Loading...
HomeMy WebLinkAboutPublicWorksPipeline_Early2023_Somali-WebShurrucda baarkinka ee xiliga qaboobuhu waxay ka dhaqan galeen guud ahaan Edina si ay gacan uga gaystaan xaqiijinta in waddooyinku ahaadaan kuwo ammaan ah kahor, inta lagu jiro iyo kadibba xiliyada barafku da’o ama ay jiraan cimilada kale ee daran. Xaaqista barafku waa mid kamid ah adeegyada loogu ammaanta badan yahay ee ay Magaaladu bixiso. Waxtarkiisa iyo xowligiisana waxaa gacan ka gaysta dadka deegaanka oo raaca shuruucda baarkinka. Ayada oo looga baahan yahay in ay xaaqaan 26 waddo, shaqaalaha waaxda Howlaha Guud waxay ka faa’iidaystaan ka fogaanshaha caqabadaha ka dhalanaaya gawaarida baakiman. “Majirto magaalo kale oo ay dadka dagani ka bixiyeen qiimayn ku saabsan xaaqista barafka taasoo ka wanaagsan middeenna lagu bixiyay xog aruurinta dadka deegaanka ee qaranka ee ay qabatay Polco. Shuruucda baarkinka ee xiliga qaboobuhu waxay noo ogolaanayaan in aan si wanaagsan u bixinno adeegga xaaqista barafka ee gudaha Edina,” waxaa sidaa yiri Agaasimaha waaxda Howlaha Guud Brian Olson. Si jadwalka xaaqista barafka loo ilaaliyo, Waaxda Booliska Edina waxay kormeer ku samaysaa waddooyinka magaalada waxayna wadada ka jiidaa gawaarida khaladka gasha, haddii loo baahdo. “U hogaansamidda shuruucda baarkinka ee xiliga qaboobuhu waxay xaqiijinayaan in Waaxdeenna Howlaha Guud ay si waxtar leh u xaaqdo waddooyinka la maro marka uu da’o baraf joog ahaan gaaraya 1.5 inji ama ka badan. Waxa ugu danbeeya ee aan doonayno in aan samayno waa in aan gaarigaaga wadada ka jiidno,” waxaa sidaa yiri Madaxa Booliska Todd Milburn. Marka laga soo tago dib u dhaca cagafcagafyada barafka xaaqaya, gawaarida sida sharci darrada ah loo baakimo ayaa sidoo kale kordhin kara khatarta jirta. Darawalada cagafcagafyadu waxaa dhici karta in ay gaariga arki waayaan ayna si aan kas ahayn ugu dhuftaan, ayada oo baraf weyn oo la xaaqay uu xiri karo ama aasi karo gaariga taasoona adkaynaysa in darawalada kale ay arkaan. “Waxaan doonaynaa in aan awood u yeelano in aan dadka magaalada deggan siinno adeegga baraf xaaqista ah ee ugu wanaagsan. Waxaanu dhab ahaantii qof kasta uga mahadcelinaynaa ka qaybqaadashadiisa shaqo wanaagga si uu nooga caawiyo sidii aan waddooyinka uga dhigi lahayn kuwo ammaan ah sida ugu macquulsan inta lagu jiro xiliga qaboobaha,” waxaa sidaa yiri Kormeeraha Waddooyinka John Scheerer. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xeerarka baarkinka xilliga qaboobaha, kala xiriir Waaxda Booliiska Edina 952-826-1610. Si aad wax badan uga ogaato nidaamyada baraf xaaqista, kala xiriir Waaxda Howlaha Guud 952-826-0376 ama booqo EdinaMN.gov/SnowPlowing. – Waxaa soo aruurisay Katherine Hulbert DhuuntaHOWLAHA GUUD HORRAANTA 2023 Majiraan gawaari loo ogolyahay in lagu baakimo waddooyinka Edina, waddada weyn ama jidadka yaryar xaaladaha soo socda dartood: • Marka baraf 1.5 inji ama kasii badan ah uu da’o, ilaa inta loo xaaqayo marinka loogu tala galay. • Laga bilaabo 1 ilaa 6 a.m. Nofeembar 1 ilaa Maarso 31, iyadoon loo eegin cimilada ama saadaasha. • Wixii lix saacadood ama kasii badan ah oo isku xiga, in si kale loo saxiixo ma ahane (sannadka oo dhan lasoo rogo). Aqbalaadda Shuruucda Baarkinka ee Xiliga Qaboobuhu Waxay Xaqiijinayaan in la helo Natiijooyin Xaaqidda Barafka ah oo Wanaagsan 22 Ee David Katz Daawashada marka cagafcagaftu ay shaqada waddo, waa ay fududahay in aad aragto awoodda ka danbaysa mashiinka aadna u malayso in qalabka Magaaladu u qabto shaqada nadaafadda qaab aan dhib lahayn. Sida dhabta ah, inkasta oo gawaarida xamuulka ah iyo cagacagafyadu ay yihiin kuwo casri ah, haddana dadka ku shaqaynayaa waxay wajahaan caqabado iyo khataraha kale. “Kaddib markii baraf yar uu da’o iyo markuu ururaba, waddooyinka qaar ayaa aad cariiri u noqda taasoo xataa keenaysa in hal gaari oo waddada la dhigay uu si weyn caqabad ugu noqon karo xaaqista barafka,” waxaa sidaa nala wadaagay Kormeeraha Waddooyinka Shawn Anderson. Marka arintaani dhacdo, waddada su’aashu kajirto waa laga gudbayaa hadhow ayaana loo soo laabanayaa. Culaysyada sida kuwaan oo kale waxa ay sii kordhinayaan baahida loo qabo qalab loo isticmaalo howlaha nadaafadda oo horayba culays uga jiray iyo magaalada oo dhan cabbir ahaan. “Kooxaheennu waxay xaaqaan ku dhawaad 580 mayl waddo ah, oo lagu daray 80 mayl oo dariiqyada wadada hareereheeda ee ay dadku qaadaan ah,” Anderson ayaa sidaa yiri. Mulkiileyaashu waxay ka ciyaari karaan qaybta kaga aaddan ayaga oo u hogaansamaya shuruucda baarkinka xiliga qaboobaha ee Magaalada iyo astaan kasta oo wadda maris oo lasoo dhigo. Dadka lugaynaya sidoo kale waxay leeyihiin qayb ay ka cayaari karaan. Lisa Rippe oo ah orodyahanad iyo tababare orodka ah oo shahaado ka haysata ayaa sidoo kale arintaan u og sida qof walbaba u ogyahay. “Inta lagu jiro bilaha qaboobaha ah, sida caadiga ah waa kuwo mugdi ah oo dhaadheer” – kasoo dusaya dariishadaha xiliga subixi hore iyo xiliga danbe ee galabtii xiligaasoo dad badan oo lugaynaya iyo orodyahanno badan ay wakhti u hurayaan jimicsigooda. “Waa muhiim in aad iska dhigto mid si fudud loo arki karo si orodyahanada kale, dadka lugaynaya iyo darawaliintuba uga leexdaan ‘wadadaada.’” Gabagabadii, Rippe iyo Anderson labaduba waxay orodyahanada kula talinayaan in ay ku samaystaan maalgashi wanaagsan qalabka birbiriqa iftiinka soo celiya oo badbaadada loogu tala galay. Alaabtaanu Maadaama Wakhtiga Maalmaha ay soo Gaabanayaan, Orodyahannadu Waa in ay Xusuusnaadaan Qalabka Badqabka 3 “Waa muhiim in aad iska dhigto mid si fudud loo arki karo si orodyahanada kale, dadka lugaynaya iyo darawaliintuba uga leexdaan ‘wadadaada.’” Qalabka badbaadada ee ay tahay orodyahannadu inay tixgeliyaan xiligaan qaboobaha: suuqa kuma yara. Khiyaarada kuu furan waxaa kamid ah jaakadaha dhaxanta iyo kuwa birbiriqa iftiinka soo celiya, iyo sidaas si lamid ah katiinka qoorta iyo kan anqawga lagu xirto oo isla agabkaas ka samaysan. Layrarka tooshka ah ee LED ee aan qaaliga ahayn, kaasoo lagu xiran karo dhexda ama qoorta, ayaa sidoo kale inta badan la isticmaalaa. “Hadba inta birbiriqa iftiinka badan uu soo celiyaaba, waa uu kasii wanaagsan yahay,” waxaa sidaa yiri Anderson. “Darawalada cagafcagafta barafka xaaqaysa, khaasatan, waxaa laga rabaa in ay waxyaabo badan iska eegaan... marka arintaani waa mid looga mahadnaqayo.” Rippe waxay sidoo kale ku talinaysaa in orodyahan kasta uu soo xirto tooshka madaxa lagu xirto oo aan kaliya la isku halayn karin balse sidoo kale ku habboon. Arintani waxay qabanaysaa laba shaqo, waxay qofka xiranaya ka dhigaysaa mid si fiican ay u arki karaan dadka mootooyinka wata ee garab dhafaya ayada oo sidoo kale sare u qaadaysa awooddiisa uu ku arki karo waxyaabaha khatarta ah ee kufin kara sida barafka, burburka barafka iyo karakeeshinka. Xataa markii taxadaradaan la adeegsado, Rippe waxay xoojinaysaa in ku ordidda banaanka inta lagu jiro ama kadibba xiliga cimiladu xuntahay aysan marnaba ahayn arrin khatar ka maran. “Orod adiga oo isdifaacaya hana u malayn in darawalka kaa istaagayo; waxaa dhici karta in uu yahay mid niyadiisa meel kala ku maqan tahay ama daallan. Intaas waxaa dheer, dadka mootooyinka wata waxaa dhici karta in ay ku adkaato in ay mootada ku istaajiyaan wakhtigii loogu tala galay inta lagu jiro xaaladaha qaboobaha ah.” Tan ugu danbaysa laakiin aan ka liidan: “Waxaan ku boorinayaa in orodyahanadu qaataan aqoonsigooda ama macluumaadka xiriirka ee xaaladaha degdega ah. Xalka aan u hayo arinkaan waa jijinta RoadID, kaasoo aan xirto marka aan ordayo iyo marka aan baaskiilka wato – lacala haddii ay wax igu dhacaan.” Jaakadaha Wirwirqaya Markuu Iftiinku Qabto Kabaha Barafka Tooshka madaxa lagu xirto 44 Barnaamij Cusub ayaa la Abuuray si Dhabayaasha Lugeynta Edina looga dhigo kuwo Wanaagsan Waxaa qoray Brittany Bader Dhagax kor u qaadan, dildilaac, qaybaha sare iyo oogo burburtay. Kuwani waa qaar kamid ah waxyaabaha marka ugu horeysa uu kormeeraha Dhabaha Lugeynta ee Magaalada, Derek Leonard, uu baarayo marka uu samaynayo kormeerka dhabaha lugeynta xaafadaha. Ujeedkiisu waa in uu ogaado uuna meesha ka saaro khataraha si uu dhabayaasha lugeynta ee Edina uga dhigo kuwo ammaan u ah qof walba – haddii aad dhabayaasha lugeynta u isticmaalayso gaadiid, madadaalo ama labadaba. Booskaan dhawaantaan la abuuray ee ku dhexjira waaxda Howlaha Guud waxaa suurta galiyay Sanduuqa Badbaadada Dadka lugaynaya iyo kuwa Baasakiilada wata (PACS), maalgalin ayaa loo qorsheeyay in lagu hagaajiyo laguna ilaaliyo shabakadda isku socodka aan gaadiidku adeegsanin ee Edina. Markii loo shaqaalaysiiyay Leonard, Barnaamijka Kormeerka Dhabaha Lugeynta wuxuu si rasmi ah u bilowday Maajo 2022 wuxuuna wax ka qaban doonaa dhibaatooyinka la xiriira gabowga iyo xaaladda sii xumaanaysa ee dhabayaasha lugeynta ee magaalada. Waajibaadka aasaasiga ah ee Leonard waxaa kamid ah kormeeridda dhabayaasha lugeynta si loo waafajiyo Xeerka Magaalada, usoo gudbiyo waxyeelo kasta ama khatar dhanka ku kufitaanka ah oo uu ka helo mulkiileyaasha guryaha iyo inuu dusha kala socdo shaqo kasta oo dayactir loo baahan yahay ah. Intaa waxaa dheer, booskiisu wuxuu xaqiijinayaa u hogaansamidda ADA si loo waafajiyo dhabaha lugeynta ee cusub ee laga dhisayo magaalada wuxuuna gacan ka gaysanayaa xaaqista barafka iyo mashaariic kale oo waddooyinka ku saabsan. “Waxaan ku faraxsanahay in aan kusoo biiro Magaalada Edina aniga oo ah Kormeeraha Dhabaha Lugeynta aanna sii wado dhisidda barnaamijkaan cusub. Arintaan kahor, waxaan muddo 10 sanno ah kasoo shaqeeyay booska Hogaamiyaha Shaqaalaha ee Ismaamulka Ramsey, halkaas oo aan maamulay shaqaale badan oo ka shaqaynayay hagaajinta waddooyinka waaweyn. Waxaan la imid khibradayda aan u leeyahay dhismaha, shubka dhagxaanta iyo diyaarinta dhulka, sidaa si lamid ah jacayl aan u qabo badqabka bulshada, intaas oo dhammaantood dhab ahaantii loo tarjumi karo arrinkaan,” Leonard ayaa sidaa yiri. Inta lagu jiro kormeerku, sideed waxyaabood oo kala duwan ayaa la tixgalinayaa si loo go’aamiyo heerka ay marayso xaaladda uu dhabaha lugeynta ku sugan yahay: • Khatarta ku kufitaanka inji barkiis ah ama ka badan (kor u taagan) • Dildilaacyada ka badan 0.75 inji • Qaybha kor uga kacsan ama hoos u godan wax ka badan laba inji qaybta kore ee marshabiyeedka • Dildilaacyo badan ama qaybo burburay • Oogada kore oo ciid noqotay ama jajabtay • Biyo fadhiya, taasoo muujinaysa in oogada kore aysan kajirin qulqulkii biyaha ee loo baahnaa • Xididada geedaha, laamo hoos u laadlaada ama dhir kasoo shex baxday • Heerka ka sareeya 2 boqolkiiba Ayada oo lagu slaaynayo waxa soo baxa, haddii dhabaha wadada hareeraheeda uu noqdo mid aad loogu baahan yahay in la hagaajiyo, Magaaladu waxay waraaq boostada ugu diri doontaa dhismaha uu ku yaalo taasoo qeexaysa talaabooyinka xiga ee dayactirka ama badalidda. Wakhti xaadirkaan, kharashaadka dayactirka dhabaha lugeynta waxaa mas’uul ka ah mulkiileyaasha dhismaha. Mulkiileyaashu waxay kala dooran karaan in ay kiraystaan qandaraaslahooda dhismaha ee ayaga u gaarka ah ama in lagu daro qorshaha dayactirka Magaalada, markaasoo Magaaladu dhammaystirayso shaqada (ama qandaraas ku bixinayso) kaddibna ay lacagta kusoo dalacayso mulkiileyaasha si waafaqsan Xeerka Magaalada. Haddii aan wax dayactir ah la samayn 30 maalmood gudahood, dhismaha waxaa si toos ah loogu dari doonaa qorshaha dayactirka. Laga bilaabo dabayaaqadii Luuliyo ilaa bartamihii Sibteembar, Leonard wuxuu soo gabagabeeyay kormeerkii koowaad ee taariikhda barnaamijka ee Xaafadda Country Club. Markii uu soo dhammeeyay, in ka badan 400 oo dhisme ayaa la ogaaday in ay leeyihiin khatar ku fitaan ama dhabaha wadada hareeraheeda oo waxyeelo soo gaartay, ku dhawaad 70 qaybood oo muhiimad sare leh ayaana la badalay intii lagu jiray xagaagii. Intaa waxaa dheer, khataraha lagu arkay dhabayaasha lugeynta ee ay Magaaladu gaarka u leedahay ee ku hareeraysan Xarunta Magaalada iyo Xarunta Dadka da’da ah sidoo kale waxaa la dayactiray 2022. Ma Ogtahay? Macluumaadka ka socda Joornaalka Badqabka Shaqada, Luuliyo 2022 • Soo dhicis ka timaada heer la siman ayaa ka badan soo dhicis ka timaadda meel joog sare leh. • Soo dhicista dhabaha wadada hareeraheeda- iyo geesaha-la xiriirta ayaa ah sababta koowaad ee keenta dhaawacyada shaqada ee xamuulka iyo shaqooyinka daabulista. 5 Wakhti xaadirkaan, Leonard wuxuu kala shaqeynayaa shaqaalaha Magaalada diyaarinta jadwalka kormeerka xaafadaha ee mustaqbalka, si dadka deegaanku u ogaadaan xiliga la filaayo in shaqo laga qabanayo aaggooda. Wakhti xaadirkaan, waxaa la rajaynayaa in xaafad walba ay mari doonto kormeer lagu samaynayo dhabaha lugeynta oo dhammaystiran saddexdii ilaa shantii sanno ee kasta. “Hadafka la higsanaayo 2023 waa in laga sameeyo qayb gaar ah BetterTogetherEdina. org taasoo loogu tala galay barnaamijka kormeerka. Marka qaabkaan la sameeyo, marka aan go’aaminayno xaafadaha lagu samaynayo kormeerada soo socda, dadka deegaanku waxay la socon karaan shaqada socota, waxay ogaanayaan waxa ay filan karaan waxayna weydiinayaan su’aalo haddii ay qabaan,” Leonard ayaa sidaa yiri. “Qaybtayda aan ugu jeclahay shaqada ilaa hadda waa in aan barto lana shaqeeyo dadka deegaanka. Waxaan ka mahadcelinayaa dhammaan waxyaabaha xiisaha leh ee aan ilaa hadda ka helnay bulshada ee barnaamijka kamidka ah iyo dulqaadka qof walba muujiyay maadaama aan barnaamijka hoos kasoo bilownay sannadkii koowaad.” Si aad wax badan uga ogaato Barnaamijka Kormeerka Dhabaha Lugeynta, kala xiriir Leonard 952-826-0384 ama DLeonard@EdinaMN.gov. Talaabo-Talaabo: Qaabka Qaybaha Dhabayaasha Lugeynta loo baddalo Asaga oo adeegsanaya sawiraan laga soo qaaday shaqada kasoo dhammaatay Xaafadda Country Club deyrtii 2022, Kormeeraha Dhabayaasha Lugeynta Derek Leonard wuxuu la wadaagayaa hannaanka badalidda dhabaha lugeynta marka Magaaladu ay shaqada bilaabayso iyo marka ay kormeeraysaba. (Sawirada Faylka) Kahor inta aysan Shaqadu Bilaaban • Ku calaamadee qaybaha dhabaha ee u baahan in la dayactiro riinjiga qaxwiga ee dhabaha lugeynta. Inta uu socdo dhismuhu, waxaa suurtagal ah in qaybo dheeraad ah ay u baahdaan in meesha laga saaro kuwaas oo ka baxsan wixii markii hore la calaamadeeyay. • Samee wax kasta oo suurtagal ah si loo yareeyo waxyeelooyinka soo gaaraya daaradda mulkiileyaasha dhismeyaasha adiga oo calaamadaynaya meeshana ka raraya wax kasta oo ah madaxa tuubada biyaha firdhisa, laymanka waraabka, xerada eyga iyo wax kasta oo isku horgudbi kara oo u dhow qaybaha la dayactirayo. Wajiga Koowaad ee Dhismaha • Jajabi qaybihii hore oona tuur. • Marka qaybahaas la soo saaro, ka fiiri in wax xididdo geed ah ay hoos kaga dhagan yihiin. Kala shaqee qof qaabilsan Dhiraynta Magaalada si loo go’aamiyo tallaabada ugu wanaagsan ee lagu ilaalin karo geedka. Ayada oo ay ku xiran tahay cabbirka xididka, waxaa kamid noqon kara goynta, burburinta ama in laga dul dhiso jardiin. Xididdo kasta oo u baahan in ay dhulka kujiraan ama la jaro waa la sajaleynayaa. Wajiga Labaad ee Dhismaha • Dhig foomamka qaybaha dhabaha lugeynta ee cusub, waxaadna raacisaa bar kasta oo la aqbalay, haddii loo baahdo. • Ku shub shubka cusub kuna dar isku xirka. • Xaaq oogada waxaadna ku buufisaa maaddada daawada ah ee cad (caddaanku wuxuu sida caadiga ah ku baaba’ayaa dhowr bilood gudahood). Dhammaystirka Soo Celinta • Bixi foomamka. • Hagaaji madaxyada tuubooyinka biyaha firdhiya, laymanka waraabka ama xeryaha eyda ee wax yeeloobay intii uu dhismuhu socday ayada oo aan wax kharasha ah laga qaadayn mulkiilaha dhismaha. • Nadiifi oo meesha ka saar wax kasta oo ah shamiito haraadi ah, geedo ama laamo. • Dhammaystir dib usoo celinta adiga oo adeegsanaya cawska. 5 6 Halka la Dhigayo Weelka Qashinka Maalinta uu Barafku Da’ayo Waxaa qoray Katherine Hulbert Xiliyada qaboobaha ah ee Minnesota waa kuwo xoogaa caqabado wata marka ay timaado nadiifinta qashinka. Marka laga tago ilaalinta jadwalka maalmahooda qaadista qashinka iyo dib u hagaajinta, dadka deegaanku waa in ay maskaxda ku haystaan xiliga loo muddeeyay in cagafcagafyada barafku u imaanayaan. Howlaha xaaqista barafku waxay bilowdaan marka uu da’o baraf gaaraya 1.5 inji ama ka badan, iyo sidaa si lamid ah marka xaaladuhu si adag u saameeyaan safarka, sida barafka burburay ama waddooyinka barafku ceegaago. Xeerka Magaaladu wuxuu dadka deegaanka ka mamnuucayaa in ay weelasha qashinka dhigaan waddada marka la qorsheeyo baraf xaaqista. Weelasha qashinka waa in looga tago geeska waddada, laakiin lama rabo in la dhigo dhabaha lugeynta ama waddada. Darawalada cagafcagafta barafka xaaqaysa ma samayn karaan shaqada xaaqista barafka oo gees ilaa ka gees ah haddii ay ku khasbanaadaan in ay hadba meel u dhaqaaqaan si ay iskaga ilaaliyaan waxyaabaha waddada dhexyaala sida weelka qashinka, taasoo baraf ku reebaysa dariiqa. Dariiqa aan laga shaqayn wuxuu noqon karaa mid barafooba wuxuuna noqon karaa mid dadku ku sinbiriirixdaan oo baraf ah. Kormeeraha Waddooyinka Shawn Anderson wuxuu doonayaa in uu dadka deegaanka xasuusiyo in ay ka fogaadaan in ay weelashooda qashinka dhigaan dhabayaasha lugeynta. “Waxaan leenahay qalab barafka baneeya oo gaar ah oo aan u adeegsanno dhabayaasha lugeynta, in waddada ay dhexyaalaan weelasha qashinkuna waxay caqabad ku keenaysaa howsha socota,” ayuu yiri. Weelasha qashinku waxay sidoo kale ku ganbismi karaan qashinkana ku daadin karaan waddada ama waddada ay maraan dadka deegaanku haddii lasoo dhigo waddada, dhabayaasha lugeynta ama meel aad ugu dhow jardiinka waxaana si aan ulakac ahayn ugu dhici kara cagafta barafka xaaqaysa. Nasiib wanaag, waxaa jira xal loo helay ka fogaanshaha natiijada aan la mahdin. “Inta badan gawaarida qashinka qaadda waxay waayahaan danbe leeyihiin addimo ay wax ku qabtaan oo xoogaa meel fog gaaraya,” ayuu yiri Kormeeraha Waddooyinka John Scheerer. “God uga qod weelkaaga qashinka waddada aad marto ama barxaddaada kaasoo ujira ilaa lix fiit qaybta danbe ee waddada. Waan fahamsanahay in ay xoogaa ay shaqo u baahan tahay si meeshaas loo qodo, laakiin waxaa hubaal ah in ay gacan siinayso howlaheenna ayna ku siinayso adeegga ugu tayada wanaagsan ee shaqada baraf xaaqista ah.” Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan aruurinta qashinka, kala xiriir Waaxda Caafimaadka 952-826-0370. Si aad wax badan uga ogaato nidaamyada baraf xaaqista, kala xiriir Waaxda Howlaha Guud 952-826-0376 ama booqo EdinaMN.gov/SnowPlowing. 777 Ku dhaqan nidaamka Badbaadada Marka Koowaad ee Barafka Marka dadku ay ka fakaraan qaboobaha, waxay soo xasuustaan dagaalka barafka, nimanka barafka, iyo cayaarta qalcadaha barafka ah ayaa maskaxdooda kusoo dhaca. Si kastaba ha ahaatee, waa lagama maarmaan in dhammaan ree Edina ay ahaadaan kuwo ammaan hela oo maskax badan marka loo yimaado arrinta cayaarta qalcadaha barafka ah. Sannad walba waddanka oo dhan, waxaa ka dhacda geeri xanuun badan oo ka dhalata qalcadaha barafka ah ee ku duma xanibana dadka. Qalcadaha barafka ah malahan qaab dhismeed la isku halayn karo waxayna inta badan ka samaysan yihiin baraf culus, oo qoyan kaasoo burburi kara oo xannibi kara ama dhaawici kara qofka. Waxaa ka sii daran qalcado baraf leh oo leh saqafyo iyo tunnel, kuwaas oo sii wiiqaya qaab-dhismeedka isla markaana sii kordhinaya fursadaha burburka. Khatar kale oo culus ayaa ah in cagafcagafta barafka xaaqda ay si aan ulakac ahayn u garaacdo iyada oo uusan darawalku arkayn qalcadda barafka ah. Canug mid un ku cayaaraya waxaa aasi kara barafka ay cagafcagaftu firdhinayso. “Qalcadaha ay dhisaan barafka isugu aruuray waddada dhinaceeda ayaa ah waxa aan ka welwelayno,” waxaa sidaa yiri Kormeeraha Waddooyinka John Scheerer. “Dhibaatada ay leeyihiin ayaa ah in ay irid ku leeyihiin dhinaca waddadu ka marto, sidaa darteed waxay darawaliinteena ula muuqanayaan baraf caadi ah oo isu aruuray.” Intaa waxaa dheer, cagafcagafyadu waxay in badan “dib ugu laabanayaan” barafka—ayaga oo barafka aruuray u riixaya geeska si ay meel ugu baneeyaan barafka soo da’i doona. "Waxa aad qiyaasi kartaa khatarta haddii uu jiro qof ku jira qalcadda barafka oo darawalku aanu ogayn," Scheer ayaa sharaxay. “Waxaanu rabnaa in aan ka fogaanno dhibaatooyinka dadkuna ahaadaan kuwo ammaan hela. Kama soo horjeedno in caruurtu madadaalo helaan; waxaan un kaliya rabnaa in ay si ammaan ah u cayaaraan. Waxaan u sheegaynaa inay dhistaan qalcad aan lahayn dusha sare iyo dhabarka oo fogaan nabdoon leh oo waddada u jirta, ugu yaraan 25 ilaa 30 fiit.” Carruurta iyo dadka waaweynba si isku mid ah, waa muhiim inaad ilaaliso cidhifyada gurigaaga marka cimiladu dhacdo. "Haddii ay tahay qalcado baraf ah, gasacadaha qashinka, baabuurta, ama wax kasta oo kale oo ku yaal dhammaadka waddada, waa muhiim in mulkiilayaasha gurigu ay nadiifiyaan aaggaas si shaqaalaheennu ay si sax ah u xaaqaan oo ay u ilaaliyaan heerka ugu fiican ee adeegga,” ayuu yiri Scheerer. Waalidiinta iyo carruurta xiisaynaysa inay wax badan ka bartaan ciyaarta badbaadada ee barafka waxay daawan karaan fiidyowga Waaxda Gaadiidka ee Minnesota, oo laga heli karo EdinaMN.gov/ SnowPlowing. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baraf xaaqista Magaalada ama badbaadada qaboobaha, booqo EdinaMN.gov/PublicWorks. – Waxaa soo aruurisay Katherine Hulbert 7 7 8 Haddii aad shaqaalaysiiso qof kaa caawiya xaaqista ama gurista barafka, xaqiiji in uu yaqaano shuruucda gudaha ee khuseeya nadiifinta barafka. Waa mas’uuliyadda dadka deegaanka in la xaqiijiyo in dhammaan shuruucda la raaco marka dhismahooda laga shaqaynayo iyada oo aan loo eegin in ay shaqada ku qabanayaan gacanta iyo in kaleba. Dadka deegaanku waxay mas’uul ka yihiin ganaaxyada ku dhaca ee ay sababta u yihiin dayacaadaha ka yimaada dhanka qofka qandaraaska qaata. Khaladka ugu badan ee xaaqista barafku waa in barafka lagu riixo waddada oo dhan ama waddada xageeda. Qaar kamid ah qadaraasleyaasha ayaa barafka usoo “rari” doona waddada si ay iskugu dayaan in ay dhameeyaan iyaga oo aan si sax ah u kaydinaynin. In barafka la isugu geeyo geesaha ayaa sidoo kale ah khalad inta badan dhaca. Dhammaan barafka kusoo da’a guriga waa in lagu hayaa isla gurigaas. Qofka kusoo riixaya barafkiisa waddooyinku wuxuu buuxin karaa meel uu barafku fariisto waxaana suurtagal ah in uu dariska u keeno in ay arkaan baraf dheeraad ah oo dhismahooda lagu soo qubay. Dadka deegaanku waa in ay ka taxadaraan dhammaan meelaha looga baahan yahay in ay nadiifiyaan. Dhammaan dhabayaasha lugeynta waa in la nadiifiyaa 48 saac gudahood. Dadka deegaanku waxay sidoo kale mas’uul ka yihiin in ay xaqiijiyaan in qalabka dabadmisku ay yihiin kuwo bilaa baraf ah oo masaafo saddex fiit ah ka fog lagana arki karo lagana gaari karo waddada. Arrintaani waxay aad muhiim ugu tahay in Waaxda dabdamiska uusan caqabad ku noqon qalabka dabdamiska oo aan la gaari karin marka dabka lala dagaalamayo. Dadka deegaanka waxaa sidoo kale lagu dhiirigalinayaa in ay meel aan baraf lahayn uga sameeyaan weelashooda qashinka iyo dib u hagaajinta si aysan waddada uga bixin halkaasoo ay ku dhici karto cagafcagafta barafku ama ay ku xanibi karaan in cagafcagafta barafku si buuxda waddada u nadiifiso. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaqista barafka ee Edina, booqo EdinaMN.gov/PublicWorks. – Waxaa isku soo ururisay Amy Kyllo Qabow Ha Isku Dayn: Xaqiiji in Qofka aad Qandaraaska ku siisay Barafku uu Yaqaano Shuruucda 9 Liiska waxyaabaha kujira Banaynta Barafka: □ Xaqiiji in qofka aad qandaraaska kula galayso xaaqista barafka uu yaqaano shuruucda banaynta barafka ee magaalada u degsan □ Xaqiiji in sanduuqaaga boostadu yahay mid laga heli karo waddada kaddib marka barafku da’o □ Xaqiiji in dabdamiskaagu uusan baraf iyo qabow toona lahayn uuna u jiro masaafo 3 fiit ah lagana arki karo lagana gaari karo waddada □ Ka samee meel loogu tala galay weelasha qashinka iyo dib u hagaajinta waddada aad marto ama barxaddaada □ Nadiifi dhabayaasha lugeynta 48 saacadood kaddib marka barafku da’o 10 Dadka Hawlaha Guud Shaqaalaha Cusub ee Howlaha Guud waxay Keenaan Hal abuur, Madadaalo Goobta shaqada Waxaa sidaa tiri Amy Kyllo Afar nin oo khibrad hore u lahayd adeegyada bulshada ayaa dhawaantaan kusoo biirtay Waaxda Howlaha Guud. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Waaxda Howlaha Guud, booqo EdinaMN.gov/PublicWorks. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shaqooyinka ka banaan Magaalada, booqo EdinaMN.gov/Jobs. Derek Leonard waa Kormeeraha Dhabaha Lugeynta ee Magaalada. Leonard wuxuu bilaabay kasbashada khibradda booska uu hadda ka shaqeeyo xiligii uu dhiganayay dugsiga sare markaas oo uu kasoo shaqeeyay dhisme. Dugsiga sare kaddib, wuxuu dhigtay Machadka Dabdamiska, kaddibna waxa uu u shaqeeyay shirkada Ames Construction asaga oo kamid ahaa shaqaalaheeda buundada kahor inta uusan u wareegin waaxda Howlaha Guud ee Ismaamulka Ramsey halkaas oo uu maamulayay shaqaalaha dayactirka waddooyinka waaweyn. Kormeeraha Dhabaha lugeynta waa boos cusub oo loo abuuray in uu wax ka qabto arrimaha kajira dhabayaasha lugeynta ee Edina ee sii gaboobaya. Mid kamid ah sababaha uu Leonard u codsaday booskiisa waxay ahayd rabitaankiisa ahaa “wax aan ku biiriyo wixi cusub.” Waxa ugu muhiimsan shaqada ilaa hadda ayaa ah dhisidda xiriir uu la yeesho dadka la shaqeeya. Leonard wuxuu dareemayaa in mid kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu kusoo kordhiyay Edina ay tahay jeclaanta madadaalada, ee shakhsiyad sii socota. Wuxuu markasta rabaa in uu xoogaa madadaalo ah helo asaga oo shaqada wada. Wakhtigiisa firaaqada ah, Leonard waxaa la arki karaa asaga oo ugaarsanaya oona kaluumaysanaya, ama jooga waqooyiga shirka hore asaga oo la jooga xaaskiisa iyo canuggiisa. Derek Leonard, Kormeeraha Dhabaha Lugeynta Sawirka waxaa qaaday Jasmine Robles 11 Dadka Hawlaha Guud Shaqaalaha Cusub ee Howlaha Guud waxay Keenaan Hal abuur, Madadaalo Goobta shaqada Sam Olson waa Shaqaale Adeegyada Bulshada ah oo cusub – Adeegyada Guryaha. Wuxuu xirfaddiisa shaqo ka bilaabay Magaalada Prior Lake halkaas oo uu ka shaqeeyay sagaal sannadood, kuwaas oo lix kamid ah uu ka shaqaynayay Waaxda Adeegayada Guryaha. Wuxuu soo codsaday Edina sababtoo ah wuxuu raadinayay fursado dheeraad ah, magaalo weyn iyo safar u dhow. Olson wuxuu sheegay in waxa uu ugu jecel yahay shaqada ay tahay la shaqeynta shaqaalaha. “Dhammaanteen waanu jecelnahay in aan madadaalo helno!” Waxaan isu arkaa in aan halkaan wakhti dheer joogayo,” ayuu yiri. Wuxuu si gaar ah uga mahad celinayaa shaqada kala duwan. Olson wuxuu dareemayaa in qaar kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu Edina keenay ay yihiin fikradiisa wanaagsan, anshaxa shaqada iyo rabitaankiisa in uu caawiyo marki loo baahdo. Inta lagu jiro wakhtigiisa firaaqada, waxaa la arki karaa asaga oo wakhti la qaadanaya xaaskiisa, ugaarsanaya oo kaluumaysanaya wakhtina la qaadanaya saaxiibada iyo qoyska. Wuxuu sugayaa Febraayo xiligaasoo asaga iyo xaaskiisu soo dhaweyn doonaan canuggoodii ugu horeeyay. Sam Olson, Shaqaale katirsan Adeegga Bulshada – Adeegyada Guryaha Sawirka waxaa qaaday Amy Kyllo Jeff Tisor, Shaqaale katirsan Adeegga Bulshada – Adeegyada Guryaha wuxuu noloshiisa xirfadeed ku bilaabay barnaamij laba sanno ah oo ka jiray Kulleejka Tignoolajiga iyo Bulshada ee St. Cloud ee tignoolojiyadda deegaanka iyo biyaha. Wuxuu si aan joogto ahayn ula shaqeeyay Magaalada Minnetonka intii kulleejka uu kujiray. Kulleejka kaddib, wuxuu u shaqeeyay Magaalada Eagan kahor inta uusan imaan Magaalada Edina bishii Agoosto. Tisor wuxuu usoo codsaday sababtoo ah wuxuu raadinayay fursad uu ka helo magaalo kale iyo jawi shaqo oo kale iyo shaqo gurigiisa u dhow. Waa uu ku “faraxsan yahay in uu halkaan joogo” wuxuuna rajaynayaa “in uu saamayn wanaagsan ku yeesho saaxiibadiisa shaqada iyo dadka deegaanka.” Marka la eego Tisor, wuxuu ogaaday in saaxiibada la shaqeeya ay yihiin “waxa ugu wanaagsan” ee ku saabsan shaqadiisa ilaa hadda wuxuuna uga mahad celinayaa sida “ay u jecelyihiin shaqo madadaalo leh.” Tisor wuxuu ku faraxsan yahay in uu fikradiisa qunyar socodnimada ah iyo awoodiisa keeno si ay isu fahmaan qof walba oo kamid ah waaxda Howlaha Guud. Inta uu kujiro wakhtigiisa firaaqada ah, Tisor waxaa la arki karaa asaga oo eeyahiisa wata, asaga oo wakhti la qaadanaya labadiisa canug, asaga oo baaskiil ku koraya buuraha meelaha hoobadka ahna ku daadagaya. Wuxuu sidoo kale rajaynayaa in dhawantaan uu isku dayo ku socoshada kabaha barafka. Jeff Tisor, Shaqaale katirsan Adeegga Bulshada – Adeegyada Guryaha Sawirka waxaa qaaday Amy Kyllo Joe Waldon, Makaanik cusub oo ka shaqeeya Magaalada Edina, wuxuu safarkiisa Edina ka bilaabay dugsiga sare asaga oo ka bartay koorsada xulashada qalabka culus. Kaddib dugsigiisii sare waxa uu u shaqeeyay Road and Rail, Westside Transport and Cross Country Couriers (halkaas oo uu ka ahaa madaxa farsamada). Intaa kaddib, wuxuu u shaqeeyay Waaxda Dabdamiska ee St. Paul muddo laba sanno ah kahor inta uusan imaan Edina bishii Oktoobar. Waldon waxa uu ku faraxsan yahay in uu keeno khibraddiisa gaarka ah ee la shaqaynta gawaarida dabdamiska ah ee Hawlaha Guud & Xarunta Dayactirka Beeraha Nasashada. Ka shaqaynta Edina waxay Waldon u ahayd khibrad wanaagsan. Wuxuu jecelyahay dukaanka cusub (sabab weyn oo ah sababta uu u codsaday). Wuxuu sidoo kale ka mahad celinayaa sida goobta Howlaha Guud ay u tahay mid nadiif ah oo habaysan iyo qaabka ay u leedahay adeegyada ka dhigaya mid diyaarsan. Inta lagu jiro xiligiisa firaaqada ah, Waldon waxaa la heli karaa asaga oo samaynaya ugaarsi iyo kaluumaysi ama la wareegaya caruurtiisa saddexda ah. Joe Waldon, Shaqaalaha Adeegga Bulshada – Makaanik Sawirka waxaa qaaday Amy Kyllo 12 DhuuntaHOWLAHA GUUD Maadaama uu xiligii qaboobuhu soo dhowyahay, in aad taqaano sida loo soo sheego jabniinka ku yimaada dhuumaha biyuhu waa mid si gaar ah ahmiyad u leh. Inta ugu badan jabniinka tuubada weyn ee biyuhu wuxuu dhacaa Nofeembar ilaa Abriil. Marka loo eego Kormeeraha Shirkadda biyaha Nathan Kaderlik, cidda ugu weyn ee eeddaas jabniinka tuubada biyaha iska leh waa barafka. Jabniino kale ayaa imaan kara iyada oo ay sabab u yihiin tuubooyinka iyo qalabka oo gaboobay. Jabniinka ku yimaada tuubooyinka biyuhu waa kuwo dhibaato ah xiliyada qaboobaha iyada oo uu sabab u yahay barafka soo da’i kara. Jabniinka ku yimaada tuubada biyaha ee aan la ogayn wuxuu keeni karaa ciid guur iyo xataa daad dhici kara. Magaalada Edina waxay qalab dareemeyaal ah ku xirtay tuubooyinka biyaha qalabkaasoo sheegaya qulqulka biyaha ee aan caadiga ahayn si arintaasi ay uga caawiso shaqaalaha Howlaha Guud in ay si dhakhso ah ku ogaadaan jabniinka ku yimid tuubada biyaha. Si kastaba ha ahaatee, xataa ayada oo tignoolojiyaddan la haysto, warbixinta dadka deegaanku waa mid lagama maarmaan ah, khaasatan maadaama dilaaca yar ama tartiibta ah ay adagtahay in tignoolojiyaddu ogaato. Astaamaha lagu garto jabniinka weyn ee ku yimaada tuubada biyaha: 1. Biyo badan oo waddada soo gala (sidii iyada oo uu kugu da’ayo roob gaaraya laba inji) 2. Biyo yar oo waddada soo gala (sidii iyada oo tuubada beerta lagu waraabiyo ay waddada kusoo fakatay) 3. Biyo kasoo qulqulaya dilaac waddada kajira 4. Hoos u dhac kuyimaada xoogga cadaadiska biyaha ee gurigaaga Haddii aad u malaynayso in aad aragto jabniin ku yimid tuubada biyaha ee dhismahaaga ama meel kale, fadlan ka wac Howlaha Guud 952-826-0375 inta lagu jiro saacadaha shaqada ama Waaxda Dabdamiska Edina lambarkeeda xaaladaha aan degdega ahayn 952-826-1610 wixii ka baxsan saacadaha shaqada. Marka aad soo sheegayso jabniin ku yimid tuubada biyaha, markasta kusoo sheeg wicitaan teleefanka ah. Haku soo dirin iimayl hana isticmaalin qaab kale oo xiriir ah. Isla markiiba marka biyaha daadanaya lasoo sheego, waaxda Howlaha Guud ayaa u imaanaysa si ay u baarto, iyada oo aan la eegeyn wakhtiga maalinta ama habeenka ee lagu jiro, waxayna kala saari doontaa in ay tahay dilaac ku yimid tuubada biyaha iyo in ay tahay dilaac ku yimid xarigga adeegga iyo cidda ka mas’uulka ah dayactirka (Magaalada ama mulkiilaha dhismaha). Ka daadanaya khadka adeega ee ka soo baxa inta ugu muhiimsan ilaa waalka damista (caadiyan 10-15 cagood u jirta cidhifka) waa masuuliyada Magaalada. Diidashada khadka adeegga ee ka soo baxa waalka daminta ilaa guriga waa mas'uuliyadda mulkiilaha guriga. Hawlaha Guud ayaa kaa caawin doona go'aaminta mas'uuliyadda, laakiin waxaa ka sii muhiimsan caawinta xaddididda qulqulka. Inkasta oo dayactirka horudhaca ah uu dhici doono islamarkiiba, waa muhiim in dadka deegaanku ogyihiin in dayactirka ugu danbeeya ee ilaa waddada uusan imaanin ilaa shan ama lix bilood kaddib marka cimilada diirran ay timaaddo gudaha Maajo iyo Juun. – Waxaa isku soo ururisay Amy Kyllo Sida Loo Soo Sheego Jabniinka ku yimaada Tuubada weyn ee Biyaha Shaqaalaha Hawlaha Guud waxay ka jawaabaan habeen iyo maalinba nasashada muhiimka ah ee biyaha. (Sawir Fayl) Sida Loo Soo Sheego Fasaxa Weyn 7 subaxnimo 3:30 gaalabnimo Isniinta ilaa Jimce. Wac 952-826-0376 Waqtiyada kale oo dhan: Wac 952-826-1610 (bilaysku waxay soo diraan xaalad aan degdeg ahayn) Magaalada Edina 4801 W. 50th St. Edina, MN 55424 EdinaMN.gov