Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_Sept-2025_Somali-Web (1)Barxadda Goolofta ee Braemar Waxay Martigelinaysaa Furitaanka Ciyaaraha Adaptive Open (Ciyaaraha Naafada) In Ka Badan 50 Mutadawace Ayaa isu Xilqaamay Dhacdada Sibteembar 26-28 Minnesota Adaptive Open (Ciyaaraha Naafada ee Minnesota) ayaa Sibteembar 27 iyo 28 lagu qaban doonaa Barxadda Goolofta ee Braemar. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqno furitaanka Minnesota Adaptive Open (Ciyaaraha Naafada ee Minnesota), oo ah tartankii ugu horreeyay ee noociisa ah oo la qabto iyadoo lala kaashanayo Magaalada Edina iyo Barxadda Goolofta ee Braemar iyo Courage Kenny Rehabilitation Institute,” ayuu yiri Paul Meierant, Gudoomiyaha Ururka Goolofta ee Minnesota (MGA). “Dhacdadani waa mid aad ugu habboon shuraakadeena ku midaysan hiigsiga aan wadaagno ee ah: xaqiijinta in goolofta la wada heli karo, loo dhan yahay oo uu mahdiyo qof kasta oo ku nool Minnesota siina xoojiso ballanqaadka wadajirka ah ee ciyaarta looga dhigayo mid si dhab ah u soo dhawaysa qof kasta, iyadoo aan loo eegin lixaadka/awoodda qofka. Hoggaanka Braemar ee barnaamijka la qabsiga iyadoo loo marayo wada- shaqayn dheer oo ay la leeyihiin Courage Kenny, oo ay wehliyaan kheyraadka iyo ruuxda bulshada Edina, ayaa tartankan ka dhigaya wax ka badan dhacdo—waa dabbaaldegga waxa suurtagal ah marka ururadu ka wada shaqeeyaan sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha.” Shaqaalaha Magaalada waxay aad ugu farxeen in Braemar loo doortay in lagu qabto dhacdada. “Barxadda Goolofta ee Braemar iyo Magaalada Edina waxay aad ugu faraxsan yihiin inay shuraako la noqdaan MGA si ay u martigeliyaan ciyaarahaan cajiibka ah,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Barxadda Goolofta ee Braemar Joe Abood. “Yoolku wuxuu yahay in ciyaaraha Minnesota Adaptive Open laga dhigo mid ka mid ah horyaalada wadanka.” Agaasimaha Goolofta ee PGA Tommy Koehler ayaa ku raacay. “Sharaf weyn bay noo tahay halkan Barxadda Goolofta ee Braemar in loo xushay martigaliyaha furitaanka ee ciyaaraha Minnesota Adaptive Open,” ayuu yiri. “In loo doorto goobta furitaanka waxay markhaati ka tahay maalgelinta Magaalada Edina ee lagu sameeyay isboortiga naafada. Waxaanu rajeyneynaa saddex maalmood oo cajiib ah bisha Sibteembar waxaana rajeyneynaa inaan ka caawino Ururka Goolofta ee Minnesota inuu qabto dhacdo heerka koowaad ah.” Shaqaalaha Braemar waxay ku mashquulsanaayeen qorshaynta iyo hanashada mutadawiciin isu xilqaama dhacdada. Braemar waxay qabatay diiwaangelin mutadawace/isxilqaame oo ka badan 50 xubnaha bulshada ah kuwaasoo u faraxsan sida shaqaalaha si ay uga dhigaan dhacdadan mid cajiib ah. Ciyaaraha naafada ee Minnesota Adaptive Open waxaa lagu tartami doonaa in ka badan 36 god oo ciyaar tuurasho oo lagu qabanayo barxadda goolofta ee 18-ka god ah ee tartanka Braemar. Tartanku wuxuu u furan yahay xirfadlayaasha aqoonta u leh iyo kuwa ku cusub, ee naafada ka ah caqliga, neerfaha, dareenka ama lixaadka, haysta World Ranking for Golfers with Disability Pass (Kaarka Qiimaynta Adduunka ee Ciyaartoyda Goolofta ee Naafada ah) iyo sidoo kale World Handicap System Handicap Index (Tusmada Nidaamka Naafada Adduunka) oo la oggolaaday. Garoonku wuxuu ka koobnaan doonaa 40 ciyaartooy, oo uu ku jiro Max Togisala ee Clearfield, Utah, kaasoo ku jira kaalinta 1-aad ee ciyaartoyga kursiga ku fadhiya kuna dhammaystay 10-ka kaalin ee ugu horreeya (kaalinta 6aad guud ahaan ragga) ee ciyaarta Naafada Maraykanka U Furan ee la qabtay bishi Juun. Ciyaartoyda goolofta ee maxalliga ah waxaa ka mid ah Andrew Bergland, Kyle Erickson, Tim Herrmann, Nic Urban iyo Justin VanLanduit, iyo kuwa kale, halka inta kale ee garoonka ay ka kala socdaan 14 gobol guud ahaan wadanka. Jimce, Sibteembar 26, Courage Kenny, shaqaalaha Braemar iyo MGA waxay martigelin doonaan tababar bilaash ah oo ku saabsan goolofta naafada saacada 4 ilaa 5 p.m. oo lagu qabanayo aagga tababarka ee Braemar. U furan dadwaynaha, kaqaybgalayaashu waa inay iska diiwaangeliyaan barta www.golfgenius.com/ggid/ev3y9c/register. Barxadda Goolofta Braemar waxaa la furay 1964 waxaana lagu qiimeeyay inay ka mid tahay 75-ka barxado ee goolofta dadwayanaha ee ugu sarreeyo Maraykanka. Barxadda waxaa dib-u-qaabayn ballaaran ku sameeyay rugcadaaga nakhshadeeya barxadaha goolofta Richard Mandell sanadki 2019. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Waaxda Golf-ka ee Braemar, booqo BraemarGolf.com. Si aad u hesho wax badan oo ku saabsan ciyaaraha naafada ee Minnesota Adaptive Open, booqo mngolf.org. Si aad u taageerto ciyaaraha naafada ee Minnesota Adaptive Open, booqo mngolf.org/foundation. SIBTEEMBAR 2025 Majalada 12, Qeybta 9 Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina (Sawirka faylka) ¹» ¹» ¹º¹º ¹º ñ ñ ¹» ¹º ¹º ¹º ¹º ¹º ¹º ñ ¹» ñ ñ ñ ñTRACY AVEVERNON AVEWOODDALE AVEHANSEN RD70TH ST W FRANCE AVE SVALLEYVIEWRDMINNESOTA DRGLEASONRDEdinaCommunityCenter AvailAcademy Golden Years Montessori CityHall St Peter's LutheranChurch & School South ViewMiddle School NormandaleElementary ConcordSchool CorneliaSchool SouthdaleLibrary Fire Station Public Works & Park Maintenance Creek ValleySchool FireStation Valley View Middle School Edina High School Countryside School HighlandsSchool EdinaCommunity Library Our Lady of Grace Church & School M innehahaCreek NineMileCreek N i n e Mile Creek SouthdaleCenter Canadian Pacific RailroadCanadian Pacific RailroadBLAKE RDSCHAEFER RDV E RN O N A V ECAHILL RD66TH ST W YORK AVE SINTERLACHEN BLVD MALONEY AVE 4 4 T H S T W 50TH ST W 54TH ST W 58TH ST W 70TH ST W 76TH ST W DEWEY HILL RD VALLEY VIEW RD VALLEY VIEW RD 78TH ST W I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62 April 2019 ±Legend 0 2,000 Feet 11 12 6 Raadraacaha Horumarka (Development Tracker) Raadraacaha Horumarka Magaalada Edina waxaa ka mid ah mashaariic isugu jirta dib u dhis iyo dhismeyaal cusub oo la soo gabagabeeyay lixdii bilood ee la soo dhaafay, kuwo isla markaas socda, kuwo codsiyo rasmi ah usoo gudbiyay Magaalada ama intooda badan la ogolaaday.. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mashaariicda horumarinta ee Edina, booqo BetterTogetherEdina.org/Development 6 7 2 4 5 1 Arcadia ¹»¹»¹º¹º¹ºñ ñ¹»¹º¹º¹º¹º¹º¹ºñ ¹»ññ ññTRACY AVEVERNON AVEWOODDALE AVEHANSEN RD70TH ST W FRANCE AVE SVALLEYVIEWRDMINNESOTA DRGLEASONRDEdinaCommunityCenterCalvinChristianSchoolGoldenYearsMontessoriCityHallSt Peter's LutheranChurch & SchoolSouthviewJr HighNormandaleElementaryConcordSchool CorneliaSchool SouthdaleLibraryFireStationPublic Works &Park MaintenanceCreek ValleySchool FireStationValley ViewJr HighEdinaHighSchoolColonialChurchCountrysideSchool HighlandSchool PublicLibraryOur Lady ofGrace Church& School M in ne hahaCreekNineMileCreek N ine Mile Creek Canadian Pacific RailroadCanadian Pacific RailroadBLAKE RDSCHAEFER RDVERNON AVE CAHILL RD66TH ST W YORK AVE SINTERLACHEN BLVDMALONEY AVE 44TH ST W50TH ST W 54TH ST W58TH ST W70TH ST W 76TH ST W DEWEY HILL RD VALLEY VIEW RDVALLEY VIEW RD 78TH ST W I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62 April 2019 ±Legend 0 2,000 Feet 10 14 Guryaha The Setting Apartments 9 Saldhiga Dabdemiska 2 13 8 3 2 1 Qaybin-hoosaada Hankerson Goobta: 5120 iyo 5124 Hankerson Ave. Soosaare: Donnay Homes Marxaladda: La ogolaaday Oggolaanshiyo hore ayaa la siiyay mulkiilaha booska si guryaha ku yaalla 5120 iyo 5124 Hankerson Ave. loogu kala qaybiyo saddex boos. Guryaha hadda ka dhisan labada boosba waa la dumin doonaa waxaana guryo cusub laga dhisi doonaa boos kasta oo cusub. 2 Goobtii Hore ee Howlaha Guud Goobta: 5146 Eden Ave. Soosaare: Maamulka Guriyeynta iyo Dib u Horumarinta (HRA) ee Edina horumariyahana waa la go’aamin doonaa Marxaladda: La Hakiyey Maamulka Guriyeynta iyo Dib u Horumarinta (HRA) ee Edina waxaa dhawaan soo gaaray soo jeedimo badan oo lagu iibsanayo laguna horumarinayo goobta. Marka loo eego soo jeedimahaan, shan kooxood oo horumariya hantida ma guurtada ah ayaa ay waraysatay HRA bishi Agoosto. HRA waxay fartay shaqaalaha inay la galaan gorgortanka iibka dhulka mid iyaga ka mid ah. Kooxda horumarinta waxay u baahnaan doontaa inay raadsato oggolaanshiyaasha adeegsiga dhulka iyagoo u maraya hannaanka dib-u-eegista naqshadaynta caadiga ah ee Magaalada. 3 Arcadia Goobta: 5100 Eden Ave. Soosaare: Shirkadda Opus Development Marxaladda: La ogolaaday Oggolaanshiyo hore ayaa la siiyay shirkadda Opus Development Company si ay u dumiso dhismaha ka dhisan meesha ee xafiiska afarta biyaano ah ee cabbirkiisu yahay 38,000-fiit oo laba jibbaaran ee ku yaalla 5100 Eden Ave. kana dhisto dhisme xafiis oo shan biyaano ah, oo cabbirkiisu yahay 112,000-fiit oo laba jibbaaran. Dhismaha cusub waxaa suurtagal ah in lagu daro goobta tafaariiqda lagu gado oo ku taasho dabaqa dhulka la siman. Opus waxay damacsan tahay inay dagto qayb ka mid ah dhismaha, oo u noqon doona xarunteeda guud, iyadoo ka soo guurayso goobta hadda ay shirkaddu ku taasho ee Minnetonka. 4 Vernon Townhomes Goobta: 5516 Vernon Ave. Soosaare: Abundance Properties Marxaladda: La ogolaaday Oggolaanshiyo hore ayaa la siiyay shirkadda Abundance Properties si ay u dumiso guriga halka-qoys ah ee ka dhisan 5516 Vernon Ave. kana dhisto guryaha magaalada ee isku dheg- dheggan ee labo-labada qoys ay degaan. Guryaha waxay marin ka heli doonaan tooska Vernon Avenue, dhanka galbeed ee booska. 5 Xarunta Xafiiska Southdale Goobta: 6600-6868 France Ave. Soosaare: Southdale Office Partners Marxaladda: Dhisme Ku socdo Shirkadda Southdale Office Partners waxay dib u qaabaynaysaa gudaha dhismaha xafiiska dhexe ee dhisan iyo maqaaxida waxayna ku darayaan labo dariiq oo yaryar si looga galo. Oggolaansho adeegsi shuruudaysan ayaa la siiyay si xafiiska loogu sii isticmaalo goobta. 6 70th & France Goobta: 7025 France Ave. Soosaare: Maalgashiga Orion, ESG iyo Mortenson Marxaladda: Oggolaanshiyaha Qorshaha Goobta Wakhtigiisa Ayaa Dhacay Wejiga 2-aad ee dib-u-horumarintan waxaa ka mid ah dhisme 24-biyaano ah, oo ka kooban 267 qaybo abaartimentiyo oo leh 1,500 fiit oo laba jibbaaran oo tafaariiqda lagu gado; lix-ilaa-todoba biyaano, xafiis/dhisme tafaariiq oo 189,430 fiit oo laba jibaaran ah; iyo goob baabuurta la dhigto oo 540 baakin isdulsaaran oo sideed heer ah taasoo haysata boos baaskiil oo cabirkiisu gaarayo 1,300 fiit oo laba jibbaaran. 7 Maktabadda Southdale Goobta: 7001 York Ave. S. Soosaare: Hennepin County Marxaladda: La ogolaaday Oggolaanshiyo hore ayaa la siiyay Hennepin County si ay u dumiso dhismaha meesha ka dhisan ee Maktabadda Gobolka ee Hennepin County iyo Xarunta Adeegga si ay uga dhisto maktabad cusub oo 43,107-fiit oo laba jibbaaran ah oo leh boos 16,164-fiit oo laba jibbaaran ah oo loogu talagalay Xarunta Farshaxanka Edina, oo ah kireyste ku cusub maktabadda. Dhismaha wuxuu ku yaali doonaa niska waqooyi ee goobta 7.75-akar ah; niska koonfureed waxaa lagu dari doonaa boos cagaaran oo leh dhabbayaal dhinaca wadada ah/dariiqyo baaskiil si loogu xiro dhabbaha baaskiilka ee gobolka ee sii maraya Adams Hill Park ilaa koonfur. Baakinka wuxuu ku yaalli doonaa dhulka hoostiisa marka laga yimaado booska baakinka dhulka dushiisa ah ee ku teedsan 70th Street. 8 Guryaha The Setting Apartments Goobta: 7200 France Ave. Soosaare: Afton Park and Orion Investments Marxaladda: Dhisme Ku socdo Mashruucan walaasha la ah ee dib-u- horumarinta 7250 France Ave. waxaa la dhammaystiri doonaa kadib dhismaha Craftsman on France. Mashruucu wuxuu ka koobnaan doonaa dhisme abaartimenti ah oo cusub oo ka kooban lix biyaano oo leh 153 qaybo guryo la kiraynayo. Guryaha intooda badan ayaa la qiimo ah kuwa suuqa iyadoo 10% laga dhigayo kuwa qiimahooda si joogta ah loo awoodi karo. 9 Craftsman on France Goobta: 7250 France Ave. Soosaare: Orion Investments Marxaladda: Dhisme Ku socdo Goobtan waxaa dib loogu horumarin doonaa labo weji. Wejiga 1 waxaa ka mid ah shaqada guud ee goobta iyo dhismo xafiis shan biyaano ah oo cusub, oo 124,620-fiit oo labo jibbaaran ah iyo dukaan qaxwe oo la yiraahdo Craftsman on France. Baakinka waxaa laga bixin doonaa dhismaha hoostiisa. Shaqada goobta waxaa ka mid ah balliga biyaha roobka iyo barafka, dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah, fagaarayaal dadweyne, goob cagaaran iyo bilcinta dhulka. 10 Dib-u-horumarinta Isticmaalka Isku Dhafan ee Enclave Goobta: 7235 France Ave. Soosaare: Enclave Companies iyo Lifestyle Communities Marxaladda: La ogolaaday Oggolaanshiyo hore ayaa la siiyay in booska sagaalka akar ah loo kala qaybiyo saddex boos oo kala duwan. Afar dhismo ayaa loo oggolaaday in laga dhiso goobta. Bakhaarki Macy ee ku yaalla waa la raray halka dhismaha ka dhisan la filayo in la dumiyo dayrta ama qaboobaha. Afarta dhisme ee cusub waxaa ka mid ah: • Booska koonfur-galbeed: Dhisme 11-biyaano ah oo ka kooban guryo gaar loo leeyahay kuwaasoo ay ka mid yihiin 49 guryaha waayeelka ah, goob xafiis 47,000- fiit oo laba jibaaran ah iyo 9,500 oo fiit oo laba jibaaran oo boos maqaaxi/tafaariiq ah oo wadada la siman • Booska waqooyi-galbeed: Dhisme toddobo-biyaano oo isticmaal isku dhafan leh oo ka kooban 124 abaartimentiyo, 20,000 fiit oo laba jibbaaran oo boos xafiis ah iyo 7,500 fiit oo laba jibbaaran oo ah goob maqaaxi/tafaariiq oo heerka wadada la siman • Booska waqooyi-beri: Dhisme toddobo- biyaano ah oo leh 223 abaartimentiyo kiro ah • Booska koonfur-beri: Dhisme toddobo- biyaano ah oo leh 176 abaartimentiyo kiro ah iyo maqaaxi 4,100 fiit oo laba jibbaaran ah Dhisme kasta waxaa ka mid noqon doona baakin gudaha ah oo loogu talagalay dadka deggan, shaqaalaha iyo macaamiisha. Baakinka ku yaala heerka wadada la siman ayaa u furan dadweynaha guud. Qorshaha wadada ayaa qaabeynaya dariiqyo wado oo cusub, dariiqayada lugeynta dhinacyada wadada oo cusub iyo aagag bilcin ah oo cusub oo u furan dadweynaha guud. Qeybta Dhabbaha Gobolka Nine Mile Creek ee hadda jira ayaa ku sii taali doonta cirifka koonfureed ee dhismaha. 11 Edina Endodontics Goobta: 7300 Metro Blvd. Soosaare: Hempel Real Estate iyo Edina Endodontics Marxaladda: La ogolaaday Oggolaanshiyaasha hore ayaa la siiyay booska shanta akar ah si loo sii kala qeybiy si loogu oggolaado dhisme cususb oo ganacsi oo hal biyaano ah, oo 6,000 oo fiit oo laba jibbaaran ah oo laga dhigayo rugta ilkaha. Ma jiraan isbeddelo loo soo jeediyay dhismaha xafiiska jira ee goobta ku yaalla. 12 Xarunta Tababarka Badbaadada Dadweynaha ee Koonfurta Metro Goobta: 7525 Braemar Blvd. Soosaare: Magaalada Edina Marxaladda: Dhisme Ku socdo Dhisme tababarka taatikada ah oo 5,536 oo fiit oo laba jibbaaran ayaa laga dhisayaa cirifka koonfureed ee guriga. Mashruuca ayaa abuuri doona goob tababar oo dheeraad ah oo loogu talagalay ka jawaabayaasha koowaad. 13 Saldhiga Dabdemiska 2 Goobta: 4401 76th St. W. Soosaare: Magaalada Edina Marxaladda: Dhisme Ku socdo Magaalada Edina ayaa bilowday dhismaha cusub ee Saldhiga Dabdemiska 2aad oo 33,578-fiit oo laba jibbaaran ah gu’gi 2024. Dhismuhu wuxuu bixin doonaa meel ay ku shaqeeyaan Waaxda Dab-demiska ee Edina iyo Qeybta Caafimaadka Dadweynaha ee Magaalada. Saldhigga cusub waxaa la filayaa in la furo dayrta. 14 Edina Grand Apartments Goobta: 3400 Edinborough Way Soosaare: Alpha Investment Group Marxaladda: Dhisme Ku socdo Huteelka 133 guri ka kooban, oo horay loogu yaqaanay Marriott Residence Inn, waxaa loo beddelayaa dhisme abaartimenti ah oo 136 guri ka kooban. Kirada waxaa la filayaa inay ka hoosayso 80% ee heerarka Dakhliga Dhexdhexaadka ah ee Aagga (AMI) iyadoo qaarkeed tahay mid la awoodi karo ilaa 60% ee dakhliga dhexdhexaadka ah AMI. Mashruuca waxaa la filayaa in la dhammeeyo horraanta dayrta. 3Magaalada Edina EdinaMN.gov Golaha Deegaanka Ayaa Oggolaaday Horumarinada Xarunta Biyaha Ku Kordhinta Aqalka Bamka, Meelo La Fadhiisto oo Dusha Ka Dadan Ayaa La Dhammaystirayaa Ka Hor Xilliga 2026 Si loo xaqiijiyo in Xarunta Biyaha Edina ay sii shaqayso sanadaha soo socdo, Golaha Deegaanka Edina wuxuu ansixiyay dhismaha qol filtar cusub oo laga dhiso halkaas. Aqalki hore ee bamka barkadda ee la dhisay 1958 wuxuu u baahan yahay cusboonaysiimo waawayn si uu u buuxiyo isbeddelada Xeerka Gobolka ee la xiriira qalabka bamka biyaha, shuruudaha filtarka, awoodda koronto, haamaha lagu kaydiyo biyaha dheeraadka ah si wax looga qabto awoodda barabixinta biyaha ee xilliga dabbaasha. Tani waxaa ka mid ah shaqada makaanikada, korontada, tuubooyinka iyo hagaajinada qaab-dhismeedka ee qolka aqalka bamka. Kaabaha sii xumaanaya wuxuu keenayaa khataro hawlgal, walaacyo badbaado iyo arrimo ku aadan u hoggaansamidda, kuwaasoo ku qasbi kara xarunta inay xirmato haddii aan wax laga qaban,” ayuu yiri Maareeyaha Tas-hiilaadka Derik Otten. “Wakhtiga ayaa ah waxa muhiimka ah, iyadoo dib-u-dhacyada wax ka qabashada dhibaatooyinkaan ay horseedi karaan inay ka sii darto, kharashaad dayactir oo badan iyo xirmashada suurtagalka ah ee xarunta.” Toban maalmoood ka hor furitaanki Xarunta Biyaha Edina ee 2021, cillad farsamo ayaa dhacday. Maadaama nidaamyadu ay yihiin kuwo qadiimi ah, qaybo la soo isticmaalay ayaa la isticmaalay si ay u noqdaan xal ku meelgaar ah, taasoo u oggolaatay xarunta in dib loo furo. Sanadkaas, Xarunta Biyaha Edina waxay furtay in ka badan toddobaad kadib muddo ka danbaysay xilligi la filayay. Kooxda Otten ayaa ka shaqaynaysay tan iyo markaas in ay dejiso qorsheyaal lagu cusboonaysiiyo kaabayaasha Xarunta Biyaha si loo xaqiijiyo in sidaasi markale dhicin. Qolka filtarka waxaa la dhisi doonaa dayrtan maadaama Xarunta Biyaha loo xiray xilliga. Waxaa laga dhisi doonaa meel ku dheggan aqalki hore ee bamka, taasoo boos badan siinayso meel lagu socon karo hareeraha barkadda oo ka sarraysa barkadda dabbaasha. Waaxda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta waxay qorshaynaysaa inay booskaas u isticmaasho muddulo iyo meelo kale oo la fadhiisto oo dusha ka dadan. Shirkadda H+U Construction ayaa la siiyay mashruuca $8.4 milyan ah waxaana la filayaa in mashruuca la dhammeeyo bisha May 2026. Hawlaha kale bishii hore, Golahu: •Waxa uu ansixiyay qorshe dib-u-horumarin ah oo loogu talagalay mashruuc cusub oo guriyaynta la awoodi karo ah oo ay shirkadda Homes Inin Reach ka dhisayso 316 Madison Ave. •Wuxuu badalay qiimayaasha Magaalada ee utility franchise fees (khidmadaha oggolaansho-bixinta adeegyada guryaha) ee laga qaado shirkadaha gaaska dabiiciga ah iyo korontada. Laga bilaabo Jan. 1, guryaha la deggan yahay waxay bixin doonaan khidmad oggolaansho-bixin (franchise fee) oo dhan 4% halki ay ka bixin lahaayeen qiimo go’an, taasoo loo arkay inuu yahay hab si aad ah loogu siman yahay oo lagu soo xareeyo dakhli maadaama khidmaddu ay u dhiganto qiimaha isticmaalka tamarta ee macaamiisha. Magaaladu waxay lacagtani u adeegsanaysaa inay ku maalgeliso barnaamijyada waaritaanka deegaanka, horumarinada dhabbayaasha ay dadka ku lugeeyaan iyo dariiqyada baaskiilka, dib- u-dhiska waddooyinka iyo nalalka waddooyinka. •Waxay heleen natiijooyinka Sahanka Tayada Nolosha ee 2025. •Waxay oggolaansho shuruudaysan siiyeen shirkadda Rivian ee soo saarta baabuurta korontada ku shaqaysa si ay aqal bandhig uga furato Galleria Edina. •Waxay wareejiyeen lahaanshaha/mulkiyadda goobtii hore ee Howlaha Guud ee ku taasha 5146 Eden Ave. oo ay ka soo wareejiyeen Maamulka Guriyeynta & Dib U Hormarinta (HRA) kuna wareejiyeen Magaalada. Maamulka HRA waxa uu dhawaan dib u eegis ku sameeyay dhawr dalab oo lagu iibinayo goobta isla markaana dib loogu horumariyo isku dhafka adeegsiyada guryo iyo goobo ganacsi oo leh qadar xadidan oo boos bannaanka ah. Iyadoo loo marayo hannaankan, maamulka HRA wuxuu xushay koox uu soo jeediyay inay iibsato oo ay dib-u-horumarin ku samayso goobta. Ka hor inta aan heshiiska iibsiga la diyaarin, ka soo wareejinta maamulka HRA loona wareejiyo Magaalada ayaa lagama maarmaan ah si marka booska la iibiyo, waxa ka soo xaroodo loogu hagaajiyo Magaalada Edina. Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xigtaa 7 p.m. Sibteembar 2 iyo 16. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. – WAXAA ISKU DUBARIDAY JENNIFER BENNEROTTE 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4