HomeMy WebLinkAboutPublicWorksPipeline_Early2026_Somali-WebDhuuntaHOWLAHA GUUD
HORRAANTA 2026
(ka sii socota Bogga 2)
Tignoolajiyad Cusub Ayaa Lagu Eegayaa Kormeerada Dhabbaha Dhinaca Wadada
Waxaa qortay Brittany Bader
Waaxda Hawlaha Guud waxay waddooyinka kaga
shaqaynaysaa tignoolajiyad cusub si ay kor ugu
qaado sida dhabbayaasha dhinacyada wadada loo
kormeero loona dayactiro.
La daahfuray 2022, barnaamijka dhabbaha dhinaca
wadada ee Magaalada waxaa looga gol leeyahay
in lagu aqoonsado laguna hagaajiyo khataraha
si dhabbayaasha dhinaca wadada looga dhigo
kuwo badbaado ah uuna adeegsan karo qofkasta.
Barnaamijka wuxuu ku shaqaynayay kormeer
wareegto oo afarti sanaba mar ah, iyadoo afar
meelood meel middi hore ka duwan loo qorsheeyo
sanad kasta.
Ilaa iyo dhawaan, in badan oo shaqada ka mid ah waxay ku lug lahayd in cabbiro iyo sawiro lagu qaado gacanta. Marki Agaasimaha Hawlaha Guud iyo Injineerka Magaalada Chad Millner uu ka warhelay aalad la yiraahdo DeepWalk oo uu ku ogaaday shirki Ururka Injineerada ee Magaalada ee Minnesota ee la qabtay horraanti 2025, wuxuu fursad u arkay inuu keeno Edina. Aalada waxay bixisay qaab otomaatig looga dhigo hannaan taariikh ahaan shaqaale badan u baahan waxayna bixisaa xog aad joogto u ah.
“Kahor DeepWalk, shaqaaluhu waxay adeegsan
jireen mitirka wax lagu cabbiro, heerar, boorarka
warqadaha lagu qabto iyo aaladaha kale si ay ugu
cabbiraan daadagyada, waxyaabaha khatarta ah
ee lagu turaanturoodo iyo cilladaha kale. Tani
waxay ahayd mid shaqaale badan u baahan oo
gaabis ah. DeepWalk waxay dardargelisaa hawsha
iyadoo adeegsanaysa aalado kaamiro leh oo cabbiri
kara masaafooyinka isla markaana aqoonsan kara
khataraha,” ayuu yiri Millner.
Hal faa’iido waxay ahayd in Magaalada aysan u
baahnayn inay soo iibsato qalab dheeri ah. Xaqiiqdi,
aaladda ugu wayn ee Shaqaalaha Hawlaha Guud ee
Matt Baade uu adeegsado waa iPad.
“Waxaan riixnaa badhanka ‘duub,’ dhammaan
dhibcahaan cagaaran waxay u taagan yihiin bar
ay iskaangaraynayso,” ayuu yiri Baade ee ka
tirsan aabka kormeerka DeepWalk. Aabka wuxuu
adeegsadaa kaamiradiisa LiDAR ee iPad Pro---
Ogaanshaha Iftiinka iyo Cabbirista Masaafada---si uu
u gorfeeyo daadagga, ballaca iyo xaaladda sagxadda
ee dhabbo kasta oo dhinaca wadada ah una
aqoonsado meelaha dayactirka loo baahan yahay.
Baade, kaasoo hoggaamiya barnaamijka kormeerka
dhabbaha dhinaca wadada ah, wuxuu sheegay in
tignoolajiyadda ay ahayd mid si wayn wakhti u
badbaadisay. Kormeeridda hal gees oo ka mid ah
Magaalada waxay qaadan jirtay qiyaasti saddex
toddobaad iyo bar; hadda waxaa lagu samayn karaa
qiyaasti saddex maalmood.
Shaqaalaha Adeegga Dadweynaha Matt Baade ayaa adeegsada softiweer cusub oo la yiraahdo DeepWalk,
taasoo ay Magaaladu tijaabinayso si ay kormeerada dhabbaha dhinaca wadada looga dhigo mid aad wax
ku ool u ah. Aabka wuxuu adeegsadaa kaamirada iPad Pro LiDAR ee Baade si otomaatig ah si uu ugu
iskaangareeyo una cabbiro xaaladaha dhabbaha dhinaca wadada. (Sawirada waxaa leh Brittany Bader)
2
Tignoolajiyad Cusub Ayaa Lagu Eegayaa Kormeerada Dhabbaha Dhinaca Wadada
(Wuxuu ka sii socdaa jaldiga kore)
“Waagi hore, waxaan ku socon jiray dhabbayaasha
dhinaca wadada, waxaana istaagi jiray meel kasta
oo cillad leh waxaana samayn jiray cabbiraadaha
oo dhan waxaana qaadi jiray sawiro, taasoo qaadan
jirtay labo ilaa shan daqiiqo halki istaagba. Hadda,
ma u baahni inaan istaago oo aan sawiro qaado.
Barnaamijka ayaa si otomaatig ah u qabanaya
hawshaas, waana uu cabbirayaa inta aan ku dul
socdo dhabbaha dhinaca wadada ah. Waxa kaliya ee
la iga rabo waa inaan riixo batoon marka aan arko
khatar lagu turaanturoodo,” ayuu yiri Baade. “Wuxuu
muujinayaa dildillaacyada, wuxuu muujinayaa
daadagyada, wuxuu muujinayaa in jirjirrada
dhammaadka dariiqa ay maqan yihiin. Wuxuu
muujinayaa waxkasta oo aan samayn lahaa. Waxaan
si joogto ah ugu socon karaa si caadi ah, wuxuuna
qabanayaa waxkasta.”
Marka dhabbayaasha dhinaca wadada ku yaalla la iskaangareeyo, aabka wuxuu soo saarayaa muuqaal 3D ah oo goobta ah. DeepWalk wuxuu u adeegsanayaa xogtaas inuu ku cabbiro adeegsiga, ku falanqeeyo xaaladaha iyo inuu qayb kasta uu ku siiyo dhibco.
“Softiweerka wuxuu darnaanta cillada ku
midabeeyaa cabbir cagaar, jaalle, casaan iyo madow
ah. Softiweerka wuxuu shaqaalaha u oggolaadaa
inuu xisaabiyo heerka aag kasta marka loo eego
aagga juqraafi ee magaalada. Tani waxay noo
saamaxaysaa inaan abuurno dalabyo shaqo oo ku
salaysan shuruudo kala duwan sida miisaaniyadaha
la heli karo ama goobaha u dhow adeegsadayaasha
nugul,” ayuu yiri Millner.
Waxay hadda qaadanaysaa qiyaasti hal bil in
natiijooyinka dib loo helo. Iyadoo tan maanka
lagu hayo, Baade ayaa iskaangareeyay geeska
waqooyi galbeed qaboobaha kahor si shaqaalaha
ay dayactirada u bilaabaan xilliga gu’ga beddelki ay
wakhtigaas ku bixin lahaayeen kormeerid.
“Softiweerkani wuxuu inoo saamaxayaa inaan bixino adeeg wanaagsan anagoo inta badan wakhtiga shaqaalaha ku bixinayno hagaajinta khataraha,” ayuu yiri Millner.
Wakhti yar ku bixinta kormeerada waa qayb kaliya
ka mid ah hagaajinta. Waaxda Hawlaha Guud waxay
sidoo kale casriyaysay sida dayactirada loo sameeyo.
Magaalada waxay soo iibsatay qalabka burburiya
shamiitada si shaqaalaha ay u hagaajiyaan khataraha
beddelki ay sugi lahaayeen qandaraasle. Tani waxay
soo gaabinaysaa wakhtiyada waxayna ugu dambayn
yaraynaysaa kharashaadka.
Dabayaaqada 2025, Baade wuxuu sheegay inuu
isagu hagaajiyay 500 oo khatar sanadka inta lagu
jiray, shaqo uu ku qiyaasayo inay Magaalada ugu
kici lahayd ku dhawaad $30,000 haddii cid kale
qandaraas loo siin lahaa.
“Hadda waxaa isoo gaara wicitaan taleefan ama
warbixinta Edina 311, waxaana halkaas ku tagi karaa
isla maalinta ama maalinta xigta waxaana wax ka
qaban karaa dhibaatada, dadka deegaankana waxay
arkayaan natiijooyin degdeg ah,” ayuu yiri Baade.
Mustaqbalka, Millner wuxuu sheegay inuu arko
suurtagalnimada in tignoolajiyadda sida DeepWalk la
gaarsiiyo aagaga kale ee hawlgallada Magaalada.
“Waxaan sii wadnaa inaan barano aalado ku cusub shaqada oo AI ah oo awoodi kara inay sare u qaadaan hawlaheena. Marka aalad ay u muuqato
mid macquul ah, waxaan la xiriirnaa iibiyaha si uu
noo tuso. Waxaan rabnaa inaan fahamno sida ay
u shaqayso, waxa ay yihiin khataraha, cidda hadda
isticmaasha, sida aan u isticmaali karno iyo qiimaha
ay joogto kahor inta aanu gaarin go’aanka lagu soo
iibsanayo.”
Magaalada waxay DeepWalk lacag ku siisaa calaa
mayl. Sanadki 2025, Edina waxay adeegga u
adeegsatay inay ku iskaangarayso 10 mayl oo dhabbo
dhinaca wadada ah iyadoo ay uga baxday $5,000
waxayna qorshaynaysaa inay adeegsigeeda kordhiso
sanadka 2026.
Si aad u soo sheegto dhibaato ka jirta
dhabbaha dhinaca wadada, adeegso Edina
311, taasoo lagu heli karo aab moobilka ah
ahaan ama barta EdinaMN.gov/Edina311.
Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan
Waaxda Howlaha Guud, booqo EdinaMN.gov/
PublicWorks ama 952-826-0376.
Warbixinada uu soo saaro softiweerka waxay muujiyaan midab la siiyay darnaanta qaybaha dhabbaha, taasoo
ka caawinaysa shaqaalaha inay kala mudnaan siiyaan dayactirada. (Sawiro laga soo qaaday aabka DeepWalk)
3
Agabka Badbaadada
Orodyahanka
Si loo xaqiijiyo in darawallada
baabuurta iyo cagafta barafka xaaqa
ay ku arkaan adiga marka uu jiro
mugdi ama cimilada xun
tahay, xiro agab badan oo
dhalaalaya.
Siliska Kabaha ee loogu
talagalay Xaaladaha
Qaboobaha
Jijimaha Gacmaha oo
Dhalaalaya ama Duubka
Anqowga
Tooshka madaxa
lagu xirto
Garan ama Jaakad
Dhalaaleysa
(Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer)
Biin Nal Leh
4
Godad Dhib Badan: Dagaal Kadhan ah
Dhibaatooyinka Wadada ee Cimilada Qabow
Sanadki kastaba, Qaybta Waddooyinka ee Waaxda Hawlaha Guud ee Edina waxay buuxisaa ku dhawaad 1,500 oo god. Ma jiro hal xal oo ku habboon in lagu dayactiro
god kasta. Iyadoo ay ku xiran tahay wakhtiga sanadka, kooxdu waa inay isticmaasho agab iyo habab kala duwan, kuwaasoo natiijooyin kala duwan u keenaya awoodda iyo cimriga meelaha la buuxiyay.
“Xilliga qaboobaha, ma samayn karno buuxin joogta ah,” ayuu yiri Nick Hoffman, oo qayb ka ah Qaybta Waddooyinka. Marka heerka uu hoos u dhaco, kooxdu waxay adeegsataa isku qas qabow, kaas oo aan aad u xoog badnayn. “Haddii aan ku buuxino isku qad qabow oo ay baabuur badan marto, waxay markale noqon kartaa god asbuuc gudihii. Dadku way niyad jabaan, iyagoo ku fekeraya, ‘Maxaydaan u hagaajin karin?’ Hagaag, marki aan galno xilliga qaboobaha gudaha Minnesota, ma jirto
hagaajin wanaagsan.”
Iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaas, cimilada qabow kama hor istaagayso kooxda Hawlaha Guud inay qabtaan inti karaankooda ah. Waxbadan ka ogow noocyada agabka ee loo adeegsado in lagu buuxiyo godadka iyo sida kooxdu uga shaqayso sidi ay uga dhigi lahayd waddooyinka Edina kuwo badbaado ah.
Noocyada Agabka Dayactirka
Isku Qaska Kulul
• La heli karaa bilaha saamarka
• Laami madow oo dusha looga shubo oo
laga soo qaaday warshadda laamiga
• Wuxuu sameeyaa god buuxin xooggan,
oo waarta
• Wuxuu qaataa wakhti inuu qaboobo oo
uu dego
Isku Qaska Qabow
• Waxaa la isticmaalaa inta lagu jiro bilaha qaboobaha
• Muddo yaalli karaa, si ku meelgaar
ah loogu buuxiyaa godadka isagoo
ka samaysan laami iyo dhagaxyo
la jajabiyay
• U nugul baabuurta badan iyo cimilada
• Wuxuu u dhagayaa si degdeg ah marki
la dhejiyo
Buuxinta La Buufiyo
• Waxaa la adeegsadaa inta lagu jiro cimilada diiran
• Isku dhaf muddo yaalli kara oo ka kooban saliid iyo dhagaxyo oo lagu buufiyo godadka
• Buuxin dhexdhexaad ah (waxay ka fiican tahay buuxinta qabow, uma fiicna sida buuxinta kulul)
• Waxay u dhagaysaa si degdeg ah marka ay uumi baxdo
5
Ma aragtay god? Waaxda Hawlaha Guud ma caawin karto godadka aysan ka warqabin, marka ka caawi oo isticmaal aabka Edina 311 ama webseedka Magaalada si aad ugu sheegto god!
Si aad u soo sheegto god adigoo isticmaalaya webseedka, booqo EdinaMN.gov/Edina311. Waxaad dhibaatadaada ku soo sheegi kartaa boggan ama adigoo adeegsanaya aabka Edina 311, oo laga heli karo Apple iyo Android.
“311 waa aalad aad u waxtar badan,” ayuu yiri Hoffman. “Waxay noo sheegaysaa isla markaaba inaan halkaa
tagno oo aan wax ka qabano.”
Soo Sheeg Godki Kuu Dhow
Qalabka ugu cusub ee ay adeegsato Qaybta Waddooyinka waa rimoor wax lagu dayactiro oo aad u waxtar
badan. Wuxuu wakhti badan kaydiyaa isku qaska kulul si ka badan rimoorki hore, taasoo u oggolaanayso kooxda inay buuxiyaan godad badan kahor inta aysan ku soo laaban warshadda si ay u qaataan isku qas kale.
Baabuurka Cusub
6
La soco kooxda godadka hagaajisa inta ay hagaajinayaan waddooyinka Edina hal god markiiba.
Kooxda Ku Hawlan Shaqada: Buuxinta Godka Tallaabo-tallaabo
1 Dib-u-eegis Ku Samee Adeegga Edina 311
Codsiyada iyo Waddooyinka Qorshaha
• Adigoo adeegsanaya warbixinada aabka
Edina 311 iyo webseedka, samee liiska
godadka la buuxinayo
• Qorshee wadada ugu wax oolsan
3 Nadiifi oo Diyaari Godadka
ku yaalla Goobta Laga Bilaabayo
• Adigoo adeegsanaya qalabka wax buufiya,
nadiifi dhammaan qashinka
• Ku dar koollo jiidjiidmaysa bilaha diiran si
aad uga hortagto inuu qoyaan dhexgalo
lakabyada isku qaska kulul isla markaana
gacan uga gaysato inay wadada qabsato
6 Xir Codsiga Adeegga
oo Bilow Kan Xiga
• Ku calaamadee dayactirka inaad
dhammaysay
• Edina 311 ayaa gudbinaysa iimayl
sheegaya in godka la buuxiyay
• Sii wad dayactirka ilaa godadka la
buuxinayo maalinta laga dhammaystiro
4 Buuxi Godadka Wadada
• Isku qaska ku shub godka la nadiifiyay
• Laamiga ku fidi goobta
2 Safar si Aad Usoo Qaadid
Daamurka Maalinkasta
• Isku qas kulul ka soo qaad warshadda ee
bilaha diiran
• Rimoorka ku kaydi isku qaska qabow
xilliga qaboobaha
5 Isku-cadaadi Daamurka
• Adigoo qalabka tamper u isticmaalaya godadka yaryar oo qalabka roller u isticmaalayo godadka waawayn, goobta ku riix isku qaska
• U oggolow inuu qaboobo oo uu adkaado
• Godadka waawayn waxay qaataan ku dhawaad hal saac inay qalalaan, halka kuwa yaryar ay ku adkaan karaan daqiiqado gudahooda
77
Tuubooyinka Barafooba: Siyaabaha ‘Lagu dhalaaliyo’ si Looga Fogaado Daad
2. Gurigaaga ka baar meesha ay ka
imaanayso dhibaatada
Haddii aad ka shakido tuubo uu baraf fadhiistay,
wakhti u badbaadi naftaada iyo kooxda Hawlaha
Guud adigoo isku dayaya inaad soo hesho meesha
ay dhibaatada ka jirto.
“Haddii aysan biyo ka jirin qayb ka mid ah gurigaaga, waxaan fiirin doonaa
dhammaan tuubooyinkaaga si aan u xaqiijiyo inaysan ku koobnayn hal meel,”
ayuu yiri Kaderlik. “Haddii ay tahay musqushaada, balse ay biyo kuu joogaan
jikada, sida iska cad waxay u dhaxaysaa hal qayb iyo qayb kale. Kama dhigna
inaad wada xirto nidaamkaaga biyaha oo dhan.”
Fikrad khaldan oo dadka ka dhaadhacsan waa in tuubooyinka ay kaliya
barafku la fadhiisto guriga bannaankiisa; Kaderlik ayuu ku sharraxay in
tuubooyinka ku yaalla guriga dhexdiisa ay sidoo kale barafoobi karaan. Haddii
aysan jirin biyo ku socdo siinkiga, tuubada ka hoosayso koontarka ayay noqon
kartaa dhibaatada. Xaaladaas, hagaajinta si fudud ayaa loo samayn karaa,
ayuu ku sharraxay Kaderlik. “Waxaan u qaadanay qalabka lagu qallajiyo
timaha ama qoryaha kulul inaan ku dhalaalino [tuubooyinka barafoobay ee
ku hoos yaalla siinkiyada],” ayuu yiri.
1. Kadhig gurigaaga mid diiran
“Hal sabab oo tuubooyinka barafka uu la fadhiisto waa in milkiilayaasha guryaha ay isku dayaan inay tashiishaan kharashaadka kulaylinta guryaha inta ay maqan yihiin,” ayuu ku sharraxay Nathan Kaderlik, Kaaliyaha Agaasimaha Waaxda Hawlaha Guud – Adeegyada Guryaha. “Guryaha ma lahan qalab badan oo sheega heerkulka, marka haddii qalabka sheega heerkulka uu ka daaran yahay qaybta ugu wayn, oo aad ku xirto 55 darajo, qaybaha kale ee guriga waxay noqon karaan kuwo heerkulkoodu hooseeyo.”
Iska ilaali tuubooyinka inuu baraf fadhiisto adigoo xaqiijinaya in dhammaan
qaybaha guriga ay ka sarreeyaan heerkulka barafoobidda, gaar ahaan marka
aad dalxiiska ku maqan tahay.
3. Biyaha ha qulqulaan
Biyaha oo la fadhiisto tuubooyinka waxay wakhti u siinaysaa
inay qaboobaan oo ay barafoobaan. Tani waa arrin kale oo soo
korodha marka dadka ay guryahooda ka maqnaadaan muddo
dheer xilliga qaboobaha. Ku dadaal inuu qof isha kuugu sii
hayo gurigaaga inta lagu jiro bilaha qaboobaha.
4. Noqo khabiirka nidaamka biyaha
Ogaanshaha dhowr waxyaabood oo ku saabsan nidaamka biyaha ee
gurigaaga waxay kuu badbaadin kartaa wakhti qiimo badan haddii
ay tuubo qaraxdo. Waxa ugu muhiimsan, ogow in meesha biyaha
laga xiro ay ku taasho gurigaaga dhexdiisa. Haddii biyaha ay ku soo
qulqulayaan gurigaaga hoose, uma baahnid inaad wakhti ku bixiso
raadinteeda.
Haddii aadan hubin halka laga bilaabo, fiiri qolkaaga qalabka dayactirka ee u dhow
biyo-jilciyaha, biyo kulayliyaha ama foornada. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inay ku
yaalaan gadaasha darbi u dhow mitirka biyaha.
Alla Maya! Tii Ugu Darnayd Ayaa Dhacday!
Cilladaha tuubooyinka barafoobay ee waawayn, Waaxda
Hawlaha Guud ka wac 952-826-0375 laga bilaabo 7 a.m.
ilaa 3:30 p.m. Isniinta ilaa Jimcaha si biyahaaga loo xiro.
Wixi ka baxsan saacadahaas, wac 952-826-1600 wixi ah
xaaladaha degdegga ah ee biyaha.
Haddii uu dhaawac gaaray tuubo gurigaaga ka mid ah oo u baahan in la
hagaajiyo, wac tuubiste si uu kuu caawiyo.
Waxaad diyaarsanaysay koob kafee ah. Baraf ayaa tartiib-tartiib ugu soo
dhacay daaqadaada. Waxaad furtay tuubada biyaha, balse waxbo kama
imaan. Uh oh. Tuubooyinka miyuu baraf fadhiistay? Waa wakhti la
argagaxo … miyaanay ahayn?
Tuubooyinka waxaa fadhiisan kara baraf iyagoo aan qarxin, waxaana fudud
in laga hortago tuubada inay jabto halki laga hagaajin lahaa. Si kastaba ha
ahaatee, haddii tuubo ay qaraxdo oo ay biyo ku soo qulqulaan gurigaaga
hoose, waa inaad wacdaa Waaxda Hawlaha Guud si ay biyahaaga ugu
xirto sida ugu dhakhsiyaha badan. Iyadoo Waaxda Hawlaha Guud aysan hagaajin
waxyeellada soo gaarta tuubooyinka guryaha, biyaha in la xiro waxay ka hortagi
kartaa dhibaatada inay ka sii darto; kharashka hagaajinta tuubada iyo nadiifinta kadib
marka tuubadu jabtay waxay qofka guriga deggan ugu kici kartaa dhowr boqol oo
doolar ilaa kumanaan doolar.
Xagga hoose waxaa ku yaalla dhowr waxyaabood oo aad samayn karto si aad u
yarayso in tuubadaada uu baraf fadhiisto.
- Waxaa isku dubariday Edie Weinstein
8
Waxaa qortay Lauren Siebenaler
Cusbo ku shubista ayaa lagama maarmaan ah bilaha qaboobaha si uu qofkasta uu u badbaadsanaado. Isticmaalka cusbada badan waxay waxyeello u gaysan kartaa deegaanka, si kastaba ha ahaatee, taasoo ah sababta ay muhiim u tahay in la helo isu-dheellitirka saxda ah.
“Cusbo Yar, Ka Ilaalinta Cusbada Minnesota” waa barnaamij cusub oo xoogaa dhexdhexaad ah, oo bilaash ah oo uu bilaabay Hennepin County Chloride Initiative (HCCI) iyadoo hadafku yahay ka caawinta mulkiilayaasha guryaha gaarka loo leeyahay inay yareeyaan cusbada ay u isticmaalaan qaboobaha. Magaalooyinka maxalliga ah iyo biyo mareenada ayaa iska qori kara barnaamijka kadibna la shaqayn kara dadka deegaanka. Edina waxay qayb ka ahayd barnaamijka tan iyo 2023.
Maareeyaha Kheyraadka Biyaha Jessica Wilson
ayaa caawinaysa dadka magaalada deggan iyo
milkiilayaasha guryaha gaarka loo leeyahay, oo ay ku
jiraan kaniisadaha, guryaha dabaqyada ah iyo guryaha
is-kaashatada, waxay abuuraysaa qorshooyin khaas
ah oo lagu caawiyo inay yareeyaan isticmaalkooda
cusbada. Qorshayaashani waxay mulkiilayaasha
guryaha siiyaan dhaqamada ugu wanaagsan ee ay u
adeegsan karaan in ay gacan uga geystaan deegaanka
lacagna u tashiilaan, dhammaan iyagoo sii wada
ilaalinta badbaadadooda meelaha ay deggan yihiin.
“Barnaamijkani waa bilaash wakhtiga lagu bixinayana
waa mid yar,” Wilson ayay tiri. “Waxaa sidoo kale jira
qayb caawimo farsamo, halkaasoo aan ka caawinayno
kaqaybgalayaasha inay dhab ahaanti sameeyaan waxa
ay diyaarka u yihiin inay sameeyaan.”
Wilson waxa ay wax badan ka baratay isticmaalka cusbada iyada oo u maraysa dadaalka Magaaladu ku bixisay in ay ku tababarto Smart Salting 10-kii sano ee la soo dhaafay. Waa qof deegaanka ah oo khabiir ku ah cusbada waxayna iyadoo u maraysa barnaamijka “Cusbo Yar, Maya Cusbo” ay bixisaa adeegyo noocyo la-talin ah oo ay siiso dadka deegaanka. Kadib marka uu iyada kulan la yeesho muddo saacad ah, mulkiilaha guriga wuxuu yeelan karaa qorshe iyo kheyraad dheeraad ah oo uu ku gaaro yoolalka isticmaalka cusbada.
“Waxay ku saabsan tahay cilaaqaad la dhisidda
mulkiilayaasha guryaha, dadka deegaanka iyo
guddiyada bilcinta ee isxilqaanka ah, kadibna
helitaanka waxay u baahan yihiin iyo ka caawinta inay
sidaas sameeyaan,” ayay tiri Wilson.
Waa maxay qaar ka mid ah tusaalayaasha ee
caawimada farsamada isticmaalka cusbada?
• Hubinta si loo arko in qandaraaslayaasha barafka
xaaqa ay ku shahaadaysan yihiin isticmaalka
cusbada ee casriga ah, oo haddii aysan ku
shahaadaysnayn, u dirista macluumaadka
tababarka uu taabageliyo Gobolka.
• Ka caawinta qorista deeqda mashaariicda,
sida laamiga kululaaday si kor loogu qaado
badbaadada dariiqa.
• Abuurista khariiradaha biyo-shubka si
kaqaybgalayaasha looga caawiyo qorshaynta
ama codsiyada deeqda.
• Gacan ka gaysashada nakhshadaynta iyo
doorashada calaamad dadka deegaanka looga
digo xaaladaha khatarta ah ee ka hooseeya
barafka ama dariiqyada caadiyan barafaysan.
• Baridda dhaqamada ugu fiican sida sharxidda
sababta isku qaska bacaadka iyo cusbada ay u
noqon karto mid wax looga qabto.
• Diyaar u ahaanshaha sidi il joogta ah oo loogu
talagalay guddiyada bilcinta dhulka, dadka
deegaanka iyo mutadawiciinta guddiga si wax
looga qabto caqabado kala duwan oo ka jira
kheyraadka biyaha iyo isticmaalka cusbada.
Wilson waxa ay rajaynaysaa in ay sanadkan si aad
ah uga qaybqaadato barnaamijka waxa ayna soo
dhawaynaysaa ganacsiyada in ay isdiiwaangaliyaan.
Balse sida had iyo jeerba ah, waxa ugu wayn ee ay
diiradda saarayso Edina waa joogtaynta dhabbayaasha
wadada dhinaceeda ah, waddooyinka iyo dariiqyada
oo badbaado ah.
“Waxaanu haysanaa dhammaan agabyadaan
kala duwan si aan gacan uga gaysano yaraynta
isticmaalka cusbadooda iyadoo aan wax loo dhibayn
badbaadada,” ayay tiri Wilson.
Si aad isaga qorto “Cusbo Yar, Ka Ilaalinta Cusbada
Minnesota,” Wilson kala xiriir jwilson@EdinaMN.gov.
Maareeyaha Kheyraadka Biyaha Jessica Wilson
waxay had iyo jeer la shaqeysaa Sue Nissen oo
deggan Edina si ay bulshada ugu wacyigeliso
isticmaalka cusbada ee xilliga qaboobaha ee
dhacdooyinka sida Paws & Pavement inta lagu jiro
usbuuca cusbada qaboobaha. (Sawir Fayl)
Magaalada Waxay Doonaysaa Shuraako Bulshada ah
oo Ka Dhiga Xilliga Qaboobaha ah Mid Badbaado ah
oo Deegaanka u Roon
9
Waddooyinkee ugu horreeya?
Wadooyinka mashquulka badan ee isku xira qeybaha waaweyn ee magaalada isla markaana marinka u ah adeegyada gurmadka degdegga ah ayaa marka hore la xaaqaa. Marka xigta waa waddooyinka isku xira xaafadda, kuwaasoo inta badan aada dugsiyada iyo ganacsiyada. Marka waddooyinka waawayn la banneeyo, shaqaalaha waxay u gudbaan waddooyinka xaafadaha la deggan yahay iyo luuqluuqyada.
Dhabbayaashee dhinaca wadada ah ayay Magaaladu xaaqdaa?
Magaalada waxay xaaqdaa dhabbayaasha dhinaca wadada ee ku teedsan waddooyinka lagu hagaajiyo Kaalmada Gobolka, Waddooyinka Firfircoon ee loo maro Dugsiyada iyo kuwa
ku dhex yaala beeraha nasiinada ee Magaalada ama tas-hiilaadka madadaalada. Kuwani waxaa la xaaqaa kadib marka waddooyinka la nadiifiyo. Mulkiilayaasha guryaha ayaa masuul ka ah dhammaan dhabbayaasha kale ee ku yaalla dhinacyada wadada waana inay
ku nadiifiyaan 48 saacadood gudahood marka uu baraf da’o. Qariiradda ku taasha Bogga 11 waxay muujinaysaa dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah ee ay xaaqdo Magaalada iyo kuwa
mas’uuliyadooda ay saaran tahay mulkiilayaasha hantida meesha ku leh.
Maxay yihiin xayiraadaha ku aadan meelaha gawaarida la dhigto
xilliga qaboobaha ee gudaha Edina?
Laga bilaabo Nofeembar 1 ilaa Maarso 31, lama oggolo in baabuur wadada la dhigto inta u dhaxayso 1 a.m. iyo 6 a.m. Wakhti kasta oo uu da’o ugu yaraan 1.5 inji oo
baraf ah, gaari haku baakiman wadada ilaa barafka si buuxdo loogu xaaqo wadada dhinaceeda. Xadidista in baabuurta la dhigto wadada waxay ka caawinaysaa Waaxda Hawlaha Guud inay barafka u xaaqdo si degdeg ah oo badbaado ah. Dadka ku
xadgudba waxaa la siin karaa tigid ama gaariga ayaa laga jiidan.
Sidewalk Clearing
SnowplowPriority
Goorma ayay baabuurta barafka xaaqda soo baxaan?
Baraf xaaqista waxay bilaabataa marka barafka uu gaaro 1.5 inji ama ka badan,
tuurmashada barafka waxay keentaa dhibaatooyin ku aadan safarka ama
xaaladaha barafoobidda waxay saameeyaan badbaadada.
Dis patch C riteria
WinterParking
Waxa ay Tahay in La Ogaado Marka uu Baraf Da’o
Ma la yaaban tahay sida baraf xaaqista ay u shaqayso Edina? Waa kuwan jawaabaha qaar ka mid ah su’aalaha inta badan la iswaydiiyo ee ku saabsan baraf xaaqista, dhabbayaasha dhinacyada wadada iyo baakinka baabuurta. Xog dheeraad ah, khariiradaha/maabka baraf xaaqista iyo Su’aalaha Badanaa La iswaydiiyo oo dheeraad ah ka ogow barta EdinaMN.gov/SnowPlowing.
Kawaran haddii cagafta ay waxyeelayso sanduuqayga boostada
ama cawskayga?
Waaxda Hawlaha Guud waxay ku faanaysaa bixinta adeegyada xaaqa barafka oo heerkoodu sarreeyo, balse mararka qaar sanaadiiqda boostada ama cawska ayaa ay waxyeello ay soo
gaartaa inta lagu jiro xaaladaha cimilada ee aadka u daran. Haddii tani ay dhacdo, kusoo sheeg Edina 311, taasoo loo heli karo aab moobil ahaan ama barta EdinaMN.gov/Edina311, ama Waaxda Hawlaha Guud ka wac 952-826-0376. Waxaad sidoo kale dalban kartaa in la
hagaajiyo sanduuqa boostada ama in laguu magdhabo waxaad ka codsan kartaa webseedka Magaalada barta EdinaMN.gov/mailboxrepair. Shaqaalaha ayaa kaa daba imaan doona si ay
wax u saxaan.
Reporng Damage
Waxbadan oo La Ogaado
Xeerarka Qandaraaslaha
Haddii aad qandaraasle u soo kiraysato
xaaqista barafka, xaqiiji inuu garanayo xeerarka baraf xaaqista ee Edina. Barafka waa in lagu kaydiyaa booskaaga ama
loo raraa goob gaar ah. Ka eeg Bogga 16 si aad uga hesho macluumaadka
kaydinta barafka.
Xusuusinta Qashinka iyo
Dib-u-Warshadaynta
Haamaha ka fogee wadada si cagafta
barafka xaaqda ay si nabad ah ugu xaaqdo. Ka eeg Bogga 16 si aad uga hesho meelaynta qashinka qaboobaha.
Badbaadada Xaaqista Barafka
Cagafta barafka xaaqda sii goob ay ku shaqayso digtooni yeelo agteeda.
• Ha ciriirin hana dhaafin cagafta oo
shaqo ku jirto.
• Waligaa gaari ha u wadin
xagga daruur baraf ah.
• Wadada ka ilaali kareetada barafka
iyo alaabta ay carruurtu ku ciyaarto.
• Xirmooyinka barafka ha ka
dhisin qalcado baraf oo wadada
dhexdeeda ah.
- Waxa Qoray Brittany Bader
10
Mudnaanta Baraf Ka Xaaqista Wadada
£[
£[
£[
£[
")
")
")
")
")
")
")
")
")
")
¬«
¬«
¬«
¬«
¬«
§¨¦§¨¦
November 2024
± Snow Plow Route Types
Routes Plowed by Edina Crews
Primary
Secondary
Alleys
Routes Plowed by Other Crews
County
State
Private 0 7,000
Feet
Waddooyinka
Ay Barafka
Ka Xaaqaan
Shaqaalaha
Edina
Koowaad
Labaad
Luuqluuqyada
Waddooyinka
Ay Barafka
Ka Xaaqaan
Shaqaale Kale
Gobolka
Ismaamulka
Kuwa Gaarka
Loo Leeyahay
Iskaangaree si
aad u hesho
qariiradda
11
Iskaangaree si
aad u hesho
qariiradda
Xaaqista
Barafka
Dhabbaha
Dhinaca
Wadada ee
Edina
Barafka Ay Saarayso Magaalada
Degmada 50th
& France
Barafka uu Saarayo Mulkiilaha Hantida Meesha Ku Leh
Degmada Three
Rivers Park
Mas’uuliyadaha Baraf Ka Xaaqista
Dhabbaha Dhinaca Wadada
12
Waxaa qoray Debbie Townsend
Subax kasta oo ugu dambaysa dayrta waxay wadataa
calaamada la hubo ee Edina in qaboobaha uu yimid.
Shaqaalaha Dayactira Beeraha Nasiinada ayaa inta
aysan qorraxdu soo bixin yimaada 12 beero nasiino,
waxay tuubooyin waawayn ku xiraan tuubooyinka
ka taagan wadada dhinaceeda waxayna bilaabaan
inay dhisaan baraf soo dhaweeya dadka kudul orda
barafka subax kasta oo qaboobe ah.
Darsinka shaqaalaha ah ee sameeya isla markaana
hagaajiya barxadaha barafka waxay aad ugu faanaan
shaqadooda. Qofka haysta barafka ugu fiican ayaa
had iyo jeer ah dood caafimaad qabta dhexdooda,
ayuu sheegay Justin Simonson. Isaga iyo Marshall
Syvertsen, labaduba ah Shaqaalaha Adeegga
Dadweynaha ee Qaybta Dayactirka Beeraha
Nasiinada, ayaa xoogaa faahfaahiyay barxadaha
barafka bannaanka ee Edina.
Goorma ayay shaqaalaha Dayactira
Beeraha Nasiinada bilaabaan hannaanka
dhisidda barafka?
Isniinta ka dambaysa Maalinta Mahadcelinta, ama
markasta oo si joogta ah uu u jiro qabow maalin iyo
habeen ku filan in la bilaabo sameynta saldhig baraf.
Marna la iskuma dayi karo in baraf la dhiso marka
heerkulka uu diiran yahay oo uu dhalaalin karo wixi
baraf ah.
“Waxaan fiirin doonaa saadaasha labo usbuuc,”
Simonson ayuu yiri. “Isla marka ay taasi u muuqato
mid fiican, waxay inta badan noo diraan bannaanka.
Goorhore xilliga marka aan dhisayno salka, haddii uu
dhalaali rabo habeenki, waxaan aadnaa halkaas oo
aan ku shubnaa biyo.
“Waxyaabahaas barafka dan lagama galo dhowrka
toddobaad ee u horreeya. Waxaan un isku dayaynaa
inaan samayno baraf badan ilaa inti macquul ah.”
Sidee ayaa shaqada loo kala qaybiyaa?
Qofkasta waxaa loo xilsaaraa barxad baraf oo
uu salkeeda dhiso. Marka barxadaha barafka ay
furmaan, shaqaalaha waxay ka shaqeeyaan barxado
baraf oo badan iyagoo ah xaaqayaal ama biyo ku
furayaal. Xaaqayaasha waxay nadiifiyaan barafka iyo
qashinka. Biyo ku furayaasha waxay barafka ku furaan
biyo si ay sagxad cusub ugu sameeyaan dadka kudul
orda barafka.
Tusaale ahaan, Simonson wuxuu dhisaa salka barafka
goobta Walnut Ridge Park. Marka barafka loo furo
in lagu dul ordo, wuxuu masuul ka yahay inuu xaaqo
Creek Valley, Highlands, Todd iyo Walnut Ridge parks.
Syvertsen wuxuu dhisaa salka Pamela Park kadibna
wuxuu biyo ku furaa beeraha nasiinada ee Arden iyo
Pamela.
Barxadaha Barafka Bannaanka ee Edina ee Daaha Gadaashiisa
Shaqaalaha Dayactira Beeraha Nasiinada waxay adeegsadaan tuubo dabdemis
oo dhexroorkeedu yahay 1.5 inji oo lagu xiray tuubada biyaha dabdemiska ee
wadada dhinaceeda ku taasha si ay biyo ugu shubaan barxadaha barafka oo
ay baraf uga sameeyaan. (Sawirka waxa qaaday Tom Swenson)
13
Muddo intee la’eg ayay ku qaadataa
bilowgaas ilaa marka barxadaha barafka
ay furmaan?
Badanaa ku dhawaad labo toddobaad. Mararka
qaarkood, haddii cimiladu u qabowdahay si fiican,
baraf tayadiisu fiican tahay, lagu dul ordi karo ayaa
lagu dhisi karaa hal toddobaad.
Marka barafka loo furo xilliga, intee jeer
ayaa la xaaqaa barxadaha barafka? Iyo
goorma?
Inta u dhaxaysa 3 a.m. iyo duhurki. Inta lagu jiro
xilliga kudul orodka barafka, kuwa biyaha ku sima iyo
kuwa xaaqa waxay shaqeeyaan toddobo maalmood
asbuuci, iyadoo maalinta Kirismaska ay tahay
maalinta kaliya ee fasaxa ah. Waxay mararka qaar ku
dhammaystaan iyagoo shaqaynaya maalinta fasaxa
marka baraf culus uu daboolo barxadaha barafka.
Waa maxay sababta aydaan dib u dhisi
karin barafka kadib cimilo diiran oo aan
munaasab ahayn?
Waxay inta badan ku xiran tahay wakhtiga iyo
cimilada. Barxadaha barafka ee bannaanka waxay
furnaayeen Edina dhowr toddobaad un qaboobihi
2023-2024 iyadoo ay ugu wacan tahay cimilada diiran.
Maadaama uu jiro dhaqan xoogan oo kudul orodka
barafka ee bannaanka ah gudaha Edina, shaqaalaha
waxay aad uga shaqeeyaan inay barxadaha barafka
ay furnaadaan sida ugu dhakhsiyaha badan ee
macquulka ah iyo sida macquulka u ah dadka
deegaanka. Sanadaha qaarkood waxay leeyihiin
xilliyo ka dheer kuwa kale. Barxadaha barafka
waxaa si wayn u adeegsada Ururka Hockey-da Edina
iyo horyaalada afarta-qof ee dadka waawayn iyo
ciyaaraha la iska ciyaaro iyo kudul orodka barafka ee
baashaalka ah ee dadka deegaanka.
Goorma ayay barxadaha barafka u
xirmaan xilliga?
Maalinta ugu dambaysa ee qorshaysan ee guryaha
diirimaadka ee xilligan waa Febraayo 16, inkastoo
cimilada ay qasbi karto xiritaan hore ama saamixi
karto in la dheereeyo. “Haddii aan gaari karno
dhammaadka toddobaadka Maalinta Madaxwaynaha
ee Febraayo, sanadku waa uu wanaagsanaa,”
Simonson ayuu yiri. “Wakhti kasta oo ka baxsan
intaas waa dheeraad.”
“Waxaan gaarnay toddobaadka ugu horreeya ee
Maarso sababtoo ah wuxuu ahaa cimilo wanaagsan,”
Syvertsen ayaan yiri.
Marka Waaxda Dayactirka Beeraha Nasiinada ay
awoodo inay dheerayso xilliga, mararka qaar kaliya
barxado baraf oo gaar ah ayaa sii furnaan doona
xaaladaha dartood iyo helitaanka kaqaybgalayaasha
barxadda barafka.
Miyuu jiraa wax dadka magaalada
deggan ay samayn karaan si ay qaab
fiican ugu ilaaliyaan barafka?
• Badeelada ha uga tagin barafka dushiisa ama
agagaarka garoomada xeegada barafka. Waa ay
ku duugmayaan ama waxay ku dhex qarsoomi
karaan barafka waxayna waxyeelayn karaan
qalabka wax lagu xaaqo.
• Shabaqa meesha ka qaad habeenki si aysan
meesha ugu barafoobin.
• Ka hor inta aadan ka tagin aagga barxadda
barafka, sii qaado caagadahaaga biyaha,
caagadaha balaastiga ah iyo wixi qashin ah.
Dadka qashinka meesha ooga taga waxay ka
xanaajiyaan kuwa sida aadka ah uga shaqeeya
inay hagaajiyaan barafka.
“Xoogaa ku faan barxadaha barafka
ee banaanka,” Simonson ayuu yiri.
Su’aashee ayay dadka deegaanka
iswaydiiyaan inta badan?
“Barafku ma diyaar baa?” Syvertsen ayuu yiri isagoo
qoslaya. “Waxaad arkaysaa gaari qaybta baakinka
imaanaya oo tartiib u kala wareegaya. Waxay
raadinayaan baraf tayo leh.”
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov/OutdoorRinks.
Barxadaha Barafka ee Dibedda
Laba iyo toban beero xaafadeed ayaa
leh goobaha waqtiga firaaqada lagu qaato
iyo garoomada xeegada, iftiin iyo guri diiran:
• Arden Park, 5230 Minnehaha Blvd.
• Cornelia School Park,
7142 Cornelia Drive
• Countryside Park, 6240 Tracy Ave. S.
• Creek Valley Park, 6301 Gleason Road
• Highlands Park, 5200 Doncaster Way
• Lewis Park, 7300 Cahill Road
• Normandale Park, 6501 Warren Ave.
• Pamela Park, 4303 W. 58th St.
• Strachauer Park, 6200 Beard Ave.
• Todd Park, 4249 Vandervork Ave.
• Walnut Ridge Park,
5801 Londonderry Road
• Weber Park, 4115 Grimes Ave. S.
Saacadaha Kudul
Orodka Barafka
Saacadaha ayaa waxyar isbeddelay xilliga hadda lagu jiro waxayna dhammaantood ku xiran yihiin cimilada. Barxadaha barafka Hockey-da waxay leeyihiin jadwallo kala duwan Isniinta ilaa Khamiisaha oo loogu talagalay tababarashooyinka Ururka Hockey-da Edina iyo subaxyada Sabtida oo loogu talagalay horyaalada dadka qaangaarka ah.
Saacadaha Guud
• 4:30 ilaa 9 p.m. maalmaha toddobaadka
• 9 a.m. ilaa 9:30 p.m. Sabtiyada
• 1 ilaa 8 p.m. Axadaha
Saacadaha Gaarka
• Janaayo 1, 2, 16, 19 iyo Febraayo 16:
duhurki ilaa 9:30 p.m.
Booqo EdinaMN.gov/OutdoorRinks
si aad waxbadan uga ogaatid.
13
Qabowga Wax Ka Qabo: Kheyraadka Looga Dhigo
Gurigaaga Mid Diiran oo Tamarta Tashiila
Waxaa qortay Lauren Siebenaler
Gurigaaga ka ilaali qabowga jiilaalka. Ka faa’iidayso
kheyraadka iyo talooyin kaa caawiyo inuu gurigaaga
noqdo mid diiran inta lagu jiro bilaha qabow ee
Minnesota.
Iskaashiga Waxqabadka Bulshada ee Hennepin
County (CAP-HC) wuxuu bixiyaa Barnaamijka
Kaalmada Tamarta si uu uga caawiyo bixinta biilasha
tamarta illaa Maajo 31. CAP-HC waxa uu sidoo kale
bixiyaa caawimada xasaradda kiraystayaasha iyo
mulkiilayaasha guryaha ee ay wajahaan kala go'a,
gabaabsiga sahayda shidaalka (ka yar 20%), ama kuwa
da'doodu tahay 60 ama ka weyn ee lagu leeyahay biil
hadda ama wakhti hore ah.
CenterPoint Energy iyo Xcel Energy waxay bixiyaan
barnaamijyo si ay biilasha kululaynta qaboobaha uga
dhigaan kuwo la awoodi karo. Iyadoo loo marayo
Xcel, milkiilayaasha Edina iyo kiraystayaasha leh
kulaylinta korantada, oo ay ku jiraan nidaamyada
sida jirjirrada hoose ee darbiyada ee korantada
ku shaqeeya, kuleyliyaha iyo matoorada kulaylka,
Haddii aad guri kiraysato ama guri leedahay,
isbeddellada yaryar ayaa wax weyn ka beddeli kara in
gurigaaga lagu istareexo qaboobahan. Tamarta tashiilo
oo ku istareex talooyinkaan fudud:
Borogaraami ama Heerkulka Ku Xiro Qalabkaaga
Saxa Heerkulka – Gurigaaga ka dhig qiyaastii 68 darajo
maalintii oo hoos u dhig habeenkii ama markaad
maqan tahay. Adeegso heerkulbeeg la borogaraamin
karo si aad otomaatig uga dhigto isbeddelada
heerkulka si looga fogaado kululaynta guri maran.
waxay u qalmi karaan qiimo dhimis xagga biilasha
tamarta ah. Labada shirkadoodba waxay sidoo kale
bixiyaan lacago-celino ku aadan cusboonaysiinta
tashiilka tamarta sida matoorada kulaylka isha
hawada, heerkulbeegyada casriga ee otomaatiga ah,
kululeeyayaasha biyaha iyo dahaarka.
“Qofkasta ayaa codsan kara agabka lagu dahaaro
daaqadaha oo bilaash ah, hawo sharayaasha,
dahaarka tuubooyinka iyo qaar kale iyadoo laga
codsanayo CenterPoint Energy,” ayay tiri Maareeyaha
Waaritaanka Marisa Bayer.
Dadka deggan Edina waxay sidoo kale ballansan
karaan booqashada Kooxda Tamarta Guriga oo
qiimaheeda la dhimay 50%. Booqashooyin bilaash ah
ayaa loo heli karaa guryaha uu dakhligoodu uqalmo.
“Kooxda Tamarta Guriga waxay hubisaa dahaarkaaga,
waxay hubisaa qalabkaaga, waxayna u rakibaan si
toos ah,” ayay tiri Bayer. “Marka, haddii ay joogaan
guri nalal qadiimi ah ay ku xiran yihiin, waxay
dhammaan nalalka aan LED ahayn ku badalaan nalal
LED ah. Waxay sidoo kale waxyaabaha hawada shara
Dabool oo Dayactir daaqadaha/albaabada – Adeegso
hawo sharista ama koolada xabagta ah daaqadaha
dhinacyadooda, albaabada iyo jirjirrada hoose ee
darbiyada si aad hawada uga dhigto mid diiran.
Adeegso agabka dahaarka daaqadaha
si aad u daboosho daaqadaha hawada ay ka dusto.
Hubi oo Beddel Filtarada Kuleyliyaha Dhexe si Joogto
ah – Filtarada wasakhaysan waxay dabaan waxyaabaha
heehaabaya, manka, busta iyo waxyaabo kale oo hoos
u dhigi kara qulqulka hawada. Tani waxay ka dhigaysaa
in nidaamkaagu si adag u shaqeeyo, oo uu ku qaato
wakhti dheer si uu u kululeeyo gurigaaga, taasoo kor u
qaadayso kharashka.
ku xiraan albaabada bannaanka, taasoo xaqiiqdi
waxtar badan.”
Ilo Waxbadan Laga Ogaado
Iskaashiga Waxqabadka Bulshada ee Hennepin
County (CAP-HC): caphennepin.org
Kooxda Tamarta Guriga: mncee.org/HES
Barnaamijyada Xcel Energy:
XcelEnergy.com/Residential
Barnaamijyada CenterPoint Energy:
CenterPointEnergy.com/SaveEnergy
Qiimo dhimista dukaanka ee CenterPoint Energy:
CenterPointEnergyMNShop.com
Waaritaanka Edina: EdinaMN.gov/Sustainability
Dhar culus xiro oo dhulka roog dhigo – Gudaha ku
xiro dad diiran si aad caadi ugu ahaato heerkulka
cabbirka ee hooseeya. Roogaga waxay dahaaraan
sagxadaha waxayna cagahaaga ka dhigaan
kuwo diiran.
Dib u celi marwaxadaha saqafka – Ku xir inay ku
wareegtaan xawaare hoose si ay hawo diiran ay hoos
ugu soo riixaan. Marwaxadda saqafka ma badalayso
heerkulka qolka, balse waxay kaa caawinaysaa inaad
ahaato mid diiran.
Talooyinka Tashiilka Tamarta
14
15
WAA MAMNUUCWAA MAMNUUC
16
Meeleynta Qashinka
Xilliga Qaboobaha
& Keydinta Barafka
1
2
3
4
1 Qashin Ku Ururinta Gacanta
Haddii qashin qaadahaaga uu gacanta ku aruuriyo haamaha qashinka,
daaradaada “meel la dhigo” uga qod si aad u dhigto haamaha qashinka
oo loo qaado.
2 Qashin Ururinta Otomaatiga ah
Dhig haamaha afaafka hore ama geeska dariiqa si ay u qaadaan qashin
qaadayaasha otomaatiga ah (Gacanka cagafta waxa uu gaari karaa 3 ilaa
5 fiit.)
3 Keydinta Barafka (dhismaha dhexdiisa)
Barafka laga xaaqo dariiqa loo maro dhismaha waa in lagu keydiyaa meel
ka baxsan dariiqa qashin ururinta, gudaha khadadka dhismaha.
4 Keydinta Barafka (kabaxsan dhismaha)
Barafka laguma keydin karo wadada hareeraheeda dhul gaar ah ama
mid guud (Magaaladu leedahay). Barafka waxaa loo qaadi karaa goob
uu gaar u leeyahay ama loo fasaxay inuu adeegsado qandaraaslaha.
Xeerarka Meelaynta Qashinka Xilliga Qaboobaha
16
17
Liiska Hubinta Agabka
Xaaladaha Degdegga
ee Qaboobaha
Ku dadaal inaad alaabtaan saarato gaarigaaga
haddii aad ku xannibmato cimilada qabow
Rakaabka□ Bustayaal/Bacda Jiifka□ Dhar Dheeraad ah oo Diiran
(Jaakad, koofi, sigsaanta gacmaha, buud, iwm.)□ Cunto Aan Qurmin (Buskutka borotiinka, lows, cunto diyaar u ah in la cuno)□ Caagad Biyo ah□ Daawooyin□ Qalabka Gargaarka Degdegga ah□ Taleefanka Gacanta iyo Jaajarka La Qaadan Karo□ Toosh iyo Bataryo Dheeraad ah
Gaariga□ Ulaha Bikaaca/Saddexagalada (Ama walxo kale oo dhalaalaya)□ Fiilooyinka Xoogsiinta□ Iskoobaha Barafka□ Xashka Ciidda/Bisadda (Loo adeegsado dhul qabsiga) □ Badeelka Barafka
Dhanka midige waa Cole Nonweiler iyo Nick Hoffman, labo ka mid ah saddexda shaqaale ee cusub ee Hawlaha Guud. Qofka aan sawirka ku jirin waa Tony Driste.
(Sawirada waxaa qaaday Jason Heuer)
1818
Dadka Hawlaha Guud
Waxaa qortay Edie Weinstein
Cole Nonweiler waxa uu codsaday in uu u
shaqeeyo Waaxda Hawlaha Guud ee Edina sababtoo ah waxa uu raadinayay isbeddel xawaare ah. Tan iyo marki uu Waaxda ugu soo biiray Hawlwadeenka Adeegyada Guryaha bishi Oktoobar 2025, xawaaraha cusub ma aha waxa kaliya ee uu ku raaxaysanayo. Wuxuu sidoo kale jecel yahay kooxdiisa.
“Qofkasta – laga bilaabo hannaanka waraysiga – wuxuu ahaa mid cajiib ah tan iyo marki aan imid halkan,” ayuu ku sharraxay Nonweiler. “Dhammaan akhyaarti aan la kulmay – gaar ahaan akhyaarta shaqaalaha – waa wax cajiib ah, aad u caawimo badan oo diyaar u ah inay ka jawaabaan su'aal kasta si aan dhibaato lahayn. Xaqiiqdi waa mid cajiib ah.”
Nonweiler ma ahan qofka kaliya ee ku soo biiray Waaxda. Nick Hoffman iyo Tony Driste ayaa sidoo kale ku soo biiray Waaxda Hawlaha Guud sanadki 2025. Midkasta wuxuu khibrad iyo xirfado kusoo kordhiyaa waaxda iyo qaybahooda.
Hoffman wuxuu Waaxda Hawlaha Guud ka shaqo bilaabay bishi Juun. Iyadoo qayb ka ah Qaybta Waddooyinka, wuxuu gacan ka gaystaa baraf xaaqista, xaaqista waddooyinka, laami saarista iyo dayactirka godadka. Hoffman wuxuu aad u jecel yahay mashaariicda waawayn dareenka guulgaarista ee ay leeyihiin dartood.
“Waa wax aad u wanaagsan in isbeddel la sameeyo,” ayuu yiri Hoffman. “Haddii ay ahaan lahayd godad yaryar ama ka shaqaynta mashruuc wayn, waxaan bulshada u qabanaa adeeg wanaagsan. Waa mid la mahdiyo.”
Hoffman waxa uu khibrad ka helay badbaadada dadwaynaha iyo doorarka maaraynta dalab-gaynta ka hor inta uusan u shaqaynin Magaalada Edina.
Sida Hoffman, Tony Driste waxa uu sidoo kale diiradda saaraa waddooyinka Edina isagoo ka shaqeynayay shaqaalaha shubka tan iyo markii uu ku soo biiray Magaalada bishi Sibteembar. Dadka ay isla shaqeeyaan waxay qadariyaan khibradi uu kala yimid khibradiisi hore ee laamiga iyo shubka inti uu ka shaqaynayay shirkada gaarka ah ee Minnesota.
“Tony wuxuu aqoon iyo khibrad kala duwan u keenay Magaalada,” ayuu yiri Agaasimaha Hawlaha Guud Dave Goergen. “Wuxuu si fiican kor ugu qaadayaa shaqaalaha waxaana rajaynaynaa inaad ka faa’idaysano xirfadiisa.”
Nonweiler ayaa sidoo kale Edina uga soo biiray qaybta aan dawliga ahayn kadib toban sano oo uu ka shaqaynayay bilcinta dhulka la deggan yahay iyo kuwa ganacsiga, isagoo ku hawlgalayay mashiin culus, isagoo qodaya guryaha hoose isla markaana hagaajinaya nidaamyada bullaacadaha. Xubin ka ahaan Qaybta Adeegyada Guryaha, Nonweiler waxa uu rajaynayaa in uu ilaaliyo nidaamyada biyaha roobka iyo kaabayaasha kale ee dhulka hoostiisa ah.
“Waxaan jeclahay sida ay baraatiko u tahay,” Nonweiler ayuu ka yiri jagadiisa. “Gelitaanka god 12-fiit hoos loo galayo iyadoo laga shaqaynayo bullaacad iyo meelaha isku xira biyaha ee guryaha cusub, ilaa iyo hadda, waa waxa ugu cajiibsan ee aan ka qabtay shaqada.”
“Waxaan ku faraxsanahay xubnaha kooxdeena ee cusub waxaana rajaynaynaa in xirfadahooda iyo fikradahooda aan ku darno hawlgaladeena,” ayuu yiri Chad Millner, Agaasimaha howlaha guud iyo Injineerka Magaalada. “Qofkasta wuxuu la yimaadaa xirfad gaar ah o naga caawin doonta inaan sii wadno bixinta adeegyada ay dadka deegaankeenu filayaan.”
Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Waaxda Howlaha Guud, booqo EdinaMN.gov/PublicWorks. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shaqooyinka ka banaan Magaalada, booqo EdinaMN.gov/Jobs.
Kooxda Hawlaha Guud Ayaa heshay Saddex Shaqaale ah oo Cusub
EdinaMN.gov/Jobs.
Wixii macluumaad
dheeraad ah
oo ku saabsan
shaqooyinka
ka banaan
Magaalada,
booqo:
19
Su'aalaha Badanaa La Is Weydiiyo ee Hawlaha Guud Xilliga Gu’ga
Waa maxay adkaanshaha biyaha Edina?
Waa maxay setinka lagula taliyo biyo
jilciyahayga?
Biyaha Edina waxay leeyihiin ku dhawaad 17 ilaa 20
grains oo adkaansho ah. Qeybta Adeegyada Guryaha
ee Hawlaha Guud waxay ku talinaysaa inaad jilcinta
biyahaaga ka dhigto 3 ilaa 4 grains oo adkaansho ah.
Tiro boqolkiiba aad u yar oo ka mid ah bulshadeena,
biyaha Morningside waxay ka yimaadaan magaalada
Minneapolis umana baahna in la jilciyo.
Goorma ayaa la falaashi doonaa
tuubadayda dabdemiska wadada
dhinaceeda ah?
Qaybta Adeegyada Guryaha waxay falaashtaa
tuubooyinka dabdemiska wadada dhinaceeda ah
afar toddobaad oo ka mid ah bisha May laga bilaabo
5 a.m. ilaa 4 p.m. Tuubooyinka dabdemiska ee kale
ayaa sidoo kale la falaashi doonaa sanadka oo dhan
hadba sida cimilada iyo baahida biyuhu u saamaxaan.
Biyahayga waxay leeyihiin khad jaalle
ah kadib marka la falaasho tuubada
dabdemiska ee wadada dhinaceeda ah.
Maxaan sameeyaa?
Dhaqanka ugu wanaagsan waa in la furo tuubada biyaha qabow ee siinkiga ugu hooseeyo (midkood qasaalada ama musqusha ugu heer hoosaysa) muddo 5 ilaa 10 daqiiqo ah, iyadoo ay ku xiran tahay sida uu u madow yahay midabka jaallaha ah. Tani waa inay meesha ka saartaa biraha tuubada ku jira oo ay markale ka dhigtaa biyahaaga kuwo nadiif ah.
Caleemahayga ma u buufin karaa xagga
waddada? Miyaanay cagafta wax xaaqda
aanay qaadayn?
Caleemaha oo loo buufiyo xagga wadada waxay ka soo horjeedaa Xeerka Magaalada, sida lagu sheegay Cutubyada 20 iyo 22. Haddii uu qashin kuu yaallo daaradda ku qaad qashin qaadahaaga, caleemaha waxaa lagu guri karaa haantaas. Fadlan kala shaqee cidda qaada qashinkaaga si caleemaha loogu fogeeyo si habboon. Caleemaha iyo qashinka kale ee daaradda haku ridin qashinkaaga dabiiciga ah ee dib loo warshadaynayo.
Magaalada Edina miyay leedahay
xaddidaado ku aadan biyo waraabka?
Haa, biyo waraabinta waxay ku salaysan tahay
jadwal kisi-dhaban ah iyadoo ay ku xiran tahay
ciwaankaaga. Guryaha ama ganacsiyada leh ciwaano
tirooyin kisi ama dhaban ah waxay waraabin karaan
cawskooda taariikho leh tiro kisi-dhaban ah. Guryaha
ama ganacsiyada leh ciwaano tiro dhaban-kisi ah
waxay waraabin karaan taariikho dhaban-kisi ah.
Meelaha laga soo reebayo xeerkan waa kuwa ku
nool Morningside oo biyahooda ka hela Minneapolis,
guryaha leh ceel gaar ah, iyo shakhsiyaad soo qaatay
ogolaanshaha Cawska La Soo Raray/Iniinta oo cusub.
Waxaad kaliya waraabin kartaa kahor 11 a.m. ama
kadib 5 p.m. ee maalmaha kuu qorsheysan.
– Waxaa isku dubariday Holly Conwell