Loading...
HomeMy WebLinkAboutPublicWorksPipeline_Late2025_Somali-WebDABAYAAQADA 2025DhuuntaHOWLAHA GUUD Biyaha aad Cabayso waxaa loo Aqoonsaday in ay yihiin kuwo Ammaan ah Kormeerka lagu sameeyay biyaha la cabo ee Edina iyo Minneapolis sanadkii hore waxay muujineysaa inay ammaan yihiin. Hadafka Magaaladu waa inay dadka deegaanka siiso biyo ka gudbi kara shuruudaha gobolka iyo federaalka ee ku saabsan ammaanka iyo tayada. Warbixinta 2024 waxay muujinaysaa in biyaha Edina ay dhaafeen heerarka sharci ee tirinta oo dhan. Dadka degan Xaafada Morningside ee biyaha ka helaan Magaalada Minneapolis waxay warbixintani ka heli doonaan macluumaad faahfaahinaya tayada biyaha Minneapolis, sidoo kale. Warbixinta faahfaahsan ka akhri EdinaMN.gov/WaterReport. Waxaa qoray Debbie Townsend Marka ay timaado noocyada dhirta ee waxyeellada leh, geedka buckthorn ayaa ah kan ugu badan ee qabsaday Edina. Wuxuu ka baxaa meel kasta oo aan si joogta ah loo hagaajin, isagoo meesha ka saaro geedaha kale iyo dhirta kale. Balse isaga oo kaliya ma ahan geedka waxyeellada leh. Daqsiga duleeliya geed-dambaska ayaa geed- dambaska ka xaalufiyay guud ahaan Hennepin County – iyo wadankaba. Dhirta Garlic mustard ayaa soo baxda oo meelaha bannaan qabsata. Dhirta ama geedaha kale, inkasta oo aan loo tixgelin kuwo waxyeello leh, ayaa carada qabsan kara haddii aan isha lagu hayn. Shaqaalaha Hagaajiya Beeraha Nasiinada ayaa maalin kasta ka shaqeeya sidi ay dhirta waxyeellada leh uga ilaalin lahaayeen beeraha nasiinada iyo bannaanada, balse mashaariicda gaarka ah ayaa sameeya saamaynta ugu wayn. Waa kuwan dhowr ka mid ah kuwa socda: Beddelista Geed-Dambaska Maalgelinta: $480,000 deeq ah oo ka socota Waaxda Khayraadka Dabiiciga ah ee Minnesota (DNR) Goorta: 2025-2027 Ujeedo: Saarista ku dhawaad 250 geed- dambas dibna loogu tallaalo labo geed oo noocyo kala duwan ah oo lagu beddelo geed- dambas kasta oo la saaro. “Waxaan diirada saari doonaa geedaha ugu halista badan, kuwa khatarta ku ah badbaadada dadwaynaha, sida kuwa kusoo dhici kara dhabbayaasha lugaynta ee wadada dhinaceeda,” ayuu yiri Dhireeyaha Magaalada Luther Overholt. Xusuusin: Haddii geed-dambas uu ka baxo gurigaaga, ruji haddii aan laga gaarin in la badbaadiyo. Dib-u-soo Celinta Beerta Braemar Maalgelinta: Ka mid ah $8.1 milyan oo lagu horumarinayo Beerta Braemar ee laga bixinayo canshuurta iibka nus-sentiga ah ee cod-bixiyuhu oggolaaday Goorta: 2024-2026 Ujeedo: Saarista dhirta waxyeellada leh, gaar ahaan geedka buckthorn, oo laga saaro aagaga beerta ee 500-akar ah si dib loogu soo celiyo kaymo caafimaad qaba, dhulalka qoyan iyo dhul-cawseedka. Dhirta Garlic mustard iyo yamaarugga ayaa laga hortagaa maadaama ay isku-dayaan inay dib u soo baxaan. Dib-u-soo Celinta Beerta Bredesen Maalgelinta: $500,000 oo ka socota DNR; $50,000 oo ka socota Magaalada Goorta: 2024-2026 Ujeedo: Saarista geedaha buckthorn iyo dhirta kale ee waxyeellada leh oo xoogaa dhir ah laga guro 44 akar oo ku dheggan Nine Mile Creek. Dib-u-soo celinta dhul-cawseedka wadaniga ah, kayn caafimaad qabta iyo dhulalka qoyan. “Waa cajiib,” ayuu yiri Tom Swenson, Kaaliyaha Agaasimaha – Beeraha Nasiinada & Khayraadka Dabiiciga ah, oo uu ka yiri isbeddelada dhexda sii marayo ee mashruuca. “Waxay beerta ka wareejisay waayo god mugdi ah una wareejisay dhul-cawseed furan.” Fogaynta Geedka Buckthorn Goorta: Gu’ga iyo dayrta sanad kasta. Taariikhaha soo socdo waa Oktoobar 18, 19, 25 iyo 26 Ujeedo: Dhacdooyin bilaash ah oo dadka deggan Edina ay ku fogayn karaan geedaha buckthorn ee laga jaray guryahooda. Beerta Nasashada ee Fred Richards Maalgelinta: Ka mid ah $17.7 milyan ee lacagta canshuurta iibabka ee cod-bixiyuhu oggolaaday si loogu abuuro Fred Richards Park Goorta: Shaqada dhulka waxay bilaabanaysaa 2025 Ujeedo: Dib-u-soo celinta dhulalka qoyan iyo deegaanka dabiiciga ah, geedo iyo dhir yaryar oo cusub ayaa qayb ka ah beerta diiradda lagu saarayo deegaanka dabiiciga ah ee badalaysa garoon goolofta lagu ciyaaro oo hore. Ka Gurista Geedaha Buckthorn ee Beerta Pamela Park Goorta: 9 a.m. Sabti, Juulaay 12 Ujeedo: Muddo sanado ah, xubnaha River Valley Church waxay isu xilqaamayeen inay jaraan oo ay geedaha buckthorn ka qaadaan qaybaha ka midka ah beerta. Dadka kale waa lagu soo dhawaynayaa inay yimaadaan oo ay wax ka caawiyaan. Saarista Dhirta Waxyeellada Leh Ayaa Wax Ka Badalaysa Beeraha Nasiinada iyo Goobaha 2 Beerista Dhirta Wadaniga ah ee Wadada Willson Goorta: Naqshadda ayaa socoto 2025 Ujeedo: Ku abuurista caws wadani ah halka caws looga beeray Willson ee ku dheggan barxada goolofta ee Edina Country Club. Ka mid ah mashaariicda dhismaha ee aagga. “Marka mashaariicdu isku toosaan, waxaan isku-dayaynaa inaan baddalno cawska la simo ee sida aadka ah loo adeegsan ama ku yaallo meel aan la adeegsan,” ayuu yiri Swenson. “Beddelkiisa, waxaan dib ugu soo celinaynaa dhul-cawseedka dabiiciga ah ama ku beeraynaa wax halkaas ugu negaan kara si dabiici ah.” Beddelistu waxay noqon kartaa mid qaali ah, taasoo ah sababta loogu qabto mashaariic u baahanaya dib u abuurid si kastaba. Mashaariicda kale ee waawayn ee dhawaan ee ku aadan dib-u-soo celinta deegaanka waxaa ka mid ah Arden Park, Braemar Golf Course meelaha hareeraha barxadaha Weber Park, oo qayb ka ahaa mashruuca yaraynta khatarta daadka ee aagga Morningside. Edina waxay leedahay qorshe maarayn ah kaasoo mudnaanta siinaya meelaha u baahan dib-u-soo celinta, Maareeyaha Adeegyada Injineerinka ayuu yiri Ross Bintner, si wax looga qabto hadbo sidi ay u masaamaxaan maalgelinta iyo shaqaalaha. Mashruuc kasta waxaa ka mid ah qorsheyaal dayactir oo muddo-dheer ah si loo xaqiijiyo in dhirta waxyeellada leh aanay u soo laaban. Isxilqaamayaashu waxay dhir yaryar iyo geedo ku beerayaan meelaha dib loo soo celiyay ee Garoonka Goolofta ee Braemar inti lagu jiray dabaaldaggi Abriil 25 ee Maalinta Dhir Beerista. (Sawirka waxaa qaaday Michelle Tanner) 3 Waxaa qortay Jacey Mismash Iyadoo in ka badan 230 mayl oo waddooyin ah ay ku yaalaan Edina, ka dhigista waddooyinka kuwa badbaado iyo nadiif ah waa mudnaanta sare ee Waaxda Hawlaha Guud ee Magaalada. Waddooyinka oo laga nadiifiyo caleemaha, qashinka iyo waxyaabaha kale ee kusoo dhaca, waddooyinka kaliya kama dhigaan kuwo hagaagsan, balse sidoo kale waxay gacan ka gaysataa ilaalinta khayraadka biyaha dabiiciga ah ee Magaalada waxayna yaraysaa wasakhowga hawada ee Edina. Sidee ayay xaaqista wadadu u shaqaysaa? Magaaladu waxay leedahay afar xaaqayaal—hal makaanik, hal qashinka hawo ku soo qaado iyo labo xaaqayaal oo isku dhaf ah. Xaaqayaasha makaanika waxay xaaqimo ku leeyihiin dhinacyada baabuurta si ay wadada uga xaaqaan qashinka, iyagoo ku hagaajinayo xaaqin wayn oo ka hooseeya bartamaha xaaqaha si uu ugu toosiyo suunka wareeganayo kadibna gaariga loogu shubo. Inkastoo xaaqaha hawada ku xaaqa uu sidoo kale leeyahay xaaqimo ku yaallo dhinaca baabuurka, wuxuu isticmaalaa qulqul hawo oo sare si uu qashinka ugu soo nuugo tuubo ka hoosayso bartamaha baabuurka halki uu ka isticmaali lahaa xaaqin kale. Xaaqayaasha isku dhafan waxay isticmaalaan labada hab. Yaa xaaqa waddooyinka Edina? Iyadoo ay madax u tahay Qaybta Waddooyinka ee Waaxda Hawlaha Guud, waxaa jira afar hawl-wadeen: Dean Blenker, Tom Buckley, Trevor Tuinenga iyo Jim Voelker. Isagoo shaqada ku jiray in ka badan 25 sano, Kormeeraha Waddooyinka Shawn Anderson wuxuu og yahay sida ay muhiim ugu tahay in la haysto shaqaale leh xirfadaha saxda ah ee looga shaqeeyo baabuurtaan gaarka ah. “Hawl-wadeenadaan waxay leeyihiin aqoon badan oo farsamo oo ku saabsan sida xaaqayaashani looga dhigo kuwo shaqaynayo oo ku sugan xaalad wanaagsan,” ayuu ku sharraxay. Goorma ayaa waddooyinka la xaaqaa? Magaalada waxay labo jeer xaaqdaa magaalada oo dhan sanadki, mid gu’ga ah marka baraf xaaqista la filayo inay dhammaato, iyo mid la xaaqo dayrta kadib marka caleemaha ay bilaabaan inay soo daataan. Xaaqayaashani waxay maraan gees kasta iyo boos kasta oo la dhigto baabuurta oo ku yaallo Edina, iyagoo caadi ahaan ku qaadata bil ilaa labo bilood inay dhammeeyaan xaaqista oo dhan. Sidee Loo Xaaqaa Waddooyinka Edina? Mid ka mid ah afarta xaaqayaal ee Magaalada ayaa nadiifinaya Xaafada Country Club. (Sawirka waxaa qaaday Jacey Mismash) 4 Sidee dadka magaalada deggan gacan uga gaysan karaan nadiifinta waddooyinka? Yeelo biyo-shub. Ku dadaal inaad biyo shubka ka nadiifiso qashinka, caleemaha iyo cawska xaafadaada maantaba! Iska qor adopt-a-drain.org. Bac ku aruuri caleemahaaga. Marka lakabyo waawayn oo caleen ah ay isku rastaysmaan, xitaa xaaqayaashu ma wada saari karaan. Caleemaha ha ku soo xaaqin ama ha tuurin xagga wadada — ma ahan oo kaliya mid xaafada ah, waa sharciga! Dhig qashinka meesha loogu talagalay. Marka bacaha saxarada, sigaarka, furarka caagga iyo kuwa kale oo badan ay gaaraan biyo-shubka, waxay ku dambeeyaan marinada biyaha ee Edina. Gacan ka gayso nadiifinta waraheena iyo togageena! Si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxay weli samaysaa xaaqis xooggan xagaaga oo dhan iyo inta u dhaxaysa labada xaaqis ee waawayn hadba sidi loogu baahdo, gaar ahaan meelaha u dhow waraha mudnaanta la siiyo. Waxaa laga yaabaa xaaqayaasha in aad Edina ku aragto xagaagan iyagoo wax nadiifinayo kadib dhacdooyinka cimilada ee daran, dhoolatusyada maxalliga ah, dabaaldagyada xaafada iyo mashaariicda dhismaha. Wakhti kasta oo laga yaabo in shaqaaluhu u dhexeeyaan mashaariicda waddooyinka ee xagaaga kale, waxay u badan tahay inaad ku arki doonto iyaga oo jidka xaaqaya. “Waxaan ku dadaalnaa in aan lahaano magaalo nadiif ah, oo hagaagsan,” ayuu yiri Anderson, “oo haddii ay taasi ka dhignaato inaan toddobaad kasta u soo baxno inaan wax hagaajino, hadaba taasi waa waxa aanu samayn doono!” Maxaa ay muhiim u tahay xaaqista waddooyinka? Marka qashinka laga nadiifiyo waddooyinka, waddo xaaqistu waxay Edina ka dhigtaa mid hagaagsan oo nadiif ah iyadoo isla markaana waraha magaalada ka ilaaliso inay ku gurmaan qashin waxyeello leh iyo nafaqo xad dhaaf ah. “Caleentu waa mid ka mid ah ilaha ugu weyn ee fosforaaska xad-dhaafka ah ee laga helo goobaha magaalada,” ayay ku sharraxday Maareeyaha Khayraadka Biyaha Jessica Wilson. “Marka ay ku dambayso biyaha, caleentu way burburtaa nafaqadaasna waxay shidaal u noqotaa xasharaadka ka dhasha waxayna keeni kartaa in xasharaadku uu ku bato waraha magaalada.” Haddii roob uusan qaadin busta iyo qashinka, waxay u badan tahay inay qaado dabaysha, iyagoo galaya hawada hoosna u dhigayo tayada hawada. La kulan kooxda xaaqda waddooyinka! Sawirka laga bilaabo dhanka bidixe loona socdo dhanka midige waa Jim Voelker, Tom Buckley, Trevor Tuinenga iyo Dean Blenker. (Sawirka waxaa qaaday Jacey Mismash) 5 Waxaa qoray Brittany Bader Gudaha Edina, biyaha waxaa lagu qaadaa in ka badan 14,000 oo tuubo. Labo kaliya ayaa ah tuubooyin dahaaran oo u baahan in la beddelo, mana jirto hal tuubo oo maar ka samaysan. Kuwaasi waa natiijooyinki ka soo baxay Liiska Tuubooyinka Adeegga Biyaha ee u dambeeyay, oo qayb ka ahaa mashruuc looga baahnaa dhammaan bixiyayaasha adeegga biyaha oo ay u baahnayd Hay’adda Ilaalinta Deegaanka ee Maraykanka. Tuubada adeegga biyaha waa beebka biyaha nadiifka ah ka soo qaada tuubada weyn ee Magaalada isla markaana biyaha geeya guryaha iyo goobaha ganacsiga ee maalin kasta la isticmaalo. Gudaha Edina, Magaaladu waxay leedahay qaybta laga soo bilaabo tuubada wayn ee biyaha ilaa meesha biyaha looga jiido guriga, halka mulkiilayaasha guryaha ay leeyihiin qaybta laga bilaabo halka biyaha looga jiido guriga ilaa dhismaha. Liiska, oo ay dhammeystirtay Waaxda Hawlaha Guud, wuxuu diiwaangeliyaa noocyada agabka loo isticmaalo tuubooyinka adeegga biyaha ee magaalada oo dhan. Tuubooyinka biyaha ayaa lagu aqoonsaday isku dhafka diiwaanada dhismaha, qodista Waaxda Hawlaha Guud Ma Aanay Helin Tuubooyin Maar Ah Inti Lagu Jiray Liiska Adeegga Tuubooyinka Biyaha biyaha ee meesha biyaha looga jiido guryaha iyo indho-indhaynta gudaha guryaha. “Sida ay sheegtay Waaxda Caafimaadka ee Minnesota, waxaa lagu qiyaasay in 100,000 oo tuubooyinka biyaha oo maar ka samaysan laga helo Minnesota. Anaga inaan awoodno inaan dhahno waxaan ka caaganahay tuubooyinka maarta ee liiski hore waa in ay xasillooni maskaxeed u noqotaa dadka deggan magaaladeena,” ayuu yiri Kaaliyaha Agaasimaha Howlaha Guud Dave Goergen. Waxaad ka daalacan kartaa Liiska Tuubooyinka Adeegga Biyaha ee Magaalada Edina barta EdinaMN.gov/LSL. BOULEVARD WADADA TUUBADADHISMAHA TUUBADA ADEEGGA BIYAHA MEESHA GURIGALOOGA JIIDO BIYAHA QAYBTA MULKIILAHA CABBIRKABIYAHA QAYBTA MAGAALADA TUUBADA WAYN Sharraxaada tuubooyinka adeegga biyaha iyo lahaanshaha gudaha Edina. (Sawirka waxaa leh Dan Doar) 6 Xirmada waxaa laga yaabaa inay ku qoran tahay istiraashooyin la falaashi karo, balse uma burburaan sida warqadaha musqulaha ay u burburaan. Natiijada: Tuubooyin xirma iyo biilal dayactir oo qaali ah. Inkastoo ay jiraan dacwado badan iyo ganaaxyo malaayiin doolar ah, soo saarayaal badan waxay weli ku qorayaan istiraashooyinkoodu inay yihiin kuwo la falaashi karo. Haddii aad isticmaasho istiraasho, ku rid qashinka. Ha falaashin, xitaa iyadoo ay ku qoran tahay xirmada. Wixii macluumaad dheeraad ah, kala xiriir Waaxda Hawlaha Guud 952-826-0376. – Waxaa isku dubariday Debbie Townsend iyo Dan Doar Istiraashooyinka La Falaashi Karo Waxay Xiraan Tuubooyinka Istiraashooyinka Ilmaha, Istiraashooyinka Qoyan iyo Istiraashooyinka La Falaashi Karo Kharashaadka dayactirka bulaacada waa qayb ka mid ah biilasha adeegyada guryaha waxayna kor u qaadi karaan qiimayaasha 10 ka mid ah 12-ki xirmasho ee hore ee bulaacadaha tan iyo 2021 waxay ku lug lahaayeen istiraashooyin Garaasada, Saliida iyo Subaga ayaa sidoo kale ah waxyaabaha ugu badan ee keena xirmashooyinka tuubooyinka 7 Maareeyaha Adeegyada Injineerinka Ross Bintner iyo Agaasimaha Injineerinka Chad Millner ayaa dhawaan abaalmarino wayn ka helay ururadooda xirfadeed. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer)8 Waxaa qortay Kate Heimel Agaasimaha Injineerinka Chad Millner iyo Maareeyaha Adeegyada Injineerinka Ross Bintner waa labo xubnood oo caan ah oo ka tirsan Waaxda Injineerinka Edina kuwaas oo dhawaan loo aqoonsaday wax ku biirintooda xirfaddooda. Injineerka Magaalada ee Sanadka: Chad Millner Millner waxaa loo magacaabay Injineerka Magaalada ee 2024 ee Minnesota oo ay u magacaabeen Ururka Injineerada Magaalada ee Minnesota (CEAM) bishi Janaayo. CEAM waa ururka hormuudka u ah xirfadlayaasha injineerada ee Minnesota. Abaalmarinteeda Sanadka ee Injineerinka Magaalada waxaa lagu maamuusaa wax ku biirinta iyo guulaha injineerada hawsha adag ka qabtay gobolka oo dhan. CEAM ayaa bixinaysay abaalmarinta tan iyo 1985, Millner waa injineerki labaad oo ka socda Edina ee abid qaata abaalmarinta. “Chad wuxuu xaqiiqdi shaqo aad muhiim u ah ka soo qabtay bulshada sababtoo ah bulshadu waxay ku tiirsan tahay kaabayaasha uu Chad nakhshadeeyay lagana dhisay magaaladan,” ayuu yiri Maareeyaha Magaalada Scott Neal. “Wuxuu ku dhex jiray bulshada, wuxuu la hadlayay dadka, wuxuu dhagaysanayay waxay dadku ay ka lahaayeen halka ay ku nool yihiin wuxuuna xaqiiqdi taasi ku xisaabsanayay naqshada injineerinka iyo mabaadii’da uu u adeegsado dhammaan mashaariicdi uu ku lug lahaa.” Millner wuxuu abaalmarinta ku helay labadaba khibradiisa farsamo ee injineerinka iyo sidoo kale hoggaamintiisa iyo ka go’naantiisa hagaajinta bulshada Edina. “Ma jiro qof fisho inuu abaalmarin ugu guulaysto shaqada aan qabano, balse waxaan ka mahadcelinayaa abaalmarinta,” ayuu yiri Millner. “Waxaan isku-dayaa inaan Edina ka dhigo mid xoogaa ka wanaagsan maalin kasta anigoo xaqiijinayo in kaabayaashu ay yihiin kuwo badbaado ah, adkaysi leh loona maareeyo jiilasha mustaqbalka.” Maareeyaha Sanadka: Ross Bintner Bintner waxaa Maareeyaha Sanadka u magacaabay Qaybta Minnesota ee Ururka Hawlaha Guud ee Maraykanka (APWA) bishi Nofeembar 2024. APWA waxay rabtaa inay horumariso tayada nolosha dadka oo dhan, iyadoo taageeraysa xirfadlayaasha dhammaan dhinacyada hawlaha guud iyo kaabayaasha. Abaalmarinta Maareeyaha Sanadka waxaa la guddoonsiiyaa shakhsiga soo bandhiga hoggaamin aan caadi ahayn, hal-abuur, adeeg macmiil iyo bulsho, horumarin xirfadeed iyo wada-shaqayn, oo ay aad uga go’an tahay inuu horumariyo kaabayaasha iyo adeegyada. Labo ka mid ah Shaqaalaha Waaxda Injineerinka Edina Ayaa Helay Maamuusyo Gobolka oo Dhan ah “Ross waa un nin cajiib ah. Xaqiiqdi waa mid u heellan qaybta, kaliya ma ahan gudaha Magaalada Edina, balse qaybta oo dhan, isagoo u dooda mashaariicda nooca biyo- shubka iyo horumarinada deegaanka, kaliya si uu u xaqiijiyo inuu booskiisa iyo bulshada uga tago meel ka wanaagsan halki uu ka bilaabay,” ayuu yiri Mitchell Hoeft, Madaxa Qaybta Minnesota ee APWA. Bintner waxay Qaybta Minnesota u aqoonsatay wax ku biirintiisa waynayd ee horumarinta maaraynta ilaha biyaha ee Magaalada Edina. “Waxaan soo hayay shaqadan muddo 23 sano ah, waxayna u egtahay xaqiiqdi mid wanaagsan inay i maamuusaan asaagayga,” Bintner ayuu yiri. “Waxaan uga mahadcelinayaa ururka iyo asxaabtayda sida ay ii maamuuseen. Waxay i xasuusinaysaa inaan u sii shaqeeyo bulshada iyo tayada nolosha ee Edina.” Wixi macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Waaxda Injineerinka, booqo EdinaMN.gov/Engineering. 9 Mashaariicda Dib-u-dhiska Waddooyinka iyo Dhabbayaasha Wadada Dhinaceeda ah ee Magaalada Ayaa Socda Mashaariicda Jajabinta iyo Shubista Laamiga 2025 Mashruuca jajabinta iyo shubista laamiga, dhowrka inji ee ugu saraysa waddada ayaa la jajabiyaa kahor inta aan lakab cusub oo laami ah aan lagu shubin. Nidaamkani wuxuu ka caawinayaa simida dhulka wuxuuna fidinayaa mudada jidka kahor intaan dhisme loo baahan. Mashaariicda jayga iyo dhigidu waxay muhiim u yihiin Barnaamijka Maareynta Waddooyinka ee Magaalada. Wadooyinka lagu darayo jadwalka jajabinta iyo shubista laamiga ee 2025 ee Magaalada waa: • Dhabbaha McCauley/Wadada East Frontage (laga soo bilaabo Post Lane ilaa kala wareegga 78th Street) • Normandale Boulevard East (78th Street ilaa Viking Drive) iyo niska waqooyi ee Viking • Isgoyska 70th Street & Metro Boulevard • Philbrook Lane • Malibu Drive laga soo bilaabo Washington ilaa geeska dhammaadka • Xaafada Indian Hills “B” Hagaajinada Dhabbayaasha Wadada Dhinaceeda ah iyo Lugaynta Dhammaan dhabbayaasha dhinacyada wadada iyo meelaha ay ka soo koraan dadka lugaynaya ee ku yaala geeska koonfur-galbeed ee magaalada ayaa dhawaan la kormeeray. Inti ay socdeen kormeeradaas, 235 meelood ayaa loo aqoonsaday in la jajabiyo iyo in 390 qaybo dhabbaha wadada dhinaceeda ah la beddelo. Ku dhawaad 25 meelaha loogu talagalay dadka lugaynaya ayaa laga cusboonaysiiyay gudaha aagga si loogu hoggaansamo heerarka Xeerka Naafada Mareykanka (ADA). Taagaga lagu koro waddooyinka ayaa laga xushay meelaha ay dadku ku badan yihiin iyo aagaga iskuulada. Dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah ee geeska koonfur-galbeed ee la beddelayo: • Gleason Road (78th Street ilaa Dewey Hill Road) • Valley View • Valley Lane • Ridgeview Drive • Cahill Road • 70th Street West • Antrim Road • Dewey Hill Road • West 78th10 Sanadkan, waddooyinka ku yaallo xaafada Presidents A & B ee qaybta waqooyi-galbeed ee Edina ayaa la dhisayaa. Mashaariicda dib-u-dhiska waddooyinka xaafada waxaa go’aamiya Waaxda Injineerinka, taasoo si joogta ah dib ugu eegta waddooyinka gaboobaya iyo kaabayaasha adeegyada guryaha. Iyada oo qeyb ka ah mashruuca waddooyinka, Magaaladu waxay qorshaynaysaa in ay dhisto hal dariiq oo wadada dhinaceeda ah iyo labo dhabbo oo la wadaago si ay isugu xiraan xaafada oo dhan ee xagga lugaynta, baaskiil wadista iyo adeegsiga gaadiidka. Waqtiga dhismaha: Dabayaaqada Abriil ilaa bartamaha Nofeembar Shaqada waxaa ka mid ah: • Dib u dhis buuxa oo lagu samaynayo jardiinka laamiga ah ee waddada • Dib-u-dhiska labo luuq • Tuubo weyn oo cusub iyo adeegyada guryaha, oo ay ku jiraan beddelista tuubooyinka wadada ee dabdemiska iyo meelaha laga furo iyo ku darista tuubooyinka wadada ee dabdemiska meeshi lagama maarmaan ah • Hagaajinada nidaamka bulaacadaha nadaafadda • Hagaajinada marinka wadada iyo bulaacada biyaha si loo hagaajiyo biyo ka saarista, oo ay ku jirto rakibidda tuubada guriga salkiisa biyaha ka soo nuugta meeshi ay macquul tahay • Beddelidda qarqarada iyo meelaha hoose ee shubka ah • Dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah iyo dariiqyada: ◦Monroe Avenue (dhabbo 5-fiit ah laga soo bilaabo 2nd Street South ilaa Maloney Avenue) ◦Belmore Lane (dhabbo la isla wadaado oo 8-fiit ah laga soo bilaabo Washington Avenue ilaa Dearborn Court) ◦Washington Avenue (dhabbo la isla wadaado oo 8-fiit ah laga soo bilaabo 3rd Street South ilaa Maloney Avenue) Mashruuca waxa uu inta badan saamayn doonaa taraafiga xaafadda ee maxalliga ah. Si kastaba ha ahaatee, darawallada isticmaala waddooyinka Washington iyo Maloney waa inay fishaan dib-u-dhacyo xilliyaysan maadaama ay kuwani yihiin waddooyin mashquul badan. Shaqaalaha Injineerinka waxa ay kala shaqeynayaan cunto qaybiyaha UNFI inuu baabuurta cuntadooda ay mariyaan waddo kale oo laga leexiyo Washington inta uu socdo iyo kadib dhismaha. Wadada leexadka ee Maloney waxay noqon doontaa Blake Road, Excelsior Boulevard iyo Washington Avenue. Websaytka: BetterTogetherEdina.org/presidents-ab Meesha lagala xiriirayo: Maareeyaha Mashruuca Brandon Freeman, BFreeman@EdinaMN.gov ama 952-826-0448 – Waxaa isku dubariday Kate Heimel Dib-u-dhiska Wadada Xaafada 520 306 300 307 412 6528 6521 6525 6520 308 609 508 406 408 407 516 605 304 516 524 532 305 6512 309 24 422 308 304 301 6521 317 404 411 315 408 512 316 323 407 415 303 322 401 308 308 312 314 419 302 510 322 306 313 320 504 309 299 300 311 414 6624 425 6612 312 419418 401 304 300 513 421 400 301-03 6615 6512 298 310 505 409 6615 417-19 305 408 500 313-15 420 501 421-23 509 309-11 613 302 312 417 300 323 305-07 500 301 410408 317-19 314 6517 416 420 304 318319 308 318 422 411 415 321 315 406 6600312315 301 411 405 409 316 405 314 304 311 319 306 413 308 317 401 306 424 317 425 301 305 307 404 401 414 418 422 408 421 412 407 411 423 423419 305 405 6616 400 424 323 413 415 323 419 411 422 406 311 411 415 315 540 425 404 415 419 404 410 413 309 414 405 423 301 403 424 410 419 409 412 305 411 418 414 409 420 6601 404 410409 416 313 402 409 416 317 423 401 416 407 6606414 414 408 418 411 319 404 415 418 412 420 402 418 425 416 303 416 400 408 415 408 403 417 409 421 422 424 400 415 301 319 405 401 6605423 6609309 400 323 424425 303 417 318 305 311 419 320 6655 402 322 425 423422 310 314316315 304 6651 417 310 412 302 318 306 318 320 404 405 400 409 306 312 308 316 404 414 314 402402 317 406 400 405 416 424 300 319 300 421 302 306 424 403 308 317 420 320 311 300 322 405 313 309 300 321 401 401403 315 404 322 407 425 305307 323 406406 325 307 403 6721 69406938 6750 306 6528 517 BELMORE LN MALONEY AVE ALDEN PARK 3RD ST S 2ND ST S WASHINGTON AVEADAMS AVEJEFFERSON AVEMADISON AVEMONROE AVEJACKSON AVEVAN BUREN AVEHARRISON AVETYLER AVETYLER CT Xadadka Mashruuca Dhabbaha Dhinaca Wadadaee Hadda Jira Dhabbaha Dhinaca Wadadaee La Soo Jeediyay Dhabbaha Dhinaca Wadadaee Mustaqbalka Dariiqa La isla Wadaagoee Hadda Jira Dariiqa La isla Wadaagoee La Soo Jeediyay Seedka Baaskiilka eeLa Soo Jeediyay Micnaha Dib-u-dhiska Wadada Xaafada Presidents A & B Dariiqyada iyo Dhabbayaasha Dhinaca Wadada Ah ee Jiray iyo Kuwa La Soo Jeediyay 11 La bilaabay: Horraanti Maarso. Waxaan shaqo xilliyeed ka bilaabay Magaalada sanadki 2019. Kadibna waxaan shaqo buuxdo bilaabay sanadki 2023 anigoo Shaqaale Adeeg Dadweyne ka noqday Dayactirka Beeraha Nasiinada ee Centennial Lakes Park, kadibna waxaan aaday shaqo ku salaysan Arneson Acres Park sanadkan. Waa maxay waajibaadka guud ee shaqadaada? Waxaan masuul ka ahay dayactirka iyo ilaalinta meelaha wax lagu beero ee beerta ee ay Magaaladu leedahay. Waxaan cawska ka jaraa Arneson Acres, ubaxyada dhintay ka guraa dhirta, siibaa dhirta aan la rabin iyo makiinada dhirta lagu jaro si aan uga dhigo meesha wax lagu beero mid nadiifsan, waraabsan una eg mid wanaagsan. Sida ay u kulushahay una qalalan tahay, hawlaha ayaa xoogaa gaabis ahaan doona bisha Juulaay, laakiin isla markiiba waxaan bilaabi doonaa qorshaynta meelaha wax lagu abuurayo sanadka soo socdo waxaana gudbinayaa dalabyada buruqyada, ubaxyada sanadaha noolaada iyo qaar kale oo badan. Waa maxay waxa kaa farxadgeliyay booskan? Korinta wax kasta laga soo bilaabo iniinta ilaa geedka – waxaan jeclahay un intaas. Taasi waxay ii farxad-gelisaa si aad ah. Halkee ayaad ka soo shaqaysay ka hor Magaalada Edina? Waxaan ka soo shaqeeyay Aqalka Dhirta Lagu Koriyo ee Wagner xilliga aan fasaxa ka ahaa shaqada. Waxaan ka shaqeeyay tafaariiqda kadibna waxaan in badan la shaqeeyay aqalada dhirta ee halkaas. Waxaan fasallo badan la sameeyay aqalada dhirta waxaana qabtay xoogaa aqoon-is-waydaarsiyo ah oo aan sidoo kale ka sameeyay Wagner. Connor Clifford, Shaqaale Adeeg Dadweyne – Dayactirka Beeraha Nasiinada Dadka Hawlaha Guud Xubno Shaqaale Cusub Ayaa Kusoo Biiray Kooxaha Hawlaha Guud, Dayactirka Beeraha Nasiinada Waxaa qortay Lauren Siebenaler Waaxda Hawlaha Guud iyo Qaybta Dayactirka Beeraha Nasiinada waxay dhowr shaqaale cusub oo karti leh ku soo dhaweeyeen shaqaalahooda ka kooban 65. Baro shaqaalaha cusub ee ka shaqeeya Magaalada iyo sida dariiqyadoodu ugu horseedeen Edina. Sawirada waxaa qaaday Lauren Siebenaler1212 La bilaabay: Horraanti Maarso Waa maxay waajibaadka guud ee shaqadaada? Waxaan ka shaqaynaa dayactirka calaamadaha waddooyinka, xar-xariiqista waddooyinka, rakibaada meelaha laga gudbo waddooyinka, dhigista waxyaabaha lagu xakameeyo taraafigga iyo, xilliga qaboobaha, xaaqista barafka. Waa maxay waxa kaa farxadgeliyay booskan? Waxaan ku faraxsanahay inaan wax ka caawiyo xar-xariiqista waddooyinka iyo fujinta laamiga si aan caagga la dhalaaliyo ugu rakibno meelaha dadku ay ka gooyaan iyo fallaaro. Halkee ayaad ka soo shaqaysay ka hor Magaalada Edina? Waxaan shaqaalo xilliyeed ka ahaa halkan muddo saddex sano ah anigoo isku wax qabanayo saamarada. Iyo hal sano oo u dhexeeyay kulleejka iyo halkan, waxaan qabanayay dib-u-habaynta guryaha. Ma haysaa wax kale oo aad nala wadaagto oo ku saabsan shaqadaada cusub? Madaxayga iyo qof kastaba aad bay u wanaagsanaayeen. Waxaan ku faraxsanahay in aan halkan joogo. Alex Pelinka, Shaqaale Adeeg Dadweyne – Badbaadada Taraafiga La bilaabay: Horraanti Abriil Waa maxay waajibaadkaaga guud ee shaqada? Waxaan weli baranayaa baaxadda shaqada oo dhan, balse qaybta wayn waa ilaalinta liiska, sida qaybaha, foomamka iyo kaararka gaaska ee waaxyaha oo dhan. Waxaan sidoo kale wax ka caawiyaa qaybta qaabilaada ee Xarunta Waaxda Hawlaha Guud & Dayactirka Beeraha Nasiinada waxaana gacan ka gaystaa hawlaha. Waa maxay waxa kaa farxadgeliyay booska? Waxaan rajaynayaa inaan barto qofkasta oo aan ogaado sida ugu fiican ee aan u caawin karo. Halkee ayaad ka soo shaqaysay ka hor Magaalada Edina? Ayaan dhow, waxaan ka soo shaqeeyay gedislayda Lexus. Sooyaalkayga aasaasiga ah waa duulimaadka, oo ay ku jirto 11 sano oo aan ka shaqaynayay Delta. Amy Highum, Khabiirka Xakamaynta Liiska La bilaabay: Bartamihi-Abriil Waa maxay waajibaadka guud ee shaqadaada? Waxaan ka shaqeeyaa dayactirada iyo badalaada tuubooyinka waawayn ee biyaha, badalada tuubooyinka wadada ee dabdemiska, xaaqista barafka xilliga qaboobaha iyo dayactirka waddooyinka ee guud. Halkee ayaad ka soo shaqaysay ka hor Magaalada Edina? Waxaan u soo shaqeeyay Magaalada Minneapolis muddo sagaal sano ah. Waxaan soo qabtay beddelista tuubada dabdemiska ee wadada dhinaceeda ku taasho, beddelista mitirka ee guryaha la deggan yahay iyo goobaha ganacsiga iyo beddelista tuubooyinka adeegga biyaha. Waa maxay waxa kaa farxadgeliyay booskan? Waa jawi cusub kadib marki aan sagaal sano ka shaqaynayay hal meel. Waxaan ku faraxsanahay in aan isku-dayo waxyaabo cusub oo aan ka shaqeeyo goob kale. Winston Nimely, Shaqaale Adeeg Dadweyne – Adeegyada Guryaha Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Waaxda Howlaha Guud, booqo EdinaMN.gov/PublicWorks.13 Sideen u tebiyaa godadka? Godadka ku soo sheeg aabka Edina 311, oo laga helo App Store iyo Google Play. Waxaad sidoo kale soo sheegi kartaa dhibaatooyinka kale sida damista nalalka wadada ama waxyaabaha ku soo dhaca wadada, adigoo adeegsanaya aabka. Ama waxaad booqan kartaa EdinaMN.gov/ReportProblem ama wac 952-826-0376 si aad dhibaato ugu sheegto. Waxaa jira waxyaabo ku soo dhacay daaradayda oo ka yimid duufaan. Magaaladu miyaa ay qaadaysaa? Maya, Magaaladu ma qaado waxyaabaha ku soo dhaco daaradaha guryaha. Fadlan la xiriir qashin qaadahaaga si aad uga hesho xulashooyinka qaadista. Halkee kala xiriiraa wixi su’aala ah ee ku saabsan biilkayga biyaha? Wixi su’aala ah ee ku saabsan biilkaaga, fadlan kala xiriir Qaybta Biilasha Adeegyada Guryaha ee Waaxda Maaliyadda lambarka 952-826-0373. Su'aalaha Badanaa La Is Weydiiyo Maxay ka dhigan yihiin calamada midabada kala duwan leh ee daaradayda? PODS ama weel la mid ah oo wax lagu kaydsado ma dhigi karaa wadada? Maya. Alaabta wax lagu kaydsado lama dhigi karo wadada wakhti kasta. Waa in lagu kaydiyaa daarada ama dariiqaaga baabuurta. Haddii gurigaaga uu ku jiro ururka Homeowners Association, waa in aad kala xiriirtaa iyaga wixi ku saabsan sharciyo kasta oo ay leeyihiin oo ku aadan alaabta wax lagu kaydiyo. Waxaa jira caws cusub ama caws horay loo beeray oo ka baxo daaradayda waxaana u baahanahay inaan waraabiyo maalin kasta. Ma jiraa oggolaansho oggolaanayo arrintan? Haa. Waxaad oggolaansho maalinkasta aad ku waraabsato ka qaadan kartaa Xarunta Waaxda Hawlaha Guud & Dayactirada Beeraha, 7450 Metro Blvd., inta u dhaxaysa 7 a.m. iyo 3:30 p.m. Isniinta ilaa Jimcaha, marka laga reebo ciidaha Magaalada. Oggolaanshahani wuxuu kuu oggolaanayaa inaad waraabiso maalin kasta muddo 14 maalmood ah balse lama oggola inta u dhaxaysa 11 a.m. iyo 5 p.m., taasoo aan marnaba la oggolayn. Sideen ku helaa baaritaan kale oo ku aadan biyahayga? Magaalada Edina iyo Waaxda Caafimaadka ee Minnesota waxay sameeyaan dhammaan baaritaanada biyaha ee biyaha lagu bixiyo nidaamka Magaalada sida uu farayo Xeerka Biyaha Cabitaanka ee Badbaadada ah si loo ilaaliyo badbaadada biyaha la cabbo ee bulashadeena. Natiijada baaritaanka biyaha magaalada waxaa sanad kasta lagu daabacaa daabacaada xagaaga ee Dhuunta Hawlaha Guud. Haddii aad ku tiirsan tahay ceel gaar loo leeyahay, waxaad masuul ka tahay in aad si joogta ah u baarto biyahaaga ceelka si aad u hubiso inay badbaado yihiin. Waaxda Caafimaadka ee Minnesota waxay bixisaa hagitaan ku aadan waxa la baaro, sida loo baaro waxayna haysaa liiska sheybaarada la aqoonsan yahay. Booqo bit.ly/43awNJG. – Waxaa isku dubariday Holly Conwell Calamada dayrkaada waxay astaan u yihiin kaabayaal kala duwan. Waa kan furaha waxa midab kasta uu caadi ahaan la micno yahay: Buluugga Biyaha la qaadi karo Caddaan Meel la soo jeediyay in la qodo Jaalle gaas iyo saliid Basali Waraab Guduud Fiilooyinka korontada, keebalada, iwm. Oranji Fiilooyinka isgaarsiinta (taleefanada, intarneedka) Cagaarka Bulaacadaha iyo tuubooyinka qaada wasakhda Xabxabi Astaymaha hawlaha dhismaha ee ku meelgaarka ah 14 4-6 a.m. Waqtiga ugu fiican ee la waraabiyo? 10-15 daqiiqo, labo ilaa afar jeer toddobaadki. Waraabi goob kasta/aagga waraabka TIROOYIN AHAAN Waraabinta Cawska Waraabinta badan waxay khasaarisaa biyaha waxayna kugu kordhinaysaa biilashaada biyaha. Dhowr tallaabo oo habboon ayaa ka dhigi doona cawskaaga mid caafimaad qaba adigoo tashiilayo biyaha iyo lacagta. Wixi macluumaad dheeraad ah, kala xiriir Kaaliyaha Agaasimaha Hawlaha Guud Dave Goergen lambarka 952-826-0312 ama dgoergen@EdinaMN.gov. 11 a.m.-5 p.m. Waraabku waa mamnuuc inta u dhaxayso Ciwaanada lambaradoodu ku dhamaadaan tirada DHABAN waxay waraabsadaan maalmaha DHABANTA ah.0, 2, 4, 6, 8Dhaban Ciwaanada lambaradoodu ku dhamaadaan tirada KISIGA waxay waraabsadaan maalmaha KISIGA ah.1, 3, 5, 7, 9Kisi Xadidaadaha biyaha oo dheeraad ah ayaa la soo rogi karaa inta lagu jiro xaaladaha abaaraha. Ka eeg xaaladda hadda barta EdinaMN.gov/WateringRestrictions. 15 Waxaa qortay Jacey Mismash Laga soo bilaabo Togga Minnehaha ilaa Warta Cornelia, marin-biyoodyada badan ee Edina waa sabab wayn oo ay dad badani u doortaan inay magaaladan ugu yeeraan “gurigooda.” Nasiib-darro, marka wasakhda lagu qubo meelaha biyo-shubka ee maxalliga ah, waxay waraha iyo togaga Edina ka dhigaan guri ay iyagu leeyihiin — mid ay ka buuxaan kiimikooyin waxyeello leh iyo qashin. “Marka wasakheeyayaasha ay galaan nidaamka biyaha roobka qaada, waxay durbadiiba gaaraan waraheena iyo durduradeena biyaha,” ayay tiri Maareeyaha Kheyraadka Biyaha Jessica Wilson. “Maadaama biyaha ka yimaada nidaamyadeena biyaha roobka ay marinada biyaha galaan iyagoo aan la daawayn, qadarro xad-dhaaf ah oo wasakheeyayaashaan ah waxay si xun u saameeyaan nidaamyada noolaha ee deegaanka iyo tayada biyaha.” Nadiif Ka Dhig: Ilaalinta Biyaha Edina Ku qubidda ama ku shubista wasakheeyayaasha ee biyo-shubka ayaa ah waxa loo yaqaano “qubid sharci darro ah,” waana sharci darro gudaha Edina. Qubidda sharci darrada ah waxaa ka mid ah, balse aanay ku koobnayn, waxyaabaha ka soo hara dhismaha, saliida iyo badeecadaha ka samaysan saliida, wasakhda daarada iyo qashinka. Haddii qubid sharci-darro ah la helo, Magaaladu waxay la xiriiri doontaa qofka wasakheeyay si uu wasakhda si ku habboon ugu nadiifiyo. Si kastaba ha ahaatee, xadgudubyada soo noqnoqda waxay keeni karaan ganaaxyo lagu daboolo wakhtiga shaqada iyo agabka Magaalada ee loo adeegsado in si ku habboon wax looga qabto qubidda. “Waxaa xusid mudan in qubiddu ha ahaato mid ula kac ah ama mid aan ula kac ahayn, qubidda sharci darrada ah weli waa qubid sharci darro ah,” ayay tiri Wilson. Waxaa jira dhowr meelood oo laga soo reebayo qubidda sharci darrada ah: biyaha laga soo nuugay guriga salkiisa, biyaha barkadda dabbaasha ee koloriinta laga saaray, baabuur ku dhaqashada guriga iyo biyaha ka soo qulqula dabdemiska kadib gurmadka degdegga ah. Guud ahaan, waxaa wanaagsan in la xusuusnaado in kaliya biyaha roobka ay maraan biyo-shubka. “Wadajir uga wada shaqaynta in la aqoonsado lagana hortago qubiddan, waxaan gacan ka gaysanaynaa ka dhigista meelaheena ay biyaha fadhiyaan kuwo caafimaad qaba oo badbaado ah,” ayay ku sharraxday Wilson. Ma ka shakisan tahay qubid sharci darro ah? Warbixin ka gudbi barta EdinaMN.gov/ Edina311 ama Wilson iimayl ugu dir jwilson@EdinaMN.gov. 16 DhuuntaHOWLAHA GUUD