HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_4 April-2026_SomaliEdina Waxay Ballaarisay Barnaamijka Gaariga ECMO ee Guurguura
Iyadoo U Marayso Iskaashi La Cusboonaysiiyay
Wax Ka Beddelka Qandaraaska Wuxuu Taageerayaa Shaqaalaha Wuxuuna Ballaarinayaa Helitaanka
Daawaynta
WAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER
Barnaamijkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lagu
bixinayo awoodo taageero nolol oo horumarsan ee
nidaamka isbitaalka kahor ee dhibbanayaasha wadnaha
uu istaago ayaa ka jira Edina.
Sanadki 2021, Waaxda Dabdamiska ee Edina waxay
bilowday iskaashi ay la yeelanayso Fairview iyo
bixiyeyaasha kale ee daryeelka caafimaadka si ay ugu
hawlgalaan Gaariga Guurguura ee Oksijiinta Xanbaarsan
(ECMO) iyadoo qayb ka ah barnaamij tijaabo ah
oo lagu daawaynayo bukaanada uu hayo wadno
xanuunka daran ama ku istaagtay neefta iyada oo aan
la helin adeegyo khaas ah. Qaybtan gaarka ah waxay
oggolaanaysaa daabulidda degdegga ah ee qalabka iyo
shaqaale si loo bilaabo baxnaanada ECMO, taasoo si
wayn kor ugu qaadayso fursadaha nolol badbaadinta ee
bukaanada xaalkoodu daran yahay.
Golaha Deegaanka Edina wuxuu ansixiyay wax ka
beddelka heshiiska Gaariga Guurguura ee ECMO (MET)
ee u dhexeeyay Nidaamyada Caafimaadka Fairview iyo
Magaalada Edina bishi Febraayo.
“Kani waa kii u horreeyay ee habraaca baabuurta
guurguurta ee ECMO ee ka dhacay Edina, Minnesota,
sanadki 2022,” ayuu yiri Madaxa Dabdemiska Andrew
Slama. “Taasi waa wax aanu xaqiiqdi ku faanayno.”
Tan iyo marki tignoolajiyadda caafimaadka ee nolosha
badbaadisa ay ku soo biirtay Baabuurta Dabdemiska
Edina, Dabdemiska Edina ayaa hormuud u ahaa hab
cusub oo lagu daawaynayo bukaanada qaba xanuunka
wadno istaagga iyadoo la isticmaalayo Gaariga ECMO.
“Wejiga tijaabada wuxuu xaqiiqdi ina siiyay fursad aan
ku xoojino qulqulka shaqada ee baabuurka oo aan si
fiicanna u fahamno awoodihiisa,” ayuu yiri Kim Harkins,
Maareeyaha Barnaamijka Jaamacadda Minnesota ee
Xarunta Dib-u-Kicinta Wadnaha.
Baabuurka iyo kooxda ayaa la hawlgeliyaa marki bukaan
si fiican ugu qalma gaariga ECMO uu 30 mayl u jiro
M Health Fairview Southdale Hospital. Labadiisi sano
ee ugu horraysay, MET ayaa ka jawaabay 18 wicitaan
kahor inta Dabdemiska Edina aanay wajihin xaddidaado
shaqaale bishi Oktoobar ee 2024.
18-kaas wicitaan, 12 ayaa si guul ah loo saaray gaariga
ECMO. Kaliya bukaanada uu wadnaha istaago ee aan
lagu soo kicin karin xeeladaha kale ayaa loo arkaa inay
u qalmaan. Heerarka badbaadada ee bukaanada uu
wadnaha istaago waxay ilaa 40%
kor ugu kici karaan daawaynta
ECMO.
“Bishi Oktoobar 2024, waxaan
kula talinay nidaamka Fairview
iyo kooxda ECMO in shaqaalaha
isku dhafan ay saamayn wayn ku
yeesheen adeegyadeena Edina,”
ayuu yiri Slama. “Ambalaas kale
in laga saaro adeegeena uma
faa’iidayn dadka deegaankeena,
marka waxaan bilownay
inaan eegno qaabab kale oo
shaqaalaysiin.”
Wax ka beddelka, qaab-
dhismeedka khidmadda wuxuu
ka soo guuri doonaa qaabka
lacagta lagu bixiyo ka jawaabis
kasta una guuri doonaa shaqaale
heegan ah oo ay ku jiraan labo
boos oo Koox Hoggaamineed ah
oo wakhti buuxa shaqaysa. Marka
aysan ka jawaab bixinaynin ECMO,
Kooxda Hoggaamineed waxay bixin
doontaa jawaab heer istiraatiiji
ah iyo taageero maamul oo loogu talagalay Waaxda
Dabdemiska Edina.
Kharashka $339,000 ee loogu talagalay boosaskaan
waxaa dabooli doona Nidaamyada Caafimaadka ee
Fairview. Xubnaha shaqaalaha ee cusub waxaa la filayaa
inay bilaabaan bisha Abriil.
Wax ka beddelka wuxuu sidoo kale ballaarinayaa
barnaamijka si loogu daro isbitaal kale. North Memorial
Health Hospital ee Maple Grove wuxuu hadda u adeegi
doonaa sidi goob dheeraad ah oo loogu talagalay MET.
Bukaanada 30 mayl gudahood u jira North Memorial ee
uu wadnuhu istaago isla markaana buuxiya shuruudaha
ECMO ayaa hadda heli kara daawayntan.
“Tani waxay ka hadlaysaa ballanqaadka Waaxda
Dabdemiska Edina iyo Magaalada Edina inay si fiican uga
soo dhalaalaan daryeelka dib-u-kicinta wadnaha. Waax
kasta ma ahan inay rabto inay qaadato xujada inay ka
shaqaysiiso barnaamij kan oo kale ah,” ayuu yiri Harkins.
“In kastoo baabuurkan gaarka ah uusan si toos ah uga
jawaab bixinayn gudaha Edina, waxay garowsan yihiin
saamaynta ballaaran ee uu ku leeyahay bulshada. Haddii
bukaanadu ay aadaan North Memorial ama kooxdeenu
sii waddo inay aaddo Southdale, shaqadu weli waxay
u faa’iidaynaysaa dadka ay u adeegaan, taasina waa
sababta ay uga go’an tahay.”
Kooxda ECMO waxay rajaynaysaa inay barnaamijka ku
ballaariso isbitaalo kale mustaqbalka. Bishi Diseembar,
Nidaamyada Caafimaadka ee Fairview waxay sidoo kale
daahfureen barnaamij helikobtar ah oo loogu talagalay in
tignoolajiyadda ECMO lagu geeyo isbitaalada miyiga ee
aan haysan qalabka.
Sida uu sheegay Harkins, barnaamijka helikobtarta
wuxuu durbaba gacan ka gaystay inuu badbaadiyo labo
ruux.
“Xaqiiqada inaad xitaa joogi karto miyiga Minnesota oo
aadna weli fursad u haysato tignoolajiyadan si aad nolol
ugu badbaadiso waa arrin cajiib ah,”
ayuu yiri Harkins.
MET ayaa yaalla Saldhigga Dabdemiska 1,
6250 Tracy Ave. Wixii macluumaad dheeraad ah
ee ku saabsan Waaxda Dabdamiska Edina, booqo
EdinaMN.gov/Fire.
Degane deggan Chanhassen oo la yiraahdo John Sauer ayaa ahaa bukaanka inti lagu
jiray adeegi ugu horreeyay ee xagaaga ee Gaariga Guurguura ee ECMO sanadki 2022.
Sanad kadib sanadki 2023, Sauer iyo qoyskiisa ayaa la debbaaldagay kooxdi noloshiisa ku
badbaadisay wax ka qabashadi ECMO. (Sawirka faylka)
Magaalada Edina EdinaMN.gov 1
Daabacaadda: Edina
ABRIIL 2026
Majalada 13, Qeybta 4Aasaas XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA:Wadajir WanaagsanAdeeg La isku Halayn Karo Magaalo Lagu Noolaan Karo
Jessica Nikunen Ayaa Loo Magacaabay Agaasimaha Xiga ee
Shaqaalaha ee Edina
Waxay Ka Shaqo Bilaabaysaa 10-ka Waaxood ee Magaalada Abriil 6
Magaalada ay sheegtay inay ku soo baxday inti lagu jiray
hannaanka shaqaalaysiinta.
“Jessica waxay leedahay isku dhafka aqoonta
nidaamyada HR, faham istiraatiijiyadeed iyo wajihitaan ka
dhigi doonta inay guul ka gaarto Edina,” Lenz ayay tiri.
Ka ahaan Agaasimaha Shaqaalaha, Nikunen waxay
kormeeri doontaa dhammaan barnaamijyada HR iyo
adeegyada Magaalada, oo ay ku jiraan hanashada
kartida, xiriirka shaqada iyo shaqaalaha, kala soocida
iyo magdhowga, dheefaha, badbaadada iyo maareynta
khatarta, u hoggaansanaanta, horumarinta siyaasadda
iyo horumarinta urureed. Waxay kormeeri doontaa koox
toddobo ah.
Magaalada waxaa hadda u shaqeeya 341 shaqaale
wakhti buuxa shaqeeya iyo ku dhawaad 500 wakhti
buuxa aan shaqayn, kuwo dabacsan iyo shaqaale
xilliyeed.
“Shaqaaluhu waa kheyraadkeena koowaad ee lagu
gaarayo himilooyinka Magaalada iyo mudnaanaha.
Waxay bixiyaan adeegyada maalinlaha ah ee lagu kala
wado Edina,” Lenz ayay tiri. “Waaxdeena HR waxay
dhexda uga jirtaa abuurista dhaqan shaqaale iyo
deegaan naga dhigaya kuwa tartama, badbaado ah, si
fiican u tababaran isla markaana raacaya dhaqamada
ugu wanaagsan.”
Lenz ayaa sheegtay in Nikunen ay fahamsan tahay
mudnaanaha Magaalada iyo mashaariicda socota ayna
gacan ka gaysan karto xaqiijinta in xoogga shaqada uu la
jaanqaado baahiyaha bulshada.
“Soo shaqaalaysiinta madaxda HR ee qaybta
dadweynaha xaqiiqdi waa mid tartan badan leh,” Lenz
ayay tiri. “Waxaan nasiib u leenahay inaan Jessica u
dooranay inay ku soo laabato Edina ayna hoggaamiso
kooxdeena. Dadka deegaanka waxaa laga yaabaa
in aanay arag iyada ama shaqada kooxda HR, balse
HR wuxuu bixiyaa adeegyada muhiimka ah ee ka
dhiga Magaaladeena mid hoggaansan, diirada saarta
mustaqbalka oo tartanta.”
Nikunen ayaa sheegtay in dhisidda kalsooni iyo xiriiro
xooggan ay udub-dhexaad u noqon doonaan sida ay
wax u wajahayso.
“Yoolkaygu wuxuu yahay kobcinta deegaan ay
shaqaaluhu ku dareemaan in loo awoodsiiyay inay
qabtaan shaqadooda ugu wanaagsan una arkaan kooxda
HR inay tahay la-hawlgale taageera siiya oo la isku
hallayn karo,” ayay tiri.
“Qaybta dadweynaha waa mid gaar ah,” Nikunen ayay
ka sheegtay go’aankeeda ay ku soo laabatay. “Dawladda
hoose, waxaad arki kartaa isbeddelka ay kooxdaada u
keento bulshada.”
Waxbadan oo ku saabsan Waaxda Shaqaalaha ka
ogow barta EdinaMN.gov/HR.
WAXAA QORTAY BRITTANY BADER
Waji la yaqaano ayaa ku soo laabanayo Magaalada
Edina, oo markan ah Agaasimaha Shaqaalaha
Magaalada.
Jessica Nikunen ayaa loo magacaabay inay hoggaamiso
waaxda, kadib marki Agaasime Hore Kelly Curtin ay ka
guurtay gobolka. Waxay horay u soo noqotay HR Guud
oo ay ka noqotay Magaalada Edina laga soo bilaabo
2012 ilaa 2015 waxayna ku faraxsan tahay inay ku
laabato doorka hoggaamineed.
“Waa bulsho wanaagsan oo si fiican la isu ixtiraamo,”
Nikunen ayay tiri. “Waxaa jirta koox hoggaamineed
oo xooggan, xaqiiqdina waxaan middaas ku arkay
marki iigu dambaysay ee aan halkan joogay, waxayna
iga caawisay inaan yeesho oo aan kobciyo doorkayga.
Waxaan rabay inaan soo laabto oo aan qayb ka noqdo
kooxdaas hoggaamineed.”
Shaqada Nikunen waxay soo martay dhinacyo badan
oo hawlaha dawladda ah, laga soo bilaabo ruqsad-
siinta baabuurta iyo biil ku dallicista adeegyada
guryaha ilaa taageerada Waaxda Hawlaha Guud iyo,
dabcan, Qaybta Shaqaalaha. Waxay khibrad 14 sano
ah u leedahay dawladda magaalada, oo ay ku jiraan
doorarka Magaalooyinka Jordan, Shakopee iyo Edina,
iyo Maareeyaha Shaqaalaha ee Magaalada Minnetonka.
10-ki sano ee la soo dhaafay, waxay ka soo shaqaysay
Gallagher Benefits Services, iyadoo shuraako la ahayd
macaamiisha qaybta dadweynaha oo ay ku jirto Edina
si ay u fahamto baahiyahooda una aqoonsato xalalka
daboolista. Marki ugu dambaysay, waxay soo noqotay
Madax Wayne Ku Xigeenka Aagga. Waxay shahaadada
mastarka ka haysataa maamulka dadweynaha waxayna
ka qaybqaadatay akademiyo badan oo hoggaamineed.
Waxay hadda khibradaas ballaaran dib ugu soo
celinaysaa Edina, taasoo Kaaliyaha Maareeyaha
Jessica Nikunen ayaa ku soo laabatay Magaalada Edina
iyadoo noqonaysa Agaasimaha Shaqaalaha, iyadoo la
imaanaysa 14 sano oo khibrad dawladda hoose ah iyo
toban sano oo la-talinta dheefaha ah. (Sawirka waxaa
qaaday Jason Heuer)
Gudaha Maraykanka oo kaliya, ku dhawaad 11.3 milyan tan oo qashinka dharka ah – qiyaasti 85% ka mid ah
dhammaan dharka oo dhan – ayaa ku dambeeya dhulka sanad kasta, sida ay sheegtay Hay’adda Ilaalinta Deegaanka
ee Maraykanka. Xitaa ku deeqista dharka ma ahan inay ka badbaadinayso inay ku dambeeyaan dhulka. Kala
beddelashada, si kastaba ha ahaatee, waxay dharka siinaysaa nolol cusub iyo armaajooyinka oo ay siinayso muuqaal
cusub. Hadda oo lagu jiro sanadkeedi afaraad, Dhar Isweydaarsiga Bulshada ayaa wax ka qabta qashinka dharka
iyadoo isla markaana Edina u dhawaynaysa gaarista Yoolalkeeda Waxqabadka Cimilada iyo abuurista madadaalo
faashiyoon oo bulshada oo dhan ah.
Munaasabadda sanadkan waxaa la qaban doonaa 10 a.m. ilaa 1 p.m. Sabti, Abriil 18, oo lagu qabanayo Xarunta
Waayeelada Edina, 5280 Grandview Square. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov/Swap.
TIRO AHAAN
Dhar Kala Beddelasho
Lagu Gaarayo
Mustaqbal Waara
rodol oo dhar ah ayaa la ururiyay
sanadki la soo dhaafay
5,235
rodol oo cunto ah ayaa la ururiyay
looguna deeqay VEAP sanadki la
soo dhaafay 2025
161
ee sheeyaashi
la iswaydaarsaday 2025
rodol—miisaanka boorsadi ugu cuslayd
ee la keenay sanadki la soo dhaafay
92%46.9
- WAXAA ISKU DUBARIDAY EDIE WEINSTEIN
2
DHACDOOYINKA SOO
SOCDA
Abriil
Iibka gu’ga ee noocyada khamrada ee
wine, spirits iyo beer bisha oo dhan ee
dhammaan saddexda dukaan ee Edina
Liquor
Isniin, Abriil 6, 6-8 p.m.
Booqashada Dadweynaha u Furan ee
Meesha Dadka Ay Hoos Maraan ee
France Avenue, Saldhiga Dabdemiska 2
Talaado, Abriil 7, 7 p.m.
Shirka Golaha Deegaanka,
Hoolka Magaalada Edina
Arbaco, Abriil 8, Duhurki
Diiwaangelinta Baro Kudul Orodka
Barafka ayaa u furmaysa kuwa hadda
ka diiwaangashan xalqada qaboobaha,
onlayn
Jimco, Abriil 10, 5 p.m.
Caweyska filimka, “Moana 2,”
Edinborough Park
Axad, Abriil 12, 6 p.m.
Luke LeBlanc Trio, Edinborough Park
Talaado, Abriil 14, 6:30 p.m.
Munaasabadaha Xusuusta Maalmaha
Holocaust, “The Cello Still Sings –
Geesinimada iyo Damiirka, Hal Sheeko
Markiiba,” Saldhiga Dabdemiska 2aad
ee Edina
Arbaco, Abriil 15, duhurki
Baro Kudul Orodka Barafka
diiwaangelinta waxay u furmeysaa
dadka deggan Edina, onlayn
Khamiis, Abriil 16, 7:30 a.m.
Shirka Hay'adda Guriyeynta & Dib-u-
Horumarinta,Hoolka Magaalada Edina
Khamiis, Abriil 16, 3 p.m.
Hubinada Kursiga Baabuurka ee
Bilaashka ah, Saldhiga Dabdemiska
2aad ee Edina
Jimco, Abriil 17, 5:15 p.m.
Tartanka Baabuurta Rimuutka Lagu
Hago ee Party Crashers, Edinborough
Park
Sabti, Abriil 18, 9 a.m.
La Lugee Duqa Magaalada, Centennial
Lakes Park
Sabti, Abriil 18, 10 a.m.
Dhar Isweydaarsiga Bulshada, Xarunta
Waayeelka Edina
Jimco, Abriil 24, 10 a.m.
Debbaaldegga Maalinta Dhir Beerista
iyo Abuurka, Creek Valley School Park
Axad, Abriil 26, 1-4 p.m.
Bandhiga Bulshada Maalinta Dhulka,
Weber Park
Si aad u hesho liiska shirarka iyo
dhacdooyinka oo dhameystiran,
booqo EdinaMN.gov.
WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND
Xeerka Ilaalinta Geedaha Edina ayaa la cusboonaysiiyay
si siman si loogu dabaqo magaalada oo dhan oo xoogaa
dabacsanaan ah loogu oggolaado dib-u-beerista dhirta.
Kuwaas iyo isbeddelada kale ayaa waxaa ansixiyay Golaha
Magaalada Edina waxayna dhaqangaleen bishi Maarso.
Waa Maxay Xeerka Ilaalinta Geedaha Edina?
Xeerka waxaa la sameeyay toban sano kahor si loo ilaaliyo
geedaha qiimaha badan Magaalada oo dhan iyadoo la
oggolaanayo horumarin macquul ah iyo mashaariic laga
fuliyo hantida gaarka loo leeyahay.
Waxaa la cusboonaysiiyay dhawr jeer si kor loogu qaado
natiijooyinka, loo kala caddeeyo hannaanka waxna looga
qabto walaacyada ay qabaan dadka deegaanka iyo kuwa
dhisaya. Balse yoolalkeeda waxay sii yihiin in lagu ilaaliyo is-
haysashada geedaha iyo geedaha qangaarka ah ee jira, lagu
ilaaliyo qiyamyada iyo sifada xaafadda korna loogu qaado
tayada nolosha ee dhammaan.
“Waxaan leenahay hab labo qaybood ah,” ayay tiri
Xubin Gole Magaalo Carolyn Jackson kahor inta aysan u
codaynin cusboonaysiinta xeerka. “Qayb ka mid ah waa
ku dhiirigelinta dadka inay geed ku abuuraan daaradooda
iyadoo geedo laga iibinayo sanadki labo jeer. ... Qayb ka
mid ahna waa ilaalinta geedaheena hadda. Kaliya kuma
samayn karno geed iibin oo kaliya.”
Xeerku ma shaqaynayaa?
Tan iyo 2023, xeerka wuxuu ilaaliyay 6,054 geedo ah, sida
uu sheegay Dhireeye Luther Overholt.
“Waxay beddelaysaa sida dadka umaleeyaan geedaha
marka ay wax dhisaan,” Overholt ayuu yiri. “Waxay fikrad
badan gelinayaan ilaalinta geedaha beddelki ay rujin
lahaayeen.”
Muxuu khuseeyaa?
Xeerka dib-u-eegista lagu sameeyay wuxuu khuseeyaa
mashruuc kasta oo u baahan rukhsad lagu dhiso,
dhammaan degmooyinka soonaha. Horay waxay kaliya u
khusaysay mashaariicda aagaga la deggan yahay qaar. Waxay
u baahan tahay ilaalinta geedaha ama ku beddelista geedo la
mid ah iyadoo la raacayo qaacidooyin loo dejiyay.
Sidee ayay shuruudda dib-u-dhiraynta isu beddeshay?
Waagi hore, geed kasta oo la siibo, beddelka waa inuu yahay
nooc geed la mid ah. Hadda ilaa boqolkiiba 20 geedaha lagu
beddelayo waxay noqon karaan noocyo kale.
“Mararka qaarkood ma rabtid geed la mid ah inuu kugu yaallo
booska aad haysato,” Overholt ayuu yiri. “Waxaa laga yaabaa
inaad rabto geed sanadka oo dhan ku asturo oo abaar-moog
ah beddelka geedka caleemihiisa ay kaa daadan doonaan.
Daaradaha, waxay siinaysaa xoogaa ikhtiyaar ah.”
Kawaran haddii uusan jirin boos u bannaan geedaha
cusub?
Waxaa lagu beeri karaa guri kale oo gaar loo leeyahay oo 300
fiit gudahood ku yaalla.
Waa maxay qaar ka mid ah meelaha laga soo reebayo
shuruuda dib-u-dhiraynta?
Waxaa hadda jira meelo laga soo reebayo geedaha baxaya
ee khatarta keenaya, sida waxyeelaynta dhabbaha dhinaca
wadada ama aasaaska, ee ku yaalla boosas ay ka dhisan yihiin
dhismooyin ama guryo.
Waa maxay isbeddelada kale ee la sameeyay?
• Xeerka oo loo raray Cutubka 30, qaybta “Dhirta” ee Xeerka
Magaalada
• Sharraxaad wanaagsan oo ku saabsan sida geedaha loo
cabbirayo
• Faahfaahin cusub oo ku saabsan hababka ilaalinta geedaha
inta lagu jiro dhismaha
• Bixinta xulashooyin xisaabin lacag meel dhigis oo cusub
Booqo EdinaMN.gov/TreeProtection ama Overholt kala
xiriir LOverholt@EdinaMN.gov ama
952-826-0308 wixi macluumaad dheeraad ah. Ka hel
iibka geedaha barta bit.ly/edinatreesale.
Xeerka Ilaalinta Geedaha Ayaa Hadda Ka
Dhaqangashan Magaalada oo dhan
Cusboonaysiimaha Waxaa Ka Mid Ah Dhammaan Soonaha Degmooyinka
iyo Kordhinta Xulashooyinak Dib-u-Beerista Dhirta
Xeerka Ilaalinta Geedaha waxaa looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo geedaha
qaangaaray ee qeexa sifada xaafadda guud ahaan Edina. (Sawirka faylka)
3Magaalada Edina EdinaMN.gov
Magaalada Waxay Oggolaatay inay iibiso Goobti Hore ee Hawlaha Dadweynaha
Arcadia Avenue Partners Ayaa Qorshaynaysa Horumarin Adeegsi Badan Leh oo Loogu
Talagalay Booska Bannaan ee Saddexda Akar ah
Edina.As a banker, I know its value.
As a resident, I know its worth.
Marcia May
NMLS #452543
Senior Mortgage Loan Officer
952.905.5741
mmay@bell.bank
marciamay.net
MRK-2753
15 sano kadib marki Xarunta Howlaha Guud & Dayactirka
Beeraha Nasashada ay u guurtay Metro Boulevard, Magaalada
waxay ansixisay iibinta goobteedi hore, iyadoo albaab u furaysa
dib-u-horumarin.
Magaaladu waxay lahayd booska saddexda akar ah ee ku yaalla
5146 Eden Ave. tan iyo 1962. Wuxuu bannaanaa tan iyo marki
dhismihi hore ee Hawlaha Guud la dumiyay sanadki 2013. Gu’gi
la soo dhaafay, Magaaladu waxay dalbatay soo jeedino dib
loogu horumarinayo goobta.
Maamulka Guriyeynta & Dib-u-Hormarinta (HRA) ayaa qabtay 11
soo jeedin waxayna waraysteen shan kooxood oo horumarineed.
Hannaankaas kadib, HRA ayaa doortay koox ay hoggaaminayaan
Hempel Real Estate iyo Monarch Development Partners si ay
kor ugu qaadaan mashruuc adeegsi isku dhafan leh oo lagu soo
bandhigayo goob ganacsi iyo guriyayn qoysas badan ay dagaan
oo mulkiiluhu degayo. HRA ayaa kadib booska u gudbiyay
Magaalada si ay u dhammaystirto iibka.
Kulankoodi Maarso 17, Golaha Magaalada waxay ansixiyeen
heshiis iibin ah oo ay la galayaan kooxda horumarinta, oo loo
yaqaano Arcadia Avenue Partners. Kooxdu waxay booska ka
bixin doontaa $4 milyan, marka laga yimaado khidmadaha loogu
talagalay beerta nasiinada ee loo baahan yahay iyo khidmadaha
horumarinta.
Arcadia Avenue Partners waxay hadda u dhaqaaqi doonaan
oggolaanshiyaasha soono-samaynta iyo qorshaha goobta iyagoo
u maraya hannaanka dib-u-eegista caadiga ah ee Magaalada, oo
ay ku jiraan dhagaysiyo badan oo dadweyne iyo fursado loogu
talagalay talada bulshada.
Hawlaha kale bishii hore, Golaha:
•Wuxuu ansixiyay ballaarinta aagga baakinka ee Braemar
Golf Dome, iyadoo boosas badan la siinayo inta lagu jiro
xilliga qaboobaha ee mashquulka badan iyo abuurista goob
bar-bilow oo ay sidoo kale ku jiraan xarumo lagu barbarto
pickleball-ka xilliga xagaaga. Mashruuca waxaa maalgelin
doona maalgelinta canshuurta iibabka xulashada maxalliga
ah. Geedaha ayaa la saaray waxaana rujinta la dhammeeyay
dabayaaqadi Maarso si loogu oggolaado in wax laga dhiso
dabayaaqada sanadkan.
•Wuxuu ku daray heer afaraad oo lagu qiimaynayo
isticmaalka biyaha guryaha la deggan yahay. Edina waxay
adeegsataa qaab-dhismeed heer-heer ah si loo dhiirigeliyo
ilaalinta biyaha. Heer afaraad oo cusub ayaa khusayn doona
guryaha isticmaalaya in ka badan 72,000 gallon saddexdi
biloodba.
Sida ay sheegtay Waaxda Khayraadka Dabiiciga ah ee
Minnesota, celcelis ahaan qofka deggan ayaa gudaha ku
isticmaala 4,750 gallon saddexdi biloodba, ama ku dhawaad
19,000 gallon guri ka kooban afar qof. Gudaha Edina, ku
dhawaad 10% ka mid ah isticmaalka biyaha ee guryaha
la deggan yahay inta lagu jiro xagaaga iyo dayrta ayaa ka
badan 72,000 gallon, oo ay u badan tahay inay dhaqaajisay
waraabinta cawska.
Qiimaha Heerka 4 waxaa loo dejiyay $8.75 ee 1,000 gallon
ee kasta, oo ku dhawaad 24% ka badan qiimaha Heerka 3
ee $7.06 ee 1,000 gallon ee kasta (24,000–71,999 gallon).
•Wuxuu wax ka beddelay xeerka ilaalinta geedaha ee
Magaalada.
Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xigta 7 p.m.
Talaadooyinka Abriil 7 iyo 21. Wixii macluumaad dheeraad
ah, booqo EdinaMN.gov.
– WAXAA ISKU DUBARIDAY JENNIFER BENNEROTTE
Arcadia Avenue Partners ayaa soo bandhigay
fikrad dib lagu horumarinayo 5146 Eden Ave.
oo ay ku jirayaan guryo magaalo, guryo gaar
loo leeyahay, maqaaxi iyo goob cagaaran.
Horumariyayaasha waxay hadda u dhaqaaqi
doonaan oggolaanshiyaasha soono-
samaynta iyo qorshaha goobta iyagoo u
maraya hannaanka dib-u-eegista caadiga ah
ee Magaalada, oo ay ku jirto dib-u-eegista
qorsho-dejinta.
952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4
***ECRWSS***Macmiilka Guri
PRESORT STD
U.S. POSTAGEPAIDTWIN CITIES MNPermit No. 3932
Iskaan-garee koodhkan oo ku fiiri soomaali
EdinaMN.gov/SomaliEE EdinaMN.gov/SpanishEE
Escanee este código para ver en español