Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_2 February-2026_Somali-WebMashruuca Beddelista Mitirka Biyaha Magaalada oo Dhan ah Ayaa Bilaabanaya Dhawaan Ku Dhawaad 5,000 oo Macaamiil ah Ayaa Heli Doona Mitiro Cusub Sanadka 2026 WAXAA QORTAY BRITTANY BADER Mitirada biyaha ayaa laga badali doonaa Edina afarta sano ee soo socda. Mitirada biyaha, kuwaasoo cabbira qadarka biyaha ee uu guri kasta isticmaalo si ay Magaalada Edina si sax ah ugu dallici karto kharashka adeegga biyaha, ayaa markii u dambaysay laga beddelay magaalada oo dhan intii u dhaxaysay 2012 iyo 2014. Iyadoo mitirada loogu talagalay in la isticmaalo ku dhawaad 20 sano, Waaxda Hawlaha Guud ayaa durbaba aragtay qaar inay batariyada dhimanayaan. “Ku dhawaad 15 sano ayaa ah marka ay batariyadu bilaabaan inay naaqusaan,” ayuu yiri Kaaliyaha Agaasimaha Hawlaha Guud Dave Goergen. Iyadoo kharashka batariyada la daboolo wakhtiga ka dhiman waarantiga, Goergen ayaa sheegay in shaqaaluhu ay go’aansadeen in lacagtan si ka wanaagsan dib loogu maalgeliyo shaqaynta aadka u xoogan ee madaxyada mitirada cusub. Marki hadda la bilaabo, Magaalada waxay ka caawin kartaa kahortagga khaladaadka biilasha ay soo dallacayso ayna bilaabi kartaa isticmaalka tignoolajiyad cusub, oo aad u waxtar badan. “Anagoo garowsan in beddelista mitirka ay noqon karto mid aan ku habboonayn dadkeena deegaanka iyo macaamiisheena, cabbirista mitirka ee saxda ah ee nidaamka biyaha ayaa muhiim u ah saxnaanta biilasha ee adeegyada guryaha waxayna noo oggolaaneysaa inaan dib u maalgelino kaabayaasha Magaalada,” ayuu yiri Goergen. Waa maxay jadwalka beddelitaanka mitirada biyaha? Mitirada biyaha waxaa loo beddelaa wejiyo-wejiyo muddo dhowr sano ah, oo bilaabanayo 2026. Beddelista sanadkan ayaa la filayaa inay bilaabato dabayaaqada Febraayo, iyadoo macaamiisha lala socodsiinayo loona qorshaynayo qaab tartiib-tartiib ah ilaa dayrta. Sanad kasta, koox kale oo mitiro ah ayaa loo qorshayn doonaa in la beddelo, iyadoo shaqada la filayo inay sii socoto ilaa 2029. Mitirada biyaha ee macaamiisha qaarkood waxaa la beddelay dhawaan waxaana ku jira tignoolajyad la cusboonaysiiyay. Mitirada la beddelay shantii sano ee la soo dhaafay kuma jiraan qorshaha beddelka. Sideen ku ogaanayaa in mitirkayga la beddeli doono 2026? Sanadkan, Magaaladu waxay qorshaynaysaa inay beddesho ku dhawaad 5,000 oo mitirada biyaha ah. Haddii mitirkaaga loo qorsheeyo in la beddelo, waxaad warqad ka heli doontaa Magaalada oo ay ku qoran tahay tilmaamo ku saabsan sida aad ballanta u qabsan karto. Fadlan ha isku-dayin inaad qabsato ballan adigoo aan helin warqad kuu sheegaysa inaad sidaas samayso. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mitirada loo qorsheeyay in la beddelo sanadkan waxaa laga heli karaa EdinaMN.gov/MeterReplacement. Waa maxay faa’iidooyinka mitirada cusub? Mitirada cusub fogaan arag baa loo akhriyi karaa, sidaa awgeed shaqaalaha Hawlaha Guud uma baahna inay baabuur ku tagaan guri kasta si ay mitirka u akhriyaan. “Iyadoo qayb ka ah rakibista mitirka cusub, waxaa jira aalado xogta ururiya oo oggolaanaya in xogta laga akhriyo onlaynka. Waxaan awoodi doonaa in aan badhan riixno, isla markaana aaladahaas waxay soo gudbinayaan dhammaan mitirada biyaha magaalada oo dhan waxaana si otomaatig ah u helaynaa cabbiradaas, halki gaari la kaxaysan lahaa, la mari lahaa waddo kasta, oo toos mid-mid loogu tagi lahaa,” ayuu yiri Goergen. Faa’iido kale waa in qubashooyinka si joogta ah loo calaamadayn doono, halki la arki lahaa oo kaliya inta lagu jiro hubinada saddex biloodlaha ah, taasoo caawinaysa ilaalinta biyaha iyo adeegga macaamiisha labadaba. Yaa qaban doona shaqada? Shaqada waxaa samayn doona Ferguson Waterworks, taasoo samaysay rakibisti u dambaysay ee mitirka biyaha ee Magaalada oo dhan ahaa, oo ay wehliso shirkadda shuraakada la ah, RMR Services. Farsamo-yaqaanada imaanaya gurigaaga ama mehradaada waxay noqon doonaan shaqaalaha RMR Services. Dhammaan farsamo-yaqaanada waxay xirnaan doonaan baajajka aqoonsiga adeeg-bixiyaha ee ay bixiso Magaalada Edina , xirnaan doonaan yunifoom, ku imaan doonaan gawaari calaamadaysan waxayna soo mareen hubino taariikheed. Maxay tahay inaan ka ogaado rakibista mitir cusub? Ballamaha rakibista waxaa loo muddeeyaa qaybo afar-saac ah, Isniinta ilaa Sabtida, waxayna caadi ahaan qaataan qiyaasti hal saac in lagu dhammeystiro. Qof qaangaar ah oo jira 18 sano ama ka wayn waa inuu joogaa, wuxuuna farsamo- yaqaanku u baahnaan doonaa inuu si cad marin ugu helo mitirka ku xiran gudaha gurigaaga ama mehradaada. Biyaha waxaa la xiri doonaa qiyaasti 15 daqiiqo inta mitirka la beddelayo. Ma inaa bixiyaa kharashka mitirka cusub? Ma jiro kharash u gaar ah mitirka cusub. Kharashka waxaa daboola Sanduuqa Adeegyada Guryaha ee Magaalada oo biilkaaga ugama muuqan doono sidi kharash lagugu soo dallacay oo gaar ah. Sideen ku xaqiijin karaa in macluumaadka aan helo ee ku saabsan mashruucan uu ka socdo Magaalada? Xogta mashruuca waxaa laga heli karaa EdinaMN.gov/MeterReplacement. Haddii aadan hubin in warqad, wicitaan taleefan ama booqasho ay sax tahay, Qaybta Adeegyada Guryaha ee Waaxda Hawlaha Guud ee Edina kala xiriir 952-826-0375 si aad u xaqiijiso. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mashruuca Beddelista Mitirka Biyaha, la xiriir Qaybta Adeegyada Guryaha ee Waaxda Hawlaha Guud ee Edina lambarka 952-826-0375. Farsamo-yaqaanka wuxuu beddeli doonaa mitirka biyaha ee ku xiran gudaha gurigaaga ama mehradaada wuxuuna rakibi doonaa bokis gudbiye ah oo ku xiran guriga bannaankiisa iyadoo qayb ka ah cusboonaysiinta mitirkan iyo tignoolajiyadan. (Sawirro La Soo Gudbiyey) Dibedda Gudaha Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 FEBRAAYO 2026 Majalada 13, Qeybta 2Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina Barnaamijka SPARC Wuxuu Gacan Ka Gaystay Ballaarinta Maqaayad, Furitaanka Ganacsi Cusub JJ’s Poké Ayaa Soo Kordhisay Fadhiyo iyo Dalabyo; Coder’s Clubhouse Ayaa Bixin Doona Fasalada Ilmaha Ilaa $24,000 oo ka socota SPARC ayaa gacan ka gaysan doonta bixinta kharashaadka musqulaha iyo hagaajinada jikada ee mashruuca lagu qiyaasayo $285,000 ee ku baxaya JJ’s Poké & Noodles. “Ganacsiyada cusub badankooda ee ku yaalla Edina waa kuwo si gaar ah loo maalgeliyo. Si kastaba ha noqotee, mararka qaar waxyaabo lama filaan ah ayaa dhaca,” ayuu yiri Neuendorf, isagoo taxaya tusaalooyin ay ka mid yihiin jabidda qalabka waaweyn, xeerar cusub oo kicinaya khidmadaha lama filaanka ah iyo shuruudaha dib-u-qaabaynta federaalka. “Halkani waa meesha aan rabno SPARC inay soo gasho oo ay xalliso dhibaatooyinka.” Katie iyo Jeremiah Talamantes waxaa dhammaan loo qorsheeyay furitaanka Coder’s Clubhouse, iyagoo bixinaya tilmaamaha koodhka kombiyuutarka iyo aqoon is-waydaarsi loogu talagalay carruurta ee booska xarunta dukaamaysiga ee bannaan ee Rue de France ee ku yaalla 7101 France Ave. Taasi waxay ahayd ilaa wakaaladda gobolka ay go’aansatay in mehrada loo asteeyo dugsi ahaan, taasoo u baahan ugu yaraan labo musqulood. Booska meesha ku yaalla ee yar wuxuu kaliya lahaa hal. “Taasi ayaa kala dhantaashay oo cirka gaysay miisaaniyadooda,” Neuendorf ayuu yiri. “Waxaanu SPARC u adeegsanay inaan uga gudubno caqabadaas oo aan dhabbaha ku soo celino.” SPARC waxay bixinayaan ilaa $24,000 si ay uga caawiyaan bixinta musqusha cusub ee u hoggaansan xeerka ADA iyo nidaam cusub oo HVAC ah. Ku dhawaad $1 milyan oo maalgelinta SPARC ah ayaa u soo haraysa barnaamijka dhammaanaya sanadkan. “Waxaanu si firfircoon u raadinaynaa ganacsiyo kale oo yaryar oo aan taageerno,” Neuendorf ayuu yiri. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan SPARC, booqo EdinaMN.gov/Sparc ama Neuendorf kala xiriir bneuendorf@EdinaMN.gov ama 952-826-0407. WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND Ballaarinta maqaayadda caanka ah ee Edina iyo ganacsi cusub oo carruurta looga caawiyo inay bartaan xirfadaha dhijitaalka ayaa waxaa xannibay khidmado iyo xeerar lama filaan ah. Barnaamij lagu caawinayo mehradaha ayaa u gogol xaaray labadaba. JJ’s Poké waa mid mashquul badan xagaaga iyadoo waxbadan laga qaato sababtoo ah waxay leedahay fadhi aad u kooban. Mulkiile Wenbin Henry Wu wuxuu rabay inuu ku soo kordhiyo dalabaadka baastada kulul, balse wuxuu u baahnaa inuu kordhiyo booska jikada iyo meesha ay macaamiisha fadhiisato si uu uga dhabeeyo. Marki booska albaabka ku xiga ee 6800 qaybta York Avenue uu bannaanaaday, Wu wuxuu ka faa’iidaystay fursadi. Wuxuu u tabaabushaystay kirada, dib-u-qaabaynta, ballaarinta jikada, fadhiyada iyo shaqaalaha dheeraadka ah ee loo baahan yahay si loo ballaariyo. Balse fadhiyada dheeraadka ah ayaa u baahday kumanaan doolar oo ka imanaya khidmado lama filaan ah oo ka yimid adeegsiga bullaacada. “Marki Met Council ay u soo direen biilka, wax kasta waa ay joogsadeen,” Maareeyaha Horumarinta Dhaqaalaha Bill Neuendorf ayaa yiri. Ballaarinti waxaa la joojiyay muddo lix bilood ah, ilaa barnaamijka SPARC uu badbaadiyay. Sanduuqa Mashaariicda Gaarka ah iyo Dib- u-horumarinta Raasamaalka (SPARC) ee Magaalada ayaa bixiya daymo, deeqo ama sinnaan si loo dhiirigeliyo maalgashiga gaarka ah ee degmooyinka gacansiga iyo warshadaha ee Edina. Tani waxay noqon kartaa dhisme cusub, dib-u-habayn ballaaran ama, qadar kooban, horumarino dadweyne. Sharciga Minnesota wuxuu oggolaanayaa barnaamijka noocaan ah iyadoo qayb ka ah dhaqaale ka soo kabashada aafadi COVID-19 iyo saamaynta joogtada ah ee ay ku leedahay ganacsiyada. Maalgelinta ka badan $10- ka milyan ee SPARC waxay ka imaanaysaa lacag horay looga soo ururiyay canshuur kordhinti ka soo xarootay saddex degmo maalgelineed. Mashaariicda Kale ee SPARC Tiyaatarka Edina: $351,000 lacag-celin ah oo looga caawiyo dib-u-dayactirka iyo dib-u-furista tiyaatarka taariikhiga ah ee ku yaalla bartamaha 50th & France. Wadada laga galo Fred Richards Park: $2 milyan oo lacag-celin ah oo qayb ka ah horumarinta 4620 W. 77th St. oo lagu dhisayo wadada cusub. Wadada waa la dhammeystiray, balse ma bixin doonto marin toos ah oo loo maro beerta ilaa kadib marka la dhammaystiro horumarinada beerta. Maqaayadda/dabakaayada Noma Hi-Fi: $225,000 lacag-celin ah si loogu daro wiish/lift iyo waxyaabaha kale ee uu u baahan yahay xeerka naafada ee ADA ee booska muddada bannaan ee ka hooseeya Lululemon ee 3914 W. 50th St. Maqaayadda Americana: $200,000 lacag- celin ah oo laga bixinayo $3.2-da milyan ee lagu dayactirayo goobti hore ee Cocina del Barrio ee ku taasha 5036 France Ave. si looga caawiyo bixinta kharashka wiishka/liftiga ee heerka labaad ee cusub iyo horumarinada tamarta tashiila. Edina Innovation Lab: $650,000 amaah ah oo la siinayo Rugta Ganacsiga Edina si loo dhiso xafiis cusub/goob lagu kulmo. Rugtu waxay bixinaysay lacago lix biloodle ah. Baaqiga amaahda hadda waa $446,000. JJ’s Poké ayaa ku fidi doonta booska bannaan ee albaabka ku dheggan ee ku yaalla Yorkdale Shoppes waxayna bixin doontaa dalabaad cusub oo ay ku jirto baastada kulul. (Sawirka waxaa qaaday Edie Weinstein) Horumarinta waa ay ka badan tahay isbeddel un. Waa waxa ka soo baxa go’aamo taxadar leh, maalgashiyo geesinimo leh iyo adeeg la isku halayn karo kuwaasoo qaabeeya nolosha maalinlaha ah isla markaana dhisa aasaaska koritaanka. Sanadki 2025, mulkiilayaasha guryaha ayaa horay u sameeyay dhismo cusub dib-u-habayna ku sameeyeen dhismayaal jiray si ay ugu adeegaan Edina. Xogta ka socota 2025 ayaa sheegaysa sheekadan ku aadan ballaarinta iyo horumarinta. Waxbadan ka ogow mashaariicda horumarinta ee hadda iyo kuwa la dhammeystiray barta EdinaMN.gov/Development-Tracker. TIRO AHAAN Horumarinta Mustaqbal Wanaagsan oggolaanshiyaasha dhisidda guryo cusub ayaa la bixiyay 60 oggolaanshiyaal dhismo ayaa la bixiyay 2,268 ka reebitaano ayaa la habeeyay 23 - WAXAA ISKU DUBARIDAY EDIE WEINSTEIN qiimaha mashaariicda ee oggolaanshiyaasha dhismaha la siiyay $340,922,367 Qiyaasta qiimaha suuqa Edina $17,450,465,500 2 Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta & Dib- u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813 ama 16) ama onlaynka. DHACDOOYINKA SOO SOCDA Axad, Febraayo 1 Febraayo waa Bisha Taariikhda Madow Arbaco, Febraayo 4, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Febraayo 5, 7:30 a.m. Shirka Hay'adda Guriyeynta & Dib-u-Horumarinta, Hoolka Magaalada Edina Axad, Febraayo 8, 3 p.m. “Taabo Tuur” Xafladda Kubadda Ilmaha, Edinborough Park Khamiis, Febraayo 12, 5 p.m. Lakeside Luminary Walk, Centennial Lakes Park Jimco, Febraayo 13, 9 a.m. Dhabaha Ciyaarta Candyland, Edinborough Park Jimco, Febraayo 13, 5 p.m. Cawayska filimka, “The Princess & the Frog,” Edinborough Park Axad, Febraayo 15, 6 p.m. Two Sundays Big Band, Edinborough Park Isniin, Febraayo 16 Maalinta Madaxwaynayaasha, Hoolka Magaalada wuu xiran yahay Talaado, Febraayo 17 Sannadka Cusub ee Dayaxa Talaado, Febraayo 17, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, Febraayo 19, 7:30 a.m. Shirka Hay'adda Guriyeynta & Dib-u-Horumarinta, Hoolka Magaalada Edina Sabti, Febraayo 21, 9 a.m. La Lugee Duqa Magaalada, Galleria Edina Axad, Febraayo 22, 6 p.m. Kooxda Xuska John Philip Sousa ee u Horreeyey, oo kadhacaya Edinborough Park Sabti, Febraayo 28, 3 p.m. Kala Beddelashada Dahabka ee Bling It On, Xarunta Waayeelada Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov. WAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER Dib-u-soo celinta Arden Park iyo qaybta Minnehaha Creek ee dhexmarta waxaa dhawaan la guddoonsiiyay abaalmarin kale oo wayn. “Abaalmarintani waxay marag ka tahay qiimaha kheyraadka dabiiciga ah ee lagu abuurayo goobo dadweyne oo nashaad leh,” ayay tiri Madaxa Guddiga Minnehaha Creek Watershed District (MCWD) Sherry White. “Iyadoo loo marayo iskaashiga Magaalada Edina, Hennepin County iyo xirfadlayaasha u heellan kheyraadka biyaha, waxaan dib u soo celinay Minnehaha Creek si aan kor ugu qaadno tayada biyaha iyo adkeysiga cimilada ee gobolka, annagoo Arden Park u bedelayna adeeg bulsho oo cajiib ah.” Abaalmarinta waxaa saddex la-hawlgale lagu guddoonsiiyay shir sanadeedki Minnesota Watersheds ee dhacay bishi Diseembar. Tani waa abaalmarinti labaad oo uu mashruucu helay. Sanadki 2022, kooxda waxaa la siiyay abaalmarin injineerin heer sare ah oo ka socota Golaha Shirkadaha Injineerinka Maraykanka. “Mashruuca kahor, aagga Arden Park wuxuu xaqiiqdi u ekaa mid gaboobay. Dhismaha hoyga waxaa la dhisay ’70-meeyadi, biyuhuna waxay ka soo daadanayeen meesha furan,” ayuu yiri Maareeyaha Adeegyada Injineerinka Ross Bintner. “Xitaa roobabka ugu yar, isticmaalka guud ee beerta ayaa ku soo koobmay dhabbayaasha oo ay ugu wacan tahay sida aan loo isticmaali karin cawska.” Marka laga yimaado caqabadahaan, Minnehaha Creek waxaa lagu qoray liiska biyaha cilladaysan ee Edina iyadoo ay ugu wacan tahay oksijiinta yar ee biyaha ku qasan, cusbada ku badan iyo heerarka sare ee bakteeriyada E. coli. Minnehaha Creek Watershed District iyo Magaalada Edina ayaa ka wada shaqeeyay wax ka qabashada arrimahaan. Mashruuca $4-ta milyan ah ee Arden Park waxaa lagu maalgeliyay deeqo ka socdo Guddiga Biyaha iyo Sanduuqa Biyaha Nadiifka ah ee Kheyraadka Ciidda, barnaamijka Dhaxal-reebka Shuraakada Ilaalinta Khayraadka Dabiiciga ah ee Waaxda Minnesota iyo Sanduuqa Fursadda Kheyraadka Dabiiciga ee Hennepin County, iyadoo kharashaadka soo haraya loo kala qaybinayo Watershed District iyo Magaalada. Horumarinada soo socdo ayaa la sameeyay iyadoo qayb ka ah mashruuca: •Tayada biyaha oo la hagaajiyay – maaraynta biyaha roobka waxay hadda ilaaliyaan ku dhawaad 30 rodol oo fosforaas ah iyo 18,000 rodol oo haraa ah oo ay ka saaraan Minnehaha Creek sanad kasta •Caafimaadka durdurka oo dib loo soo celiyay iyo deegaan ka saarista biyo-xirka 54th Street iyo dib u soo celinta leexleexyada durdurka Minnehaha Creek ayaa dib u soo celiyay 2,100 fiit oo durdurka jiinkiisa ah, soo kordhisay 230 fiit oo durdurka dhererkiisa ah waxayna abuurtay deegaan biyo iyo dhul oo kala duwan •Afar bar oo cusub oo laga galo durdurka oo loogu talagalay doon wadista, adeegsiga tiyuubka, kalluumaysiga iyo biyo ku socoshada •Hoy’ beer oo cusub iyo goob la isugu yimaado oo bannaanka ah •Goob furan oo la xoojiyay •Barxadda hockey-da oo la cusboonaysiiyay •Shabakadda dhabbaha oo la ballaariyay iyo meel alwaax lagu socdo oo cusub •In ka badan 400 oo geed oo cusub •Saarista geedka dhafaruurka waxyeellada leh iyo geed dambaska •Ballaarinta deegaanka faxliyaha Inkastoo dhismaha la soo gabagabeeyay 2021, mashruuca wuxuu sii wadaa inuu muujiyo guul waarta. Natiijooyinka waxaa lagu cabiray la socodka tayada biyaha oo joogta ah; aasaasidda dhirta wadaniga ah oo guulaysta; isticmaalka madadaalada oo kordhay iyo soo laabashada noocyada asalka ah, oo ay ku jiraan kalluunka, qubaha, shimbiraha, naasleyda, berri-biyoodka iyo noolayaasha kale ee biyaha. “Mashruucani wuxuu tusaale hore u ahaa istiraatiijiyadda Golaha ee Wadajirka Wanaagsan ee Edina, halkaas oo ay ku saabsan ka qaybgalka dadweynaha iyo dhab ahaantii ku fooganaanta waxa ay bulshadu qiimayso,” ayuu yiri Bintner. “Marki aan horay u sii wadno mashaariicda maanta, weli waxaan dareensanahay in qaar ka mid ah DNA-da mashruucan Arden Park uu ku jiro.” Mashruuca wuxuu gacan ka gaystay hab hufan oo loo dhan yahay oo lagu wajaho kaqaybgalka bulshada oo sii wada inuu qaabeeyo sida ay Magaaladu u shaqayso maanta. Marka xogta hal meel la isugu keeno, iyadoo goorhore si cad loo qeexayo qorshayaasha kaqaybgalka oo faahfaahinta mashruuca laga dhigayo mid laga heli karo onlaynka, nidaamku wuxuu yareeyaa jahwareerka wuxuuna hubiyaa in bulshada ballaaran ay raaci karaan oo ay ka qaybqaadan karaan wadahadalka. Arden Park waxay ku taashaa 5230 Minnehaha Blvd. Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan Minnehaha Creek Watershed District, booqo minnehahacreek.org. Dib-u-soo Celinta Arden Park Ayaa 2025 Loo Magacaabay Mashruuca Sanadka oo Ay U magacaabeen Minnesota Association of Watersheds Mashruuca Ayaa Tayada Biyaha, Deegaanka iyo Madadaalada Kor Ugu Qaaday Dadka Booqanaya Dhismaha Arden Park waxaa la dhammeystiray 2021, balse mashruuca ayaa reebay taariikh kaqaybgal dadweyne iyo hagaagjinta tas-hiilaadka beerta nasiinada. (Sawir Fayl) 3Magaalada Edina EdinaMN.gov Neal Ayaa Sameeyay Koox Hawleed si ay u Qiimayso Ka Jawaabista Arrimaha La Xiriira Socdaalka Golaha Ayaa Xaqiijiyay U-heellanaanta Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Iyagoo uga jawaabaya walaaca bulshada iyo hubaanti la’aanta ku saabsan hawlaha Laanta Socdaalka iyo Kastamyada Maraykanka (ICE) ee ay ka waddo Minnesota, Golaha Deegaanka Edina ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, iyagoo hoosta ka xarriiqaya qiyamyada udub-dhexaadka u ah Magaalada ee leh sharafta, caddaalada iyo ixtiraamka dadka oo dhan. Xaqiijintu waxay ku dhisan tahay bayaanki uu Golaha soo saaray bishi Diseembar. Kulankoodi Janaayo 20-keedi, Xubnaha Golaha waxay qireen cabsida iyo walbahaarka dad badan oo deegaanka ahi ay ka muujiyeen hawlihi ay dhawaan gobolka ka samaysay laanta socdaalka federaalka. Waxay sheegeen inay si toos ah xubnaha bulshada uga maqleen saamaynta gaarka ah ee ay ku leedahay qoysaska iyo muhiimada ay leedahay farriin wakhtiyaysan, daah-furan oo la heli karo oo ka socota Magaalada. Goluhu waxa uu sidoo kale garowsaday caqabadaha sharci ee ka dhalanaya marka maamulada maxalliga iyo kuwa federaalka ay hal meel ka wada shaqeeyaan. Iyadoo dib loo xaqiijinayo sida ay Magaalada uga go’an tahay inay ilaaliso xuquuqaha dastuuriga ah iyo xaqiijinta badbaadada dadka deegaanka, mudaharaadayaasha iyo shaqaalaha badbaadada dadweynaha, Maareeyaha Magaalada Scott Neal ayaa ku dhawaaqay abuurista Koox Hawleed ka kooban 11-xubin shaqaale oo matalaya waaxyo badan oo Magaalada ah. Koox Hawleedka waxay qiimayn doontaa sida ay Magaalada uga jawaabto arrimaha la xiriira socdaalka ee saamaynaya bulshada waxayna tilmaami doonaan ficilada sharci ahaan qumman, hawl-gal ahaan macquul ah oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada. Waxay soo saari doontaa natiijooyin iyo talooyin si ay u tixgeliyaan Maareeyaha Magaalada, Kooxda Hogaaminta Fulinta iyo, marki ay habboon tahay, Golaha Magaalada. Isbeddelo kasta oo siyaasadeed oo suurtagal ah waxay raacayaan nidaamyada Magaalada u dagsan waxaana ku jiraya dib-u- eegista Golaha Magaalada sidi loogu baahdo. “Shaqada Koox Hawleedka waxaa loogu talagalay inay ka caawiso Magaalada inay si wanaagsan u fahamto waxa ay samayn karto, waxa ay tahay inay tixgeliso inay samayso iyo waxa aan macquulka ahayn inay samayso sida uu qabo sharciga,” Neal ayuu yiri. “Yoolkeenu wuxuu yahay inaan uga jawaabno si buuxda, masuuliyad leh oo ku jirta xayndaabka awoodeena sharci.” Hawlaha kale bishii hore, Golahu: •Waxay oggolaadeen akhrinta koowaad ee sharciga badbaadada qoriga maxalliga ah kaas oo dhaqan geli doona kaliya haddii Gobolka uu qaado sarraynta go’aankiisa hadda. Tixgelinta u dambaysa waxaa la filayaa kulanka Feb. 4. •Waxay bixiyeen jawaab-celin aan loo hoggaansamaynin oo ku saabsan qorshe sawir- feegaar ah si dib loogu cusboonaysiiyo 6016 Vernon Ave. lagana dhigo xarun lagu dabeeyo baabuurta, oo loo yaqaano IONNA Rechargery. Soo jeedinta waxaa ka mid ah toddobo jaajarada degdegga ah oo Heerka 3 ah iyo dib- u-cusboonaysiinta dhismihi hore ee Dukaanka Baabuurta ee Kevin Kee oo laga dhigo aag sugitaan oo fadhi carbeed leh, oo ay suurtagal noqon karto inuu lahaado mashiinada wax laga iibsado, meel yar oo habboon ama goob ay kiraysato qolo saddexaad. •Waxay ansixiyeen qaraar lagu waydiisanayo Laanta Sharci-dejinta Gobolka inay oggolaato afti ku saabsan canshuurta gadida maxalliga ah si ay uga caawiso maalgelinta kharashaadka dheeraadka ah ee mashaariicda Braemar Arena iyo Fred Richards Park, iyo sidoo kale horumarinada raasamaalka iyo kaabayaasha ee mustaqbalka ee xarumaha badbaadada dadweynaha, Centennial Lakes iyo Edinborough Parks, Xarunta Biyaha ee Edina, Xarunta Farshaxanka cusub ee Edina iyo Barxadda Goolofta Braemar. Wafdiga sharci-dejinta Magaalada ayaa xusay, si kasta oo ay ahaataba, in aanay suurtagal ahayn in Sharci-dejintu gudagasho biilasha xulashada canshuurta gadida maxaliga ah inta lagu jiro kalfadhiga 2026. •Waxay shaqaalaha fareen inay laalaan oo ay beddelaan Xeerka Khamaarka Sharciga ah si loo oggolaado khamaarka samafalka ah ee Edina. Xeer cusub oo oggolaanaya ilaa saddex laysin oo khamaarka oo goobta ah ayaa la diyaarin doonaa oo loo geyn doonaa Golaha si ay isula eegaan kulan mustaqbalka ah. Golaha Magaalada wuxuu kulmi doonaa marka xigta 7 p.m. Febraayo 4 iyo 17. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. – WAXAA ISKU DUBARIDAY JENNIFER BENNEROTTE 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4