Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_November-2025_Somali-WebEdina Liquor Waxay La Qabsanaysaa Caadooyinka Macaamiisha ee Isbedbedalaya Ballaarinta Badeecadaha Aan Khamrada Ahayn, Sahlidda Iibsiga iyo Raadraaca Liiska Badeecadaha Ayaa Ka Mid ah Horumarinada WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND Kaliya 54% ka mid ah dadka Maraykanka ayaa caba khamrada, sida lagu sheegay ra’yi ururinta Gallup ee la sameeyay bishi Juulaay 2025. Taasi waa boqollaydi ugu hoosaysay muddo tobonaan sano ah. “Hoos u dhaca ugu wayn wuxuu si gaar ah uga jiray nooca beer, balse wine iyo spirits ayay sidoo kale saamayn soo gaartay,” ayay tiri Michael McBride, Maareeyaha Guud ee Edina Liquor. Ka guuritaanka caadooyinka cabbista, soo bixitaanka isticmaalka xashiishka, ku laabashada maqaaxiyaha iyo baararka ee aafadi caabuqa kadib iyo, middi ugu danbaysay, cadaadisyada dhaqaale ee dibedda ayaa isu biirsaday inay yareeyaan iibabka iyo faa’iidada dukaamada khamrada dalka oo dhan. Edina Liquor kama duwana. Balse hawlgalka ay maamusho Magaalada, halkaasoo faa’iidooyinka oo dhan lagu celiyo bulshada Edina, ayaa hadda keenaya horumarino si loo soo jiito suuqa isbedbedelaya. Dad badan waxay u wareegayaan noocyada aan aalkolada ahayn ee khamrada beer, wine iyo cabitaanada spirit ee diyaarka u ah in la cabbo sida Phony Negroni. “Waxaan samaynay xulasho yar oo badeecadaha aan aalkolada ahayn ah 10 sano kahor. Waxaanu hadda leenahay in ka badan 100,” McBride ayay tiri. “Kuwani waa cabitaano ka tayo sarreeyo sidi ay ahaan jireen. Waxay u dhadhamaan sidi noocyada aalkolada.” Tacriifada ayaa yaraysay helitaanka qaar ka mid ah noocyada wine iyo spirits ee la soo dhoofiyo waxayna qaalyeeyeen qiimahooda. Halkaasi waa halka shaqaalaha tababaran ee Edina Liquor ay gacan ka gaysan karaan. “Waxaa laga yaabaa in nooca wine ee aadka aad u jeceshahay aan la heli karin, balse waxaan keenaa noocyo wine ah oo kala duwan waxaana gacan ka gaysan karnaa inaan wax xulno ” ayuu yiri Agaasimaha Beeraha Nasiinada & Tamashlaynta Perry Vetter. Waaxdiisa waxay kormeertaa Edina Liquor, taasoo faa’iidooyinkeeda u dirta Braemar Arena, Centennial Lakes Park iyo Xarunta Farshaxanka Edina. Si gacan looga gaysto kordhinta faa’iidada lagu maalgelinayo goobaha madadaalada Edina, kharashaadka hawlgalka ee Edina Liquor ayaa sidoo kale lagu baaraa gudaha. Iibsiga iyo liiska badeecadaha ee saddexda dukaan oo dhan waxaa maarayn doona hal qof beddelki la maarayn lahaa dukaamo kala gaar ah, halka jagooyinka qaarkood meesha laga saaray ama la beddelay iyadoo aan saamaynaynin shaqaalaha dukaanka jooga. “Diirad muhiim ah waa in aan qaabka ganacsigeena waafajino isbedbeddelada aagga shaqada,” Vetter ayuu yiri. “Taasi waxay ka dhigan tahay kuwa badan oo ka mid ah hawlgalladeena inay buuxiyaan deegaanka dhaqaale ee hadda jira.” Dukaamada khamriga ee gaarka loo leeyahay, faa’iidooyinka waxay ku laabtaan shirkadda. Gudaha Edina, waxaa lagu bixiyaa hagaajinta dariiqyada iyo beeraha ka dhiga beerta Centennial Lakes Park mid raaxo ah in lagu socdo. Waxay gacan ka gaystaan maalgelinta fasalada iyo barnaamijyada Xarunta Farshaxanka Edina ee da’aha oo dhan iyo heerarka xirfadda. Waxayna taageeraan kudul orodka barafka ee Braemar Arena. Sanadihi u dambeeyay, Edina Liquor waxay sanad walba $1 milyan ku shubaysay xarumaha madadaalada ee Magaalada. Sanadkan, tiradaasi waa la yarayn doonaa, iyadoo kaydka uu buuxin doono inta kale. Isbeddelada la sameeyay waxaa looga gol leeyahay in dib loogu soo celiyo faa’iido ku filan oo lagu sii wado ku biirintaas $1 milyanka ah ee sanadlaha ah. Dadka deegaanka waxay gacan ka gaysan karaan xaqiijinta in lacagahooda dukaamaysiga ay dhex joogaan bulshada dhexdeeda oo ay gacan ka gaystaan maalgelinta adeegyada Edina ka dhiga mid gaar ah. “Waxa ugu wayn ee ay dadka deegaanku samayn karaan waa inay naga dukaamaystaan anaga,” McBride ayay tiri. “Waxaanu halkaan u joognaa inaan taageerno bulshada. Si aynu u samayno middaasi, waxaanu xaqiiqdi ka rabnaa taageero.” Edina Liquor waxay dukaamo ku leedahay Grandview, 50th & France iyo aagaga Southdale. Booqo EdinaLiquor.com wixii macluumaad dheeraad ah. CJ Fossen, Jeff Olson iyo Megan Lunneborg ee ku sugan dukaanka Grandview ayaa ka mid ah shaqaalaha badan ee kartida leh ee Edina Liquor ee u diyaarka ah inay macaamiisha ka caawiyaan inay helaan xulashooyinka beer, wine, spirits iyo kuwa aan aalkolada ahayn. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) NOFEEMBAR 2025 Majalada 12, Qeybta 11 Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina Sababaha loosoo Jeediyay Kordhinta Canshuur Soo Rogitsa Fursadaha Faallooyinka Dadweynaha ee Miisaaniyada Lasoo Jeediyay Golaha Magaaladu wuxuu go’aan ka gaari doonaa miisaaniyada kulankooda dhacaya Diseembar 16. Talada dadweynaha ee ku saabsan miisaaniyadda la soo jeediyay iyo canshuur soo rogista waxaa taladaas Golaha Deegaanka lagu siin karaa siyaabo kala duwan, oo ay ku jiraan onlaynka, farriin cod ahaan ah ama iyada oo laga qeybgalayo dhageysiga dadweynaha ee la qaban doono 7 p.m. Talaado, Diseembar 2, lagu qabanayo City Hall Council Chambers, 4801 W. 50th St. Faallooyinka oo dhan ayaa dib-u-eegis lagu sameeyaa lana tixgeliyaa; uma baahnid in aad uga qeybqaadato wax ka badan hal qaab. Faahfaahinnada ku saabsan sida looga qeybqaato waxaa laga heli karaa barta BetterTogetherEdina.org. Miisaaniyadda La Soo Jeediyay 2026 ee Magaalada Waxay Mudnaanta Siinaysaa Jawaabta Dabka Edina Waxaa Suurtagal ah in Shaqaale Gurmadka Caafimaadka ah/Dabdemis La Soo Shaqaalaysiiyo 2026 WAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER Boqollay badan oo kordhinta canshuur soo rogista la soo jeediyay ah ee 2026 waxaa loogu talagalay in lagu soo shaqaalaysiiyo 6-18 Shaqaale Gurmad Caafimaad/Dabdemis oo cusub si ay gacan uga gaystaan ka jawaabista wicitaanada sii kordhaya ee caawimaada waxna looga qabto gabaabsiga shaqaalaha. Waaxda Dabdamiska Edina waxay hadda leedahay 36 Shaqaale Gurmad Caafimaad/Dabdemis kuwaasoo 24-saac ka shaqeeya labo Saldhig oo Dabdemis. Gelin kasta oo shaqo wuxuu leeyahay 12 Shaqaale Gurmad Caafimaad/Dabdemis. Heerka shaqaalaha ugu yar ee waaxda waa 10 qof gelin kasta oo shaqo si loogu xisaabtamo shaqaalaha jirran ama qaadanaya wakhtiga fasaxa lacagta la qaato. “Waxaan leenahay saddex gaari oo gurmad/ ambalaas ah oo aan isku dayayno inaan shaqaale u helno maalin kasta,” ayuu ku faahfaahiyay Madaxa Dabdemiska Andrew Slama oo uu ka sheegay kulan hawleed Golaha Magaalada Edina ah oo la qabtay bishi Sibteembar. “Iyo iyadoo ku salaysan wakhtiga fasaxa dheefta leh ee hadda jira—mid la muddeeyay iyo mid aan la muddayn labadaba— had iyo jeer ma joogtayn karno ambalaasta saddexaad.” Gabaabsiyada badankooda waxay dhaceen marki Shaqaale Gurmad Caafimaad/Dabdemis oo badan ay ku maqnaayeen wakhti fasax lacag la qaato iyo fasaxa waalidka. Sanadka 2026 marka Fasaxa Lacagta La Bixiyo ee Minnesota uu dhaqangalo, shaqaalaha waxay awoodi doonaan inay qaataan ilaa wadar 20 toddobaad oo Fasax Qoys ah halki sano. Dhowr jeer toddobaadki, Waaxda Dabdemiska waxay ka hoos martaa heerarkeeda ugu yar ee shaqaalaha. Marka taasi ay dhacdo, wakhti dheeraad ah oo isxilqaan ah ayaa la codsadaa. Balse marki boosaskaas wakhtiga dheeraadka ah ee isxilqaanka ah aan la buuxin, Shaqaalaha Gurmadka Caafimaadka/ Dabdemiska waxaa looga baahan yahay inay shaqeeyaan wax ka baxsan gelinkooda shaqada ee 24-ka saac ah. Slama wuxuu sheegay inay tahay mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn oo ay culays badan saarto shaqaalaha iyo ururka. Mugga wicitaanka sanadlaha ah ee Waaxda Dabdemiska Edina ayaa sii kordhay muddo kadib, sidoo kale, taasoo uga sii daraysa xaalka. Taariikh ahaan, kororka sanadlaha ah wuxuu ahaa qiyaasti 4%, ama ku dhawaad 217 wicitaan sanadki. Marka loo barbardhigo 10 sano ka hor, si kastaba ha ahaatee, wadarta wicitaanada shaqaalaha dabdemiska iyo gurmadka caafimaadka waxay kor u kaceen 67%. Joogtayn la’aanta ambalaas saddexaad waxay horseedaa wakhtiyada ka jawaabista xaaladda degdegga ah oo dheeraada iyo ku tiirsanaanta wayn ee kooxaha isu gurmada. Haddii la faahfaahiyo, Edina waxay heshay wicitaanada EMS ee kooxaha isu gurmada oo dhan 47 jeer sanadki 2023. Sanadki 2024, tiradaasi waxay gaartay 73 jeer. Halka sanadki 2025, codsiyada kooxaha isu gurmada ay kor u dhaaftay 120 jeer, iyadoo ay ugu wacan tahay ambalaasta saddexaad oo la joojiyay inti lagu jiray gabaabsiga shaqaalaha. Qorshaha soo shaqaalaysiinta waxay u badan tahay inuu lahaado lix ilaa 12 Shaqaale Gurmad Caafimaad/Dabdemis oo shaqo bilaaba horraanta 2026. Yoolku wuxuu yahay in la shaqaalaysiiyo ugu yaraan lix isla markaaba si gacan looga gaysto arrinta culays ka qaadista shaqaalaha Dabdemiska, cabbir muhiim ah oo loo adeegsado in lagu go’aamiyo tirada shaqaalaha loogu baahan yahay inay xaqiijiyaan in dhammaan gelinada shaqada si ku filan loo buuxiyo, iyadoo lagu xisaabtamayo noocyo kala duwan oo fasax iyo maqnaansho ah. Arrintani waxay gacan ka gaysanaysaa qorshaynta iyo miisaaniyad u dejinta heerarka shaqaalaha lagama maarmaanka u ah in lagu joogteeyo u diyaarsanaanta hawgal iyo adeeg bixinta. “Ku darista lix shaqaale dabdemis oo wakhti buuxa shaqeeya bilowga sanadka waxay shaqo gelinaysaa ambalaasta saddexaad maalin kasta, halka labo kale oo dheeraad ah ay culays ka ridayso shaqaalaha si loo joogteeyo 10 boos,” Slama ayuu yiri. “Taasi ma yaraynayso dhacdooyinka is-daba joogga ah, wakhtiyada ka jawaabista wicitaanka ama miisaanka jawaabtaas, laakiin waxay ugu yaraan shaqaalaha ugu yar u keeni kartaa ambalaasta saddexaad.” Waaxda Dabdamiska Edina waxay codsatay deeqda Jawaabta Shaqaale Ku Filan Dabdemiska iyo Xaaladaha Degdegga ah (SAFER) iyadoo u maraysa Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka si ay uga caawiso soo shaqaalaysiinta 12 Shaqaale Gurmad Caafimaad/Dabdemis. Helitaanka deeqda, Waaxda Dabdemiska waxay ku shaqaalaysiinaysaa ilaa 18 shaqaale ah sanadka 2026. Edina ma helin ogaysiiska guddoonsiinta ee ogaysiisyadi ugu horreeyay ee dawladda federaalka bishi Sibteembar. Waxaa suurtagal ah in Magaalada ay weli heli karto wareegyada xiga ee deeqda, balse uma badna. Bishi Sibteembar, Golaha Magaalada waxay ansixiyeen canshuur soo rogis horudhac ah oo ku dhow $65.5 milyan sanadka 2026, taasoo ah koror boqolkiiba 11 waxyar ka badan sanadkan. Kororkaasi wuxuu Waaxda Dabdemiska u oggolaanayaa inay soo shaqaalaysiiso 12 Shaqaale Gurmad Caafimaad/ Dabdemis oo cusub—oo ku filan inay ku shaqeeyaan saddex ambalaas wakhti kasta si aad joogto u ah. “Marka aad maqasho 12 [Shaqaale Gurmad Caafimaad/Dabdemis], taasi waxay u ekaan kartaa waxbadan, laakiin waxaan u qorshaynay lix in la keeno sanadki la soo dhaafay ee miisaaniyadda sanadkan, wayna ka reebeen. Marka, xaqiiqdi waanu dambaynaa,” ayay tiri Xubin Gole Julie Risser oo ay ka sheegtay kulanki Golaha Magaalada ee la qabtay Sibteembar 16. “Badbaadadu waa aasaaska bulsho kasta, waxaana u baahanahay inaan bixinayno xaalad ay dadkeena deegaanku badbaadsan yihiin, laakiin sidoo kale meel shaqaalaheena dabdemisku ay badbaadsan yihiin.” Maadaama aan deeqdaas la bixin wakhtiga kulanki Sibt.. 16, Golaha wuxuu kordhiyay canshuur soo rogista si ay u joogteeyaan dabacsanaantooda ay go’aamo ku gaarayaan. Haddii deeqdu timaado, Xubnaha Golaha waxay sheegeen inay dhimi doonaan canshuur soo rogista ka hor inta aysan Miisaaniyadda meelmarin Diseembar. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan hawlgallada Waaxda Dabdamiska, booqo EdinaMN.gov/Fire. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan miisaaniyadda la soo jeediyay, booqo EdinaMN.gov/Finance. Qodobada Miisaaniyadda 2026 ee Lasoo Jeediyey •Kordhinta adeegga amaahda ee Saldhiga Dabdemiska 2 •Kordhinta adeegga amaahda ee Xarunta Biyaha •Kordhinta adeegga amaahda ee Vernon Avenue & Highway 100 Interchange •12 Shaqaale Gurmad Caafimaad/Dabdemis (oo ay suurtagal tahay in lagu kordhiyo Deeqda SAFER) •Lacagaha ka baaqda Adeegyada Qiimaynta oo lagu wareejiyo County-ga •Cusboonaysiimaha Qorshaha Dhammeystiran ee 2050 •Maalgelinada Raasamaalka iyo Qalabka Istaraatiijiga ahSalka Dayn Cusub 6-12 Shaqaale Gurmad Caafimaad/Dabdemis Lagu Darayo Miisaaniyadda Qorshayaasha Shaqada Miisaaniyadda 2% 0% 4% 6% 8% 10% 4.87% 2.28% 1.89% 1.47%11.03% 0.52% 2026 2027 12% 9.25% 1.96% 0.31% 4.27% 2.33% 0.38% 2 WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND Barnaamij cusub ayaa ka caawin doona saraakiisha booliska, shaqaalaha Waaxda Dabdemiska iyo kuwa kale ee u shaqeeya dadka deggan Edina inay Magaalada ka dhigtaan gurigooda. “Waxaan rabnaa inaan ka taxadarno dadka wanaagsan ee u shaqeeya bulshadeena,” ayay tiri Carolyn Jackson, Guddoomiyaha Hay'adda Guriyeynta & Dib-u-horumarinta taasoo keentay fikradda inti lagu jiray kulan hawleed ay lahayd HRA horraanti sanadkan. Maareeyaha Horumarinta Guriyaynta La Awoodi Karo Stephanie Hawkinson ayaa xanbaartay fikradda kana shaqaysay inay Barnaamijka Geesiyaasha ku abuurto Mu’asasada Guriyaynta Edina. Muxuu qabtaa Barnaamijka Geesiyaasha? Wuxuu bixiyaa amaah gaaraysa ilaa $100,000 si uu gacan uga gaysto maalgelinta guri ku yaalla Edina oo gaaraya ilaa $600,000. Dib- u-bixinta lacagta dib ayaa loo dhigaa ilaa muddada ay ka dhamaato ama la iibiyo. Shaqooyinkee ayaa loo tixgeliyaa “geesiyaasha”? Qofkasta oo ka shaqeeya goobaha waxbarashada ama daryeelka caafimaadka gudaha Edina ama shaqaale Magaalada u ah ayaa u qalma. Tani waxaa ka mid noqon kara macallimiinta, la-taliyayaasha, shaqaalaha xannaanada maalinta, darawallada basaska, shaqaalaha maqaaxiyaha, kalkaaliyayaasha caafimaadka, caawiyayaasha caafimaadka iyo adeegayaasha daryeelka gaarka ah. Caddaynta ka shaqaynta Edina ayaa loo baahan yahay wakhtiga amaahda. Miyay jiraan xadad kale? Haa. Si aad ugu qalanto, dakhligu waa inuusan ka badnayn $106,000 qoyska ka kooban halka qof ama labada qof ama $137,080 saddex ama ka badan sanadka 2025. Sidee kale ayuu barnaamijkan u caawiyaa Edina? Haysashada dadkan muhiimka ah ee ku nool Edina waxay bixisaa faa’iidooyin aan la soo koobi karin, ayuu yiri Jackson. Macalinka arka arday qoyskiisa la jooga dukaanka raashinka wuxuu faham fiican u leeyahay nolosha guriga ee canugga. Waxay sidoo kale abuurtaa kuwo la soo koobi karo, oo ay ku jiraan ilaalinta guriyaynta la awoodi karo iyo yaraynta qulqulka baabuurta maadaama ay dadku gaari u raacaynin meel fog si ay uga soo shaqeeyaan, Hawkinson ayuu yiri. Barnaamijka Cusub Wuxuu Ka Caawinayaa ‘Geesiyaasha’ Inay Iibsadaan Guryaha Edina Shaqaalaha Dugsiga, Xirfadlayaasha Daryeelka Caafimaadka iyo Shaqaalaha Dawladda Hoose ayaa u Qalma - WAXAA ISKU DUBARIDAY EDIE WEINSTEIN Inta lagu jiro bilaha qabow, ciyaartoyda goolofta waxay goolofta ka laadaan 44 boos oo ku qalabaysan tignoolajiyadda Toptracer Range gudaha Qubbada Goolofta Braemar, 7420 Braemar Blvd. Wadada agteeda, Braemar Field, 7501 Ikola Way, ayaa martigeliya socdaalayaasha ku raaxaysanaya dhabbaha, ciyaartoyda ciyaaraha fudud ee da’ kasta leh ee tababaranaya ama tartamaya iyo qoysaska ciyaaraya inta lagu jiro Wakhtiga Ilmaha Socod Baradka. Si aad u qorshayso booqasho aad ku tagto Braemar Field, booqo BraemarField. com. Si aad u tijaabiso tignoolajiyadda Toptracer Range ee Qubbada Braemar, booqo BraemarGolfDome.com. TIRO AHAAN Ku Firfircoonaanta Gudaha Qubbada Edina Kubbad goolof ayaa lagu raadraacay tignoolajiyadda Toptracer Range xilli ciyaareedki 2024-2025 5,344,147 kaamiro ayaa raadraaca kubbadaha goolofta iyadoo laga soo laadayo 44 boos 4 Daqiiqo oo goolof onlayn ah ayaa lagu ciyaaray barxadaha goolofta ee Toptracer, sida Barxaddi Hore ee St. Andrews Links, barxadda ugu qadiimsan uguna sumcadda badan adduunka 1,310,616 Qaybo sharaacyo la isku alxamay ayaa sameeya qubbada Garoonka Braemar wayna kala baxaan marka qubbada la dejiyo 9 fiit oo laba jibbaaran ayaa ka hooseeya qubbada Garoonka Braemar 100,000 “Shaqaalaheena isbitaalka iyo Booliska waxay ku jiraan shaqo aad u culays badan,” Jackson ayuu yiri. “Haddii ay guriga ku tagi karaan shan daqiiqo beddelki hal saac iyo shan daqiiqo, waxay noqon karaan kuwo istareex ku jira oo nasan oo la jooga qoysaskooda.” Imisa amaah ah ayaa la bixin doonaa? Lacagta $1 milyan ee barnaamijka waxay maalgelin doontaa ugu yaraan 10 amaahood. Waxay ka timaadaa lacagta maalgelinta canshuur kordhinta loogu talagalay guriyaynta la awoodi karo. Sideen waxbadan uga ogaadaa ama u codsadaa? Booqo EdinaMN.gov/Heroes ama Hawkinson kala xiriir shawkinson@EdinaMN.gov ama 952-833-9578. BRAEMAR GOLF COURSE 3Magaalada Edina EdinaMN.gov Hoyga Dhar Kala Badalashada: Edina Ayaa Martigelinaysa Dhar Kala Badalasho u Roon Deegaanka Guud Ahaan Magaalada Dhacdooyin Dhar Kala Badalasho Bulsho oo Yaryar, oo Gaar ah Ayaa Ka Dhici Doona Dhar Kala Badalashada Sanadlaha Ah WAXAA QORTAY JACEY MISMASH Afar sano oo Dhar Isweydaarsiga Bulshada ee sanadlaha ee ay qabato Magaalada, Edina waxay qaadi doontaa hab cusub oo lagu gaarayo dhar iswaydaarsiga deegaanka u roon sanadka 2026. Iyadoo Braemar Arena, goobta caadada ah ee lagu qabto dhacdada dhar kala badalashada sanadlaha ah, ay isu diyaarinayso in lagu sameeyo dib u dayactir wayn, Magaalada waxay qorshaynaysaa dhar kala badalasho bille ah oo ay xubnaha bulshadu ka qaybqaataan dhacdooyinkaan waaritaanka ee loo riyaaqay. Tan iyo marki la qabtay Dhar Isweydaarsigi Bulshada ee ugu horreeyay sanadki 2021, kala badalashada deegaanka u roon ee Edina waxay caan ka sii noqonaysay bulshada oo dhan. Dhar kala badalashadi ugu dambaysay ee bishi Abriil, 1,617 kaqaybgalayaal ah ayaa keenay 5,235 rodol oo dhar ah. Inti lagu jiray dhacdada, boqolkiiba 92 ka mid ah dharka ayaa si guul leh loo kala badashay. “Waxaan rajaynaynaa in aan keeno wax ka badan dhar sanadkan,” ayay tiri Isku Duwaha Dib-u- warshadaynta Qashinka Dabiiciga ah Twila Singh. “Yeelashada dhar kala badalasho yaryar, oo aad joogta u ah oo loogu talagalay noocyo gaar ah oo sheeyaal ah ama dhar ah, waxaan awoodnaa inaan si aad wax ugu ool ah bulshada oo dhan uga qaybgelino dadaaladeena yaraynta qashinka.” Cathy Gasiorowicz, oo deggan Edina, Safiirka Dib-u-warshadaynta Bulshada ee Hennepin County ahna qof si joogta ah isugu xilqaama dhar kala badalashada, ayaa goob joog u ahayd sida dhacdooyinkani kor ugu qaadaan yaraynta qashinka guud ahaan magaalada. “Waxaa jira dad goob joog u ah wax kasta oo la keeno. Dad ka kala socdo asalada oo dhan ayaa danaynaya dhacdooyinka noocyadaan ah,” ayuu yiri Gasiorowicz. “Dhar kala badalashadani waa hab wanaagsan oo lagu yareeyo isticmaalka aan loo baahnayn.” Bixinta dhacdooyin yaryar oo bille ah oo diiradda saara noocyo gaar ah oo sheeyaal ah, Magaaladu waxay hiigsanaysaa inay dadka u sahasho inay helaan waxa ay u baahan yihiin ama ay ka rabaan dhar kala badalasho kasta. Diiradda dhar kala badalashada soo socota ee suurtagalka ah waxaa ka mid ah jawharadda/dahabka, alaabo-alaabayda carruurta, sahayda ku laabashada dugsiga, qalabka bannaanka lagu xirto, majaajilada iyo ciyaaraha miiska, dharka qaboobaha iyo qaar kaloo badan. Iyadoo goobaha dhacdo kasta ay kala duwanaan karaan, qaar ayaa lagu qaban doonaa Saldhigga Dabdemiska 2aad ee cusub ee ku yaalla 4401 W. 76th St. iyo Xarunta Waayeelada Edina ee ku taasha 5280 Grandview Square. Intaa waxaa dheer, Magaalada waxay qorshaynaysaa inay sii waddo iskaashiyada ay la leedahay ururada maxalliga ah ee ka faa’iidaysan kara deeqaha sheeyaashaan soo hara kadib dhar kala badalashada. Si aad wax uga waydiiso iskaashiyada ama u hesho xog dheeraad ah oo ku aadan dhar kala badalashada bulshada, Singh kala xiriir tsingh@EdinaMN.gov. Si toos ah u daawo shirarka Golaha Deegaanka, Guriyeynta & Maamulka Dib-u- horumarinta iyo Guddiga Qorshaynta: • Edina TV (Kanaalada Comcast 813 ama 16) • EdinaMN.gov/Meetings DHACDOOYINKA SOO SOCDA Sabti, Nofeembar 1 Bilaabashada Bisha Dhaqanka Dadka Dhaladka Maraykanka ah Sabti, Nofeembar 1, 7 a.m. Braemar Golf Dome ayaa loo furayaa xilliga Talaado, Nofeembar 4, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Axad, Nofeembar 9, 6 p.m. Richard Keller, Edinborough Park Isniin, Nofeembar 10 Hoolka Magaalada wuu xiran yahay Talaado, Nofeembar 11 Maalinta Halgamayaasha, Hoolka Magaalada wuu xiran yahay Talaado, Nofeembar 11, 10 a.m. Kulmiska Farshaxanka Kumeelgaarka ah ee Xarunta Farshaxanka Edina, Edinborough Park Khamiis, Nofeembar 13, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Horumarinta, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Nofeembar 13, 11-11:30 a.m. Wadahadalada Mashruuca Onlaynka Ah: Mashruuca isgoyska wadada isdulmarka ee Vernon Avenue & Highway 100; EdinaMN.gov/Highway100Talks Jimco, Nofeembar 14, 5 p.m. Cawayska filimka, “How to Train Your Dragon,” Edinborough Park Sabti, Nofeembar 15, 9 a.m. La Lugee Duqa Magaalada, 50th & France Talaado, Nofeembar 18, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Nofeembar 20, 2 p.m. Hubinada Kursiga Baabuurka ee Bilaash ah, Saldhiga Dabdemiska 1aad Edina Jimco, Nofeembar 21, 4 p.m. Dry Tri Turkey Trot, Edinborough Park Sabti, Nofeembar 22, 3 p.m. Lammaaninta Maalinta Mahadnaqa, Dhadhaminta Dukaanka Dhexdiisa, Edina Liquor – Southdale Axad, Nofeembar 23, 6 p.m. Kooxda Xuska John Philip Sousa ee u Horreeyey, oo kadhacaya Edinborough Park Talaado, Nofeembar 25, 7 p.m. Wadahadalka Magaalada: Fred Richards Park, Edina TV Arbaco, Nofeembar 26, 10 a.m. Kulmiska Farshaxanka Kumeelgaarka ah ee Xarunta Farshaxanka Edina, Edinborough Park Khamiis, Nofeembar 27 Maalinta Mahadnaqa; Xafiisyada Magaalada waa ay xiran yihiin Jimce, Nofeembar 28 Maalin Kadib Maalinta Mahadnaqa, Xafiisyada Magaalada waa ay xiran yihiin Jimco, Nofeembar 28, 10 a.m. Kulmiska Farshaxanka Kumeelgaarka ah ee Xarunta Farshaxanka Edina, Edinborough Park Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov. Dhar Kala Badalashadi Bulshada ee Edina ee 2025 waxay ahayd middi ugu waynayd taariikhda Magaalada, iyadoo tiradu ay labo jibbaarnayd tirada kaqaybgalayaasha marka loo eego sanadki hore. (Sawirka faylka) Dhar Kala Badalashooyinka Soo Socda Sabti, Febraayo 28: Wax Dhalaalaya Kala Badalashada Jowharadda/Dahabka oo ka dhacaysa Xarunta Waayeelada Edina 3-5 p.m. Sabti, Maarso 21: Kala Badalashada Alaabo- alaabayda Carruurta Kala Badalashada Alaabo-alaabayda Carruurta ee Wadajirka ah ee Hennepin County 11 a.m.-5 p.m. Axad, Abriil 18: Kala Badalashada Dharka Xarunta Waayeelada Edina 10 a.m.-1 p.m. 4 Kuwa Aan La Dabayn Karin Batariyada caadiga ah ee guryaha waxay geli karaan qashinka caadiga ah. Sheeyaasha leh batariyada dib loo dabayn karo waa in dib loogu warshadeeyaa xarunta qashinka khatarta ah. Kuwa La Dabayn Karo Bill Fredell, hoggaamiyaha kooxda mashruuca tijaabada ah, iyo xubin ka tirsan kooxda dayactirka Point of France Travis Delaney ayaa sawir ku galay baaldiyadooda qashinka bacriminta ee guryaha gaarka loo kala leeyahay. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) Qubidda aan haboonayn ee lithium-ion, ama batariyada dib loo dabayn karo waxay dhalin karaan dab. Ka hel wixi xog dheeraad ah iyo halka sida ku habboon loogu qubo barta hennepin.us/greendisposalguide. Qubidda Batariga ee Habboon Barnaamijka Tijaabada Dib-u-Warshadaynta Qashinka Ayaa Guulo Ka Keenaya Point of France Dadka Deegaanka Waxay Ku Raaxaystaan Helitaanka Habboon ee Dib-u-warshadaynta Iyagoo Dhimaya Kharashaadka WAXAA QORTAY EDIE WEINSTEIN Marki Del Steckler ay maqashay in barnaamijka bacriminta qashinka la keenayo dhismaheeda, Point of France, bishi May ee 2024, kuma aanay faraxsanayn. “Waan diidanaa barnaamijkaan bilowgii hore,” ayay tiri Steckler. “Marki barnaamijkan la keenayay halkan, dareen fiican uma qabin, laakiin gebi ahaanba waan isbeddelay. Waxaan ahay qof isbeddelay.” Hadda, sagaal bilood kadib marki Point of France ay hirgelisay barnaamijka bishi Febraayo 2025, Steckler waxay dib-u-warshadaysaa inta badan wixi ay tuuri jirtay. Waxay sidoo kale si sharaf leh u nadiifisaa haanta qashinka waxayna ka fiirisaa waxyaabaha wasakhaynaya ee aan dabiiciga ahayn. Keli kuma ahan ka go’naanteeda barnaamijka: Dib-u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah ee tijaabada ah wuxuu ahaa mid guulaystay oo Point of France ay ka dhigtay sifo joogta u ah dadka deggan dhismaha. Ku dhawaad darsin ka mid ah guryaha Edina waxay hirgeliyeen barnaamijka tijaabada ah, waxayna dhammaantood si joogta ah isugu qoreen adeegga dib-u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah marki ay tijaabiyeen laf ahaantooda. Marki Qaybta Caafimaadka Dadweynaha Edina ay daahfurtay barnaamijka dib-u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah shan sano kahor, haanta qashin ururinta wadada dhinaceeda waxaa inta badan loo nakhshadeeyay guryaha halka qoys ay deggan yihiin. Barnaamijyadaan dib-u- warshadaynta qashinka dabiiciga ee tijaabada ah ee qoysaska badan waxay u oggolaadaan guryaha abaartimentiga iyo guryaha gaar-gaarka loo leeyahay inay sidoo kale kaqaybqaataan. Barnaamijka tijaabada ah wuxuu socdaa lix bilood waxaana ka mid ah haamaha qashinka dib-u- warshadaynta oo bilaash ah, baco caradu cuni karto iyo baaldiyada lagu rido qashinka dabiiciga ah ee dib loo warshadaynayo ee la saaro miisaska dushooda oo loogu talagalay guri kasta. Deeqaha iyo lacagaha ka socda Hennepin County ayaa gebi ahaanba bilaash uga dhiga dadka isticmaala. Wakhti xaadirkan labo barnaamij oo tijaabo ah ayaa socda. “Ma ahan khasaaro,” ayuu yiri Bill Fredell, hoggaamiyaha guddiga wada Point of France ee barnaamijka tijaabada ah ka hirgeliyay halkaas. “Waxaad helaysaa qashin ururin bilaash ah muddo lix bilood ah, waxaad helaysaa baco bilaash ah, waxa kaliya lagaa rabana waa inaad u hoggaansanto qabanqaabada. Waa mid gebi ahaanba fudud.” Barnaamijka wuxuu lacag u tashiili karaa labo qaab. Marka dadka ay bartaan waxa geli kara iyo waxa aan geli karin baaldiyada lagu guro qashinka dabiiciga ah ee dib loo warshadaynayo, khidmadda wasakhaynta waxay noqotaa mid yar, taasoo hoos u dhigaysa qiimaha nolosha ee dadka deegaanka. Qashinka dabiiciga ah waa mid qoyan oo culus; maadaama dhismayaasha khidmadda qashinka looga qaado miisaanka, dib-u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah waxay si wayn qashin qaadista uga dhigtaa mid raqiis ah. Fredell wuxuu rajaynayaa inuu ogaado wadarta lacagta ay badbaadisay Point of France marka la gaaro dhammaadka sanadka. “Waxay ila tahay in dhammaanteen aan la cajabnay sheeyaasha badan ee dib loogu celinayo nidaamka dabiiciga ah beddelki dhulka lagu qubi lahaa. Waa inaad wanaag ku dareento arrintaas.” “Qashinkuna wuxuu noogu soo laabanayaa sidi bacrimin,” ayay xusuusisay Steckler. Marki barnaamijka marki ugu horraysay la soo jeediyay, dadka deegaanka waxay walaac ka muujiyeen urta baaldiyada. Si kastaba ha ahaatee, xubnaha Guddiga Point of France ma aysan arag isbeddel muuqda tan iyo marki la bilaabay saldhigga Dib-u-warshadaynta Waxyaabaha Dabiiciga ah. “Maamulka aad ayuu u taageersan yahay. Dadku waa ay isticmaalayaan; dhammaanteen waan aragnaa faa’iidada. Waxaan uga qoranahay si joogta ah,” ayuu yiri Fredell. Magaaladu waxay codsatay maalingelin dheeraad ah oo ay ku wado barnaamijyo kale oo tijaabo ah, laakiin waxay ballaarin doontaa xulashooyinka dib-u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah ilaa inti suurtagal ah iyadoo aan loo eegin natiijooyinka deeqda. Si aad uga hesho xog dheeraad ah ama aad wax uga waydiiso ku biirista barnaamijka tijaabada ah, Isku Duwaha Dib-u-warshadaynta Qashinka Dabiiciga ah Twila Singh ka wac 952-826-1657 ama iimayl ugu dir tsingh@EdinaMN.gov. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka tijaabada ah ee Dib u warshadaynta Qashinka Dabiiciga ah, booqo EdinaMN.gov/multifamilyorganics. 5Magaalada Edina EdinaMN.gov Edina Ayaa Hoggaaminaysa Dib-u-warshadaynta Qashinka Dabiiciga ah ee Guryaha La Deggan Yahay Dib-u-warshadaynta Qashinka Dabiiciga ah ee Guryaha La Deggan Yahay Ayaa Sare u Kacday iyadoo Magaalada ay Hiigsanayso Heer Kaqaybgal oo 50% ah WAXAA QORTAY JACEY MISMASH Qaabaynta barnaamijka dib-u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah magaalada oo dhan ee Edina wuxuu bilowday 2018, markii codsiyada dadka deegaanka iyo xubnaha kale ee bulshada ay ka tarjumeen taageerada dadwaynaha ee fogaynta qashinka ee mas’uuliyada leh lana heli karo. Iyadoo ay wehliso kororka xadiga qashinka ee meelaha qashinka lagu qubo ee Minnesota, sare u kaca kharashaadka fogaynta qashinka iyo talo-bixinta Gobolka iyo Degmada, Magaaladu waxay dareentay inay ku qasban tahay inay tallaabo qaado. Barnaamijka waxaa si rasmi ah loo meelmariyay 2020, tallaabo ay markiiba ku daydeen magaalooyinka kale ee ku yaalla aagga metro marki shuruudaha barnaamijka dib-u- warshadaynta qashinka ay dhaqangaleen 2022. “Hirgelinta barnaamijkan waxay ahayd xal sahlan oo laga gaaray dhibaato dhammaantayo na saamaysa,” ayay tiri Isku Duwaha Dib-u-warshadaynta Qashinka Dabiiciga ah Twila Singh, taasoo ay soo shaqaalaysiisay Magaalada bishi Febraayo 2020 si ay u daahfurto barnaamijka. “Waxaan jawaab- celin wanaagsan ka helnay dadka deegaanka taasoo ku saabsanayd sida ay dabiici u tahay in dib loo warshadeeyo qashinkooda dabiiciga ah.” Deganaha Edina Natalie Budin iyo qoyskeeda aad ayay ugu farxeen barnaamijka Magaalada marki ay u guureen Xaafada Koonfurta Cornelia sanadki 2021. Inkastoo dib-u-warshadaynta qashinka ay ka dhigteen mudnaanta koowaad gurigoodi hore ee Waqooyiga Cornelia, tani waxay ahayd wakhtigi ugu horreeyay magaaladooda ay lahaato barnaamij ay iyadu leedahay. “Waxaan shirkad gaar loo leeyahay lacag ku siin jirnay inay fogayso qashinkanaga dabiiciga ah kahor inti aanu u soo guurin halkan,” ayay ku sharraxday Budin. “Hadda, Magaalada ayaa noo qaada qashinka intiisa kale, waxayna bixiyaan bacaha qashinka la bacriminayo oo bilaash ah. Daacadi, waa mid cajiib ah.” Ka go’naanta Edina ee dhiirigelinta dib- u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah waxay ku faaftay wax ka baxsan xadadka magaalada, iyadoo soo booqdayaasha ka yimid magaalooyinka kale ay is-arkeen iyadoo ay saamaysay dhiirigelinta Magaalada ee barnaamijka. Degane deggan Bloomington iyo kaqaybgale afar sano kaqaybgalayay Suuqa Beeralayda Centennial Lakes Youmei Hou waxaa si gaar ah u cajabiyay hiigsiga Magaalada. “Waxaan rajaynayaa in Edina ay sii wado waxa [dib-u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah] ay ku soo bandhigayso Suuqa Beeralayda,” ayay sheegtay Hou. “Waxay runtii kadhigaan mid ku habboon– dadka qaar ma garanayaan halka qashinka la geeyo ama sida loo bilaabo, balse waxay xaqiiqdi u sahlaan qofkasta.” Tan iyo marki ay bilowday inay si joogta ah uga qayb gasho Suuqa Beeralayda, Hou waxaa dhiirigelisay inay sheekada ku saabsan muhiimadda ay leedahay dib-u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah ku faafiso derisyada, kuwa aada kaniisadda iyo qofkasta oo kale oo dhagaysta. Wada-sheekaysiyada iyo waxbarashada ku saabsan dib-u-warshadaynta waxay door muhiim ah ka ciyaaraan kordhinta heerarka oo aan kaliya ahayn guud ahaan Edina, balse Minnesota oo dhan. “Qashinka cuntada waa mid aad u saameeya deegaanka. Haddii aan dhammaanteen aan gacan ka gaysano, waxaan yarayn karnaa qashinka gaara dhulkeena iyo qiiqa halista ah ee la socda,” ayay ku sharraxday Budin. Wakhti xaadirkan, Magaalada waxay leedahay heer kaqaybgal oo dhan 33% oo barnaamijka dib-u-warshadaynta qashinka ah. Iyadoo yoolka kaqaybgalka uu yahay 50%, Edina waxay leedahay heer wasakhayn cajiib ah oo hoose ee qashinka dabiiciga ah ee ay ururiso Magaalada. Marka loo eego dhammaan qashinka dabiiciga ee laga keenay Edina loona diray xarunta Bacriminta Qashinka ee Dakota Prairie, ma jiro wax la soo qaaday oo la diiday. “Taasi waa wax lagu faano,” ayay tiri Singh. “Waxay ka dhigan tahay in kuwa dib u warshadaynaya qashinkooda ay aad uga warqabaan waxa halkaas gala – waxa ay xitaa yaraynayaan xaddiga wasakhda ku jirta weelashooda qashinka dib loo warshadeeyo ee caadiga ah.” Dadka deggan magaalada waxay masuuliyad ku qaadi karaan iyagoo si buuxda uga faa’iidaysanaya barnaamijka dib-u-warshadaynta qashinka ee Edina. Wixi xog dheeraad ah, Singh kala xiriir tsingh@EdinaMN.gov ama booqo Bogga Dib-u-warshadaynta Qashinka Dabiiciga ah barta EdinaMN.gov/organics. Kaqaybgalka Dib-u-warshadaynta Qashinka Dabiiciga ah ee Guriga Halka Qoys ah 40% 35% 30% 10% 25% 5% 20% 0%2020 2021 2022 2023 2024 2025 15% 23% 33% 30% 27%26%24% Magaalada waxay leedahay kheyraad badan waxayna hagtaa dib-u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah si ay hannaanka ugu sahasho dadka deegaanka. (Sawir Fayl) 6 7Magaalada Edina EdinaMN.gov •Bacaha caaga ah, bacaha nadiifinta qalalan, bac-khafiifta (Waxaa yaala weelal lagu ururiyo inta badan dukaamada raashinka.) •Nalalka fasaxyada, xargaha kordhinta sokotyada, biraha dharka la surto, silsiladaha birta ah Khaladaadlka Badanaa Ka Dhaca Dib-u-Warshadaynta •Dib-u-warshadaynta Birta •Tuubooyinka beeraha, xaashiyaha jarjaran, xaashiyaha wax lagu duubto Dukaan Jallaatada Lagu Iibiyo oo Maxalli ah Ayaa La Dagaalamay Balaastiga Halka Mar La Isticmaalo Dukaanka Sweet Science ee Edina Ayaa Yareeyay Qashinka Balaastigga ah Isagoo Raacayo Xeerka Baakadaynta Deegaanka u Roon WAXAA QORTAY JACEY MISMASH Sweet Science, oo ah dukaan ku yaalla 50th & France oo jallaatada dabiiciga gadayay tan iyo Juun 2021, waa dukaan deegaanka u roon oo ka soo dhex muuqday mehradaha maxalliga ah marka ay timaado raacitaanka xeerka Baakadayanta Deegaanka u Roon ee Magaalada. Guddiyo kala duwan iyo xubno ka tirsan bulshada ayaa u ololeeyay baakadaynta deegaanka u roon sanadki 2021 iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo balaastiigyada halka mar la isticmaalo, kaasoo cirka isku shareeray intii lagu jiray musiibadi COVID-19. “Daraasadaha laga sameeyay guud ahaan koonfur-galbeed metro waxay muujiyeen koror wayn oo ku yimid balaastigyada halka mar la isticmaalo bulshada oo dhan,” ayay tiri Isku Duwaha Dib-u-warshadaynta Qashinka Dabiiciga Twila Singh. “Waxaa jiray baabuur dhan oo qashin oo ay ka buuxaan maacuuntaan aan la isticmaalin oo loo jihayn jiray in qashin qubka lagu soo qubo toddobaadba toddobaad, waana inay wax isbeddelaan.” Dukaanka Sweet Science, ee ku yaalla 3919 Market St., bilaabista xeerka Baakadaynta Deegaanka u Roon waxay ahayd mid ka mid ah hawlaha uu rabo inuu taageero. “Waxay had iyo jeer ahayd qayb ka mid ah hadafkeena inaan fiiro u yeelano raadkeena kaarboonka” ayay ku sharraxday Maareeyaha Hawlaha Tafaariiqda Amanda Betts. “Waxay un ku saabsan tahay waxa aan samayn karno si aanu adduunka uga dhigno goob wanaagsan.” Shaqaalaha ku sugan Sweet Science waxay ururiyaan baakad kasta oo balaastig ah ama wax lagu duubto oo ka mid ah sheeyaasha la dhigo gadaasha guriga si ay ugu qubaan goobo lagu ururiyo oo ku habboon. Furarka jallaatada, koobabka, daboolada iyo tuubooyinka wax lagu cabbo ee qaadasho kasta ama qasid kasta dhammaantood waa kuwo bacrimin laga dhigi karo. “Nidaamka dib-u-warshadaynta qashinka dabiiciga ah ee xoogan ee Edina wuxuu dadka u sahlaa inay si ku habboon u fogeeyaan maacuunta iyo sheeyaasha bacriminta laga dhigi karo,” ayay tiri Singh. “Macaamiisha waxay la jaanqaadayaan dadaalada ganacsiyada, taasina waxay keentaa farqi wayn.” Magaalada waxay diirada saaraysaa taageerista ganacsiyada si ay u joogtayso u hoggaansanaanta xeerka iyadoo kala qayb-qaybinaysa shuruudaha, kheyraadka loogu talagalay codsiyada deeqda iyo kana jawaabaysa su’aalaha badanaa la iska waydiiyo mulkiilayaasha ganacsiyada Edina. Iyadoo ka mid ah tiro yar oo magaalooyin ah oo leh xeerka Baakadaynta Deegaanka u Roon, Edina waxay safka hore uga jirtaa dhimista qashinka guud ahaan nawaaxiga magaalooyinka Minnesota, oo taageerada ganacsiyada maxalliga ah waa mid caawinaysa. “Ka ahaan mulkiilayaasha ganacsiyada, waxaan markasta samayn karnaa doorashooyin muhiim ah. Waxaan dooran karnaa baakadaynta iyo badeecadaha leh saamaynta ugu yar ee deegaan – iyadoona qiimaha uusan isku mid noqon karin ama ay qaadan karto xoogaa wakhti ah inaad hesho waxa saxda ah ee kugu habboon, way mudan tahay dhammaadki,” ayay sheegtay Betts. Wixi xog dheeraad ah ee ku saabsan xeerka, booqo EdinaMN.gov/GreenToGo ama Qaybta Caafimaadka Dadweynaha kala xiriir 952-826-0307. Sweet Science waa mid ka mid ah ganacsiyada maxalliga ah ee qaabeeya dhaqamada deegaanka u roon ee ugu fiican ee wax lagu baakadeeyo. (Sawirada waxaa qaaday Jason Heuer) Sheeyaashaan waxaa si joogta ah looga helaa weelasha qashinka dib-u-warshadaynta ee guryaha, balse ma aha kuwo la aqbalo. Fadlan u fogee si ku habboon. Ka hel wixi xog dheeraad ah iyo halka sida ku habboon loogu qubo barta hennepin.us/greendisposalguide. Golaha Magaalada Ayaa Ansixiyay Mashruuca Maqaaxida ee Magaalada Hoose Edina Hawshi Magaalada ee Kale Bishi Oktoobar Waxaa Ka Mid ahaa Ansixinta Daraasada Wadada Tareenka iyo Heshiiska Kiraynta ee Degmada Muuqaalka maqaaxida ee 50th & France ayaa markale soo ifbaxaya. Iyadoo labo maqaaxi oo muddo dheer furnaa dhawaan ay xirmeen, qorshayaal ayaa durbaba socda oo lagu dhisayo maqaaxi cusub, oo deegaanka laga leeyahay taasoo ballanqaadaysa inay tamar cusub ku soo kordhiso magaalada hoose ee Edina. Cocina Del Barrio, 5026 France Ave., waxay xirmatay bishi Oktoobar, balse mulkiilaha dhismaha Ryan Burnet kama tagayo goobta. Taa beddelkeeda, wuxuu la shuraakoobayaa DDP Restaurant Group si uu dib ugu qaabeeyo goobta uuna u keeno fikrad cusub oo meel lagu cunteeyo ah. DDP waxay maamushaa dhowr maqaaxi oo caan ah oo ku yaalla Twin Cities, oo ay ku jiraan Bar La Grassa, Porzana iyo Minari. Gudaha magaalada hoose Edina, DDP waxay maamushaa Dexter’s waxayna dhawaan furi rabtaa Therese goobti hore ee Lynhall ee ku taasha Nolan Mains. Bishi la soo dhaafay, Golaha Magaalada waxay ansixiyeen qorsheyaal dabaq labaad loogu darayo 5026 France Ave., oo muujinaya ganbalool dhalo ah oo ku soo kordhin kara boos badan iyo baar leh naqshad casri ah oo furan. Dhismaha dhisan wuxuu intiisa badan ahaan doonaa sidiisa, balse waxaa la cusboonaysiin doonaa midabka bannaanka iyo albaabka laga soo galo si loo sameeyo bilic cusub. Ansixinta golaha waxaa sidoo kale ku jiray baakin wax laga beddelay. Iyadoo qayb ka ah ansixintaas, Golaha wuxuu codsaday daraasad baakin oo dhammeystiran si degmadu gacan uga gaysato koritaanka ganacsiga iyadoo isla markaana la joogtaynayo waayo wanaagsan oo ay helaan soo booqdayaasha. Dhismaha waxaa la filayaa inuu bilowdo dhawaan, waxaana faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan maqaaxida cusub lagu dhawaaqi doonaa bilaha soo socdo. Hawlaha kale bishii hore, Golaha Magaalada: •Waxay ansixiyeen qandaraaska SRF ee Daraasada Badbaadada Meelaha uu Tareenka Ka Gooyo Wadada & Aagga Hoonka Aan La Yeerin. SRF waxay qiimayn doontaa meelaha wadada tareenka ay iska gooyaan wadada gudaha Edina si loogu sameeyo horumarinada badbaadada ee suurtagalka ah una qiimayso suurtagalnimada samaynta hal aag ama ka badan oo hoonka loo oggolayn si waafaqsan xeerarka Maamulka Wadada Tareenka ee Federaalka. •Waxay ansixiyeen heshiis lala galayo Hennepin County oo looga kiraysanayo goob loogu talagalay Xarunta Farshaxanka Edina oo cusub. Hennepin County waxay Oktoobar 3deeda ka shaqo bilowday dib-u-horumarinta Maktabadda Southdale — oo ah mashruuc sidoo kale guri cusub oo joogta ah u abuuri doona Xarunta Farshaxanka Edina. Xarunta Farshaxanka waxay ku taalli doontaa dabaqa labaad ee dhismaha cusub, oo leh meel loogu talagalay istuudiyo, fasalo dabacsan, qalab la casriyeeyay iyo qol lagu ballaariyo barnaamijka farshaxanka ee ardayda da’ kasta. Goobta cusub waxay sidoo kale taageeri doontaa barnaamijyada jiilasha kala duwan iyo goobta bandhigga si loogu soo bandhigo farshaxanisteyaasha maxalliga ah. Xarunta la isla wadaago waxaa ka mid noqon doona fagaare iftiin badan oo loogu talagalay dhacdooyinka dadweynaha, barxado dibedda ah, qolal bulshada ay ku kulanto oo dabacsan iyo marin-u-helka tooska ah ee dhabbaha Nine Mile Creek Trail. Waaritaanka ayaa sidoo kale ah diirad wayn oo ka mid ah mashruuca, kaasoo isticmaali doona tamarta korontada dhulka laga dhaliyo, soolaro, iyo beerista dhirta wadaniga ah si loo maareeyo roobka loona yareeyo saamaynta deegaanka. Maktabadda Southdale iyo Xarunta Farshaxanka Edina waxaa la filayaa in la furo 2027. •Waxay fareen shaqaalaha inay soo saaraan qabyo qoraalka xeer xakamaynaya qoryaha gacanta iyo waxyaabaha ay ka kooban yihiin – si gaar ah, hubka darandooriga u dhaca, qoryaha qasnadaha waawayn iyo qoryaha gacan ku samayska ah. Qaanuunka Gobolka wuxuu kala wareegay magaalooyinka sida Edina inay si maxalli ah u xakameeyaan qoryaha iyo rasaasta, laakiin Xubnaha Golaha ayaa isku dayaya inay sameeyaan waxa ay awoodaan si ay ugu doodaan kahortagga shaqaaqada qoryaha. Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xigta 7 p.m. Talaadooyinka Nofeembar 4 iyo 18. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. – WAXAA ISKU DUBARIDAY JENNIFER BENNEROTTE → The Current Anchors of 50th & France - Barrio, Salut, and Edina Grill - have struggled, one of which has closed - potentially two. → This is an opportunity to reset the neighborhood’s dining identity. → We’re planting the flag for vibrant, community- driven, future-focused dining. Why This Concept? Why Now? AMERICANA(Sawir la soo gudbiyey) 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov8