolofta ku qalabayso macluumaadka wakhtiga dhabta ah ee ku saabsan ciyaartooda, balse sidoo kale waxay taageertaa hababka madadaalada goolofta sida Go Fish and, oo Edina ku cusub xilligan, Angry Birds. Laga bilaabo kuwa barbaradka ah ilaa kuwa heerka ka gaaray, qofkasta waxa uu tillaabadiisa ka heli karaa Qubbada Goolofta. “Tignoolajiyadu waa mid aad u fiican,” ayuu yiri Allen Van Beek, oo deganaa Edina tan iyo 1982 oo si joogta ah u tagayay Qubbada Goolofta Braemar in ka badan 20 sano. “Runtii waxay iga caawisaa inaan arko joogtayntayda.” Furan Nofeembar 1 ilaa Abriil 30, xaruntu waxay ciyaartoyda goolofta ku dhiirigelisaa inay ciyaarta sanadka oo dhan ku ciyaaraan qubbada diiran. Sanadki 2024 oo kaliya, in ka badan 5.4 milyan oo darbo ayaa lagu raadraacay Qubbada Goolofta ee Braemar. Ma danaynaysaa in aad isku daydo? Qubbada Goolofta ee Braemar waxay furan tahay 7 a.m. ilaa 9 p.m. maalin kasta. Qiimayaasha waxaa laga qaadaa halki aag tuurasho nus saac, saacad iyo labo saacadood. Xubnaha Naadiga Ciyaartoyda Qubbada waxaa la siiyaa qiimo dhimis. Si aad waxbadan uga ogaato, booqo BraemarGolfDome.com. Qubbada Goolofta ee Braemar: Beddelida Aqalka Goolofta Guddaha Toptracer Waxay Qubbada Goolofta ee La Wada Jecel Yahay u Beddeshay Xarun Tignoolajiyad - WAXAA SOO URURISAY DEBBIE TOWNSEND Telefishanka Koonfur-galbeed (SWTV) ayaa maamula kannaalada waxbarashada iyo keebalka marinka dadweynaha ee u adeega Eden Prairie, Edina, Hopkins, Minnetonka iyo Richfield. Gudaha Edina, kannaalka Waxbarashada waxa uu ka soo galaa Comcast 14 iyo 798; Marinka Dadweynaha waxa uu ka soo galaa 15 iyo 799. Soo bilowday bishi Juun 2024, birnaamijyada waxaa la bilaabay in lagu baahiyo onlayn, taasoo ka dhigtay inuu qofkasta heli karo. Waxbadan ka ogow EdinaMN.gov/SWTV. TIROOYIN AHAAN Kanaalka Gelitaanka Dadweynaha 2,864 Wadarta inta la daawaday. Barnaamijyada ugu caansan: Xaflada Furidda Dugsiga Sare ee Edina, “West Coast Jazz” iyo bandhiga legdinta “MAW Live.” Ablikeeshinada ama aaladaha lagu baahinayo: Apple, Android, Apple TV, Fire TV, Roku 5 Saacadood ayaa laga daawaday onlayn Juun 1-Diseembar 31, 2024 75 Jeer ayay dadka deegaanka ama ururadu codsadeen gelitaanka Dadweynaha wakhtiga hawada sanadki 2024 534 Soo saarayaasha bandhigyada ilaa 2019 81 Tirakoobka Qubbada Goolofta 2024 48,085Wadarta Tirada Xalqooyinka Toptracer 2,203,293 Darbo oo Goolofta Shaashadda Ayaa La Raadraacay 1,465,546 Darbo oo My Practice ah Ayaa La Raadraacay 815,315 Darbo oo Barbarashada ah Ayaa La Raadraacay 101,245 Darbo oo Go Fish ah Ayaa La Raadraacay Celceliska Dhererka Xalqadi63Daqiiqo Maalinta Ugu Mashquulka Badan: Sabti, Maarso 3051,825 Darbo Ayaa La Raadraacay 2 520 306 300 307 412 6528 6521 6525 6520 308 609 508 406 408 407 516 605 304 516 524 532 305 6512 309 24 422 308 304 301 6521 317 404 411 315 408 512 316 323 407 415 303 322 401 308 308 312 314 419 302 510 322 306 313 320 504 309 299 300 311 414 6624 425 6612 312 419418 401 304 300 513 421 400 301-03 6615 6512 298 310 505 409 6615 417-19 305 408 500 313-15 420 501 421-23 509 309-11 613 302 312 417 300 323 305-07 500 301 410408 317-19 314 6517 416 420 304 318319 308 318 422 411 415 321 315 406 6600312315 301 411 405 409 316 405 314 304 311 319 306 413 308 317 401 306 424 317 425 301 305 307 404 401 414 418 422 408 421 412 407 411 423 423 419 305 405 6616 400 424 323 413 415 323 419 411 422 406 311 411 415 315 540 425 404 415 419 404 410 413 309 414 405 423 301 403 424 410 419 409 412 305 411 418 414 409 420 6601 404 410409 416 313 402 409 416 317 423 401 416 407 6606414 414 408 418 411 319 404 415 418 412 420 402 418 425 416 303 416 400 408 415 408 403 417 409 421 422 424 400 415 301 319 405 401 6605423 6609309 400 323 424425 303 417 318 305 311 419 320 6655 402 322 425 423422 310 314316315 304 6651 417 310 412 302 318 306 318 320 404 405 400 409 306 312 308 316 404 414 314 402402 317 406 400 405 416 424 300 319 300 421 302 306 424 403 308 317 420 320 311 300 322 405 313 309 300 321 401 401403 315 404 322 407 425 305307 323 406406 325 307 403 6721 69406938 6750 306 6528 517 BELMORE LN MALONEY AVE ALDEN PARK 3RD ST S 2ND ST S WASHINGTON AVEADAMS AVEJEFFERSON AVEMADISON AVEMONROE AVEJACKSON AVEVAN BUREN AVEHARRISON AVETYLER AVETYLER CTLegend Existing Sidewalk Proposed Sidewalk Future Bike Lane Future Sidewalk Project Limits Existing Shared-Use Path Proposed Shared-Use Path Magaalada Edina waxay leedahay hal mashruuc oo dib-u-dhis waddo xaafadeed ah oo loo qorsheeyay 2025 in laga hirgeliyo xaafadda Presidents A & B, oo ku taasha geeska waqooyiga-galbeed ee xaafadda. Barnaamijka dib-u-dhiska wadooyinka waxa uu wax ka qabtaa xaafadaha leh wadooyinka gaboobay iyo kaabayaasha adeegyada guryaha. Waqtiga goorta xaafad loo qorsheeyo dib-u-dhiska wadada waxa ay ku xiran tahay arrimaha sida xaaladda laamiga, da’da dhismihi hore, tas-hiilaadka dhulka hoostiisa ah, iyo nusqaamaha ka jira shabakadda dhabbayaasha baaskiilka iyo lugaynta dadka. Iyada oo qeyb ka ah mashruuca, Magaalada waxay qorsheynaysaa in ay dhisto hal dariiq oo dhinaca wadada ah iyo labo dhabbo oo la wadaago si ay u sii wado inay abuurto isku xirka magaalada oo dhan ah ee lugaynta, baaskiil wadista iyo marinka gaadiidka. Xiriirka mashruuca: Kaaliyaha Injineerinka Magaalada Aaron Ditzler, aditzler@EdinaMN.gov ama 952-826-0443 Waqtiga dhismaha: Dabayaaqada Abriil 2025 ilaa dabayaaqada Nofeembar 2025 Qiyaasta hantida ay saameysay: 301 hanti Maylasha wadada: 2.75 Shaqada waxaa ka mid ah: •Dib u dhis buuxa oo lagu samaynayo jardiinka laamiga ah ee waddada •Tuubo weyn oo cusub iyo adeegyada guryaha, oo ay ku jiraan beddelista tuubooyinka wadada ee dabdemiska iyo meelaha laga furo iyo ku darista tuubooyinka wadada ee dabdemiska meeshi lagama maarmaan ah •Dib-u-dhiska labo luuq •Hagaajinta nidaamka bulaacadaha nadaafadda •Hagaajinada marinka wadada iyo bulaacada biyaha si loo hagaajiyo biyo ka saarista, oo ay ku jirto rakibidda tuubada qaada biyaha meeshi ay macquul tahay •Beddelidda geesaha sare iyo meelaha hoose ee shubka ah •Dhabbayaasha dhinaca wadada ah iyo dariiqyada la soo jeediyay: • Monroe Avenue (dhabbo 5-fiit ah laga soo bilaabo 2nd Street South ilaa Maloney Avenue) • Belmore Lane (dhabbo la isla wadaado oo 8-fiit ah laga soo bilaabo Washington Avenue ilaa Dearborn Court) • Washington Avenue (dhabbo la isla wadaado oo 8-fiit ah laga soo bilaabo 3rd Street South ilaa Maloney Avenue) Webseedka: Warbixinada mashruuca ee toddobaadlaha ah waxaa inta uu dhismaha socdo lagu sheegi doonaa barta BetterTogetherEdina.org/presidents-ab Sidee ayuu dhismuhu u saamaynayaa isku socodka aagga? Mashruuca waxa uu inta badan saameyn doonaa taraafiga xaafadda ee maxalliga ah. Si kastaba ha noqotee, darawallada isticmaala Washington Avenue—oo ah wadd mashquul badan—waa in ay fishaan dib-u-dhacyo. Iyada oo qeyb ka ah mashruucan, shaqaalaha Injineerinka waxa ay kala shaqeynayaan cunto qeybiyaha UNFI inuu baabuurta cuntadooda ay mariyaan waddo kale oo laga leexiyo Washington Avenue inta uu socdo dhismaha iyo kadib. Shaqaalaha Injineerinka waxa ay mulkiilayaasha hantida maxalliga ah kala hadli doonaan wajiyada dhismaha. Intaa waxaa dheer, dadaalo ayaa la samayn doonaa si hoos loogu dhigo saameynta dhacdada ee Alden Park. Sidee ayaa dadka deggan aagga mashruuca loo ogaysiin doonaa macluumaadka wakhtiga xasaasiga ah? Waxaad isu qori kartaa si aad u hesho ogaysiisyo iimayl ah adiga oo adeegsanaya bogga webseedka mashruuca ee Ku Wanaagsan Wadajirka. Macluumaadka wakhtiga xasaasiga ah waxaa sidoo kale lagu dhejin doonaa dhammaan albaabada degganeyaasha ee ay saamaysay. Dadka degan waa inay caado ka dhigtaan ka fiirinta albaabadooda hore maalin kasta macluumaad cusub. Magaaladu waxay kuu reebi doontaa ogaysiisyo inta lagu jiro xilliyada aan wanaagsanayn sida waayitaanka biyaha ama wadada la maro ee muddada gaaban ah. Sidee ayaa loo bixin doonaa kharashka mashruucan? Mashruuca waxaa la filayaa inuu ku kaco $17.6 milyan, oo lagu maalgelinayo isku dhafka lacagaha qiimaynada gaarka ah, canshuuraha guryaha, lacagaha adeegga guryaha ee ay khusayso iyo maalgelinta Badqabka Dadka Waddada Lugaynaya iyo kuwa Baaskiilka Wata (PACS). Hagaajinada wadooyinka si gaar ah, 57.86% ka mid ah kharashka waxaa loo qiimeyn doonaa mulkiilayaasha guryaha Presidents A & B halka 42.14% lagu bixin doono canshuurta guryaha. Goobahee ayay marin u noqon doonaan dhabbayaasha cusub ee dadka lugaynaya iyo kuwa baaskiilka? •Alden Park iyo Van Valkenburg Park oo ku yaalla Edina iyo Harley Hopkins Park oo ku yaalla Hopkins •Xarunta Qoyska ee Harley Hopkins •Dugsiga Blake •Downtown Hopkins •Dhabbayaal badan oo gobolka ah •Metro Transit Route 612 iyo Metro Transit Green Line Extension - WAXA QORAY BRITTANY BADER 2025 Dib-u-Dhiska Wadooyinka Loo Qorsheeyay Xaafadda Presidents A & B Mashruuca waxaa ka mid ah Laami Cusub, Horumarinada Adeegyada Guryaha iyo Dhabbayaasha Dadka Lugaynaya iyo Kuwa Baaskiilka Wata Dariiqyada iyo Dhabbayaasha Dhinaca Wadada Ah ee Jiray iyo Kuwa La Soo Jeediyay Dib-u-dhiska Wadada Xaafada Presidents A & B Iskaangaree Koodhka QR si aad u hesho qariiradda onlaynka ah Xadadka Mashruuca Dhabbaha Dhinaca Wadada ee Hadda Jira Dhabbaha Dhinaca Wadada ee La Soo Jeediyay Dhabbaha Dhinaca Wadada ee Mustaqbalka Dariiqa La isla Wadaago ee Hadda Jira Dariiqa La isla Wadaago ee La Soo Jeediyay Seedka Baaskiilka ee La Soo Jeediyay Micnaha 3Magaalada Edina EdinaMN.gov 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4 DHACDOOYINKA SOO SOCDA Sabti, Febraayo 1 Bisha Taariikhda Dadka Madowga ah ayaa bilaabanaysa Axad, Febraayo 2, 6 p.m. Real Big Band, Edinborough Park Talaado, Febraayo 4, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Febraayo 6, 4:30 p.m. Bandhigga Waxqabadka Xagaaga, Edinborough Park Axad, Febraayo 9, 6 p.m. Katy Tessman, Edinborough Park Arbaco, Febraayo 12, Duhurki Diiwaangelinta waxqabadka waxay u furmeysaa dadka deggan Edina Khamiis, Febraayo 13, 7 p.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Hormarinta, Magaalada Edina Jimco, Febraayo 14, 9 a.m.-4 p.m. Dhabaha Ciyaarta Candyland, Edinborough Park Jimco, Febraayo 14, 5:30 p.m. Caweyska filinka, “Lady & The Tramp,” Edinborough Park Axad, Febraayo 16, 6 p.m. Luke LeBlanc Trio, Edinborough Park Isniin, Febraayo. 17 Maalinta Madaxweynaha, xafiisyada Magaalada waa ay xiran yihiin Talaado, Febraayo 18, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Jimco, Febraayo 21 Diiwaangelinta ayaa u xirmaysa Xaaladda Bulshada (Maarso 4) Axad, Febraayo 23, 6 p.m. Kooxda Xuska John Philip Sousa ee u Horreeyey, oo kadhacaya Edinborough Park Khamiis, Febraayo 27, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Hormarinta, Magaalada Edina Golaha Deegaanka Ayaa Dib-u-Eegis Ku Sameeyay Naqshadaha Hore ee Buundada Dadka Lugaynaya Waaxda Injineerinka Ayaa Farsamo-yaqaan Buundo u Shaqaalaysiinaysa Tillaabooyinka Xiga Naqshadeeyayaasha ayaa soo saaray sawirada hore iyo qaababka loogu talagalay buundo caan ah oo ay dadku ku dul lugeeyaan Minnesota Highway 62, balse aad miyay qaali u tahay? Taasi waa su’aasha ay Waaxda Injineerinka ee Magaaladu rajaynayso in looga jawaabi karo iyadoo farsamo-yaqaan buundo lagu darayo mashruuca. Buundada hadda, oo aanan hadda buuxineynin heerarka Xeerka Ameerikaanka Naafada ah, waxaa la dhisay 1960-meeyadii waxaana iska leh oo maamula Waaxda Gaadiidka ee Minnesota. Buundada waa qayb muhiim ah oo kamid ah kaabayaasha taasoo isku xirta qeybaha waqooyi bari iyo koonfur bari ee Edina. Waxay isku xir muhiim ah u tahay dadka lugaynaya iyo baaskiileyda inay si badbaado ah u adeegsadaan Rosland Park iyo tas- hiilaadkeeda, oo ay ku jirto Xarunta Biyaha Edina. Buundadu waxa ay si weyn u waxyeelowday 2022 marki ay labo jeer ku dhaceen gawaari xamuul ah oo ku safrayey wadada Highway 62. Shilki labaad ayaa sababay in la xiro buundada inta badan sanadki 2022 ilaa dayactir qaali ah oo ku meel gaar ah lagu sameeyay bishi Janaayo 2023. Tan iyo waqtigaas, Magaalada iyo MnDOT ayaa ka wada hadlayey beddelista buundada. Maalgelinta mashruuca ayaa lagu xaqiijiyey codsi lacagta curaarta Gobolka ah oo lagu guuleystay iyo lacagaha MnDOT. Miisaaniyadda mashruuca waa $6 milyan. Kooxda mashruuca oo ka kooban Bolton & Menk iyo Snow Kreilich Architects ayaa la soo shaqaalaysiiyay bishi Juun waxayna soo saareen xoogaa naqshado ah oo leh xagallo biro xadiid ah oo gaar ah iyo alwaaxyo lagu dhejiyay. Naqshada 30% ah ayaa Golaha Deegaanka Edina la horgeeyay bishi la soo dhaafay, markii Agaasimaha Injineerinka Chad Millner uu xusay in farsamo-yaqaan buundo lagu dari doono kooxda mashruuca. Millner ayaa sheegay in farsamo-yaqaan buundo uu awoodi doono inuu bixiyo talo ku saabsan macluumaadka waxyaabaha lagu rakibayo wajiga wuxuuna qiyaasi doonaa kharashaadka marxaladan wuxuuna ugu dambaynti samayn doonaa buundada xadiidka ah laftigeeda. Shaqaaluhu waxay rajaynayaan in qorshayaasha ugu dambeeya ee mashruuca la dhammeystiro bisha Sibteembar. Dhismaha waxaa la filayaa 2026. Hawlaha kale bishii hore, Golahu: •Waxay bixiyeen jawaab-celin aan sharci ahaan loogu hoggaansamaynin oo ku saabsan qorshe sawireedka Opus Group si ay dib ugu horumariyaan 5100 Eden Ave. Opus waxay jeclaan lahayd in ay goobta dib ugu horumariso xafiis shan biyaano ah oo hoy’ u noqon doona xaruntooda iyo kireysteyaasha kale. Biyaanada koowaad wuxuu lahaan lahaa goob tafaariiqeed ama maqaayad. •Waxay bilaabeen inay ka fikiraan wax ka beddelka xeer ku saabsan iibinta xoolaha loo koriyay si bini’aadantimada ka baxsan. •Waxay qandaraas siiyeen SEH, Inc. si ay u naqshadeeyaan buundada Wooddale Avenue oo ay u diyaariyaan dukumiintiyada tartan u galidda. Naqshadda iyo dukumiintiyada tartan u gelidda waxay Magaalada u oggolaan doonaan inay ku raadsato deeq maalgelin si ay u dhisto buundada beddelka ah. •Waxay u magacaabeen Xubin Ka Tirsan Golaha James Pierce inuu noqdo Ku Simaha Duqa Magaalada wakhti kasta oo aanu Duqa Magaaladu Joogin. Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xiga ilaa 7 fiidnimo Febraayo 4 iyo 18. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. - WAXA SOO URURISAY JENNIFER BENNEROTTE Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta & Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813 ama 16) ama onlaynka. Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov/Calendar. Snow Kreilich Architects ayaa soo saaray xoogaa naqshado ah oo leh xagallo biro xadiid ah oo gaar ah iyo alwaaxyo lagu dhejiyay oo loogu talagalay buundada dadku ay ku dul lugaynayaan Minnesota Highway 62 ee ku taasha Edina. (Shubista La Gudbiyey)