Loading...
HomeMy WebLinkAboutPublicWorksPipeline_Early2024_Somali-WebWaxaa qoray Debbie Townsend Marka ay timaado garoomada barafka lagu ciyaaro ee dibedda ee beeraha nasiinada dhexdooda ah, Edina waa jamashada bulshooyin badan. “Dadka ka yimaada bulshooyinka kale waxa ay si gaara Edina ugu yimaadaan inay adeegsadaan garoomadeena barafka lagu ciyaaro,” ayuu yiri Shaqaalaha Adeegga Dadweynaha Justin Simonson, kaasoo ka shaqeeya Dayactirka Beeraha Nasiinada. “Wax kasta oo aanu sameyneyno, waxa aanu u sameyneynaa si sax ah.” Shaqaalaha Dayactirka Beeraha Nasiinada ee daraasiin baraf-sameeyayaal iyo ilaaliyeyaal ah ayaa hawlbilaaba Isniinta kadib Maalinta Mahadcelinta, ama markasta oo si joogta ah uu u jiro qabow maalin iyo habeen ku filan in la bilaabo sameynta saldhig baraf. Marki saldhigga la dhiso, waxa ay shaqeeyaan toddobo maalmood toddobaadkiiba iyaga oo hagaajinaya oo simaya barafkaas ilaa ku dhawaad Maalinta Madaxweynayaasha. Halkooda maalin ee loo qorsheeyey ee ay fasaxa yihiin waa maalinta Kirismaska, laakiin sanadaha qaar waxaa looga baahdaa inay shaqeeyaan maalinta fasaxa marka baraf xoog leh uu daboolo garoomada barafka lagu ciyaaro. Dhisidda barafka ma ahan wax sahlan. Waa barasho adag marka ay timaado in baraf laga sameeyo oo laga hagaajiyo garoomada barafka lagu ciyaaro ee dibedda ah. Waxa ay qaadataa dhowr xilli-qaboobaad kaliya in la barto hawsha, ayuu yiri Shaqaalaha Adeegga Dadweynaha Marshall Syvertsen, kaas oo ka shaqeynayey garoomada barafka lagu ciyaaro ee Edina in ka badan toban sano. Dhuunta HOWLAHA GUUD HORRAANTA 2024 Shaqaalaha Dayactira Beeraha Nasiinada Ayaa Ah Sirta Garoomada Barafka Dibedda Lagu Ciyaaro ee Xidigaha Barxadaha Barafka ee Dibedda Laba iyo toban beero xaafadeed ayaa leh goobaha waqtiga firaaqada lagu qaato iyo garoomada xeegada, iftiin iyo guri diiran: • Arden Park, 5230 Minnehaha Blvd. • Cornelia School Park, 7142 Cornelia Drive • Countryside Park, 6240 Tracy Ave. S. • Creek Valley Park, 6301 Gleason Road • Highlands Park, 5200 Doncaster Way • Lewis Park, 7300 Cahill Road • Normandale Park, 6501 Warren Ave. • Pamela Park, 4303 W. 58th St. • Strachauer Park, 6200 Beard Ave. • Todd Park, 4249 Vandervork Ave. • Walnut Ridge Park, 5801 Londonderry Road • Weber Park, 4115 Grimes Ave. S. Saacadaha: Guud ahaan 4 ilaa 9:30 p.m. Isniinaha-Jimcayaasha, 9 a.m. ilaa 9:30 p.m. Sabtiyada iyo Axadaha, 1 ilaa 8 p.m. ilaa Maalinta Madaxweynayaasha, haddii cimiladu masaamaxeyso. Barxadaha lagu ciyaaro xeegada barafka ayaa la qabsadaa waqtiyada IsniintaKhamiista inta lagu jiro xilli-ciyaareedka xeegada. Booqo EdinaMN.gov/OutdoorRinks si aad waxbadan uga ogaatid. (ka sii socota Bogga 2) 2 Shaqaalaha Dayactira Beeraha Nasiinada Ayaa Ah Sirta Garoomada Barafka Dibedda Lagu Ciyaaro ee Xidigaha (Ka sii socdo jaldiga) “Qaar badan oo ka mid ah garoomadaan barafka lagu ciyaaro ma ahan kuwo si fiican u siman, marka meelaha qaar waxa ay u buuxsamaan si ka dhaqso badan meelaha kale,” ayuu yiri Simonson, kaas oo ka shaqeynayey garoomada barafka lagu ciyaaro ee Edina in ka badan 20 xilli-qaboobaad. Yoolku waxa uu yahay in sal adag lagu aasaaso sida ugu dhaqsaha badan ee suuragalka ah, shan ilaa 10 maalmood gudahood. Ma ahan inuu noqdo mid qurux badan, laakiin waa in uu noqdaa aasaas wanaagsan. “Waxaa jira tartan caafimaad leh si loo arko qofka yeesha raadka ugu horreeya ee kudul orodka barafka ee xilliga. Waa iska caadi haddii ay jiraan laba cagood oo laba jibbaaran oo baraf lagu dul ordo ah,” ayuu yiri Simonson. “Ma dooneysid in aad noqoto midka labo toddobaad ku qaatay inuu dhiso baraf, laakiin uu caws kadhex muuqdo.” Marki garoomada barafka lagu ciyaaro la furo qiyaastii bartamaha Diseembar, shaqaaluhu waxa ay ka shaqeeyaan 4 a.m. ilaa duhurkii maalin kasta si ay baraf ugu diyaariyaan dadka barafka kudul ordaya maalintaas. Bulshooyin badan oo nawaaxiga ah waxa ay barafka ku yaacaan kaliya maalmo yar toddobaadkii. Laakiin sidaa ma ahan Edina. “Qof kasta waxa uu rabaa baraf cusub maalin kasta,” ayuu yiri Syvertsen. Marka ugu horreysa, xaaqayaasha/cagafta ayaa yimaada waxa ayna garoonka ka nadiifiyaan wixi baraf kusoo dhacay iyo barafka isku ururay. Biyo rusheeyaasha ayaa yimaada kadib xaaqayaasha si ay biyo ugu rusheeyaan barafka. Biyaha waxa ay isku dhajiyaan wixi quruuraxa barafka ah kadibna waxa ay ku barafoobaan sagxad siman iyaga oo aan dhalaalin saldhigga. Caqabada jirta ayaa ah garoon kasta oo baraf waxa uu leeyahay qaab-sameysan u gaar ah, janjeerada ku hareereysan iyo soo gaarista qorraxda. Barafka ku teedsan looxyada waqooyi ayaa inta ugu badan ku dhalaala cadceeda. Xaaqayaasha ayaa quruuraxa barafka ku xaaqa kuwa looxyada waqooyi waa ayna isu geeyaan ilaa inta ugu badan ee suuragalka ah. Biyo rusheeyaasha ayaa kadib waqti dheeraad ah ku qaata iyagoo kor u adkeynaya goobtaas. Garoomada barafka ee janjeerada ay u dhow yihiin waxaa jilcin kara daadashada hoos u hoobaneysa. Cimilada diiran ayaa cadow ku ah. “Garoon barafeed kasta oo leh dhalaal xilli-dhexe ah waxay keeni kartaa dhibaato,” ayuu yiri Syvertsen. Hagaajinta waxa ay noqon kartaa mid adag. “Goob kasta waa mid ka duwan tankale,” ayuu yiri. “Hal fikrad oo laga yaabo in ay ka shaqeyso goob ayaa musiibo ku noqon karta goob kale.” Waxay ka caawisaa in shaqaalaha Hagaajiya Beerta Nasiinada ay ka shaqeeyaan isla hal garoon baraf sanadba sanadka ka dambeeya. Tusaale ahaan, Simonson, kaasoo ah baraf xaaqe/ cagaf-cagafle, waxa uu ka shaqeeyaa beeraha Creek Valley, Highlands, Todd iyo Walnut Ridge. Syvertsen, kaasoo ah biyo ku rusheeye baraf, waxa uu ka shaqeeyaa beeraha Arden iyo Pamela. Iyadoona ay jirto tartanka caafimaadka leh ee midka beertiisa ay leedahay barafka ugu fiican, hadana dhammaantood waxay wadaagaan talooyinka iyo tabaha. “Waxaan aad ugu faanaa shaqadeena,” ayuu yiri Simonson. Marka ay aad u kulushahay in wax baraf ah la sameeyo, shaqaalaha waxaa loo qoondeeyaa hawlo kale. Intaa waxaa dheer waxaa had iyo jeer u qoondeysan dhabbooyin ama meelo baabuurta la dhigto oo ay baraf ka xaaqaan. Aragti ahaan, garoomada barafka waxa ay furmaan duhurki ama kadib, laakiin kuwa kudul orda barafka waxa ay badanaa leeyihiin fikrado kala duwan. “Waxaan dadka qaar ku arkay meesha 5-ta subaxnimo iyaga oo markaa ka tagaya meesha kadib marki ay barafka kudul ordayeen saacado badan oo habeenkii ah ama waa ayba nooga soo hormareen meesha,” ayuu yiri Simonson. “Waxa ay mararka qaar naga ceyrsadaan garoomada barafka.” Way ku qoslaan taas. Laakiin shaqaalaha Hagaajiya Beeraha Nasiinada ayaa ka carooda dhowr waxyaabood oo ka dhiga shaqadooda mid aad u adag. Marka ugu horreysa, fadlan badeelada ha uga tagin barafka dushiisa ama agagaarka garoomada xeegada barafka. Inta badan waa ay duugmaan ama waxaa qariya barafka, oo haddii qalabka wax lagu xaaqo uu ku dhaco, waxa ay waxyeelleyn kartaa cagafta barafta xaaqda, ayuu yiri Simonson. Marka labaad, ha ka tagin shabaqyada habeenkii oo dhan. Meesha ayay ku barafoobaan oo inta badan waxay ku dhegaan barafka. Waxay qaadataa wakhti dheeraad ah si loo jebiyo barafka, waa ayna adag tahay in waxyeello laga dhawro iyaga hawsha dhexdeeda, ayuu yiri Syvertsen. Iyada oo ay shaqeeyaan saacado hore, toddo maalmood toddobaadkii iyo cimilo qallafsan sanadaha qaarkood, hadana kuwa hagaajiya garoomada xeegada barafka waxa ay jecel yihiin shaqadooda. Xitaa haddii aysan arag dad kudul orda barafka, waa ay yimaadaan subax kasta si ay u helaan raadka lagu dul orday ee ku daboolan barafka. “In la arko adeegsiga iyo sida ay dadku u qadariyaan garoomada barafka lagu ciyaaro waxay inooga dhigan tahay wax badan,” ayuu yiri Syvertsen. Waa ay og yihiin qaar badan oo ka mid ah raadadka barafka lagu dul orday ay iska leeyihiin carruurta hadda baranaya kudul orodka barafka ama kuwa kor u qaadaya xirfadahooda. Qaar ka mid ah raadadkaas waxaa iska leh ciyaartoyda hadda ama mustaqbalka ee Edina Hornets ama ciyaartoyda Horyaalka Xeegada Qaranka. “Ma dhahayno waxaan sabab u nahay horyaalada badan ee gobolka ee aan haysano,” ayuu yiri Simonson, “laakiin waxaan ka noqon karnaa qeyb.” Wax badan ka ogow EdinaMN.gov/OutdoorRinks. 3 Shaqaalaha Adeegga dadweynaha Justin Simonson iyo Marshall Syvertsen waa labo kamid ah shaqaalaha daraasiin sameeya oo ilaaliya barafka garoomada xeegada barafka lagu dul ordo ee Edina. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) 4 Agabka Badbaadada Orodyahanka Si loo xaqiijiyo in darawallada baabuurta iyo cagafta barafka xaaqda ay ku arkaan adiga marka lagu jiro cimilada xun ama mugdiga, xiro agab badan oo dhalaalaya. Siliska Kabaha ee loogu talagalay Xaaladaha Qaboobaha Jijimaha Gacmaha oo Dhalaalayaama Duubka Anqowga Tooshka madaxa lagu xirto Garan ama Jaakad Dhalaaleysa (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) 5 U Noqo Gacan Caawineed Bulshadaada: Mas’uul Ka Noqo Tuubada Dabdemiska ee Wadada Dhinaceeda ku Xiran Waxaa qortay Reham Alemam Ma dooneysaa in aad isbeddel dhab ah ka geysato bulshadaada dhexdeeda adiga oo sameynaya xoogaa madadaalo ah oo qaadanaya xoogaa mas’uuliyad ah? Waaxda Dabdemiska Edina waxa ay u baahan tahay in aad ka gacan siiso in 1,800 tuubooyinka dabdemiska ee wadooyinka hareerahooda ku xiran ee Magaalada laga dhigo kuwo nadiif ah oo la arki karo, gaar ahaan kadib marka uu da'o baraf culus. Maxaa ay tani muhiim u tahay? Tuubooyinka dabdemiska ee wadooyinka hareerahooda ku xiran waxa ay ku hoos duugmi karaan barafka, taasoo ka dhigaysa mid aan la arki karin lana adeegsan karin. Marka ay dhacdo xaalad degdeg ah, shaqaalaha dabdemisku waxa ay u baahan yihiin inay si degdeg ah u heli karaan tuubooyinka dabdemiska ee wadooyinka hareerahooda ku xiran, waxayna ku xiran tahay dadka deggan Edina inay gacan siiyaan oo ay xaqiijiyaan inay diyaar u yihiin in la adeegsado. Heerarka Tuubooyinka Dabdemiska ee Wadooyinka Hareerahooda Ku Xiran Si loo ilaaliyo nolol badbaadiyeyaashaan muhiimka ah, waxa kaliya ee loo baahan yahay waa dadaal yar. Tuubooyinka dabdemiska ee wadooyinka hareerahooda ku xiran waxa ay u baahan yihiin in laga guro barafka oo la baneeyo saddex tallaabo oo hareeraha ka xiga. Waa in laga arki karaa wadada, si aysan ugu hoos qarsoomin xirmooyinka barafka. Sidoo kale, wixi dhir ah oo kabaxaya wax u jira saddex tallaabo waa in la banneeyaa si loo xaqiijiyo in si sahlan loo geli karo. Laakiin waa halkan qeybta xiisaha leh: waxa aad ka qeyb noqoneysaa wax intaa kaweyn. “Adiga oo ka masuul noqonaya tuubo dabdemis oo wada dhinaceeda ku xiran, kaliya ma caawinaysid bulshadaada, laakiin sidoo kale waxaad caawineysaa ka jawaabayaasha gurmadka ugu horreeya ee ilaaliya,” ayuu yiri Madaxa Dabdemiska Andrew Slama. Ardaydoow, Qaata Waraaqaha Adeegga Bulshadiina! Ma tahay arday dhigta Dugsiyada Dadweynaha Edina oo raadinaya inuu helo warqadda u adeega bulshada? Dadaalkaaga aad tuubooyinka dabdemiska ee wadooyinka hareerahooda ku xiran kaga dhigeyso kuwo bannaan oo la adeegsan karo waxaa laguugu xisaabin karaa warqadaada u adeegista bulshada, taasoo muujineysa sida ay kaaga go’an tahay bulshadaada iyo sida aad ugu heellan tahay caawinta waqtiyada baahida ay jirto. Sida loogu Lug Yeesho In la bilaabo waa mid sahlan. Kaliya la xiriir Waaxda Dabdemiska Edina Adiga oo kula xiriiraya wicitaan taleefan ama iimayl. La socodsii tuubada(tuubooyinka) dabdemiska ee wadada hareeraheeda ku xiran ee aad jeclaan lahayd in aad mas’uul ka noqoto, waxayna kugu hagi doonaan hawsha. Waa mid fudud hadana hab saameyn leh ah in aad garab istaagto oo aad gacan kageysato badbaadada bulshadaada. Tuubooyinka dabdemiska ee wadooyinka hareerahooda ku xiran waa geesiyaal aan la sheeg-sheegin kuwaas oo had iyo jeer u taagan in ay badbaadiyaan maalinta. Waxaad gacan kageysan kartaa xaqiijinta in shaqaalaheena dabdemisku ay si degdeg ah u heli karaan kheyraadkaan muhiimka ah adiga oo mas’uul ka noqonaya tuubo dabdemis oo wadada dhinaceeda ku xiran. “Ficilkaaga yar ee xilkasnimada ah waxa uu wax weyn ka beddeli karaa badbaadada bulshadeena,” ayuu yiri Slama. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah ama aad iska qorto, la xiriir Waaxda Dabdemiska Edina, 952-826-0330 ama iimayl u dir Kaaliyaha Maamulka Marie Segar, msegar@EdinaMN.gov. 6 Baraf-Yaqaan Jawaabaha Badanaa La Iska Weydiiyo Barafka iyo Baraf Xaaqista gudaha Edina Waxaa qoray Brittany Bader Ma ogtahay in inta badan shaqaalaha Hawlaha Guud ay si un uga gacan geystaan barafka iyo gurista barafka? Tusaale ahaan, Waaxda Adeegyada Guryaha waxaa laga yaabaa inay is arkaan iyaga oo cagafta barafka xaaqda saaran qeyb kamid ah gelinkooda shaqada oo ay gelinkooda ku dhammeystaan warshadaha biyaha daaweeya ama ku wareegaya matoorada kor u soo saara biyaha wasakhda ah. Waxa ay qaadataa dadaal kooxeed ay ka go’an tahay si loo banneeyo in ka badan 230 mayl oo wadooyinka Edina ah kadib marka uu ku habsado baraf (sanadki la soo dhaafay, aagga magaalada ee Twin Cities waxaa lagu arkay in ka badan 90 inji oo baraf ah sida ay diiwaangelisay Waaxda Khayraadka Dabiiciga ah ee Minnesota), laakiin ah mid ay dareemeen dadka deegaanka. Sahanki Tayada Nolosha ee ugu dambeeyey, ra’yiga Edina ee kusaabsan adeegyada xaaqista barafka ayaa lambarka 1-aad ka galay gobolka iyo lambarka 4-aad ee qaranka oo ka mid ah magaalooyinka weydiiyay isla su'aasha sahanka. Xilliga 2023-2024, Edina waxaa loo qeybiyey 24 waddo oo baraf xaaqis ah oo weyn iyo lix wadooyin yaryar oo dheeraad ah oo leh gawaarida qooqanta, cagafta xaaqda barafka iyo gaadiidka Trackless Vehicles oo hagaajiya luuq-luuqyada, dariiqyada dhinaca ka xiran iyo dhabbaha dadku ku socdaan wadada dhinaceeda ee Magaaladu ay dayactirto. Intaa marka laga yimaado, Shaqaalaha Hawlaha Guud waxa ay barafka ka xaaqaan dallacaadaha lagu fuulo baakinada gawaarida ee ku yaala 50th & France. Dhacdo kasta oo barafka ah waa mid gaar ah, laakiin guud ahaan, waxaa jira shaqaale gaaraya ilaa 35 xubnood oo heegan u ah inay uga jawaabaan agabka loogu talagalay, halki dariiqna waxa uu qaataa 6-8 saacadood in si dhammeystiran looga xaaqo barafka. “Darawaliintu waxay leeyihiin dareen gaar ah oo ah lahaanshaha jidadkooda. Waxaana jira tartan saaxiibtinimo oo ka dhexeeya darawalada si ay u qabtaan shaqada ugu wanaagsan, si ay u banneeyaan gees-ilaa-ka gees oo aan laga tagin qeybo maqan,” ayuu yiri Kaaliyaha Agaasimaha Hawlaha Guud Dave Goergen. “Waxa ay ila tahay in ay ka timaado dareenka tayada shaqaalaha ee ay u leeyihiin dhammaan shaqooyinka ay qabtaan, laakiin si gaar ah baraf xaaqista maadaama ay tahay jago aad u sarreyso. Laga bilaabo bisha Nofeembar ilaa Maarso, waa waxa ugu weyn ee ay dadku nagu arkaan innaga oo sameyneyna. Shaqaalaheenu waxa ay doonayaan in ay xaqiijiyaan in ay qabanayaan inta karaankooda ah si ay wadooyinka ugu xaaraan dadka deegaankeena.” Hoos ka hel jawaabaha aad u baahan tahay si aad u noqoto “baraf-yaqaan” xagga barafka iyo adeegyada baraf xaaqista ee gudaha Edina. Baraf intee le’eg ayaa la rabaa inuu jiro kahor inta aysan soo bixin cagafta xaaqda barafka? Cagafta xaaqda barafka ee Edina waxa ay soo baxaan marka uu jiro: • Isku ururid baraf oo 1.5 inji ah ama ka badan • Baraf guuraya oo dhibaato u keenayo safarka • Xaalado barafow ah oo si ba’an u saameynayo safarka “Waxaanu adeegsanaa dhammaan kheyraadka aan gacanta ku hayno si aan u gaarno go’aanka ugu xog ogaalsan ee ku saabsan tirada xubnaha shaqaalaha ah ee la keenayo iyo waxa looga qorsheysanayo duufaan gaar ah. Marka laga yimaado saadaasha maxalliga ah, waxaanu rukumanay nidaamka raadeerka saadaasha oo aad noogu gaar ah, oo faahfaahin badan wata. Waxaanu sidoo kale ka faa’iideysanaa kormeerayaasha la socda kala hagidda taraafikada waxaana si joogta ah ugu xiranahay dirista Booliska guud ahaan inta uu socdo barafka ama lagu jiro dhacdada barafka,” ayuu yiri Goergen. Inta barafku da’ayo, wadooyinkee ayey cagaftu marka ugu horreyso ka xaaqdaa barafka? Wadooyinka marka ugu horreyso laga xaaqo barafka waa kuwa ugu mashquulka badan ee isku xira qeybaha ugu waaweyn ee magaalada marinkana u ah gurmadka dabdemiska, booliska, iyo adeegyada caafimaadka, sida West 70th Street. Mudnaanta xigta waa in la banneeyo wadooyinka xaafadaha ee gala wadooyinkaan waaweyn. Wadooyinkani waxa ay badanaa marin u yihiin iskuulada iyo goobaha ganacsiga. Tusaale ahaan waa Concord Avenue. Marki dhammaan jidadka waaweyn la banneeyo, wadooyinka xaafadaha la deggan yahay ayaa la dhammeystiraa, waxaana ku xiga luuq-luuqyada. Haddii aad aragto qeyb ka mid ah wadada oo aad u maleyneyso in laga tagay ama ay u baahan tahay feejignaan dheeraad ah, adeegso adeegga dhibaato soo sheegista Magaalada, Edina 311, si aad u soo sheegto ama waaxda Hawlaha Guud ka wac 952-826-0376. Waxaad qariiradda kala mudnaansiinta baraf xaaqista ka daalacan kartaa EdinaMN.gov/SnowPlowing. 7 Baraf ka xaaqista dhabbaha dadku ay ku socdaan ee wadada dhinaceeda ah, dhabahee ayaa ah mas’uuliyadda dadka deegaanka, kuwee se ah mas’uuliyadda Magaalada? Mulkiilayaasha guryaha waa in ay barafka ka xaaqaan dhabbaha dadku ay ku socdaan ee wadada dhinaceeda ah ee ku aadan hantidooda muddo 48 saacadood ah gudahood kadib marka ay da’do duufaan baraf. Magaaladu waxa ay hagaajisaa qeyb ka mid ah dhabbaha dadku ay ku socdaan wadada dhinaceeda ee Edina gudaheeda ah, sida waddooyinka gargaarka gobolka, waddooyinka firfircoon ee aada dugsiyada iyo kuwa ku dhex yaala beeraha nasiinada ee Magaalada ama tas-hiilaadka madadaalada. Dhabbayaashaan waxaa la hagaajiyaa marka wadooyinka laga xaaqo barafka. Waxaad ka daalacan kartaa qariiradda dhabbaha ay Magaaladu hagaajiso barta EdinaMN.gov/SnowPlowing. Maxaa ay yihiin xayiraadaha Magaalada ee ku aadan meelaha gawaarida la dhigto ee xilliga qaboobaha? Laga bilaabo bisha Nofeembar 1 ilaa Maarso 31, gawaarida lama dhigan karo wadooyinka magaalada saacadaha inta u dhaxeysa 1 iyo 6 a.m. Intaa marka laga yimaado, haddii gaari uu kuu yaalo wadada waqtiyada kale ee maalinta, gaarigaaga baakiman waa in wadada laga saaraa kadib marki uu da’o baraf 1.5 inji ah ama ka badan ilaa barafka wadada geesaheeda lagu xaaqo. Xaddidaadda baakinka wadada ee bilaha cimiladu qabow tahay waxa ay u sahleysaa waaxda Hawlaha Guud in ay si degdeg ah ku bixiso adeegyada xaaqista barafka inta lagu jiro dabeylaha qaboobaha. Marka aysan jirin caqabada ay keenayaan gawaarida baakiman, darawallada cagafta xaaqda barafka waxa ay sii hagaajin karaan, barafka ka saari karaan oo ay ka xaaqi karaan barafka si ka dhaqso badan, hufan oo badbaado leh. Waaxda Hawlaha Guud waxa ay milankeeda ku daaweynta hore ee laamiga u gaarka ah ku sii diyaarsataa guri dhexdiisa! Tani waa dareere milan brine ah oo lagu daadiyo wadooyinka qiyaastii 24 saacadood kahor xaaladaha barafka ee la filayo. Isku darka qeybaha biyaha iyo cusbada ayaa lagu diyaariyaa haamahaan hadba sidii loogu baahdo, iyagoo bixinaya dabacsanaanta ugu weyn. Haddii isku qas milan badan loogu baahdo duufaan baraf, si fudud ayaa loo diyaarin karaa. Haddii wax aad u badan la diyaariyo, waa la keydin karaa oo la isticmaali karaa xilli dambe. Eegista Gudaha 88 Waxaan soo kireystay qandaraasle si uu iiga caawiyo baraf xaaqisteyda. Miyey jiraan wax gaar ah oo aan u baahanahay in aan ogaado? Xaqiiji in qofka aad qandaraaska la galayso uu yaqaano shuruucda xaaqista barafka ee Magaalada u degsan. Dhammaan barafka ku da’a guriga waa in lagu hayaa isla guriga ama loo qaadaa goob gaar ah oo uu leeyahay ama loo oggolaaday in uu adeegsado qandaraaslahaaga. Xadgudub joogta ah ayaa ah in barafka lagu riixo waddada oo dhan ama waddada xageeda. In barafka la isugu geeyo geesaha ayaa sidoo kale mamnuuc ah. Maxaa ay Magaaladu sameysaa si ay uga warqabto isticmaalka cusbada ee hawlgalladeeda? Dhammaan darawallada cagafta barafka xaaqda ee Magaalada waxa ay tababarka Cusbo Ku Shubista Haboon ka qaateen Hay'adda Xakameynta Wasakhowga ee Minnesota. Barnaamijkani waxa uu bixiyaa tilmaamaha adeegsashada baraf xaarista ee loogu talagalay inta cusbo ah ee lagu firdhinayo halki mayl ee seedka wadada iyada oo loo eegayo heerkulka laamiga iyo nooca barafka ku da’aya. “Inta lagu jiro dabeylaha qaboobaha, bilowgiiba waxaan habraacyada baraf xaaqista kala hadalnaa dhammaan darawallada cagafta barafka xaaqda kahor inta aysan aadin wadooyinkooda, kadibna waxa ay ku aadin karaan qaddarka kor ama hoos iyada oo ay ku xiran tahay xaaladaha ka jira jidkooda gaarka ah. Tani waxa ay noo sahleysaa in aan mas’uul ka noqono isticmaalkeena cusbada iyadoo weli waxtar u leh xaaladda,” ayuu yiri Goergen. Magaaladu wax kheyraad ah miyey siisaa dadweynaha oo dayactirka qaboobaha ah oo u roon deegaanka? Magaaladu waxa ay shaqaaleysiineysaa ururrada mulkiilayaasha guryaha, ururrada is-kaashatada iyo ururrada caqiidada ku salaysan si ay uga qeybqaataan barnaamij bilaash ah oo la yiraahdo “Cusbo Yar, Cusbo Maya Minnesota.” Barnaamijku waxa uu bixiyaa xal habeysan oo loogu talagalay in lagu yareeyo ku tiirsanaanta baraf dhalaalinta cusbada iyada oo aan wax loo geysan badbaadada. “Hal qaado oo cusbo ah waxa ay abid wasakheysaa shan gallon oo biyo ah. Wakaaladaha Magaalada, degmada iyo gobolka waxa ay isticmaalaan cusbo badan, iyadoona ay weli jirto shaqo badan oo la qabto, hadana waxaan hal-abuur badan ku aragnay cilmi-baaris, agab, habab iyo qalab sannadihii la soo dhaafay, oo yareynaya isticmaalka xad-dhaafka ah ee cusbada,” ayey tiri Maareeyaha Kheyraadka Biyaha Jessica Wilson. “Waxaan ka fakareynaa in aan qaar ka mid ah qalabkaas iyo kheyraadkaas u keeno maamulayaasha hantida gaarka ah si ay si ammaan ah u ilaaliyaan xubnaha bulshada, lacag u badbaadiyaan oo ay u ilaaliyaan deegaanka iyagoo isticmaalaya milix yar.” Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijkan, Wilson kala xiriir jwilson@EdinaMN.gov ama 952-826-0445. Kawaran badbaadada cagafta lagu xaaqo barafka? Kormeeraha Hawlaha Qalabka Richard Poppitz waxa uu sheegay in celceliska gaariga iska rogaha ah ee lagu qaado barafka ee Edina uu dhererkiisu yahay ilaa 30 cagood miisaankiisuna yahay ilaa 60,000 rodol. Iyadoo cabbirkan weyni uu ka dhigayo inay ku habboon yihiin inay ka gudbaan xaaladaha qaboobaha ee ugu xun, waxa ay sidoo kale la macno tahay in taxaddarro badbaado ah lagu sameeyo hareerahooda. Waaxda Hawlaha Guud waxay bixisaa talooyinka badbaadada cagafta baraf xaaqista ee soo socda: • Cagaftu waa ay ka socod gaaban tahay gawaarida kale. Xawaarahaaga yaree hana dhaafin gawaarida cagafta ee barafka xaaqda iyaga oo barafka xaaqaya. • Waligaa gaari ha u wadin xagga daruur baraf ah. • Ka fogow cagafta fidineysa ciidda. • Ka joog dhammaadka wadada marka ay cagaf barafka xaaqda ay soo socoto. • Wadada ka ilaali kareetada barafka iyo alaabta ay carruurtu ku ciyaarto marki aan la isticmaaleynin. • Xirmooyinka barafka ha ka dhisin qalcado baraf oo wadada dhexdeeda ah. • Ka dheerow gadaasha qalabka barafka xaaqa. Gadaal u wadista gaariga ayaa lagama maarmaan ah marka barafka la xaaqayo, muuqashada xagga dambena aad bay u xaddidan tahay. • Kor saar haamaha qashinka ee luuqa wadada haddii uu baraf da'o maalinta qashin ururinta. Haddii guriga uu waxyeello ka soo gaaro cagafta baraf xaaqista, xagee u sheegi karaa? Iyadoo Waaxda Hawlaha Guud ay aad ugu faanto bixinta adeegyo baraf xaaqis oo heer sare ah, nasiib darro se, waxyeellada sanduuqyada boostada ama cawska ayaa marmar dhaca marka darawaladu ay sahminayaan xaaladaha. Haddii ay tani dhacdo, adeegso adeegga dhibaato soo sheegista Magaalada, Edina 311, si aad u soo sheegto waxyeellada ama waaxda Hawlaha Guud ka wac 952-826-0376. Magaaladu waxa ay midkood sanduuqaaga boostada ee waxyeeladu ay soo gaartay kuugu beddeli doontaa sanduuqa boostada ee cabbirka caadiga ah, oo aan xardhaneyn ama waxa ay ku siineysaa ilaa $100 oo magdhow ah. Haddii cawskaaga ay jarto cagafta, waxaa lagu hagaajin doonaa carro madow iyo abuur xiiliga guga. Edina 311 waxaa loola soo degi karaa ablikeeshin ahaan ama la adeegsan karaa iyada oo la booqanayo EdinaMN.gov/Edina311. 9 Meeleynta Qashinka Xilliga Qaboobaha & Keydinta Barafka 1 2 3 4 1 Qashin Ku Ururinta Gacanta Haddii qashin qaadahaaga uu gacanta ku aruuriyo haamaha qashinka, daaradaada “meel la dhigo” uga qod si aad u dhigto haamaha qashinka oo loo qaado. 2 Qashin Ururinta Otomaatiga ah Dhig haamaha afaafka hore ama geeska dariiqa si ay u qaadaan qashin qaadayaasha otomaatiga ah (wiishka otomaatiga ee qashin ururinta waxa uu gaari karaa in kabadan 12 cagood). 3 Keydinta Barafka (dhismaha dhexdiisa) Barafka laga xaaqo dariiqa loo maro dhismaha waa in lagu keydiyaa meel ka baxsan dariiqa qashin ururinta, gudaha khadadka dhismaha. 4 Keydinta Barafka (kabaxsan dhismaha) Barafka laguma keydin karo wadada hareeraheeda dhul gaar ah ama mid guud (magaaladu leedahay). Barafka waxaa loo qaadi karaa goob gaar uu u leeyahay ama loo fasaxay inuu adeegsado qandaraaslaha. Xeerarka Meelaynta Qashinka Xilliga Qaboobaha 10 Baraf Gurista Khuburada Sean Klapperick Shaqaale Adeegga Dadweynaha - Wadooyinka 10 sano la joogay Edina Magaalada hooyo: Monticello, Minnesota Tom Buckley Shaqaale Adeegga Dadweynaha – Wadooyinka 10 sano la joogay Edina Magaalada hooyo: Apple Valley, Minnesota 11 Sidee ayuu qof u bilaa in uu baraf ka guro Edina? Tom: Haddii aad cusub tahay, waxaad ka bilaabi doontaa mashiinka dhabbaha wadada dhinaceeda ah. Waxaad waddo kuu gaar ah ka yeelan doontaa mid ka mid ah afarta geesood ee magaalada. Wadooyinka waxaa lagu go'aamiyaa kala sareynta waaxda, marka dad ay shaqada ka fadhiistaan ama ay kor u socdaan, waxaad heli doontaa gaari. Maxaad ka heshay oo ku saabsan baraf xaaqista? Tom: Waa mid aad loogu qanco. Marka aan xaaqayo caleemaha oo waddadu u muuqato mid nadiif ah, waxaan ku faanaa sameynta wax ka dhigaya in ay u ekaato mid wanaagsan. Isla sidaas ayey tahay baraf xaaqista – Waan dul mari karaa waxaana ka dhigi karaa mid qurux badan. Wadooyinku waa ay bannaan yihiin waxayna diyaar u yihiin in gawaari lagu wado. Sean: Waxaan helnaa xoogaa buskud ah marki ay muddo kasoo wareegto! Laakiin waa mid wanaagsan in dadka la caawiyo sababtoo ah waxaan dooneynaa in ay isla sidaas oo kale noqdaan magaalooyinka aan ku nool nahay, sidoo kale. Wax weyn ayey ka dhigan tahay in aad awoodo in aad gaarto halka aad rabto in aad aado xilliga qaboobaha. Ma leedahay wax baraf xaaqis ah oo kaa careysiiya? Tom: Caqabadaha ugu weyn waa haamaha qashinka iyo gawaarida ku dhex baakiman wadada. Gurigeyga, waxaan haamahayga qashinka dhigaa wadada dhinaceeda ama waxaan meel uga jeexaa cawska barafka dhexdiisa si aan haamahayga qashinka u dhigo halkaa oo aysan u yaalin wadada ay marto cagafta. Markaa, ma ubaahna in ay wadada ka qaadaan oo ay soo laabtaan. Xusuusintayda weyn ayaa ah in aan baabuurta ka saarno waddada oo aan haamaha qashinkana ka saarno waddada. Sean: Waxa ugu weyn ee aan ka caroodo waa marka dadka deegaanka ay barafkooda kusoo daadiyaan wadada. Waa sharci darro. Waa mid sharci ah in aad dhismahaaga ka soo saari karin barafka oo aad dhigin meelkale – waa in uu dhex yaalaa dhismahaaga. Haddii aynaan barafka oo dhan ka saarin wadada, waxa uu isu rogayaa sanduuq baraf iyo mid jidgooyo ku ah xawaaraha gawaarida kaas oo halkaa yaali doona inta ka dhiman xilliga qaboobaha. Dadka wadada ku rucleeya sidoo kale way i cabsi geliyaan marka ay jirto duufaan. Dhab ahaan, waxa kaliya ee aad arki doonto waa un raad. Waxaa jiray waqtiyo aan la yaabanaa, “Halkee ayey jiraan? Halkee ayay ahaan doonaan?” Waqtiyada geynta iyo ka soo qaadista iskuulka waa waqti kale oo cabsi leh. Marar badan, waxaan kaliya ku soo laabanaa Hawlaha Danta Guud waqtiga baska sababtoo ah waa mid aad u dhib badan marka ilmo yaryar ay meelaha or-ordayaan oo ay luuqyada ku ciyaarayaan xirmooyinka barafka. Waa maxay muddada caadiga ah ee dhacdada barafka? Sean: Dhacdo kasta waa mid ugu yaraan qaadata nadiifin laba-maalmood ah – malaha ku dhawaad saddex hadda dhammaan waddooyinka, dhabbaha dadku ay ku socdaan wadada dhinaceeda iyo aagga 50th & France. Waxa un ay ku xiran tahay inta uu le’eg yahay barafka nagu habsado. Waxaa jira goobo badan oo u baahan in laga nadiifiyo oo laga qaado barafka. Dhab ahaantii duufaanada waaweyn waxay qaadan karaan ilaa laba toddobaad in si buuxda looga nadiifiyo barafka. Ma haysaa wax xusuuso xiiso leh oo baraf xaaqista ah? Tom: Waxaa jira xusuuso xun marki aad arki wayday wax dhaafsiisan koofida madaxa. Waad ogtahay, mararka qaarkood waa sida, “Tani waa ay xun tahay.” Taasi waa waxa labada-inji- saacaddii ee aan ka hadlayno. Sanadki la soo dhaafay, waxaan ku sugnaa dariiq dhinac ka xiran waxayna haweyneydan i siisay buskudyadan gaarka ah. Taasi waxay ahayd mid wanaagsan oo xusuus leh. Waxaan xusuustaa guri kasta markii ay sameeyeen saameyn togan; waan xasuustaa kii ii naxariistay, kii ii gacan haatiyey oo suul ii taagay, ama kii canugiisa uu sameeyey hoonka gaarigii hore. Waxa ay i dareensiineysaa in aan samaynayno saamayn togan. Sean: Waxa la xasuusan karo waa marka dadka deegaanka ay soo baxaan oo ay muujiyaan in ay daneeyaan. Waxaa jira saacado badan oo aan halkan gelino taas oo kaa dhigeysa sidi, “Maxaan xitaa tan u sameeyaa?” Dadku waxa ay runtii noqon karaan kuwo ku niyad jabiya, laakiin waa wax cajiib ah marka dadka deegaanka ay soo baxaan oo ay kaaga mahadceliyaan wax kasta oo aad sameyso. Waxa ay fahamsan yihiin in aan halkaa joogno saddexda, afarta subaxnimo oo waxa un aan isku dayeyno ay tahay in aan iyaga caawino. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hawlgallada cagafta baraf xaaqista, booqo EdinaMN.gov/SnowPlowing. - Waxaa sawirka qaaday Lauren Siebenaler 11 12 Soo Sheeg Jabniinka ku Yimaada Tuubada Weyn ee Biyaha: Yaa Loo Sheegayaa, Maxay iyo Sidee Waxaa qoray Reham Alemam Haddii aad ka shakido jabitaanka tuubada weyn ee biyaha ama aad mid ogtahay, waa mid maangal ah in aad ogtahay sida loo dhaqmo. Soo sheeg jabniinka ku yimaada tuubada weyn ee biyaha 7 a.m. ilaa 3:30 p.m. Isniinta-Jimcaha adiga oo Waaxda Hawlaha Guud ka wacaya 952-826-0376. Wixi ka baxsan saacadahaas ama fasaxyada, wac 952-826-1610 (Booliska oo aan degdeg ahayn). Waxaad jabitaanka tuubada weyn ee biyaha ku aqoonsan kartaa isbeddelada ku yimaada urta, midabka ama cadaadiska biyaha ama shanqarta guux ama neef ka soo baxaya tuubooyinka. Astaanta ugu weyn waa biyo fadhiyo ama meelo qoyan oo degdeg ah ama aan la fileyn oo lagu arko agagaarka gurigaaga ama ganacsigaaga. Haddii aad aragto biyo soo burqanayo, isla markiiba raadi waalka biyaha laga xiro dhismahaaga oo xir biyaha. Haddii aadan heli karin waalka biyaha laga xiro, la xiriir Magaalada. Biyo daadashada ka yimaada tuubooyinka weyn waxay awood u leeyihiin inay saameeyaan in ka badan boorsooyinkeena. Waxay dhibaato kageysan karaan meelaha ka agdhow, iyaga oo waxyeello u geysanaya dhabbaha dadku ay ku socdaan wadada dhinaceeda, waddooyinka, hantida gaarka ah iyo xitaa, xaaladaha daran, badbaadada biyaha aad cabto. Iyadoo qaar ka mid ah jabitaanka ku yimaada tuubooyinka weyn ee biyaha aan laga fursan karin iyada oo ay ugu wacan tahay tuubooyinka gaboobay, ka falcelinta degdega ah iyo ka jawaabista dadka deegaanka ee xilkaska ah ayaa samayn kara farqi adduun. Magaalada Edina waxay leedahay shabakad qiyaastii 200 mayl oo tuubooyin ah oo dhex mara xaafadeeda. Soo sheegista waqtiyeysan ee jabitaanka tuubooyinka weyn ee biyaha waxay door muhiim ah ka ciyaartaa ka caawinta kooxda Hawlaha Guud ee Magaalada inay helaan oo ay ku hagaajiyaan daadashada biyaha si xawli iyo sax ah, iyadoo laga hortagayo waxyeellada iyo wasakhoobidda biyaha. Marka tuubo jaban la soo sheego, maalin ama habeen, kooxda Magaalada ee u heellan Hawlaha Guud ayaa hawlgala, iyagoo isla markiiba waalka biyaha ka xiraya sanduuqa laga xiro. Waxaa muhiim ah in la fahmo kala saaridda mas’uuliyadaha: biyo daadashada tuubada weyn ilaa meesha guriga ama deerka looga soo leexiyo waxa ay hoos tageysaa maamulka Magaalada, halka biyo daadashada ka yimaada tuubada u leexsan guriga ay tahay mas’uuliyadda mulkiilayaasha dhismaha. Waa mid la hubo, kooxda Hawlaha Guud waxay gacan ka geysan doonaan go'aaminta mas'uuliyadda iyo, tan ugu muhiimsan, joojinta ama yareynta saameynta daadashada biyaha. Haddii aad biyo daadasho ku aragto dhismo uu leeyahay qofkale oo aadan la xiriiri karin mulkiilaha, haka laba-labeynin in aad si toos ah ugu soo sheegto waaxda Hawlaha Guud si looga hortago waxyeello kale. Waxay fahamsan yihiin in wakhtigu yahay waxa ugu muhiimsan, hadafkooduna waa inay tuubooyinka weyn ee biyaha ee jaban ku hagaajiyaan sida ugu dhakhsaha badan ee hufan ee suurtogalka ah, iyaga oo xaqiijinaya in guryaha iyo meheradaha aysan la kulmin biyo daadasho soconaya saacado badan. Xitaa haddii hagaajinta ay u baahaneyso in dhulka la qodo, kooxda Hawlaha Guud waa ay qaban doontaa shaqada. Muddada hagaajinta waxay ku xiran tahay darnaanta iyo meesha ay ku yaalaan tuubooyinka weyn ee biyaha, laakiin kooxda Hawlaha Guud waxay caadi ahaan qaadataa inta u dhaxaysa afar ilaa lix saacadood si ay u ugu soo celiyaan si caadi ah. Daadashada biyaha waxa ay sidoo kale noqon karaan kuwo waxyeello geysta ama horseeda inay sare u kacaan biilasha adeegyada guryaha. Si aad uga hortagto biyo daadashada gurigaaga ama ganacsigaaga: 1. Inta lagu jiro xilliga qaboobaha, waalka tuubada dibedda ka xir gudaha gurigaaga si aad uga hortagto in ay barafoobaan. 2. Si joogta ah u hubi waalka laga xiro tuubada inta lagu jiro xilliga qaboobaha; waa in uu ahaadaa mid qallalan oo uusan baraf ku sameysmin. 3. Baar haamaha musqusha oo dhageyso shanqar kasta oo aan caadi ahayn. 4. Xaqiiji in cadaadiska biyahaagu uu la mid yahay awoodda tuubooyinkaaga si aad uga fogaato culeyska xad dhaafka ah. 5. Bilawga xilli kasta oo cusub, tuubooyinkaaga ka fiiri mirir, daxal iyo dildilaacyo si aad goorhore u qabato dhibaatooyinka suuragalka ah oo aad u ilaaliso dhowrsanaanta nidaamkaaga tuubooyinka. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ka jawaabista Magaalada ee jabitaanka tuubooyinka weyn ee biyaha, Waaxda Hawlaha Guud kala xiriir 952-826-0376. Shaqaalaha Hawlaha Guud waxay ka jawaabaan habeen iyo maalinba nasashada muhiimka ah ee biyaha. (Sawir Fayl) 12 13 Liiska Hubinta Agabka Xaaladaha Degdegga ee Qaboobaha □ Bustayaal/Bacda Jiifka□ Cuntada Aan Qurmin (buskutka, lowska la qalajiyey, iwm.)□ Taleefanka Gacanta iyo Jaajar□ Dhar Dheeraad ah (Jaakad, koofi, sigsaanta gacmaha, buud, iwm.) □ Ulaha Bikaaca/Saddexagalada (Ama walxo kale oo dhalaalaya)□ Iskoobaha Barafka □ Qalabka Gargaarka Degdegga ah□ Xashka Ciidda/Bisadda (Loo adeegsado dhul qabsiga) □ Caagad Biyo ah□ Badeelka Barafka □ Toosh leh Batariyaal□ Fiilooyinka Xoogsiinta Tixgeli in aad soo cabeysato sheeyaashaan waxtarka leh dhammaan safaradaada qaboobaha. 14 Dadka Hawlaha Guud Waxaa qoray Reham Alemam Horraanti sanadkan, afar xubno shaqaale oo cusub ayaa kusoo biiray Waaxda Hawlaha Guud: Lucas McDonald ee Qeybta Waddooyinka, Jon Schonhoff ee Hawlgallada Qalabka iyo Curt Nivala iyo Luke Marchiafava ee Qeybta Adeegyada Guryaha. Marchiafava waxa uu ahaa midkii ugu horreeyay ee lagu soo kordhiyo Waaxda Hawlaha Guud ee firfircoon. Isaga oo Khabiir tuubo-gelinta ah oo ruqsad haysta oo 12 sano oo adag ka soo shaqeynayey qeybta adeegyada guryaha ee gaarka ah, waxa uu khibrad badan ku soo kordhinayaa Qeybta Adeegyada Guryaha. Isaga oo dib u milicsanaya aragtidiisii hore ee Waaxda Hawlaha Guud, Marchiafava waxa uu xusay, “Waxa isla markiiba ii soo baxay waxay ahayd sida ugu dhakhsaha badan ee qof kastaa ugu soo baxo in uu wax caawiyo marka ay arrimuhu cakirmaan.” McDonald waa arday sharfan oo ka qalin jabiyay Dugsiga Sare ee Wayzata. McDonald waxa uu muddo 15 sano ah kusoo qaatay kala hagidda taraafikada Warning Lites ee Minnesota. Waxa uu sidoo kale xirfadihiisa ku biiriyey Waaxda Hawlaha Guud ee St. Paul muddo kale oo saddex sano ah kahor inta uusan ku biirinqoyska Hawlaha Guud ee Edina. McDonald waxa uu leeyahay taariikh ballaaran oo ku saabsan kala hagidda taraafikada, laakiin marki wax laga weydiiyey dhinaca uu ugu jecel yahay shaqada, xamaasadda McDonald waxay ka soo iftiimaysaa meel aan la filayn—simista godadka wadada sababtoo ah, “Waxaan jeclahay inaan caawiyo meesha aan awoodo.” Marki McDonald uu u wareegay Waaxda Hawlaha Guud, waxa uu helay wax ka badan goob shaqo. Waxa uu helay bulsho. Isaga oo ku sifeynaya asxaabtiisa ay isla shaqeeyaan in ay yihiin, “koox akhyaar ah oo cajiib ah,” McDonald waxa uu ku nuuxnuuxsaday is-aaminaada saaxiibtinimo ee ka dhigaysa safarkiisa Hawlaha Guud ee Edina, in uusan kaliya shaqo ahayn, balse sidoo kale uu yahay tacabur. Schonhoff ayaa ku biiray kooxda makaanikada ee Qeybta Hawlgallada Qalabka isaga oo leh khibrad labo sano oo shaqada habeenkii ah oo uu la soo shaqeeyey North American Trailer. Waxa uu sidoo kale la imaanayaa aqoontiisa ballaaran ee “taariikhda matoorada baabuurti hore iyo khadadka gaari wadista,” ayuu yiri. Schonhoff waxa uu sidoo kale uu aad ugu faraxsan yahay dadka uu la shaqeynayo. Ammaantiisa xamaasadda leh ee ka soo baxaysa ayaa is-qabsatay, isaga oo Edina ku sheegay “magaalo cajiib ah oo xitaa ay ku nool yihiin dad kasii cajiibsan.” Qofki ugu dambeeyey ee kusoo biira, Nivala waxa uu Hawlaha Guud u shaqeynayey tan iyo bishi Sibteembar. Kahor inta uusan xiran astaanta Edina, Nivala waxa uu u soo shaqeeyey Hawkins, isagoo kiimikada biyaha lagu daweeyo geyn jiray degmooyinka, isagoo rakibi jiray qalabka jilciyaasha iyo sifeeyaasha qaboojinta biyaha deegaanka. Jawiga soo dhaweynta leh ee Hawlaha Guud kama lumin Nivala, kaas oo qiimeeya is-aaminaada saaxiibtinimo. Qeybta uu ugu jecel yahay shaqada ma ahan shaqada laftigeeda. “Waa barashada meel aan wax ku biirin karo oo aan kala qabsan karo waaxda,” ayuu yiri. “Ma aha oo kaliya mid ku saabsan hawlaha. Waxay ku saabsan tahay noqoshada qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaalka wadajirka ah.” Shaqaalaha cusub, Kaaliyaha Agaasimaha Hawlaha Guud Dave Goergen ayaa yiri, “waayo-aragnimadooda kala duwan iyo xamaasadooda waxa ay si aan kala go’ lahayn ula jaanqaadayaan ballanqaadka waaxda ee ay ku dayactireyso kuna xoojineyso kaabayaasha Edina si ay uga faa’iideystaan dadka deegaanka oo dhan.” Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Waaxda Howlaha Guud, booqo EdinaMN.gov/PublicWorks. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan shaqooyinka waaxda, booqo EdinaMN.gov/Jobs. Waaxda Hawlaha Guud ee Edina Waxa ay Afar Qof Ku Soo Dhaweyneysaa ‘Qoyska’ 15 Lucas McDonald, Curt Nivala, Luke Marchiafava iyo Jon Schonhoff ayaa dhawaan ku soo biiray shaqaalaha Waaxda Howlaha Guud ee Edina. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) Qalcad baraf waxa ay noqon kartaa qaab-dhismeed qaboobe ah oo farxad leh oo lagu qaato maalin madadaalo ah. Dhallinyarada, waxay u noqon karaan mashruuc qaab- dhismeedka qaboobaha ah oo adag, oo loo yaqaano “qalcad” waxayna saldhig guri u noqdaan dagaalka isku-tuuryeynta dhagxaanta barafka oo dabci wanaagsan. Lyadoo laga sameeyo agab aan la isku halleyn karin sida baraf qoyan, baraf dhagax ah, iyo dhoobo jilcan, qalcadaha barafka, xitaa marka ay u muuqdaan kuwo qaab-dhismeed ahaan wanaagsan, ayaa cagsigeeda ah. Nidaamyada saqafyada iyo dhuumaha ee qalcadahaan barafka ayaa u nugul in ay dumaan oo xitaa ay burburaan irdaha laga baxo, iyagoo dadku ay ku aasmaan oo ay ku dhex xayirmaan. Qalcadaha barafka ee lagu sameeyo meel u dhow jidadka waxa ay u nugul yihiin inay ku dhex milmaan hareerahooda, taasoo kuwa kudhex ciyaaraya kadhigeysa kuwo u nugul inuu ku habsado barafka la soo xaaqay ama ay soo tuuraan gawaarida meesha mareysa. Marka cagafta barafka xaaqda ay soo riixdo barafka, waxaa laga yaabaa inay barafka kusoo riixdo qalcadda, iyagoo duugaya irdaha laga baxo ama waxyeello u geysanaya qaab-dhismeedka, taasoo horseedeysa inay qalcadda dunto. Marmar, cagafta barafka xaaqda waxa ay qabataa hawl loo yaqaano “dib u riixid,” halkaasoo darawallada ay barafka dib ugu fogeeyaan cawska si ay boos ugu banneeyaan barafka di’i doona mustaqbalka. Si looga fogaado dhacdo kasta oo nasiib darro ah, xusuuso talooyinkan muhiimka ah oo suuragalka ah inay naf badbaadiyaan: • Kadhis qalcadaha barafka masaafo badbaado ka ah wadada – ugu yaraan ka duruqsan 25 ilaa 30 cagood. • Marka aad dhiseyso qalcadaha barafka ka sameysan, dooro darbiyo sare oo aan saqaf sare lahayn si aad uga fogaato in ay kugu soo dumaan iyo inaad bixiso bixitaan degdeg ah oo hufan marka loo baahdo. • Dayactir cirifyada dhismayaashaada marka uu soo galo xilliga qaboobaha. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baraf xaaqista Magaalada ama badbaadada qaboobaha, booqo EdinaMN.gov/SnowPlowing. - Waxaa isku dubariday Reham Alemam Waaxda Hawlaha Guud Waxa Ay Dadka Deegaanka Xusuusineysaa inay si Badbaado ah u Dhistaan Qalcadaha Barafka