Loading...
HomeMy WebLinkAboutPublicWorksPipeline_Late2024_Somali-WebSidee Ayey Xaaladaha Abaartu Kuu Saameeyaan Abaaro ayaa ku dhawaad sanad walba ka dhaca Minnesota ilaa xad, waxayna abaarti 2021 ahayd abaarti ugu darnayd ee gobolka soo marta ugu yaraan tan iyo 1988, sida ay sheegtay Waaxda Kheyraadka Dabiiciga ah ee Minnesota (DNR). Edina iyo shirkadaha bixiya biyaha dadweynaha ee nawaaxiga magaalada ayaa biyahooda ka hela isla lakabyada biyaha keydiya ee dhulka hoostiisa. Abaartu waxay saamaysaa saadka biyaha ee qofkasta, taasoo hoosta ka xarriiqaysa baahida loo qabo ilaalinta shakhsi ahaaneed iyo bulsho ahaaneed. Si ay u xaqiijiso sahay biyo ah oo ku filan korna ugu qaado ilaalintooda, Edina waxaa maalintii ka jira mamnuuca waraabka biyaha iyo jadwal waraabineed oo maalmaha kisiga/dhabanka ah oo had iyo jeer dhaqangashan. Marka xaaladaha abaaruhu ay aad u xumaadaan, sida sanadki 2021, xaaladu waxay u baahan kartaa biyo ilaalin aad u adag, sida xaddidaad ku meelgaar ah oo la saaro dhammaan isticmaalka biyaha ee guriga bannaankiisa ah ee aan daruuriga ahayn. Adeegso sawirada sharraxaada ah ee ku yaala boggaga soo socda si aad u barato sababta ilaalinta biyaha ay lagama maarmaan u tahay xilliyada abaarta. Si aad u eegto xadidaada waraabinta, booqo EdinaMN.gov/WateringRestrictions. Si aad u eegto xaaladaha abaareed ee hadda ka jira Minnesota, booqo Bit.ly/MinnesotaDroughtMap. DABAYAAQADA 2024DhuuntaHOWLAHA GUUD Xadidaadaha BiyahaXaaladaha Hadda Jira Sidee Ayey Xaaladaha Abaartu Kuu Saameeyaan (Ka sii socdo jaldiga kore) Xog Laga Soo Xigtay Webseedka Waaxda DNR (Iyadoo loo marayo Xarunta Warbixinta Adeegga Cimilada Qaranka) Wejiyada Abaarta Waaxda DNR waxay leedahay Qorshaha Abaaraha ee Gobolka Minnesota oo Dhan ah kaasoo faahfaahinaya marxalad kasta oo darnaanta abaarta ah iyo tallaabooyinka loo baahan yahay ee la xiriira. Tixraac ahaan, sanadki 2021, Edina waxay gashay Wejiga Xaddidaada; sanadki 2022, Wejiga Ilaalada Abaarta; iyo sanadkii 2023, Wejiga Digniinta Abaarta. Waxbadan ka ogow Bit.ly/MinnesotaDroughtPlan. 2021: 25.96 inji 2022: 22.97 inji 2023: 29.69 inji Liiska Hubinta Ilaalinta Biyaha Cawskaaga kaliya waraabi maalmaha laguu qoondeeyay. Guryaha ama ganacsiyada leh ciwaanada tirada dhabanka ah waxay wax waraabsan karaan taariikhaha tirada dhabanka ah leh, guryaha ciwaanada tirada kisiga ah leh waxay wax waraabin karaan taariikhaha tirada kisiga ah leh. Cawska kaliya waraabi subixi ama fiidki, ka hor 11 a.m. ama ka dib 5 p.m. ee maalmaha laguu qorsheeyay. Yaree inta jeer ee aad waraabiso cawska. Baaritaan ku samee nidaamkaaga waraabka. Ka hubi nidaamkaaga inuu biyo daadinayo oo xaqiiji in madaxyada biyo firdhiyaashaada aysan qasaarineynin biyaha iyagoo rusheynaya wadada gawaarida ama dhabbaha dhinaca wadada. Xitaa qeyb kamid ah roogaaga cawska ah ku beddel dhir wadani ah oo u baahan waraabin yar oo aad ugu adkeysan kara lana qabsaday cimilada Minnesota. Raadi siyaabo aad ku tashiisho biyaha gudaha guriga. Wejiga Aanay Jirin Abaar Wejiga Xaaladda Degdegga: Tallaabooyin qasab ah oo lagu yareynayo isticmaalka biyaha oo lala simayo heerarka bisha Janaayo iyo hirgelinta tallaabooyin waafaqsan wareegtada xaaladda degdegga ah Wejiga Ilaalada Abaarta: Magaalada ayaa xogta tashiilka biyaha la wadaagta bulshada Wejiga Digniinta Abaarta: Yoolku waxa uu yahay in isticmaalka biyaha hoos loogu yareeyo in 50% ka badan heerarka bisha Janaayo Wejiga Xaddidaada: Yoolku waxa uu yahay in isticmaalka biyaha hoos loogu yareeyo in 25% ka badan heerarka bisha Janaayo iyo yaraynta isticmaalka biyaha aan daruuriga ahayn Tirada Maalmaha Heerkulku Yahay 90° ama Ka Sarreeyo Aagga Magaalooyinka Mataanaha Ah 2021: 27 maamood 2022: 18 maamood 2023: 33 maamood Xog Laga Soo Xigtay Webseedka Waaxda DNR (Iyadoo loo marayo Xarunta Warbixinta Adeegga Cimilada Qaranka) Maxaa Abaaraha Keena? Abaartu waxay dhacdaa marka uu jiro xilli joogta ah oo roobab yar iyo/ama heerkul aad u sarreeyo. Maadaama roobka iyo barafku dib u sii buuxiyaan biyaha dhulka ku jiro, waaxda DNR waxay sheegtay in abaaruhu ay si joogto ah u sii socon karaan sanad ilaa kan xiga taas oo ku xiran roobabka wintarka iyo gu’ga. Wadarta Roobabka Sanadlaha ah ee Aagga Magaalooyinka Mataanaha Ah Khariidadahani waxay muujinayaan farqiga u dhexeeya wadarta roobabka sannadlaha ah iyo sida “caadiga” ee taariikhiga ah. 2 Tashiilku waa Faa’iido • Qiimaha biilasha adeegyada guryaha ee Edina ayaa dib u qaabeyn lagu sameeyay sanadki 2023 si loo dhiirigeliyo ilaalinta biyaha. Qaab-dhismeedka qiimaha heerarka biyaha ayaa loo hagaajiyay noocyo dhismo oo badan si markaa kuwa biyaha yar isticmaala ay uga faa’iideystaan qiimo jaban. • Ganaax iska ilaali! Mulkiilayaasha guryaha ee lagu helo jabinta xaddidaadaha biyo waraabinta ee Magaalada ayaa lagu ganaaxi karaa $50-$300 iyada oo ay ku xiran tahay tirada jabinta xaddidaada biyaha ee lagu helay saddexdii sano ee la soo dhaafay. Ilaalinta Biyaha iyo Adiga Isticmaalka Biyaha ee Xagaaga Xilliga saamarka ee abaarta ah, Magaaladu waxay soo bamgaraysaa saddex laab biyo ka badan xilliga wintarka iyada oo ay ugu wacan tahay isticmaalka biyaha ee guriga dibadiisa, taasoo baahi dheeraad ah saaraysa kheyraadka biyaha xilli ay horeyba u sii liiteen. Dadka deegaanka badankooda ayaa ku faana cawska iyo bilicda dhulkooda, balse xilliyada abaarta, Magaaladu waxay u baahan tahay in laga gacan siiyo in la dhimo qadarka biyaha ee dibada guryaha lagu shubo si ay u jiraan biyo badan oo loo isticmaalo waxyaabaha daruuriga ah iyo waxyaabaha kale ee aan ku raaxaysano sida beeraha nasiinada iyo tamashleynta ee dadweynaha. Inti lagu jiray xilligi biilasha Juun-Agoosto 2023, 63% ka mid ah guryaha halka qoys ah waxay isticmaaleen in ka badan 24,000 gaaluun oo biyo ah saddexdaas bilood – waxay ku filan yihiin inay buuxiyaan 400 oo beeshimada qubeyska suuliyada ah – waxayna soo galeen biyo isticmaalka Heerka 3aad ee Magaalada – kaasoo ah heerki ugu sarreeyey ee cabbirka biilasha adeegyada guryaha ee Edina. Wadar ahaan, 248,030,492 gaaluun ayaa waxaa isticmaalay dhismayaasha halka qoys ah inti lagu jiray saddexda bilood ee xagaaga. Sida Abaartu U Saameyso Kheyraadka Isticmaalka Biyaha ee Daruuriga Ah • Isticmaalka guriga sida biyaha la cabbo, cunto karinta, qubeyska, dhar-dhaqaalka iyo suxuunta, iyo nadaafadda • Ilaalinta dabka iyo caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka • Beeraha iyo cuntada • Tamarta iyo Warshadaha Maxaa Ku Dhacaya Kheyraadkeena Xilliga Abaarta • Culeys ku yimaada nidaamyada adeegyada guryaha: Baahida ayaa kororta, heerarka biyaha ee ceelasha ayaa yaraada waxayna bamgareynta iyo daawaynta biyaha ay noqdaan kuwo aad qaali u ah • Culeys ku yimaada kheyraadka dabiiciga ah: Heerarka biyaha ku jira harooyinka iyo webiyada ayaa hoos u dhaca waxaana kor u kaca heerkulka biyaha, taasoo mid adag ka dhigaysa nolosha kalluunka iyo duurjoogta • Khatarta dab kaca: Marka keymaha iyo dhirtu qallalaan, waxaa jirta khatar weyn inuu dab ka kaco keymaha iyo duurka • Saamaynta beeraha: Dalagga waxaa soo gaara saameyn waxaana jira wax soosaar yar - Waxa Qoray Brittany Bader • Rakibo madaxyada shaawarka iyo qasabada shabaqa afka ku leh ee qulqulka hoose leh• Shaawarka ku qubeyso muddo gaaban adigoo isticmaalaya madaxyo shaawar oo biyaha tashiilaya beddelki qubeyska beeshinka • Buuxi saxanka sinkiga si aad gacanta ugu dhaqdid saxamada beddelki ay biyaha iska socon lahaayeen • Saxamada ku rid qalabka saxamada dhaqa adiga oo aan biyo raacineynin• Daar qalabka weelasha lagu dhaqo kaliya marka uu buuxo • U Isticmaal beeshin weyn in aad ku dhaqdo khudaarta halki aad biyaha ku furi lahayd• Iska xir tuubada inta aad xiiranayso ama aad cadayanayso • Kaliya ku dhaq dharka qasaaladda oo buuxda• Aqoonso oo hagaaji biyaha daadanaya Hababka Biyaha Guriga Loo Tashiilo Isticmaalka Biyaha ee Guryaha 18% Wajiga 1aad Wajiga 2aad Wajiga 3aad 19%63% Ilaa 12,000 gallons 12,001- 24,000 gallons In ka badan 24,000 gallons 24% 20% 8%12% 17% 19% Suuliga Kuwa kale Daadin Dhar-dhaqaal Gacanka Qasabada Shaawarka 3 Waxaa qoray Matthew Cords Waaxda Hawlaha Guud ee Edina waxa ay ka kooban tahay koox xirfadleyaal ah oo u heellan dayactirka kaabayaasha kala wada magaalada. Laga soo bilaabo dayactirka wadooyinka ilaa hagaajinta baabuurta, shaqaalaha xirfadda leh ee ku sugan Waaxda Hawlaha Guud & Xarunta Dayactirka Beerta Nasiinada ayaa laga codsadaa inay xalliyaan caqabado kala duwan iyaga oo adeegsanaya kartidooda farsamo. Qaar ka mid ah shaqaalaha Waaxda Hawlaha Guud ayaa ay fududahay in la arko iyaga oo hawl ku jira, sida Qeybta Waddooyinka ka xaaqda barafka ama Qeybta Adeegyada Guryaha ee tuubooyinka dabdemiska ee wadooyinka ku xiran falaasha xilliga gu’ga. Kuwa kale waxay bixiyaan shaqo daaha gadaashiisa ah ee adeegyada laga yaabo in deganaha caadiga ahi aanu laba jeer ka fikirin marka uu isticmaalayo. Yaa mas’uul ka ah hagaajinta tuubooyinka biyaha aanu cabno? Sidee ayaanu ku xaqiijin karnaa in bullaacadaha biyaha ay wax u qaadayaan si sax ah? Jawaabta labada su’aalba waa Qeybta Adeegyada Guryaha. Inkastoo aaggu daboolo hawlo baaxad leh, Hawl-wadeenada Qeybta Adeegyada Guryaha waxay leeyihiin saddex mas’uuliyadood oo aasaasi ah: biyaha, bulaacadaha iyo biyaha roobka. Qeybtu waxa ay hadda ka kooban tahay in ka badan dersin shaqaale waqti-buuxa shaqeeya, oo uu ku jiro Kaaliyaha Agaasimaha Hawlaha Guud ee ku takhasusay shaqada Adeegga Guryaha. Maalinta caadiga ah ee shaqaalaha Adeegyada Guryaha waa ay kala duwanaan kartaa, iyadoo baahiyaha adeegga iyo mudnaanta ay inta badan yeeriyaan caqabadaha xilliyeysan iyo xaaladaha dayactirka ee aan la qorshayn. Shaqadu waa ay kala duwanaan kartaa iyada oo ay ku xiran tahay takhasuska shaqaale kasta. Qaar ka mid ah shaqooyinka gaarka ah ee gudaha Qeybta Adeegyada Guryaha Edina waxaa ka mid ah daaweynta biyaha, dayactirka xarumaha bamgareeya bullaacadaha, hawlgallada gaadiidka, soo helidda, dhismayaasha dhulka hoostiisa ah iyo akhrinta cabbirka biyaha iyo rakibidda. Inkastoo aanay jirin labo maalmood oo isku mid ah, hawlaha sida maaraynta biyaha nadaafadda ayaa u baahan in si joogto ah loo dhamaystiro. Qeybta Adeegyada Guryaha ee Edina waxay ku hawlgashaa dhowr xarumood oo bamgareeya bullaacadaha oo bulshada oo dhan dhexdeeda ah, oo loo dhisay inay bullaacadaha u bamgareeyaan xagga dhulka joogga sare si cuf-isjiidadka dhulku uu ugu dambeyntii biyaha hoos ugu shubo buurta iyaga oo sii dhexmaraya nidaamka bullaacada si loo daaweeyo. Dibedda dhismayaashan waxaa laga yaabaa in aanay soo jiidan dadweynaha, balse ujeedadoodu waa muhiim marka ay timaaddo ilaalinta nadaafadda bulshadeenna. Ha ahaato la socodka waqtiga hawlgalka (waqtiga bamku ku qaato in uu si firfircoon u bamgareeyo dareeraha), qabashada dayactirka ama saarista walxaha aan bullaacada loogu talagalin, xarumaha bamgareeya waa in ay ku jiraan xaalad shaqo oo wanaagsan si ay adeeggga fogeynta bullaacadaha oo la isku halleyn karo u siiyaan magaalada iyo dadka deggan. “Dayactirka xarunta bamgareysa bullaacada iyo ka agdhawaanshaha bullaacadaha biyaha ma ahan wax uu qofkasta ka helo inuu sameeyo,” ayuu yiri Hawlwadeenka Adeegga Guryaha Josh Wagner. “Waxaa jira wax badan oo xallinta dhibaatooyinka iyo shaqada korontada ah oo Maalinta Nolosha Shaqaalaha Adeegyada Guryaha ee Waaxda Hawlaha Guud 4 ku lug leh nidaamka koontaroolka ee gudaha xarunta bamgareynta bullaacada, balse waan jeclahay hawsha adag.” Samaynta dayactir joogto ah oo lagu sameeyo qaab-dhismeedyada kaydiya biyaha ayaa ah mas’uuliyad kale oo saaran Hawl-wadeenada Adeegga Guryaha waxayna muhiim u tahay in dadka deegaanka ah loo soosaaro biyo joogto ah. Magaaladu waxay leedahay 18 ceel oo dhulka hoostiisa ah oo ay wehliyaan hal keyd oo dhulka hoostiisa ah iyo afar haamaha meelaha sare saaran ah oo isugeyn qaada ilaa 7 milyan gallon. Ka hor inta aan biyo nadiif ah la keydin, waxay u baahan tahay in la mariyo mid ka mid ah afarta warshadood ee biyaha nadiifiya ee ay maamusho Magaaladu. Xarumahaan gaarka ah, waxaa biyaha ururiya, sifeeya oo nadiifiya Hawl- wadeenada Adeegyada Guryaha ee Edina. Hawl-wadeenadu waxay kiimikooyin muhiim ah sida kaloriin, foloraydh iyo polyphosphates ku daraan labadaba warshadaha nadiifinta iyo ceelasha si kor loogu qaado caafimaadka isticmaalaha oo tuubooyinka looga ilaaliyo daxalka. Intaa waxaa dheer, waxaa maalin walba la qaadaa saamballada biyaha la nadiifiyay si loo xaqiijiyo in qadarka kiimikada biyaha lagu daray uu ku dhex jiro cabbirka loo dejiyay cabista iyo isticmaalka. Marka ay biyuhu badbaado u yihiin in la isticmaalo, waxaa dib loogu qaybiyaa tuubooyinka dhulka hoostiisa mara ee ka qarsoon indhaha dadweynaha. Dayactirka shabakad tuubooyin ah oo dhererkoodu yahay ku dhawaad 200 oo mayl run ahaantii waxay qaadataa dadaal kooxeed. Xaqiiqdii, maalmaha qaar, Hawl-wadeenada Adeegyada Guryaha waxa ay waqti ka badan ku qaataan haddiiba aysan ka badnayn ka shaqeynta dhulka hoostiisa marka loo barbardhigo dhulka dushiisa. Badanaa waa tuubooyinkaas kuwa muujiya dabciga aan la saadaalin karin ee shaqada Adeegyada Guryaha. Xaaladaha qaarkood, fidmashada ama isku soo gaabashada tuubooyinka birta ah ayaa dhalin kara jabitaanka tuubooyinka waaweyn ee dhulka hoostiisa mara taasoo u baahanaysa in degdeg wax looga qabto. Maadaama xaaladaha degdegga ahi ay dhici karaan waqti kasta, waxaa jira shaqaale Adeegyada Guryaha ah oo wicitaan ku yimaada oo diyaar u ah inay ka jawaabaan 24/7. Dabcan, maalinta shaqada ma dhammeystirmeyso iyada oo aan la haysan qaar ka mid ah qalabka iyo agabka ugu casrisan qeybta shaqada, waxayna Waaxda Hawlaha Guud ee Edina xaqiijisay in Qeybta Adeegyada Guryaha ay diyaar u tahay wax kasta. Qeybta Adeegyada Guryaha waxay ku hawlgashaa dhowr gawaarida hawlaha culus lagu qabto ah, oo ay ku jirto booyada bullaacada (sidoo kale loo yaqaano booyada biyaha ku furta kadibna soo nuugta ama gaariga is-xambaarsan) ee loo isticmaalo in lagu nadiifiyo marinada bullaacadaha iyada oo adeegsanaysa tignoolajiyadeeda wax soo nuugta. Booyada biyaha ku furta kadibna soo nuugta ayaa sidoo kale la adeegsadaa si biyo loogu qodo hareeraha tuubooyinka iyo fiilooyinka dhulka ku jira halkaas oo ay adag tahay inay qodo cagafta caadiga ah ee dhulka qodo, taasoo ka dhigeysa booyada mid ku habboon jabitaanada tuubooyinka biyaha ee waaweyn. “Waxaan ka helaa in aan bullaacadaha biyo ooga furno booyadeena sababtoo ah waa shaqo la cabbiri karo,” ayuu yiri Wagner, kaasoo sidoo kale si joogto ah ugu shaqeeya baabuurta Adeegyada Guryaha. “Haddii ay ahaan lahayd bullaacad ama dhoobo ka timid tuubo biyo oo jabtay, waxaad xaqiiqdii arki kartaa isbeddelka aad samaysay marka aad bogto.” Gaari kale oo gaar ah oo ay adeegsato Qeybta Adeegyada Guryaha waa gaariga CCTV-ga, kaasoo ka kooban gawaarida robotyada ah ee meelaha fog laga hago oo lagu rakibay qalabka kamarada si loo ogaado cilladaha ku jira tuubooyinka u dhexeeya 6 ilaa 48 inji. Hawl-wadeenada Adeegyada Guryaha ayaa looga fadhiyaa shaqooyin kala duwan – laga soo bilaabo ka shaqeynta qalab kala duwan ilaa hawlaha gacanta lagu qabto ee adag iyo cillad-bixinta. Waxaa jira aagag badan oo wax laga kororsan karo shaqada adeegyada guryaha. “Waaxaha kale ma helaan kala duwanaanta noocaas ah marka ay timaado jadwalkooda maalinlaha ah,” ayuu yiri Kaaliyaha Agaasimaha Hawlaha Guud Dave Goergen. “Waxaan had iyo jeer u baahan doonaa Hawl-wadeenadan si ay u bixiyaan waxyaabaha aasaasiga ah ee caafimaadka iyo nolosha Edina.” “Ka shaqeynta Adeegyada Guryaha waa mas’uuliyad aad u weyn, maadaama ay iyagu yihiin kuwa bixinaya kheyraadka qiimaha badan ee 99.9% ka mid ah dadka deggan Edina ay isticmaalaan maalinkasta,” ayuu yiri Brian Olson, Agaasimaha Hawlaha Guud. Sidaa daraadeed, marka xigta ee aad furto tuubada, aad qubeysanayso ama falaashayso musqushaada, xasuusnoow in Hawl-wadeenada Adeegyada Guryaha ee Magaalada ay yihiin kuwa suurtagaliyay. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Qeybta Adeegyada Guryaha ee Waaxda Howlaha Guud, booqo EdinaMN.gov/PublicWorks. Maalinta Nolosha Shaqaalaha Adeegyada Guryaha ee Waaxda Hawlaha Guud 5 Janaayo 2024 ayaa ku beegneyd 20 sano tan iyo kulankii ugu horeeyay ee Guddiga Gaadiidka Edina (ETC). Labaatanka sano tan iyo intaas, 50 dadka deegaanka ah ayaa ka shaqeeyay guddiga oo waqtigooda iyo kartidooda u huray sidi ay u horumarin lahaayeen badbaadada iyo isu socodka dhammaan noocyada gaadiidka ee magaalada. “Guddiga gaadiidku waa muhiim sababtoo ah waxay hagitaan diiradda lagu saarayo bulshada hor keenaan Golaha Deegaanka oo ku saabsan gaadiidka Edina,” ayuu yiri Qorsheeyaha Gaadiidka Andrew Scipioni. “Waxay awoodaan inay eegaan qorsheyaasha guud ee Magaalada marka laga eego aragtida deganaha waxayna fahmaan qiyamka iyo hiigsiga ee aan isku dayeyno inaan aadno magaalo ahaan waxayna bixiyaan talooyin ku saabsan sida ugu Xuska 20 Sano Guurada Guddiga Gaadiidka Edina wanaagsan ee loo tago halkaas. Waxaan uga mahadcelinayaa sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay.” Debaaldegga sanad guurada 20aad ee ETC, waxaan halkan dib ugu milicsanaynaa qaar ka mid ah taariikhda iyo guulaha la xusi karo ee guddiga. - Waxa Qoray Brittany Bader Xubnaha Guddiga Gaadiidka ee hore iyo kuwa hadda ayaa lagu maamuusay inti lagu guda jiray ku dhawaaqisti guddiga ee sanad guuradii 20aad ee lagu qabtay May 7, 2024, kulanki Golaha Deegaanka. (Sawirka Jennifer Bennerotte) 6 2002Golaha Deegaanka ayaa dhisay Kooxda Taraafikada ee Maxaliga ah si ay u bixiyaan aragtida bulshada iyo talooyinka ku saabsan arrimaha taraafikada ee Edina. 2012Sanduuqa Badbaadada Dadka Lugeynaya iyo Kuwa Baaskiilka Wata (PACS) ayaa la aasaasay si uu gacan uga geysto maalgelinta mashaariicda dhabbayaasha dhinacyada wadada, dhabbayaasha lugeynta iyo mashaariicda kale ee baaskiilleyda la xiriira iyada oo la adeegsanayo dakhliga ka soo xarooda khidmadaha ruqsadaha ganacsiga shirkadaha. ETC waxay sanad kasta bixisaa talooyin ku saabsan sida lacagahaas ay tahay in loo isticmaalo. 2015Magaalada ayaa meelmarisay Qorshaha Nolosha Wadooyinka, kaasoo haga sida wadooyinka loo naqshadeyn karo si ay ugu adeegaan baahiyaha gaadiidka ee isticmaalayaasha oo dhan, oo ay ku jiraan dadka lugeynaya, kuwa baaskiilka wata, rakaabka gaadiidka iyo xubnaha bulshada ee nugul. 2021Drive 25: Si kor loogu qaado badbaadada dhammaan isticmaalayaasha iyo dhammaan noocyada gaadiidka, xadka xawaaraha ee inta badan wadooyinka maxalliga ah waxaa hoos loogu dhigay 25 mph. ETC waxay Golaha Deegaanka kula talisay inay meelmariyaan xeerka hoos u dhigaya xadka xawaaraha. Siyaasadda Maamulka Dalabka Safarka ayaa la meelmariyay taasoo kaga baahan shirkadaha dhisa wadooyinka inay muujiyaan in mashaariicda cusub loo naqshadeeyo inay yareeyaan safarrada baabuurta ee maraysa waddooyinka ciriiriga ah inta lagu jiro waqtiyada mashquulka badan. Siyaasadda waxaa markii hore ku talisay ETC kadibna waxaa horumariyay shaqaalaha Magaalada. 2004Kulanki ugu horreeyey ee ETC ayaa la qabtay Janaayo 2004. 2003Iyada oo qeyb ka ah taladeeda, Kooxda Taraafikada ee Maxaliga waxa ay soo jeedisay in Magaaladu samayso guddi joogto ah si ay u eegaan nabadgelyada taraafikada iyo arrimaha nidaamka waddooyinka maxalliga. Sidaa daraadeed, Golaha Deegaanka ayaa aasaasay ETC. 2007Guddi-hoosaadka Kooxda Baaskiilka Edina ayaa horseeday horumarinta Qorshaha Gaadiidka Baaskiilka ee Dhammeystiran ee ugu horreeyay ee Magaalada, kaas oo loo abuuray in kor loogu qaado isku-xirka jidadka baaskiillada ee Edina jidadkana laga dhigo kuwo ay aad u adeegsan karaan oo badbaado u ah baaskiil wadayaasha. 2014Dariiqyada Firfircoon ee Qorshaha Dugsiga ayaa la meelmariyay. Wuxuu bixiyaa talooyin lagu abuurayo jawi ay arday badani u lugeeyaan, baaskiil u qaataan ama aalad ugu riixdaan iskuulka baddalki ay raaci lahaayeen baabuur ama la geyn lahaa. 2018Baska wareega ee CloverRide waxa uu bilaabay bixinta gaadiid hal maalin toddobaadkii laga soo bilaabo goobaha guryaha waayeelka ilaa goobaha adeegyada sida raashinka, tafaariiqda iyo madadaalada. Magaalada ayaa meelmarisay Qorshe Hawleedka Guud ee Wadooyinka Lugeynta iyo kuwa Baaskiilka, kaasoo ah cusbooneysiinta Qorshaha Gaadiidka Baaskiilka ee 2007. ETC waxay gacan ka gaysatay horumarinta Cutubka Gaadiidka ee Qorshaha Dhammeystiran ee 2018. 2024Guddigu waxa uu dib u eegis ku samayn doonaa Qorshe-Hawleedka Guud ee Wadooyinka Lugeynta iyo kuwa Baaskiilka si ay u aqoonsadaan wixi fursado ah ee laga horumarin karo qorshaha laftiisa ama hirgelintiisa. Qorshaha shaqo ee sanadkan waxa kale oo ka mid ah cilmi-baaris ku samaynta sida magaalooyinka kale ay u hirgelinayaan tallaabooyinka lagu dhiirigelinayo gaari wadista tartiibta ah ee badbaadada lehiyo sida fikradahaas loo keeni karo xaafadaha Edina. 7 Waxaa qoray Matthew Cords Haddii ay ahaan lahayd gawaarida hawlaha culus ama qalabka gacanta, shaqaalaha Hawlaha Guud iyo Dayactirka Beeraha Nasiinada waxay isha ku hayaan qalabka ay u baahan yihiin si ay u bixiyaan adeeg heersare ah oo ay magaaladu sii kala socoto. Shaqaalaha in lagu taageero qalab casri ah si ay shaqooyinka si hufan ugu qabtaan waa muhiim. Sidaa darteed, inta badan qalabka laga adeegsado qeybaha Magaalada ee Dayactirka Beeraha Nasiinada, Wadooyinka iyo Adeegyada Guryaha waxay u hoggaansamaan jadwalka beddelka, oo uu go’aamiyo Qorshaha Horumarinta Raasamaalka (CIP) Saddex Baabuurta Hawlaha Culus Lagu Qabto Ayaa Muujinaya Soo iibsiga Qalab Cusub Nooca Qalabka: Gaariga Hawlaha Badan Loo Adeegsado Sameeyaha/Nooca: 2023 Western Star Model 4700X Adeegsiga Aasaasiga Ah: Gaarigan meelaha badan loo isticmaalo ee hawlaha sare qabta waxaa aasaasi ahaan loo adeegsadaa in barafka looga xaaqo wadooyinka xilliga qaboobaha, lagu jiido booyadaha shubka dhismaha laguna daabulo burburka mashaariicda dhismaha wadooyinka ee xagaaga. Gawaaridu waxa ay leeyihiin baalal badeelo ah oo lagu rakibo lagana furo oo xaaqa barafka waxaana la saaray haamaha biyaha cusbada oo loogu talagalay hawlgallada cimilada qaboobaha. Waaxda: Waaxda Wadooyinka, Qeybta Shubka La Beddelayo: 2035 Nooca Qalabka: Raraha Tiirarka Sameeyaha/Nooca: 2023 Western Star Model 4700X Adeegsiga Aasaasiga Ah: Gaarigan gaarka ah waxaa loo adeegsadaa saarista geedaha, iyo sidoo kale kurtumada iyo laamaha ka yimaada mashaariicda dayactirka beeraha nasiinada. Gacanka waxaa maamula hawlwadeen fadhiya bagaaliyaha gaariga, wuxuuna halmar wada qaadi karaa jiridaha waaweyn ee geedaha. Qalabkani waxa uu ku fiican yahay hawlgallada maalinlaha ah, waxaana looga faa’iideysan karaa xaaladaha degdegga ah sida qaadista geedaha ku soo duma wadooyinka kadib duufaanada. Waaxda: Qeybta Dayactirka Beeraha Nasiinada La Beddelayo: 2039 Nooca Qalabka: Booyada Bullaacadda Sameeyaha/Nooca: 2023 Freightliner Model 114SD Adeegsiga Aasaasiga Ah: Gaarigan gaarka ah waxaa ujeedooyin badan looga adeegsadaa Qeybta Adeegyada Guryaha. Shaqada koowaad ee loo adeegsado booyada bullaacada ama gaariga is-xambaarsan waa in lagu nadiifiyo laguna dayactiro nidaamka bullaacada nadaafadda/biyaha roobka isaga oo adeegsanaya biyo cadaadis sare leh iyo nidaam soo nuugis xoog badan leh si uu qashinka dib ugu soo jiido godka furan halkaas oo laga soo saaro. Gaarigani waxaa sidoo kale loo adeegsadaa biyo ku-qodista agagaarka adeegyada guryaha ee dhulka hoostiisa ah. Waxaa jira oo kaliya mashaariic dhowr ah oo ka mid ah Qeybta Adeegyada Guryaha ee inta la wado aadan arki doonin qalabka noocaan ah. Waaxda: Qeybta Adeegyada Guryaha La Beddelayo: 2035 ee Magaalada. Soo iibsiga qalabka waxaa sidoo kale go’aamiya nidaamka qiimeynta ee Waaxda Hawlaha Guud, kaasoo ka eega da’da gaariga, xaaladiisa iyo adeegsiyadiisa. Tusaale ahaan, haddii xaaladda qalabku wanaagsan tahay oo aasaasi ahaan loo isticmaalo shaqooyin cayiman oo gaar ah (sida, booyada bullaacada), waxaa la beddeli karaa kadib waqtiga 12-ka sano ee caadiga ah ee loogu talagalay. Haysashada koox makaanik xirfad leh, cimriga qalabka waa la dheereyn karaa waa haddii si ku habboon loo dayactiro, taasoo si weyn u yarayneysa kharashaadka. “Qalab kasta waa uu ka duwan kan kale, balse raxanteenna baabuurta hawlaha culus ah, waxaan ku rajo weynahay in uu midkasta sii shaqeeyo 15-20 sano,” ayuu yiri Kormeeraha Hawlgallada Qalabka Richard Poppitz. Caadi ahaan, marka Waaxda Hawlaha Guud ay soo iibsanayso qalab, waxay si toos ah uga soo iibsataa iibiyeyaasha beddelki suuqyada gacanta labaad ah ama kuwa la isticmaalo. Qalabka waxaa inta badan marwalba la soo iibiyaa isagoo cusub si loo helo tayo xooggan iyo sidoo kale qiimaha Gobolka. Gaari hawlo badan loo isticmaalo, gaari gaar u ah rarka tiirarka iyo booyadda bullaacada oo loogu talagalay shaqada adeegyada guryaha ayaa muujinaya qalabka 20 ka badan ee Waaxda Hawlaha Guud ay heshay sanadki la soo dhaafay. 8 Isbeddelku Waxa uu Kor u Qaadi Doonaa Badbaadada inta u Dhaxaysa Wooddale iyo Brookview Avenues Xadadka seedka baaskiilka, xad labo fiit ah oo riinjiyaysan ayaa kala qeybiya kuwa isticmaalaya seedka baaskiilka iyo kuwa seedka gawaarida, taasoo kordhineysa istareexa iyo badqabka baaskiil wadaha. (Sawirka sharraxaada ee la gudbiyey) Waxaa qoray Debbie Townsend Haddii aad ku safarto Valley View Road inta u dhaxaysa wadooyinka Wooddale iyo Brookview, waxaa laga yaabaa in aad aragto in khad cad oo cusub lagu riinjiyeeyay seedka baaskiilka agtiisa. Darawallada, kani waa khadka cusub ee gaariga lagu wadayo dhankiisa bidixe. Baaskiil wadayaasha, waxay siinaysaa masaafo dheeri ah marka baabuurta ballaaran iyo muraayadaha dhinaca midig ma ahan kuwo u dhow. “Xadka seedka baaskiilka ayaa ah qaabka ugu badbaadsan ee tas-hiilaadka baaskiilka wadada maraya ee aanu bixin karno,” ayuu yiri Qorsheeyaha Gaadiidka Andrew Scipioni. “Waxay baaskiil wadayaasha dareensiinaysaa badbaado.” Waa maxay xadka seedka baaskiilka? Waa aag 1- ilaa 2-cagood ah oo ka calaamadaysan wadada oo ku xiga seedka baaskiilka. Waa tallaabo sare oo seedadka la wadaago ah, halka baaskiilada iyo baabuurtu isla wadaagaan hal wado. “Taasi waxaa loo arkaa mid badbaado yar leh sababtoo ah ma jiro kala sooc jireed,” Scipioni ayuu yiri. Xad jireed, sida jirjir ama biro taataagan, oo u dhexeeya baabuurta iyo baaskiil wadayaasha ayaa ahaan lahaa heer badbaado sare leh marka loo eego xadadka calaamadda ah ee seedadka. Kuwaasi waa qaali waxayna u baahan yihiin dayactir weyn sababtoo ah qalab gaar ah ayaa loo baahan yahay si barafka looga xaaqo agagaarkooda. Waa maxay sababta tani ay u tahay xalka ku habboon? Shirkadda Consultant Stantec ayaa daraaso ku samaysay qaababka gaadiidka ee aaggaas waxayna ku talisay in seedadka dhanka bidixe u leexanaya laga saaro Kellogg Avenue iyo West 62nd Street si boos loogu banneeyo seedadka baaskiilka iyo xadadka labada dhinac ee wadada Valley View. Isbeddelku kaliya waxa uu koror yar u keenayaa baabuurta dhanka bidixe u leexanaysa, iyo kaliya inta lagu jiro waqtiyada mashquulka badan, Stantec ayay ku soo afmeertay. Immisa ayuu ku kacay mashruucan?Sanduuqa Badbaadada Dadka Lugeynaya iyo Kuwa Baaskiilka Wata (PACS), oo ka socda khidmadaha shirkadaha ee gelitaanka adeegyada guryaha, ayaa daboolay kharashka $10,000 ee ku baxay daraasadda iyo talo soo jeedinta. Seedka baaskiilka ee dhabta ah iyo calaamadaynta xadka ma lahayn kharash dheeraad ah. Waxaa la sameeyay iyada oo qayb ka ah riinjiyeynta waddada loo baahan yahay kadib dib u laamiyayn la qorsheeyay ee aaggaas. Miyaan tani ugu baahanahay baaskiilada tirada yar? “Shabakadeena baaskiilka kaliya ma ahan baaskiilada caadiga ah ee badeelaha leh,” ayuu yiri Scipioni. “Baaskiilada elektaroonigga ah, iskuutarada elektaroonigga ah iyo aaladaha socodka caawiya waxay adeegsadaan seedadka baaskiilka.” Sidoo kale, wadooyinka ayaa inta badan barafka laga xaaqaa kahor dhabbaha lugeynta dhinaca wadada, marka waxay wadooyin badbaado leh oo muhiim ah u noqdeen baabuurta aan matoorka lahayn. Xadadka Seedka Baaskiilka Ayaa Lagu Soo Kordhiyay Valley View Road Waa maxay sababta xadka baaskiilku u dhaafin aaggan?Seedadka baaskiilka, xadadka iyo horumarinada la midka ah waxaa badanaa la sameeyaa iyaga oo qeyb ka ah dib u dhiska wadada, mashaariicda jajabinta iyo shubista laamiga ama iyada oo qeyb ka ah horumarin gaar ah. Tani waxa ay isbeddelada ka dhigtaa kuwo fudud oo aan qaali ahayn. Sanduuqa PACS waxa uu sidoo kale maalgeliyaa labo ilaa saddex mashruuc oo kala duwan sanadki kuwaasoo isku daya inay buuxiyaan firaaqa meelaha seedadka baaskiilka ama dhabbayaasha dhinaca wadada ah ay ka maqan yihiin. “Waxaan isku daynaa inti karaankeena ah in aan ku dul dhisno shabakadda jirta oo aan samayno isku-xir macquul ah,” ayuu yiri Scipioni. “Mid ka mid ah siyaabaha loogu dhiirigeliyo dadka inay adeegsadaan baaskiilada ama dhabbayaasha dhinaca wadada ah waa in lagu xiro halka ay rabaan in ay aadaan.” Ka eeg khariiradda waddooyinka la qorsheeyay EdinaMN.gov/ProposedBikeLanes. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov/BikeorWalk ama Scipioni kala xiriir ascipioni@EdinaMN.gov ama 952-826-0440. 9 Su’aal: Waa maxay sababta qaar idin ka mid ah ay u xirtaan jaakado balaastig ah xilliga qaboobaha? Jawaab: Waddooyinka xawaaraha sare leh, cusbada ka soo faniinta baabuurta barafka xaaqda ayaa si degdeg ah ugu soo daata tuubooyinka dabdemiska ee wadada dhinaceeda ku xiran runtiina aad bay noogu xun tahay. Marka aan xirto jaakada qaboobaha ee caagga ah, waxaan awoodaa in aan kahortago mirirka si cimrigeyga u sii dheeraado! Su’aal: Waa maxay falaashka tuubada dabdemiska ee wadada dhinaceeda ku xiran maxaana loogu baahan yahay?Jawaab: Gu’ kasta, saaxiibada Waaxda Hawlaha Guud waxay booqdaan tuubo kasta oo dabdemis oo wadada dhinaceeda ku xiran magaalada dhexdeeda si ay noogu furaan daboolada oo ay noogu oggolaadaan in aan biyaha ku furno wadada. In aan biyaha furno waxay u fiican tahay tuubooyinkeena! Waxay ka nadiifisaa wixi biyo dhex fadhiya tuubooyinka waxayna nadiif ka dhigtaa biyaheena. Waxay sidoo kale gacan ka geysataa tilmaanta tuubooyinka dabdemiska ee laga yaabo inay u baahan yihiin taageero iyo dayactir yar. Su’aal: Immisa jeer ayaa tuubooyinka dabdemiska la falaashaa? Jawaab: Waaxda Hawlaha Guud ayaa falaashta tuubooyinka dabdemiska ee wadada dhinaceeda ku xiran muddo labo ilaa saddex toddobaad ah inta lagu jiro bilaha Abriil iyo May. Tuubooyin dabdemis oo bakhtiya-nasiib ah ayaa sidoo kale la falaashaa sanadka oo dhan hadba sida cimilada iyo baahida biyuhu u saamaxdo. ‘Henry Tuubada Dabdemiska’ Ayaa Ka Hadlaya Waxkasta oo Ku Saabsan Dayactirka Tuubada Dabdemiska Su’aal: Waa maxay dayactirka kale ee loo baahan yahay in lagu sameeyo tuubooyinka dabdemiska?Jawaab: Sannad kasta marka lagu jiro wakhtiga falaashka tuubooyinka, waxaa na soo kormeera Waaxda Hawlaha Guud. Waxay xaqiijiyaan in tuubooyinkeenu lahayn wax cillado ah oo aanay biyaha daadineynin. Waxay labo jeer hubiyaan in dhammaan dabooladeena iyo garaangarrada lagu dhuujiyo ay si sax ah u shaqeynayaan, waxayna tuubooyinka noo mariyaan riinji cusub marki aan u baahano. Su’aal: Waa maxay sababta ay biyaha tuubadayda u doorsoomeen inti lagu jiray waqtiga falaashka?Jawaab: Mararka qaarkood maritaanka biyahaas oo dhan ee tuubooyinka dhexdooda waxay kicin karaan macdan meelo ka mid ah ku urursanaa kuwaasoo u gudbi kara guryaha. Si aad ooga hortagto in biyaha doorsoomay ay gurigaaga soo gaaraan, isku-day in aad iska ilaaliso in aad wax biyo ah furto marki aad aragto shaqaalaha Waaxda Hawlaha Guud oo falaashaya tuubooyinka xaafadaada. Su’aal: Maxaan sameeyaa marki aan arko biyo doorsoomay?Jawaab: Bilawga, biyuhu waa ay badqabaan in la cabbo oo la isticmaalo in kasta oo ay midabkoodu beddelmeen! Balse biyaha midabka daxalka ah leh ayaa wasakheyn kara dharki lagu dhaqo. Dadka deegaanku waa inay ka fiiriyaan calaamadaha midab beddelmay kahor inta aanay dhar ku dhaqan. Haddii midabka biyuhu Sigaarka – Waxaa muhiim ah in haashka sigaarka si habboon loo tuuro, gaar ahaan marka ay jiraan xaalado qalalan. Tuurista taxadar la’aanta ah waxay keeni kartaa dab aan loo qasdin oo si degdeg ah u faafi kara. Cunto karinta – Cunto karinta aan laga taxadarin ama aan lala joogin ayaa ah sababta ugu weyn ee keenta dabka guryaha Edina. Fiiro gaar ah u yeelo marka aad wax karineyso oo ka ilaali shoolada dusheeda iyo meelaha ku hareereysan waxyaallaha guban kara. Soo daadinta dambaska – Marwalba xaqiiji in dambaska dabka madadaalada uu qabow yahay kahor inta aadan soo daadin. Xitaa dhimbisha ugu yar ayaa kicin karta dab ku fidi kara gurigaaga. Dabka madadaalada iyo meelaha dabka lagu shido ee dibadda ah – Ogolaansho ayaa looga baahan yahay dabka madaddaalada. Had iyo jeer dabka madadaalada ah ku qabso meel ugu yaraan 25 fiit u jirta dhismayaasha iyo waxkasta oo guban kara. Marna ha shidin dab marka ay jiraan dabaylo ku socdo xawaare ka badan 15 mph mar walbana xaqiiji in dabka uu ilaalinayo qof weyn. Rashka dabaaldegga – Kaliya rashka ku isticmaal sagxado adag, oo ka fog walxaha holci kara sida cawska iyo dhismayaasha. Xaqiiji in rashka uu si buuxda u qaboobo kahor inta aadan ku tuurin qashin-qubka adigoo habeenkii ku dhex bariisinaya weel bir ah ama biyo dhex dhigaya kahor inta aadan ku tuurin haanta qashinka ee caagga ah. Tilmaamaha Ka Hortagga Dabka ee Henry Henry iyo tuubooyinka dabdemiska ee wadada dhinaceeda ku xiran ee magaalada ayaa waayo badan u soo joogay ku dhawaad 75 sano tan iyo marki ay Edina bilowday inay isticmaasho. Inkastoo tuubooyinka dabdemiska ee wadada dhinaceeda ku xiran ay u jiraan dadka deegaanka wakhtiga ay u baahan yihiin, ka hortagga dabka ayaa fure u ah. Waa kuwan talooyinka ka hortagga dabka ee ugu caansan ee Henry: 10 doorsoomo marka aad furto tuubada, si fudud u fur dhowr tuubooyinka biyaha qabow ah oo ha sii furnaadaan ilaa ay nadiif ka noqdaan. Maadaama nidaamka biyuhu yahay “hal aag cadaadis,” waxaa suurtogal ah in dhibaatooyinka biyaha midabkoodu doorsoomay ay ka dhici doonaan meelkasta oo ka mid ah magaalada inta hawsha falaashka la wado. Su’aal: Sidee ayaan ku ogaanayaa marka tuubooyinka xaafadayda la falaashi doono? Jawaab: Bilowga falaashidda tuubooyinka dabdemiska ee wadada dhinaceeda ku xiran, dadka deegaanka ayaa lagula socodsiiyaa webseedka Magaalada, iimaylka City Extra iyo baraha bulshada. La soco warbixinada toddobaadlaha ah inta lagu jiro wakhtiga falaashka tuubooyinka marka saaxiibadeenu ay falaashi doonaan tuubooyinka xaafadaada. Su’aal: Miyay jiraan wax kale oo aad rabtaan akhristeyaasheenu in ay ogaadaan? Jawaab: Inkasta oo uu na soo maray xilli qaboobe fudud, waxaanu xaafadaha uga mahad celineynaa nadiifinta barafka ee hareeraheena inti lagu jiray bilihi xilligi qaboobaha. Bilaha xagaaga, tuubooyinka dabdemiska ee wadada dhinaceeda ku xiran waa in ay ugu yaraan gacan saddex cagood ah ay ka fog yihiin waxyaabaha bilicda iyo qashinka. Waad ku mahadsan tahay sida aad nooga taxadartay. Saaxiibadayda iyo aniga ayaa had iyo jeer garabkiina joogi doona marka ay shilal dhacaan! Magaalada waxaa looga baahan yahay inay si joogta ah biyahaaga cabitaanka ah ay uga fiiriso wasakh gaar ah. Natiijooyinka la socodka joogtada ah ayaa tilmaan u ah in biyahaaga cabitaanka ay buuxinayaan heerarka caafimaadka iyo in kale. Biyaha Magaalada Edina waxaa si joogta ah u tijaabiya Sheybaarka Caafimaadka Dadweynaha ee Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee Minnesota (MDH). Iyada oo ay ugu wacan tahay khalad ka dhacay sheybaarka MDH, Magaaladu ma helin natiijooyinka dhammaan muunadihi loo baahnaa ee shucaaca bu’da curiyayaasha (radionuclide) ee 2023. Waxaan la wadaagaynaa xogtan si aan si buuxdo ugu wargelino macaamiisheena duruufaha xogtan maqan iyo waxa sababay xaaladda. Dhammaan tijaabooyinka kale ee lagu sameeyay biyaha Magaalada inti lagu jiray sanadki 2023 ayaa ahaa kuwo ku jiro heerarki la filayay waana lagu qancay. Magaaladu waxay si sax ah u gudbisay muunadaheeda saddexda bilood ee dambe ee 2023 oo ay gudbisay bishi Nofeembar 2023, balse sheybaarka MDH ayaanan dhammeystirin tijaabooyinka shucaaca bu’da curiyayaasha (radionuclides) ilaa bilowgi sanadka cusub. Inti lagu guda jiray tijaabooyinkaas, khalad sheybaarka ah ayaa dhacay waxayna ahayd goor dambe in la ururiyo muunado kale oo biyaha ah saddexda bilood ee dambe ee sanadka. Sidaa daraadeed, Hay'adda Ilaalinta Deegaanka ee Mareykanka ayaa Magaalada kaga baahan inay tebiso “Magaaladu ma dhammeystirin dhammaan la socodka ama tijaabada shucaaca bu’da curiyayaasha (radionuclides), sidaa darteedna ma xaqiijin kartid tayada biyahaaga la cabbo ee wakhtigaas.” “Waxaan ku kalsoonahay in aanu awoodnay in aan dirno muunad kale oo shucaaca bu’da curiyayaasha (radionuclides) ah kahor dhammaadki 2023, waa ay ka hooseyn lahayd heerka wasakhda ee ugu badan sidi Magaaladu Waxay Onlaynka Ku Daabacday Warbixinta Biyaha La Cabbo ee 2023 ay ahaydba saddexdi bilood ee ka horreysay iyo saddexdi bilood ee ka dambaysay,,” ayuu yiri Agaasimaha Hawlaha Guud Brian Olson. “Waa wax laga xumaado in aanu idinla wadaagno xogtan xilli Magaaladu ay isku dayayso inti karaankeeda ah in ay bixiso biyo nadiif ah oo la cabbo oo ay dhisto kalsoonida lagu qabo adeegeenna.” Shucaaca bu’da curiyayaasha (radionuclides) waa qeyb dabiici ah oo ka mid ah deegaankeenna oo qadar yar oo shucaac ah ayaa inta badan laga helaa hawada, biyaha iyo ciidda, sida ay sheegtay MDH. Natiijooyinki hore ee la helay Sibteembar 28, 2023 ayaa ahaa 4.24 pCi/L ee Isku Darka Radium 226+228, taasoo ka hooseysa heerka ugu badan ee wasakhaysan (MCL) ee 5.4 pCi/L. Natiijada laga helay saddexdi bilood ee ugu horreysay ee 2024 ayaa sidoo kale ka hooseysay MCL. Shirkado kale oo dhowr ah oo bixiya biyaha ayaa sidoo kale waxaa saameeeyay isla khaladkaas sheybaarka. Magaalada ayaa sidoo kale si dhow ula xiriireysay MDH oo weydiineysay sida khaladku u dhacay iyo sida looga hortagi karo mustaqbalka. “Fadlan la soco in Sheybaarka Caafimaadka Dadweynaha ee MDH uu arintan si dhab ah u qaatay wuxuuna ka shaqayn doonaa sidii uu uga hortagi lahaa xaaladahan oo kale in ay dhacaan mustaqbalka,” ayuu qoray Kim Larsen, Kormeeraha Qeybta Qeybinta Biyaha Dadweynaha ee Bulshada MDH, taasoo ku saabsanayd khaladka sheybaarka oo lagu qoray warqad Magaalada lagu ogeysiinayay arrinta. Dadka deegaanka waxay ka akhrisan karaan warbixinta biyaha la cabbo ee faahfaahsan ee Magaalada barta EdinaMN.gov/WaterReport2023. Dadka degan Xaafada Morningside ee biyaha ka helaan Magaalada Minneapolis waxay warbixintani ka heli doonaan macluumaad faahfaahinaya tayada biyaha Minneapolis, sidoo kale. Batariyada Lithium-Ion – Batariyada L-ion ayaa ku jira aalado badan sida baaskiilada elektaroonigga ah, taleefanada, qalabka iyo gawaarida. Batariyadaan ayaa sababi kara dab aan la filayn marka aan si sax ah loo ilaalin. Raac tilmaamaha soosaaraha batariyada oo marna ha ku dabayn ama ha ku keydin wadadaada baxsadka. – Waxaa isku dubariday Lauren Siebenaler 11 Dib u Dhiska Saddex Waddo Ayaa Ka Socdo Edina ¹» ¹» ¹º¹º ¹º ñ ñ ¹»¹º ¹º ¹º ¹º ¹º ¹º ñ ¹» ñ ñ ñ ñTRACY AVEVERNON AVEWOODDALE AVEHANSEN RD70TH ST W FRANCE AVE SVALLEYVIEWRDMINNESOTA DRGLEASONRDEdinaCommunityCenter AvailAcademy GoldenYearsMontessori CityHall St Peter's LutheranChurch & School South ViewMiddle School NormandaleElementary ConcordSchool CorneliaSchool SouthdaleLibrary FireStation Public Works &Park Maintenance Creek ValleySchool FireStation Valley ViewMiddle School EdinaHighSchool CountrysideSchool HighlandsSchool EdinaCommunityLibrary Our Lady ofGrace Church& School M in n ehahaCreek NineMileCreek N ine MileCreek SouthdaleCenter Canadian Pacific RailroadCanadian Pacific RailroadBLAKE RDSCHAEFER RDV ER N O N A VECAHILL RD66TH ST W YORK AVE SINTERLACHEN BLVD MALONEY AVE 44TH ST W 50TH ST W 54TH ST W 58TH ST W 70TH ST W 76TH ST W DEWEY HILL RD VALLEY VIEW RD VALLEY VIEW RD 78TH ST W I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62 April 2019 ±Legend 0 2,000 Feet Saddex mashaariic dib u dhis waddo oo maxalli ah ayaa ka socda Edina. Wadooyinka maxalliga ah ayaa mudnaanta loo kala siiyaa dhismaha iyada oo lagu salaynayo xaaladooda. Qodobada kale ee la tixgalinayo marka la go’aansanayo xaafadaha qaba baahiyaha ugu badan waa xaaladda tas-hiilaadka dadweynaha ee dhulka hoostiisa, firaaqa ka jira kaabayaasha lugeynta dadka iyo cimriga dhismihii hore. 3 1 2 Iska Qorista Ogeysiiska Qoraalka Muhiimka Ah Dadka deegaanka ayaa is-qori kara si ay u helaan ogeysiisyo farriimo qoraal ah oo la xiriira saamaynada degdega iyo lama filaanka ah ee mashaariicda xaafadaha iyaga oo farriinta qoraalka ee CONCORD ama SOUTHDALE u diraya 844-929-4328. 12 1 50th Street iyo Grange Horumarino Wado Halkee: West 50th Street iyo Grange Road Wakhtiga dhismaha: Juun ilaa Agoosto Dib u dhiska dhammeystiran ee West 50th Street laga bilaabo Grange Road ilaa marki waxyar la dhaafo Dale Drive iyo Grange Road (West 50th ilaa dhanka waqooyi looga baxo Minnesota Highway 100) ayaa la dhammeystiri doonaa xagaagan. West 50th bariga Minnesota Highway 100 ayaa si buuxda loo xiri doonaa inta badan inta uu socdo mashruucu. Eden Avenue waa beddelka ay marayaan taraafiga maxalliga ah. Buundada Highway 100 ee ku taasha West 50th iyo Vernon Avenue qeyb kama ahan mashruuca. Warbixino dheeraad ah oo ku saabsan mashruuca isgoyska Highway 100 ayaa la filayaa dabayaaqada sanadkan. Webseedka: BetterTogetherEdina.org/ east-grandview-transportation-study Kalaxidhiidh: Agaasimaha Injineerinka Chad Millner, cmillner@EdinaMN.gov ama 952-826-0318 2 Concord B & C Halkee: Xaafada Concord waqooyiga Minnesota Highway 62, koonfurta Valley View Road Waqtiga dhismaha: Abriil ilaa Nofeembar Mashruuca dib u dhiska Concord B & C ayaa ku dari doona saarista laami cusub, jirjirro wado oo shub ah iyo meelaha biyo-shubka ah, tuubooyinka biyaha iyo adeegyada biyaha, hagaajinada nidaamyada bullaacadaha biyaha wasakhda iyo biyaha roobka, iyo dhismaha tas-hiilaadka dadka lugeynaya oo laga dhisayo: • Concord Avenue inta u dhaxeysa West 64th Street iyo Valley View • Wooddale Avenue inta u dhaxeysa Nancy Lane iyo Valley View • West 64th inta u dhaxeysa Concord iyo Rose Court Webseedka: BetterTogetherEdina.org/concord-bc Kalaxidhiidh: Farsamoyaqaanka Injineerinka Brandon Freeman, bfreeman@EdinaMN.gov ama 952-826-0448 3 Southdale B Halkee: Barrie Road, Heritage Road iyo West 65th Street Wakhtiga dhismaha: Abriil ilaa Oktoobar Mashruuca dib u dhiska Southdale B waxaa ku jiri doona saarista laami cusub, jirjirro shub ah iyo meelaha biyo-shubka, adeegyada tuubooyinka iyo biyaha qayb ahaan, hagaajinada nidaamyada bullaacadaha biyaha wasakhda iyo biyaha roobka, nalal wadooyin oo cusub iyo dhabbo dhinaca wadada ah oo cusub oo shub ah oo laga dhisayo Barrie Road iyo qeyb ka mid ah West 65th Street iyo Heritage Drive. Webseedka: BetterTogetherEdina.org/southdale-b Kalaxidhiidh: Injineerka Qalin-jabiyay Chris Moore, cmoore@EdinaMN.gov ama 952-826-0444 (u sii socdo Bogga 14) Dib udhiska Wadada Xaafada 6144 4300 4401 4415 4443 6304 4502-14 4545 4421 4439 6302 6306 4435 4425 4431 6305 4425 43014420 4501 6313 6024 4509 45004520 6303 6232 4420 6145 6200 4701 45096301 6233 6029 6141 442861616025 6324 6208 6225 6216 4505 61124704 452146046308 6316 61174624 6209 6217 6224 44326020 6025 6321 6325 6300 6216 6321 62046109 62056301 6108 6208 6309 6128 6104 6008 45086031-33 6028 4501 4516-18 6021 4500 6301 44366225 6020 6016 6012 4621 4609 6209 6104 4504 4605 6016 6024 6324 4620 6200 6012 4617 6217 6101 6305 620 94613 45046100 6305 6109 6117 62 17 62086017 6105 6113 4505 6301 6205 45004624 6121 6125 45126108 44046025 451662136116 6304 4701 6309 6021 6100 6205 4616 6140 6313 6109 6336 6213 6201 6317 6212 6329 6317 61016105 6008 6325 6201 47056109 6017 6009 4713 6028 6321 6016 6209 6017 47046332 6009 6324 6012 462947006320 6013 45136309 6308 6312 6305 6337 6217 6105 44306021 6141 6125 6013 6312 6328 6112 44406204 61214708 46086308 6020 6329462862136212 6021 6304 6036 6013 6120 6045 6020 6333 63124701 6017 6317 4709 4412 62016320 6013 4712 6309 6044 6221 6012 6313 6316 450047004704 6037 6304 45176013 4705620546126113 63006301 4508 6016 6336 4444462047134708 6008 6305 6116 6104 633247096328 6333 620946256012 6329 6016 6017 6041 6028 6117 61246120 6121 6113611661126108 6133 6029 61326128 6101 6129 6032 6100 6125 6020 6101 6121 6136 6029 6129 61046101 6033 6016 6045 6021 61096113 6137 6117 6037 6033 60176021 6105 6041 6037 60246025 6044 6028 60366032 6016 6025 6100 61126120 6142 6020 6040 6024 6145 6039 6313 6140 4408Project Limits WOODDALE AVE§¨¦62CONCORD AVEASHCROFT AVEST JOHNS AVEASHCROFT LNMILLERS LAROSE CT64TH ST W GARRISON LN NANCY LN 62ND ST W VIRGINIA LN 63RD ST W VALLEY VIEW RD / Engineering DeptJune 2023 2024 Project AreaConcord B & C Neighborhood Roadway ReconstructionCITYOFEDINAMINNESOTAINCORPORATED1888 ,e Concord B & C 50th Street iyo Grange 6401 6315 6301-113316 3450 6515 6224 6300 6304 63086301 6305 6309 6324632064 00 3400 631663126328 63306401 6405 6409 6421641764156423 6313-2363016325-39 63 41-5 1 6353-67 6369-83 6385-99 6417-31 6433-37 6449-59 6461-756 477-876489-996401-15 6550 3250 3117 3111 64006455 3456 630563096315 6450310534346200 6300 6304 65196363 3201 34203330 6525-756533 6517 3625 65006525 6426-2864156300 6200 6500 6316-18 6444-46 6220 6225 6201 6200 6221 6305 6204 6400-02 6420-22 6432-34 6205 6414-16 6438-40 6408-10 6344-46 6301 6212 6217 6213 6209 6330-32 6208 6216 6310-12 6338-40 63226324 HERITAGE DR Project Limits YORK AVEBARRIE RDW 64TH ST W 66TH ST XERXES AVE§¨¦62 W 65TH ST DREW AVE/Engineering DeptOctober 2023 2024 Project AreaSouthdale B Neighborhood Roadway ReconstructionCITYOFEDINAMINNESOTAINCORPORATED1888 ,e Southdale B 13 Mashaariicda Jajabinta iyo Shubista Laamiga 2024 Mashruuca jajabinta iyo shubista laamiga, dhowrka inji ee ugu saraysa waddada ayaa la jajabiyaa kahor inta aan lakab cusub oo laami ah aan lagu shubin. Nidaamkani wuxuu ka caawinayaa simida dhulka wuxuuna fidinayaa mudada jidka kahor intaan dhisme loo baahan. Mashaariicda jayga iyo dhigidu waxay muhiim u yihiin Barnaamijka Maareynta Waddooyinka ee Magaalada. Wadooyinka lagu darayo jadwalka jajabinta iyo shubista laamiga ee 2024 ee Magaalada waa: • Xaafadda Parkwood Knolls, oo ay ku jiraan Schaefer Road, Willow Wood Road, Larada Lane, Green Farms Road, Interlachen Boulevard iyo Park Terrace • Luuqa Sunnyside Road laga bilaabo Wooddale Avenue ilaa Grimes Avenue • Wadooyinka Whiting iyo Holborn iyo Ridgeview Drive • West 65th Street ee u dhow Valley View Road • Luuqa York Avenue, West 63rd Street ilaa West 65th Street • Southdale Circle • West 70th Street laga bilaabo York Avenue ilaa Xerxes Avenue • Parklawn Avenue bariga France Avenue • Edinborough Way laga bilaabo Parklawn Avenue ilaa West 76th Street Dib u Cusboonaysiinta Dhabbayaasha Dhinaca Wadada ee Edina Xagaagan, dhammaan dhabbayaasha dhinacyada wadada iyo meelaha loogu talagalay dadka lugeynaya ee ku yaala geeska koonfur bari ee Magaalada ayaa la kormeeri doonaa. Haddii dhabbo dhinaca wadada ah uu ku guuldarreysto koormeerka, waa la burburin doonaa. Dhabbo kasta oo dhinaca wadada ah oo lagu helo in aan la hagaajin karin waa la beddeli doonaa. In ka badan 30 meelaha loogu talagalay dadka lugeynaya ayaa laga cusbooneysiiyay gudaha aagga si ay ugu hoggaansamaan heerarka Xeerka Naafada Mareykanka (ADA). 32-daas meelood ayaa lagu xushay iyada oo ay ugu wacan tahay saxmadda dadka oo badan iyo tirada waayeelada ku nool agtooda. Hagaajinada dhabbayaasha dhinaca wadada iyo meelaha loogu talagalay dadka lugeynaya waxaa maalgeliya Magaalada iyo Sanduuqa Badbaadada Dadka Lugeynaya iyo Kuwa Baaskiilka Wata (PACS). Dhabbayaasha dhinaca wadada ee geeska koonfur-bari ee la kormeerayo: • Garrison Lane, Valley View Road iyo West 69th Street • France Avenue South • York Avenue South • Edinborough Way • Minnesota Drive • West 62nd Street • West 65th Street • West 66th Street • West 69th Street • West 70th Street • West 72nd Street • West 77th Street • Minnesota Drive • Parklawn Avenue • Gallagher Drive • Hazelton Road • Mavelle Drive • Cornelia Drive • Claremore Drive • Normandale Road galbeedka Minnesota Highway 100 – Waxaa isku dubariday Lauren Siebenaler14 Waxaa qortay Reham Alemam Ma isu xilqaantay in aad soo qabanqaabiso xaflad xaafadeed xaafadaada ah? Ma la yaaban tahay sida wadadaada loogu xiro xafladda? Ka hor inta aadan buuxin codsi, dooro waddo saxmad yar leh ama meel wadada ay ku dhammaato si aad ugu qabsato xafladda. Sababo badbaadada ah dartood, Waaxda Hawlaha Guud ma oggolaan doonto xiritaanada jidadka waaweyn ama wadooyinka jidadka waaweyn gala. “Xafladaha xaafadaha ee la oggolaado waa in ay u furan yihiin dhammaan dadka deggan xaafadda. Xaafadaha waxay ku xaddidan yihiin labo xaflad xaafadeed sanadkii oo ka baxsan xafladda Night to Unite,” ayuu ku faahfaaiyay Holly Conwell, Khabiirka Taageerada Maamulka ee Waaxda Hawlaha Guud. Marka wadada la xirayo aad soo hesho, buuxi codsiga bilaashka ah ee Magaalada muddo aan ka sokeyn shan maalmood oo shaqo kahor dhacdada. “Haddii aad ku buuxiso ogeysiiska waqti ka yar, codsiga waa la diidi doonaa,” Conwell ayuu yiri. “Waxaan u baahanahay ugu yaraan hal toddobaad si aan iskula dubaridno dhammaan waaxyaha kala duwan ee Magaalada si loogu diyaariyo qalabka loona helo oggolaanshaha ku habboon dhacdada.” Codsiga Xaflada Xaafada waa mid dhakhso ah in laga buuxiyo EdinaMN.gov/BlockParty. Waxaad sidoo kale nuqulada waraaqaha ka heli kartaa Xarunta Hawlaha Guud & Dayactirka Beeraha Nasiinada, 7450 Metro Blvd. Kadib marka aad si guul ah u gudbiso foomka, waa in aad heshaa jawaab iimayl ah muddo labo maalmood oo shaqo gudahooda oo ka socota Conwell. (Ka eeg qeybta koontada iimaylkaaga ee junk ama spam ee ku jirta iimaylkaaga haddii aadan arkin.) Iimaylka dhexdiisa, waxaad sidoo kale heli doontaa sawir muujinaya sida qalabka si badbaado ah la isugu hagaajiyo wadadaada. Waa in aad filataa lix caagadaha calaamadaha leh ee wadada la dhigo oo oronji ah iyo labo cagaar ah si loo dhigo goobta ku xusan foomka lagana qaado maalinta ka dambeyso xafladda. Sanadki 2023, Magaalada Edina waxay bixisay 143 oggolaanshiyaasha xafladaha xaafadaha Xafladaha Xaafadaha: Helitaanka Oggolaanshaha iyo Xaqiijinta Badbaadada ah. Kuwaas, 74 ka mid ah waxay ahaayeen kuwa xafladda Night to Unite inti lagu jiray Agoosto. Taariikhda labaad ee ugu caansan waa Halloween. Inta soo hartay waxay ku kala jiraan bilaha xagaaga, sida ku xusan diiwaanada Waaxda Hawlaha Guud. Xeerarka kale iyo talooyinka loogu talagalay xaflad xaafadeed badbaado leh: • Hala xiro oo kaliya xuduudaha la oggolaaday.• Marwalbo qof weyn ha joogo.• Xafladaha xaafadaha waqtigooda kama badnaan karo lix saacadood. • Xafladaha xaafadaha waa in ay dhammaadaan 10 p.m.• Kala qeybqaado deriskaaga si aad u xaqiijiso in loo nadiifiyo si sax ah. • Wixi xadgudubyo ah waxaa maareyn doona Waaxda Booliiska waxaana ka dhalan kara ganaaxyo iyo in la joojiyo xafladda xaafadda. Wixii macluumaad dheeraad ah, Conwell oo ka tirsan Waaxda Hawlaha Guud kala xiriir hconwell@EdinaMN.gov ama 952-826-0300. Xafladaha xaafadaha waa hab fiican oo bulsho la isugu keeno. Qabanqaabiyaashu waa in ay codsadaan oggolaanshaha xafladda xaafadda ugu yaraan shan maalmood oo shaqo kahor. (Sawirka faylka) 15 Dadka Hawlaha Guud Labo Makaanik oo Cusub Ayaa Ku Soo Biiray Waaxda Hawlaha Guud ee Magaalada Edina Ivan Jordan ayaa ku soo biiray Qeybta Hawlgallada Qalabka ee Waaxda Hawlaha Guud bartamihi bishi Febraayo. Waxa uu shahaado jaamacadeedkiisa labada sano ah ee Tignoolajiyadda Gawaarida Hawlaha Culus ka qaatay Dakota County Community College. Kahor inta uusan shaqada ka bilaabin Magaalada Edina, Jordan waxa uu afar sano ku qaatay Minnesota Valley Transit Authority isaga oo ka ahaa Makaanik halkaas oo uu ka helay xirfado qeybta shaqada ah oo qiimo leh. Jordan waxa uu marwalbo ahaa “gaariyoole” wuxuuna ka soo shaqeeyay baabuurta laga bilaabo Toyootooyinka ilaa taraagyada sanadihii la soo dhaafay, hiwaayad ahaan iyo shaqo ahaan labadaba. In kasta oo uu xirfad u leeyahay meelo kala duwan, shaqooyinka uu ugu jecel yahay Jordan ka Makaanik ahaan ayaa ku lug leh shaqada korontada iyo isu keenista sheeyaasha si uu uga soo saaro qalab. Inkasta oo shaqada Makaanigga ay noqon karto mid adag, Jordan ayaa sheegay in waxa uu ugu jecel yahay xirfadda ay tahay barashada horumarka tignoolajiyadda, sida kuwa la xiriira gawaarida isku dhafka ah iyo kuwa korontada ku shaqeeya. Ivan Jordan, Makaanik Marquis Bryan ayaa shaqadiisa Makaanigga ee Magaalada Edina bilaabay dabayaaqadi bishi Febraayo, isagoo waayo-aragnimo makaanik oo kala duwan u keenaya Waaxda Hawlaha Guud. Ku barbaariddi ka shaqeynta baabuurta, Bryant waxa uu ogaa in Makaaniknimadu tahay xirfadiisa shaqo. Kadib dhigashada Universal Technical Institute si uu u qaato shahaadada Makaanigga Shidaalka Naftada oo 10-bilood ah, Bryant waxa uu ka shaqeeyay waxkasta laga bilaabo basaska iskuulada ee shirkadda First Student, matoorada tareenka ee shirkadda Progressive Rail iyo taraagyada shirkadda Saia Freight. Bryant ayaa sheegay “xujada soo helidda cilladaha” waa waxa uu inta badan jecel yahay ee ku saabsan shaqadiisa, maadaama soo helidda sababta keentay dhibaatooyinka iyo xal-u-helista ay qancineyso isaga. Ka soo shaqeyntiisii qalabka hawlaha culus xirfadiisii shaqo oo dhan, cillad-bixinta matoorka naftada ayaa ah nooca shaqo ee uu ugu jecel yahay Bryant in uu ka shaqeeyo. Bryant waxa uu sheegay in aaggaga koowaad ee uu khibradda u leeyahay ay yihiin shaqada matoorada iyo korontada. – Waxaa soo ururiyay Matthew Cords Marquis Bryant, Makaanik Sawirka waxaa qaaday Matt Cords Sawirka waxaa qaaday Matt Cords 16 “Ku dhaq gaadhiga cawska dushiisa ama ku leexi biyhiisa dhulka si loo yareeyo wasakheeyayaasha nidaamka biyaha. Waxaa qoray Debbie Townsend Maareeyaha Kheyraadka Biyaha Jessica Wilson ayaa ka naxda marka ay aragto bac saxaro eey ay ku jirto oo taala wadada dhinaceeda ama beer dhexdeeda. Ama tan ka sii daran – ka soo laalaado laan geed. “Xumaa in la arko bac saxaro eey ah oo geed ka soo laalaada!” ayey tiri. “Maxay tahay sababta xitaa aad bac ugu rideyso haddii un aad rabto in aad ka tagto?” Waakan Qashin Guraha: Haka Tagin Bacaha Saxarada Eeyaha Hadhaaga/Qashinka Dayrka Maqasyada daaqa Caleemaha Goobta Waxyaabaha Halista lagu Rido Kaalmaha-shidaalka Dareerayaasha dayactirka guriga Iskuxidhaha Laabatooyinka Saliida Rinjiga Beebka tashiga Biyaha haanta qalabka lagu nadiifiyo rooga Biyaha wasakhada ah Beebka DuufaantaWasakhda gawaadhida laga maydhay – dhismayaasha* Biyaha waraabka Dhado ama baraf dhalaalaya Roob Biyaha bamka uu ka soo saaro guriga salkiisa Biyaha barkadda dabbaasha ee kaloriinta laga saaray Qashinka Qashinka ayga ama xayawaanka kale Burburka wadooyinka, geerashka ama dhinacyada wadada Bac ku guridda iyo ka tagista saxarada eeyaha waa sharci darro, dabcan, balse waxbo kama tarin inay joojiso dhibaatada wasakheynta saxarada ee durdurrada, balliyada, harooyinka ama ilaha kale ee biyaha. Intaa waxaa dheer waxay bac ku dartaa wasakhda. Oo xitaa haddii bacda geedka ka soo laalaado ay dillaacdo adiga oo hoos maraya, lallabo xitaa laguma tilmaami karo. “Kuma filna in bac lagu rido oo kaliya. Waxaad u baahan tahay in aad ku rido haanta qashinka,” ayay tiri Wilson. Waxaa halkan ku yaala sida si ku habboon loo fogeeyo qashinka si aan u ilaalino biyaheenna. Haddii aad aragto wasakh ku sii socota marsha-biyoodka, Wilson kala xiriir 952-826-0445. 17 Waxaa qortay Reham Alemam Waxaa lagu qiyaasayaa in in ka badan 500,000 oo qof ay sanad kaste soo booqdaan beerta Centennial Lakes Park, hadana daryeelka iyo xannaanaynta meeshan in la aado la jecel yahay waxay ugu horreyntii ku tiirsan tahay koox udub-dhexaad ah oo u heellan oo ka kooban keliya shan shaqaale waqti buuxa shaqeeya iyo laba shaqaale nus-gelin shaqeeya. Beerta ku taasha 7499 France Ave. S. waxay soo bandhigtaa ciyaaraha cawska, doonyaha badeelaha iyo barxad lagu tababarto god ku toosinta goolofta waana goobta aroosyada iyo dhacdooyin gaar ah oo aan la soo koobi karin ay ka dhacaan xilliga xagaaga. Beertu waxa ay sidoo kale hoy’ u tahay suuq beeralay todobaadle ah iyo riwaayado taxane ah bilaha kuleylaha. Harada 10-ka akar ah ayaa barafka loo simaa si maalinle ah inta lagu jiro xilliga qaboobaha si loogu dul ordo barafka waxaana Hughes Pavilion loo beddelay guri diirimaad cajiib ah leh. Shaqaale xilliyeedka waxay xaqiijiyaan in beerta Centennial Lakes Park ay si buuxda u shaqeyso sanadka oo dhan. Inta lagu jiro xilliga saamarka ee mashquulka badan, 40 shaqaale xilliyeed ah ayaa la soo shaqaaleysiiyaa. Xilliga qaboobaha wintarka, 25. Beerta Centennial Lakes Park waxay ku naalootaa daryeelka dadaalka leh ee koox xamaasad leh oo ay hoggaaminayso Maareeyaha Guud Tiffany Bushland. Waxay dareen xamaasad leh u qabtaa doorkeeda, iyada oo ku sifaysay “shaqada ugu fiican Magaalooyinka Mataanaha Ah.” Maalin kasta waxay xujooyin iyo farxado cusub u keentaa Bushland iyo kooxdeeda. Waxay ku qanacsan yihiin gelinada shaqo ee xilliyeysan, laga soo bilaabo saamarka mashquulka badan ilaa bilicda wintarka ee xasiloon. “Waa mid aad xilli- xilliyo u ah,” ayay ku sharraxday Bushland. “Xilliga saamarka xagaaga waa mid mashquul ah oo hawlo badan, kadibna isla markiiba waxaa soo galaya qaboobaha wintarka, mashquul iyo madadaalo; isbeddelka ayaa ka dhiga wax xiiso leh. “Dadku waxa ay jecel yihiin inay halkan yimaadaan. Waxay keenaan saaxiibo cusub iyo qoyska si ay u dareemaan.” Xaqiijinta quruxda beerta iyo shaqada ma ahan hawl yar. Kooxda Bushland waxaa ka mid ah Kaaliyaha Maareeyaha Guud, Kormeeraha Hawlaha Dayactirka, Iskuduwaha Hawlaha Dayactirka iyo Beeraale. Kooxda waxaa garab siiya Jay Nelson iyo Tyler Pribyl kuwaasoo ah shaqaale xilliyeed shaqeeya nus-gelin inta lagu jiro bilaha mashquulka badan. Beeraale Connor Clifford waxa uu khibradda ka helay isaga oo shaqaale xilliyeed ka ahaa Arneson Acres Park. Isaga oo ku hubaysan shahaadada beeraha iyo sanado khibrad baraatiko ah, Clifford ayaa si khibradaysan u kala wada nolosha dhirta ee beerta. Waxa uu leeyahay faham qoto dheer oo ku saabsan waxa ay ciidu ka kooban tahay iyo walxaha dhirta, isagoo xaqiijinaya in geed kasta, dhir kasta iyo ubax kasta uu ku kobco bilicda sida taxadarka leh loo xushay ee beerta. “Calaamaduhu waxa ay kuu sheegi doonaan sida saxda ah waxa aad eegayso,” Clifford ayuu sheegay, isagoo tilmaamaya PMJ Rhododendron oo leh ubaxyo xabxabi-basali ah oo gaar ah xilliga gu’ga. Beerta Centennial Lakes Park waxay hoy’ u tahay ku dhawaad 500 oo noocyo dhir ah oo kala duwan, oo ay ku jiraan geedo, dhirta gaagaaban iyo dhirta cimriga dheer. Fiirada wax ka qabashada Clifford waxay gaarsiisan tahay la dagaalanka dhirta qalaad ee deegaanka u daran sida Purple Loosestrife iyo Virginia Creepers, kuwaas oo ay si hagar la’aan ah ula socdaan una maareeyaan isaga iyo shaqaale xilliyeedkiisa gu’ga/xagaaga. Jon Rabe, Kormeeraha Hawlaha Dayactirka, ayaa ku dara lakab kale oo xannaanaynta Centennial Lakes ah. Isagoo diiradda saaraya hawlo-maalmeedka, Rabe waxa uu xaqiijiyaa in beerta ay dhul dihin ah u ahaato dadka soo booqda. Laga soo bilaabo isku dubaridka kiraynta ilaa wax ka qabashada arrimaha lama filaanka ah sida kuraasta jaban ama qashinka, doorka Rabe ayaa muhiim u ah ilaalinta sharafta beerta. Haddii ay ahaan lahayd diyaarinta suuqa mashquulka badan ee beeraleyda ama la qabsiga caqabadaha cimilada, Rabe iyo kooxdiisa shaqaale xilliyeedka ah ayaa u dhabar adayga sida ay uga go’an tahay ilaalinta beerta. Kaaliyaha Maareeyaha Chris Rotty ayaa door muhiim ah ka ciyaara kormeerka hawlaha daaha gadaashiisa ah ee la xiriira kala hagista barnaamijka iyo shaqaalaha. Waxa uu maareeyaa dhacdooyinka muhiimka ah sida taxanaha suuqa beeralayda iyo madadaalada xagaaga, isagoo xaqiijinaya in wax walba ay si habsami leh u socdaan. “Xilli kasta waxa uu waxyaabo noocyo kala duwan ah u keenaa nooca kala wadida barnaamijkeena iyo shaqaalaheena,” ayuu yiri. “Waxaanu had iyo jeer eegnaa lix bilood, siddeed bilood ka hor, si aan ugu diyaargarowno xilliga soo socda.” Shaqaale Naftooda u Huray Centennial Lakes Ayaa Beerta Nasiinada Ka Dhigay Mid Qurux Badan 18 Jeff Pesola, Iskuduwaha Hawlaha Dayactirka ee Centennial Lakes Park, ayaa Magaalada la shaqeynayey tan iyo Diseembar 2022. Diiraddiisa koowaad waxay saaran tahay ilaalinta barxadda lagu tababarto god ku toosinta goolofta beerta, taasoo ku lug leh hawlaha sida simista cawska cagaaran, diyaarinta godadka goolofta iyo xaqiijinta in beertu diyaar u tahay dadka soo booqanaya. Waxa intaa dheer, Pesola ayaa kormeera daryeelka cawska roogga ee beerta oo dhan, laga bilaabo beerista iyo waraabinta xilliga gu’aga ilaa simista cawska ee maalinlaha ah ee bilaha xilliga xagaaga. Waxa uu si dhow ula shaqeeyaa xubnaha kale ee kooxda si uu wax uga qabto wixi baahiyo dayactir oo beerta oo dhan ah, taasoo ka tarjumaysa wada-shaqaynta beerta iyo habka baraatikada ah ee lagu xannaaneynayo. Mid ka mid ah muuqaalada gaarka ah ee beerta ayaa ah balliga biyuhu fadhiistaan ee gacan ku samayska ah, kaasoo ah soo jiidasho udub-dhexaad u ah beerta oo ay si taxadar leh u xannaaneyso kooxdu. Ilaalinta nadaafadda harada ayaa ku lug leh nadiifin joogto ah iyadoo la isticmaalayo shabaqyo iyo doon yar si looga guro qashinka. Bilicda soo jiidashada leh ee beertu waa ay ka sii baxsan tahay muuqaalkeeda. Waa goob waxyaabo xusuus ah ay ka dhacaan—meesha canugga uu kubadda goolofta ugu horreysa ku gano godka barxadda goolofta, qoysaska waqtiga iskula qaadanaya doonta badeelaha, iyo kuwa xiiseeya waxyaabaha dabiiciga ah ee u daawasha tagaya xilliyada is-bedbeddelaya. “Waa wax aad u fiican in qeyb laga noqdo noloshooda,” ayuu yiri Rotty. Sida xillayadu isu bedbedelayaan isuna daba socdaan, ayay nolosha Centennial Lakes isu bedbedeshaa. Si wadajir ah, shaqaalaha beertu waxa ay xaqiijiyaan in Centennial Lakes ay sii ahaato dooxada magaalada ee la wada jecel yahay —goob waxyaabaha dabiiciga ah ay ku kobcaan xusuusna reebta. Wixii macluumaad ah oo dheeraad ah, booqo CentennialLakesPark.com. Maamulaha Guud ee Centennial Lakes Park Tiffany Bushland oo ku hor sawiran doomaha badeelaha ee boola-boolada u’eg ee la kireysto. Beeraale Connor Clifford ayaa ka shaqeeya gudaha aqalka dhirta lagu koriyo oo ku-meelgaar ah oo ku dhex yaala garaashka dayactirka, halkaas oo uu ku koriyo kuna xannaaneeyo nolosha dhirta ee lagu arko agagaarka Centennial Lakes Park. Jon Rabe waa Kormeeraha Hawlaha Dayactirka ee Centennial Lakes Park. Kaaliyaha Maareeyaha Centennial Lakes Park Chris Rotty ayaa ka shaqeeya gudaha Hughes Pavilion ee bartamaha beerta. Iskuduwaha Hawlaha Dayactirka Jeff Pesola waxa uu ilaaliya barxadda goolofta. (Waxaa sawirada qaaday Reham Alemam) 19 Waxaa qoray Matthew Cords Magaalada Edina waxay si joogta ah u raadisaa habab cusub oo ay ku ilaaliso deegaanka iyada oo yaraynaysa raadkeeda kaarboonka. Dadaal lagu gaarayo yoolalka cimilada ee Magaalada oo ay ku jiraan yaraynta bulshada oo dhan ah ee qiiq boqolkiiba 45 ka hooseeya heerarki 2019 marka la gaaro sanadka 2030 iyo gaarista yoolka qiiqa ee heerka eber marka la gaaro sanadka 2050, dadaal xoog leh oo shidaalka naftada noolaha lagu keenayo Waaxda Hawlaha Guud ayaa socda. Naftada noolaha waa shidaal la cusboonaysiin karo oo laga soo saaray ilaha sida saliidda khudaarta, dufanka xoolaha ama dufan dib loo warshadeeyey. Tignoolajiyadda hadda jirta ayaa u oggolaanaysa matoorada naftada inay ku shaqeeyaan boqolkiiba 100 (B100) shidaalka noolaha marka heerkulka ka sarreeyo 40 darajo Fahrenheit. Magaaladu waxa ay hadda eegeysaa inay soo iibsato qalabka gawaarida ee qaadan kara shidaalka noolaha ee B100 marka laga soo tago casriyeynta kaalimaha shidaalka ee Xarunta Hawlaha Guud & Dayactirka Beeraha Nasiinada Shidaalka Noolaha iyo Dhirta oo isku Dhafan Ayay u Badan Tahay in La Keeno Waaxda Hawlaha Guud ee Edina oo lagu casriyeynayo noocyo cusub oo haamaha shidaalka naftada noolaha ah. Kormeeraha Hawlgallada Qalabka Richard Poppitz, sidoo kale u qaabilsan maamulka shidaalka, ayaa sheegay in Waaxda Hawlaha Guud ay horayba ugu diyaarsan yihiin qorshayaal lagu kordhinayo isku dhafka shidaalka noolaha ee ku jira shidaalkooda naftada horay u jiray ee maadada salfa ay aad ugu yar tahay oo laga soo kordhiyo B5 (boqolkiiba 5 shidaalka noolaha ah) oo la gaarsiiyo B20 gu’gan, iyadoo lagu rajo weyn yahay in la gaaro isku-dhaf sare inta lagu jiro bilaha xagaaga. Poppitz ayaa tilmaamay iskaashi cusub oo lala yeesho MEG Corporation, oo ah shirkad fadhigeedu yahay Minnesota oo ku takhasustay waxyaabaha shidaalka lagu daro, ay tahay furaha helitaanka isku dhaf B50 ah iyada oo aan gawaarida qalab lagu kordhin si ay ugu shaqeeyaan isku dhafka shidaalka cusub. “Waanu ku saxanahay marxaladda bilowga ah,” Poppitz ayuu yiri, isaga oo qeexaya mashruuca kaas oo weli ku jira horumarinta hore. Magaaladu waxay goor horeba bilowday qiimeynta casriyeynta kaabayaasha hadda jira ee loogu talagalay B100, waxayna raadineysaa deeqo lagu kabo mashruuca deegaanka u roon. Deeqaha federaalka sida Barnaamijka Dhiirigelinta Kaabayaasha Isku-dhafka Sare (HBIIP) ayaa dabooli kara kharashka dhisidda tignoolajiyadda B100, oo wata saanado gargaar yaryar oo ka socda shuraakada gaarka ah sida Golaha Cilmi-baarista iyo Horumarinta Digirta Soyga ee Minnesota ee la filayo. “Waxaa jira waxyaabo badan oo hadda socdo. Waxay qaadanaysaa shirar iyo codsiyo deeq oo badan, balse waxaan ku rajo weynahay in aan arrintan ka shaqeysiin karno,” ayuu yiri Poppitz. Haddii la maalgeliyo, mashruuca B100 waxay u badan tahay inuu qaato labo ilaa saddex sano in si buuxda loo hirgeliyo. Hase yeeshee, xitaa xalalka mustaqbalka dhow soo socda ayaa saynis ahaan la caddeeyay inay yaraynayaan qiiqa guud ee hawada lagu sii daayo. Wixii macluumaad dheeraad ah, Richard Poppitz kala xiriir rpoppitz@EdinaMN.gov ama 952-826-0306. 20 DhuuntaHOWLAHA GUUD