HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_3 March-2026_SomaliScott Neal Ayaa Ku Dhawaaqay Qorshayaal uu Shaqada Uga Fadhiisanayo Horraanta 2027
Golaha Ayaa Bilaabaya Geedi Socod ay Ku Aqoonsanayaan Maareeyaha Shanaad ee Magaalada Edina
WAXAA QORAY JENNIFER BENNEROTTE
Maareeyaha Magaalada Edina Scott Neal ayaa
ku dhawaaqay qorshayaal uu shaqada uga
fadhiisanayo oo dhaqangalaya Janaayo 8, 2027,
taasoo soo gabagabaynayso 15 sano oo uu u
adeegayay magaalada.
Neal ayaa warka la wadaagay Golaha Magaalada
kahor inta uusan shaqaalaha Magaalada farriin
fiidiyow ah ugu sheegin dabayaaqadi bishi
Janaayo. Wuxuu soo shaac bixiyay inti lagu jiray
kulanki Feb 4 ee Golaha Magaalada.
“Waxaan helnay waqti aan ku wada shaqeyno
oo aan qorsheyno isbeddel habsami leh, balse
wax kasta oo kale waxa ka badan, waxaan rabaa
inaan dhammaantiin idiin sheego sida aan uga
mahadnaqayo fursadda aan u helay inaan noqdo
Maamulaha Magaalada 15-kii sano ee la soo
dhaafay,” Neal ayuu ku sheegay farriin fiidiyow ah
oo ku socotay shaqaalaha. “Ma idiin sheegi karo
sida aan uga mahadnaqayo.”
Neal, maareeyaha afaraad ee magaalada Edina,
ayaa shaqadiisa bilaabay dabayaaqadi 2010. Inti
lagu jiray hoggaamintiisa, Magaalada waxay
dhammeystirtay ama sare u qaaday tiro mashaariic
waawayn iyo hindiseyaal, oo ay ku jiraan:
Saldhigga Dabdemiska 2 oo loo raray xarun
cusub oo casri ah oo ku taasha koonfur-bari
Edina oo ay sidoo kale ku taasho Qaybta
Caafimaadka Dadweynaha ee Magaalada
Xasilinta hawlgallada barxadda goolofta
magaalada iyo dib-u-dhiska barxadda tartanka
ee Garoonka Goolofta Braemar
Dhisidda Waaxaha Shaqaalaha iyo
Tignoolajiyadda Macluumaadka, iyo sidoo kale
Horumarinta Dhaqaalaha, Waaritaanka iyo
qaybaha Tas-hiilaadka
Meelmarinta Qorshaha Waxqabadka
Cimilada ee Magaalada
Hirgelinta dib-u-warshadaynta qashinka
dabiiciga ah magaalada oo dhan, kormeerka
dhabbayaasha wadada dhinaceeda iyo
barnaamijyada kormeerka guryaha la kireeyo
Dhammaystirka Mashruuca Kaabayaasha
Daadadka ee Morningside, taasoo yaraynaysa
khatarta daadka in ka badan 160 guryo iyo
dhismayaal ah
Dhismaha Isgoyska isdulmarka ee Vernon
Avenue & Highway 100
Ansixinta codbixiyaha ee aftida “Edina at
Play” taasoo aasaasaysa xulasho canshuurta
gadida iyo isticmaalka maxalliga si loogu
maalgeliyo horumarinada beeraha Braemar
iyo Fred Richards iyo Braemar Arena
Marka laga yimaado mashaariicdaan, Neal wuxuu
Magaalada hoggaaminayay aafadi COVID-19,
isagoo joogtaynayay sii socoshada hawlgallada
Magaalada iyadoo la ballaarinayo adeegyada iyo
kheyraadka loogu talagalay dadka deegaanka.
Inkastoo liiska mashaariicda la dhammaystiray
inti lagu jiray wakhtigiisa uu ahaa Maareeyaha
Magaalada uu dheeraa, Neal wuxuu aad ugu
faanayaa kooxda uu dhisay.
“Xagayga, tayada sare ee shaqaalaha
Magaaladeena waxay ka tarjumaysaa xirfadaha
iyo hoggaaminta Maareeye Neal. Waxaan arkay
awoodaha shaqaalaha Magaalada oo koraya
kuna kobcaya jihayntiisa,” ayay tiri Xubin Golaha
Magaalada ah Carolyn Jackson. “Dulqaadkiisa
iyo khibradiisa waxay iga caawisay inaan wax ku
hoggaamiyo kalsooni iyo aqoon. Waa ay adag
tahay in la cabbiro isbeddelka baaxada leh ee
dhaqanka waxbarashada, horumarka iyo ka-
tirsanaanta.”
Wada-shaqayntooda, kooxda Neal waxay dhibco
badan ka heshay Ra’yi Ururinta Tayada Nolosha ee
labadi sanaba mar laga qaado dadka deegaanka
waxayna heshay abaalmarino badan oo gobolka
iyo qaranka ah. Neal, oo waayihiisa shaqo oo
dhan lagu ammaanay daryeelkiisa iyo qaabkiisa
wada-xiriirka damqashada leh, xitaa wuxuu
ku guulaystay abaalmarinta Emmy ee “On the
Job,” oo ah barnaamij uu martigeliyo oo dadka
deegaanka soo tusa shaqada daaha dabadiisa ka
socota si ay u arkaan sida shaqaalaha magaalada
ay u qabtaan qaybaha shaqadooda.
Marka uu soo gabagabeeyo shaqada Edina,
wuxuu sidoo kale soo gaba-gabayn doonaa
adeegga Rugta Ganacsiga Edina iyo Ururka
Agaasimayaasha Magaalooyinka Minnesota.
Wuxuu sidoo kale xubin ka yahay Ururka
Maareeyayaasha Magaalada Minnesota/
Degmada, Ururka Maareeyayaasha Magaalada ee
Caalamiga ah iyo Rotary Club of Edina.
Ka hor inta uusan imaan Edina, Neal wuxuu soo
noqday Maareeyaha Magaalada Eden Prairie muddo
siddeed sano ah. Wuxuu horay u ahaa Maamulaha
Magaalada Northfield. Wuxuu sidoo kale soo qabtay
boosaska Maamulaha Magaalada ee jaaliyadaha
Mt. Pleasant, Iowa, iyo Norris, Tenn. Neal wuxuu
shahaadooyinkiisa jaamacada heerka koowaad iyo
heerka labaad ee maamulka dadweynaha ka qaatay
Iowa State University.
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo
EdinaMN.gov.
Maareeyaha Magaalada Scott Neal wuxuu ku
dhawaaqay qorshayaal uu shaqada isaga fadhiisanayo
bisha Janaayo 2027. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer)
Jadwalka Soo Xulashada Maareeyaha
Magaalada ee Xiga ee Edina
Hadda-May: Aqoonsashada mudnaanaha
Maareeyaha Magaalada ee soo socda
Abriil: Dalbashada soo jeedinta la-taliyaha
si uu u hogaamiyo hannaanka
Meey: Doorashada la-taliyaha
Juun: Furidda mudada codsiga
Agoosto/Sibteembar: Waraysi
Janaayo 1, 2027: Maareeyaha cusub ee
Magaalada ayaa la wareegaya hoggaanka
Janaayo 8, 2027: Scott Neal ayaa shaqada
ka fadhiisanaya
Daabacaadda: Edina
MAARSO 2026
Majalada 13, Qeybta 3Aasaas XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA:Wadajir WanaagsanAdeeg La isku Halayn Karo Magaalo Lagu Noolaan Karo
Magaalada Edina EdinaMN.gov 1
1 Qaybin-hoosaada Hankerson
Goobta: 5120 iyo 5124 Hankerson Ave.
Horumariyaha: Donnay Homes
Marxaladda: La ogolaaday
Oggolaanshiyo hore ayaa la siiyay
mulkiilaha booska si guryaha ku yaalla 5120
iyo 5124 Hankerson Ave. loogu kala qaybiyo
saddex boos. Guryaha hadda ka dhisan
labada boosba waa la dumin doonaa,
waxaana guryo cusub laga dhisi doonaa
boos kasta oo cusub.
2 Goobtii Hore ee Howlaha Guud
Goobta: 5146 Eden Ave.
Horumariyaha: Maamulka Guriyeynta iyo Dib u
Horumarinta (HRA) ee Edina horumariyahana waa
la go’aamin doonaa
Marxaladda: La Hakiyey
Hay'adda Guriyeynta & Dib-u-Hormarinta
(HRA) waxay waraysatay shan kooxo
horumarin waxayna fartay shaqaalaha
inay galaan gorgortanka gadida dhulka
mid: Hempel Real Estate iyo Monarch
Development Partners. Tallaabadooda xigta
waa inay raadiyaan oggolaanshiyaasha
adeegsiga dhulka iyagoo u maraya
hannaanka dib-u-eegista naqshadaynta
caadiga ah ee Magaalada.
Raadraacaha Horumarka Magaalada Edina waxaa ka mid
ah mashaariic isugu jirta dib u dhis iyo dhismeyaal cusub oo
la soo gabagabeeyay lixdii bilood ee la soo dhaafay, kuwo
isla markaas socda, kuwo codsiyo rasmi ah usoo gudbiyay
Magaalada ama intooda badan la ogolaaday.
Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mashaariicda horumarinta ee Edina, booqo
BetterTogetherEdina.org/Development
¹»
¹»
¹º¹º
¹º
ñ
ñ
¹»¹º
¹º
¹º
¹º
¹º
¹º
ñ
¹»
ñ
ñ
ñ
ñTRACY AVEVERN O N A VEWOODDALE AVEHANSEN RD70TH ST W
FRANCE AVE SVALLEYVIEWRDMINNESOTA DRGLEASONRDEdinaCommunityCenter
AvailAcademy
GoldenYearsMontessori
CityHall
St Peter's LutheranChurch & School
South ViewMiddle School
NormandaleElementary
ConcordSchool
CorneliaSchool
SouthdaleLibrary
FireStation
Public Works &Park Maintenance
Creek ValleySchool
FireStation
Valley ViewMiddle School
EdinaHighSchool
CountrysideSchool
HighlandsSchool
EdinaCommunityLibrary
Our Lady ofGrace Church& School
M inn ehahaCreek
NineMileCreek
Nine MileCreek
SouthdaleCenter
Canadian Pacific RailroadCanadian Pacific RailroadBLAKE RDSCHAEFER RDV ER N O N A V ECAHILL RD66TH ST W
YORK AVE SINTERLACHEN BLVD
MALONEY AVE
44TH ST W
50TH ST W
54TH ST W
58TH ST W
70TH ST W
76TH ST W
DEWEY HILL RD
VALLEY VIEW RD
VALLEY VIEW RD
78TH ST W
I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62
April 2019
±Legend
0 2,000
Feet
10
11
6
6
2
4
1
¹»¹»¹º¹º¹ºñ ñ¹»¹º¹º¹º¹º¹º¹º
ñ
¹»ññ
ñ
ñTRACY AVEVERNON AVEWOODDALE AVEHANSEN RD70TH ST W
FRANCE AVE SVALLEYVIEWRDMINNESOTA DRGLEASONRDEdinaCommunityCenterCalvinChristianSchoolGoldenYearsMontessoriCityHallSt Peter's LutheranChurch & SchoolSouthviewJr HighNormandaleElementaryConcordSchool
CorneliaSchool
SouthdaleLibrary
FireStation
Public Works &Park Maintenance
Creek ValleySchool FireStationValley ViewJr HighEdinaHighSchoolColonialChurchCountrysideSchool HighlandSchool PublicLibraryOur Lady ofGrace Church& School M innehahaCreekNineMileCreek
N ine MileCreek Canadian Pacific RailroadCanadian Pacific RailroadBLAKE RDSCHAEFER RDVERNON AVE
CAHILL RD66TH ST W
YORK AVE SINTERLACHEN BLVDMALONEY AVE 44TH ST W50TH ST W 54TH ST W58TH ST W70TH ST W
76TH ST W
DEWEY HILL RD
VALLEY VIEW RDVALLEY VIEW RD
78TH ST W
I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62
April 2019
±Legend
0 2,000
Feet
9
13
Xarunta Xafiiska Southdale
8
Maktabadda Southdale
Craftsman
on France
12
7
3
5
3 Arcadia
Goobta: 5100 Eden Ave.
Horumariyaha: Shirkadda Opus Development
Marxaladda: Dhisme Ku socdo
Opus Development Company waxay
dumisay dhismaha xafiiska afarta biyaano
ah ee ku yaalla 5100 Eden Ave. waxayna
dhisaysaa dhisme xafiis shan biyaano
ah, oo ah 112,000 fiit oo laba jibbaaran.
Dhismaha cusub waxaa ku jiri kara goobta
tafaariiqda lagu gado oo ku taasho dabaqa
dhulka la siman. Opus waxay damacsan
tahay inay dagto qayb ka mid ah dhismaha
oo u noqon doona xarunteeda guud,
iyadoo ka soo guurayso goobta hadda ay
ku taasho ee Minnetonka.
4 Vernon Townhomes
Goobta: 5516 Vernon Ave.
Horumariyaha: Abundance Properties
Marxaladda: La ogolaaday
Oggolaanshiyo ayaa la siiyay shirkadda Abundance Properties si ay u dumiso guriga halka qoys ah ee ka dhisan 5516 Vernon Ave. kana dhisto guryaha magaalada ee isku dheg-dheggan ee labo-labada qoys ay degaan. Guryaha waxay marin ka heli doonaan tooska Vernon Avenue dhanka galbeed ee booska.
5 Xarunta Xafiiska Southdale
Goobta: 6600-6868 France Ave.
Horumariyaha: Southdale Office Partners
Marxaladda: Dhisme Ku socdo
Shirkadda Southdale Office Partners waxay dib u qaabaynaysaa gudaha dhismaha xafiiska dhexe ee dhisan iyo maqaaxida ku taasha Southdale Office Center waxayna ku darayaan labo dariiq oo yaryar si kor loogu qaado marin-helka. Oggolaansho adeegsi oo shuruudaysan ayaa la siiyay si xafiiska loogu sii isticmaalo goobta.
6 Maktabadda Southdale
Goobta: 7001 York Ave. S.
Horumariyaha: Hennepin County
Marxaladda: Dhisme Ku socdo
Hennepin County waxay dumisay dhismaha Hennepin County Regional Library iyo xarunta adeegga waxayna ka dhisaysaa maktabad cusub oo 43,107-fiit oo labo jibbaaran ah. Mashruuca waxaa ka mid ah goob 16,164 fiit oo laba jibbaaran ah oo loogu talagalay Xarunta Farshaxanka Edina oo kireyste ka ah dhismaha cusub.
Dhismuhu wuxuu ku yaalli doonaa niska
waqooyi ee goobta cabbirkeedu yahay
7.75-akar. Niska koonfur waxaa ku jiri
doona meel cagaaran oo leh dhabbayaal
lagu socdo iyo dariiqyada baaskiilka
oo isku xiraya dhabbaha baaskiilka ee
gobolka ilaa Adams Hill Park ee Richfield.
Baakinka waxaa laga bixin doonaa qaybta
hoose ee guriga, iyadoo aag baakin
dheeraad ah laga helayo 70th Street.
Ku sii socda jaldiga gadaale…
Raadraacaha Horumarka
5
Iskaangaree sawirka iskaanka si aad u gasho bogga webseedka Macluumaadka Socdaalka & Kheyraadka
Magaalada, oo ay ku jiraan liinkiyada dukumiintiga “Ogow Xuquuqdaada” buuxda iyo kheyraadka kale.
Su'aalaha Badanaa La Iska Weydiiyo Dhaqangelinta Socdaalka
Magaalada Edina waxaa ka go’an inay noqoto
bulsho soo dhaweyn leh oo loo wada dhan yahay.
Iyadoo dhaqdhaqaaqa laanta socdaalka ay tahay
masuuliyad federaal, hogaamiyayaasha Magaaladu
waxay diiradda saarayaan ilaalinta xuquuqda
dastuuriga ah iyo badbaadada dadweynaha.
Su'aalaha Badanaa La is Weydiiyo ee soo
socda waxay sharraxayaan doorka Edina iyo ka
jawaabista hawlgalka Operation Metro Surge.
Halkee ayaan ka heli karaa caawimo sharci
iyo adeegyada socdaalka?
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota,
Adeegyada Matalaada Dadka Waaweyn ee
Hennepin County iyo Xarunta Sharciga Socdaalka
ee Minnesota waxay bixiyaan kaalmo sharci,
waxbarasho iyo taageero la xiriirta arrimaha
socdaalka.
Waa maxay waxa Waaxda Booliska Edina
kaga aadan dhaqangelinta socdaalka?
Diiradda Waaxda Booliska Edina waxay saaran
tahay ilaalinta badbaadada bulshada iyagoo
dhaqangelinaya shuruucda gobolka iyo kuwa
maxalliga ah. Ma dhaqangeliyaan shuruucda
socdaalka federaalka. Habkani wuxuu xaqiijiyaa in
dhammaan dadka deegaanka— iyadoo aan loo
eegin xaaladda socdaalka — ay ku kalsoonaadaan
inay caawimo ka raadsadaan, dembiyada u
sheegaan ama la macaamilaan adeegyada
Magaalada.
Si gaar ah, Waaxda Booliska Edina:
• Ma waydiiso xaaladda socdaalka marka ay la
macaamilayso xubnaha bulshada.
• Ma la wadaagto macluumaadka hay’adaha
socdaalka ee federaalka ujeedo la xiriirta
dhaqangelinta socdaalka.
• Dadka uma xirto kaliya codsi ka yimaada
maamullada socdaalka ee federaalka.
• Waxay ka jawaabtaa bannaanbaxyada iyo isu
imaatinnada dadweynaha si ay u taageerto
badbaadada una ilaaliso xuquuqda qof kasta.
Haddii Magaalada ay maqasho inay hawl
fulinayso Laanta Socdaalka iyo Kastamyada
Mareykanka (ICE) ama Ilaalada Kastamyada
iyo Xuduuda Mareykanka (CBP), Saraakiisha
Booliska miyaa loo diri doonaa goobta si ay
u fiiriyaan?
Maya, balse Waaxda Booliska ee Edina ayaa ka
jawaabi doonta wicitaanada 911 ee imanaya.
Sideen ayaan shaqaalaha badbaadada
dadweynaha uga garan karaa wakiilada
federaalka?
Lebiska booliska maxalliga ah waxaa loogu
talagalay in isla markiiba la aqoonsan karo. Waxay
si cad u aqoonsadaan magaalada ay u shaqeeyaan
waxaana loo sameeyay roondada maalinlaha ah —
looma samaynin qaabka hawlgallada ciidanka.
Saraakiisha Booliska Edina waxay xirtaan lebiska
ciidanka badda oo labada garbood ay uga taxan
yihiin garaadada Waaxda Booliska. Jaakadahooda
taatikada ayaa ku qoran “POLICE” oo ku qoran
xarfo dhalaalaya, iyo jaakado cusub oo ay si
cad ugu qoran yihiin “EDINA POLICE” ayaa la
hirgeliyay.
Booliska Dhibowga Ku Jira ee Edina, kuwaasoo ah
saraakiil tababar ku jira, ayaa xirta shaatiyo buluug
khafiif ah oo ay garbahooda ku taxan yihiin
garaado lagu aqoonsanayo inay qayb ka yihiin
Waaxda Booliska
Shaqaalaha Gurmadka Caafimaadka/Dabdemiska
ee Edina ayaa sidoo kale xirta lebiska ciidanka
badda. Garaadada Waaxda Dabdamiska ee
Edina ayaa ku taxan labada garab ee shaatiyada
guluusyada leh. Shaatiyadooda caadiga ah,
loogada waxay ku taashaa xagga hore halka
“EDINA FIRE” ay xarfo dhalaalaya uga qoran tahay
dhabarka.
Tani waa ay ka duwan tahay sida wakiilada
federaalka ay badanaa u muuqdaan. Shaqaalaha
laanta sharci fulinta federaalka waxay xiran karaan
qalabka taatikada ama qaabka ciidanka ah, waxay
leeyihiin astaamo yar, ama waxay adeegsadaan
garaado la siibi karo iyo maaskarada wejiga.
Lebiskooda ma ahan mid u jaan go’an sida lebiska
booliska ay yihiin.
Waxaa kale oo muhiim ah in la ogaado in
dhowr shaqaale Magaalada ah — sida farsama-
yaqaannada Hawlaha Guud, qiimeeyayaasha,
kormeerayaasha dhismaha iyo kormeerayaasha
caafimaadka — ay booqan karaan goobaha
gaarka loo leeyahay iyadoo qayb ka ah
shaqadooda. Inkastoo lebiska leh astaanta
Magaalada la dhiirigeliyo, mar walba looma
baahna. Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha
Magaalada ayaa marwalba lahaan doona
baaj aqoonsi ah oo ay ku jiraan sawirkooda,
magacooda, jagadooda iyo waaxdooda.
Haddii qof uu sheegto inuu matalo Magaalada oo
uusan muujin karin aqoonsi sax ah, ama haddii
aad marna hubin qofka aad la macaamilayso,
aamin dareenkaaga oo wac 911 si aad u xaqiijiso.
Shaqaalaha ayaa si degdeg ah u xaqiijin kara in
qof uu yahay shaqaale Magaalada oo sax ah ama
sarkaal badbaadada dadweynaha qaabilsan.
Magaaladu miyay diiwaangelinaysaa
dhaqdhaqaaqa laanta socdaalka federaalka
gudaha Edina?
Magaaladu waxay raadraacaysaa wicitaanada
911 si ay si wanaagsan ugu fahamto waxa
ka socda bulshada dhexdeeda. Wakaaladaha
federaalka waajib kama saarna inay bixiyaan
warbixino tallaabada kadib ah kadib ku daabulista
magaalada, marka xogta loo ururiyo si maxalli
ah waxaa laga yaabaa inaysan noqon mid
dhammaystiran.
Halkee ayaan u sheegi karaa wixi aan arkay
ama sida ay iisaameeyeen tallaabooyinka
federaalka ee Minnesota?
Qareenka Guud Keith Ellison ayaa foom ku leh
webseedkiisa oo ay ree Minnesota u isticmaali
karaan inay kula wadaagaan macluumaadka ku
saabsan saamaynta tallaabooyinka federaalka ee
Minnesota ay ku yeelan karaan si shakhsi ah ama
qof u dhow ama ay shakhsi ahaan goob joogga
ugu ahaayeen.
Ree Minnesota waxay foomka ka geli karaan barta
www.ag.state.mn.us/Federal-Action.
Foomkani waxaa loogu talagalay soo sheegista
dhacdooyinka ama saamaynta la xiriirta ama
ay keeneen tallaabooyinka federaalka gudaha
Minnesota, oo ay ku jiraan balse aanay ku
koobnayn: ku xad-gudbida xuquuqaha dastuuriga
ah (isir-takoorka, awoodda xad-dhaafka
ah, aargoosi ka dhan ah dibad-baxayaasha,
Ogow Xuquuqdaada
2
Cuntada Lagu Tabaruco ee Maxalliga ah Ayaa Dadaalka Kordhisay Wakhtiyada Hubaanti La’aanta
Isxilqaamayaasha U-diiwaangashan inay Dadka Caawiyaan Ayaa Helay Siyaabo Cusub oo ay Ku Garab istaagaan
Bulshooyinka u Baahan
goobjoogayaasha iyo warbaahinta), xiritaanka
ganacsiga, helitaanka daryeelka caafimaadka
ee yaraaday, helitaanka waxbarashada ee
yaraaday, arrimaha kale ee saameeya badbaadada
dadweynaha iyo xorriyadaha madaniga ah,
dhimista maalgelinta federaalka, joojinta deeqda
federaalka, shuruudaha ku xiran ka-qaybgalka
barnaamijka federaalka, tallaabooyinka kale ee
maamulka ee hay'adaha federaalka.
Saraakiisha dhaqangelinta federaalka ma
laga mamnuuci karaa beeraha nasiinada
Magaalada iyo tas-hiilaadka?
Maya. Magaaladu ma laha awood sharci ah
oo ay uga mamnuucdo saraakiisha federaalka
in ay galaan goobaha dadweynaha marka ay
gudanayaan waajibaadkooda.
Hay’adaha federaalka marin ma u leeyihiin
qalabka akhriya taargooyinka baabuurta
ee otomaatigga ah ee Edina? Adeegsiga
kaamirooyinkani si ku meelgaar ah ma loo
hakin karaa?
Hay’adaha federaalka marin uma helaan
kaamiradaha ama xogta qalabka akhriya taargada
baabuurta ee otomaatiga ah (ALPR) ee Flock
ee Magaalada Edina. Tan iyo marki la hirgeliyay
Flock, Magaaladu waxay si buuxda u xakamaysay
xogteeda lamana wadaagin hay’ado bannaanka
ah. Codsi kasta oo marin loogu helayo oo ka socda
hay’ad kale wuxuu u baahan yahay oggolaansho,
mana jiraan codsiyo sidaas ah oo la aqbalay.
Magaalada kama qaybqaadato wax shabakado xog
wadaagis ah oo ALPR ah oo gobolka oo dhan ah
ama qaranka. Sida ay qabto siyaasadda waaxda,
xogta ALPR waxaa kaliya la geli karaa marka ay la
xiriirto baaritaan dembi oo socda.
Hubin gudaha ah oo ay sameeyeen shaqaalaha
magaalada ayaa xaqiijisay in xogta ALPR ee Edina
aysan marin u helin wax wakaalad dibedda ah.
Flock ayaa sidoo kale xaqiijisay in aysan jirin wax
wakaalad federaal ah oo hadda marin u hela, abid
u helay, xogta Edina.
Qareenka Magaalada ayaa dib-u-eegis ku
sameeyay qandaraaska Magaalada ee ay la
leedahay Flock waxayna xaqiijisay in Magaalada ay
leedahay dhammaan xogta ALPR oo Flock sharci
ahaan aysan dad ula wadaagi karin xogta Edina.
Madaxa Booliska Todd Milburn kuma talinayo
hakinta adeegsiga kaamirooyinka, isagoo xusaya
in tignoolajiyadda ay tahay aalad muhiim ah oo
wax ku ool ah oo looga hortago laguna xalliyo
dembiyada bulshada dhexdeeda.
Magaalada miyay hakin doontaa guri ka
saarista?
Gobolka oo kaliya ayaa joojin kara guri ka
saarista. Si kastaba ha ahaatee, Golaha
Magaalada Edina ayaa u fasaxay shaqaalaha inay
warqad u diraan Gudd.
Tim Walz taasoo ku dhiirigelinaysa Gobolka inuu
raadiyo lacag dadka looga caawiyo kirada inta
lagu jiro wakhtigan.
Booqo EdinaMN.gov/Immigration si aad uga
hesho Su’aalaha Badanaa La iswaydiiyo ee
ugu dambeeyay.
WAXAA QORTAY JACEY MISMASH
Kadib hawlgalki Operation Metro Surge ee
Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka, walaacyada
badbaadada ayaa ku baahsan dhammaan
Magaalooyinka Mataanaha ah iyo agagaarkooda.
Iyadoo ay jirto cabsida iyo hubaanti la’aanta dadka
qaar ka mamnuucaysa inay helaan waxyaabaha
aasaasiga ah, xubno badan oo bulshada ka mid
ah ayaa u jeestay gargaarka aan macaash doonka
ahayn iyo shabakadaha gargaarka wadaagga ah.
“Maalmaha badankooda, waxaan lahaan doonaa
150 ballamo la qabsaday, iyadoo kaliya 90 ilaa 100
ay dhab ahaan yimaadaan,” ayay ku sharraxday
Caley Long, Agaasimaha Suuqgeynta iyo Wada-
xiriirka ee Mutadiwiciinta U diiwaangashan
Caawinta Dadka (VEAP), horraanti Febraayo.
“Waxaa jira dad badan oo aan rabin inay ka
tagaan guryahooda.”
Xarunta tabarucaada cuntada ee fadhigeedu
yahay Bloomington maaha qariib in la hawlgeliyo
wakhtiyada dhibaatada. Inti lagu jiray aafadi
COVID-19, ururka ayaa hawlaha
dardargeliyay oo bilaabay xulashooyinka
guri-gaynta.
Wakhtigan, shaqaalaha VEAP waxay
si degdeg ah uga shaqeeyeen inay
qaabilaan xubnaha bulshada ee aan
awoodin inay booqdaan cuntada
lagu tabaruco iyagoo tababaraya
mutadawiciin cusub iyo la-shaqaynta
magaalooyinka ku xeeran, kaniisadaha
iyo kooxaha kale ee bulshada si ay u
balaariyaan awoodooda daryeelka.
“Waxaan dhab ahaanti ku tiirsanahay
taageerada shuraakada bulshadeena
iyo mutadawiciinta. Ma rabno inaan
wax u dhinno tayada adeegyadeena,”
ayay tiri Long. “Waxaa jira kumanaan dad ah oo
u baahan caawimo mana jirto hal koox oo wada
qaban karta.”
Xirmooyinka Daryeelka ee dhawaan la soo
kordhiyay ee VEAP waxaa loogu talagalay
qoysaska aan awoodin ama aan rabin inay ka
baxaan guryaha. Xirmooyinka waxay ka kooban
yihiin cuntooyinka muddada yaalla oo kala duwan
iyo sheeyaasha qoyska maalinlaha ah sida xaashida
musqusha iyo saabuunta. Xirmooyinkani waxaa
lagu kabaa cuntooyin fareesh ah iyo cuntada durba
qurunta marki la heli karo.
U sii socdo Bogga 4…
Ma Doonaysaa inaad Wax Bixiso?
Lacag Ku Deeq:
Hadiyad dhan $30 ayaa qoys quudin karta asbuuc dhan. Wax bixin kasta waxay keentaa saamayn maxalli ah. Booqo veap.org si aad wax ugu deeqdo.
Ku Deeq Alaabaha Xirmooyinka Daryeelka:
Xubnaha bulshada waxay ku deeqi karaan alaabaha xirmooyinka daryeelka, oo ay ku jiraan baastada iyo suugada, miraha iyo khudaarta qasacadaysan,
rootiga, subagga lowska, iyo jeeliga, borotiinka qasacadaysan (hilib doofaarka, hilibka digaaga, digirta), bariiska, maraqa, xaashida musqusha iyo
saabuunta.
Deeqaha waxaa la aqbali doonaa 8 a.m. ilaa 4 p.m. Isniinta ilaa Jimcaha Saldhigga Dabdemiska 1, 6250 Tracy Ave.; Saldhigga Dabdemiska 2,
4401 W. 76th St., ama Xarunta Waayeelada Edina, 5280 Grandview Square. Deeqaha waxaa sidoo kale wakhti kasta oo maalinta ah la gayn
karaa barandada Waaxda Booliska, 4801 W. 50th St.
Soo iibi oo Alaabta Toos Ugu Dhiib:
Deeqaha alaabaha loo baahan yahay waxaa si toos ah loogu dhiibi karaa VEAP ee 9600 Aldrich Ave. S., Bloomington, MN 55420 iyadoo loo marinayo
Amazon. Sawir la soo gudbiyay3
TIRO AHAAN
Qalabka Akhriya Lambarada
Taargada Baabuurta Ayaa
Aalad Badbaado oo Muhiim
ah u ah Dadweynaha
dad xirid ah ayaa la sameeyay
65
– WAXAA ISKU DUBARIDAY
JENNIFER BENNEROTTE
DHACDOOYINKA SOO SOCDA
Axad, Maarso 1
Maarso Waa Bisha Taariikhda Haweenka
Talaado, Maarso 3, 7 p.m.
Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina
Khamiis, Maarso 5, 7:30 a.m.
Shirka Hay'adda Guriyeynta & Dib-u-Horumarinta,
Hoolka Magaalada Edina
Axad, Maarso 8
Maalinta Caalamiga ee Haweenka
Jimce, Maarso 13, 5 p.m.
Cawayska filimka, “Despicable Me 4,”
Edinborough Park
Sabti, Maarso 14, 9 a.m.
La Soco Duqa Magaalada, Kula Kulan Xarunta
Southdale Transit si aad u raacdo Metro E Line
Axad, Maarso 15, 6 p.m.
Xarunta Luan ee Muusiga Kooxda Irishka,
Edinborough Park
Talaado, Maarso 17, 7 p.m.
Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina
Sabti, Maarso 21, 11 a.m.-5 p.m.
Isdhaafsiga Alaabo-alaabayda Carruurta, Saldhiga
Dabdemiska 2aad ee Edina
Axad, Maarso 22, 6 p.m.
Pan Handlers Steel Drum Band,
Edinborough Park
Axad, Maarso 29, 6 p.m.
Kooxda Xuska John Philip Sousa ee u Horreeyey,
oo kadhacaya Edinborough Park
Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta
& Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos
uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813
ama 16) ama onlaynka.
Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo
dhameystiran, booqo EdinaMN.gov.
qoryo ah ayaa laga
qabtay wadada
6
Qalabka Akhriya Taargada Baabuurta (LPR)
ayaa ay ku hawlgashaa Waaxda Booliska
Edina iyadoo la raacayo siyaasado maxalli ah
oo adag. Adeegsiga waa mid xaddidan, la
hubiyay kaliyana loo adeegsado ujeedooyinka
badbaadada dadweynaha ee sharciga ah.
Nidaamka kuma xiriirsana keydadka xogta ee
laanta socdaalka federaalka, iyadoona aysan
marin u heli karin hay’ado
dibedda ah.
Qaar ayaa su’aal ka
waydiiyay in nidaamka
la damin karo, iyagoo ka
walaacsan in la jabsan
karo. Ma jirto caddayn
muujinayso in nidaamkan
ay galeen hay’ado
federaalka ah. Sida uu
qabo Madaxa Booliska
Todd Milburn, daminta
kama dhigayso Edina mid
badbaado ah — waxay
meesha ka saaraysaa
aalad muhiim ah oo ay
saraakiishu ku tiirsan
yihiin maalin kasta.
Kaamiradahani looma
adeegsado hawl-fulinta
laanta socdaalka. Waxaa
loo adeegsadaa in lagu
xalliyo dembiyada halista
ah, lagu soo helo hantida
la xaday laguna ilaaliyo
dadweynaha. Akhri tiro-
koobka la ururiyay tan
iyo marki nidaamka la
hirgeliyay.
PROFESSIONAL MOVERS
QualityMovingCo.com
952-831-6800
kaamiro meesha
ku xiran
18
gawaari la xaday
ayaa la soo helay
30
qof oo maqan ayaa
la helay
1
Intaa waxaa dheer, ururka wuxuu diiradda saarayaa
helitaanka maalgelino uu ku daboolo kirada, adeegyada
guryaha, iyo gaadiid loogu talagalay derisyada u baahan.
“VEAP waxay khibrad qoto dheer u leeyihiin bixinta
kaalmada cuntada iyo kirada ee loogu talagalay inta badan
dadkeena deegaanka ee nugul,” ayay tiri Maareeyaha
Horumarinta Guriyaynta La Awoodi Karo ee Magaalada
Edina Stephanie Hawkinson. “VEAP waxay gacan ka
gaystaan in derisyadeena guryo loo helo isla markaana la
quudiyo carruurta.”
VEAP ayaa furan 9 a.m. ilaa 4:30 p.m. Isniinta ilaa
Khamiista iyo 9 a.m. ilaa duhurki Jimcayaasha. Booqo veap.
org/get-help/ ama wac 952-888-9616 si aad waxbadan
uga ogaatid adeegyadooda.
Dadka deegaanka ee doonaya in laga caawiyo cuntada,
kirada ama biilasha guriga ama raadinaya qalabka
nadaafada ayaa sidoo kale la xiriiri kara shaqaalaha VEAP
ee Saldhiga Dabdemiska 2, 4401 W. 76th St., 9 a.m. ilaa
duhurki Talaadooyinka iyo Khamiisaha.
Cuntada Lagu Tabaruco ee Maxalliga
ah Ayaa Dadaalka Kordhisay
Wakhtiyada Hubaanti La’aanta
ka sii socdo Bogga 3
4Magaalada Edina EdinaMN.gov
7 Guryaha The Setting Apartments
Goobta: 7200 France Ave.
Horumariyaha: Afton Park and Orion Investments
Marxaladda: Dhisme Ku socdo
Mashruucan walaasha la ah ee dib-u-
horumarinta 7250 France Ave. waxaa la
dhammaystiri doonaa ka dib dhismaha
Craftsman on France. Mashruucu wuxuu ka
koobnaan doonaa dhisme abaartimenti ah
oo cusub oo ka kooban lix-biyaano oo leh 150
qaybo guryo la kiraynayo. Guryaha intooda
badan ayaa la qiimo ahaan doona kuwa suuqa,
iyadoo 10% laga dhigayo kuwo qiimahooda si
joogta ah loo awoodi karo.
8 Craftsman on France
Goobta: 7250 France Ave.
Horumariyaha: Orion Investments
Marxaladda: Dhisme Ku socdo
Goobtan waxaa dib loogu horumarin doonaa
labo weji. Wejiga 1 waxaa ka mid ah shaqada
guud ee goobta iyo dhismo xafiis shan biyaano
ah oo cusub, oo 124,620-fiit oo labo jibbaaran
ah iyo dukaan qaxwe oo la yiraahdo Craftsman
on France. Baakinka waxaa laga bixin doonaa
dhismaha hoostiisa. Shaqada goobta waxaa
ka mid ah balliga biyaha roobka iyo barafka,
dhabbayaasha wadada dhinaceeda ah,
fagaarayaal dadweyne, goob cagaaran iyo
bilcinta-dhulka.
9 Dib-u-horumarinta Isticmaalka
Isku Dhafan ee Enclave
Goobta: 7235 France Ave.
Horumariyaha: Enclave Companies iyo Lifestyle
Communities
Marxaladda: La ogolaaday
Oggolaanshiyo ayaa la siiyay in booska
sagaalka akar ah loo kala qaybiyo saddex
boos oo kala duwan. Afar dhismo ayaa loo
oggolaaday in laga dhiso goobta. Bakhaarki
Macy ku yaallay waa la raray, halka dhismaha
ka dhisan la filayo in la dumiyo.
Faahfaahinta afarta dhisme ee cusub:
• Booska koonfur-galbeed: Dhisme
11-biyaano ah oo leh 49 guryaha
waayeelada ah, 47,000 fiit oo labo jibbaaran
oo goob xafiis ah iyo 9,500 fiit oo labo
jibbaaran oo ah goob maqaaxi/tafaariiq oo
wadada la siman
• Booska waqooyi-galbeed: Dhisme toddobo-
biyaano oo isticmaal isku dhafan leh oo ka
kooban 124 abaartimentiyo, 20,000 fiit oo
laba jibbaaran oo boos xafiis ah iyo 7,500
fiit oo laba jibbaaran oo ah goob maqaaxi/
tafaariiq oo heerka wadada la siman ah
• Booska waqooyi-beri: Dhisme toddobo-
biyaano ah oo leh 223 abaartimentiyo kiro ah
• Booska koonfur-beri: Dhisme toddobo-
biyaano ah oo leh 176 abaartimentiyo kiro ah
iyo maqaaxi 4,100 fiit oo laba jibbaaran ah
Dhisme kasta waxaa ka mid noqon doona
baakin gudaha ah oo loogu talagalay dadka
deggan, shaqaalaha iyo macaamiisha.
Baakinka ku yaalla heerka wadada la siman
ayaa u furnaan doona dadweynaha guud.
Qorshaha goobta waxaa ka mid ah waddooyin
cusub, dhabbayaal dhinaca wadada ah iyo
aagaga bilicda oo u furan dadweynaha.
Qeybta Dhabbaha Gobolka Nine Mile Creek
ee hadda jirta ayaa ku sii taalli doonta cirifka
koonfureed ee dhismaha.
10 Edina Endodontics
Goobta: 7300 Metro Blvd.
Horumariyaha: Hempel Real Estate iyo
Edina Endodontics
Marxaladda: La ogolaaday
Oggolaanshiyo ayaa la siiyay si booska shanta
akar ah loo sii kala qeybiyo si loogu oggolaado
dhisme cusub oo ganacsi oo hal biyaano ah,
oo 6,000 oo fiit oo laba jibbaaran ah oo laga
dhigayo rugta ilkaha. Ma jiraan isbeddelo
loo soo jeediyay dhismaha xafiiska ka dhisan
goobta.
11 Xarunta Tababarka Badbaadada
Dadweynaha ee Koonfurta
Metro
Goobta: 7525 Braemar Blvd.
Horumariyaha: Magaalada Edina
Marxaladda: Dhisme Ku socdo
Dhisme tababarka taatikada ah oo 5,536 oo fiit
oo laba jibbaaran ah ayaa laga dhisayaa cirifka
koonfureed ee guriga. Mashruuca ayaa abuuri
doona goob tababar oo dheeraad ah oo loogu
talagalay ka jawaabayaasha koowaad.
12 Saldhiga Dabdemiska 2
Goobta: 4401 76th St. W.
Horumariyaha: Magaalada Edina
Marxaladda: La dhameystiray
Magaalada Edina ayaa dhammaysay dhismaha
cusub ee Saldhiga Dabdemiska 2aad oo
33,578-fiit oo laba jibbaaran ahbishi Oktoobar
2025. Dhismaha ayaa bixinaya meel ay ku
shaqeeyaan Waaxda Dab-demiska ee Edina
iyo Qeybta Caafimaadka Dadweynaha ee
Magaalada.
13 Edina Grand Apartments
Goobta: 3400 Edinborough Way
Horumariyaha: Alpha Investment Group
Marxaladda: Dhisme Ku socdo
Huteelki hore ee 133 guri ka koobnaa ee
Marriott Residence Inn waxaa loo beddelayaa
dhisme abaartimenti ah oo 136 guri ka kooban.
Kirada waxaa la filayaa inay ka hoosayso 80%
ee Dakhliga Dhexdhexaadka ah ee Aagga
(AMI), iyadoo qaarkeed tahay mid la awoodi
karo ilaa 60% ee dakhliga dhexdhexaadka
ah ee AMI. Mashruuca waxaa la filayaa in la
dhammeeyo sanadkan.
***ECRWSS***Macmiilka Guri
PRESORT STD
U.S. POSTAGEPAID
TWIN CITIES MN
Permit No. 3932
Iskaan-garee koodhkan oo ku fiiri soomaali
EdinaMN.gov/SomaliEE EdinaMN.gov/SpanishEE
Escanee este código para ver en español
Raadraacaha Horumarka ka sii socdo Bogga 5
952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov6