Loading...
HomeMy WebLinkAboutPublicWorksPipeline_Early2025_Somali-WebDhuuntaHOWLAHA GUUD HORRAANTA 2025 Marka ay duufaan baraf carrada ku habsato, sidee ayaa waddooyinka loo kala hor xaaqaa? Wadooyinka mashquulka badan ee isku xira qeybaha waaweyn ee magaalada isla markaana marinka u ah adeegyada gurmadka dedegdegga ah, sida dabdemiska, booliska iyo baabuurta caafimaadka, ayaa marka hore la xaaqaa. Marka xigta, mudnaanta waxaa la siiyaa waddooyinka kasoo baxa xaafadaha, ee inta badan marinka u ah dugsiyada iyo ganacsiyada. Marki dhammaan waddooyinka waaweyn la banneeyo, baraf xaaqista ayaa diiradda lagu saaraa waddooyinka guryaha, ayna ku xigaan luuqluuqyada. Qariiradda ku taasha Bogga 2 waxay muujinaysaa mudnaanta waddooyinka. Waxaa sidoo kale laga heli karaa EdinaMN.gov/SnowPlowing. Dhabbayaashee dhinaca wadada ah ayay Magaaladu xaaqdaa? Magaalada waxay hagaajisaa qaar ka mid ah dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah ee Edina gudaheeda ah, sida kuwa ku jira waddooyinka gargaarka ka hela gobolka, Waddooyinka Firfircoon ee aada Dugsiyada iyo kuwa ku dhex yaala beeraha nasiinada ee Magaalada ama tas-hiilaadka madadaalada. Dhabbayaashaan dhinaca wadada ah ayaa la xaaqaa kadib marka la dhammeeyo baraf ka xaaqista waddooyinka. Qariiradda ku taasha Bogga 3 waxay muujinaysaa dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah ee ay xaaqdo Magaalada iyo kuwa mas’uuliyadooda ay saaran tahay mulkiilayaasha hantida meesha ku leh. Waxaa sidoo kale laga heli karaa EdinaMN.gov/SnowPlowing. Haddii aad mas’uul ka tahay dhabbahaaga dhinaca wadada ah, fadlan ogsoonow in aad ku xaaqdo 48 saac gudahood marka uu baraf qabsado. Maxay yihiin xayiraadaha ku aadan meelaha gawaarida la dhigto xilliga qaboobaha ee gudaha Edina? Iyada oo aan loo eegin cimilada, laga bilaabo bisha Nofeembar 1 ilaa Maarso 31 gawaarida lama dhigi karo wadooyinka habeenkii saacadaha inta u dhaxeyso 1 iyo 6 a.m. Intaa waxaa dheer haddii uu jiray baraf ugu yaraan gaaraya 1.5 inji, gawaarida looma oggola in la dhigto wadada ilaa barafka gees loo xaaqo. Xaddidista gaari dhigashada waddada waxay u sahlaysaa Waaxda Hawlaha Guud inay ka hortagto, barafka gurto oo ay dhaqso ku xaaqdo barafka, si hufan oo badbaado ah. Booliska Edina ayaa tigid u jari kara kuwa ku xadgudba xeerarka baarkinka ee xilliyada qaboobaha ama, haddii loo baahdo, waxa ay jiidaan baabuurtooda. Xogta Xaaqista Barafka (ka sii socota Bogga 2) Goorma ayay cagafta barafku soo baxaan? Cagafta barafka ee Edina waxay soo baxaan marka uu jiro: • Isku ururid baraf oo 1.5 inji ah ama ka badan • Baraf guuraya oo dhibaato u keenayo safarka • Xaalado barafow ah oo si ba’an u saameynayo safarka 2 Xogta Xaaqista Barafka (Kasii socoto dhanka jaldiga) Haddii guriga uu waxyeello ka soo gaaro cagafta baraf xaaqista, xagee u sheegi karaa? Waaxda Hawlaha Guud aad ayay ugu faantaa in ay adeegyo baraf xaaqis oo heer sare ah ka bixiso Edina, laakiin waxyeellooyin soo gaara sanduuqyada boostada ama cawska ayaa mararka qaar dhaca marka darawaladu ay sahminayaan xaaladaha cimilada ee adag. Haddii ay tani dhacdo, fadlan soo sheeg adigoo adeegsanaya adeegga dhibaato soo sheegista Magaalada, Edina 311, ama Waaxda Hawlaha Guud ka wac 952-826-0376 shaqaaluhuna waxay kula samayn doonaan qabanqaabooyinka dayactirka ama magdhowga. Waxaan soo kireystay qandaraasle si uu u xaaqo barafka. Miyey jiraan wax gaar ah oo ay tahay in aan ogaado? Xaqiiji in qandaraaslahaaga uu yaqaano shuruucda xaaqista barafka ee Edina u degsan. Dhammaan barafka ku da’a gurigaaga waa in aad ku keydisaa gurigaaga ama u qaadaa goob gaar ah oo uu leeyahay ama loo oggolaaday qandaraaslahaaga. Mid ka mid ah xadgudubyada joogtada ah ayaa ah baraf ku riixista waddada xageeda ama waddada oo dhan. Tuurista barafka ee geesha wadada sidoo kale lama oggola. £[ £[ £[ £[ ") ") ") ") ") ") ") ") ") ") ¬« ¬« ¬« ¬« ¬« §¨¦§¨¦ November 2024 ± Snow Plow Route Types Routes Plowed by Edina Crews Primary Secondary Alleys Routes Plowed by Other Crews County State Private 0 7,000 Feet Waddooyinka Ay Barafka Ka Xaaqaan Shaqaalaha Edina Koowaad IsmaamulkaLabaad Gobolka Waddooyinka Ay Barafka Ka Xaaqaan Shaqaale Kale Luuqluuqyada Kuwa Gaarka Loo Leeyahay Mudnaanta Baraf Ka Xaaqista Wadada Iskaangaree si aad u hesho qariiradda 3 Edina 311 waxaa loola soo degi karaa ablikeeshin moobil ahaan ama waxaa la adeegsan karaa iyadoo la booqanayo EdinaMN.gov/Edina311. - Waxa Qoray Brittany Bader Kawaran badbaadada cagafta lagu xaaqo barafka? Cagafta barafka xaaqda waa gawaari waaweyn oo culus, waana in taxadarro badbaado ah lagu sameeyaa agtooda marka wadada ay ku jiraan iyo marka ay guriga yaalaan labadaba. Waa kuwan qaar ka mid ah xusiisinno ka socdo Waaxda Hawalaha Guud: • Xawaarahaaga yaree hana dhaafin cagafta barafka xaaqda marka ay barafka xaaqayso. • Waligaa gaari ha u wadin xagga daruur baraf ah. • Ka fogow cagafta fidineysa cusbada. • Ka joog dhammaadka wadada marka ay cagaf barafka xaaqda ay soo socoto. • Wadada ka ilaali kareetada barafka iyo alaabta ay carruurtu ku ciyaarto marki aan la isticmaaleynin. • Xirmooyinka barafka ha ka dhisin qalcado baraf oo wadada dhexdeeda ah. • Ka dheerow gadaasha qalabka barafka xaaqa. • Ogow in gadaal u wadista gaariga ay lagama maarmaan tahay marka barafka la xaaqayo, muuqashada xagga dambena aad bay u xaddidan tahay. • Dhig haamaha qashinka iyo kuwa dib-u- warshadaynta dhanka dariiqaaga haddii uu baraf da’o maalinta qashin ururinta. æ ¹» ¹» æ æ æ æ æ¹»æ æ ¹º¹º ¹º ñ ñ ñ ¹»æ æ æ ¹º ¹º æ æ ¹º æ æ ¹º ¹º æ æ æ ñ æ ¹º ñ ñ ñ Highway 62 Highway 169Highway 100France Avenue SouthVernon Avenue Glea son Ro adSchaefer RoadTracy AvenueValley View Road Cahill Road66th Street West West Shore Drive58th Street West 44th Street West Ramp Belmore Lane 70th Street West Interlachen Boulevard Cornelia DriveHighway 212 Concord AvenueSunn ysid e R oad View LaneBlake Road SouthHilary LaneSally LaneMcCauley Trail SouthMerila ne Will son Road54th Street West 64th Street West Grimes AvenueArden AvenueWashi ngton Avenue South77th Street West Benton AvenueMalibu DriveDewey Hill Road Parklawn AvenueRidgeview DriveHansen RoadMetro BoulevardDunberry Lane Brook Drive Olinger Boulevard Bruce AvenueMirror Lakes DriveEden Avenue 78th Street West Bush Lake RoadChowen Avenue SouthZenith Avenue SouthEwing Avenue SouthBeard Avenue SouthLincoln DriveDakot a Tr ail Dundee RoadHighway 100 Frontage RoadGolf Terrace Valley Lane Hillside LaneBernard PlaceYork Avenue SouthAbbott Avenue SouthOhms Lane69th Street West Knoll Drive Fairfax AvenueBridge Street Kelsey TerraceDanens DriveLimerick LaneDoncaster WayGrove Street Barrie Road50th Street West Hibiscus AvenueLanham LaneParkwood Road 56th Street West 68th Street West Warren Avenue60th Street West Park PlaceChantrey Road65th Street WestAshcroft AvenueMorningside Road Normandale RoadDale Avenue42nd Street West Olinger RoadCode AvenueAntrim RoadLondonderry RoadShannon Driv eVilla WaySouthdale RoadRidge RoadDuggan Plaza Edinborough WayBrittany RoadMaloney Avenue Circle WestLim erick Drive 57th Street West Tifton Drive Dovre Drive Larada LaneDrexel AvenueGle ngarr y ParkwayCasco AvenueHighway 169 Frontage RoadWalnut DriveXerxes Avenue SouthArbour AvenueGilford DriveJohnson DriveMeadow Ridge Tingdale AvenueCrescent DriveDrew Avenue SouthGreen Farms RoadVilla Lane Division Street Gal way Dri veDelaney BoulevardOak Drive Birchcrest Drive Braem ar Bou levardCheyenne Trail 63rd Street West 62nd Street West Point DriveAlden DriveMaple RoadRolf AvenueParkwood Lane Spruce Road Mavelle Drive Fuller Street Jeff Place Bywood West Tower Street Creston RoadAbercrombie Drive Lynn AvenueWooddale AvenueField Way Colony WayWest Trail Mark Terrace DriveWilford Way Fondell Drive Trillium Lane Scott TerraceHali fax LaneMea dow Ro ad Heritage Drive McGuire RoadSun Ro ad76th Street West S outh crest Driv e School Road GalleriaWoodcrest DriveBeard PlaceMohawk TrailKillarney LaneSaint Johns AvenueIdylwood Lane Halifax AvenueJosephine AvenueSchey Driv e Richmond Drive Iroquois TrailGallagher Drive Garrison Lane Saxony Road Arctic Way Parnell AvenueLarkspur Lane Kipling AvenuePhilbrook Lane Upper TerraceNordic DriveAmy Drive William AvenueWindsor Avenue Annaway Drive Southview LaneAdams AvenueChapel DrivePaiute Drive Viking Drive Highland Road Branson Street Dale DriveBalfanz RoadBedford AvenueLoch Moor Drive Kemrich Drive 3rd Street South 40th Street West Gleason Court Sunnyslope Road WestNorthwood Drive Park Terrace Duncraig RoadMildred AvenueHollywood Road Countryside Road Ellsworth DriveMonterey AvenueIndi anola AvenueIdylwood Drive Tupa DriveKaymar Drive Aspen Road Maddox Lane Andover RoadSherwood RoadSioux Trail Sherwood AvenueErin Terrace 49th Street West Hyde Par k Dri veMer ol d Driv e 48th Street West Wilryan AvenueMerritt CircleSk yli ne Driv e Ryan AvenueHankerson AvenueLois Lane Aspasia LaneLochloy DrivePorter Lane Brookview AvenueApache Road Mait Lane Creek Vall ey Road Circle East Sedum Lane Samuel Road Navaho TrailMarket Street Coventr y LaneDunham Drive Glouchester DriveSusan Avenue Laguna Drive Scotia Drive Creek Drive Woodland Road West Virginia AvenueClaremore DriveDeville DriveEden Prairie Road Timber TrailPine Grove Road Minnesota DriveDawson LaneRidgeway RoadHarrison Avenue SouthOaklawn AvenueHazelton Road Timber Ridge Rab un Drive 61st Street West Village Drive Juanita AvenueNaomi DriveGriffit StreetStauder CircleWhiting Avenue Waterman Avenue Newport DriveOxford AvenueSo uthd ale CenterIkola WayDo wn R oadPost Lane Rid ge Plac eEa st vi ew Driv eBelvidere Lane Nordic Circle Kellogg AvenueHawkes DriveYork TerraceArthur StreetHunter Street Hillside CourtIndi an Hi lls Pass To wn es Ro adForslin Drive Leslee Lane Camelback DriveLondonderry Drive Melody LaneBel lo Drive Paddoc k Ro adLakeview DriveBrookside TerraceArb our La neOak Glen RoadAntrim C ourt Glasgow Drive Thielen AvenueMackey AvenueStonewood CourtContinental DriveGorgas Avenue55th Street West Roberts Place Rosem ary LaneConcord Terrace Vernon Hills Road 73rd Street West John H arris DriveBlake Circle P opp y Lane Braeburn Circle Lexington Avenue 59th Street West Coventry Pl aceCherokee TrailIvy WayTyler Avenue SouthGate Park Road 72nd S treet W estCrest Lane Natchez AvenueChowen Curve Schaefer Circle 52nd Street West Virginia Lane Polar CircleKelsey CircleBluff Circle Si dell Trail Wooddale LaneGle a son Cir cl eSummit AvenueHabitat CourtMillers LaneOrchard Lane Shawnee Circle Tucker Lane Littel Street Millpond Place Brook AvenueVernon Avenue55th Street West Maloney Avenue Benton Avenue West Trail Ramp72nd Street West Highway 212 Highway 10056th Street West Normandal e RoadRampGrimes AvenueRamp R ampRamp RampYork Avenue SouthRampValley View RoadV alley Vie w Ro ad RampParkwood RoadRam pRa mpRampRampWoo ddale A ven ueRampRamp RampNormandale Road60th Street WestRamp Ramp Xerxes Avenue SouthRamp RampRamp Ra mpHalifax AvenueWooddale AvenueRampRamp Parnell AvenueLincoln DriveHighway 169R am p Ra mpWindsor Avenue Halifax Avenue76th Street West Ramp Ramp Hansen RoadHighway 62 70th Street West RampNormandale RoadGrove Street RampRampRamp York Avenue SouthRamp Ra mp Ryan Avenue62nd Street West RampValley View R oadCahill Road56th Street WestRamp Xerxes Avenue SouthRampOaklawn Avenue61st Street West 54th Street West RampRamp Ra mpRamp Interlachen Boulevard Ramp 78th Street West Saint Johns AvenueKellogg AvenueSidewalk Snow Maintenance City of Edina / Engineering DeptOctober 2024 City Snow Removal Private Snow Removal 50th and France District Three Rivers Park District Xaaqista Barafka Dhabbaha Dhinaca Wadada ee Edina Degmada 50th & France Barafka Ay Saarayso Magaalada Barafka uu Saarayo Mulkiilaha Hantida Meesha Ku Leh Degmada Three Rivers Park Mas’uuliyadaha Baraf Ka Xaaqista Dhabbaha Dhinaca Wadada Iskaangaree si aad u hesho qariiradda 4 Baraf Gurista Khuburada Dave Snaza Shaqaale Adeegga Dadweynaha – Wadooyinka 24 sano la joogay Edina Magaalada hooyo: Bloomington, Minnesota Wuxuu cagaf baraf kaga xaaqaa labada qeybood ee koonfureed ee Edina Jason Schueller Shaqaale Adeegga Dadweynaha – Wadooyinka 17 sano la joogay Edina Magaalada hooyo: Jordan, Minnesota Wuxuu xaaqaa waddooyinka iyo dhammaadka waddooyinka oo uu ku xaaqo cagafta inta badan qeybta koonfur galbeed ee magaalada 4 5 Imisa sano ayaad barafka la xaaqaysay Magaalada? Dave: Waxaan ku dhawahay 24 sano intaan ka shaqeynayay Qeybta Waddooyinka. Waxaa la isoo shaqaalaysiiyay bishi Febraayo, marka waxaan isla markiiba bilaabay baraf xaaqista waayo waxay ahayd waqtigi qaboobaha. Waxaa sanado isoo maray waqtiyo qaboobe oo fudud, iyo sidoo kale qaar dhaadheer. Jason: 17 sano, balse waxaan baraf xaaqista ku bilaabay cagafta carrada marki aan jiray 14 sano. Saaxiibkeey aabihiis ayaa lahaa shirkad qaabilsan dhulka, marka waxaan muddo dheer baraf ku xaaqayay gaadiid badan oo kala duwan. Maxaad ka heshay oo ku saabsan baraf xaaqista? Dave: Waxaan soo kacaa aroorti. Waxaan jeclahay in jawiga kala dagan yahay marka aad imaado oo aad soo gasho wadada, waa mid aad u qurux badan barafka cusub dartiis. Kadib abaare 6 a.m., waxaadba u malayn in magaalada ay soo noolaanayso. Waxaan isku daynaa in wadada uu qofkasta ku maro sida ugu dhakhsiyaha badan, balse waa subaxyada yamta ah waxaan sida aadka ah u jeclahay. Jason: Waxaan jeclahay in aan barafka ku xaaqo cagafta qeybta hore wax lagu rari karo la qabsigooda awgood. Waxaa jira wax yaroo dheeraad ah oo dhanka koontaroolada ah, marka ku shaqeynta cagafta ayaa ka madadaalo badan gaariga qooqanta ama gaariga iska rogaha qashinka. Waan jeclahay in aan qabto. Ma leedahay wax baraf xaaqis ah oo kaa careysiiya? Dave: Gaari dhigashada waddooyinka ee habeenki. Waan ogahay sababtoo ah xeerka roondooyinka Booliska wuxuu sameeyaa tigid jaris iyo gaari jiidis, waana dheellitir sababtoo ah marna ma rabtid in aad noqoto Macangag. Balse waxaa jira meelo ka mid ah magaalada oo ay baabuur badan ku baakiman yihiin wadada, taasoo ah runtii mid ku adag darawallada in ay waddooyinka banneeyaan. Jason: Waxa ugu weyn ee iga caraysiiya waa marka dadka meesha deggan ay barafka iska soo xaaqaan barafkana ku xaaqaan wadada ilaa guryaha deriskooda, ama waxay tuuraan dhanka midige ee dariiqooda si deriska ku dheggan uu barafka dhinacooda u aado marka cagafta barafka ay marto. Waan ka calool xumaadaa marka ay taasi dhacdo. Dhammaan barafka yaala dariiqyada waa inay geeyaan gadaal deerkooda ilaa inta suuragal ah. Waxay ila tahay in qandaraaslayaasha xaaqa barafka la xasuusiyo middaas, sidoo kale. Ma haysaa wax xusuuso xiiso leh oo baraf xaaqista ku saabsan? Dave: Waxaa jira dad deegaan ah oo yar oo runtii aad iisoo jiitay sannadihii la soo dhaafay. Maalinta dhammaadkeeda, waxaan jeclahay in aan dadkeenna deegaanka ah siiyo adeeg la mid ah kan aan jeclaan lahaa in la siiyo aniga iyo qoyskayga. Jason: Waqti ku beegan 2010 ama 2012, waxay ahayd in aan imaanno subax Kirismas ah marki ilmahaygu ay yaraayeen. Waxay ahayd cabsi in aan halkan imaado oo aan hawsha qabto si aan guriga u tago ka hor inta aysan soo toosin – haddiiba aan ka gaari karo. Waxaan xasuustaa dad deegaanka ah oo badan oo subaxaas suullka ii taagayay. Qofkasta waa uu ka mahadnaqayay in aan u soo baxnay inaan barafka xaaqno subaxdi Kirismaska inta ay qorraxda soo baxaysay. Tirada dadka deegaanka ah ee ka mahadnaqayay ayaa ka dhigtay in aan halkan imaanno. Ma haysaa wax kale oo aad la wadaagto dadka deegaanka? Dave: Dulqaad yeelo. Dulqaadku waa fadiilo markaan halkaa joogno. Waxaanu marka hore isku daynaa in aan xaaqno dhammaan waddooyinka aasaasiga ah (ama waddooyinka waaweyn) iyo buuraha. Waxaa jira buuro xoogaa waaweyn oo ku yaallo dariiqeyga kuwaasoo dagaandag ah gaar ahaanna leh duufaanno baraf, waxay qaadataa wakhti in cusbada lagu shubo oo ay cusbadu bilowdo shaqada. Jason: Dad badan oo deegaanka ah ayaa fahmaya, balse xusuusnow un in aanu samaynayno inta karaankeenna ah. Waan ka xummaanaa in aan barafka ku xaaqno dariiqyadooda, balse waa in aan bannayno wadooyinka. Waxaan un samaynaynaa waxa loo baahan yahay in la sameeyo si loo helo waddooyin badbaado u ah qofkasta. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hawlgallada cagafta barafka xaaqda, booqo EdinaMN.gov/SnowPlowing. – Waxaa isku dubariday Lauren Siebenaler 5 6 Agabka Badbaadada Orodyahanka Si loo xaqiijiyo in darawallada baabuurta iyo cagafta barafka xaaqa ay ku arkaan adiga marka uu jiro mugdi ama cimilada xun tahay, xiro agab badan oo dhalaalaya. Siliska Kabaha ee loogu talagalay Xaaladaha Qaboobaha Jijimaha Gacmaha oo Dhalaalaya ama Duubka Anqowga Tooshka madaxa lagu xirto Garan ama Jaakad Dhalaaleysa (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) 7 Badeelka Haydarooliga Waxa uu Baraf Xaaqista Ka dhigaa Mid Dhaqsa ah, oo Wanaagsan Waxaa qoray Debbie Townsend Qaboobahan waxaa laga yaabaa in aad aragto wax loo yaqaano “middida Ciidanka Swiss ee dhammaan cagafta barafka xaaqa” oo xaaqaya boosaska gawaarida la dhigto iyo waddooyinka ku yaallo Edina. Dhab ahaantii waa badeel hal-abuur ah oo lagu dhajiyay qeybta hore ee cagafta. Maxaa ku gaar ah badeel? Si ka duwan inta badan badeellada cagafta barafka, kuwaasoo wada ah kuwo toosan ama xagallo go’an leh, badeelkan oo ay samaysay Metal Pless waxa uu leeyahay 2 garbo oo 4-fiit ah. Garbaha ayaa toosnaan kara, iyagoo la jaanqaadaya badeelka weyn ee 12-ka fiit ah, ama waxay u dhaqaaqi karaan si kala gooni ah ilaa 180 darajo. Garbaha ayaa inta badan horay la isugu laabi karaa si ay u sameeyaan qaab U ah si ay u qabtaan oo ay u dhaqaajiyaan barafka. Garbaha waxay badeelka u sahlaan in loo adeegsado sidi sanduuq horay wax loogu riixo, sanduuq gadaal wax loogu riixo, badeel toos ah ama isku dhafid kasta, ayuu yiri James Whittemore, Ku Xigeenka Madaxa Fulinta Metal Pless Group oo uu ku sheegay muuqaal muujinayo awoodda badeelka. “Wuxuu sare u qaadayaa dabacsanaanta marka waxaad aadi kartaa midig ama bidix,” ayuu yiri Kormeeraha Hawlgallada Qalabka Hawlaha Guud Richard Poppitz. “Uma baahnid in aad iswareejiso, waxaad kaliya leexinaysaa badeelka.” Muxuu badeelkani waxtar u yahay? Badeelka waxaa loo adeegsan doonaa boosaska baakinka iyo xaaqista wadooyinka waaweyn. “Waxay si fiican ugu shaqeeyaan boosaska baakinka si looga daabulo loogana riixo barafka,” ayuu yiri Kormeeraha Hawlaha Guud ee Edina John Scheerer. “Caadi ahaan halka aan ku adeegsano waa dibada Braemar Arena ama Ganbaloolka Goolofta, halkaas oo aan isku dayeyno inaan barafka ka riixno gees una riixno gees kale. Garbaha isku laaban waxay barafka ka ilaaliyaan inuu dilindilloodo.” Bannaynta boosaska baakinka waxay qaadataa waxyar sababtoo ah garbaha isku laaban waxay qabtaan baraf badan. Qaabka U-na micnihiisu waa in aanay jirin daaqado baraf ah oo laga tagay cagaf marin kasta kadib, taasoo keenaysa boos nadiif ah. Badeelkani waxa uu sidoo kale yareeyaa shaqada baraf xaaqista wadooyinka labada seed ah ee leh seedadka leexanayo. “Waxa uu badeelku wadada ka daboolaa aag badan,” Scheerer ayuu yiri. “Inti aad wadada marin lahayd saddex jeer waxaad kaliya marinaysaa labo jeer.” “Badeelka baraf xaaqa ee cusub ayaa ah mid aad waxtar u leh,” Poppitz ayuu yiri. “Tani waxay yarayn doontaa waqtiga, shidaalka iyo isticmaalka cusbada.” Meeqa badeello oo noocaan ah ayay Edina leedahay? Kaliya labo. Magaalada ayaa mid cusub deyrti kusoo iibisay $43,000 kadib marki ay natiijooyin wanaagsan ka aragtay midki koowaad. Waxaa loo adeegsadaa halka ay ugu waxtarka badan yihiin. Badeellada aan qaaliga ahayn ayaa loo adeegsadaa goobaha kale. Ka daawo muuqaal ku saabsan sida garbaha haydarooliga ay u shaqeeyaan barta YouTube.com/@Metalpless. Wixii macluumaad dheeraad ah, Poppitz kala xiriir rpoppitz@EdinaMN.gov ama 952-826-0306. Horay u laabista garbaha badeellada haydarooliga ee Metal Pless waxay abuurtaa qaab u eg U si loo raro baraf badan isagoo aan ka daadan dhinacyada badeelka. (Sawir Lagudbiyay)7 8 Qorshayaal Fudud oo ku Aadan Dhimista Cusbada Qaboobaha Ayaa Loo Heli Karaa Guryaha Gaarka Loo Leeyahay Waxaa qortay Kate Heimel Iska qorista barnaamijka “Cusbo Yar, Ka Ilaalinta Cusbada Minnesota” ayaa ah tillaabo fudud oo ay qaadi karaan mulkiilayaasha guryaha si ay gacan uga gaystaan deegaanka lacagna u tashiilaan iyagoo si fudud u isticmaalaya cusbo yar. “Cusbo Yar, Ka Ilaalinta Cusbada Minnesota” waa barnaamij uu bilaabay Hennepin County Chloride Initiative (HCCI) iyadoo hadafku yahay ka caawinta mulkiilayaasha guryaha gaarka loo leeyahay inay yareeyaan cusbada ay u isticmaalaan qaboobaha. Isticmaalka xad dhaafka ah ee cusbada ee lagu maareeyo qaboobaha waxay keentaa kororka wasakhowga koloraydhka ee goobaha biyaha ay fadhiyaan. Saameynada aan dib loo celin karin ee wasakhowga koloraydhka waxay waxyeello u geystaan deegaanka, kalluunka iyo xoolaha kale ee biyaha ku nool iyo tayada biyaha la cabbo. Marka cusbada ay gasho biyaha, way ku qasantaa mana laga saari karo. baxyada labeenta algae buluu- cagaarka ah waxaa badanaa keena nafaqada dheeraadka ah, oo ay ku jiraan fosforaaska iyo naytrojiin. Wasakhowga koloraydhka waxay gacan ka gaysan karaan caafimaad-xumada deegaanka balse si adag loolama xiriirayo ubaxyada labeenta algae buluu-cagaarka ah si la mid ah nafaqooyinka xad-dhaafka ah. Edina waxay ahayd inay wax badan uga digto dadka deegaanka saamarki la soo dhaafay oo ku saabsan ka fogaanshaha u dhawaanshaha biyaha ee meelaha qaar iyadoo ay ugu wacan tahay heerka sunta xasharaadka buluug-cagaarka ah ee ay soosaaraan. “Xeeladda kaliya ee middan lagu maareeyo waa xakamaynta isha: isticmaalka wax yar bilowga,” ayay tiri Maareeyaha Khayraadka Biyaha Jessica Wilson. “Mar haddii ay galaan biyaha, waa mid abid ah.” Wilson ayaa caawisay milkiilayaasha guryaha gaarka loo leeyahay, oo ay ku jiraan kaniisadaha, guryaha dabaqyada ah iyo guryaha is-kaashatada, waxay abuurtay qorshooyin khaas ah oo ka caawin doona inay yareeyaan isticmaalkooda cusbada. Qorshayaashani waxay mulkiilayaasha guryaha siiyaan dhaqamada ugu wanaagsan ee ay u adeegsan karaan in ay gacan uga geystaan deegaanka lacagna u tashiilaan, dhammaan iyagoo sii wada ilaalinta badbaadadooda meelaha ay deggan yihiin. In kabadan toban sano, Magaalada waxay sidoo kale ka shaqeynaysay inay yareyso cusbada ay u isticmaalayso wadooyinka xilliga qaboobaha. Shantii sanaba mar, dhammaan darawallada cagafta barafka xaaqda ee Magaalada waxay tababarka Cusbo Ku Shubista Haboon ka qaataan Hay'adda Xakameynta Wasakhowga ee Minnesota (MPCA). Tababarkani wuxuu bixinayaa dhaqamada ugu wanaagsan ee cusbada loogu isticmaalo waddooyinka, meelaha baabuurta la dhigto iyo dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah. Intaa waxaa dheer, qalabka la casriyeeyay wuxuu leeyahay tignoolajiyad wadooyinka barafka kaga hortagta cusbo yar waxayna u sahashay Edina in ay isticmaalkeeda guud ka yarayso 20%. “Sababta aan ugu guulaysanay dhimista isticmaalkeena cusbada waa waayo-aragnimada darawalnimo ee aan leenahay iyo rabitaankooda ah inay qaataan yoolalka dhimista cusbada,” ayuu yiri Agaasimaha Howlaha Guud Brian Olson. Qaadista barafka qaboobaha ayaa marwalba si heer sare ah loogu qiimeeyay dadka Edina dhexdooda taasoo lagu qiimeeyay Sahanka Tayada Nolosha. Tani waxay muujinaysaa in xitaa isticmaalka cusbada yar, dadku ay weli badbaado ku dareemayaan xaaladaha barafka ah. “Waxaan isku dayaynaa inaan samayno inta karaankeenna ah si aan adeegga ugu wanaagsan u siinno ruux kasta oo deegaanka ah,” ayuu yiri Olson. “Waxaa sharaf ii ah inaan qeyb ka noqdo koox si weyn xoogga u saarto dhimista isticmaalka cusbada iyo isu dheellitirka u dhexeeyo adeegga aan bixinno iyo qanacsanaanta macmiilka.” Si aad isaga qorto “Cusbo Yar, Ka Ilaalinta Cusbada Minnesota,” Wilson kala xiriir jwilson@EdinaMN.gov. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baraf xaaqista Magaalada, Olson kala xiriir bolson@EdinaMN.gov. Todobaadka Wacyigelinta Cusbada Qaboobaha Todobaadka Wacyigelinta Cusbada Qaboobaha waa ol-ole wacyigelin goboleed oo toddobaad ah oo diirada lagu saaro baridda dadweynaha wax ku saabsan sida isticmaalka xad-dhaafka ah ee cusbada ee qaboobaha ay u waxyeelayn karto deegaanka. • Janaayo 27-31, 2025 • Baahinno toos ah ayaa la heli karaa, iyadoo hadal jeediyaasha ay diiradda saarayaan dhimista wasakhowga cusbada • Waxbadan ka ogow wintersaltweek.org WAA MAMNUUCWAA MAMNUUC 9 Meeleynta Qashinka Xilliga Qaboobaha & Keydinta Barafka 1 2 3 4 1 Qashin Ku Ururinta Gacanta Haddii qashin qaadahaaga uu gacanta ku aruuriyo haamaha qashinka, daaradaada “meel la dhigo” uga qod si aad u dhigto haamaha qashinka oo loo qaado. 2 Qashin Ururinta Otomaatiga ah Dhig haamaha afaafka hore ama geeska dariiqa si ay u qaadaan qashin qaadayaasha otomaatiga ah (Gacanka cagafta waxa uu gaari karaa 3 ilaa 5 fiit). 3 Keydinta Barafka (dhismaha dhexdiisa) Barafka laga xaaqo dariiqa loo maro dhismaha waa in lagu keydiyaa meel ka baxsan dariiqa qashin ururinta, gudaha khadadka dhismaha. 4 Keydinta Barafka (kabaxsan dhismaha) Barafka laguma keydin karo wadada hareeraheeda dhul gaar ah ama mid guud (magaaladu leedahay). Barafka waxaa loo qaadi karaa goob gaar uu u leeyahay ama loo fasaxay inuu adeegsado qandaraaslaha. Xeerarka Meelaynta Qashinka Xilliga Qaboobaha 9 10 Dadka Hawlaha Guud Xubno Shaqaale Cusub Ayaa Kusoo Biiray Kooxda Hawlaha Guud Waxaa qortay Jacey Mismash Waaxda Hawlaha Guud ayaa afar shaqaale ah oo karti leh kusoo dhaweysay shaqaalaheeda ka kooban 45. “Marka aan wareysanayno shaqaalaha suurtagalka ah ee cusub, waxaan raadineynaa awoodda farsamada iyo khibradda lagama maarmaanka ah ee lagu qabto shaqada,” ayuu yiri Kaaliyaha Agaasimaha Hawlaha Guud Dave Goergen, “balse waxaa muhiim ah in xisaabta lagu darsado dabeecadda, shakhsiyadda iyo daacadnimada.” Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Waaxda Howlaha Guud, booqo EdinaMN.gov/PublicWorks. Isagoo kooxda Hawlaha Guud kusoo biiray bishi May 2024, Nate Lindgren wuxuu aasaasi ahaan ku shaqeeyaa qalab culus, isagoo hagaajiya tuubooyinka adeegga biyaha iyo nidaamka bullaacadaha nadaafadda ee Magaalada oo dhan. Waxyar kadib marki uu bilaabay shaqadiisa cusub, Lindgren waxaa loo xilsaaray inuu wax ku biiriyo Liiska Khadka Adeegga Biyaha. Keyd xogeedka waxaa la dhammeystiray bishi Oktoobar, kadib marki in ka badan 14,000 tuubooyin adeeg biyo ah la qiimeeyay mana jirin wax tuubooyin adeeg biyo oo maar ah oo laga helay Edina. “Ku shaqeynta qalabka qodista iyo qalabka cusub waa wax aan ka helo,” ayuu ku faahfaahiyay Lindgren. Lindgren waxa uu rajaynaya inuu ku noqdo dugsiga si uu u qaato casharro ku saabsan maamulka guud si uu wax badan uga ogaado dhinaca ganacsiga ee shaqada adeegyada guryaha. Waqtiga uu ka maqan yahay shaqada, Lindgren waxaa laga heli karaa isagoo ciyaaraya horyaalka ciyaarta hockey ee Buffalo, hockey ka daawanaya TV ama kaqeybgalaya ciyaaraha Minnesota Wild ee Xarunta Xcel Energy. Nate Lindgren, Shaqaale Adeeg Dadweyne – Adeegyada Guryaha Sawirada waxaa qaaday Jacey Mismash10 Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shaqooyinka ka banaan Magaalada, booqo EdinaMN.gov/Jobs. 11 Isagoo doorkiisa cusub bilaabay bishi Juun, Alex Pagenkopf wuxuu hagaajiyaa uuna dayactiraa qalabka. Kahor inta uusan u shaqeyn Magaalada, Pagenkopf waayo-aragnimo shaqo oo qiimo leh ayuu ka helay waqtigiisii makaanigga uu ka ahaa Ford. Isagoo waqti badan ku qaata shaqadiisa, Pagenkopf wuxuu rajeynayaa inuu wax badan ka ogaado Edina, dadka deegaanka iyo xubnaha kale ee shaqaalaha. “Waxaan rabaa in aan ruux kasta u caawiyo si kasta oo aan awoodo,” Pagenkopf ayuu tilmaamay. Shaqada bannaankeeda, Pagenkopf wuxuu jecel yahay inuu waqtigiisa ugu badan la qaato saddexdiisa canug, ee jira da’aha 10, 15 iyo 18 sano. Waxa uu tababare u yahay koox kubadda jilcan ciyaarta iyo koox kubadda kolayga ciyaarta labadaba ee carruurta waaweyn marka laga yimaado kaqeybgalka dhacdooyinka jimicsiga kala duwan ee canugiisa ugu yar. Alex Pagenkopf, Shaqaale Adeeg Dadweyne – Farsamo-yaqaan Nestor Tovar Roca wuxuu bilaabay u shaqeynta Magaalada Edina waqti ku beegan lix bilood ka hor, isagoo khibrad dheer kala yimid booskiisi hore ee uu makaanigga ka ahaa shirkad xamuul. Waaxda Hawlaha Guud, Tovar Roca wuxuu si dhow ula shaqeeyaa farsamo-yaqaannada kale iyo shaqaalaha qalabka si ay u dayactiraan qalabka ay magaaladu leedahay isla markaana isticmaasho. Guri joog ahaan, Tovar Roca wuxuu jecel yahay inuusan guriga ka bixin, isagoo nasta waqtina afartiisa canug kula qaata gurigooda ku yaalla Hopkins. Tovar Roca wuxuu jecel yahay xasiloonida ay siisay shaqadiisa cusub ee Edina. Waxa uu rajaynayaa inuu middan uga faa'iidaysto, isagoo eegaya waxa soo socda isla markaana qorshe u samaynaya mustaqbalkiisa iyo mustaqbalka qoyskiisa. “Waan jeclahay halkan ilaa iyo hadda” ayuu yiri Tovar Roca. Nestor Tovar Roca, Shaqaale Adeeg Dadweyne – Farsamo-yaqaan Matt Baade ayaa ku biiray kooxda Hawlaha Guud waxyar un kadib dhammaadka toddobaadka Maalinta Xusuusta 2024. Ka dib 15 sano oo uu ka shaqeynayey qeybta aan dawliga ahayn, Baade waxa uu go’aansaday inuu codsado shaqo Magaalada ah. “Runtii waxaan raadinayey beddelka xawaaraha,” ayuu ku sharraxay. Shaqadiisa cusub ee Hawlaha Guud, Baade waxaa la heli karaa isagoo jeexaya oo shub ku shubaya magaalada oo dhan. Marka uusan shaqo ku jirin, wuxuu waqtigiisa inta badan la qaataa xaaskiisa iyo gabadhiisa. Iyagoo ah kuwo aad u jecel bannaan u bixista, saddexdooda waxay ka helaan ugaarsiga iyo safarrada kalluumaysiga. Baade waxa uu ku faraxsan yahay inuu waqti badan oo qorshaysan la qaato qoyskiisa isagoo isla markaana sii wadaya inuu qabto shaqada uu jecel yahay. Matt Baade, Shaqaale Adeeg Dadweyne – Wadooyinka DhuuntaHOWLAHA GUUD Waxaa qoray Debbie Townsend Maxaa ka madadaalo badan qaboobaha in la dhiso qalcad baraf? Waxay ku wanaagsanaan karaan in lagu ciyaaro, ayna dheer tahay inay faa’iido istiraatiijiyadeed siiyaan dagaalka barafka. Darawallada cagafta barafka xaaqda ee Magaalada Edina waxay arkaan qalcado baraf oo fara badan marka ay nadiifinayaan waddooyinka xilliga qaboobe kasta. Nasiib-darro se, qaarkood ayaa laga dhisaa meelo khatar ah, marka waa in Magaalada ay burburisaa ama ay kala hadashaa dadka waaweyn ee guriga jooga in ay qalcadda ka dhisaan meel badbaado ah. “Waxaan rabnaa carruurta Edina inay ku raaxaystaan qaboobaha, taasina waxaa ka mid ah qalcadaha barafka,” Kormeeraha Wadooyinka John Scheerer ayaa yiri. “Waxaan kaliya rabnaa inay u sameeyaan qaab ammaan ah, si aysan waxyeello uga soo gaarin ama khatar ugu abuurin darawalladeenna.” Dhis Qalcad Baraf oo Badbaado Ah Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaqista barafka Magaalada ama badbaadada qaboobaha, booqo EdinaMN.gov/SnowPlowing. • Ka dhis qalcadaha barafka ugu yaraan 25 fiit meel u jirta wadada • Samee gidaarada saqaf la’aan • Qof ha joogo bannaanka qalcadda markasta oo uu qof ku dhex jiro • Wadada ka ilaali kareetada barafka iyo alaabta ay carruurtu ku ciyaarto marki aan la isticmaaleynin • Iska ilaali cagafta barafka xaaqda maadaama ay baraf kusoo riixi karto qalcadaada agteeda ama aagga ciyaarta • Madadaalo qaado! SAMEESAMEE • Qalcad baraf haka dhisin xirmooyinka barafka wadada dhexdeeda ah • Qalcad baraf haka dhisin meel u dhow wadada ama meel u dhow dhammaadka dariiqa la maro • Ha saarin saqaf ama fooq kore qalcadaada – waa ay dumi karaan oo qof ayay ku habsan karaan • Ha abuurin dhuumo dhammeystiran. Dooro dhufeysyo si aad si fudud uga bixi karto (ama aad u istaagto si aad barafka u tuurto si fiican)! • Haku dhuuman qalcadda marka cagafta barafka xaaqda ay kuu dhowdahay. Udhawee gurigaaga agtiisa, ugu yaraan meel 30 fiit u jirta wadada. (Xor u noqo in aad “Hi” ugu gacan haatiso darawalka!) HA SAMEYNHA SAMEYN Waxaa halkan ku yaalla xoogaa talooyin lagu dhiso qalcad baraf oo badbaado ah: