Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_May-2025_Somali-Web (1)Shaqo Ayaa Ka Bilaabatay Mashruuca isgoyska isdulmarka ee Vernon Avenue & Highway 100 WAXAA QORAY BRITTANY BADER Mashruuca isgoyska isdulmarka ee Vernon Avenue & Highway 100, oo ah hawl ay iska kaashanayaan Magaalada Edina, Hennepin County iyo Waaxda Gaadiidka ee Minnesota, ayaa bilowday toddobaadka Abriil 21 waxaana la filayaa in la dhammeystiro bartamaha Nofeembar. Mashruucu wuxuu kor u qaadi doonaa badbaadada iyo isu socodka guud ahaan Degmada Grandview isagoo cusboonaysiinaya wadooyinka, buundooyinka iyo kaabayaasha dadka lugeeya. Tani waxaa ka mid ah labo buundo cusub oo laga badalayo Vernon Avenue, mid laga dul dhisayo wadada tareenka ee Canadian Pacific ee Magaalada Kansas iyo mid labaad oo laga dul dhisayo Minnesota Highway 100. Mashruucu wuxuu sidoo kale hagaajinayaa isgoysyada u dhow wuxuuna meesha ka saarayaa dallacaadaha lagu fuulo wadada Highway 100 ee aan loo baahnayn iyadoo la doorbidayo isgoyska isdulmarka ee qaabka dheemanka ah ee caadiga ah, oo ay ku jiraan ka saaridda dallacaadaha dhanka waqooyi looga soo fuulo loogana dagto wadada Grange Road. Calaamadaha iyo meelaha laga leexdo ee maxalliga ah waxay xaqiijin doonaan sii socoshada joogtada ah ee marin-u-helka ganacsiyada ku yaalla Grandview iyo degmooyinka 50th & France inta uu mashruucu socdo. Si loo yareeyo carqaladaha, shaqaalaha Magaalada Edina waxay farriimo joogta ah dadwaynaha ugu diri doonaan iimaylo, wadahadalo mashruuc oo onlayn ah iyo warbixinada la soo dhigayo BetterTogetherEdina.org. Shirar jaraa’id iyo boostiyada baraha bulshada ayaa lala wadaagi doonaa marka ay jiraan isbeddelo waawayn oo taarfigga ah. Ogow wax badan oo ku saabsan mashruuca, siyaabaha xogta lagu helo oo qariiradaha meelaha laga leexdo ka eeg barta BetterTogetherEdina.org/vernon-hwy100. Mashruuca isgoyska isdulmarka ee Vernon Avenue & Highway 100 waxa uu hadda marayaa Marxaladda 1aad (oo ka mid ah saddexda marxaladood) ilaa dabayaaqada saamarka ama horraanta dayrta, iyadoo xoogaa lala qaban doono Marxaladda 2aad. Inta lagu guda jiro labada waji ee ugu horreeya, Vernon Avenue waxaa laga xiri doonaa baabuurta isaga kala gudbaysa Interlachen Boulevard/Gus Young Lane iyo dallacaadaha dhanka waqooyi looga fuulo Highway 100, iyadoo leexashada baabuurta marayaan Eden Avenue. Mashruuca waxaa wajiyada loogu yeelay si ay u furnaadaan meelaha laga fuulo Highway 100 inta lagu jiro qaybtan. Baabuurta wadada Highway 100 uga baxaysa Vernon waxaa loo leexin doonaa Arcadia Avenue si ay marin ugu helaan ganacsiyada Grandview ama u aadaan Eden. (Sawirka waxaa leh Dan Doar)ARCADIAAVEEDEN A VE EDEN A VE WILLSONRDV E R N O N A V E VERNONAVEINTERLACHEN BLVD GUS YOUNG LNGUS YOUNG LN Vernon Avenue & Highway 100 Interchange Project Road Closure Open Streets Closed Streets Stage 1: April 23 to Late Summer 2025 (unless otherwise modified) Follow detours for access to Grandview Business District Edina City Hall Follow detours for access to 50th & France District Wadada Route 46 ee Metro Transit waxay si ku meelgaar ah u mari doontaa Eden Avenue badalki la mari lahaa Vernon Avenue. Wixi macluumaad dheeraad ah, oo ay ku jiraan meelaha baska uu istaago, booqo www.metrotransit.org/route/46. Xiritaanka Wadada Mashruuca isgoyska isdulmarka ee Vernon Avenue & Highway 100 Marxaladda 1: Abriil 23 ilaa Dabayaaqada Saamarka 2025 (haddii aan si kale wax kale looga badalin) --- Waddooyinka Furan — Waddooyinka Xiran Raac waddooyinka leexashada si aad marin ugu hesho Degmada 50th & FranceRaac waddooyinka leexashada si aad marin ugu hesho Degmada Ganacsiga Grandview Majalad Gaar ah oo Ciwaankeedu Yahay Gaadiidka Waara MAY 2025 Majalada 12, Qeybta 5 Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina Mashaariicda Dhismaha ee 2025 Waxay Xoojinayaan Socodka, Baaskiil Wadashada gudaha Edina Waaxda Injineerinka Ayaa Horkacaysa Afar Mashaariic oo Waawayn Sanadka 2025 WAXAA QORAY DAVID KATZ Hal ka mid ah afarti safarba waxaa loo aadaa masaafo wax ka yar hal mayl u jirta meeshi laga kici timay. Intaan, baabuurta ayaa ah nooca caadiga ah ee gaadiidka ku dhawaad saddex meelood labo meel. Marka la isu geeyo, safaradaan gaaban waxay cadad wax ku ool ah ka yihiin heerarka wasakhowga hawada, siidaynta qaaca hawada wax u dhima, kuwaasoo saameeya awoodda aan u leenahay inaan gaarno yoolalkeena Qorshaha Waxqabadka Cimilada. Bulshooyinka ku dhaqan nawaaxiga magaalada, inta badan ku tiirsanaantan baabuurta waxaa loo aaneeyaa kaabayaasha dadweynaha ee baabuurta gaarka loo leeyahay ula dhaqma sidi gaadiidka caadiga ah. Magaalada Edina waxay haysaa Qorshaha Guud ee Dadka Lugeeya iyo Kuwa Baaskiilka Wata si ay u hagto isbeddelada lagu samaynayo arrintaas. Mashaariic badan oo dhismo oo loo qorsheeyay 2025 waxaa loogu talagalay in xaafadaha looga dhigo kuwo si aad ah loogu socon karo oo cariiri yar. Isgoyska isdulmarka ee Vernon Avenue & Highway 100 Maalin kasta, baabuur ka badan 22,000 ayaa mara buundada Vernon Avenue ee u ku fidsan Minnesota Highway 100. Waa astaanta ugu wayn ee Degmada Grandview – hadana waxay xudun u tahay dayactirka isgoys la isdulmaro oo wayn, oo ujeedooyin badan loo isticmaalo (ka eeg Bogga 1aad). Wakhti xaadirkan, aaggan waxaa ku yaalla nidaam wayn oo ka kooban lix dallacaado gaar ah oo laga soo galo oo isku xira afar waddo. Iyadoo aysan ku filnayn oo inta badan jahwareerisa darawallada, qaabaynta silsilada ah waxay si gaar ah ugu adag tahay dadka lugaynaya iyo baaskiilayda doonaya inay isaga kala gudbaan wadada Highway 100. Qorsheeyaha Gaadiidka Andrew Scipioni wuxuu xusay un kastoo buundada Vernon Avenue ay leedahay dhabbo dhinaca wadada lagu socdo oo ku yaallo dhanka waqooyi ee wadada afarta seed ah, “ma ahan mid loo adeegsan karo ama … soo jiidasho u leh sidi ay ahaan alahayd.” Magaalada Edina waxay kala kaashanaysaa Hennepin County, Waaxda Gaadiidka ee Minnesota iyo shirkadda wadada tareenka ee CPKC si ay u casriyayso oo ay qaabkan ugu fududayso isgoyska isdulmmarka dheemanka. Qorshaha dhismaha ee la ansixiyay wuxu qeexayaa hagaajinada ku wajahan lugaynta dadka iyo sidoo kale isu socodka gaadiidka. Kuwani waxaa ka mid ah dhabbayaal dhinaca wadada oo 10-fiit- ballac ah iyo dallacaadaha lugaynta curyaanka ee xeerka ADA u hoggaansan ee ku teedsan Interlachen Boulevard, Gus Young Lane iyo Arcadia Avenue, iyo sidoo kale hagaajinta nalal wadooyin oo cusub ama la hagaajiyay iyo gidaarada qabta sawaxanka. Fidinta Dhabbaha Dhinaca Wadada ee France Avenue Iyadoo loogu diyaargaroobayo daahfurka Metro Transit ee adeegga baska degdegga ah ee E Line dabayaaqada sanadkan (ka eeg Bogga 4aad), Waaxda Injineerinka Magaalada waxay maalgelinaysaa dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah ee ku teedsan France Avenue. “Sanado badan, dhanka bari ee France ee u dhexeeya Highway 62 iyo ku dhawaad 54th Street ma lahayn dhabbo wadada dhinaceeda ah. Wuxuu ahaa gaabis ka jira shabakadeena dadka lugeeya oo lagu xusay inta badan dukumiintiyadeena,” Scipioni ayuu ku sharraxay.. Sanadki la soo dhaafay, Magaalada waxay dhistay labo qayb inta u dhaxaysa wadada 58th Street iyo 60th Street. “Waxaan hadda mudnaanta siinaynaa qaybta u dhaxaysa 60th [Street] iyo 62nd Street … taasoo wax u taraysa qofkasta oo u safraya kana imaanaya boosteejooyinka E Line. Waa qaybteena labaad ee ka horraysa midda u dambayso. Waxaan filaynaa in dhabbaha wadada dhinaceeda ah ee u dambeeya ee loo baahan yahay, ee u dhexeeya 62nd Street iyo Highway 62, la dhisi doono 2026.” Dhabbayaasha Baaskiilka ee Normandale Road & Viking Drive Waa ay sahlanaan rabtaa in baaskiil loo qaato ama lagu maro xarunta ganacsiga ee Pentagon Park ee ku taasha xadka Edina/Bloomington. Normandale Road iyo Viking Drive labaduba waxa ay leeyihiin afar seed oo loogu talagalay isu socodka baabuurta, balse waxaa mara gaadiid aad ugu habboon hal seed jiho kastaba. “Waddooyinka aadka loo naqshadeeyay sida kuwaan ma ahan kuwo wax ku ool ah [wax soo kordhinayo] waxayna dhiirigelin karaan habdhaqan aan badbaado ahayn,” Scipioni ayuu ku nuuxnuuxsaday. Labada wadaba waxay mari doonaan dib-u- habaynta ‘isu dhaweynta wadada’ sanadka 2025. Iyadoo qayb ka ah daboolistan, labo seed oo ku yaallo Normandale Road iyo Viking Drive waxaa dib loogu qaabayn doonaa dariiqyada baaskiilada ee waddooyinka ku yaalla. Dib-u-dhiska Xaafada Presidents A & B Xaafada Presidents Neighborhood ee ku teedsan xadka Edina/Hopkins waxaa loo qorsheeyay dayactir waddo oo wayn sanadka 2025. Dib-u-dhisku wuxuu ku lug yeelan doonaa ka fujinta laamiga saaran 11 waddo xaafad si loo dhiso laami, jirjir iyo biyo-shub cusub. Kadib marki la sameeyay daraasad injineerin oo faahfaahsan, Magaalada waxay sidoo kale dooratay inay beddesho tuubada ugu wayn xaafada, hagaajiso bullaacadaha fayadhowrka iyo nidaamyada biyaha roobka, yarayso sagxadaha aan biyaha dhulka u gudbin oo ay dib u habeyn ku sameyso dhowr luuq- luuq inta lagu gudo jiro isla muddadan dhismo. Xulashooyinka gaadiidka isku dhafan ee dariiqayada lugaynta dadka iyo baaskiilka waa qayb wayn oo saddexaad oo ka mid ah dib-u- horumarinta Presidents Neighborhood. Gaar ahaan, isbeddelada waxaa ka mid ahaan doona dhabbo wadada dhinaceeda ah oo 5-fiit-ballac ah oo ku teedsan Monroe Avenue iyo dariiqyada isticmaalkooda la isla wadaago oo 8-fiit-ballac ah oo ku teedsan Washington Avenue iyo Belmore Lane labadaba. Horumarinadani waxay isku xiri doonaan dariiqyada isticmaalkooda la isla wadaago ee hadda jira ee ay gacanta ku hayso Magaalada Hopkins. Maalgelinta mashruuca waxaa qayb ahaan laga keeni doonaa sanduuqa ay u qoondaysay Magaalada Edina ee Sanduuqa Badbaadada Dadka Lugaynaya iyo Baaskiilayda (PACS). Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mashaariicdaan, booqo BetterTogetherEdina.org. Sanduuqa Waxqabadka Cimilada Wuxuu Bixiyaa Lacago Loo Celiyo Baaskiilada Korontada Ku Shaqeeya Sanduuqa Waxqabadka Cimilada wuxuu lacago u celiyay 32 baaskiil oo koronto ku shaqeeyo, oo ay ku jiraan 4 baaskiilada xamuulka ee korontada ku shaqeeya, oo la siiyay dadka deggan Edina sanadki 2024. Barnaamijka oo bixiya kharash wadaagga lacag-celinta isu dhigmata oo $500 ilaa $1,200 ah, waxaa si wayn uga qaalin noqday baahida loo qabo oo lacagti ayaa durba ka dhammaatay. Laga bilaabo 2025, nidaam bakhtiyo-nasiib ah ayaa la soo baxa 10 codsade oo bakhtiyo- nasiib ah saddexdi biloodba si lacag loogu celiyo. Bakhtiyo-nasiibka xiga waxaa la qaadanayaa Isniin, May 5. “Gunnada ay Edina igu siisay soo iibsashada baaskiilkayga waxay muhiim u ahayd inaan yeesho baaskiil ammaan iyo badbaado ii ah,” ayay tiri degane Deborah Dillon. “Waxaan aad ooga mahadnaqayaa taageerada Magaalada xagga maalgelinteeda inay naga caawiso inaan magaalada ku dhex mushaaxno gaari la’aan, oona ah hab leh caafimaad, farxad iyo firfircooni.” Dillon waxay ku wadataa Bredesen Park, dhabbayaasha kuna aadaa maqaayadaha kafeega. “Waa mid aad ugu habboon in bannaanka la eego, la arko maalin farxadaysan, soo qaato baaskiilkayga, una kaxaysto si aan ugu soo jimicsado iyo maqaayada kafeega,” ayay tiri. Si aad waxbadan uga ogaatid lacago celinada baaskiilka korontada ku shaqeeyo una codsato, booqo EdinaMN.gov/EBike. 2 WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND Baaskiilada korontada ku shaqeeya aad ayay u soo caanbaxeen. Haddii lagu doonanayo adeeg degdeg ah, lagu tagayo shaqo ama lagu booqanayo beer dhinaca kale ee magaalada ah, baaskiilada korontada ku shaqeeya waxay caddeeyeen inay yihiin beddelka baabuurta, lugaynta ama sugitaanka basaska. Xitaa Booliska Edina wuxuu leeyahay afar baaskiil oo koronto ku shaqeeyo oo ay adeegsadaan Unugta Roondada Baaskiilka. “Kani wuxuu aalad gaadiid oo muhiim ah u yahay dad badan,” ayuu yiri Agaasimaha injineerinka Chad Millner. “Dadka qaar, kaasi waa habka kaliya ee ay ku tagaan ballamaha.” Si la mid ah wax kasta oo cusub, xoogaa dhibaatooyin ah ayaa soo baxay, oo ay ku jiraan baaskiilo koronto ku shaqeeyo oo sharci-darro ah, adeegsadayaasha aan qaangaarin iyo watayaal taxadar la’aan ah. Dadka intooda badan waxaysan haysan ka warqabka shuruucda, ama waalidiinta waxay ku guul-darraystaan inay qodobada muhiimka ah ku adkeeyaan dhallinta, ayuu yiri Xidigle Boolis Dave Venne. “Dhibaatada” badankeeda dhab ahaantii ma ahan baaskiilada korontada ku shaqeeyo ee sharciga ah. Badanaa waa kuwa raqiiska ah oo onlaynka laga iibsado ama kuwa xoojiya xawaaraha 30 mph ama ka badan. Baaskiilada korontada ku shaqeeya waa inuu soosaaruhu ku calaamadeeyaa Heerka 1, 2 ama 3 oo ay buuxiyaan shuruudaha heerka, oo ay ku jiraan xawaaraha ugu badan la caawiyo. “Kaliya inuu leeyahay badeelo, kama dhigno inuu yahay baaskiil koronto ku shaqeeyo,” Millner ayuu yiri. Haddii aysan buuxin heerarka Heerka 1, 2 ama 3, ma ahan sharci in la wato marka laga reebo hanti gaar loo leeyahay dhexdeeda. Ama waxaa laga yaabaa in loo baahdo qalab aad u ammaan ah iyo laysinka darawalnimada ama oggolaansho gaar ah. “Waalidiinta waxay u baahan yihiin inay shaqadooda guri ay qabsadaan ka hor inta aysan wax iibsan,” Venne ayuu yiri. Sharciga gobolka wuxuu u baahan yahay wadayaasha baaskiilada korontada ku shaqeeya inay jiraan ugu yaraan 15 sano oo ay raacaan dhammaan shuruucda baaskiilada. Gudaha Edina, baaskiilada korontada ku shaqeeya waa loo oggol yahay waddooyinka, dariiqyada baaskiilka, dhabbayaasha baaskiilka ama dariiqyada la isla isticmaalo. Looma oggola dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah ee lagu lugeeyo. Cabashooyinka ugu badan ee ku saabsan baaskiilada korontada ku shaqeeyo waxay ku lug leeyihiin xawaaraynta iyo ka hormarista kuwa kale. Boolisku waxay qabtaan cabashooyin isku mid ah oo ku saabsan baaskiilada. “Waxay isugu soo ururaan habdhaqanada,” Millner ayuu yiri. “Dadku waxay u baahan yihiin inay noqdaan dad wanaagsan oo ixtiraama adeegsadayaasha kale marka ay hayaan dhabbayaasha ama waddooyinka.” Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shuruucda baaskiilada korontada ku shaqeeya, Booliska ka wac 952-826-1610. Ogow Shuruucda Kahor inta Aadan iibsan Baaskiilka Korontada Ku Shaqeeya Cabashooyinka Ugu Badan ee Ay Booliska Qabtaan Waxay Ku Lug Leeyihiin Noocyada Sharci Darrada ah, Wadayaasha Aan Qaangaarin Xeerarka iyo Talooyinka Wataha •Koofiyadaha madaxa ayaa looga baahan yahay da’aha 15 ilaa 17; si aad ah ayaana loogula talinayaa dadka qaangaarka ah •Baaskiilada korontada ku shaqeeyo looma oggola dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah ee lagu lugeeyo •Baaskiilada korontada ku shaqeeyo waa inay raacaan dhammaan shuruucda baaskiilada •Waa inay adeecaan calaamadaha jidadka oo aad fareejada shidataa markaad leexanayso ama aad istaagayso •U digtaa kuwa kale markaad ku wajahan tahay adigoo isticmaalayo ganbaleelka ama u wacayo •Tartiibi markaad ka hormarayso •Ka taxadar kuwa kale ee haya dhabbayaasha Talooyinka Keydinta ee ka Socota Waaxda Dabdemiska Edina •Baaskiilada korontada ku shaqeeya ku dabee guriga dibadiisa – oo marna haku dabayn dariiqa aad ka baxdo •Kaliya isticmaal qalabka lagu dabeeyo ee lagu keenay baaskiilka korontada ku shaqeeyo •Baaskiilada korontada ku shaqeeyo habeenki dabka haku bariisiin •Batariyada ku kaydi meel ka fog albaabada, heerkulka xad-dhaafka ah, iftiinka cadceeda ee tooska ah iyo waxkasta oo holci kara •Marna batariyada ama jaajarada haku tuurin haantaada qashinka ama dib- u-warshadaynta Heerka 1 Heerka 2 Heerka 3 Xawaaraha ugu badan ee la caawiyo 20 mph 20 mph 28 mph Da’da ugu yar ee wataha 15 15 15 Loo Oggol Yahay Dhabbayaasha Beerta Braemar Haa Maya Maya Mootada •Waxaa loo baahan yahay laysinka darawalka oo leh taageerada mootada •Diiwaangalinta baabuurka ayaa loo baahan yahay •Caymis ayaa loo baahan yahay •Looma oggola dhabbayaasha ama dariiqyada baaskiilka Baaskiilada Matoorka ee Wax Laga Beddelay ama Aan La Kala Saarin •Xawaaraha ugu badan ee la caawiyo oo ka badan xwaaraha ugu badan heerka baaskiilka •In ka badan 750 watts •Waxay dhaafaysaa xeerarka kala soocidda baaskiilada korontada ku shaqeeya •Sharci kama noqon karaan gudaha Minnesota iyadoo ay ku xiran tahay qalabka •Looma oggola dhabbayaasha ama dariiqyada baaskiilka •Waxaa looga baahan yahay laysinka darawalka ama oggolaansho gaar ah •Waa inay leeyihiin nalalka, nalalka dambe iyo qalabka kale ee badbaadada Ma ahan Baaskiil Koronto Ku Shaqeeyo Baaskiilka korontada ku shaqeeyo 3Magaalada Edina EdinaMN.gov METRO E Line Waxay Adeegga Baska ‘BRT’ oo Marar Badan Shaqeeya u Keeni Doontaa Edina Dabayaaqada 2025 Khadka Wuxuu Qayb Ahaan Beddeli Doonaa Geeska Wadada Route 6 inta u Dhaxaysa Minneapolis iyo Edina WAXAA QORAY DAVID KATZ Waa ay sahlanaanaysaa in loo safro oo Edina lagu dhexmaro gaadiidka dadweynaha. Metro Transit waxay si xooggan u maalgelinaysaa kaabayaasha ku teedsan France Avenue si adeegga BRT oo la isku hallayn karo u keento ilaa koonfurta ilaa Xarunta Southdale. “BRT waxay u taagan tahay bus rapid transit (gaadiidka baska degdegga ah), waana heer adeeg oo u dhexeeya basaska maxalliga ee caadiga ah iyo tareenka fudud, ama adeegga LRT” ayuu ku sharraxay Qorsheeyaha Gaadiidka Andrew Scipioni. Metro Transit waxay marki ugu horraysay BRT sanadki 2013 ku tijaabisay hareeraraha wadada Interstate Highway 35W inta u dhaxayso Apple Valley iyo Bloomington. Marka ay toos noqoto ka hor dhammaadka sanadkan, METRO E Line waxay noqon doontaa midda shanaad ee ka mid ah shabakadan kobcaysa, taasoo loo saadaalinayo inay ugu danbaynti gaarto 165 mayl guud ahaan darsin khadad ah. “Xarafka ‘E’ ee ku jira E Line uma taagno Edina, sida dadka qaar ay u maleeyaan. Maya, waa midda shanaad xagga kala horraynta; xaqiiqdi inay isku aadaan Edina waa arrin xiiso leh,” Scipioni ayuu yiri. Iyadoo sidaa la sheegay, meeleenteedu ma ahan kama’. E Line wuxuu qayb ahaan beddeli doonaa qaybaha marinka Route 6 ee u dhexeeya Minneapolis iyo Edina, oo ah mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan ee ku yaalla galbeedka metro. Sanadki 2019, waxaa Route 6 maray rakaab gaaraya 8,000 maalin kasta. Sida xeerka guud uu yahay, safarka BRT wuxuu boqolkiiba 25 ka dheereeyaa adeegga basaska ee caadiga ah. Scipioni wuxuu xawaaraha shabakadda uu u aanaynayaa dhowr arrimood, oo ay ku jiraan meelaha la istaago oo kala fog, mudnaanta calaamadaha taraafigga, horay u sii bixinta nawliga iyo albaabada badan ee laga soo galo. Qaabkiisa ugu dambeeya, E Line wuxuu u adeegi doonaa 34 boosteejo, oo mid kasta isu jirta 0.4 mayl, oo ay ku jiraan siddeed ku yaalla Edina. Laga soo bilaabo boosteejadeeda koonfureed ee ku taasha Xarunta Southdale Transit, wadada aadka loo maro ee baska waxay ku joogsan doontaa M Health Fairview Southdale Hospital iyo isgoysyada France Avenue ee West 62nd Street, West 58th Street, West 54th Street, West 50th Street, West 47th Street iyo West 44th Street. Waqooyi laga bilaabo Edina, E Line wuxuu u adeegi doonaa Magaalada kore, magaalada hoose ee Minneapolis iyo Jaamacada Minnesota ka hor inta uusan ku dhammaan Westgate Station, oo ah isgoys Metro Transit oo ku yaallo Saint Paul oo marin u leh khadka tareenka fudud ee METRO. Barta boosteejada waqooyi waxay 13 mayl u jirtaa Xarunta Southdale – oo ah qayb mashquul badan iyo taraag dheer oo baabuur. Scipioni wuxuu aqoon fiican u leeyahay waxyaabaha gaarka ah ee mashruuca. Wuxuu matalay danaha Magaalada Edina sanadki 2018 mar ay Metro Transit iskaashi la lahayd saamilayda aagga ee Daraasadda Marinka E Line. “Waxay noo ahayd muhiim in adeegga BRT uu u hoggaansamo Qorshaha Dhammeystiran ee Magaalada loona sii anba qaado yoolalkeena waxqabadka cimilada.” Marka laga yimaado xawaaraha iyo waaritaanka, Scipioni ayaa sheegay in E Line uu yeelan doono ku habboonaan iyo kharash u roon. “Adeegu wuxuu hawlgali doonaa 10 daqiiqo oo kasta maalinti iyo inta badan galbihi, toddobo maalin toddobaadki.” Iyada oo ay gaaban tahay, wakhtiyada sugitaanka waxay waayo istareex ah ku noqon doonaan laambadaha kulaylka, shaashadaha raadraaca safarka baska xiga, kaamirooyinka ammaanka iyo taleefanada xaaladaha degdegga ah. Rakaabku wuxuu sidoo kale ka faa’iidi doonaa qaab-dhismeedka khidmada kharashka hooseeya ee fudud, kaasoo dhaqangalay Jan. 1. Wixi hadda ka dambeeya, qiimaha koritaanku waa $2 safaradana kharashaadkooda looma kordhin doono saacadaha mashquulka. Raacayaashu waxay sidoo kale iibsan karaan Kaar Maalinta Dhan Lagu Raaco $4 ama ka yar. Dhallinyarada, waayeelada iyo qaatayaasha Medicare waxay uqalmaan qiimo-dhimisyo kale. “Marki la furo, E Line wuxuu caadi u noqon doonaa adeegga gaadiidka ee ugu wanaagsan ee ay Magaaladu leedahay, marka loo eego baaxada safarada iyo adeegyada uu bixiyo,” Scipioni ayuu yiri. Wixi macluumaad dheeraad ah, booqo www.metrotransit.org/e-line-project. E Line Station Construction Timing Construction coordinated with part-ner agency-led project Westgate Station 2025 No University & Malcom 2025 No University & 27th Avenue 2025 No University & Huron-23rd Avenue 2025 No University-4th Street & U of M Rec Center-Ridder Arena 4th Street: substantially complete, University: 2025 Yes University-4th Street & 15th Avenue 4th Street: substantially complete, University: 2025 Yes University-4th Street & 10th/11th Avenue 4th Street: substantially complete, University: 2025 Yes University-4th Street & 6th Avenue 2025 Yes University-4th Street & Central 2025 Yes Hennepin-1st Avenue & 2nd Street Substantially complete Yes Hennepin & Gateway 2025 No Hennepin & 3rd/4th Street Substantially complete No Hennepin & 5th Street Substantially complete No Hennepin & 7th/8th Street Substantially complete No Hennepin & 10th/11th Street Substantially complete No Hennepin & Spruce-Laurel 2025 No Hennepin & Groveland 2025 No Hennepin & Franklin 2025 Yes Hennepin & 25th Street 2025 Yes Uptown Transit Station Substantially complete Yes Hennepin & 33rd Street Substantially complete No Hennepin & 36th Street 2025 No Richfield Road & Bde Maka Ska 2025 No Sheridan & 39th Street 2025 No Sheridan & 43rd Street Substantially complete Yes 44th Street & Abbott Northbound: substantially complete, Southbound: 2025 No France & 44th Street Substantially complete No France & 47th Street Substantially complete No France & 50th Street Substantially complete No France & 54th Street Substantially complete No France & 58th Street Substantially complete No France & 62nd Street 2025 No Southdale Hospital 2025 No Southdale Transit Center 2025 No MISSISSIPPI RIVER LAKEHARRIET BDEMAKASKA Hennepin & 10th/11th StHennepin & 8th StHennepin & 5th StHennepin & 3rd/4th StHennepin & GatewayHennepin–1st Ave& 2nd St NEUniversity–4th St & CentralUniversity–4th St & 6th AveUniversity–4th St & 10th–11th AveUniversity–4th St & 15th AveUniversity–4th St & Rec Center–Ridder ArenaUniversity & Huron–23rd AveUniversity & 27th AveUniversity & MalcolmWestgate StationHennepin & Spruce–LaurelHennepin& Franklin Hennepin &Groveland Hennepin & 25th St Hennepin & 33rd St UptownTransit Station Hennepin & 36th St Richfield Rd &Bde Maka Ska Sheridan &39th St 44th St & Abbott Sheridan & 43rd StFrance &44th St France &47th St France &50th St France &54th St France &58th St France &62nd St SouthdaleHospital SouthdaleTransitCenter Hennepin/1st AveHennepinUn i v e r s i t y / 4 t h S t Un i v e r s i t y France11-07-777830-24 Station construction substantially complete Station to be constructed in 2025 Stations to be constructed in coordination with partner agency-led project METRO E Line Station Construction E Line Station Construction Timing Construction coordinated with part- ner agency-led project Westgate Station 2025 No University & Malcom 2025 No University & 27th Avenue 2025 No University & Huron-23rd Avenue 2025 No University-4th Street & U of M Rec Center-Ridder Arena 4th Street: substantially complete, University: 2025 Yes University-4th Street & 15th Avenue 4th Street: substantially complete, University: 2025 Yes University-4th Street & 10th/11th Avenue 4th Street: substantially complete, University: 2025 Yes University-4th Street & 6th Avenue 2025 Yes University-4th Street & Central 2025 Yes Hennepin-1st Avenue & 2nd Street Substantially complete Yes Hennepin & Gateway 2025 No Hennepin & 3rd/4th Street Substantially complete No Hennepin & 5th Street Substantially complete No Hennepin & 7th/8th Street Substantially complete No Hennepin & 10th/11th Street Substantially complete No Hennepin & Spruce-Laurel 2025 No Hennepin & Groveland 2025 No Hennepin & Franklin 2025 Yes Hennepin & 25th Street 2025 Yes Uptown Transit Station Substantially complete Yes Hennepin & 33rd Street Substantially complete No Hennepin & 36th Street 2025 No Richfield Road & Bde Maka Ska 2025 No Sheridan & 39th Street 2025 No Sheridan & 43rd Street Substantially complete Yes 44th Street & Abbott Northbound: substantially complete, Southbound: 2025 No France & 44th Street Substantially complete No France & 47th Street Substantially complete No France & 50th Street Substantially complete No France & 54th Street Substantially complete No France & 58th Street Substantially complete No France & 62nd Street 2025 No Southdale Hospital 2025 No Southdale Transit Center 2025 No MISSISSIPPI RIVER LAKEHARRIET BDEMAKASKA Hennepin & 10th/11th StHennepin & 8th StHennepin & 5th StHennepin & 3rd/4th StHennepin & GatewayHennepin–1st Ave& 2nd St NEUniversity–4th St & CentralUniversity–4th St & 6th AveUniversity–4th St & 10th–11th AveUniversity–4th St & 15th AveUniversity–4th St & Rec Center–Ridder ArenaUniversity & Huron–23rd AveUniversity & 27th AveUniversity & MalcolmWestgate StationHennepin & Spruce–LaurelHennepin& Franklin Hennepin &Groveland Hennepin & 25th St Hennepin & 33rd St UptownTransit Station Hennepin & 36th St Richfield Rd &Bde Maka Ska Sheridan &39th St 44th St & Abbott Sheridan & 43rd StFrance &44th St France &47th St France &50th St France &54th St France &58th St France &62nd St SouthdaleHospital SouthdaleTransitCenter Hennepin/1st AveHennepinU n i v e r s i t y / 4 t h S t U n i v e r s i t y France11-07-777830-24 Station construction substantially complete Station to be constructed in 2025 Stations to be constructed in coordination with partner agency-led project METRO E Line Station Construction E Line Station Construction Timing Construction coordinated with part- ner agency-led project Westgate Station 2025 No University & Malcom 2025 No University & 27th Avenue 2025 No University & Huron-23rd Avenue 2025 No University-4th Street & U of M Rec Center-Ridder Arena 4th Street: substantially complete, University: 2025 Yes University-4th Street & 15th Avenue 4th Street: substantially complete, University: 2025 Yes University-4th Street & 10th/11th Avenue 4th Street: substantially complete, University: 2025 Yes University-4th Street & 6th Avenue 2025 Yes University-4th Street & Central 2025 Yes Hennepin-1st Avenue & 2nd Street Substantially complete Yes Hennepin & Gateway 2025 No Hennepin & 3rd/4th Street Substantially complete No Hennepin & 5th Street Substantially complete No Hennepin & 7th/8th Street Substantially complete No Hennepin & 10th/11th Street Substantially complete No Hennepin & Spruce-Laurel 2025 No Hennepin & Groveland 2025 No Hennepin & Franklin 2025 Yes Hennepin & 25th Street 2025 Yes Uptown Transit Station Substantially complete Yes Hennepin & 33rd Street Substantially complete No Hennepin & 36th Street 2025 No Richfield Road & Bde Maka Ska 2025 No Sheridan & 39th Street 2025 No Sheridan & 43rd Street Substantially complete Yes 44th Street & Abbott Northbound: substantially complete, Southbound: 2025 No France & 44th Street Substantially complete No France & 47th Street Substantially complete No France & 50th Street Substantially complete No France & 54th Street Substantially complete No France & 58th Street Substantially complete No France & 62nd Street 2025 No Southdale Hospital 2025 No Southdale Transit Center 2025 No MISSISSIPPI RIVER LAKEHARRIET BDEMAKASKA Hennepin & 10th/11th StHennepin & 8th StHennepin & 5th StHennepin & 3rd/4th StHennepin & GatewayHennepin–1st Ave& 2nd St NEUniversity–4th St & CentralUniversity–4th St & 6th AveUniversity–4th St & 10th–11th AveUniversity–4th St & 15th AveUniversity–4th St & Rec Center–Ridder ArenaUniversity & Huron–23rd AveUniversity & 27th AveUniversity & MalcolmWestgate StationHennepin & Spruce–LaurelHennepin& Franklin Hennepin &Groveland Hennepin & 25th St Hennepin & 33rd St UptownTransit Station Hennepin & 36th St Richfield Rd &Bde Maka Ska Sheridan &39th St 44th St & Abbott Sheridan & 43rd StFrance &44th St France &47th St France &50th St France &54th St France &58th St France &62nd St SouthdaleHospital SouthdaleTransitCenter Hennepin/1st AveHennepinU n i v e r s i t y / 4 t h S t Un i v e r s i t y France11-07-777830-24 Station construction substantially complete Station to be constructed in 2025 Stations to be constructed in coordination with partner agency-led project METRO E Line Station Construction (Sawirka la soo gudbiyey) 4 Barnaamijka Minnesota GreenStep Cities & Tribal Nations waa barnaamij xujo, kaalmo iyo aqoonsi ikhtiyaari ah si gacan looga gaysto inay bulshooyinku gaaraan yoolalkooda waaritaanka iyo tayada nolosha. Barnaamijkan horumarinta bilaashka, joogtadana ah wuxuu ku salaysan yahay liiska 29 habdhaqan ee ugu wanaagsan ee ikhtiyaariga ah. Tallaabooyinkaan ikhtiyaariga ah ee loogu talagalay Minnesota, waxay diirada saaraan tashiilka kharashaadka iyo dhimista isticmaalka tamarta waxayna dhiirigeliyaan hal-abuurka rayidka. Bishi Abriil, Qaybta Waaritaanka waxay dhammeystirtay gudbinta 2024 ee Magaalada si ay u sii haysato qiimeynteeda Step 5 GreenStep Cities, iyada oo heshay horumaro la taaban karo oo ka badan 2022. TIROOYIN AHAAN Xujada GreenStep Cities 1.1 milyan Iyadoo ay ugu wacan tahay casriyaynta tashiilka sida nidaamyada otomaatiga dhismayaasha ee cusub, Magaalada waxay isticmaashay inti hore in ka yar 1.1 milyan kilowatt saacado oo koronto ah tan iyo 2022, taasoo badbaadisay in ka badan $185,000 sanadki 2024. 37,000 gallons Iyadoo ay ugu wacan yihiin qaadashada baabuurta korontada iyo siyaasadaha kale ee raxanta cagaaran, yaraansho 22,000 gallons oo gasoline ah iyo yaraansho 15,000gallons oo nafto ah ayaa loogu baahday raxanta Magaalada sanadki 2024 marka loo barbardhigo sanadki 2022, taasoo badbaadisay ku dhawaad $132,000 oo kharashaadka shidaalka ah. Tan iyo 2022, Magaalada waxay abuurtay 2,358 geed, kuwaasoo in ka badan $90,000 ku bixin doona caafimaadka sanadlaha ah iyo tashiilka tamarta iyo dheefaha qiimaha inta ay qaangaarayaan. 2,358 dhirta - WAXAA SOO URURIYAY MATTHEW GABB Magaalada Ayaa Bilowday Qorshaha Shaqada in Si Nabad Ah Loogu Socdo, Baaskiil Loogu Wato oo Aaladaha Lagu Riixdo Guud Ahaan Magaalada Edina Qorshe-Hawleedka Isu-socodka Ammaanka Ah ee Loo Siman Yahay oo La Dhammeystirayo Sanadkan falanqaynta badbaadada halka Humanize MN ay kala talinayso sinnaanta gacana ka gaysanayso hoggaaminta kaqaybgalka bulshada. Laga bilaabo bisha May, Magaaladu waxay yeelan doontaa baro laga helo xogaha dhacdooyinka bulsho ee kala duwan, ayuu yiri Qorsheeyaha Gaadiidka Andrew Scipioni. Baraha xogta ee muddada gaaban ka raadi: •Maalinta Baabuurta Edina lagu qabanayo Xarunta Southdale, 10 a.m.-duhurki Sabti, May 3 •Edina Rides oo ka bilaabmaysa Southdale YMCA, Sabti, May 17 •Suuqa Beeralayda Centennial Lakes, 3-7 p.m. Khamiisaha laga bilaabo Juun 5 Iyo dhacdooyinka kale, sidi loo qorsheeyo, saamarkan. Hannaanka Dib-u-eegista SEMAP Magaalada iyo shuraakadeeda waxay falanqaynayaan mugga taraafigga iyo xogta shilalka, iyo sidoo kale sahlanaanta safarka lagu marayo Edina haddii ay ahaan lahayd lug, baaskiil, gaari ama adeegsiga gaadiidka dadweynaha. Hal natiijo oo ay Magaaladu ku ogaatay adeegsiga SS4A waa in 14% ka mid ah shilalka ka dhaca Edina ay ku lug leeyihiin dadka lugaynaya iyo baaskiilayda. Xogta tirakoobka, isbeddellada dadweynaha iyo khariidadaha waxay bixin doonaan aragtiyo muhiim ah, oo ay wehliso talada dadweynaha. Hal tusaale: Alliant waxay baartay aagga bariga Minnesota Highway 100 iyo koonfurta Minnesota Highway 62. Dadka deggan aaggan waxay aad ugu tiirsan yihiin socodka, baaskiil wadista iyo adeegsiga gaadiidka dadweynaha: 11% oo ka mid ah qoysaska waxaysan marin-u-haysan baabuurta halka 33% ka mid ah dadka deegaanka ay jiraan 65 sano ama ka wayn. Baabuurta badan, xawaaraha sare iyo meelaha laga gudbo ee afar- iyo-lixda seed ah ee ku yaalla koonfur-beri Edina waxay isgoysyada laga gudbo ka dhigaan kuwo khatar ah oo adag, gaar ahaan adeegsadayaasha aadka u nugul, Alliant ayay xustay. Xalalka lagu bixiyay qorshaha SEMAP waxay u badan tahay inay ku jiraan talooyinka siyaasadda iyo mashaariicda kaabayaasha kuwaas oo ka dhigi doona safarka Edina mid ammaan u ah dhammaan isticmaalayaasha. Jadwallo adag ayaa weli la dejinayaa, laakiin qorshaha SEMAP waxaa la filayaa in la soo gabagabeeyo dayrta. Si aad u hesho xogta xaalada mashruuca ee hadda iyo sida dadweynaha ay uga qaybqaadan karaan, booqo BetterTogetherEdina.org. – WAXAA ISKU SOO URURIYAY KATY KOCH CAMPBELL Dadka deggan Edina waxay wax ka ogaan karaan oo ay jawaab ka bixin karaan badbaadada baaskiilka, lugaynta iyo gaari ku wadista wadooyinka Edina, inta ay Magaaladu ka dajinayso qorshe cusub, oo gaadiid oona dhammeystiran. Qorshe-hawleedka isu-Socodka Badbaadada ah Loona Siman Yahay (SEMAP) wuxuu aqoonsan doonaa xeeladaha lagu dhimayo shilalka halista ah iyo kuwa khatarta ah ee ka dhaca waddooyinka magaalada dhexdeeda, isagoo hagaajin doona badbaadada dhammaan noocyada gaadiidka. Qorshaha waxaa laga maalgelinayaa deeq federaal ah oo dhan $200,000 oo laga helay barnaamijka Dariiqyo iyo Waddooyin Ammaan u ah Qofkasta (SS4A), oo lagu dhafay $50,000 oo lacago celinta la isla ekeysiinayo ah oo ka socota Waaxda Gaadiidka ee Minnesota. Qorshaha SEMAP wuxuu waxyaabaha ka midka ah Waddooyinka Nool ee Magaalada, Waddooyinka Firfircoon ku dari doonaa qorshayaasha guud ee Dugsiyada, iyo Dhabbayaasha Dadka Lugeeya iyo Baaskiilada. Alliant Engineering waa qandaraaslaha hoggaaminaya, iyadoo qandaraas- hoosaadlayaasha Toole Design ay hoggaaminayaan 5Magaalada Edina EdinaMN.gov Shaqaalaha Magaalada, Guddoomiyaha ‘Ayaa Ka Shaqaynaya’ Nolol Aad u Waarta Beddelista Caadooyinka Maalinlaha ah Waxay u Faa’iidayn Karaan Jeebkaaga Waxayna Hoos u Dhigi Karaan Siidaynta Kaarboonka Ma la yaaban tahay sida loogu noolaado xoogaa cagaar badan? Shaqaalahaan Magaalada iyo Guddoomiyaha Qorsheynaya waxay ku socdaan (baaskiilna ku wadaan!) hadalka—iyagoo samaynaya doorashooyin maalinle ah oo isku noqonayo saameyn weyn, oo caawinaya dhimista qiiqa gaaska hawada sare iyo gaarista yoolalka cimilada. Meriwether Felt Nakhshadeeyaha iyo Guddoomiyaha Qorshaynta Magaalada Edina Tallaabada safarka waaritaanka: Baaskiilka korontada ku shaqeeya (bilaha cimilada caadiga ah) Waxay ka safartaa: Edina Maxaa kugu kallifay inaad qaadato baaskiilka korontada ku shaqeeya? Waxaan qaatay baaskiilka korontada ku shaqeeya marki gabadhayda ay heshay shaqadeedi ugu horraysay iyadoo 16 sano jirto. Waxay u baahnayd baabuur oo in badan oo ka mid ah shaqadayda nakhshadeeye ahaan waa mid aad maxalli u ah. Marka waxaan go’aansaday inaan xiro duleelkaas waxaana baadi goobay sida lagu heli karo baabuur iyo baaskiilka korontada ku shaqeeya. Marki iigu horraysay ee aan imaado guriga macmiilkayga anoo saaran baaskiilkayga korontada ku shaqeeya iyadoo ay ii xiran tahay koofidayda, anoo xiran dhar caadi ah oo qorshayaashu iisaaran yihiin xagga dambe ee baaskiilka, waxaan ahaa sidi, “Hagaag, waxay u malayni midood inaan si kale ahay, ama waa ay taageeri doonaan gebi ahaan.” Aad bay u farxeen, waxayna bilaabeen inay sacbiyaan! Maxaad u dooratay inaad baaskiil koronto ku shaqeeyo wadato?? Waxaan jeclahay inaan caafimaadsanaado oo dibedda u baxo. Marki aad wax samayso, wax badan ayaad arki. Hadda oo aan helay baaskiilkayga korontada ku shaqeeya, waxaan la hadlaa dad kale oo badan kuwaasoo haysta baaskiilada korontada ku shaqeeyo waxaana kala hadlaa sidi ay u isticmaali lahaayeen. Waxaan arkay aabe ilmihiisa iskuulka ku keenaya baaskiil koronto ku shaqeeya oo uu isjiid ku jiidiyo. Waxbadan ayaad ka og tahay waxaana waxbadan ka bartay bulshada oo ah dadka ku dhex jira. Maxaa kale oo aad rabtaa in dadku ay ka ogaadaan baaskiilada korontada ku shaqeeya? Waxay ila tahay inay cabsi noqon karto marka dadku ay bilaabaan inay ka fakaraan sidi ay u beddeli lahaayeen noloshooda. Kaliya qaad tallaabooyinka macnaha kuugu fadhiya, iyo haddii ay ku habboon tahay noloshaada. Ma jiraan wax ay tahay inaad sameyso, hadiiba aad doorato aag, ka fakar oo isku-day inaad noloshaada uga shaqaysiisid. Nick Donahue Sarkaalka Ka-Qaybgalka Bulshada ee Waaxda Booliska Edina Tallaabada safarka waaritaanka: Gaadiidka korontada ku shaqeeya Wuxuu ka safraa: Faribault Muddo intee le’eg ayaad haysatay gaarigaaga? Tan iyo Juulaay 2021. Sidee ayay wadashada gaari koronto ku shaqeeyo si togan ugu saamaysaa noloshaada? Gaarigayga EV wuxuu si togan u saameeyay noloshayda dhammaan hababka badbaadada ee gaariga. Wuxuu awoodaa inuu sheego waddooyinka sibibixa ah xilliga qaboobaha uuna ii digo inta aysan wax xun igu dhicin. Wuxuu si otomaatig ah u yarayni xawaaraha si uu u xaqiijiyo in aanan lumin xakamaynta. Habka is-wadida wuxuu xoogga saaraa inaad wadada isha ku haysid adigoo isticmaalaya kaamirado ku jiro shirka baabuurka. Ma jiraa wax kale oo gaar ah oo aad rabto dadku inay ka ogaadaan baabuurta korontada ku shaqeeya? Bilaha qaboobaha waxay noqon karaan caqabad iyada oo ay ugu wacan tahay heerkulka qabow. Taasi ayaa ah dhalleecaynta kaliya ee aan hadda u hayo baabuurta EV. Ross Bintner Maareeyaha Adeegyada Injineerinka ee Magaalada Edina Tallaabada safarka waaritaanka: Gaadiidka Korontada Ku Shaqeeya (EV) Wuxuu ka safraa: Eagan Muddo intee le’eg ayaad haysatay gaarigaaga? Tan iyo 2018. Qoyskaygu waa kuwo si buuxdo koronto u isticmaalo oo haysto saddex baabuur oo EV ah, mid kasta hal ayuu leeyahay aniga iyo xaaskayga, midna waxaa leh labo dhalinyaro oo darawallo ah. Sidee ayay wadashada gaari koronto ku shaqeeyo si togan ugu saamaysaa noloshaada? Tashiilka kharashka ayaa ahaa faa’iidada ugu badan. Waxaan badbaadsaday in ka badan $10,000 oo gaas ku bixi lahaa iyo ku dhawaad $1,000 oo olyo beddelka ku bixi lahaa. Waxaan sidoo kale jeclahay wadashada habsamida ah iyo aamusnaanta leh iyo dardargelinta degdegga ah. Ma jiraa wax kale oo gaar ah oo aad rabto dadku inay ka ogaadaan baabuurta korontada ku shaqeeya? Haddii aad suuqa ugu jirto inaad beddesho gaari, sii wad inaad dib u hubiso tignoolajiyadda EV sababtoo ah degdeg ayay isu badbadalaysaa. Haddii aad xiisaynayso, tijaabi jiilki ugu cusbaa ee baabuurta korontada ku shaqeeya iyo SUV-yada yaryar. Waxay ila tahay inaad arki doontid inay cajiib yihiin guud ahaan. Matthew Gabb Khabiirka Waaritaanka ee Magaalada Edina Tallaabada safarka waaritaanka: Gaadiidka dadweynaha Waxay ka safartaa: Koonfurta Minneapolis Imisa jeer ayaad bas u raacdaa shaqada? Ma lihi gaari, marka waxaan raacaa baska wakhti kasta oo aan shaqada aadayo, haddii uu yahay xafiiskayga Waaxda Hawlaha Guud ama kulamada Hoolka Magaalada. Sidee ayuu raacitaanka gaadiidka dadweynaha si togan ugu saameeyaa noloshaada? Arrinta wayn ayaa ah inaan badbaadsado boqolaal doolar bishi anigoo bixinaynin shidaal, caymis, baakin ama samaynta baabuurka. Ma ahan inaan isha ku hayo wadada, marka waxaan akhrisan karaa buug, farriimo u diri karaa saaxiibada ama wax kasta oo aan rabo. Ma jiraa wax kale oo gaar ah oo aad rabto dadku inay ka ogaadaan raacitaanka gaadiidka dadweynaha? Waan jeclahay gaadiidka, balse waxay noqon kartaa cabsi marka hore waxaana jira shuruuc badan oo aan qornayn. Darawallada basaska ee Magaalooyinka Mataanaha, yeelkadoode, waa akhyaarta ugu naxariista badan waxayna had iyo jeer diyaar u yihiin inay ka jawaabaan wixi su’aala ah si ay kaaga caawiyaan inaad aado halki aad rabtay. Waayahan, Metro Transit waxay xitaa fududaysay inaad raacdo raacitaankaaga ugu horreeya ee baska ama tareenka fudud iyagoo hoos u dhigaya nawliga oo dhammaan adeegsadayaasha siinaya koonto lagu iibsado aabka qorshaynta safarka ee Transit (www.transitapp.com). Aabka Transit kaliya ma lahan jadwallada basaska iyo waddooyinka, wuxuu sidoo kale ku tusayaa wakhtiga dhabta ah ee basaska kuu dhow iyo xulashooyin badan oo aad ku tagto meesha aad u socoto – xitaa safaro leh socod, baaskiil ama gaari kaxayn! Waxaan rajaynayaa in akhyaar badan oo ku nool Edina ay dareemaan awood ay ku raacaan baska, sababtoo ah xitaa hal safar oo aad ka beddelato gaariga oo aad raacdo gaadiidka dadweynaha waxay si weyn hoos ugu dhigi kartaa raadkaaga kaarboonka. Ma ku dhiirigeliyeen sheekooyinkooda? Ka fakar sidi aad waaritaan dheeraad ah ugu dari karto hawl-maalmeedkaaga. Xitaa isbeddelada yaryari—sida raacitaanka baska halmar toddobaadki ama inaad gaariga ku beddelato baaskiil masaafada gaaban—waxay isbeddel wayn u keeni kartaa yaraynta raadkaaga kaarboonka. – WAXAA ISKU DUBARIDAY LAUREN SIEBENALER 6 Magaalada oo Ka Fakaraysa inay Adeegyada Qiimaynta Ku Wareejiso Hennepin County Golaha Magaalada Ayaa Ka Fakaraya Heshiis Suuragal ah bisha Juun Si loo yareeyo kharashgaraynta loona sahlo culayska canshuur soo rogista guryaha ee dawlada hoose, Golaha Deegaanka Edina kulankoodi Abriil 16 waxay shaqaalaha fareen inay diyaariyaan heshiis adeegyada qiimaynta loogu wareejiyo Hennepin County. Haddii la hirgeliyo 2026, isbeddelku wuxuu kharashgaraynta Magaalada ka dhimi doonaa qiyaasti $500,000 sanadkaas—iyo $1 milyan sanadki laga bilaabo 2027. Maxaa ay qabataa Qaybta Qiimaynta ee Magaalada Edina? Qaybta Qiimaynta, oo ay ku jiraan toddobo shaqaale oo wakhti buuxa shaqeeya, waxay dejisaa qiyaasta qiimaha suuqa waxayna go’aamisaa kala sooca guryaha ee guri kasta oo ku yaallo Edina sanad kasta si loo qoondeeyo canshuurta guryaha. Hababkani waxay ku salaysan yihiin xeerarka Minnesota ee waafaqsan Waaxda Canshuuraha ee Minnesota. Qaybtu waxa ay sidoo kale xifdisaa diiwaanada guryaha; waxay samaysaa dib-u-eegisyada guryaha ee sanadlaha ah; waxay samaysaa dib-u-eegisyada guryaha oo ku salaysan oggolaanshiyaasha dhismaha iyo dhismayaasha cusub; waxay maamushaa nidaamka racfaanka, oo ay ku jiraan Guddiga Racfaanka & Sinaanta; waxayna Degmada Hennepin kala shaqaysaa barnaamijyada la xiriira qiimaynta hantida iyo kala sooca. Waa maxay adeegyada qiimaynta ee ay Hennepin County horay u siinaysay dadka deggan Edina? Degmadu waxay ururisaa canshuuraha waxayna hadda maamushaa guryaha iyo barnaamijyada la xiriira ee dhammaan magaalooyinka ku yaalla county-ga. Waa kuwee magaalooyinka kale ee ay Hennepin County siiso adeegyada qiimaynta buuxda? County-gu wuxuu hadda adeegyo qiimayn ah siiyaa dhammaan magaalooyinka Hennepin County marka laga reebo Bloomington, Brooklyn Park, Edina, Eden Prairie, Maple Grove, Minneapolis, Minnetonka iyo St. Louis Park. County-ga wuxuu sidoo kale adeegyo siiyaa Fort Snelling iyo Minneapolis-St. Paul International Airport. Adeegyada qiimaynta miyaa ay bilaash mustaqbalka u noqon doonaan dadka deggan Edina? Maya. Inkastoo County-gu uusan adeegyada lacag kaga qaadi doonin Magaalada Edina, kharashkooda waxaa lagu dhisi doonaa canshuurta hantida maguurtada ee County-ga. Intaa waxaa dheer, sida ku cad Heshiiska Awoodaha Wadajirka ee qabyada ah, Magaaladu waxay u baahan doontaa inay ilaaliso Nidaamka Xogta Hantida ee hadda jira ilaa taariikhda mustaqbalka la isku raacayo. (County-ga wuxuu dhisayaa nidaam cusub.) Maareynta qiimaynta gaarka ah qayb kama ahan adeegyada qiimaynta ah ee County-ga. Magaaladu waxay weli u baahnaan doontaa inay iska bixiso kharashka qiimaynta gaarka ah ee shatiga softiweerka oo xubin shaqaalaha ka mid ah ayaa loo baahan doonaa inuu maamulo nidaamka. Qiyaasti boqolkiiba waa imisa canshuur soo rogista County-ga ee loogu talagalay adeegyada qiimaynta? Canshuur soo rogista county-ga oo dhan ah ee 2025 waxay gaartay ku dhawaad $1.046 bilyan. Tani waxay 5.2% ka badnayd canshuur soo rogisti 2024, ama koror gaaraya $54.5 milyan. Wadarta miisaaniyadda Xafiiska Qiimeeyaha Hennepin County ayaa ah $10.5 milyan sanadka 2025. Ku dhawaad bar ka mid ah miisaaniyadan waxaa lagu fulinayaa waajibaadka qaanuunka ee Qiimeeyaha County-ga, inta soo hartayna waxaa lagu fulinayaa adeegyada qiimeynta iyagoo matalaya 37 magaalo. Saamaynta canshuurta guryaha ee fulinta adeegyada qiimaynta maxalliga ee 37-ka magaalo waa ay ka yar tahay saamiga 0.5% ah ee canshuur soo rogista county-ga oo dhan ee 2025. Sidee ayay canshuur soo rogista County-ga u beddeli kartaa inay shaqadan ka qaadato Edina? Canshuur soo rogista County-ga waxay badalaysaa qadarka loogu baahan yahay in shaqaale lagu keeno waaxda si ay si guul ah ugu qabtaan shaqooyinka qiimaynta. Shaqooyinka qiimaynta ee Xafiiska Qiimeeyaha County-ga waxaa ka mid ah hawlaha uu u baahan yahay qaanuunka iyo sidoo kale hawlaha gacan ka gaysanaya qanacsanaanta macmiilka iyo ka jawaabista, kuwaas oo ay ku jiri karaan dadaalada ka qayb qaadashada canshuur bixiyayaasha, tababarka shaqaalaha iyo hubinta qoondaynta ku haboon ee kheyraadka. County-ga wuxuu ku qiyaasayaa in qaadashada adeegyada qiimaynta maxalliga ee Edina ay ugu kici doonto County-ga ku dhawaad $1 milyan sanadki marka loo eego kharashaadka 2025. Saamaynta la qiyaasay ee ay ku yeelanayso canshuurta county-ga oo dhan ee ka qaadashada shaqadan Edina waa 0.1% ama ka yar oo ka mid ah canshuur ku rogista hantida ma guurtada ah ee County-ga. Si waaqaca loogu daro tiradan, kororka qiimaha nolosha ee county-ga oo dhan ee shaqaalaha ayaa lagu wada xaajooday 4% sanadka 2026, taasoo keeni doonta inuu kharashka ku kordho County-ga oo dhan ku dhawaad $40 milyan. Waa maxay faa’iidooyinka, haddiiba ay jiraan, ay dadka deggan Edina ku waayi doonaan wareejinta? Magaaladu waxay wareejinaysaa maamulka maxalliga ah tayadana saamayn ayaa soo gaari karta. Qaybta Qiimaynaysa waxay adeegsataa Nidaam Xogta Hantida ah oo aad isugu dhafan oo ku xira codsiyada kale ee Magaalada, sida oggolaanshaha, wax ka qabashada hantida ma guurtada ah, qiimeynta gaarka ah iyo nidaamyada GIS. Isku dhafkani wuxuu xoojinayaa hufnaanta, wuxuu yareeyaa khaladaadka wuxuuna aragti guud ka bixiyaa xogta guryaha. U wareejinta County-ga waxay carqaladayn kartaa faa’iidooyinkaan waxayna abuuri kartaa inay xoogaa xog ah ay lunto. Si kastaba ha noqotee, qorshaha kala guurka iyo wakhtiga, xafiiska Maareeyaha Magaaladu waxa uu aaminsan yahay in saamaynta la yarayn karo. Qaybtu waxay sidoo kale bixisaa adeegyo ku habboon sida Warbixinta Qiimaynta Sanadlaha ah, maaraynta qiimaynta gaarka ah, iyo ururinta, macluumaadka xaaladaha miisaaniyadda iyo codsiyada xogta gaarka ah ee waaxyaha kala duwan. Goorma ayay wareejintu dhacaysaa? Faahfaahinta dhabta ah weli lama go’aamin. Dhowrka toddobaad ee soo socdo, Maareeyaha Magaalada Scott Neal wuxuu County-ga kala shaqayn doonaa inuu diyaariyo heshiis ku saabsan kala guurka. Heshiiska waxaa si qabyo ah loogu qorsheeyay in Golaha Magaalada ku eegaan kulanooda Juun 2. Hawlaha kale bishii hore, Golahu: •Waxay wax ka beddeleen sharci looga baahanayo isticmaalayaasha baaskiilka korontada ku shaqeeyo ee da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 17 inay xirtaan koofiyadaha difaaca madaxa. •Waxay ansixiyeen soojeedinta dib- u-horumarinta Hennepin County ee Maktabadda Southdale ee ku taasha 7001 York Ave. Dhismaha cusub waxaa ku jiri doona meel loogu talagalay Xarunta Farshaxanka Edina. •Waxay ansixiyeen xeer sharciyo cusub u dejinaya ganacsiyada ku lugta leh tarmidda iyo u iibinta xoolaha sidii xawayaano rabaayad ah. Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xigtaa 7 p.m. May 6 iyo 20. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. - WAXA SOO URURISAY JENNIFER BENNEROTTE 7Magaalada Edina EdinaMN.gov 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov8 Ku dhawaad 100 qof oo dadka deegaanka ah ayaa wakhtigooda ugu deeqa sanad kasta sidii ay uga mid noqon lahaayeen sagaalka Guddi ee la-talinta iyo Golayaasha ee Magaalada. Kooxahani waxay Golaha Deegaanka kala taliyaan mashaariic fara badan iyo, mararka qaar, waxay talooyin u soojeediyaan Golaha Deegaanka. Golayaashu waxay kaloo leeyihiin qorshayaal shaqo oo ay ku jiraan mashaariic iyaga u gaar ah si ay u horumariyaan Edina. Guddi kasta waxaa ku jira labo arday kuwaas oo sida caadiga ah ardayda fasalada kore ama fasalada hoose ee dugsiga sare. Xubnaha guddiga iyo waqtiyada shirarka caadiga ah ayaa hoos ku qoran. Kulamadu waxay u furan yihiin dadweynaha. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Guddida iyo Golayaasha ama qorshayaashooda shaqo, booqo EdinaMN.gov/Commissions ama Maareeyaha Mashaariicda Gaarka iyo Hawlgelinta MJ Lamon kala xiriir MLamon@EdinaMN.gov ama 952-826-0360. * Guddiga Ardayda. Magaaladu waxay qabanaysaa codsiyada Golayaasha Ardayda oo muddo xileedkoodu bilaabmayo Sibteembar 1. Ardaydu waa inay ka codsadaan EdinaMN.gov/Volunteer kahor bisha May 11. Wareysiyada waxaa la qaban doonaa bisha Juun iyadoo ballamaha ay Golaha Deegaanku muddeyn doonaan bisha Juulaay. Guddiga Farshaxanka & Dhaqanka 4:30 p.m. Khamiista afaraad ee bisha Caroline Byrd Ann Curtin Alyssa Fram Jignasha Pandya Anna Schenk* Tim Scully Maxine Steinberg Brian Stemmler Laura Westlund (Guddoomiye) Alana Zbaren, (Guddoomiye Ku Xigeen) Gudiga Rafcaanka & Sinnaanta Waxay kulmaan laba jeer bisha Abriil ee sannad kasta Katie Broich Kayla Gibbons Bob MacPhail Scott Roti Sean Walker Guddiga Caafimaadka Bulshada 6:30 p.m. Isniinta labaad ee bisha Mary Absolon Megan D’Orazio Aditi Gandhi* Matt Giljahn Ron Jarvi Jr. Anoushka Jha* Andrea Leszko Nick Mattison (Guddoomiye) Tracy Nelson (Guddoomiye Ku Xigeen) Andrea Patineau Brenna Smithson Gudiga Rafcaanka Dhismaha Waxay u kulmaan sidii loogu baahdo Alex Conzemius Ryan Holten Dave Schneider Dave Solohub Austin Wagner Guddiga Tamarta & Deegaanka 7 p.m. Khamiista afaraad ee bisha Brooke Bartholomew Ukasha Dakane John Haugen (Guddoomiye Ku Xigeen) Angela Langsweirdt* Cory Lukens (Guddoomiye) Hilda Martinez Salgado Stephen Schima Anushka Srivastav* Tom Tessman Eric Walker LeAnn Weber Guddiga Ilaalinta Hidaha 7 p.m. Talaadada labaad ee bisha Kaelie Breiter Bob Cundy Tommy Everson (Guddoomiye) Theresa Farrell-Strauss Shawn Jarvinen Devon Nickels Brad Olson Katie Pope (Guddoomiye Ku Xigeen) Kristina Waggoner Guddiga Beeraha Nasiinada & Tamashleynta 7 p.m. Khamiista afaraad ee bisha Tyler Bye Emma Eilertson* Chris Garazatua Peter Hulbert Bob Kane (Guddoomiye Ku Xigeen) Joseph Luangrath Jamie Pfuhl (Guddoomiye) Sulayman Syed* Bryce Weaver Ericka Welsh Leah Wick Guddiyada La talinta & Golayaasha Magaalada Edina Guddiga Qorshaynta 7 p.m. Arbacada labaad iyo afaraad ee bisha David Alkire (Guddoomiye Ku Xigeen) Jimmy Bennett (Guddoomiye) Will Bornstein Ryan Daye Meriwether Felt Clare Hahneman Aditi Jha* Ben Joncas* Paul Nelson Bonnie Padilla Quincy Smith Guddiga Gaadiidka 6 p.m. Khamiista saddexaad ee bisha Roger Bildsten Chris Brown (Guddoomiye Ku Xigeen) Augie Lassig* Andy Lewis (Guddoomiye) Bethany Olson Adam Rosen Tricia Rubenstein Noah Trueger Joan White Grant Wright