HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_July-2025_Somali-WebWAXAA QORTAY JACEY MISMASH
Marki Dick iyo Suzie Crockett ay u soo guureen
Edina sanadki 1999, aragtida beerta Bredesen
Park marka laga soo eego Wadada Schaefer
waxay ahayd mid yar. Inta badan beerta 206-akar
ah waxaa qariyay geedka buckthorn (dhafaruurka).
Inkastoo lammaanuhu ay ku dhawaad maalin
kasta ku soo noqnoqon jireen beerta, aragtida
marka laga soo eego xagga gurigooda ma ahayn
wax cajiib ah.
“Waxaan dhab ahaanti armaajo dhignay daaqada
wayn ee laga daawado marki aan u soo guurnay,”
ayuu dib u xasuustay Dick Crockett. “Ma jirin
wax badan oo la fiiriyo, waxaana meesha ku
habboonaatay armaajada.”
Sanadki la soo dhaafay, ree Crockett waxay
ugu danbaynti go’aansadeen inay meesha
ka saaraan armaajada.
Bilowga mashruuca dib-u-soo celinta beerta
Bredesen Park, gaar ahaan saarista xooggan ee
geedaha buckthorn, lammaanuhu waxay hadda
haystaan meel aad u fiican oo ay ka daawadaan
quruxda dabiiciga ah iyagoo un ka eegaya
dibedda qolkooda jiifka.
Mashruuca, oo lagu maalgeliyay deeq $500,000 ah
oo ka socota Waaxda Kheyraadka Dabiiciga ah ee
Minnesota iyo $50,000 oo ka socota Magaalada
Edina, waxaa looga gol leeyahay in dib loogu soo
celiyo in ka badan 30 akar oo ka mid ah beerta
Bredesen Park, gaar ahaan aagga ku dheggan
Nine Mile Creek.
“Inta badan shaqadi hore ee laga qabtay beerta
waxay ahayd wax teel-teel ah mana muujin
inay waxtar u leedahay mustaqbalka,” ayuu
ku sharraxay Khabiirka Waaritaanka Matthew
Gaab. “Mashruucani wuxuu sahlayaa hab aad
u dhammeystiran oo dib loogu soo celiyo dhul
daaqsimeedka wadaniga ah ee oak savanna iyo
deegaanka dhulka qoyan.”
Mashruuca dib-u-soo celinta ee saddexda sano
ah wuxuu leeyahay faa’iidooyin dhowr ah, oo ay
ku jiraan kor u qaadista tayada biyaha ee meelaha
biyaha ay ku qulqulaan, saarista dhirta waxyeellada
leh, dhimista bacaad-saarka marinada biyaha iyo
kor u qaadista deegaanada noolayaasha sii dabar
go’aya sida shinnida Rusty Patched Bumblebee.
Mashruucan caafimaadka deegaanka ee beerta oo
kaliya kor uma qaadi doono balse wuxuu xoojin
doonaa bilicda deriska iyo xubnaha bulshada ee ku
nool kuna noqnoqda goobta.
“Caafimaadka waraheena iyo durduradeena wuxuu
ku xiran yahay caafimaadka bilicda dhulka,” ayay
tiri Maareeyaha Kheyraadka Biyaha Jessica Wilson.
“Bilicda dhirta wadaniga ah waxay xasilisaa ciidda,
waxay gacan ka gaysataa hawada iyo biyaha
nadiifka ah, waxay bixisaa deegaan korna u
qaadaa adkaysiga cimilada isbedbedelaya.”
Shaqadu waxay sii socon doontaa sanadka 2025 oo
dhan si loo beegsado dhirta qalaad ee waxyeellada
leh ee ka baxda beerta oo dhan, la beeri doonaa
doog wadani ah iyo dhul cawseed laguna tallaali
doonaa dhir kala duwan.
Ree Crockett, isbeddelka lagu sameeyay beerta
ayaa ahaa mid muuqday isla markiiba. Wixi mar
ahaa duur mugdi ah, oo cufan oo la guurguuran
jiray geed ilaa geed ayaa hadda ah bilic aad u
furan oo ku taasho mid ka mid ah beeraha ugu
waawayn Edina.
“Waxaan leeyahay dhowr saaxiibadeey ah oo gaari
uga yimaada magaalooyin kale kaliya inay socod
igula maraan Bredesen,” ayay tiri Suzie Crockett.
“Waan jeclahay inaan ku noolahay beerta horteeda,
hadana waxaan xaqiiqdi arkaa dhammaan dadka
soo booqda.”
Dadka yimaada beerta iyo khuburada deegaanka
waxay sidoo kale arkeen isbeddelka, iyadoo wararku
sheegayaan in dhirta wadaniga ah sida Jack-in-the-
pulpit iyo Marsh Marigold ay ubax ku dhaliyeen
Bredesen gu’gan.
Inkastoo muddada deeqda mashruuca dib-u-soo
celinta deegaanka ay dhammaan doonto 2027,
Magaalada waxaa ka go’an inay mustaqbalka si
wanaagsan u daryeesho beerta. Iyadoo la heli
karo habab kala duwan oo lagu xakameeyo,
nadiifinta geedaha buckthorn iyo dhirta kale ee
waxyeellada leh ayaa sii ahaan doona qayb ka mid
ah mustaqbalka Bredesen Park.
“Waxaan ku nool nahay ka soo horjeedka halkan,
balse faa’iidada waxaa leh dad badan,” ayuu yiri
Dick Crockett. “Waxaa jira dad noocaan ah oo
aad u kala duwan oo soo booqda beerta— kooxo,
shakhsiyaad, waalidiin iyo carruur, baaskiilley— waa
u faa’iido dhammaanteen.”
Beerta Bredesen Park waxay ku taashaa 5901
Olinger Blvd. Wixi macluumaad dheeraad ah
ee ku saabsan mashruuca, kala xiriir Kaaliyaha
Agaasimaha Beeraha & Khayraadka Dabiiciga ah
Tom Swenson halkan TSwenson@EdinaMN.gov.
Bredesen Park Waxay Iska Soo Beddeshay Duur Ayna Noqotay Bilic
Qurux Badan
Mashruuca Dib-u-soo Celinta Wuxuu Kor u Qaadayaa Waayaha Beerta ee Deriska, Dadka Booqda Beerta
iyo Noocyada Dhirta Wadaniga ah
Dick iyo Suzie Crockett waxay hadda beerta Bredesen Park ee Edina si fiican uga arkaan gurigooda. (Sawirka waxaa
qaaday Jason Heuer)
Magaalada Edina EdinaMN.gov 1
WARBIXINTA DHAQAALAHA SANNADLAHA AH EE CAANKA AH BOGGA 3
JUULAAY 2025
Majalada 12, Qeybta 7Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo
Daabacaad: Edina
WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND
Magaaladu waxay kordhisay muddada dib-u-
bixinta amaahda ee Rugta Ganacsiga Edina
oo loogu talagalay in lagu taageero barnaamij
lagu xoojinayo ganacsiyada yaryar.
Rugta waxaa weli lagu leeyahay ku dhawaad
$469,000 oo ka mid ah amaahdi hore
$650,000. Muddadi hore ee lacag bixinta ee
toddobada sano ahayd waxaa la gaarsiiyay
15 sano, sida ay codsatay Rugta. Magaaladu
waxay baaqiga ku kordhinaysaa $5,000 si
loogu daboolo kharashaadka sharciga ee
wax looga beddelayo amaahda. Maamulka
Guriyaynta & Dib-u-horumarinta, kaasoo
ansixiyay amaahda, wuxuu isbeddelada OK
ugu coddeeyay kulankiisi Abriil 10.
“Waxaan isku daynay in aan fududayno si aan
u gaarno labo yool,” ayuu yiri Maareeyaha
Horumarinta Dhaqaalaha Bill Neuendorf oo
uu ka yiri dib-u-habaynta amaahda. “Kow,
in la xaqiijiyo in amaahda dib loo bixin karo.
Marka labaadna, in la xaqiijiyo in dib-u-bixintu
aanay carqaladayn hawl-gallada socda iyo
guusha Rugta.”
WAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER
Mar kasta oo kaar la saarto xarun Magaalada
ah waxay keentaa 2-4% khidmad ah oo ka
timaada miisaaniyadda Magaalada, taasoo
sanadki isku noqota boqolaal kun oo doolar.
Laga bilaabo Juulaay, Magaaladu waxay
billaabi doontaa inay 3% khidmad ah ku
dallacdolacagaha lagu bixiyo kaarka
bangiga ama kaarka amaahda.
Cidda ugu horreysa ee bixinaysa khidmadda
cusub waa Waaxda Dabdemiska, oo ay ku
jiraan Qaybta Caafimaadka Dadweynaha,
Xarunta Tababarka Dadweynaha ee
Koonfurta Metro iyo Qaybta Kormeerada
Dhismeyaasha. Waaxyaha kale ayaa ku
xigi doona marka nidaamyadooda iyo
hababkooda dib loo habeeyo.
“Mar kasta oo uu horumariye yimaado oo uu
kaarka kiridhitka saaro si uu u bixiyo $20,000,
Magaaladu waxay masuul ka tahay 2% ama
ka badan oo khidmad ah oo nagula soo
dallacayo si aan u aqbalno lacagtaas,” ayay ku
sharraxday Agaasimaha Maaliyadda Pa Thao,
taasoo madax u ahayd cilmi baarista hirgelinta
khidmadda ku habboonaanta iyadoo uu
wehliyo Madaxa Dabdemiska Andrew Slama.
Waaxda Dabdemiska Edina waa mid ka mid ah
waaxyaha Magaalada ee leh saamaynta ugu
Amaahda, oo la bixiyay 2022, waxay
maalgelisay dib-u-habaynta goobaha ganacsiga
ee bannaan si Rugta ay adeegyadeeda iyo
barnaamijyada ugu ballaariso ganacsiyada
maxalliga ah. Arrintaasi waxaa udub-dhexaad
u ahaa Sheybaarka Ikhtiraaca Edina, barnaamij
lagu dardargelinayo ganacsiga looguna
talagalay in looga caawiyo mulkiilayaasha
ganacsiga iyo ganacsatada inay la qabsadaan
xaaladaha suuqa ee marwalbo isbedbeddelayo.
Sheybaarku wuxuu si guul ah u maamulay
dhowr “kooxo tababar,” kuwaasoo
mulkiilayaasha ganacsiyada yaryar ku tababaray
maaliyadda, suuq-geynta, fikirka istaraatiijiga
ah iyo qaar kaloo badan si ay u abuuraan
qorsheyaal ganacsi oo loo habeeyey si loo
guuleysto. Qaaraanki hore ee Rugta ee gaarka
ahaa ee $200,000 wuxuu gacan ka gaystay
daah-furka sheybaarka, balse qaaraanka guud
iyo dakhliga kaqaybgalaha marna ma gaarin
heerki hoggaamiyayaasha Rugta ay filayeen.
Barnaamijyadi uu bixinayay sheybaarka waxaa la
joojiyay horraanti sanadkan.
Amaahdu waxay ka timid Sanduuqa
Raasamaalka Mashaariicda Gaarka ah iyo
Dib-u-horumarinta (SPARC), oo ah barnaamij
wayn. Thao iyo Slama waxay sheegeen in 2023,
Waaxda Dabdemiska ay samaysay 8,928 lacag
xawaalad kaararka amaahda ah oo wadartoodu
dhan tahay $4,939,597. Wadarta khidmadaha
kaararka amaahda waxay ahayd $125,501 –
2.54% oo ka mid ah iibabka.
“Haddii qandaraasle uu mashruuc samayn rabo
oo uu rahan (escrow) u baahan yahay xeerka
ama sharciga, waxay bixinayaan rahanta
Magaaladuna aakhirki way u celinaysaa,”
Slama ayuu yiri. “Haddii ay isticmaalaan
kaarka amaahda, Magaaladu waxay bixinaysaa
khidmadaha la xiriira, waxay haynaysaa lacagta
kadibna waxay u celinaysaa qandaraaslaha
aakhirki. Marka, taasi waa hal dhinac oo
runtii saamayn xun ah.”
Macaamiisha rabaan inay ka fogaadaan
khidmadda 3% ah waxay ku bixin karaan kaash
ama jeeg. Khidmadda habboonaanta waxaa
lagu sharrixi doonaa dhammaan nidaamyada
lacag-bixinta ee onlaynka ah iyo calaamado
wixi shakhsi ahaan ah. Shaqaalaha Magaalada
waxay sidoo kale sheegi doonaan khidmadda
marka ay macaamiisha u caawinayaan si fool-
ka-fool ah ama taleefanka.
Slama iyo Thao waxay cilmi baaris ku
samaynayeen khidmadaha kaarka amaahda
labadi sano ee la soo dhaafay iyagoo eegaya
xilligii aafadi COVID-19 si loogu dardargeliyo
shaqo abuurka korna loogu qaado maalgashiga
gaarka ah ee ganacsiyada. Maalgelintu waxay
ka timid Southdale TIF District 2, canshuuraha
hantida ma guurtada ah ee uu soo saaray
suuqa dukaamaysiga kadib dib-u-habayntiisi
ballaarnayd ee dhiirigelisay kobaca ganacsi ee
Aagga Southdale-Weyn.
Si loo xaqiijiyo in dib loo bixin karo amaahda,
Rugtu waxay dhintay xoogaa kharashaadka
waxayna dejisay qorsheyaal ay ku kiraynayso
booska xafiiska ee aan la isticmaalin iyo booska
sheybaarka, Madaxweyne Shelly Loberg ayay u
sheegtay HRA.
“Waxaan si xooggan u aaminsanahay in
miisaaniyadda aan haysano la gaari karo
oo intaan aan dib isaga bixin karno,” Xubin
Ka Tirsan Guddiga Rugta horayna u ahaa
Madaxwaynaha Guddiga Paul Mooty ayaa u
sheegay HRA. “Waa ujeeddadeenna buuxda in
aan dayntan dib isaga bixinno.”
Wixi macluumaad dheeraad ah,
Neuendorf kala xiriir bneuendorf@EdinaMN.
gov ama 952-826-0407.
waxa ay magaalooyinka kale samaynayaan oona
hubinaya xogta maaliyadda. Horraanti sanadkan,
Golaha Deegaanka Edina waxay fareen Waaxda
Maaliyadda inay ballaariso cilmi baarista oo ay
bilowdo hirgelinta khidmadaha kaarka amaahda
si uu u noqdo mid ka mid ah xulashooyinka lagu
yaraynayo miisaaniyadda Magaalada.
Kadib marka Waaxda Dabdemiska ay bilowdo
socodsiinta khidmadaha kaararka bisha Juulaay,
kuwa badan ayaa ku xigi doona. Iyadoo leh shan
nidaam oo bar wax lagu cabbiro ah iyo 10 soo-
saareyaal ganacsi oo kala duwan oo ururka oo
dhan ah, waax kasta waxay leedahay saadkeeda
u gaarka ah oo ay ku xalliso ka hor inta aan
khidmadda laga meelmarin Magaalada oo dhan.
“Si loo sii ahaado wakiillo maaliyadeed oo
xoggan loona sii wado bixinta tayada adeegga
macaamiisheena ay filayaan, hirgelinta
khidmadaha kaarka amaahda ayaa ah jawaab
lagama maarmaan u ah in si macquul ah loo
maareeyo kharashaadka wadida hawsha ee
sii kordhaya,” ayay tiri Kaaliyaha Maareeyaha
Magaalada Ari Lenz.
Wixi macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan
khidmadda habboonaanta ee Magaalada ee
iibsiyada kaararka, la xiriir Waaxda Maaliyadda,
952-826-0366.
Muddada Bixinta Amaahda Ayaa Loo Dheereeyay Rugta Ganacsiga
HRA Ayaa Lacag Daymisay Barnaamijka Dardargelinta Ganacsiga, Balse Qaaraanka Gaarka ah Ayaa Hoos u Dhacay
Magaalada oo Bilaabaysa inay 3% Ku Dallacdo Lacago Bixinada Kaararka
Waaxda Caafimaadka Dadweynaha, Xarunta Tababarka Dadweynaha ee Koonfurta Metro iyo Kormeerada
Dhismeyaasha Ayaa ugu Hor Hergelinaya Khidmadda Cusub
2
WARBIXINTA MAALIYAD SANADEEDKA CAANKA AH 2024
Tusaha Magaalada Edina
Golaha Magaalada
Duqa magaalada
Jim Hovland – 612-874-8551
Xubnaha Golaha
Kate Agnew – 952-833-9556
Carolyn Jackson – 952-833-9547
James Pierce - 952-833-9548
Julie Risser – 952-833-9557
Kooxda Hoggaanka Fulinta
Maareeyaha Magaalada
Scott Neal - 952-826-0401
Kaaliyaha Maareeyaha Magaalada
Ari Lenz – 952-826-0416
Agaasimaha Isgaarsiinta
Jennifer Bennerotte – 952-833-9520
Agaasimaha Horumarinta Bulshada
Cary Teague - 952-826-0460
Agaasimaha injineernimada
Chad Millner – 952-826-0318
Agaasimaha Maaliyadda
Pa Thao – 952-826-0420
Taliyaha Dabka
Andrew Slama – 952-826-0332
Agaasimaha Shaqaalaha
Kelly Curtin - 952-826-0402
I.T. Agaasime
Ryan Browning - 952-826-0434
Komishanka Jardiinooyinka &
Madadaalada
Perry Vetter - 952-826-0430
Madaxa Booliska
Todd Milburn – 952-826-0487
Agaasimaha howlaha guud
Brian Olson – 952-826-0311
Magaalada Edina waxay kaga warbixisaa
natiijooyinka dhammaadka sannad-
maaliyadeed Warbixinteeda Maaliyadeed ee
Guud ee Sannadlaha ah (CAFR). Warbixintani
Maaliyad Sanadeedka Caanka Ah waxay soo
koobeysaa xog muhiim ah oo laga soo qaatay
lacago la xushay bishii Diseembar 31, 2024
CAFR waxayna la jaanqaadaysaa Mabaadii’da
Guud ee Xisaabaadka La Oggol Yahay. Si aad u
hesho dib u eegista dhammeystiran ee booska
maaliyadeed ee Magaalada ee 2024, la tasho
ACFR, oo laga heli karo EdinaMN.gov/Finance.
WAXAA QORTAY JACEY MISMASH
Dib-u-dhiska qayb muhiim ah oo ka mid ah
kaabayaasha adeegyada guryaha ee Edina ayaa
la soo gabagabeeyay sanadkan.
Dhismaha Xarunta Cusub ee Bamgaraysa
Biyaha Wasakhda ah ee 6 ee Edina ee ku
taasha 4400 72nd St. waxaa la bilaabay
2022 waxaana la dhammeystiray Abriil 2025.
Mashruuca $7.6 milyan ah wuxuu qayb ka
ahaa Qorshaha Horumarinta Raasamaalka ee
Edina ee 2021-2026.
Marki hore la dhisay 1950-meeyadi, xarunta
waxay soo jiidaa biyaha wasakhda ah oo ay
ka soo jiido tuubo joog hoose ku taasho oo ay
u qaado tuubo joog sare ku taasho, taasoo u
oggolaanayso inay biyaha si xor ah u qulqulaan
iyadoo caawin laga helayo cuf-isjiidadka dhulka.
Qaab-dhismeedki hore wuxuu noqday mid ku
duugoobay isticmaalka ka badan 70-ka sano,
taasoo ku kalliftay Magaalada inay miisaaniyad
u yeesho cusboonaysiinta xarunta soo jiidda
biyaha wasakhda si ay si wanaagsan ugu
habboonaato baahiyaha Magaalada.
“Iyadoo dhammaan mashaariicda horumarinta
raasamaalka ay muhiim yihiin, kuwa bulshada
ku leh saameynta adeeg iyo badbaado ee
ballaaran ayaa si gaar ah muhiim ugu ah
Magaalada,” ayay tiri Falanqeeyaha Maaliyadda
Mallory Jensvold. “Edina waxay ku faantaa
joogtaynta iyo xoojinta heerarka adeegyada jira
iyo badqabka xubnaha bulshadeena.”
Iyadoo u adeegta qaybta koonfur galbeed ee
Edina, xaruntu waxay shaqaysaa 24 saacadood
maalinti, toddobo maalmood asbuuci, iyadoo
caadiyan bamgaraysa 1,600-2,100 gallon oo
biyo ah daqiiqad kasta.
La nakhshadeeyay iyadoo hawlgallada iyo
dayactirka maanka lagu hayo, gelitaanka baabuurta
iyo bamka wiishka waxaa hadda laga helayaa
gudaha Xarunta Bamgaraysa Biyaha wasakhda ah
ee 6 si boos loo siiyo baahiyaha dayactirka sanadka
oo dhan. Balliyada biyaha qabta iyo beeraha
roobka ayaa sidoo kale la dhisay si kor loogu qaado
maaraynta biyaha roobka ee goobta.
“Xarunta cusub waxay leedahay awood dheeraad
ah oo loogu talagalay kobaca waxayna u
shaqaynaysaa si fiican, iyadoo nidaamkeeda
xakamaynta urta si wayn looga horumariyay
midki xarunti hore,” ayuu yiri Maareeyaha
Adeegyada Injineerinka Ross Bintner. Bilcinta
qaab-dhismeedka iyo geedo ayaa sidoo kale lagu
daray goobta si wanaagsan si loogu darogudaha
South Cornelia Neighborhood.
Iyadoo dib-u-habaynti xarunti hore ee Xarunta
Bamgaraysa Biyaha Wasakhda ah ee 6 la
tixgeliyay, kharashaadka la qiyaasay waxay ka
badnaayeen 70% kharashka lagu beddelayo. Dib-
u-qaabayn lagu sameeyay sidoo kale waxbo kama
qaban baahida loo qabo boos dheeraad ah oo
la deeqsiiyo qulqulka bullaacada mustaqbalka ee
soo galaya xarunta.
Iyadoo uu maalgeliyay Sanduuqa Fayodhowrka
Adeegyada Guryaha, mashruuca waxaa lagu
bixiyay dakhli laga soo ururiyay dadka deggan
Edina iyo ganacsatada si ay u helaan adeegyada
biyaha, bullaacada iyo marinka biyaha roobka.
“Beddelista iyo dayactirista nidaamyadaan
kaabaha, waxaan heerarka adeegyada joogto
uga dhigi karnaa dadkeena deegaanka iyo
milkiilayaasha ganacsiga,” ayuu yiri Bintner.
Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan
nidaamka adeegyada guryaha ee Magaalada,
booqo EdinaMN.gov/PublicWorks.
Magaaladu Waxay Dhismo 1950-meeyadi ah Ku
Beddeshay Nidaamka Biyaha Wasakhda oo Casri ah
Xarunta Cusub ee Bamgaraysa Biyaha Wasakhda ah Waxay Qaadaa
Kala Bar Biyaha Wasakhda ah ee Magaalada
Maareeyaha Adeegyada Injineerinka Ross Bintner ayaa taagan Xarunta Bamgaraysa Biyaha Wasakhda ah ee
6 ee dhawaan la dhisay. (Sawirka waxaa qaaday Jacey Mismash)
3Magaalada Edina EdinaMN.gov
WARBIXIN SANADKA
WAXAA QORTAY KAYLA NORTHWAY
Iyadoo ay ugu wacan tahay maalgelinta
canshuurta gadida ee nus-sentiga ah ee
ay ansixiyeen cod bixiyayaasha Edina bishi
Nofeembar 2022, cusboonaysiimaha iyo
dayactirada tas-hiilaadka Beeraha Nasiinada &
Tamashleynta Edina ayaa si fiican u socda.
Ururintu waxay bilaabatay Abriil 1, 2023,
iyadoo lagu qiyaasay boqolkiiba 54 inuu
dakhliga canshuurta gadida ka imaanayo
dad ku nool dibedda Edina balse lacagta
ku kharashgareeya gudaha magaalada,
sida ay sheegtay daraasad ay samaysay
Jaamacadda Minnesota.
Ururinta Canshuurta Gadida
2023: $5.5 milyan
2024: $6.5 million
2025 (ilaa Abriil 2025): $2.4 milyan
Wadarta ilaa hadda: $14.4 milyan
Braemar Park
Miisaaniyadda mashaariicda lagu
bixinayo canshuurta gadida ee soo
xaroota: $8.1 milyan
La kharashgareeyay ilaa May 2025:
$2.8 milyan
Sanadki hore, Braemar Park waxay heshay
horumarino degdeg ah iyo adeegyo cusub,
oo uu ku jiro garoonka aad loo sugayay ee
Courtney Fields ee la furay bartamihi bishi May.
“Waxyaabo badan oo ku jira qorshaha Braemar
Park waa hagaajinada iyo dayactirada kaabaha
dhisan, balse garoonka Courtney Fields waa
wax ay garwadeen ka tahay bulshada oo si
gaar ah ugu adeegaya xaafada iyo bulshada
ku xeeran,” ayay tiri Qorsheeyaha Beerta
Rachel Finberg.
Dhismaha garoonka lagu ciyaaro wuxuu
bilowday dayrti la soo dhaafay wuxuuna ku
kacayaa $175,000.
Horumarinada kale ee la dhammeystiray ee
Courtney Fields waxaa ka mid ah casriyaynta
nalalka, rakibista shabaqa badbaadada,
horumarinada barxadda iyo dariiqyo cusub
oo u hoggaansan xeerka naafada ee ADA.
Qandaraas cusub oo soconayo ilaa 2028 oo
lala galayo Resource Environmental Services
(RES), oo ah shirkad qaabilsan dib-u-soo
celinta deegaanka, ayaa wax ka qaban doona
baahiyaha bilcinta dhulka iyo ka hortagga
dhirta waxyeellada leh. Dhir wadani ah ayaa
lagu beeri doonaa aagga.
La dhammeystiray sanadki 2024, dhabbayaasha
buuraha ee baaskiilka lagu wado waxaa
hagaajiya mutadawiciin ka socota Minnesota
Offroad Cyclists (MORC), kuwaasoo ilaaliya
dhabbayaasha, ka saara khatarada oona ilaaliya
calaamadaha dhabbayaasha buuraha.
Beerta Nasashada ee Fred Richards
Miisaaniyadda: $17.7 milyan
La kharashgareeyay ilaa May 2025: $921,546
Bishi Abriil 2025, shirkadda H+U Construction
ayaa loo soo shaqaalaysiiyay inay maamusho
dhammaan dhinacyada dhismaha, oo ay ku
jiraan hubinta tayada, maaraynta miisaaniyadda
iyo isku dubaridka dhismaha.
“Waxaan na sugayo dhul badan oo aan wax ka
qabanno – 18 bilood haddiiba aysan ahayn 20
bilood oo shaqo ah,” ayay tiri Finberg. “Kani
waa mashruuc weyn oo qas badan leh, marka
waa ay wanaagsan tahay in la haysto maamule
dhisme oo naga caawiya hawsha.”
Qorshaynta wayn iyo hannaanka
oggolaanshaha waa gaba-gabo,
iyadoo shaqada dhulka ay ku xigto
dhammaadka sanadka.
Dhabbayaashu waa ay sii furnaan doonaan inta
uu socdo dhismaha marki ay suurtagal tahay.
Braemar Arena
Miisaaniyadda: $45.2 milyan
La kharashgareeyay ilaa May 2025: $648,286
La soo shaqaalaysiiyay 2024,
nakhshadeeyayaasha JLG ayaa bixinaya
adeegyada nakhshadda oona hoggaamin
doona kaqaybgalka bulshada, halka Wakiilka
Mulkiilaha The Tegra Group ay hoggaamin
doonto kooxda mashruuca ee Braemar Arena.
Garoonka oo dhan wuxuu maray qiimaynta
tashiilka tamarta oo loogu talagalay in
dhismaha looga dhigo mid aad u waara
kharashaadkiisuna ay hooseeyaan.
Hase yeeshee, baaxadda mashruuca awgeed,
qorsheynta ku kordhinta barxad baraf oo
gudaha ah iyo horumarinada kale ayaa qaatay
muddo ka dheer inti la filyay.
“Shaqada Braemar Arena waa in ay socotaa
iyadoo dhismaha uu weli furan yahay oo ay
adeegsan karaan dadweynaha, taasoo xoogaa
adkaynaysa,” Finberg ayay tiri.
Si aad ula socoto akhbaaraha
mashaariicda lagu maalgeliyo canshuurta
gadida xulashada maxalliga ah iyo
canshuurta isticmaalka ee Edina, booqo
BetterTogetherEdina.org/Parks.
Mashaariicda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta Waxaa Horay u Sii
Wada Maalgelinta Canshuurta Gadida
Dayactiro ayaa ka socda Braemar Park; Fred Richards Park iyo Braemar Arena ee Loo Qorsheeyay
Horumarin Ballaaran
Iyadoo ay ugu wacan tahay u dhawaanshaha garoomada baseball-ka, nakhshadda garoonka Courtney Fields
waxay lahayd baahi gaar ah: waaritaan iyo adkaansho lagu xamilo boolasha kabaha. (Sawirka Glenn Gray)
4
Saldhiga Dabdemiska 2aad ee cusub ee kuyaalla 4401 W. 76th St. wuxuu dhismo ku socday muddo wax yar ka
badan hal sano. Qaybo badan waa la dhammeystiray waxaana socota shaqada gudaha. Dhismaha waxaa la
qorsheeyay in la furo dabayaaqada sanadkan. (Sawir Fayl)
WAXAA QORTAY KATE HEIMEL
Dhismaha Saldhiga Dabdemiska 2aad ee
cusub ayaa socda iyadoo la qorshaynayo in
la furo dabayaaqada sanadkan. Mashruuca
$48.1 milyan ah wuxuu ku yaalaa 4401 W.
76th St. ee Aagga Southdale-Weynta. Wuxuu
beddeli doonaa Saldhiga Dabdemiska 2aad ee
hadda ku yaalla York Avenue wuxuuna bixin
doonaa boosas waawayn oo loogu talagalay
shaqaalaha, qalabka iyo adeegsiga bulshada.
Maareeyaha Tas-hiilaadka Derik Otten iyo
Maamulaha Caafimaadka Bulshada Jeff
Brown ayaa ka jawaabay su’aalaha guud ee ku
saabsan xarunta cusub.
Maxaa keenaya kharashka badan ee
Saldhiga Dabdemiska 2aad ee cusub?
Otten: Qayb wayn oo ka mid ah kharashka
mashruuca ee Saldhiga Dabdemiska 2aad
waxay ahayd in lagu hanto dhulka. Magaaladu
waxay dib-u-eegis ku samaysay goobo
badan oo la heli karay waxayna go'aamisay
in baaxadda, goobta iyo helitaanka goobtu
ay ku habboon tahay inay u adeegto qaybta
koonfureed ee magaalada. Magaalada waxay
$15.4 milyan ka bixisay dhulka.
Inta soo hartay ee kharashaadka, waxaan
aragnay koror ku yimid kharashaadka
dhismeyaasha loo adeegsado xarumaha
adeegyada gurmadka degdegga ah. Tani
waxaa inta badan ugu wacan qaabka
dhismaha, iyo sidoo kale xaqiiqada ah inay
hawlgalaan 24/7 oo ay leeyihiin shaqaale dhex
deggan. Tani waxay u baahan tahay dhismaha
inuu u shaqeeyo sidi geerish, goob xafiis iyo
meelo lagu nool yahay oo dhammaantood hal
meel ah.
Sidee lagu bixinayaa kharashka Saldhiga
Dabdemiska 2aad ee cusub?
Otten: Magaaladu waxay bixisay labo lacago
curaar ah sanadyadi 2022-2023 iyo 2024 si
loogu daboolo kharashaadka mashruuca.
Lacag kale oo curaar ah waxaa la bixin doonaa
xagaaga. Marka laga yimaado lacagaha
curaarta ah ee ay Magaaladu isticmaashay,
qayb waxaa maalgelinaya lacagaha curaarta
ah ee uu Gobolku bixiyo iyo Sanduuqa Ilaalinta
iyo Waaritaanka Edina (CAS). Lacagta Curaarta
Gobolka waa $1 milyan. Ugu yaraan $200,000
oo lacagaha CAS ah ayaa loo isticmaali
doonaa in kor loogu qaado nidaamka soolarka
dhismaha. Maadaama kani yahay dhismo ay
magaaladu maamusho, canshuur celino dhawr
ah iyo ka dhaafitaano ayaa sidoo kale caawiyey
in la xaddido wadarta kharashka guud.
Waa maxay sifooyinka waaritaanka ee
Saldhiga Dabdemiska 2aad ee cusub uu
yeelan doono ee ka caawin kara inay
lacagta tashiilaan?
Otten: Dhismahani waa xarunti ugu horraysay
ee Magaalada ee lagu nakhshadeeyo iyadoo la
isticmaalayo Tilmaamaha Dhismaha Cagaaran
ee Gudaha. Samaynta sidaasi, nakhshaddu
waxay awooday inay saarto 90-95% oo ka
mid ah dhammaan isticmaalka gaaska dabiiciga
ah ee dhismaha. Nidaamyada kulaylinta iyo
qaboojinta waa kuwo koronto ku shaqeeyo, oo
inta badan nidaamyada waxaa dabsiiya nidaam
wayn oo dabka ka dhaliya dhulka hoose. Dhanka
korontada, soolaro la isku taxay ayaa qaban
doona qayb wayn oo ka mid ah korontada looga
baahan yahay dhismaha. Marka laga yimaado
bixinadaan, Magaalada waxay ku dirqisay kooxda
nakhshadda inay kulaylinta iyo qaboojinta
dabiiciga ah ku daraan nakhshadda.
Waa maxay sifooyinka kale ee uu yeelan
doono Saldhiga Dabdemiska 2aad ee cusub?
Otten: Iyadoo ujeedada koowaad ay
noqon doonto in la dejiyo qayb ka mid ah
Waaxda Dabdemiska, goobta xafiiska waxaa
sidoo kale ka mid ah qol loogu talagalay
shaqaalaha Caafimaadka Dadweynaha ee sida
kumeelgaarka ah uga shaqaynaya dibedda
Saldhiga Dabdemiska 1aad.
Bulshadu waxay awoodi doontaa inay
isticmaasho qolalka shirarka iyo goob lagu kulmo
oo qaadi doonta ilaa 100 qof waxayna isku
cabbir yihiin Rugta Golaha ee Hoolka Magaalada
Edina. Waxaa la wadaa qorsheyaasha sida
goobahani loo qabsan doono.
Sidee ayay boos ku yeelashada Saldhiga
Dabdemiska 2aad ee cusub ugu
oggolaan doontaa Waaxda Caafimaadka
Dadweynaha inay qabato waxyaabo ay
qaban wayday waagi hore?
Brown: Saldhiga dabdemiska ee cusub wuxuu
u dhow yahay qaar badan oo ka mid ah
ganacsiyada aan shatiga siin doono oo aan
kormeeri doono, iyadoo intooda badan ay ku
yaallaan aagga Southdale. Wuxuu sidoo kale aad
ugu dhawaan doonaa dadka deggan magaalada
ee u baahan kara inay marin u helaan adeegyada
caafimaadka dadweynaha, waxaana boos ku
darnay dhismaha cusub si aan u sahalno bixinta
Saldhiga Dabdemiska 2aad ee Cusub. Sii Kala Qaybinta Kharashka,
Maalgelinta iyo Sifooyinka
Shaqaaluhu Waxay Aragti Faahfaahsan Ka Bixiyeen Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Cusub ee Magaalada
adeegyadaas iyadoo lala kaashanayo Waaxda
Caafimaadka Dadweynaha ee Bloomington.
Waxaan rajaynaynaa inaan marin-u-hel
wanaagsan siino kuwa u baahan adeegyada
anagoo ku siinayno gudaha Edina beddelki ay
u safri lahaayeen koonfurta Bloomington si ay
u helaan. Fikradani waxay ku jirtaa marxaladihi
ugu horreeyay waxaana loo shaandhayn doonaa
loona meelmarin doonaa hadba sida baahiyaha
ay isu beddelaan, balse saldhigga cusub waxaa ku
jiri doona boos lagu hirgeliyo.
Maxay Waaxda Caafimaadka Dadweynaha
ay hadda awoodi kartaa inay dadka
deegaanka ku siiso booska cusub?
Brown: Waxaan iskula dubaridaynaa oo aan
la qorshaynaynaa Waaxda Caafimaadka
Dadweynaha ee Bloomington si aanu rugo
caafimaad uga bixinno saldhigga. Kuwani
waxay noqon karaan rugaha tallaalka hergabka,
waxbarashada ama la tashiyada haweenka
xaamilada ah iyo hooyooyinka cusub, ama
barnaamijyo kale. Waxaanu eegi doonaa waxa
si fudud looga yagleeli karo saldhiga cusub iyo
sida loo shaacin karo adeegyada la heli karo.
Waxaan rajaynaynaa in shaqaalaha Waaxda
Caafimaadka Dadweynaha ee Bloomington
ee adeegyada siiya dadka deggan Edina ee
qandaraaska ku jira ay wakhti ku qaadan
doonaan saldhiga cusub si ay aad ugu bartaan
shaqaalaha Qaybta Caafimaadka Dadweynaha
Edina iyo shaqaalaha Waaxda Dabdemiska si
ay u dhiirigeliyaan iska kaashiga mashaariicda
kale. Qaybta Caafimaadka waxay ku taalli
doontaa afaafka dhismaha, marka gelitaanka
dadka shakhsi ahaan u imanaya saldhigga ayaa
fududaan doona. Dadka deegaanka waxaa lagu
soo dhawaynayaa inay yimaadaan oo ay soo
booqdaan marka aan u guurno!
Wixii macluumaad dheeraad ah iyo warbixinada
mashruuca, booqo BetterTogetherEdina.org/
Fire-Station-2.
WARBIXIN SANADKA
5Magaalada Edina EdinaMN.gov
WAXAA QORAY BRITTANY BADER
Magaalada Edina waxay ka shaqaysay labo
mashruuc oo dib-u-dhis waddo oo xaafada ah
sanadki 2024: Concord B & C iyo Southdale B.
Si wadajir ah, mashaariicda waxaa ka mid ah ku
dhawaad saddex mayl oo waddo la hagaajiyay ah.
Waxa Mashaariicda Ku Jiray
•Dhammaan waddooyinka waxaa la saaray
laammi
•Intooda badan waxay heleen tuubo-gelin
cusub iyo adeegyada biyaha, oo ay ku
jiraan beddelista tuubooyinka wadada
ee dabdemiska, meelaha laga furo
tuubooyinka iyo tuubooyinka gaboobay,
iyo ku kordhinta tuubooyinka wadada ee
dabdemiska meeshi lagama maarmaan ah
•Waxaa horumarino lagu sameeyay
nidaamka bullaacada fayodhowrka, oo ay
ku jiraan dayactirada meelaha tuubada ay
ka hallaysan tahay iyo dahaarka gudaha
tuubooyinka, iyo beddelista daboolada
bullaacada iyo fadhiyada daboolada
•Hagaajino ayaa lagu sameeyay marinka
wadada iyo bulaacada biyaha si loo
hagaajiyo biyo ka saarista, oo ay ku jirto
rakibidda tuubada guriga salkiisa biyaha ka
soo nuugta meeshi ay macquul tahay
•Qarqarada iyo meelaha hoose ee shubka ah
ayaa la beddelay
Horumarinada lugaynta dadka ee labada
mashruucba waxay taageerayaan yoolalka
gaadiidka ee Magaalada si ay si wanaagsan
isugu xiraan xaafadaha loogana dhigo kuwo
sahlan oo badbaado u ah in lagu socdo ama
baaskiil lagu wado.
Concord B & C
•Dhabbayaal dhinaca wadada ah oo shub
ah oo 5-fiit-ballac ah oo ku yaalla Concord
Avenue inta u dhaxeysa West 64th Street
iyo Valley View Road iyo wadada Wooddale
Avenue inta u dhaxeysa Garrison Lane iyo
Valley View Road
•Dariiq lagu socdo oo waddo shub ah oo
6-fiit-ballac ah oo ku yaalla Wooddale inta
u dhaxeysa Nancy Lane iyo Garrison
•Isku dhafka dariiq adeegsi la isla wadaago
leh oo wadada ku yaallo kana baxsan oo 5-
ilaa 8-fiit-ballac ah oo ku yaalla West 64th
inta u dhaxeysa Concord iyo Rose Court
Southdale B
•Dhabbo dhinaca wadada ah oo shub ah
oo 5-fiit-ballac ah oo ku yaalla Barrie Road,
Heritage Drive iyo West 65th Street
•La iskula dubariday mashruuca Southdale
B, balse si gaar ah looga maalgeliyay
Sanduuqa Badbaadada Dadka Lugaynaya
iyo Baaskiillayda (PACS), in ka badan 20
meelood oo ay istaagaan basaska Metro
Transit oo ku yaallo koonfur-beri Edina ayaa
helay meelo cusub oo la heli karo oo uu
istaago baska si ay u buuxiyaan heerarka
Xeerka Ameerikaanka Naafada ah
Maalgelinta Mashruuca
Maalgelintu waxay ka imaanaysaa isku dhafka
qiimeyno gaar ah, canshuuraha hantida
maguurtada ah, Lacagaha Adeegyada Guryaha
iyo Sanduuqa PACS. Lacagaha Adeegyada
Guryaha waxaa caawiya khidmadda adeegga ee
biilasha adeegyada guryaha ee Magaalada, iyo
Sanduuqa PACS ee khidmadda oggolaanshaha
ee biilasha gaaska iyo korontada.
Sanadki 2021, Golaha Magaalada waxay
ansixiyeen qaab maalgelin ah oo wajiyaysan si
tartiib-tartiib ah si ay kharashka dib-u-dhiska
qaybta wadada ee xaafadda loogu beddelo
canshuuraha hantida maguurtada ah marka
la gaaro 2036, halkaasoo taariikh ahaan gebi
ahaan lagu maalgeliyo qiimaynada gaarka ah
ee mulkiilayaasha hantida. Mashaariicda 2024,
ku dhawaad 63.12% ka mid ah kharashaadka
wadada waxaa lagu maalgeliyay qiimaynada
gaarka ah, iyadoo 36.88% ay dabooleen
canshuuraha hantida. Kharashaadka waxaa
ka mid ah kharashyo aan toos ahayn sida
injineerinka, maaliyadda iyo tijaabinta agabka.
Dib-u-soo celinta u dambaysa ayaa sii socon
doonta 2025. Xagga Concord B & C, tani
waxaa ka mid ah dib-u-soo celinta xaqa dariiqa.
Xagga Southdale B, tani waxaa ka mid ah
horumarinada West 65th. Dhageysiga qiimaynta
waxaa la qaban doonaa dabayaaqada sanadkan.
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo
BetterTogetherEdina.org.
Mashaariicdi Wadada ee 2024 Waxay Kor u Qaadeen
Waddooyinka Xaafadaha Concord iyo Southdale
Ku Dhawaad Saddex Mayl oo Dib Loo Dhisay; Dhabbayaasha Dhinaca
Wadada, Dariiq Ayaa Lagu Daray
Si toos ah u daawo shirarka Golaha
Deegaanka, Guriyeynta & Maamulka Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta:
• Edina TV (Kanaalada Comcast 813 ama 16)
• Facebook.com/EdinaMN
• EdinaMN.gov/Meetings
DHACDOOYINKA SOO NOQNOQDA
Axadaha, Isniinaha iyo Arbacooyinka, 7 p.m.
Riwaayado, Centennial Lakes Park
Talaadooyinka iyo Khamiisaha, 10 a.m.
Riwaayado, Centennial Lakes Park
Talaadooyinka iyo Khamiisaha, 9-10:30 a.m.
Kulmiska Farshaxanka ee Xarunta Farshaxanka
Edina, Centennial Lakes Park
Khamiista 3-7 .p.m.
Suuqa Beeralayda, Centennial Lakes Park
Khamiisaha laga bilaabo Juulaay 10, 9 a.m.
Kalluumaysiga Bilaashka ah ee Khamiisaha ee
Dhallaanka, Centennial Lakes Park
DHACDOOYINKA SOO SOCDA
Salaasa, Julaay 1, 7 p.m.
Riwaayadda Rotary “Grooves & Foods”,
“Mick Sterling’s A Billy Joel State of
Mind,” Centennial Lakes Park
Jimco, Juulaay 4
Maalinta Xorriyada,
Xafiisyada Magaalada ayaa xiran
Axad, Juulaay 4, 10 a.m.
Isu Soo Baxa Edina ee 4-ta Juulaay, Ka
Bilaabmaya Hoolka Magaalada Gadaashiisa
Axad, Julaay 4, 8:30 p.m.
Riwaayad iyo dabrid, Rosland Park
Axad, Julaay 9, 5 p.m.
Farshaxanka Wadajirka ah, Yorktown Park
Khamiis, Julaay 10, 11-11:30 a.m.
Wadahadalada Mashruuca Onlaynka Ah:
Mashruuca isgoyska wadada isdulmarka ee
Vernon Avenue & Highway 100;
EdinaMN.gov/Highway100Talks
Khamiis, Luuliyo 10, 3 p.m.
Dhadhaminta Khamrada Luce Line,
Edina Liquor – Southdale
Sabti, Luuliyo 12, 9 a.m
Gurista Geedaha Buckthorn ee Pamela Park,
Pamela Park
Salaasa, Julaay 15, 7 p.m.
Shirka Golaha Deegaanka,
Hoolka Magaalada Edina
Khamiis, Luuliyo 17, 2-4:30 p.m.
Hubinta Kursiga Baabuurka ee Bilaash ah,
Saldhiga Dabdemiska 1aad
Sabti, Luuliyo 19, 3:30 p.m.
56 Khamro Dhadhaminta,
Edina Liquor – Grandview
Axad, Julaay 23, 6 p.m.
La Lugee Duqa Magaalada, Bredesen Park
Khamiis, Julaay 24, 7:30 a.m.
Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Hormarinta,
Hoolka Magaalada Edina
Khamiis, Julaay 24, 11-11:30 a.m.
Wadahadalada Mashruuca Onlaynka Ah:
Mashruuca isgoyska wadada isdulmarka ee
Vernon Avenue & Highway 100;
EdinaMN.gov/Highway100Talks
Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo
dhameystiran, booqo EdinaMN.gov.
Sheyga Isha Maalgelinta Concord B & C Southdale B
Wadada Qiimeyn Gaar ah $1,871,800 $779,800
Wadada Canshuuraha Hantida $1,093,600 $455,600
Bullaacada Fayodhowrka Sanduuqa Adeegyada Guryaha $872,700 $616,600
Tuubada Biyaha ee Wayn Sanduuqa Adeegyada Guryaha $2,472,300 $901,800
Bullaacada Roobka Sanduuqa Adeegyada Guryaha $1,390,500 $1,049,200
Dhabbaha Dhinaca
Wadada Sanduuqa PACS $283,000 $269,300
Shaqada Dhiman
2025
Shaqada ka dhiman Southdale B waxaa ka
mid ah kharashaadka il kasta oo maalgelin.
Qiyaasta
$418,000
Wadarta Mashruuca:$7,983,900 $4,490,300
WARBIXIN SANADKA
6
Waxaa ku faahfaahsan garaafyada la bixiyay
waa 2024 iyo 2023 wadarta dakhliyada iyo
kharashaadka dhammaan lacagaha dowladda.
Dakhliga waxaa lagu soo bandhigaa qayb
(tusaale ahaan, Cashuuraha) kharashaadkana
waxa lagu soo bandhigaa hawlo (tusaale,
Dawladda Guud). Dhammaadka sanad
xisaabeedka hadda socda, dakhliyada iyo
kharashgarayntu waxay noqdeen $97.1M iyo
$110M, siday u kala horreeyaan, oo ah hoos
u dhac guud oo ku yimid haraaga sanduuqa
oo dhan $12.8M ka hor ilaha kale ee
maalgelinta (tusaale, Xawilaadaha,
Curaarta La Bixiyay, iwm.).
Dakhliga ayaa noqday 7%, ama $6.3M, kaasoo
ka badan 2023. Kororka waxaa inta badan loo
aanaynayaa canshuuraha kordhay ($4,604,871),
qiimaynada gaarka ah ($1,151,953), ururinada
canshuur kordhinta ($1,097,489), canshuurta
gadida ee guud ($1,086,957), khidmadaha
adeegyada ($848,026) iyo shatiyada iyo
oggolaanshiyaasha ($294,385) waxaa qayb
ahaan meesha ka saaraya hoos u dhaca
dakhliga dawladaha dhexdooda ($1,571,059)
iyo dakhliga kale ($1,150,909). Canshuuraha
hantida ayaa kordhay iyadoo ay ugu wacan
tahay kororka canshuur soo rogista hawlgalka
guud taasoo bixisa maalgelin lagu sii wado
heerarka adeegga ee jira. Canshuurta gadida
ee guud ayaa korodhay iyadoo ay ugu wacan
tahay canshuurta gadida ee maxalliga ah.
Deeqaha raasamaalka ee kale iyo tabarucaadaha
waxay kordheen $6,323,597 sanadki 2024.
Khidmadaha adeegyada ayaa kordhay iyadoo
ay ugu wacan tahay khidmadaha laga qaado
qandaraasyada adeegga ee Waaxda Booliska
iyo oggolaanshaha xaqa dariiqa ee ka socda
mashruuca US Internet Corp.
Kharashgaraynti 2024 ayaa noqotay 13%, ama
$12.9M, taasoo ka badan 2023. Tani waxaa
loo aanaynayaa $11.8M ee kororka ku yimid
kharashgareynta Badbaadada Dadweynaha,
taas oo ay keentay kharashgareyn raasamaal
oo badan ($13.3M). Hawlaha Guud ayaa hoos
u dhacay $2.8M ugu horrayn iyadoo ay ugu
wacan tahay kharashgarayn raasamaal oo yar.
Kharashgaraynta Waaxda Beeraha Nasiinada &
Tamashleynta ee 2024 ayaa korodhay $5.1M,
iyadoo ay ugu wacan tahay horumarinada
raasamaalka. Kharashaadka adeegga deynta
ayaa kordhay $503K maadaama aanay jirin
curaaro hore oo dib loo bixiyay 2024.
Lacagaha Dowladda
Kharashaadka Sanduuqa Dowladda
2023 2024 Farqiga
Dowladda Guud $21,903,233 $20,218,283 $1,684,950
Badbaadada
Dadweynaha $31,938,035 $43,764,009 $11,825,974
Gaasimaha
Hawlaha Guud $27,715,046 $24,882,110 $2,832,936
Xadiiqadaha iyo
Madadaalada $8,071,113 $13,226,702 $5,155,589
Adeegga Daynta $7,471,875 $7,975,577 $503,702
Wadarta $97,099,302 $110,066,681 $12,967,379
$0
$10
$20
$40
$50
$30
Badbaadada
Dadweynaha
Xadiiqadaha iyo
Madadaalada
Dowladda
Guud
Shaqada
Dadweynaha
Adeegga
DayntaMalaayiinIsbarbardhigga Kharashaadka Sanduuqa Dowlada
2023 2024
Isbarbardhigga Dakhliyada Sanduuqa DowladdaDakhliyada Sanduuqa Dowladda
2023 2024 Farqiga
Canshuuraha $52,297,131 $56,902,002 $4,604,871
Kordhinta Canshuur
Ururinta $2,078,687 $3,176,176 $1,097,489
Canshuurta Iibka
Guud $5,450,871 $6,537,828 $1,086,957
Qiimeyn Gaar ah $3,609,885 $4,761,838 $1,151,953
Ruqsadaha iyo
Oggolaanshaha $5,716,734 $6,011,119 $294,385
Dawlad-goboleed $7,718,968 $6,147,909 $1,571,059
Kharashka Adeegyada $7,121,548 $7,969,574 $848,026
Kuwa kale $6,823,160 $5,672,251 $1,150,909
Wadarta $90,816,984 $97,178,697 $6,361,713
$0
$10
$20
$30
$40
$50
$60
Kordhi
nt
a
Ca
ns
h
u
ur
Ur
uri
nt
a
Qiimey
n
G
a
ar
a
h
Cansh
u
urt
a Ii
b
k
a
G
u
u
d
Ruqsa
d
a
h
a
&
O
g
g
ol
a
a
ns
h
a
h
a
Dawla
d-
g
o
b
ol
e
e
d
Kharas
h
k
a
A
d
e
e
g
y
a
d
a
Cansh
u
ur
a
haMalaayiin
Kuwa k
al
e
2023 2024
WARBIXIN SANADKA
7Magaalada Edina EdinaMN.gov
Golaha Magaalada Waxay Tixgelinayaan Curaarta Dhimista Canshuurta
Si Ay Ugu Bixiso Qolka Bamka ee Xarunta Biyaha ee Cusub
Ku dhawaad $9 Milyan oo Horumarino ah Ayaa Loo Baahday si Xaruntu u sii Shaqayso
Magaaladu waxay tixgelinaysaa maalgelinta
horumarinada aadka loogu baahan yahay
ee guriga bamka la dhisay 1958 ee Xarunta
Biyaha Edina.
Guriga bamka barkadda dabbaasha ee hore
wuxuu u baahan yahay in lagu beddelo qaab-
dhismeed u hoggaansan Xeerka oo leh qalab
bamgarayn oo casri ah, filtaro, awood koronto,
iyo haan kaydisa sare u kaca biyaha. Kaabaha sii
xumaanaya wuxuu keenayaa khataro hawlgal,
walaacyo badbaado iyo arrimo ku aadan u
hoggaansamidda, kuwaasoo ku qasbi kara
xarunta inay xirmato haddii aan wax laga qaban.
Toban maalmoood ka hor furitaanki la
qorsheeyay ee Xarunta Biyaha Edina ee 2021,
cillad farsamo ayaa dhacday. Maadaama
nidaamyadu ay yihiin kuwo qadiimi ah, qaybo
la soo isticmaalay ayaa la isticmaalay si ay
u noqdaan xal ku meelgaar ah, taasoo u
oggolaatay xarunta in dib loo furo. Sanadki
2024, Xarunta Biyaha waxay la kulantay
maanso koronto oo joogta ah taasoo
keentay dhibaatooyin hawlgal.
“Shaqaaluhu waxay sameeyeen dayactiro
kumeelgaar ah, balse waxay lumiyeen kalsoonidi
ay ku qabeen awoodeena inaan joogtayno
nidaam hawlgal iyadoo aan xal lahayn,” ayuu yiri
Maareeyaha Tas-hiilaadka Derik Otten. “Xarunta
Biyaha Edina waxay u badan tahay in aanay dib
u furmi doonin haddii ay soo wajahdo cillad kale
oo farsamo sida middi 2021.”
Dhowrki sano ee la soo dhaafay, Qaybta Tas-
hiilaadka Magaalada waxay dejisay qorsheyaal
lagu dhisayo qol filtar ah oo cusub oo ku
dheggan guriga bamka ee hadda. Wakhtiga
ayaa ah waxa muhiimka ah, iyadoo dib-u-
dhacyada wax ka qabashada dhibaatooyinkaan
ay horseedi karaan inay ka sii darto, kharashaad
dayactir oo badan iyo xirmashada suurtagalka
ah ee xarunta. Shaqaaluhu waxay jeclaan
lahaayeen inay dhismaha bilaabaan sanadkan si
guriga bamka cusub loo dhammeystiro ka hor
xilliga 2026.
Magaalada waxay curaarta Gobolka u raadsatay
mashruuca inti lagu jiray kalfadhiyadi sharci
dejinta ee 2023 iyo 2025, balse ma aanay ku
guulaysan. Curaarta Dawlada ee tas-hiilaadka
madadaalada waa ay kooban tahay, suurtagalna
ma noqonayso in la kordhiyo khidmadaha
isticmaalaha si loogu maalgeliyo mashruuca
wakhtiga lagama maarmaanka ah ama iyada
oo aan la helin koror la taaban karo oo
saameynaya awoodista.
Waaxda Maaliyadda waxay soo jeedisay iibinta
Curaarta Dhimista Canshuurta si ay ugu bixiso
mashruuca lagu qiyaasay $9-ka milyan. Curaarta
waxaa dib looga bixin lahaa dhimista canshuur
soo rogista magaalada oo dhan ah muddo
15 sano ah. Canshuur soo rogista waxay ku
koobnaan doontaa qadar la’eg canshuuraha
Magaalada laga soo ururiyo meel cayiman
oo ka kooban in ka badan 325 boos oo ku
yaallo aagga la deggan yahay ee ku dheggan
Xarunta Biyaha.
Golaha Magaalada ayaa ku go’aansan doona
kulankooda Juulaay 15 haddii curaarta dhimista
canshuurta loo isticmaalayo in lagu maalgeliyo
mashruuca. Haddii la ansixiyo, curaarta waxay u
badan tahay in la iibiyo dabayaaqada sanadkan.
Hawlaha kale bishii hore, Golahu:
•Wuxuu ansixiyay qandaraas lala galayo
Hennepin County si ay ula wareegto
qiimaynta adeegyada Edina muddo aan ka
dambayn Juulaay 1, 2026. Isbeddelka waxaa
lagu qiyaasayaa inuu kharashgaraynta
Magaalada ka dhimi doono qiyaasti
$500,000 sanadka 2026—iyo $1 milyan
sanad kasta laga bilaabo 2027.
•Wuxuu ansixiyay dhismaha musqul cusub
ee Godka 6 agtiisa ah ee Barxadda
Goolofta ee Braemar.
•Wuxuu oggolaaday shaqaalaha inay
codsadaan deeq iyadoo loo marayo
barnaamijka Shaqaale Ku Filan Jawaabta
Gurmadka Dabka iyo Xaaladda Degdegga
ee ay aasaaseen Waaxda Arimaha Gudaha
iyo Wakaaladda Maaraynta Xaaladaha
Degdega ah ee Federaalka. Saddex boqol
oo deeqaha barnaamijka SAFER ah ayaa
la bixin doonaa heer qaran. Qaatayaasha
waxaa la filayaa in la doorto ugu dambayn
Agos. 18.
Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xigtaa 7
p.m. Talaado, Juulaay 15. Wixii macluumaad
dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov.
- WAXA SOO URURISAY JENNIFER BENNEROTTE
952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov8