Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_December-2025_Somali_WebBrian Olson oo Shaqada Ka Fadhiisanayo Kadib 13 Sano oo uu Hoggaaminayay Waaxda Hawlaha Guud Waddooyin Xooggan, Adeegyada Biyaha iyo Barafka Ayaa Astaan u ah Dhaxal-reebkiisa WAXAA QORTAY BRITTANY BADER Sababta uu u doortay shaqada adeegga dadwaynaha waxay marwalba ahayd mid u fudud Agaasimaha Howlaha Guud Brian Olson: “Waxaan jeclahay inaan dadka caawiyo.” Maskaxdaas ayaa ku qufulnayd in ka badan soddon sano oo uu joogay dawladda hoose, marki koowaad New Brighton iyo Ramsey, kadibna Edina tan iyo 2012. “Edina waxay ahayd mid aad ii soo jiidatay oo aan dhaafi waayay,” ayuu xusay. “Inta kale waa taariikh.” In ka badan 13 sano oo uu la joogay Edina, Olson wuxuu aasaas xoogan u dhisay magaalada, isagoo shaqooyin ka qabtay waddooyinka iyo adeegyada guryaha wuxuuna negaansho u keenay hawlo-maalmeedyada. Dulmarka hoggaaminta waxaa ka mid ah: •Ballaarinta jajabinta laamiga gaboobay iyo saarista laami cusub waddooyinka, taasoo si wayn kor ugu qaaday xaaladda guud ee laamiga •Dib-u-dhiska labo ka mid ah xarumaha bamgareeya bullaacadaha ee ugu wayn uguna qadiimsan Magaalada •Daahfurka barnaamijka kormeerka iyo dayactirka dhabbayaasha wadada dhinaceeda •Dhammeystirka cusboonaysiimo waawayn oo lagu sameeyay nidaamka biyaha ee Magaalada •Ballaarinta taagga baabuurta la dhigto ee North Parking Ramp ee ku yaalla 50th & France •Hirgelinta hindisaha Baabuurta Korontada Ku Shaqaysa •Kormeerka adeegyada baraf xaaqista iyadoo si joogta ah si wayn ay ugu qanceen dadka degan magaalada iyadoo isla markaana isticmaalka guud ee cusbada la yaraynayo in ka badan 30% shanti sano ee la soo dhaafay Kaaliyayaasha Agaasimaha ee Olson waxay sheegeen in kalsoonida uu ku qabay shaqaalaha iyo taageerada maalgelinada muhiimka ah ayaa horumarino badan suuragaliyay kuwaasoo u faa’iidayn doona magaalada muddo dheer kadib marka uu shaqada ka fadhiisto. “Brian wuxuu marwalba aad diiradda u saari jiray himilooyinka aasaasiga ah ee Hawlaha Guud,” ayuu yiri Kaaliyaha Agaasimaha Howlaha Guud Dave Goergen, kaasoo Olson la soo shaqeeyay inta uu xilka hayay. “Haddii aan u keeno mashruuc, hawsha wuu sii wadayaa wuxuuna qabtaa waxa loo baahan yahay in la sameeyo si hawsha loo qabto loogana dhabbeeyo.” “Taageeradiisa, waxaan fulinay cusboonaysiimo waawayn sida nidaamka cusub ee SCADA, dib-u-dhiska Lift Station 3 iyo 6 iyo mashruuca hadda soo socda ee mashruuca beddelka mitirka biyaha,” ayuu yiri Kaaliyaha Agaasimaha Howlaha Guud Nathan Kaderlik, kaasoo kormeera Qaybta Adeegyada Guryaha. “Kuwaasi waa tallaabooyin waawayn oo aanu horay u qaadnay.” Hoggaaminta Olson waxay gaarsiisan tahay laga bilaabo mashaariicda raasamaalka ilaa shaqada maalinlaha ah ee ay magaaladu ku kala socoto. Wuxuu sheegay in waxa kooxdiisa ka dhiga mid gaar ah, si kastaba ha ahaatee, ay tahay sida ay ugu diyaarsan yihiin inay ka jawaabaan marka ay wax khaldamaan. “Waxa Waaxdeena Hawlaha Guud ka dhiga mid gaar ah waa sida ay kooxdani isugu duuban tahay marka ay na soo wajahdo xaalad degdeg ah,” ayuu yiri Olson. Wuxuu soo qaatay in daadadki bishi Juun 19, 2014, ee ka dhacay togga Minnehaha Creek ay tahay mid ka mid ah wakhtiyadaas. “Maalintaasi waxay ahayd dhacdo roob oo taariikhi ah,” ayuu yiri Olson. Shaqaaluhu waxay shaqaynayeen ilaa goordambe habeenki iyagoo ka jawaabaya in ka badan 200 oo codsiyo daadad ah, halka gu’gaas iyo xagaagaas ay dadka deegaanka siiyeen in ka badan 15,000 jawaan oo bacaad ah. Xiliyada kala duwan waxay la yimaadaan caqabado kala duwan, isla diyaarsanaantaasnina waa mid lagama maarmaan u ah xilliga qaboobaha ee Minnesota, marka baraf xaaqista waqtiyaysan ay magaalada kala socodsiiso. “Baraf xaaqista waa xaaladda kaliya ee degdegga ah ee saamaysa qofkasta, wakhti kasta oo ay dhacdo ,” ayuu yiri Olson. Baraf kasta oo da’a, shaqaalaha waxay nadiifiyaan waddo 230 mayl ah oo uu baraf fadhiyo iyo 80 mayl oo ah dhabbayaasha dhinaca wadada ee ay hagaajiso Magaalada. Maareeyaha Magaalada Scott Neal ayaa sheegay in maaraynta mid ka mid ah kooxaha xaaqa barafka ee ugu wanaagsan Maraykanka ay tahay guul ay kooxdu gaartay iyadoo Olson uu hogaamiye u yahay. “Brian wuxuu u daneeyaa sawirka guud iyo sawirka hoose si isku mid ah,” ayuu yiri Neal. “Tusaale ahaan, wuxuu wakhti iyo tamar ku bixiyaa soo ogaanshaha xeeladda baraf xaaqista bulshada oo dhan ah ee ugu wanaagsan, laakiin waxa kale oo uu awood u leeyahay in uu fahmo oo uu xaliyo xaaladaha ay siyaasad bulshada oo dhan ah dhibaato ugu abuuri karto qofka guriga leh, taas oo uu ka shaqayn doono in uu xaliyo, sidoo kale.” Isagoo Olson milicsanayo shaqadiisa, waxa uu sheegay in uu ku faanayo in uu ka soo shaqeeyay bulsho ay kooxdiisu u kici karto si ay maalin kasta u buuxiyaan filashooyinka dadka deggan magaalada. “Waxaan aaminsanahay inaan dhab ahaanti haysano Waaxda Hawlaha Guud ee ugu wanaagsan gobolka Minnesota. Waxay aqoon duruqsan u leeyihiin aagooda shaqada waxayna aad ugu faanaan shaqadooda,” ayuu yiri Olson. “Weligey qayb kama noqon meel filashooyinku ay aad u sarreeyaan, hadana mahadnaqa aad ayuu sidoo kale u sarreeyay. Weligey ma helin iimaylo mahadnaq ahoo aad u tiro badan oo ku saabsan shaqada fiican ee aan ka qabtay halkan.” Olson wuxuu jagada Agaasimaha Hawlaha Guud ka fadhiisan doonaaDiseembar 31 wuxuuna sii wadi doonaa shaqo nis-gelin ah ilaa bartamaha 2026 si uu wax uga caawiyo kala-guurka. Agaasimaha injineernimada Chad Millner ayaa qaban doona jagada Agaasimaha Hawlaha Guud iyo Injineerka Magaalada Janaayo 1 taasoo ah waax dhawaan la isku daray. Agaasime Brian Olson, kaasoo soo hoggaaminayay Hawlaha Guud tan iyo 2012, wuxuu shaqada ka fadhiisan doonaa Diseembar 31. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 DISEEMBAR 2025 Majalada 12, Qeybta 12Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina Barxadda Goolofta Braemar Ayaa Loo Magacaabay Naadiga Xubinta MGA ee Sanadka Barxadda Magaalada Edina Ayaa ah Naadigi Ugu Horreeyay ee Abaalmarinta Ku Guulaysta Labo Jeer waxaa ka mid ah furitaanka Minnesota Adaptive Open, oo barxadda lagu qabtay Sibteembar 26-28. Intaa waxaa dheer, Barxadda Goolofta Braemar waxay wax ka martigelisay tartamadi MGA Mid-Amateur Championships ee 2008 iyo 2025, tartamadi Junior Team Championships ee 2002 iyo 2010, Mixed Amateur Team Championship ee 2000 iyo tartanki Haweenka ee Mid-Amateur Championship ee 1998. “Waxaa sharaf ah in naloo aqoonsado Naadiga Xubinta ee Sanadka 2025 ee Ururka Goolofta Minnesota,” ayuu yiri Maareyaha Guud ee Barxadda Goolofta Braemar Joe Abood. “Waxaan aaminsanahay in abaalmarintani ay astaan u tahay meesha ugu sarraysa ee isbeddelka hawsha goolofta ee 10-ki sano ee la soo dhaafay.” Qorshayaasha hawlgallada goolofta Edina looga dhigayo kuwo wanaagsan oo deegaanka u roon waxay biowdeen sanadki 2014 marki Magaalada ay xirtay Barxadda Goolofta ee Fred Richards si ay ugu oggolaato in kheyraadka goolofta magaalada keliya lagu bixiyo Barxadda Goolofta Braemar. Barxadda goolof ganista Par 3 oo ballaaran iyo meel lagu barbarto goolofta oo wayn ayaa 2016 laga furay dhulka barxaddi hore ee goolofta ee Braemar. Barxad 18-god ah oo cusub oo ay nakhshadeeyeen Richard Mandell ayaa la furay 2019, iyadoo beddeshay xarun 27-god ah, iyadoo gododka goolofta siinayso boos badan una oggolaanayso Magaalada inay ballaariso dhulalka qoyan dibna u soo celiso in ka badan 30 akar oo uu ka baxo geedka oak ah. Dib-u-hagaajinta waxaa dhiirigeliyay damaca in barxadda laga dhigo mid ay ku ciyaari karaan ciyaartoyda goolofta da’ kasta iyo lixaad kasta. Yoolkaasi wuxuu la jaanqaadayaa himilada MGA ee abuurista fursadaha ciyaarta furan si dadku ay ugu raaxaystaan goolofta. Tababarada la-qabsiga ee Braemar iyo Adaptive Open ayaa ah tusaalooyinka dhalaalaya ee hindisahan loo wada dhan yahay. “Braemar ayaa xaqiiqdi kow ka ahayd marki aan ka doodaynay naadiyada helay abaalmarinta,” ayuu yiri Warren Ryan oo ka-tirsan MGA. “Marka laga soo tago in Braemar ay sanadkan martigelisay labo tababar oo ku aadan la-qabsiga goolofta, shaqaalaha ku sugan Braemar waxay ahaayeen kuwo aad u fiican inay la shaqeeyaan, gaar ahaan Adaptive Open. Waxay ahaayeen kuwo aad u gacansiiya oo taageero leh, waxayna xaqiiqdi qaadeen tallaabo dheeraad ah si ay u suurtagaliyaan in dhacdadu ay guulaysato.” WAXAA QORTAY EDIE WEINSTEIN Barxadda Goolofta Braemar ayaa loo magacaabay Naadiga Sanadka ee Xubinta ka ah Ururka Goolofta Minnesota (MGA) ee 2025 oo lagu siiyay taageerada aan caadiga ahayn ee barnaamijka MGA Associate Member, oo lagu siiyay u furnaanta martigelinta tartamada MGA iyo kuwa loogu qalmayo iyo dadaalada shaqaalaha ee ay goolofta uga dhigeen mid ay marin-u-heli karaan dhammaan dadka ciyaara. Tani waa marki labaad ee Barxadda Goolofta Braemar ay ku guulaysanayso maamuuska; naadiga waxaa sidoo kale loo magacaabay Naadiga Xubinta ee koowaad ee Sanadka marki abaalmarinta la bilaabay sanadki 2000. Waa naadiga kaliya ee MGA ah ee ku guulaystay labo jeer. Taariikhda Barxadda Goolofta Braemar ee martigelinta dhacdooyinka MGA iyo tartamada loogu gudbo Ururka Goolofta Maraykanka ee ugu dambeeyay MGA ayaa sidoo kale ku maamuustay Barxadda Goolofta Braemar taageeradeeda Shabakadda Goolofta iyo Shabakadda Xogta (GHIN) ee MGA. GHIN waa adeeg si rasmi ah loogu aqoonsan yahay ciyaartoyda goolofta si ay u ogaadaan naafadooda wuxuuna ku salaysan yahay waxqabadka goolofta ee barxadda goolofta ee ay inta badan ku ciyaaraan. 1,192 ciyaartoy ah ayaa ka diiwaangashan aaladda maamulka naafada GHIN ee Barxadda Goolofta Braemar, taasoo Braemar ka dhigaysa barnaamijka xubinta ee firfircoon ee ugu ballaaran barxad kasta oo goolof oo ku taasha gobolka. “Diiwaankeena GHIN ayaa markhaati ka ah tirada dadka Braemar u arka sidi gurigooda,” ayuu ku sharraxay Agaasimaha Goolofta Braemar Tommy Koehler. “Barxadda goolofta waa mid cajiib ah, waxayna ila tahay in adeegeena uu sii fiicnaanayo shaqaalaheena dartood.” Barxadda waxay si gaar ah MGA ugu aqoonsatay dayactirka laga taxadaray ee nidaamkooda GHIN, iyagoo natiijo saxan siinaya boqolaalka ciyaartoyda goolofta ee adeegsada adeegga. Lacagaha ka soo xaroota GHIN waxay taageeraan labadaba barnaamijyada macaash- doonka ah iyo kuwa samafalka ku salaysan ee MGA. “2025 wuxuu ahaa sanad cajiib ah oo aan u aragnay in ay mudan tahay in labo jeer abaalmarinta la siiyo Braemar. Braemar waxay nala ahayd shuraako cajiib ah, dib-u-cusboonaysiintana waxay xaqiiqdi bilaabaysaa inay qaangaarto oo ay iskeed u imaado,” ayuu yiri Ryan. Naadiga wuxuu helay astaan lagu xuso maamuuskan waxaana lagu maamuusay Cashada Abaalmarinada Sanadlaha ee MGA ee 2025 bishi Oktoobar. “Dhammaan xubnaha kooxda Braemar iyo sidoo kale Magaalada Edina guud ahaan waa inay ku faanaan inay qayb ka ahaayeen safarkan. Abaalmarinta waxaa lagu maamuusayaa ka go’naanta Braemar ee u adeegista bulshada goolofta ee Minnesota iyo sidoo kale kobcinta ciyaarta goolofta da’ kasta iyo lixaad kasta,” ayuu yiri Abood. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Waaxda Golf-ka ee Braemar, booqo BraemarGolf.com. Maareeyaha Guud ee Barxadda Goolofta Braemar Joe Abood ayaa guddoomay astaanta abaalmarinta Naadiga Xubinta MGA ee Sanadka oo uu ku guddoomay Cashada Abaalmarinada Sanadlaha ah ee MGA ee 2025 ee dhacday bishi Oktoobar. (Sawirka Glenn Gray) Mutadiwiciinta U diiwaangashan Caawinta Dadka (VEAP) waxay cunto iyo adeegyada bulshada siinayeen dadka degan Edina iyo aagga ballaaran ee Twin Cities in ka badan 50 sano. Mutadawiciinta VEAP waxay dadka danyarta ah ku xiraan cunto caafimaad qabta, sahay iyo adeegyada bulshada. Magaalada Edina waxay VEAP ku bixisaa taageero maaliyadeed si ay kor ugu sii qaado himiladeeda; sanadki 2025, Magaalada waxay $19,000 oo ah maalgelinta adeegyada aadanaha ku bixisay VEAP. Si aad waxbadan uga ogaato adeegyada VEAP iyo sida ay u caawiyaan dadka deggan Edina, booqo veap.org. TIRO AHAAN Deris Caawinayo Deris - WAXAA ISKU DUBARIDAY EDIE WEINSTEIN 4,663,936 rodol oo cunto ah ayaa la qaybiyay 2024 qoys oo Edina deggan ayaa helay taageerada adeegyada bulshada sanadki 2024 140 $30 loogu deeqo VEAP waxay hal shakhsi siinaysaa saddex cunto maalinti muddo 30 maalmood ah oo cunto ah ayaa loo geeyay dadka deggan Edina sanadki la soo dhaafay 1,413 ayay Magaalada Edina ku bixisay Kaalmada Degdegga ah ee Kirada 2024-2025 $300,000 2 Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta & Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813 ama 16) ama onlaynka. DHACDOOYINKA SOO SOCDA Sabtiyada ilaa Diseembar 20, duhurki-2 p.m.Fireside Carolers, 50th & France Talaado, Diseembar 2, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Diseembar 4, 4 p.m. Sawirada Santa, Centennial Lakes Park Jimco, Diseembar 5, 10 a.m. Dabaaldegga Qaboobaha lagu qabanayo Centennial Lakes Park – Jingle Bingo & Hal- abuurada Farxada leh, Centennial Lakes Park Sabti, Diseembar 6, 9 a.m. Maalinta Qoyska, lagu qabanayo Centennial Lakes Park Sabti, Diseembar 6, duhurki-2 p.m. Xayawaanka Ciidda ee Llamas ee Fagaaraha, 50th & France Sabti, Diseembar 6, 7 p.m. Fiiqsiga Fasaxa Khamriga Edina, Centennial Lakes Park Axad, Diseembar 7, 1 p.m. Showga Faashiyoonka ee Merry Merry, 50th & France Isniin, Diseembar 8, 6 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Diseembar 11, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Horumarinta, Hoolka Magaalada Edina Jimco, Diseembar 12, 5 p.m. Cawayska filimka, “It’s a Wonderful Life,” Edinborough Park Axad, Diseembar 14, 4:30 p.m. Hanukkah Lighting, 50th & France Talaado, Diseembar 16, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Arbaco, Diseembar 17, 11 a.m. Hadiyadda Wax Bixinta, 50th & France Khamiis, Diseembar 18, 10:30 a.m. Zinghoppers Holiday Show, Edinborough Park Sabti, Diseembar 20, 9 a.m. La Socodka Duqa Magaalada, 50th and France, ka bilaabmaya tuubada biyaha kor u ganta ee Faherty Sabti, Diseembar 20, 3 p.m.Hadiyadda Daqiiqadda Ugu Dambaysa ee Dhadhaminta Dukaanka Dhexdiisa, Edina Liquor Arbaco, Diseembar 24 Maalinta Xusuusta; Xafiisyada Magaalada ayaa xiran Khamiis, Diseembar 25 Kirismaska, xaafiisyada Magaaladu waa ay xiran yihiin Jimce, Diseembar 26 Xafiisyada magaalada waa la xiray Arbaco, Diseembar 31, 10 a.m. Xafladaha Habeenka Ka Horeeya Sanadka Cusub ee Qoyska 2025, Edinborough Park Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov. Mount Olivet Rolling Acres waxay labo guryo oo bulsho ku cusboonaysiin doonaan lacagaha Gargaarka Guryaha La Awoodi Karo ee Maxalliga ah. Guriga sawirka ka muuqdo waxaa laga beddeli doonaa sagxadda si kor loogu qaado badbaadada iyo adeegsiga; cusboonaysiimo ku aadan bilicda, oo ay ku jiraan ka gurista geedaha dhintay; iyo meel baabuur la dhigto oo cusub. (Sawir La Soo Gudbiyay) WAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER Marka kharashaadka guriga ay ka bataan dakhliga, xitaa xasarad muddo gaaban ah waxay khatar u galinaysaa inay lumiyaan gurigooda. Iyadoo ay ugu wacan tahay maalgelinta cusub ee Gobolka, Edina waxa ay ka caawinaysaa dadka degan in ay guriga sii daganaadaan oo ay abuurto xulashooyin badan oo la awoodi karo mustaqbalka. Magaalada Edina waxay ku jirtaa sanadkeedi labaad ee ay adeegsanayso Gargaarka Guriyaynta La Awoodi Karo (LAHA) si ay wax uga qabato baahida guriyaynta la awoodi karo. LAHA waa dakhli ka soo xarooda canshuurta wax gadida oo uu Gobolku u qaybiyo magaalooyinka iyo degmooyinka si ay ugu bixiyaan guriyaynta la awoodi karo. Edina waxay heshay in ka badan $1.2 milyan oo LAHA ah tan iyo sanadkeedi koowaad ee maalgelinta ee 2024. Ujeedadi hore ee laga lahaa dakhliga canshuurta wax gadida waxay ahayd in dadku ay sii daganaadaan guryahooda iyagoo siinaya kaalmada degdegga ah ee kirada, marka sanadki 2024, lacagaha LAHA waxaa loo qoondeeyay Mutadiwiciinta U diiwaangashan Caawinta Dadka (VEAP) oo loogu talagalay kaalmada degdegga ah ee kirada iyo Homes Within Reach. Iyadoo loo marayo VEAP, qoysaska sida degdegga ah shaqadooda ku lumiya ama u xanuunsada waxay heli karaan kaalmada kirada guryaha oo muddo gaaban ah si aan guriga looga saarin. Lacagaha lagu bixiyo Homes Within Reach waxay taageeraan iibka iyo hagaajinta guryaha laguna wareejiyo ammaanada dhulka bulshada lagana gado iibsadayaasha uqalma dakhliga. “Inti arrimahaan looga doodayay Sharci Dejinta, baaxadu way sii ballaaratay, laakiin waxaan rabay inaan sii wado ruuxda ujeedadi hore sababtoo ah taasi waa sababta aan lacagtan u heleyno,” ayay tiri Maareeyaha Horumarinta Guriyaynta La Awoodi Karo Stephanie Hawkinson. “Waxaanu qabnaa baahi. Lacagahaan waxaa lagu bixinayaa dadka khatarta ugu jira hoy’ la’aanta.” Sanadki 2025, Edina waxay heshay $875,382 oo ah lacagaha LAHA. Hay'ada Guriyeynta & Dib U Horumarinta waxay lacagta u qoondaysay barnaamijyada derisyada ka taageera inay guryahooda sii daganaadaan, iyadoo kor u qaadaysa badbaadada guryaha ee dadka waawayn ee nugul oo abuurayso fursado guryo lahaansho la awoodi karo. Sanadkan, $200,000 ayaa loo qoondeeyay VEAP oo loogu talagalay kaalmada degdegga ah ee kirada guryaha, $581,882 waxaa loo qoondeeyay Barnaamijka Ilaalinta Lahaanshaha La Awoodi Karo ee Magaalada halka $93,500 la siiyay labo kooxo guryo si ay ugu sameeyaan cusboonaysiimaha lagama maarmaanka ah. Mount Olivet Rolling Acres (MORA) waa urur aan macaash-doon ahayn oo soo iibiyay labo guri oo ku yaalla Edina si goobo lagu noolaado oo badbaado ah, lana adeegsan karo loo siiyo dadka deegaanka ee naafada ah, taasoo u oggolaanayso inay u noolaadaan si madax bannaan. MORA waxay u adeegsan doonaan qaar ka mid ah lacagaha LAHA in ay ku sameeyaan horumarinada aadka loogu baahan yahay si ay wax uga qabtaan badbaadada aasaasiga ah, baahiyaha adeegsiga iyo dayactirka guud si kor loogu qaado xaaladaha nolosha ee dadka deegaankooda. “Iyadoo ay ugu wacan tahay lacagaha LAHA ee Magaalada Edina, MORA waxay ka dhigi karaan guryaheenna kuwo nabdoon, la heli karo, soo dhawayn badana u leh dadka halkaas ku nool. Taageeradani kaliya ma ahan hagaajinta barandada ama riinjiyaynta darbiyada, waxay ku saabsan tahay abuurista meelo ay dadka degani dareemaan qadarin, ku habboonaan iyo isku xirnaan,” ayay tiri Heather Guerin, Agaasimaha Horumarinta MORA. “Maalgelintani waxay naga caawinaysaa inaan guryaha ka dhigno guryo ay ka buuxaan sharaf iyo daryeel, arrintaasina, aad ayaan uga mahadnaqaynaa.” Inta Edina ay maalgelinta ka sii helayso LAHA, shaqaalaha Magaaladu waxay qorsheeyaan inay balaariyaan iskaashiga oo ay ilaashadaan guryaha la awoodi karo ee hadda jira si loo xaqiijiyo in dhamaan dadka degani ay helaan meel amaan ah, oo degan oo ay ku noolaadaan. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan dadaalada Guriyaynta La Awoodi Karo ee Magaalada Edina, booqo OpenDoorsEdina.org. Ka Caawinta Derisyada inay Sii Deganaadaan Guryaha: Edina Waxay Dakhliga Canshuurta Gobolka u Adeegsataa inay Ku Taageerto Guriyaynta La Awoodi Karo Ka Faa’iidaysteyaasha 2025 Waxaa Ka Mid ah VEAP iyo Mount Olivet Rolling Acres 3Magaalada Edina EdinaMN.gov Golaha Magaalada oo Qabanaya Dhagaysi Dadweyne oo Ku Saabsan Xakamaynta Qoryaha ee Maxalliga ah Dadweynaha Ayaa Lagu Casuumay inay Ku Miisaamaan Kulanka Soo Socda Xubnaha Golaha Magaalada waxay rabaan inay dhagaystaan dadka deegaanka ka hor inta aysan isla eegin xeerka qoryaha maxalliga ah. Kadib toogashadi bishi Agoosto ka dhacday Kaniisadda Annunciation iyo Dugsi ku yaallo Minneapolis, dhowr magaalo oo ku yaallo Minnesota waxay dalbadeen cusboonaysiinta sharciga qoryaha ee heerka Gobolka. Iyadoo magaalooyinka qaarkood ay ka fakarayaan sahminta xeerar iyaga u gaar ah, sharciga hadda ee Minnesota wuxuu magaalooyinka ka hor istaagayaa inay dhaqangeliyaan qawaaniin iyaga u gaar ah, qodob loo yaqaano xeerka gobolka oo ka sarreeyo xeerka maxalliga ah. Horraanti Nofeembar, Magaalada St. Paul ayaa meelmarisay xeerka kahortagga shaqaaqada qoriga oo aan dhaqangalaynin ilaa sharciga Gobolka la beddelo. Xeerka St. Paul waxaa ka mid ah shan qodob: •Mamnuucista haysashada qoryaha darandooriga u dhaca, qasnadaha rasaasta badan qaada iyo farganka qoryaha ee labada dhinac wax u rida oo laga mamnuuco gudaha xuduudaha magaalada •Mamnuucidda “qoryaha aan la aqoon” ee aan la raadraaci karin iyadoo looga baahanayo inay yeeshaan lambaro u gaar ah •Xaddidista hubka oo laga xaddido goobaha xasaasiga ah ee bulshada sida beeraha nasiinada, maktabadaha, xarumaha madadaalada iyo dhismayaasha magaalada •U baahashada calaamad cad oo lagu dhajiyo xarumaha dadwaynaha si dadka loogu wargeliyo xaddidaadaha looguna dhiirigeliyo inay u hoggaansamaan •Qeexidda awoodda fulinta iyo ciqaabaha—oo dhaqangalalaya kaliya haddii gobolka uu laalo ama wax ka beddelo sharciga dhigayo in xeerka gobolka uu ka sarreeyo xeerka maxalliga ah Iyadoo uu ku yimid codsiga Golaha, Qareenka Magaalada David Kendall ayaa soo saaray qabyo-qoraal la mid ah si xubnuhu ay isula eegaan, balse Maareeyaha Magaalada Scott Neal ayaa sheegay in shaqaalaha aysan taageeri karin. “Waxaan joognaa boos aan soo saari karno xeer, balse aanan dhaqangelin karin oo ay ugu wacan tahay dabciga xeerka oo aan la dhaqangelin karin,” Neal ayuu yiri. Xoogaa dood ah kadib, Xubnaha Golaha waxay bishi la soo dhaafay isku raaceen inay qabtaan dhagaysi dadweyne si dadka deegaanka fursad loogu siiyo inay miisaamaan arrinta ka hor inta aan wax tallaabo ah laga qaadin gudaha. Dhagaysiga dadweynaha waxaa si ku meelgaar ah loogu qorsheeyay Talaado, Janaayo 6. Hawlaha kale bishii hore, Golahu: •Wuxuu oggolaaday ka laabashada codsiga nidaamka dhulka qoyan ee Magaalada ee loogu talagalay Fred Richards Park si loo raadiyo hab kale oo lagu ilaaliyo dhulka qoyan, kaas oo ku habboon miisaaniyadda mashruuca iyo dayactirka waara ee beerta. Goluhu wuxuu sidoo kale qandaraas siiyay H+U Construction oo loogu talagalay dhul u diyaarinta hore ee mashruuca, taasoo barxadda goolofta u badalaysa beer goboleed. •Dhagaystay soo jeedin ka socoto Sanduuqa Waxbarashada Edina iyo Edina Athletic Boosters si loo tixgeliyo khamaar la sadaqeeyo gudaha Edina. Edina waa magaalada kaliya ee ku taasha aag-waynaha magaalada halkaasoo khamaarka pulltabs aan laga ciyaarin. •Wuxuu dib-u-eegay qorshe feegaareed ku aadan goobta Kwik Trip ee la soo jeediyay ee ku taasha 5780 Lincoln Drive wuxuuna bixiyay jawaab- celin aan sharci ahaan loogu hoggaansamaynin. Kwik Trip waxay jeclaan lahaayeen inay dumiyaan dhismaha xafiiska ee hadda ka dhisan goobta kana dhisaan kaalin 9,176-fiit oo laba jibbaaran ah oo leh 10 kaalimo shidaal. Ma lahaanaysomeel baabuurta lagu dhaqo. •Wuxuu wax ka beddelay qorshaha kharashgaraynta ee degmooyinka maalgelinta canshuur-kororka (TIF) ee Southdale 2, Pentagon Park iyo 70th & Cahill si barnaamijka SPARC ee Magaalada loogu daro hal sano. Lacago kasta oo aan lagu isticmaalin Diseembar 31, 2026 waa in lagu celiyaa koontadi hore ee TIF si ay Magaaladu u isticmaasho mustaqbalka ama loogu wareejiyo Hennepin County. Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xigta 7 p.m. Talaadooyinka Diseembar 2 iyo 16. Kulan gaar ah ayaa sidoo kale la qaban doonaa 6 p.m. Isniin, Diseembar 8, si la isula eego mashaariicda horumarinta waddooyinka ee 2026. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. – WAXAA ISKU DUBARIDAY JENNIFER BENNEROTTE PROFESSIONAL MOVERS QualityMovingCo.com 952-831-6800 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4