Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_March-2025_Somali-Web-2Edina Waxay Bixinaysaa Horudhaca Dawladda Magaalada Dadka Deegaanku Waxay Baran Doonaan Doorarka Aasaasiga ah ee Waaxaha Magaalada iyagoo Ku Baranayo Edina U WAXAA QORTAY KATE HEIMEL Magaalada Edina waxay bixinaysaa barnaamij cusub oo gaaban si ay dadka deggan magaalada u barto dawladda hoose, “Edina U.” Kalfadhi kasta waxaa looga hadli doonaa dhinacyada kala duwan ee dawladda hoose iyo doorarka waaxaha iyo shakhsiyaadka kala duwan ay qabtaan marka ay timaado ka caawinta Magaalada inay si habsami leh u shaqayso. Magaaladu waxay leedahay yool ay ku turxaan bixinayso istiraatiijiyadaha kaqeybgalka bulshada. Edina U waxaa loo sameeyay iyadoo looga jawaabayo, yoolalka ku aadan bixinta bar laga galo oo ay dadka deegaanku wax kaga bartaan dawladda hoose ugana qeybqaataan. Guddi ka kooban sagaal xubnood oo ka socda ururka oo dhan ayaa qorsheeyay barnaamijki Edina U ee ugu horreeyay. Maareeyaha Mashaariicda Gaarka ah iyo Kaqeybgalka MJ Lamon iyo Maareeyaha Fiidiyow Soo Saarista Scott Denfeld waa labo xubnood oo ka mid ah guddiga ka shaqeynaya inay soo saaraan qaabka, jadwalka iyo qorshaha guud ee dhacdada. Waa maxay Edina U? Lamon: Tani waa dawladda 101 – hab xubnaha bulshadu ay wax kaga baranayaan dawladda hoose iyada oo aysan waqti dheer uga bixin. Ma jirto shuruud hore oo la iska rabo si looga qeybqaato. Tani waa marki ugu horraysay oo ay Edina bixinayso fursadan waxbarasho. Mustaqbalka, waxaanu rajaynaynaa in aanu soosaarno fursado waxbarasho oo dheeraad ah oo xitaa si kaqeybgalayaashii hore ay wax badan uga sii bartaan Magaalada. Waa goorma? Denfeld: 6 ilaa 9 p.m. Khamiisaha laga bilaabo Abriil 17 ilaa May 15. Kalfadhiyada waxaa lagu qaban doonaa xarumaha kala duwan ee Magaalada iyo goobaha ku xeeran Edina. Waa maxay ujeedada laga leeyahay? Lamon: Waxaan ka leenahay dhowr ujeedo: in aan ku sheegno qiso, ku horumarino kalsooni iyo cilaaqaad, dhisno faham ku saabsan waxa Magaaladu ay qabato kuna bixino barnaamij uusan waqti badan ku bixin. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee aan isku dayaynay in aan diiradda saarno waa sidii aanu dadka uga qaybgalin lahayn dawlada hoose iyaga oo aan wakhti badan ku bixin. Maxaa la bixin doonaa? Denfeld: Kalfadhiyadu waxay bixin doonaan macluumaad ku saabsan Booliska, Dabdemiska, Beeraha Nasiinada & Tamashlaynta, Hawlaha Guud, Qorshaynta, Caafimaadka Dadweynaha, Wada-xiriirada iyo qaar kaloo badan. Waxaa jiri doona waxqabadyo baraatiko ah iyo fursado lagu eego lagulana falgalo qalabka Magaalada ee kala duwan. Yaa kaqeybgali kara? Lamon: Qofkasta! Waxaan rajaynaynaa in dadka aan horay ugu lug yeelan Magaalada ay tixgelin doonaan inay qeyb ka noqdaan barnaamijka. Boosku wuxuu ku kooban yahay 20 qof. Ma jiro ku lug lahaansho hore ama waxbarasho loo baahan yahay si looga qeybgalo. Miyaa ay tahay in aan kaqeybgalo kalfadhi kasta? Denfeld: Soo xaadiritaanku ma ahan qasab, laakiin mid kasta oo kamid ah shanta kalfadhi waxaa looga hadli doonaa mowduucyo gaar ah iyo meelo ka mid ah Magaalada, marka kaqeybgalka kalfadhiyada oo dhan ayaa ugu faa’iido badan. Sidee ayaan isaga qoraa? Lamon: Codsiyadu waxay furmeen bishi Febraayo waxayna xirmayaan Maarso 24. Shaqaalaha Magaalada waxay kaqeybgalayaasha ku xulan doonaan bakhtiyo-nasiib waxayna codsadayaasha oo dhan la socodsiin doonaan Maarso 28. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Edina U, MJ Lamon kala xiriir 952-826-0360, MLamon@EdinaMN.gov. Maareeyaha Adeegyada Injineerinka Ross Bintner, Maareeyaha Mashaariicda Gaarka ah iyo Kaqeybgalka MJ Lamon, Maareeyaha Fiidiyow Soo Saarista Scott Denfeld iyo Lt. Jake Heckert ayaa qorshaynaya Edina U. Shaqaalaha kale ee hoggaaminayo qorshaha ee aan sawirka ku jirin waa Maareeyaha Kala Duwanaanshaha, Sinnaanta iyo Udhannaanshaha Thomas Brooks iyo Kormeeraha Tamashlaynta Amanda Clarke. (Waxaa sawirka qaaday Lauren Siebenaler) Si aad isaga qorto, booqo EdinaMN.gov/EdinaU ama iskaangaree sawirka iskaanka. Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 MAARSO 2025 Majalada 12, Qeybta 3Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina ¹» ¹» ¹º¹º ¹º ñ ñ ¹» ¹º ¹º ¹º ¹º ¹º ¹º ñ ¹» ñ ñ ñ ñTRACY AVEVERNON AVEWOODDALE AVEHANSEN RD70TH ST W FRANCE AVE SVALLEYVIEWRDMINNESOTA DRGLEASONRDEdinaCommunityCenter AvailAcademy Golden Years Montessori CityHall St Peter's LutheranChurch & School South ViewMiddle School NormandaleElementary ConcordSchool CorneliaSchool SouthdaleLibrary Fire Station Public Works & Park Maintenance Creek ValleySchool FireStation Valley View Middle School Edina High School Countryside School HighlandsSchool EdinaCommunity Library Our Lady of Grace Church & School M innehahaCreek NineMileCreek N i n e Mile Creek SouthdaleCenter Canadian Pacific RailroadCanadian Pacific RailroadBLAKE RDSCHAEFER RDV E RN O N A V ECAHILL RD66TH ST W YORK AVE SINTERLACHEN BLVD MALONEY AVE 4 4 T H S T W 50TH ST W 54TH ST W 58TH ST W 70TH ST W 76TH ST W DEWEY HILL RD VALLEY VIEW RD VALLEY VIEW RD 78TH ST W I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62 April 2019 ±Legend 0 2,000 Feet 6 7 6 Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mashaariicda horumarinta ee Edina, booqo BetterTogetherEdina.org/Development 2 1 Albeerkada Finch ¹»¹»¹º¹º¹ºñ ñ¹»¹º¹º¹º¹º¹º¹ºñ ¹»ññ ññTRACY AVEVERNON AVEWOODDALE AVEHANSEN RD70TH ST W FRANCE AVE SVALLEYVIEWRDMINNESOTA DRGLEASONRDEdinaCommunityCenterCalvinChristianSchoolGoldenYearsMontessoriCityHallSt Peter's LutheranChurch & SchoolSouthviewJr HighNormandaleElementaryConcordSchool CorneliaSchool SouthdaleLibraryFireStationPublic Works &Park MaintenanceCreek ValleySchool FireStationValley ViewJr HighEdinaHighSchoolColonialChurchCountrysideSchool HighlandSchool PublicLibraryOur Lady ofGrace Church& School M in ne hahaCreekNineMileCreek N ine Mile Creek Canadian Pacific RailroadCanadian Pacific RailroadBLAKE RDSCHAEFER RDVERNON AVE CAHILL RD66TH ST W YORK AVE SINTERLACHEN BLVDMALONEY AVE 44TH ST W50TH ST W 54TH ST W58TH ST W70TH ST W 76TH ST W DEWEY HILL RD VALLEY VIEW RDVALLEY VIEW RD 78TH ST W I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62 April 2019 ±Legend 0 2,000 Feet 4 5 10 Craftsman on France 9 3 Saldhiga Dabdemiska 2 8 Raadiyaha Horumarka (Development Tracker) Raadraacaha Horumarka Magaalada Edina waxaa ka mid ah mashaariic isugu jirta dib u dhis iyo dhismeyaal cusub oo la soo gabagabeeyay lixdii bilood ee la soo dhaafay, kuwo isla markaas socda, kuwo codsiyo rasmi ah usoo gudbiyay Magaalada ama intooda badan la ogolaaday. 2 1 Goobtii Hore ee Howlaha Guud Goobta: 5146 Eden Ave. Horumariyaha: Maamulka Guriyeynta iyo Dib u Horumarinta (HRA) ee Edina iyo Jester Concepts Marxaladda: La Hakiyey Oggolaanshiyaal horudhac ah ayaa la siiyay guryo cusub, maqaaxi iyo beer dadweyne. Horumariyihi guriyeynta ee hore ayaa awoodi waayay inuu helo maalgelin wuuna ka baxay mashruuca. Mustaqbalka, HRA Edina ayaa dooran doona horumariye guri oo cusub. Cusboonaysiimaha qorshaha goobta ayaa lagama maarmaan noqon doona si looga tarjumo mashruuc habaysan. 2 70th & France Ave. Goobta Bangiga (Bank Site) Goobta: 7001 and 7025 France Ave. Horumariyaha: Maalgashiga Orion, ESG iyo Mortenson Marxaladda: La Hakiyey Wajigii 1aad ee mashruucan waxaa la dhamaystiray horraantii 2023 iyada oo la dhisay hal dabaq, 1-fiit oo labba jibaaran U.S. Dhismaha bangiga la dhexmarayo. Wajiga labaad waxaa kamid ah dhisme 24- dabaq ah, 267 qaybood oo albeerkooyin ah oo leh 1,500 fiit oo laba jibbaaran oo tafaariiq ah; lix-ilaa-todoba dabaq, xafiis/ dhisme tafaariiq oo 189,430 fiit oo laba jibaaran ah; iyo sideed heer, goob baabuurta ladhigto oo 540 ramp ah taasoo haysata goob cabirkeedu gaadhayo 1,300 fiit oo laba jibbaaran. 3 Craftsman on France Goobta: 7250 France Ave. Horumariyaha: Orion Investments Marxaladda: Dhisme Ku socdo Goobtan waxaa dib loogu horumarin doonaa labo weji. Wejiga 1 waxaa ka mid ah shaqada guud ee goobta iyo dhismo xafiis shan biyaano ah oo cusub, oo 124,620-fiit oo labo jibbaaran ah iyo dukaan qaxwe oo la yiraahdo Craftsman on France. Baakinka waxaa laga helayaa dhismaha hoostiisa. Shaqada goobta waxaa ka mid ah balliga biyaha roobka iyo barafka, fagaarayaal dadweyne, goob cagaaran iyo bilcinta dhulka. 4 7200 France Avenue Goobta: 7200 France Avenue Horumariyaha: Afton Park and Orion Investments Marxaladda: Oggolaanshaha Horudhaca Ah Mashruuc la walaal ah 7250 France Ave. ayaa la dhammeyn doonaa ka dib dhismaha Craftsman on France, mashruucu waxa uu ka koobnaan doonaa dhisme abaartimenti ah oo lix biyaano ka kooban oo cusub oo leh 153 guri oo kiro ah. Guryaha intooda badan ayaa la qiimo ah kuwa suuqa iyadoo 10% laga dhigayo kuwa qiimahooda si joogta ah loo awoodi karo. 5 Dib-u-horumarinta Isticmaalka Isku Dhafan ee Enclave Goobta: 7235 France Ave. Horumariyaha: Enclave Companies iyo Lifestyle Communities Marxaladda: La ogolaaday Mashruucu wuxuu goobta 9-ka akar ah u kala qeybinayaa saddex boos oo kala duwan. Afar dhismo ayaa loo oggolaaday in laga dhiso goobta. Bakhaarka Macy ee jira ayaa meel kale loo rarayaa oo dhismaha ka dhisana waa la dumin doonaa. Afarta dhisme ee cusub waxaa ka mid ah: • Booska koonfur-galbeed: Dhisme 11-biyaano ah oo ka kooban guryo gaar loo leeyahay kuwaasoo ay ka mid yihiin 49 guryaha waayeelka ah, goob xafiis 47,000-fiit oo laba jibaaran ah iyo 9,500 oo fiit oo laba jibaaran oo boos maqaaxi/tafaariiq ah oo wadada la siman • Booska waqooyi-galbeed: Dhisme toddobo-biyaano oo isticmaal isku dhafan leh oo leh 124 abaartimentiyo, 20,000 fiit oo laba jibbaaran oo xafiis ah iyo 7,500 fiit oo laba jibbaaran oo ah goob maqaaxi/tafaariiq oo wadada la siman • Booska waqooyi-beri: Dhisme toddobo- biyaano ah oo leh 223 abaartimentiyo kiro ah • Booska koonfur-beri: Dhisme toddobo- biyaano ah oo leh 176 abaartimentiyo kiro ah iyo maqaaxi 4,100 fiit oo laba jibbaaran ah Dhisme kasta waxaa ka mid noqon doona baakin gudaha ah oo loogu talagalay dadka deggan, shaqaalaha iyo macaamiisha. Baakinka ku yaala heerka wadada la siman ayaa u furan dadweynaha guud. Qorshaha wadada ayaa qaabeynaya dariiqyo wado oo cusub, dariiqayada lugeynta dhinacyada wadada oo cusub iyo aagag bilcin ah oo cusub oo u furan dadweynaha guud. Qeybta Dhabbaha Gobolka Nine Mile Creek ee hadda jira ayaa ku sii taali doonta cirifka koonfureed ee dhismaha. 6 Edina Endodontics Goobta: 7300 Metro Blvd. Horumariyaha: Hempel Real Estate iyo Edina Endodontics Marxaladda: La ogolaaday Booska shanta akar ah ayaa la sii kala qeybin doonaa si loogu oggolaado dhisme ganacsi oo hal biyaano ah, oo 6,000 oo fiit oo laba jibbaaran ah oo laga dhigayo rugta ilkaha. Ma jiraan isbeddelo loo soo jeediyay dhismaha xafiiska jira ee goobta ku yaalla. 7 Xarunta Tababarka Badbaadada Dadweynaha ee Koonfurta Metro Goobta: 7525 Braemar Blvd. Horumariyaha: Magaalada Edina Marxaladda: Dhisme Ku socdo Dhisme taatikada ah oo 5,536 oo fiit oo laba jibbaaran ayaa laga dhisayaa cirifka koonfureed ee guriga. Mashruuca ayaa abuuri doona goob tababar oo dheeraad ah oo loogu talagalay ka jawaabayaasha koowaad. 8 Saldhiga Dabdemiska 2 Goobta: 4401 76th St. W. Horumariyaha: Magaalada Edina Marxaladda: Dhisme Ku socdo Magaalada Edina ayaa bilowday dhismaha cusub ee Saldhiga Dabdemiska 2aad oo 33,578-fiit oo laba jibbaaran ah gu’gi 2024. Dhismuhu wuxuu bixin doonaa meel ay ku shaqeeyaan Waaxda Dab- demiska ee Edina iyo Qeybta Caafimaadka Dadweynaha ee Magaalada. Saldhigga cusub waxaa la filayaa in la furo dabayaaqada 2025. 9 Albeerkada Finch Goobta: 4620 77th Street W. Horumariyaha: Solhem Companies Marxaladda: Dhisme Ku socdo Dhisme abaartimenti toddoba biyaano ah, oo ka kooban 276-guri ayaa uu dhisme ku socdaa. Goobta kiraysteyaasha tafaariiqda mustaqbalka ayaa lagu daray dabaqa koowaad. Guryaha badankooda waxaa qiimahooda laga dhigi doonaa qiimayaasha suuqa halka 10% oo ka mid ah guryaha ay lahaan doonaan kiro la awoodi karo oo ah 50% ee Heerarka Dakhliga Dhexdhexaadka ah ee Aagga. Shaqada goobta waxaa sidoo kale ka mid ah dhabbayaasha dhinaca wadada oo cusub iyo goob cagaraan iyo sidoo kale dariiq waddo oo cusub oo u noqon doona albaab weyn oo laga galo beerta Fred Richards Park. Mashruuca waxaa la dhammeyn doonaa horraanta saamarka 2025. 10 Edina Grand Apartments Goobta: 3400 Edinborough Way Horumariyaha: Alpha Investment Group Marxaladda: La ogolaaday Huteelka 133 guri ka kooban, oo horay loogu yaqaanay Marriott Residence Inn, waxaa loo beddelayaa dhisme abaartimenti ah oo 136 guri ka kooban. Kirada waxaa la filayaa inay ka hoosayso 80% ee heerarka Dakhliga Dhexdhexaadka ah ee Aagga (AMI) iyadoo qaarkeed tahay mid la awoodi karo ilaa 60% AMI. Mashruuca waxaa la filayaa in la dhammeeyo horraanta 2026. 3Magaalada Edina EdinaMN.gov 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4 DHACDOOYINKA SOO SOCDA Sabti, Maarso 1 Bilaabashada Bisha Taariikhda Haweenka Sabti, Maarso 1, 9 a.m. Taxanaha Hooyonimada, Xarunta Tababarka Badbaadada Dadweynaha ee Koonfurta Metro Talaado, Maarso 4, 11:30 a.m. Xaaladda Bulshada, Barxadda Goolofta Braemar Talaado, Maarso 4, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Maarso 6, 4 p.m. Tijaabinta Shirkada Khamriga ee Dual Citizen, Edina Liquor – 50th & France Sabti, Maarso 8 Maalinta Caalamiga ee Haweenka Khamiis, Maarso 13, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Hormarinta, Magaalada Edina Jimce, Maarso 14, 4 p.m. Tijaabada Keeper’s Heart whiskey, Edina Liquor – Southdale Jimce, Maarso 14, 5:30 p.m. Caweyska filimka, “Kung Fu Panda 4,” Edinborough Park Sabti, Maarso 15, 9 a.m. Kulanka Golaha Deegaanka, Xarunta Tababarka Badbaadada Dadweynaha ee Koonfurta Metro Axad, Maarso 16, 6 p.m. Nova Contemporary Jazz Orchestra, Edinborough Park Talaado, Maarso 18, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Axad, Maarso 23, 6 p.m. Kooxda Capri Big Band, Edinborough Park Khamiis, Maarso 27, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Hormarinta, Magaalada Edina Khamiis, Maarso 27, 10:30 a.m. Showga Sanadguurada 40aad ee Teddy Bear Band, Edinborough Park Axad, Maarso 30, 6 p.m. Kooxda Xuska John Philip Sousa ee u Horreeyey, oo kadhacaya Edinborough Park Golaha Ayaa Si Rasmi Ah Wax Uga Beddelay Miisaaniyadda 2025 Shaqada Wadada ee Nus-Maylka, Astaanta Webseedka iyo Qalabka Qaar Ayaa Laga Saaray Miisaaniyadda Maareeyaha Magaalada Scott Neal ayaa Miisaaniyadda 2025 ee Magaalada ka dhimay boqolkiiba 1, sida uu codsaday Golaha Deegaanku marki uu ansixiyay kordhinta canshuur soo rogista bishi Diseembar 2024. Golaha Deegaanku wuxuu ansixiyay wax ka beddelka miisaaniyad rasmi ah oo uu ku ansixiyay kulankiisi Febraayo 4, iyagoo soo gabagabeeyay canshuur soo rogis dhan $59 milyan, koror 8.44% oo ah canshuur soo rogista 2025. Ansixinta waxaa ka mid ahaa xirmo lagu dhimayo kharashgaraynta oo dhan $545,000. Qaar ka mid ah waxyaabaha laga saaray miisaaniyadda waxaa ka mid ah barnaamijka fujinta iyo dhigista laamiga nus- maylka ah ee Waaxda Hawlaha Guud, astaanta qeybta wada-sheekeysiga ee webseedka Magaalada, baabi’inta ama dib-u-dhigista dib- u-eegista Tilmaamaha Naqshadda Degmada Southdale, iyo yaraynta lacagta loo qoondeeyay beddelka qalabka. Saadaalaha hore ee miisaaniyadda ee 2026- 2027, oo leh heerarka adeegga ee hadda iyo mashaariicda la qorsheeyay, waxay u baahan yihiin koror canshuur soo rogis lixaad leh taasoo aan u cuntamin xubnaha Golaha Deegaanka. Waaxda Maaliyadda waxay hoggaaminaysaa dadaalka xilli hore loogu tallaabo qaadayo geeddi socodka qorshaynta miisaaniyadda si ay ugu kuurgasho dhammaan ikhtiyaarada lagu yaraynayo saadaashaas. Labo kalfadhi shaqo ayaa lala yeeshay Golaha Deegaanka bishi Febraayo si xubnaha faham wanaagsan looga siiyo adeegyada waax kasta kahor inta aanay yeelan kulan waxbadan looga hadlayo miisaaniyada bisha Maarso. Hawlaha kale bishii hore, Golahu: •Wuxuu ansixiyay dib saqaf uga beddelida qeyb ka mid ah Xarunta Hawlaha Guud & Xarunta Dayactirka Beerta. Berwald Roofing ayaa beddeli doona qalabka saqafka ee ka korreysa qeybta xafiiska ee dhismaha, taasoo lagu arkay biyo- darroorin badan sanad kasta inta lagu jiro baraf dhalaalka gu’ga iyo xilliyada roobabka culus. •Wuxuu bixiyay jawaab-celin aan loo hoggaansamayn oo ku saabsan mashruuc guriyayn suurtagal ah oo laga dhisayo Vernon Avenue. Shirkadda Abundance Properties ayaa soo bandhigtay qorshe sawireed lagu duminayo guriga halka qoys ah ee ku yaalla 5516 Vernon Ave. laguna beddelayo afar guryo magaalo oo ku yaallo goobta halka-akar ah. Si horay loogu socdo, dhisaha wuxuu ubaahanayaa inuu codsado wax ka beddelka Qorshaha Dhammeystiran, dib-u-soonaynta dhulka iyo dib-u-eegista qorshaha goobta. •Wuxuu ansixiyay shaqo dib-u-soo celin dheeraad ah oo laga qabto Bredesen Park. Mashruucu wuxuu bilowday 2024 iyadoo maalgelin laga helayo Deeqda Dhaxalka Shuraakada Ilaalinta Deegaanka. Qandaraaska uu Golaha u ansixiyay Davey Resource Group waxaa ka mid ah dib-u- soo celinta 13-akar dheeraad ah oo ka mid ah beerta wuxuuna ka faa’iidaysanayaa maalgelin deeq oo badan. Mashruuca waxaa la filayaa in la dhammeeyo horraanta Dis. 31, 2026. •Wuxuu ansixiyay shaqo dib-u-soo celin ah oo dheeraad ah oo laga sameeyo Braemar Park oo lagu maalgelinayo canshuurta gadida maxalliga ah iyo isticmaalka canshuurta. Dib-u-soo celinta waxay 2024 ku bilaabatay saarista iyo xakamaynta noocyada dulinka waxyeellada leh. Wajiga ugu dambeeya ee shaqada waxaa ka mid noqon doona saarista iyo xakamaynta daaqa iyo dhirta duulaanka ah ee waxyeellada leh, biqlinta iyo beerista dhirta wadaniga ah iyo maareynta deegaanka. Shirkadda RES Great Lakes ayaa la siiyay qandaraaska, kaasoo soconaya ilaa 2028. •Wuxuu ansixiyay soo iibinta 12 nal waddo oo lagu xiro York Avenue koonfurta Hazelton Road. Nalalka waxaa la rakibi doonaa marka la ballaarinayo tuubada bullaacada weyn ee York Avenue dabayaaqada sanadkan si loo yareeyo carqaladaynta. Kulamada caadiga ah ee Golaha Deegaanka ee xiga waxaa la qaban doonaa 7 p.m. Maarso 4 iyo 18. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. - WAXA SOO URURISAY JENNIFER BENNEROTTE Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta & Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813 ama 16) ama onlaynka. Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov/Calendar.