HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_October-2025_Somali-WebGanacsiyada iyo Dawladaha Ayaa Sahminaya Hannaanka
Ruqsad-bixinta Xashiishka ee Cusub
Shan Tafaariiqlayda Xashiishka ah oo Diiwaangashan Ayaa Ka Wada Shaqeeyay Ka Furitaanka Edina
WAXAA QORTAY CELESTE ECKSTEIN
Shan tafaariiqlayda xashiishka ah ayaa ku guda jira
inay helaan ruqsadahooda iyo diiwaangelintooda
si ay ganacsi uga bilaabaan Edina.
Sanadki 2023, Minnesota ayaa noqotay gobolki
23aad ee sharciyeeya isticmaalka xashiishka.
Xafiiska Maamulka Xashiishka ee Minnesota
(OCM) ayaa horraanti sanadkan bilaabay
qabashada codsiyada ruqsadaha ganacsiga
ee xashiishka.
Dawladaha hoose wuxuu Gobolka uga baahan
yahay inay ugu yaraan hal mehrad oo xashiishka
lagu gado u oggolaadaan 12,500 qof ee kasta ee
deegaanka ah. Golaha Deegaanka Edina wuxuu
ansixiyay ugu badnaan shan mehradood oo
diiwaangashan. Gudaha Edina, mehradaha waxaa
loo diiwaangeliyaa sidi loo soo kala hormaro. Blue
Flower Elegance, CRPRC, Green Tribe Movement,
Pot Mama’s iyo The Holland-Minnesota ayaa
bilaabay hannaanka diiwaangelinta. Labo kale
ayaa ku jira liiska sugitaanka.
Tafaariiqlayda danaynaysa inay dukaan
ka furtaan Edina waa inay marka hore
oggolaansho hore ka codsadaan OCM. Kadib
marka ay helaan oggolaanshaha hore, waxay
iska diiwaangelinayaan Magaalada Edina.
Tafaariiqlayda kadib waa inay u hoggaansamaan
soono-samaynta Magaalada, xeerarka dhismaha
iyo dabka iyo dhammeystirka dhismaha.
Kadib marka ay dhammeystiraan dhismaha oo
ay xaqiijiyaan u hoggaansanaanta xeerarka,
tafaariiqlayda waxay ku laabtaan OCM si ay u
dhammaystiraan hannaanka ruqsad-bixinta.
Xafiiska OCM wuxuu Magaalada ka xaqiijiyaa in
tafaariiqlaha uu buuxiyay dhammaan shuruudaha
soono-samaynta iyo dhismaha kadibna wuxuu
sameeyaa kormeerka goobta. Haddii ay ku
baasaan, tafaariiqlaha waxaa ruqsadiisa rasmiga
ah laga siiyaa Gobolka.
Marka tafaariiqlayda ay goobta furaan,
waxay mari doonaan hubino ku aadan u
hoggaansanaanta oo ay marin doonto Waaxda
Booliska Edina si lamid ah sida ay sameeyaan
tafaariiqlayda tubaakada iyo khamrada.
Maamulaha Caafimaadka Bulshada Jeff Brown
ayaa sheegay in hannaanada la marayo ay noqon
doonaan kuwo la mid ah.
Inkastoo dhammaan diiwaangelinada la sugayo oo
aanay jirin tafaariiqlay wax ka furatay Edina muddo
bilo ah, xashiishka ayaa dhawaan suuqa soo geli
doona magaalooyinka kale. Legacy Cannabis ee
ku taasha Duluth ayaa ahayd mid ka mid ah rugihi
ugu horreeyay ee aan Cali Beesteenka ahayn ee
gobolka albaabadooda ka furta.
Maadaama ruqsad-bixinta tafaariiqlayda
xashiishka uu yahay nidaam ku cusub Minnesota,
magaalooyinka iyo mehradaha waxay isku mar
baranayaan sida loo sahmiyo hannaanka. Wax Ka
Aasaasaha iyo Madaxa Erin Pash ayaa sheegtay in
Pot Mama’s ay qorshaynayso inay goobo badan
ka furto Minnesota wakhti isku mid ah, magaalo
kastana waxay leedahay hannaan gaar ah.
“Waxaa jira waxyaabo badan oo ay tahay inaan
raacno oo aan saxno, taasina waa inoo muhiim
marka laga fiiriyo xagga u hoggaansanaanta,”
Pash ayay tiri. “Waxaan hubinaynaa saddex
jeer, anagoo geddinayna dhagax kasta si aan u
xaqiijino inay wax kasta noo saxan yihiin ka hor
inta aanan furan dukaan.”
Pash waxay Pot Mama’s la aasaastay
walaasheeda. Waxay arkeen fursad ay ku
sameeyaan rug loogu talagalay qofkasta oo leh
wax naadi bulsho ah gaar ahaan haweenka ka
caga jiidi kara inay soo dhaweeyaan xashiishka
ceebaynta bulshada darteed.
Pot Mama’s waxay bixin doontaa waayo qofka
u gaar ah; Pash waxay sheegtay in macaamiisha
markoodi ugu horraysay ay u tahay ay ballan la
yeelan doonaan shaqaalaha si ay u go’aamiyaan
waxa ku habboon baahidooda. Waxayna
rabaan inay sameeyaan deegaan soo dhawayn
leh, jawi deggan ah oo ay bulshadu jihayso oo
loogu talagalay qofkasta. Marki la dooranayay
goobaha, Pash waxay sheegtay inay doorbideen
xaafadaha nawaaxiga ah ee ay dadku ku il
doogsan karaan bilicda.
“Waan ogahay in magaalooyinkeena ay ka
walaacsan yihiin lahaanshaha dukaamada
xashiishka, waxayna ka walaacsan yihiin
waxyaabaha ay la imaan rabaan ama inay
dhibaato ka dhalato,” ayay tiri. “Waxaa jira
waxyaabo badan oo ah xog khaldan iyo
maangaabnimo. Dad badan waxay u malaynayaan
inay noqon rabto boor wayn oo ay ilmahooda arki
doonaan oo ay ku qoran tahay, ‘Daroogadaada ka
hel halkan.’ Summadeenu waa cagsiga arrintaas.”
Sida ay sheegtay Pash, Pot Mama’s waxay
rajaynaysaa inay furaan ilaa dukaamada ugu
badan ee suurtagalka ah marka la gaaro Jan.
1, 2026. Weli ma aysan go’aamin goobta
dukaankooda Edina.
Xeerarka soono-samaynta ee tafaariiqlayda
xashiishka waa kuwo la mid ah kuwa tafaariiqlayda
tubaakada iyo khamrada ee Edina. Waxaa loo
oggolaan doonaa Degmooyinka Ganacsiyada Loo
Qorsheeyay ee 1, 2 iyo 3, Degmada Horumarinta
Isku Dhafan ee 6, iyo Horumarinta Qaybta
Qorshaysan ee kasta ee oggolaanaya adeegsiga
degmooyinka Ganacsiga Loo Qorsheeyay. Waxaa
si shuruudaysan loogu oggolaaday Degmooyinka
Ganacsiyada Loo Qorsheeyay ee 3, 4 iyo 5.
Si aad u aragto qariiradda soono-samaynta Edina,
booqo bit.ly/EdinaZoningMap. Si aad waxbadan
uga ogaato ruqsad-bixinta xashiishka ee Edina,
booqo bit.ly/EdinaCannabisLicenses.
Inkastoo aanay jirin tafaariiqlay wax ka furatay Edina
muddo bilo ah, xashiishka ayaa dhawaan suuqa soo
geli doona magaalooyinka kale. Legacy Cannabis ee
ku taasha Duluth ayaa ahayd mid ka mid ah rugihi ugu
horreeyay ee aan Cali Beesteenka ahayn ee gobolka
albaabadooda ka furta. (Sawirka Kaitlin Olson)
Magaalada Edina EdinaMN.gov 1
OKTOOBAR 2025
Majalada 12, Qeybta 10Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo
Daabacaad: Edina
WAXAA QORTAY KAYLA NORTHWAY
In ka badan 20 sano, Rob Laughlin ayaa soo
ahaa Madaxa Sunburst Chemicals, oo ah shirkad
samaysa kiimikada oo ku taasho Bloomington,
Minnesota, marka hal ama labo wax ayuu
ka garanayaa ganacsiga. Marki Sanduuqa
Kahortagga Dembiyada ee Edina loo dhiibayay
hoggaan cusub horraanti sanadkan, Laughlin
kama uusan laba-labayn inuu adeegsado
khibradiisa ganacsiga oo, isagoo taageero ka
helayo Guddiga Agaasimayaasha, wuxuu jagadiisa
cusub ee Madaxwaynaha la wareegay bishi Juun.
“Rob waa hoggaan guulo ka soo hooyay
ganacsigiisa wuxuuna Guddiga ka mid ahaa in
muddo ah,” ayuu yiri Madaxa Booliska Todd
Milburn. “Waa mid aad u deggan oo qonyor
socod ah, waana nin aad u garasho badan
oo caaqil ku ah waxa uu qabanayo. Wuu
ka soo dhalaali doonaa jagadiisa cusub
xirfadahaas dartood.”
Xubnaha kale ee kooxda fulinta waxaa ka mid
ah Madaxweyne Ku Xigeenka Mary Brindle,
Khasnajiga Shelly Loberg iyo Xoghaye Carolyn
Jackson. Iyadoo wadar ahaan uu ka kooban
yahay 10 xubnood, Guddiga waxaa sidoo kale
ka mid ah dadka deggan Edina, Milburn iyo
Madaxa Dabdemiska Andrew Slama.
La aasaasay sanadki 1970 si loogu qaaraamo
lacag lagu bixiyo abaalmarino si looga caawiyo
Booliska Edina inay xalliyaan dembiyada, ururka
wuxuu kobciyay taageeradiisa dhinacyada
kale ee shaqada booliska. Ayaantaan dambe,
Sanduuqa Kahortagga Dembiyada ee Edina
ayaa ballaartay si loogu soo daro dhammaan
Laughlin Ayaa Loo Magacaabay Madaxa Sanduuqa Kahortagga Dembiyada ee Edina
Qaybta Aan Macaash-doonka Ahayn Ayaa Taageertay Waaxaha Booliska iyo Dabdemiska Labadaba
- WAXAA ISKU DUBARIDAY LAUREN SIEBENALER
Waaxda Dabdemiska ee Edina waxay martigelin doontaa Xaflad Gaar u ah
Saldhigga iyo Booqasho Dadwaynaha u Furan 4-8 p.m. Khamiis, Okt 30, si loogu
maamuuso furitaanka Saldhigga Dabdemiska 2, 4401 W. 76th St., iyo Bisha
Ka-hortagga Dabka. Xafladda Gaarka u ah Saldhigga waxay dhici doontaa 4
p.m., iyadoo booqasho dadwaynaha u furan ay ku xigi doonto. Soo booqo
booqashada dadwaynaha u furan si aad u aragto saldhigga dabdemiska
ee cusub, uga barato xoogaa talooyinka ka-hortagga dabka, ugana
qaybqaadato hawlo madadaalo ah. Waxbadan oo ku saabsan Waaxda
Dabdemiska Edina ka ogow barta EdinaMN.gov/Fire.
TIRO AHAAN
Saldhiga
Dabdemiska
2aad ee Edina
shaqaalaha gurmadka koowaad, iyadoo Slama
lagu soo daray Guddiga Agaasimeyaasha qiyaasti
labo sano ka hor. Mustaqbalka dhow, Sanduuqu
wuxuu qorshaynayaa inuu magaciisa u beddelo
“Sanduuqa Shaqaalaha Gurmadka Koowaad”
si uu uga tarjumo isbeddelkan.
“Waxaan rajaynayaa inaan taageero siino
Shaqaalaha Gurmadka Caafimaadka/Dabdemiska
sida Sanduuqa uu u taageeray Booliskeena
sanadahaan oo dhan,” ayuu yiri Jackson.
Ka ahaan urur aan macaash-doon ahayn,
Sanduuqa Kahortagga Dembiyada ee Edina
wuxuu ku tiirsan yahay deeqaha bulshada
waana mid aad wax ugu tabaruco adeegyo iyo
barnaamijyo badan oo ay qabtaan shaqaalaha
gurmadka koowaad, oo ay ku jiraan hindiseyaasha
badqabka ee shaqaalaha Booliska; barnaamijyada
eeyaha K-9; mahadnaqa shaqaalaha Gurmadka
Caafimaadka/Dabdemiska iyo barnaamijka
Waaxda Dabdemiska ee Yaraynta Khatarta
Bulshada, oo ah xeelad looga hortago dabka.
Sanduuqa Kahortagga Dembiyada wuxuu sidoo
kale qarashkooda bixiyaa qalabka qaar, sida
aaladaha akhriya taarikada baabuurta ee
Waaxda Booliska.
“Waa shaqo aad ugu adag oo dhib ku ah
shaqaalaheena gurmadka koowaad, marka inuu
soo baxo ururkan oo kale oo uu maalgeliyo qalab
kala duwan ama uu taageero hindiseyaasheena
badqabka waxay xaqiiqatan caawinaysaa xaqiijinta
inaan haysano shaqaalaha ugu fiican, ee aadka
u diyaarsan oo u adeega bulshadeena,” ayuu
yiri Milburn. Rob Laughlin wuxuu hayn doonaa jagada
Madaxwaynaha Sanduuqa Kahortagga Dembiyada
ee Edina muddo xileed hal sano ah, taasoo Guddiga
uu u codayn karo dib ugu doorashada muddo xileed
kale. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer)
Madaxyo biyo firdhin
oo ilaalinayo Saldhiga
Dabdemiska 2 ee cusub
402
Fiit oo Laba Jibbaaran oo ku
yaallo Saldhiga Dabdemiska 2
36,000
Albaabo garaash ayaa
ku yaalla Saldhiga
Dabdemiska 2 ee cusub
9
Tiirar oo degdeg
loogu soo dago
2
Qolal lagu shiro oo loogu
talagalay shaqaalaha iyo
adeegsiga dadwaynaha
2
Shaqaale Dabdemis iyo
Caafimaad ayaa ka shaqeeya
Saldhiga Dabdemiska 2
11
2
Si toos ah u daawo shirarka Golaha
Deegaanka, Guriyeynta & Maamulka Dib-u-horumarinta iyo Guddiga Qorshaynta:
• Edina TV (Kanaalada Comcast 813 ama 16)
• EdinaMN.gov/Meetings
DHACDOOYINKA SOO SOCDA
Khamiis, Oktoobar 2, 11-11:30 a.m.
Wadahadalada Mashruuca Onlaynka Ah:
Mashruuca isgoyska wadada isdulmarka ee
Vernon Avenue & Highway 100;
EdinaMN.gov/Highway100Talks
Khamiis, Oktoobar 2, 3-7 p.m.
Suuqa Beeralayda, Centennial Lakes Park
Khamiis, Oktoobar 2, 6 p.m.
Sawyer’s Dream, Edinborough Park
Sabti, Oktoobar 4, 10 a.m.- duhurki
Feestada Dayrta, 50th & France
Sabti, Oktoobar 4, 3 p.m.
Dhadhaminta Khamriga Insight Brewing
iyo THC-da Aan Daroogada Lahayn,
Edina Liquor -- Grandview
Talaado, Oktoobar 7, 7 p.m.
Shirka Golaha Deegaanka,
Hoolka Magaalada Edina
Arbacada, Oktoobar 8, 7 p.m.
Dooda Magaalada ee ku saabsan
Guriyaynta La Awoodi Karo, Onlayn
Khamiis, Oktoobar 9, 6:30 p.m.
Fiiqsiga Saqarjaanimada - Dhadhaminta
Khamriyada Mushakalka ah ee Halloween ee
Du Nord Social Spirits, Centennial Lakes Park
Jimco, Oktoobar 10, 5 p.m.
Cawayska filimka, “In The Heights,”
Edinborough Park
Axad, Oktoobar 12, 2-4 p.m.
Isdhaafsiga Dharka Halloween,
Xarunta Waayeelada Edina
Axad, Oktoobar 12, 6 p.m.
Kooxda Walker Brothers Band,
Edinborough Park
Khamiis, Oktoobar 16, 7:30 a.m.
Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U
Horumarinta, Hoolka Magaalada Edina
Sabti, Oktoobar. 18, 9 a.m.
La Lugee Duqa Magaalada,
Goobta La Go’aamin Doono
Arbacada, Oktoobar 22, 7 p.m.
Shirka Golaha Deegaanka,
Hoolka Magaalada Edina
Jimco, Oktoobar 24, 4-5:30 p.m. ama 6-7:30 p.m.
Halloboo, Edinborough Park
Sabti, Oktoobar 25, 10 a.m.
Cawayska Bilaashka ah, “Hotel Transylvania 2,”
Tiyaatarka Edina
Sabti, Oktoobar 25, 11 a.m.-1 p.m.
Xujo-ama-Wax bixi, ka dhaceysa 50th & France
Khamiis, Oktoobar 30, 7:30 a.m.
Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U
Horumarinta, Hoolka Magaalada Edina
Khamiis, Oktoobar 30, 11-11:30 a.m.
Wadahadalada Mashruuca Onlaynka Ah:
Mashruuca isgoyska wadada isdulmarka ee
Vernon Avenue & Highway 100;
EdinaMN.gov/Highway100Talks
Laughlin Ayaa Loo Magacaabay Madaxa Sanduuqa Kahortagga Dembiyada ee Edina
Qaybta Aan Macaash-doonka Ahayn Ayaa Taageertay Waaxaha Booliska iyo Dabdemiska Labadaba
Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka
oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov.
Si lacag loo ururiyo, Sanduuqu wuxuu martigeliyaa
dhacdooyin badan sanadka oo dhan wuxuuna
diraa wargeysyo si xubnaha bulshada uu fursad
ugu siiyo inay wax ka ogaadaan waxna ugu
deeqaan Sanduuqa. La martigeliyay horraanti
Sibteembar, xafladda Fall into the Arts Festival
waa mid ka mid ah dhacdooyinka waawayn
ee Sanduuqa uu qabto waana mid ka mid ah
mashaariicdi ugu horreeyay ee Laughlin uu
Madaxa ka soo noqday.
Iyadoo dhowr bilood oo kaliya uu hayo jagada,
Laughlin wuxuu weli la qabsanayaa jagadiisa
cusub, balse barashada Edina waa wax uusan
u baahnayn inuu ka walwalo. Laughlin wuxuu
ku soo koray Edina ka hor inta uusan dhigan
Jaamacadda Wisconsin-Madison, isagoo ka
qaatay shahaadada Dhaqaalaha. Kadib marki
uu Eden Prairie ku noolaa muddo dhowr sano
ah, wuxuu ku soo laabtay Edina halkaasoo
hadda uu ku soo noolaa sanado badan.
Iyadoo waaxaha Booliska iyo Dabdemiska ee
Edina ay wajahayaan caqabado maalgelineed,
haysashada kheyraad dheeraad ah iyo taageero
bulsho oo laga helo Sanduuqa Kahortagga
Dembiyada ee Edina ayaa ah tii abid ugu
muhiimsanayd. Jagadiisa cusub ee Madaxwaynaha,
Laughlin waxa uu aad u jecel yahay in uu xaqiijiyo
in ururku yeesho qaab-dhismeed wanaagsan,
oo waara kaas oo ka caawin doona in uu
mustaqbalka horumar gaaro.
“Waxay ila tahay hadafku inuu meel fiican
uu marayo waxaana helnay koox dad ah oo
wanaagsan, marka waan ku faraxsanahay
mustaqbalka,” ayuu yiri Laughlin, kaasoo marki
ugu horraysay ku biiray Guddiga Sanduuqa
Kahortagga Dembiyada sanadki 2020.
Kooxda fulinta waxay sidoo kale ku faraxsan
tahay mustaqbalka hoggaanka Laughlin.
“Iyadoo Kahortagga Dembiyada ee Edina ay
eegayso magaca dhawaan loo bixiyay ee cusub
ee Sanduuqa Shaqaalaha Gurmadka Koowaad
ee Edina … waxaan isku adkaynaynaa hoggaan
cusub,” Brindle ayuu yiri. “Rob Laughlin waa
hogaamiye la soo tijaabiyay oo bixiya tilmaamo
cad si uu nooga caawiyo u adeegida bulshadan
balaaran ee ah xirfadlayaasha badbaadada
dadweynaha. Waxaan ku faraxsanahay waxa
inaga horreeya waxaana ku casuumaynaa
bulshada inay sii waddo inay nagala qaybqaadato
taageerada adag ee shaqaalaha gurmadka
koowaad ee Edina kuwaasoo ilaaliya badbaadada
iyo amniga dhammaanteen.”
Wixi macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan
Sanduuqa Kahortagga Dembiyada ee Edina,
booqo EdinaCrimeFund.org.
Wax Ugu Deeq Sanduuqa Kahortagga Dembiyada ee Edina
Booqo webseedka Sanduuqa Kahortagga
Dembiyada ee Edina barta
EdinaCrimeFund.org.
Dooro “Donate (Deeq Bixi)”
ee ku taasha liiska kore,
kadibna riix badhanka jaallaha
ah ee “Donate” ee ku yaalla
xagga hoose ee bogga. Ku qor
deeqda aad rabto inaad bixiso
oo dooro inaad jeclaan lahayd
inaad daboosho khidmadaha
deeqda ama aad ka
dhigto deeq bille ah.
Dooro habkaaga lacag
bixinta – PayPal, kaarka dhebitka ama kiridhitka – oo
raac tilmaamaha shaashada kaaga soo baxayo si aad u
dhammeystirto deeqdaada canshuurta laga jari karo.
Jeegaga waxaa sidoo kale boosto loogu diri karaa Edina
Crime Prevention Fund (Sanduuqa Kahortagga Dembiyada
ee Edina) ciwaanka 4801 W. 50th St., Edina, MN 55424.
3Magaalada Edina EdinaMN.gov
Edina.As a banker, I know its value.
As a resident, I know its worth.
Marcia May
NMLS #452543
Senior Mortgage Loan Officer
952.905.5741
mmay@bell.bank
marciamay.net
MRK-2753
Golaha Deegaanka Ayaa Dejiyay Canshuur Soo Rogisti Ugu Badnayd ee 2026
Canshuur Soo Rogista Ayaa Keenaysa 12 ama Ka Badan oo ah Shaqaalaha Gurmadka Caafimaadka/Dabdemis
Golaha Deegaanka Edina wuxuu canshuur soo
rogisti ugu badnayd u dejiyay 2026, balse waxay ka
shaqayn doonaan sidi ay u yarayn lahaayeen kahor
inta aan la ansixin miisaaniyadda.
Shaqada miisaaniyadda 2026-2027 waxay bilaabatay
horraanti sanadkan. Kooxda Hoggaanka Fulinta
ee Magaalada iyo Golaha Deegaanka ayaa kulmay
Febraayo si ay u baaraan baaxadda adeegyada
dowladda hoose. Shaqo ayaa laga sii waday
shirwaynaha sanadlaha ah ee Golaha Deegaanka
bishi Maarso, halkaasoo Goluhu ay si ballaaran
uga hadleen heerarka adeegyada, kharashaadka
raasamaalka iyo jaantuuska canshuur ku soo rogista
hantida ma guurtada ah. Bishi May, Goluhu wuxuu
kulmay labo jeer si uu uga sii hadlo faahfaahino
dheeraad ah oo la xiriira miisaaniyadda. Doodahaan,
Xubnaha Golaha waxay amarro siiyeen shaqaalaha
oo ku saabsan xulashooyinkooda wadareed ee
miisaaniyadda 2026:
•Xaddidista wadarta kordhinta canshuur ku soo
rogista hantida oo lagu xaddido wax ka yar 10%.
•Sii waditaanka kobcinta adeegyada
badbaadada dadweynaha ee Magaalada, gaar
ahaan Adeegyada Caafimaadka Degdegga ah.
•Sahminta in adeegyada qiimaynta lagu
wareejiyo Hennepin County.
•Marka laga yimaado qiimaynta dibedda iyo
adeegyada badbaadada dadwaynaha, la sii
wado heerarka adeegga hadda jira.
•Raadinta xulashooyin kale oo dakhli.
Xeeladaha Maareeyaha Magaalada Scott Neal inti
lagu jiray geedi socodka miisaaniyadda waxaa ka
mid ahaa:
•Ku xaddidista kobaca miisaaniyadaha waaxda
wax ka yar 3%.
•Dhimista shaqaalaha. Lix shaqaale wakhti
buuxa shaqeeya oo ka tirsan Qaybta Qiimaynta
iyo hal shaqaale wakhti buuxa shaqeeya oo ka
tirsan Dayactirka Raxanta Baabuurta ayaa laga
jaray miisaaniyadda.
•Kordhinta khidmadaha oggolaanshaha bixinta
adeegyada guryaha si loogu beddelo daynta
canshuuro ku rogista hantida ma guurtada
ah si loogu bixiyo mashaariicda dib-u-dhiska
waddooyinka ee mustaqbalka.
•Abaabulidda kharashaadka raasamaalka
si mudnaan loo kala siiyo looguna toosiyo
canshuuro ku rogista hantida ee la heli karo.
•Si xulasho ah oo loo reebo boosaska bannaan
qaarkood si lacag loo badbaadiyo.
•Hagaajinta kharashgaraynta adeegga
daynta sanadlaha ah ee Magaalada si loogu
suurogaliyo Magaalada inay qaadato adeeg
dayn ah oo cusub oo loogu talagalay Saldhiga
Dabdemiska 2.
Goluhu wuxuu ugu dambaynti ansixiyay heerka
canshuurta ugu badan oo dhan $65,517,752
sanadka 2026, taasoo ah koror dhan 11.03%.
Kororka waxaa ka mid ah ku kordhinta 12
Shaqaalaha Gurmadka Caafimaadka/Dabdemis
ah oo cusub, taasoo u ogolaanaysa Waaxda
Dabdemiska ee Edina in ay hawlgeliso saddex
ambalaas ah saacad kasta si ka badan inta ay
maanta awooddo.
Soo jeedinta Neal ee miisaaniyadda waxaa ka
mid ah lix Shaqaalaha Gurmadka Caafimaadka/
Dabdemis ah oo cusub. Magaalada waxay codsatay
deeq federaal oo ay ku bixiso mushaaraadka 12
Shaqaalaha Gurmadka Caafimaadka/Dabdemis
ah oo cusub muddo saddex sano ah. Maadaama
Magaalada aan la siin deeqda, balse ay haysatay
wakhti kama dambays ah oo ay canshuur soo
rogista ugu badan u sheegto Hennepin County
ka hor dhammaadka Sibteembar, Goluhu wuxuu
canshuurta ka kordhiyay inti uu Neal soo jeediyay.
Haddii Magaaladu ay hesho deeqda, Xubnaha
Golaha waxay tilmaameen inay yarayn doonaan
canshuur soo rogista marka ay miisaaniyadda
meel marinayaan dabayaaqada sanadkan. Haddii
Magaaladu aanay helin, Xubnaha qaarkood waxay
sheegeen inay jeclaan lahaayeen inay sahmiyaan
dhimisyo kale si ay u xaqiijiyaan in uusan jirin koror
canshuur soo rogis oo labo lambar ah.
Golaha Deegaanka waxaa lagu wadaa inuu qabto
dhagaysi dadwayne oo ku saabsan miisaaniyadda
la soo jeediyay marka ay tahay 7 p.m. Talaado,
Diseembar 2.
Wixii macluumaad dheeraad ah,
booqo EdinaMN.gov.
– WAXAA ISKU DUBARIDAY JENNIFER BENNEROTTE
Qodobbada Ugu Muhiimsan ee
Miisaaniyadda 2026-2027 ee La
Soo Jeediyay
•Adeegga daynta ee Saldhiga Dabdemiska 2aad
ee cusub, qol sifayn ah oo ku yaalla Xarunta
Biyaha Edina iyo Wadada Isdulmarka ah ee
Vernon Avenue & Highway 100
•12 Shaqaale Gurmad Caafimaad/Dabdemis
(18 haddii Magaaladu hesho deeq federaal)
•Lacag baaqanayso adeegyada qiimaynta oo
lagu wareejiyo Hennepin County
•Cusboonaysiimaha Qorshaha Dhammeystiran
ee 2050
•Iskaashiyada badbaadada dadwaynaha ee
lala leeyahay Hennepin County oo horay
loogu maalgeliyay Gargaarka Badbaadada
Dadweynaha, oo ay ku jiraan Iskaashiga
Booliska Bulshada ee Wadajirka ah iyo
barnaamijka shaqaalaha bulshada
•Maalgelinada raasamaalka iyo qalabka
istaraatiijiga ah
952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4