Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_June-2025_Somali-WebGuriga Boos’ Cabin Ayaa La Guddoonsiiyay Abaalmarinta Dhaxal-reebka ee 2025 Dhalinyaro Ree Parkwood Knolls ah Ayaa Magacaabay Guriga Geedaha Ka Samaysan ee La Badbaadiyay ee La Dhisay 1932 WAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER Yaa yiri waa in aad aadaa waqooyi si aad u soo aragto guriga geedaha ka samaysan? Ku dangiiga bartamaha Edina, Jim iyo Mary Frey waxay haystaan hal wax oo sax ah oo u dhexyaalla daaradooda — balse ma ahan geedo iska caadi ah. Gurigan geedaha ka samaysan qiyaasti waa 700 oo fiit oo laba jibbaaran wuxuuna ku yaallaa gadaasha dambe ee gurigooda ee ku yaalla 5017 Oak Bend Lane. Waxaa loo bixiyay “Boos’ Cabin” oo loogu magac daray dhakhtar ilkaha oo deegaanka ah oo la yiraahdo Dr. Ralph Boos. Guriga ka samaysan geedaha waxaa la dhisay 1932 oo uu dhisay farsamo-yaqaan Dhaladka Maraykanka ah. “Waa shaqo farshaxan mana ahan kaliya guri geed ka samaysan oo iska caadi ah,” ayuu yiri Jim Frey. “Ma jirin musmaaro, ma jirin shamiito; geedaha oo dhan si fiican ayay isugu toosan yihiin. Waa shaqo un cajiib ah, mana hubo in ay jiraan dad badan oo nool oo maanta waxaas dhisi kara.” Inti uu ku korayay Edina, Jim Frey wuxuu yaqaanay sooyaalka guriga Boos’ cabin, kaas oo ku yaallay meel ka baxsan Waddada Blake wakhtigaas. Sanadki 1995, guriga Boos ee 10- ka akar ku dhow ayaa la iib geeyay lana kala qaybiyay. Jim Frey wuxuu go’aansaday inuu dhul ugu iibsado gurigiisa mustaqbalka lana gorgortamo mulkiilaha booska si uu u haysto oo uu u rarto guriga geedaha ka samaysan, oo la rabay in la dumiyo si looga dhiso dhismo cusub. Frey waa qareen wuxuuna ka shaqeeyay heshiiska si uu u iibsado oo uu guriga geedaha ka samaysan ugu rarto booskiisa. Qofka 13-ka sano deriska la ahaa Frey, Elise Matney, ayaa xiiso u qaaday guriga Boos’ Cabin ku dhawaad 30 sano kadib. Matney waxay sahmiye iyo qoraa u tahay wargeyska Stroll, oo ah wargeys ka soo baxa Xaafada Parkwood Knolls. Waxay u kuurgashay taariikhda guriga geedaha ka samaysan waxayna maqaal ku daabacday wargayska Stroll bishi Sibteembar 2024. “Mary iyo Jim Frey ayaa ibaray guri cajiib ah oo qarsoon—guri yar oo geedo ka samaysan oo keyn ku dhex yaallo. Guriga geedaha ka samaysan wuxuu isla markiiba soo jiitay indhahayga iyadoona ree Frey si gobonimo leh iigu oggolaadeen in aan sahmiyo oo aan la wadaago saaxiibada ila daggan xaafada,” ayay tiri Elise. “Waxaan jeclaaday bilicdiisa gaarka ah iyo taariikhdiisa hodanka ah. Waxaa aad iila qumanaatay in aan hantidan maxalliga ah sida gurigan ka samaysan geedaha la wadaago bulshada anigoo ugu gudbinayo qoraal iyo warbixin. Waxaan sidoo kale bartay muhiimada ay leedahay u ol-ololaynta dadaalada ilaalinta ee goobahaan gaarka ah ka dhigaya kuwo nool, furan oo ay ka buuxdo xusuus saaxiibada iyo qoysaska ay ku raaxaystaan maanta.” Matney waxay maqashay Abaalmarinta Dhaxal- reebka waxayna magaca guriga geedaha ka samaysan ku gudbisay xogta baarista ee maqaalkeeda. Horraanti bishi May, ree Frey waxaa la ogaysiiyay in loo doortay hanashada Abaalmarinta Dhaxal-reebka oo ay u doorteen Guddiga Ilaalinta Dhaxalka. “Duni ay ka buuxaan dhismayaal casri ah, dhismo cusub iyo nakhshado casri ah, guriga Boos’ Cabin wuxuu haystaa bilic gaar ah,” ayay tiri Katie Pope, Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Ilaalinta Dhaxalka. “Doorashada sanadkan ee Abaalmarinta Dhaxal-reebka waxay shaaca ka qaadaysaa muhiimada ay leedahay ilaalinta hantidaan. Guriga Boos’ Cabin wuxuu xusuusin u yahay sooyaalka, farsamada gacanta iyo bulshada, taasoo ka dhigaysa mid mudan in la aqoonsado oo la ilaaliyo.” Guriga Boos’ Cabin, oo ku yaallo balli u dhow Xaafada Parkwood Knolls, waa taariikh cajiib ah oo xitaa lagu soo qaatay Hollywood iyadoo lagu soo bandhigay filimka “The Heartbreak Kid.” (Sawir La Soo Gudbiyay) Elise Matney, oo fasalka 8-aad ka dhigato Dugsiga Blake oona deggan Parkwood Knolls, waxay aad u xiisaysaa inay xaafadda kula sahmiso eygeeda, Chloe. Labaduba waxaa lagu sawiray guriga Boos’ Cabin, halkaas oo ay xiiso u qaaday in ay qisada goobtan taariikhiga ah la wadaagto bulshadeeda. (Sawir La Soo Gudbiyay) JUUN 2025 Majalada 12, Qeybta 6 Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina Guri ‘Qarniga Shanaad’ ah oo Ku Yaalla Edina Ayaa Loo Aqoonsaday Abaalmarinta 2025 Guri 120-Sano-Jir Ah oo Ku Yaallo Edina Ayaa Lagu Maamuusay Taariikhdiisa WAXAA QORTAY KATE HEIMEL Guri Ku Yaallo Xaafada Todd Park ayaa dhawaan loo aqoonsaday “Guri Qarni” oo uu u aqoonsaday Guddiga Ilaalinta Dhaxalka. Waa gurigi shanaad oo la aqoonsado tan iyo marki hindisaha la daahfuray sanadki la soo dhaafay. Guddiga, oo la kaashanayo Bulshada Taariikhda Edina, ayaa bilaabay barnaamijka si loogu maamuuso taariikhda guryaha 100 sano jirka ah ama ka fac wayn. Waxaa looga gol leeyahay in lagu aqoonsado muhiimada taariikheed ee ay leeyihiin guryaha qarniga dhisan, la kiciyo doodaha xaafada lana iftiimiyo sida dayactirada iyo dib-u-habaynta ay u yareeyaan soo saarista kaarboonka ee ka yimaada duminta iyo dhismaha guryaha. “Kani waxaa loogu talagalay inuu noqdo barnaamij ‘lagu dareemo wanaagga,” ayay tiri Emily Dalrymple, Kaaliyaha Qorsheeyaha Magaalada iyo xiriiriyaha shaqaalaha u qaabilsan Guddiga Ilaalinta Dhaxalka. “Ma jiraan xargo ku xiran. Waxaan rabnaa in aan soo jiidano xiisaha dadka oo aanu eegno guryaha gaboobay.” Codsigu waa hannaan fudud, oo inta badan u baahan xoogaa cilmi-baaris ah oo ku saabsan taariikhda guriga. Cilmi-baaristan waxaa ku jiri kara xogta sida mulkiilayaashi hore iyo mulkiilayaasha kale ee wakhtiga fog ama la xusi karo, xog xiiso badan oo ku saabsan dadki ku soo noolaa guriga, qaabka nakhshada dhismaha, nakhshadeeyaha iyo dhisaha, sifooyinka la xusi karo iyo sheekooyin kasta oo ku saabsan guriga iyo dadka deggan. Kadib marka ay codsadaan, mulkiilayaasha guriga waxay heli doonaan tabeello naxaas ah oo uu ku qoran yahay sanadki la dhisay guriga si loo muujiyo taariikhdiisa. Guriga 120-ka sano dhisan ee ku yaalla 4425 North Ave. waxaa sanadki 1905 dhisay John Moore, oo ah ree Kanada oo Minnesota yimid horraanti 1900-meeyadi. Guriga wuxuu marki hore ku yaalli jiray dhul 10 akar ah halkaasoo qoyska Moore ay ku beeran jireen khudaar kuna dhaqan jireen faras, sac iyo digaag. Maanta, guriga waxaa leh Jen iyo Paul Hovelsrud, kuwaasoo halkaas ku noolaa tan iyo 2008. Adeeg Cusub oo Lagu Dejiyo Maskaxda Ayaa Lagu Soo Kordhiyay Arneson Acres Park Golaha Beeraha, Kelodale Garden Club Ayaa Lacago Ugu Deeqay Wareeg Dhabbayaal Wareegsan Leh •Wuxuu Meelmariyay Qorshaha Aagga Yar ee Lincoln-Londonderry. Qorshaha waxaa ka mid ah soo jeedimo hoos yimaado lix mudnaan: •Horumarinta hab isku dheeli-tiran oo ku wajahan guriyeynta kaasoo ka tarjumayo baahiyaha bulshada iyo dookhyadooda; •Dhiirigelinta ganacsiyo kala duwan oo taageera baahiyaha bulshada; •Abuurista goobo firfircoon oo dhiirigeliya oo kobciya bulshada iyo u wada-dhannaanshaha; •Ilaalinta iyo tayeynta deegaanka dabiiciga ah, oo mudnaanta siinaya waaritaanka iyo hawlaha bannaanada; •Xaqiijinta isu socod badbaado ah, la heli karo oo hufan ee dhammaan; iyo •Kobcinta hab-fikir horay u socod leh oo ku wajahan horumarinta ku lug leh bulshada. Xubnaha Goluhu waxay bogaadiyeen shaqada kooxda ee qorshaha, iyaga oo ku tilmaamay mid tusaale u ah qorshayaasha kale ee aagaga yaryar. Maadaama qorshaha aagga yar uu beddel u yahay Qorshaha Dhammeystiran ee Magaalada, waa in ay sidoo kale ansixiyaan Golaha Magaalada. Dib-u-eegistaasi waa ay socotaa. •Wuxuu ansixiyay dib-u-soonaynta 5100 Eden Ave., oggolaanshaha sii kala qaybinta qariiradda cusub, qorshe goob iyo kala duwanaanshiyaal badan oo u suuragalinaya in Opus Group ay ka soo guuraan xaruntooda Minnetonka una guuraan Edina. Opus waxay qorshaynaysaa inay dumiso xafiiskeeda afarta biyaano ah ee ku yaalla 5100 Eden oo ay dhisto dhismo cusub oo 112,000 fiit oo labo jibbaaran ah, oo shan biyaano oo xafiis ah oo ay ku jiri doonto maqaaxi ama goob tafaariiqda lagu iibiyo oo ku taasho biyaanada koowaad. Opus waxay damacsan tahay inay dagto qayb ka mid ah dhismaha, oo u noqon doona xarunteeda guud. Qorshaha Opus wuxuu beddelayaa soo jeedin hore oo dhismo dabaq ah iyo goob tafaariiqda lagu iibiyo oo ku yaallo goobta. Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xigtaa 7 p.m. Juun 3 iyo 17. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. - WAXA SOO URURISAY JENNIFER BENNEROTTE Si bulshada loo siiyo goob kale oo ay ku khilaaweeyaan oo ay murugada isaga dejiyaan, Golaha Beeraha Edina iyo Naadigeeda Kelodale Garden Club waxay lacag ugu deeqeen Magaalada si ay fagaare dhabbayaal wareegsan leh uga dhisaan Arneson Acres Park. Wareegan shubka ee 30-ka fiit ah ee war- wareegyada shubka ah lagu nakhshadeeyay waxaa la dhigi doonaa cirifka koonfureed ee beerta rasmiga ah ee beerta nasiinada, 4711 W. 70th St. Wareegga dhabbayaasha wareegsan leh wuxuu nakhshadda Arneson Acres Park ku dhammeystirayaa ganbalool gees ku yaallo, biyo-firdhin bartamaha ku yaallo iyo wareeg dhabbayaal wareegsan leh oo ku yaallo geeska fog. Geedo ubaxeed nus-goobo ah oo 10 xabo ah, oo u taagan tirada naadiyada ku jira Golaha Beeraha wakhtigi la abuuray, ayaa ku yaalaya dhabarka dambe ee wareegga dhabbayaasha wareegsan leh. “Carruurta iyo dadka waaweynba way isticmaali karaan, waxayna dhammeystiraysaa nakhshadda beerta,” ayay tiri xubinta Golaha Beeraha Kelodale ee Dianne Plunkett Latham, taasoo isku-dubariday mashruuca. Wareegga dhabbayaasha wareegsan leh wuxuu yeelan doonaa nakhshadda qarniyadi dhexe. Waxay dusha ku yeelan doonaan midabka dhuxusha iyo dhabbo jaalle ifaya ah si ay isugu ekaadaan biyo-firdhinta. Lowell Russel Concrete ayaa loo shaqaalaysiiyay mashruuca, kaasoo ay dayactiri doonto oo ay ilaalin doonto Magaalada. Wareegga dhabbayaasha wareegsan leh waxaa loo qorsheeyay in la dhiso xagaagan. Marka shaqada ay bilaabato, mashruuca waxaa lagu qiyaasayaa inuu qaato labo ilaa saddex toddobaad in lagu dhammeystiro. Marka la rakibo kadib, Golaha Beeraha waxay geedo ama dhir yar ugu deeqi doonaan in lagu xoojiyo bilicda wareegga dhabbayaasha wareegsan leh. Hawlaha kale bishii hore, Golahu: •Wuxuu ansixiyay qorshe ah in goobta hadda ee Saldhiga Dabdemiska 2aad loo isticmaalo warshad cusub oo biyaha lagu nadiifiyo. Marka Saldhiga Dabdemiska 2aad ee cusub la furo, dhismaha ka dhisan 7335 York Ave. ayaa ugu dambayn la dumin doonaa. Qorshaynta, injineerinka iyo nakhshadda dhismaha cusub ee hoyga u ah Warshadda Biyaha Sifaysa ee 5aad ayaa bilaaban doonta iyadoo hadda qorshaha dib-u-isticmaalka la ansixiyay. “Waan jeclaanay, inta badan taariikhda awgeed” ayay tiri Jen Hovelsrud. “Waxaan jeclahay booska ka soo horjeeda togga, waxaan jeclahay dayrka ku wareegsan oo kaliya waxaan jeclahay in aysan ahayn mid qumman. Xitaa sagxadaha qaarkood ma ahan kuwo siman, balse waxay un ka hadlaysaa taariikhdaas iyo inta uu dhisan yahay, waxa uu soo maray, taasina runtii aad ayey u fiican tahay.” Kaliya isbeddelo yar ayaa lagu sameeyay gurigi asalka ahaa. Ka hor inta aysan qoyska Hovelsrud u soo guurin, mulkiilayaashi hore waxay ballaariyeen dhanka dambe ee guriga. Kadib, ree Hovelsrud, waxay dib ugu sameeyeen musqul iyo jikada marki ay gateen guriga. “Waxaan inta badan isku-daynay in aan guriga u ilaalino sidiisa,” ayuu yiri Hovelsrud. “Dadki guriga laga iibsaday waxay ogaayeen in ay u qiimo jaban tahay duminta gurigan marka loo fiiriyo in lagu kordhiyo oo la casriyeeyo qaybo ka mid ah. Waxaan xaqiiqdi ku faraxsanahay in aysan sidaa samayn sababtoo ah waxay ila tahay waxay nagu ahaan lahayd ceeb in aan ku xirman gurigi asalka ahaa. Ma jirto maalin isoo martay oo aan ku socday jaraanjarooyinka oo aan ka fikirin dadki iga horreeyay ee ku socday jaraanjarooyinkaas.” Gurigan qarniga dhisan wuxuu goob muhiim ah u noqday dad badan taariikhdiisa 100-sano jirsatay. Wuxuu isku darsaday taariikh hodan ah oo kala duwan laga soo bilaabo mar uu ahaa guriga kaliya ee ku yaallay booska sanadki 1905 ilaa uu ka noqdo mid ka mid ah guryaha ugu qadiimsan magaalada ee maanta. Wuxuu ahaa goob ay qoysas badan ugu yeereen gurigooda wuxuuna goob u sii ahaan doonaa qoysas badan oo imaan doona. “Wuu naga horreeyay, wuuna naga danbayn doonaa, taasina waxay tahay taariikh wayn oo sii socoto,” ayuu yiri Hovelsrud. Paul iyo Jennifer Hovelsrud waxay ku faanayaan Gurigooda Qarniga Dhisan ee ku yaalla 4425 North Ave. Guriga intiisa badan waa nakhshadi hore ee asalka ahayd. Waxbadan ka ogow EdinaMN.gov/CenturyHome. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) Xarunta Biyaha ayaa Juun 5 u furmaysa xilligeedi 67aad oo ay tahay goobta madadaalada xagaaga ee Edina. Barkado la isku qaboojiyo iyo goobo lagu ciyaaro oo loogu talagalay qofkasta laga soo bilaabo carruurta yaryar ilaa loox ku dul ordayaasha biyaha ee gu’ga. Kaararka lagu galo oo maalinle ah, gelitaan badan leh iyo kuwa xilliyada lagu galo ayaa la heli karaa; booqo EdinaAquaticCenter.com. 300 Dhererka fiit ahaan ee tiyuubka lagu taraaraxo ee Pirate’s Plunge 50 Dhererka halki tooko mitir ahaan ee barkadda dabaasha ee Olombigga la’eg Qalabka Kiciya Hirka ee lumay, oo ah halka FlowRider ee dibedda ah ee yaalla Minnesota 1 82 - 84 Heerkulka dhamman barkadaha dabbaasha lagu ilaaliyo si uu ugu istareexo qofka ku dabbaalanayo - WAXAA SOO URURISAY DEBBIE TOWNSEND 403,902 Dadki soo booqday shanti sano ee la soo dhaafay TIROOYIN AHAAN Xarunta Biyaha Edina DHACDOOYINKA SOO NOQNOQDA Axadaha, Isniinaha iyo Arbacooyinka, 7 p.m. Riwaayado, Centennial Lakes Park Talaadooyinka iyo Khamiisaha, 10 a.m. Riwaayado, Centennial Lakes Park Maalmaha Talaadooyinka iyo Khamiisaha laga bilaabo Juun 3, 9-10:30 a.m. Kulmiska Farshaxanka ee Xarunta Farshaxanka Edina, Centennial Lakes Park Khamiisaha laga bilaabo Juun 5, 3-7 p.m. Suuqa Beeralayda, Centennial Lakes Park DHACDOOYINKA SOO SOCDA Axad, Juun 1 Bisha Pride Month ayaa bilaabanaysa Axad, Juun 1, 7 p.m. Hunker’d Down Blues Band, Centennial Lakes Park Talaado, Juun 3, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Juun 5, 10 a.m. Muusiga Dhallaanka iyo Bandhigga Xoolaha Nool, Centennial Lakes Park Khamiis, Juun 5, 11:30 a.m. Xarunta Biyaha ayaa u furmaysa xilliga Jimco, Juun 6, 3-8 p.m. Sabti, Juun 7, 10 a.m.-7 p.m. Axad, Juun 8, 10 a.m.-5 p.m. Bandhigga Farshaxanka Edina, 50th & France Axad, Juun 8, 7 p.m. Kooxda Xuska John Philip Sousa ee u Horreeyey, kadhacaya Centennial Lakes Park Khamiis, Juun 12, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Horumarinta, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Juun 12, 11-11:30 a.m. Wadahadalada Mashruuca Onlaynka Ah: Mashruuca isgoyska wadada isdulmarka ee Vernon Avenue & Highway 100; EdinaMN.gov/Highway100Talks Jimco, Juun 13, 3 p.m. Dapper Barons, Edina Liquor – Grandview Axad, Juun 15, 7 p.m. Luke LeBlanc Trio, Centennial Lakes Park Isniin, Juun 16, 7 p.m. Brio Brass, Centennial Lakes Park Talaado, Juun 17, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Juun 19 Juneteenth; xafiisyada Magaaladu way xidhan yihiin Khamiis, Juun 19, 3-7 p.m. Dabaaldega Juneteenth, Centennial Lakes Park Axad, Juun 22, 7 p.m. Just Dave & the Rockin’ All Stars Band, Centennial Lakes Park Talaado, Juun 24, 10 a.m. Sticks & Tones, Centennial Lakes Park Arbaco, Juun 25, 6 p.m. La Lugee Duqa Magaalada, Centennial Lakes Park Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta & Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813 ama 16) ama onlaynka. Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov/Calendar. 2 3Magaalada Edina EdinaMN.gov Muusiga Centennial Lakes Park ee Grooves and Foods Bandhigyo Musalsal Bilaash ah ee Heesaha Muusiga Qaaraamiga ah Talaado kasta bisha Juun WAXAA QORTAY JACEY MISMASH Ma jiro wax ka shidan cawayska xagaaga oo leh muusig kala kacsan, cunto macaan iyo dad wanaagsan. Nasiib wanaag, helitaanka habeenkaas waxaa kuu sahlay madadaalada “Grooves and Foods” oo bisha Juun ka ballansan Centennial Lakes Park— gelitaankuna waa u bilaash dadweynaha, waxaa ku mahadsan Rotary Clubs of Edina iyo Edina-Morningside. “Abuurista dhacdo wanaagsan oo isu keenta bulshada waa mid dhab ahaantii aad u wanaagsan maalmahaan,” ayuu yiri Maareeyaha Magaalada Scott Neal, “iyo in lagu sameeyo muusig ayaa sidoo kale ka sii wanaagsan.” Grooves and Foods waa musalsal ay soo nooleeyeen Mick Sterling oo ay maamuustay Minnesota Music Hall of Fame iyo Soo Saaraha abaalmarinta caalamiga ah qaatay ee Wayne Anthony. Bandhigyada waxay soo bandhigi doonaan heesaha qaaraamiga ah ee fanaaniinta sida Billy Joel, Doobie Brothers iyo Van Morrison. “Waxaanu rajaynayno in aan bixino waa cawaysin xagaa oo aad u wanaagsan,” ayuu yiri Sterling. “Waxay sidoo kale fursad wanaagsan u tahay dadka deggan Edina inay wax ka ogaadaan waxa Rotary Club uu u qaban karo bulshada.” Talaado kasta bisha Juun, kaqaybgalayaasha waxay cawayskooda ku qaadan karaan beerta, 7499 France Ave. S., iyagoo dhagaysanaya “The Mick Sterling Experience,” bandhig raadiyo oo toos ah oo soo gala 5:30 ilaa 6:30 p.m. oo ka baxa Maetzold Amphitheater oo looga hadli doono dhammaan waxyaabaha madadaalada, Rotary, muusiga iyo qaar kaloo badan. Bandhigyada waawayn ee masraxa waxay bilaaban doonaan 7 p.m. iyadoo cunto iyo cabitaan laga iibsan karo Camion Mobile Kitchen fiidka oo dhan. Muusikaystaha rug cadaaga ah hadana ah Madaxwaynaha Rotary Club of Edina Paul “St. Paul” Peterson ayaa ku dadaalay inuu Grooves & Foods keeno Edina, isagoo ku rajo wayn inuu isku dhafo himilada Rotary iyo jacaylka uu u qabo muusiga. Peterson wuxuu wax la soo bandhigi doonaa kooxdiisa, “The Classic American Rockers,” maalinta Talaadada, Juun 17. “Ka ahaan ree Rotary, waxaan soo dhawaynay fursad aanu munaasabad bulsho uga abuurno magaalada Edina,” ayuu yiri Peterson. “Kaliya kama sheekeynayno qisada waxa Rotary ay sameeyaan, laakiin waxaan isu keenaa dadka deegaanka iyo dad ka yimid dibedda bulshada oo aanu isugu keeno muusig.” Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan musalsalka madadaalada ee Grooves and Foods, booqo groovesandfoodsfestival.com. Grooves and Foods ayaa yimid Edina xagaagan oo jooga Centennial Lakes Park. Madaxwaynaha Rotary Club of Edina Paul Peterson ayaa wax soo bandhigi doona Talaado, Juun 17. (Sawir La Soo Gudbiyay) Safka Grooves and Foods Juun 3: A Billy Joel State of Mind - (Mick Sterling) Juun 10: Minute by Minute kaasoo soo bandhigayo muusiga Michael McDonald, Doobie Brothers, Kenny Loggins, James Ingram (Wayne Anthony) Juun 17: The Classic American Rockers, oo soo bandhigayo muusikaystayaasha soo booqday The Steve Miller Band, Bob Dylan, Fleetwood Mac, Stevie Nicks, Peter Frampton iyo qaar kaloo badan (St. Paul Peterson) Juun 24: Beautiful Vision oo soo bandhigayo muusiga Van Morrison (Mick Sterling) 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4