Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_5 May-2026_Somali-WebKubadda Pickleball Ayaa La Keenayaa Booska Baakinka Braemar Golf Dome 50 Boosas Baakin ah iyo Dhabbayaasha Braemar Park Ayaa La Soo Kordhinayaa iyadoo Qayb ka ah Mashruuca WAXAA QORAY DEBBIE TOWNSEND Goobaha lagu ciyaaro kubadda pickleball ayaa fidayo guud ahaan Edina, oo ay ku jiraan barxado cusub oo lagu tababarto ayaa laga dhisi doonaa booska baakinka ee dhawaan la ballaarin doono ee ku yaalla Braemar Golf Dome. Laga bilaabo 2027, afar barxado heerka xirfadda oo roog ah ayaa lagu fidin doonaa laamiga dushiisa bilaha kulaylaha marka Dome ay xiran tahay. “Tani waa xal hal abuur leh oo si buuxda looga faa'iidaysanayo booskaas,” Xubin Gole Magaalo James Pierce ayaa yiri inti lagu jiray kulanki Golaha Magaalada ee Maarso 16 ee lagu ansixinayay tallaabadi koowaad ee mashruuca. Konton boosaska baakinka oo loo baahan yahay ayaa lagu dari doonaa booska Dome, taasoo si joogta ah u buuxsanta inta lagu jiro wakhtiyada mashquulka badan, taasoo keenaysa baabuur ku baakiman wadada xarunta agteeda, 7420 Braemar Blvd. Aagga booska cusub waxaa sidoo kale ku jiri doona dhabbo dariiq oo loogu talagalay hawlahooda aadista duurka iyo dhabbayaasha baaskiilka buuraha ee agagaarka Braemar Park. Cusboonaysiimaha waxa ay qayb ka yihiin horumarinada $8.1 milyanka ah ee loogu talagalay Braemar Park, oo laga bixinayo canshuurta gadida iyo isticmaalka ee uu codbixiyuhu ansixiyay. Dhismaha ballaarinta booska waxaa la filayaa inuu bilowdo dhawaan lana soo gabagabeeyo inta aan dib loo furin Golf Dome bisha Nofeembar, Qorsheeyaha Beeraha Nasiinada Rachel DeVries ayaa sidaas sheegtay. Gu’ga soo socdo kadib marka Dome la furo, darimaha pickleball ee dhumucda leh ee qaabka tartamada leh ayaa lagu fidin doonaa laamiga, taasoo bixinaysa sagxad lagu ciyaaro oo adag oo siman. Waxay dabooli karaan wixi ka hallaysan booska baakinka waxaana laga fogaan karaa khatarada sinbiririxada marka lagu ciyaarayo laami riinjiyaysan oo laga yaabo inay olyo ku daadsan tahay, DeVries ayay tiri. Shabaq iyo xoogaa dayr ku meelgaar ah ayaa la samayn doonaa, kadibna barxadaha waxay diyaar u ahaan doonaan in lagu ciyaaro. Barxadahani waxa ay aad ugu habboonaan doonaan bartayaasha, casharada iyo ciyaarta caadiga ah. Waaxda Beeraha Nasiinada & Tamashleynta waxay u badan tahay inay qaar ka mid ah xiisadaha dhalinyarada ay halkaas u rarto, taasoo boos u fasaxayso barxadaha teeniska baakinka/pickleball ee hadda jira. Goobta gaarka ah ee ay ku yaalaan barxadahaan cusub ee lagu tababarto waa inay cabsida ka yareeyaan dadka qaar marka loo barbardhigo kuwa isku-dayaya inay ku bartaan barxadaha caanka ah ee mashquulka badan ee Mooty Pickleball Courts ee ku yaalla Rosland Park. Warbixinta Barxadaha Mooty Courts Barxadihi hore ee teeniska ee Rosland Park, 4300 W. 66th St., waxaa loo beddelay lix barxadood oo loogu talagalay kubadda pickleball waxayna hadda u furan yihiin in lagu ciyaaro. Barxadihi hore, oo lagu wado cusboonaysiin wayn, ayaa la saaray lakabkoodi koowaad ee laamiga waxaana la saari rabaa laamiga u dambeeya gu’gan. Marki intaas lagu bogo 30 maalmood, barxadaha ayaa la riinjiyayn karaa waxaana la rakibi karaa dhammaan shabaqa iyo dayrka, ayuu yiri Tom Swenson, Kaaliyaha Agaasimaha – Beeraha Nasiinada iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. Afarta barxadood waxaa la filayaa in la furo horraanta saamarka. Maalgelinta waxaa ku deeqay mu’asasada qoyska ee Mooty. Barxadaha Fred Richards Park Baakinka cusub waxaa ku jiri doona siddeed barxadood oo dhammeystiran oo loogu talagalay kubadda pickleball. Shaqada wayn ee dhismaha ayaa gu’gan laga bilaabayaa mashruuca baakinka ee $17.7 milyanka ah, ee laga maalgelinayo canshuurta gadida maxalliga iyo isticmaalka iyo deeq $500,000 ah oo ka socota Hay’adda Xakamaynta Wasakhowga Minnesota. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov/ParkProjects Lix barxadood oo cusub oo loogu talagalay kubadda pickleball-ka, oo laga soo beddelay barxadaha teeniska, ayaa ka furan Rosland Park. Waxaa ka mid ah dayr u dhexeeya barxadaha si ciyaarta ay uga socoto barxad kasta gudaheeda. (Waxaa sawirka qaaday Lauren Siebenaler) Xusuusinada Kubadda Pickleball •Barxadaha waxaa ku ciyaara ciddi u soo hormarta oo lama sii qabsan karo •Raac dhaqamada xeerka u ah kubadda pickleball, ee ku dhagsan barxadaha •Casharo Magaalada u qorshaysan ama dhacdooyin ayaa laga yaabaa in lagu qabto barxadaha •Dhammaan barxadaha teeniska ee beeraha nasiinada Edina waxaa sidoo kale loo yeelay calaamadaha kubadda pickleball Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 Arrinta Waaritaanka Guryaha ee Gaarka ah MAY 2026 Majalada 13, Qeybta 5Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina WAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER Waaxda Booliska Edina waxaa dhawaan lagu maamuusay heer gobol, iyadoo afar xubnood ay Abaalmarinta Adeegga Sharfan ka qaateen Madaxda Ururka Booliska Minnesota ee Machadka Tababarka Fulinta (ETI). Lt. Jake Heckert ayaa u magacaabay shaqaalaha ay isla shaqeeyaan Sgt. Anna Eckstein, Sarkaalka Kaqaybgalka Bulshada Nick Donahue, Sarkaalka Tababarka Jaren Zech iyo Xiriiriyaha Iskaashiga Wadajirka Booliska iyo Bulshada ee Degmada Hennepin Jessica Connors oo uu ugu magacaabay dadaalkooda iskaashiga ah ee lagu dhisayo kalsoonida dadweynaha, xoojinta hufnaanta iyo kor u qaadista hababka gudaha ee waaxda. “Dhammaan afarta shaqaale waxay si joogta ah uga sare mareen oo ay dhaafeen waajibaadkooda – inta badan ka baxsan aagagooda istareexa – si ay Edina uga dhigaan goob wanaagsan oo lagu noolaado lagana shaqaysto,” Heckert ayuu ka yiri magacaabista. “La’aanta dadaalada noocaan ah ee ay shaqaalahani samaynayaan, hufnaanta iyo kalsoonida lalama dhisi lahayn bulshada sida fudud ee ay hadda tahay.” Sanadki 2025 oo dhan, kooxdu waxay ballaarisay dadaalada kaqaybgalka bulshada iyadoo u maraysa hindiseyaal diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirada lala leeyahay dhalinyarada. Hal dadaal waxaa ku jiray iskaashiga joogtada ah ee Circle of Discipline, oo ah jiim fadhigiisu yahay Minneapolis, halkaasoo saraakiishu ay ku caawiyaan inay gaadiid ku qaadaan ardayda dugsiga dhexe ee Edina si ay uga qaybqaataan barnaamijyada diiradda saaraya horumarinta jireed, maskaxeed iyo ruuxeed iyada oo loo marayo feerka. Saraakiisha waxa ay sidoo kale kala qaybqaateen ardayda, si ay gacan uga gaystaan kobcinta kalsoonida iyo dhisidda xiriirada. Waaxda waxay sidoo kale daahfurtay “Cops on the Court (Saraakiisha Joogta Barxadda)” iyadoo la kaashanaysa Southdale YMCA. Barnaamijka waxa uu saraakiisha iyo dhalinyarada isugu keenay kulamada kubadda kolayga muddo labo jeer oo afar-toddobaad ah waxaana ku jiray xubinimada jiimka ee kaqaybgalayaasha. Barnaamijka wuxuu la kulmay danayn wayn, iyadoo liisaska sugitaanka la iska qoray kulamada mustaqbalka. “Iskaashigani waxa uu noogu fadhiyay qiimo aad u wayn, halka guusha barnaamijka Cops on the Court ay dhaaftay inti aan filaynay. Ma ahan wax aan iskeed ula imaan karno ama aan ku gaari karno si la mid ah la’aanta iskaashigan,” ayuu yiri Agaasimaha Fulinta Southdale YMCA ee Nick Hanks. Isku dubaridayaasha barnaamijka iyo saraakiisha dugsiga waxay sheegeen isbeddelo la arki karo oo wanaagsan oo laga arkay kaqaybgalka dhalinyarada, oo ay ku jirto soo hagaagitaanka habdhaqanka iyo xirfadaha xiriirka u dhexeeya dadka oo xooggaystay. Tan iyo hirgelinti barnaamijka, ma jiraan carqalado waawayn oo laga soo sheegay YMCA. “Fursadda shaqaalaheena iyo xubnaha ay ku dhisayaan xiriiro dhab ah oo lala yeesho saraakiisha waxay yeelatay saamayn waarta, taasoo gacan ka gaysanaysa kobcinta kalsooni, is-faham iyo dareen xooggan oo bulsho,” ayuu yiri Hanks. “Waxaanu aad uga mahadnaqaynaa waxa iskaashigani uu u keenay YMCA.” Dhammaan afarta abaalmarinta heshay waxay sidoo kale door ka ciyaareen Guddiga La-talinta Dhaqamada Kala Duwan (MAC) ee waaxda, kaas oo u kulma si bille ah si ay uga wada hadlaan walaacyada bulshada una kobciyaan isfahamka u dhexeeya dhaqamada. Guddiga wuxuu kheyraad muhiim ah u noqday dhisidda xiriirada iyo hagista siyaasadda waaxda. “Waxay ila tahay wax cajiib ah in la haysto dad naxariis badan sida Jessica iyo Nick oo u adeegaya bulshada Edina,” ayuu yiri xubinta MAC ee Dietrich Nissen. “Labaduba waxay si cad u qiimeeyaan dhisidda cilaaqaad la yeelashada dadka deegaanka, waxa ayna ka muuqataa fikradaha barnaamijyadooda sida Cops on the Court iyo Art Together. Waxaan soo maray labadaba. Waxa aan soo arkay sida ay fursad wanaagsan ugu siiyaan qoysaska inay la kulmaan oo ay bartaan saraakiisha, tan ugu muhiimsanna, ay madadaalo ku qaataan samaynta waxqabad wadajir ah. Aad baan ugu faanayaa, waana ogahay in qoyskeenu aad ugu faraxsan yahay ka qaybgalka dhacdada soo socota ee bulshada ee ay qabanqaabiyaan.” Gudaha, kooxdu waxay gacan ka gaysatay xoojinta tababarka iyo dadaallada horumarinta xirfadeed. Zech, isagoo taageero ka helayo Eckstein, waxa uu gacan ka gaystay casriyeynta barnaamijka tababarka waaxda isaga oo balaariyay waxbarashada ku salaysan xaaladda, soo bandhigida tababar caafimaad oo degdeg ah oo cusub oo lala kaashanayo Waaxda Dabdemiska ee Edina iyo isku dubaridka tababarka shakhsi ahaaneed ee loo baahan yahay. Zech ayaa sidoo kale hoggaamiya Akademiyada Citizens ee 12-ka toddobaad ah ee waaxda. Eckstein ayaa sidoo kale soo hoggaamisay barnaamijka Cadet Officer Program, iyadoo bixinaysa la-talin iyo tababar xooggan oo lagu taageerayo saraakiisha mustaqbalka. Donahue iyo Zech waxay sidoo kale gacan ka gaysteen dadaalada shaqaalaysiinta iyo qorista. Abaalmarinta waxaa Abriil 15 lagu bixiyay ETI ee St. Cloud, Minnesota. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Waaxda Booliiska Edina, booqo EdinaMN.gov/ Police. Shaqaalaha Booliska Edina oo Helay Abaalmarinta Adeegga Maamuuska Gobolka oo dhan Afar Ayaa Loo Aqoonsaday Horumarinta Kaqaybgalka Bulshada, Tababarka iyo Kalsoonida Sarkaal Jaren Zech, Sgt. Anna Eckstein, Sarkaal Nick Donahue iyo Xiriiriyaha Iskaashiga Wadajirka Booliska iyo Bulshada Jessica Connors (bidix ilaa midig) ayaa abaalmarinta adeegga sharfan lagu siiyay Executive Training Institute ee 2026. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) 2 Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta & Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813 ama 16) ama onlaynka. DHACDOOYINKA SOO SOCDA Jimco, May 1, 11 a.m. Maalinta May ee Bingo, Xarunta Waayeelada Edina Sabti, May 2, 10 a.m.-duhurki Maalinta Baabuurta, Dugsiga South View Middle Axad, May 3, 6 p.m. Hunker’d Down Blues Band, Edinborough Park Talaado, May 5, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, May 7, 10:30 a.m. Wakhtiga Sheekada ee Booliska Edina, Edinborough Park Jimco, May 8, 5 p.m. Caweyska Beerta Nasiinada, “Wild Robot,” Edinborough Park Axad, May 10, 6 p.m. Harmonic Relief Show Choir, Edinborough Park Khamiis, May 14, 7:30 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Horumarinta, Hoolka Magaalada Edina Jimco, May 15, 5:15 p.m. Rockin’ Woody, Edinborough Park Sabti, May 16, 8 a.m.-4 p.m. Fogeynta geedka buckthorn ka soo horjeedka Braemar Golf Dome Sabti, May 16, 9 a.m. La lugee Duqa Magaalada, Goobta La Go’aamin Doono Sabti, May 16, Duhurki-4 p.m. Bisha Xuska Deganaha Baasifigga ee Aasiyaanka Maraykanka ee Dallada Aasiyaanka Maraykanka ee Edina, Rosland Park Axad May 17, Duhurki-4 p.m. Fogeynta geedka buckthorn ka soo horjeedka Braemar Golf Dome Axad, May 17, 6 p.m. An Luan, Edinborough Park Talaado, May 19, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Khamiis, May 21, 4-7 p.m. Booqashada Dadweynaha u Furan ee “Gawaarida Waaweyn” ee Waaxda Hawlaha Guud, Xarunta Hawlaha Guud iyo Dayactirka Beeraha Nasiinada Isniin, May 25 Maalinta Xuska. Inta badan xafiisyada Magaalada iyo Edinborough Park ayaa xiran. Axad, May 31, 6 p.m. Kooxda Xuska John Philip Sousa ee u Horreeyey, oo kadhacaya Edinborough Park Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov. Ku dhawaad 80 qof oo dadka deegaanka ah ayaa wakhtigooda ugu deeqa sanad kasta sidii ay uga mid noqon lahaayeen toddobada qof ee la-talisa Guddiyada. Kooxahani waxay Golaha Deegaanka kala taliyaan mashaariic fara badan iyo, mararka qaarkood, waxay talooyin u soojeediyaan Golaha Deegaanka. Guddiyadu waxay kaloo leeyihiin qorshayaal shaqo oo ay ku jiraan mashaariic iyaga u gaar ah si ay u horumariyaan Edina. Guddi kasta waxaa ku jira labo arday, kuwaas oo caadi ahaan ah ardayda fasalada kore ama fasalada hoose ee dugsiga sare. Guddida iyo waqtiyada shirarka caadiga ah ayaa hoos ku qoran. Kulamadu waxay u furan yihiin dadweynaha. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Guddida ama qorshayaashooda shaqo, booqo EdinaMN.gov/Commissions ama Maareeyaha Mashaariicda Gaarka iyo Hawlgelinta MJ Lamon kala xiriir MLamon@EdinaMN.gov ama 952-826-0360. * Guddiga Ardayda. Magaaladu waxay qabanaysaa codsiyada Golayaasha Ardayda oo muddo xileedkoodu bilaabmayo Sibteembar 1. Ardaydu waa in ay ka codsadaan EdinaMN.gov/Volunteer kahor bisha May 17. Wareysiyada waxaa la qaban doonaa bisha Juun, iyadoo ballamaha ay Golaha Deegaanku muddeyn doonaan bisha Juulaay. Guddiga Farshaxanka & Dhaqanka 4:30 p.m. Khamiista afaraad ee bisha Alvi Buzar Barua* Caroline Byrd Ann Curtin Alyssa Fram (Guddoomiye Ku Xigeen) Jignasha Pandya Julia Peterson* Bernadette Piacek-Llanes Tim Scully Maxine Steinberg Laura Westlund Alana Zbaren (Guddoomiye) Guddiga Caafimaadka Bulshada 6:30 p.m. Isniinta labaad ee bisha Mary Absolon Aditi Gandhi* Matt Giljahn (Guddoomiye Ku Xigeen) Ron Jarvi Jr. Andrea Leszko Tracy Nelson (Guddoomiye) Andrea Patineau Shandus Parish Kruti Shukla Brenna Smithson Edhita Uppal* Guddiga Tamarta & Deegaanka 7 p.m. Khamiista afaraad ee bisha Brooke Bartholomew Natalie Budin John Haugen (Guddoomiye Ku Xigeen) Sloane LaCasse Genevieve Lassig* Cory Lukens (Guddoomiye) Hilda Martinez Salgado Chris Olson Stephen Schima Tom Tessman Zander Tyshow* Guddiga Ilaalinta Hidaha 7 p.m. Talaadada labaad ee bisha Philip Baker Kaelie Breiter Olivia Duplessis* Theresa Farrell-Strauss Shawn Jarvinen (Guddoomiye Ku Xigeen) Amber Koch Devon Nickels Brad Olson (Guddoomiye) Katie Pope Kristina Waggoner Matthew Weiby* Guddiga Beeraha Nasiinada & Tamashleynta 7 p.m. Talaadada labaad ee bisha Tyler Bye Alex Conzemius Chris Garazatua Anna Harrington* Peter Hulbert Bob Kane (Guddoomiye Ku Xigeen) Jamie Pfuhl (Guddoomiye) Justin Rezac Sulayman Syed* Ericka Welsh Leah Wick Guddiga Qorshaynta 7 p.m. Arbacada labaad iyo afaraad ee bisha David Alkire (Guddoomiye) Jimmy Bennett Joe Brennan Ryan Daye Meriwether Felt Clare Hahneman Adita Jha* Leanore Just* Paul Nelson Bonnie Padilla Quincy Smith (Guddoomiye Ku Xigeen) Guddiga Gaadiidka 6 p.m. Khamiista saddexaad ee bisha Roger Bildsten Logan Bracken* Taylor Bruhschwein Scott Davidson Augie Lassig* Andy Lewis Laura Lukens Bethany Olson Adam Rosen (Guddoomiye Ku Xigeen) Jacob Vandelist Grant Wright (Guddoomiye) Guddiyada La-talinta Magaalada Edina 3Magaalada Edina EdinaMN.gov Golaha Magaaladu waxa ay ansixiyeen xoogaa dahaaridda dhismaha buundada cusub ee lugaynta dadka ee Rosland Park. Haddii qandaraaska la ansixiyo bisha soo socoto, dhismuhu wuxuu bilaabmi doonaa dhawaan waxaana la filayaa in la dhamaystiro saamarka 2027. (Sawirka sharraxaada ee la gudbiyey) Beddelista Buundada Dadka Lugaynaya ee Rosland Park Ayaa Horay u Socotay Nakhshadda Xardhidda Qaybta ah Ayaa isu Dheellitiraysa Kharashka iyo Hiigsiga Bulshada Isku xir muhiim ah oo ku aadan dadka lugeynaya ee Rosland Park waa hal tallaabo oo u dhow in beddelo. Buundada dadka lugeynaya ee dulmarta Minnesota Highway 62 – oo ay isticmaalaan dadka degan si ay u galaan Rosland Park iyo Xarunta Biyaha Edina – ayaa dib loo dhisi doonaa sanadaha soo socda, iyadoo qorshuhu hadda uu qaab yeelanayo. Marki hore la dhisay 1960-meeyadi, buundadu hadda ma buuxiso heerarka adeegsiga ee hoos yimaada Xeerka Naafada Mareykanka. Waxay sidoo kale si weyn u burburtay ka dib markii ay laba jeer ku dhaceen baabuur sannadkii 2022, taas oo qasabtay in si ku meel gaar ah loo xiro ilaa dayactirka laga dhammeeyay 2023. Sababo la xiriira da’deeda, xaaladda iyo xadidaadaha adeegsiga, buundada waa in si buuxda loo dhisaa. Horraanti geedi socodka, Golaha Deegaanka Edina ayaa fursad u arkay in la sameeyo wax ka badan in qaab-dhismeedka un la beddelo. Iyadoo caawimaad laga helayo Snow Kreilich Architects, Magaaladu waxay sahmisay naqshado buundada u rogi kara marin soo dhawayneed oo bulshada laga galo. Waaxda Gaadiidka ee Minnesota (MnDOT), oo hadda iska leh buundada, waxay oggolaatay inay lahaansaha ku wareejiso Magaalada marka qaab- dhismeedka cusub la dhammaystiro. Magaaladu waxay hanatay $6.2 milyan oo maalgelinta Gobolka ah oo loogu talagalay mashruuca. Si kastaba ha ahaatee, qandaraasyada dhismaha ayaa ka sarreeyay lacagtaas. Qiimaha ugu hooseeyay ee buundada caadiga ah wuxuu ahaa $7.6 milyan, iyadoo waxyaabaha qurxinta ay ku kordhinayaan kharashaad kale—ku dhawaad $400,000 oo loogu talagalay buunada laftigeeda iyo $1.2 milyan oo kale oo lagu kordhinayo sifooyinka taagaga laga galo. Kadib marki ay eegtay xulashooyinkaas, Golaha Magaaladu waxa uu faray shaqaalaha in ay horay ugu dhaqaaqaan nakhshad ay ku jiraan qaybo qurxin oo qayb ah, isku dheellitirka bilicda iyo kharashka guud ee mashruuca. Golaha waxaa laga filayaa bixinta qandaraas dhismo oo uu ku bixiyo kulankooda May 5. Hawlaha kale bishii hore, Golaha: •Waxay hakiyeen qorshaynta marinka buundada hoosteeda ee lugaynta ee France Avenue. Ballaca iyo mugga baabuurta qulqulaysa ee wadada degmada waxay caqabad ku yihiin dhaqdhaqaaqa dadka lugaynaya. Caqabadaha waxaa ka mid ah xaqa dariiqa, joomitiriga wadada, mugga baabuurta iyo maalgelinta. Magaaladu waxay sahmisay habab iyo goobo kala duwan oo ay ku gudbaan dadka lugaynaya, helitaanka soo jeedinta hoos-marka wadada ee dadka lugaynaya ayaa ahayd midda ugu macquulsan iyadoo ay ugu wacan tahay heerarka ku habboon iyo dib-u-horumarinta ka garab socota ee guryaha u dhow ee ku yaalla 7200/7250 France iyo 7235 France. Si kastaba ha ahaatee, buundada la hoosmaro waxaa lagu qiyaasay inay ku kacayso $20 milyan. Taa beddelkeeda, Goluhu wuxuu ku amray shaqaalaha inay la shaqeeyaan Hennepin County si ay u horumariyaan xulashooyinka kale ee looga gudbo aagga. •Waxay ansixiyeen xeer cusub oo oggolaanaya in magaalada lagu ciyaaro khamaar sharci ah markii ugu horreysay. Edina waxay horay uga mid ahayd xaafadaha ugu waaweyn aagga metro ee aan oggolayn khamaarka sharciga ah. Marki xeerka marki ugu horraysay la keenay bishi Febraayo, waxaa ku jiray xaddidaadda tirada guryaha la oggol yahay waxaana ururada lagu xaddiday midkiiba hal oggolaansho. Kadib marki cilmi baaris kale lagu sameeyay tirada aan macaash- doonka ahayn ee bulshada, Goluhu waxa uu meesha ka saaray xadkaas, isaga oo si ballaaran u furay fursadda. Sida uu dhigayo xeerka cusub, ururada ruqsadda loo siiyay inay qabtaan khamaarka sharciga ah ee Edina waa inay ugu yaraan 70% kharashaadkooda ku bixiyaan gudaha aagga ganacsiga magaalada. Tani waxay xaqiijinaysaa in lacagaha lagu qaado hawlaha khamaarka ay si toos ah ugu faa’iideeyaan bulshada maxalliga ah. Xeerka waxaa sidoo kale ku jira 3% canshuurta khamaarka maxaliga ah, taasoo gacan ka gaysan doonta inay meesha ka saarto kharashaadka sharci ee Magaalada. Soo jeedin gaar ah oo lagu ururiyo 10% kale oo faa’iidooyinka saafida ah oo loogu talagalay sanduuq ay maamusho Magaalada oo lagu taageero mudnaanaha bulshada ayaa la isla soo qaaday balse ugu dambaynti waa la diiday. Ururo badan oo aan macaash-doon ahayn, oo ay ku jiraan Sanduuqa Waxbarashada Edina iyo Ururka Kubadda Hockey ee Edina, ayaa muujiyay danaynta sahminta ruqsadaha. Iyadoo hadda xeerka uu dhaqangashan yahay, hay’adaha aan macaash-doonka ahayn ee Edina fadhigooda uu yahay ee uqalma waxay isla markiiba ka dalban karaan shatiga iyada oo loo marayo Guddiga Xakamaynta Khamaarka Minnesota. Goluhu wuxuu kulmi doonaa marka xigta May 5 iyo 19. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo EdinaMN.gov. – WAXAA ISKU DUBARIDAY JENNIFER BENNEROTTE 4 Hawlaha Magaalada oo Buuxinaya Xeerarka Adeegsiga Dhijitaalka Federaalka Shaqada Shaqaalaha Ayaa Casriyaynaysa Madalada, Saxaysa Dukumiintiyada iyo Qaar Kaloo Badan WAXAA QORTAY JACEY MISMASH Magaalada Edina waxay sii wadaa shaqada webseedyadeeda, dukumiintiyadeeda iyo adeegyadeeda dhijitaalka ah ay uga dhigayso kuwa ay aad marin ugu heli karaan isticmaalayaasha oo dhan – gaar ahaan kuwa naafada qaba. Maxay tani muhiim u tahay? Sababtoo ah dad badan oo magaalada deggan, adeegyada dhijitaalka ah ayaa ah habka ugu horreeya ee ay ku helaan barnaamijyada Magaalada, macluumaadka iyo dhacdooyinka. “Mararka qaar, webseedyada iyo aababka moobilka ee aan la adeegsan karin waxay ka hor istaagi karaan dadka naafada qaba inay si buuxda uga qaybqaataan bulshadooda,” ayay tiri Agaasimaha Xiriirada Jennifer Bennerotte. “Ka ahaan dawlad hoose, waa mas’uuliyadeena inaan hubinno in qof walba uu heli karo adeegyadeena.” Sanadki 2024, dawladda federaalka waxay cusboonaysiisay shuruudaha adeegsiga ee hoos yimaada Xeerka Naafada Mareykanka (ADA). Xeerarkani waxay kaga baahan yihiin magaalooyinka Edina oo kale ah inay xaqiijiyaan in dhammaan waxa ku jira webseedyada iyo aababka moobilada ay buuxiyaan Tilmaamaha Adeegsiga Waxa Ku Jira Webseedka (WCAG) 2.1 heerarka Heerka AA ugu dambayn Abriil 26, 2027. Magaalooyinka yaryar ee ay ku nool yihiin dad ka yar 50,000 waxay haystaan ilaa Abriil 26, 2028, in ay u hoggaansamaan. Heerarki ugu dambeeyay ee WCAG ayaa la hirgeliyay si loo xaqiijiyo in hay’adaha dawladda ay bixiyaan adeegsiga dhijitaalka ah “oo ay gaarsiiyaan dadka ballaaran ee naafada ah,” sida laga soo xigtay World Wide Web Consortium. “Ka ahaan adeeg bixiyayaasha dawladda, waxaan u adeegnaa qofkasta oo deggan magaalada – cidna kama reebno. Xogta la heli karo iyo adeegyada dhijitaalka ah waxay xaqiijiyaan in qof kastaa ku xirmi karo oo uu ka faa’iidaysan karo adeegyada dawladda," ayuu yiri Jay Wyant, Sarkaalka Helitaanka Macluumaadka ee Gobolka Minnesota. Inkastoo ay jiraan aalado badan iyo tignoolajiyo dadka naafada ah looga caawin karo adeegsigooda dhijitaalka, hay’adaha dawladda ayaa mas'uul ka ah inay ka dhigaan webseedyadooda iyo ablikeeshinada moobilada inay xeerka ADA u hoggaansamaan si ay uga caawiyaan baabi'inta caqabadaha adeegyadooda onlaynka ah. Adeegyada dhijitaalka ah ee Edina waxaa loo qiimeeyay WCAG, iyada oo aaladaha ay dadweynuhu inta badan adeegsadaan ay ku jiraan kuwa ugu sarreeya liiska mudnaanta gelitaanka – gaar ahaan webseedyada xudunta u ah Magaalada iyo baraha warbaahinta bulshada. Qaar ka mid ah cusboonaysiimaha la taaban karo ee lagu sameeyay barahaan waxaa ka mid ah abuurista noocyo la heli karo oo PDF-yada ah oo ay si guul leh ay isha u marin karaan akhristayaasha shaashadda, ku darista cinwaanno joogto ah si ay si wanaagsan u habeeyaan boggaga webseedka, gelinta sharraxaadda maqalka iyo qoraallada saaran fiidiyowyada oo ay ku jiraan sharraxaadaha qoraalka beddelka kale ah ee sawirrada ay Magaaladu soo dhigto. Xaaladaha qaarkood, waxyaabihi hore ayaa laga saaraa baraha oo kayd la geliyaa. Dukumiintiyada aan la hagaajin ayaa ay weli heli karaan dadweynaha balse onlayn lama soo dhigo hadda. Magaalada waxay hadda sii wadaa in ay bixiso tababarka adeegsiga dhijitaalka oo loogu talagalay shaqaalaha waax kasta waxa ayna si dhow ula shaqaynaysaa iibiyeyaasha tignoolajiyadda iyo qandaraaslayaasha si ay wax uga qabato daldaloolada helitaanka ee haray. “Inkastoo aanu samaynay horumar macno badan, weli waxaa noo taasho shaqo aan qabano si aan si buuxdo ugu hoggaansanno,” Bennerotte ayuu yiri. “Tani waa dadaal joogta ah, waxayna u baahan tahay isbeddelo sida aan u abuurno xogta una maareyno aaladaheena dhijitaalka. Waxay qaadataa wakhti badan oo shaqaale ah waxayna keeni doontaa xoogaa kharashyo dheeraad ah.” Ma danaynaysaa inaad waxbadan ka ogaato adeegsiga baraha ee Edina? Booqo EdinaMN.gov/Accessibility. TIRO AHAAN Raxan Deegaanka Uroon oo leh Beddelista Shidaalka ee B100 Raxanta baabuurta qaada qashinka ee ka guuxa waddooyinka Edina waxay gacan ka gaystaan habsami u socodka magaalada iyo xitaa laban-laab marka barafka uu soo dhaco bilaha qaboobaha. Baabuurta waxay caadi ahaan ku socdaan shidaalka noolaha B5 ilaa B20, oo shidaalka noolaha ku dara shidaalka caadiga ah. Sanadki 2025, 10 ayaa la casriyeeyay tignoolajiyadda si ay ugu shaqeeyaan shidaalka B100, oo gebi ahaanba ka samaysan shidaalka noolaha. Casriyeyntu waxa ay ka caawinaysaa Magaalada inay horumar ka gaarto yoolka Qorshaha Waxqabadka Cimilada ee lagu dhimayo qiiqa gaaska hawada sare ee bulshada 45% marka la gaaro 2030. - WAXAA ISKU DUBARIDAY EDIE WEINSTEIN 9,800 gallon oo shidaalka B100 ah ayaa la saadaaliyay in la isticmaali doono sanad kasta $595,340 maalgelin dhan ayaa la hantay 7.3 mitric tan oo gaasaska hawada sare wax u dhima ah iyo waxyaabaha wasakheeya hawada ayaa laga fogaaday sanad kasta 90%Ilaa gaari kasta qiiqiisa ayaa la dhimay 10 baabuur ayaa la casriyeeyay 5Magaalada Edina EdinaMN.gov Xeeladaha Guryaha La Awoodi Karo ee Edina Waxay Horumarinayaan Yoolalka Muddada Fog ee Lagu ilaalinayo Deegaanka Siyaasadaha Magaalada, Iskaashiyada iyo Dhiirigelinada Waxay u Gogol Xaarayaan inaan Wax Qiiq ah Lagu Sii-dayn Hawada Iyadoo taasi ay u taagan tahay bartilmaameed hammi leh, Hawkinson ayaa sheegtay in Magaaladu ay wax badan ka qaban karto kobcinta koritaankan iyada oo loo marayo dhiirigelin iyo kabayaal kale. Hal tusaale, sanadki 2024 Golaha Magaalada Edina waxa uu ansixiyay xeer oggolaanaya in la dhiso guryo kale oo la dego (ADU-yo) oo laga dhiso guryaha gaarka loo leeyahay. “Guryaha ADU waxay kordhiyaan cufnaanta booska halka qoys iyagoo abuuraya guryo cusub oo yaryar oo la dego” oo ka qiimo jaban guryaha caadiga ah, Hawkinson ayay ku sharraxday. Guryaha ADU waxay noqon karaan kuwo ku dheggan guriga caadiga ah ama aan ku dhaganayn waxayna ku habboon yihiin dad kala duwan inay dagaan, oo ay ku jiraan waayeelada. Waayeelada waxaa sidoo kale diirad u ah Forty-Forty Flats, guryihi u horreeyay ee la awoodi karo ee da’ ku xiran ee Edina laga dhiso tobanaan sano. Ku yaalla koonfurta Southdale Center, abaartimentigan 118- qayb ah waxaa lagu dhisay iskaashi dawladda iyo kooxaha gaarka oo u dhaxeeya Magaalada Edina, Edina Housing Foundation iyo dhisayaasha. Marka laga yimaado yaraynta culayska qiimaha guryaha, Forty-Forty Flats waxay maalgaliyeen soolaro nadiif ah, oo la cusboonaysiin karo si loo dhimo culayska tamarta ee dadka deggan, taas oo ah cadadka dakhliga qoyskooda ee aada xagga kharashyada tamarta. Sanadki 2025, Forty-Forty Flats waxaa lagu rakibay 300 xabo oo soolaro ah, taasoo dhismaha siinaysa koronto nadiif ah isla markaana yaraynaysa biilasha korontada ee dhismaha iyo dadka deggan. Forty-Forty Flats waxay isticmaaleen isku dhafka maalgelinta soo jireenka ah, dhiirigelinada canshuurta, lacago celinada adeegyada guryaha iyo lacagaha qarash-wadaagga ee ka socda Sanduuqa Waxqabadka Cimilada ee Edina. Inkastoo dhismaha cusub uu soo jiidan karo ciwaano warar ah oo badan, Hawkinson waxay sheegtay in yoolalka mustaqbalka fog ee Magaaladu ay sidoo kale u baahan yihiin fiiro gaar ah oo ku aadan saamiyada guryaha ee jira. “Edina waxaa ku yaalla dhowr guri oo si dabiici ah la awoodi karo. Iyadoo ay ugu wacan tahay da’da dhismayaasha ama adeegyada kooban, kirada laga qaado waxay ku jirtaa [heerka] la awoodi karo,” Hawkinson ayay sheegtay. Guryaha noocaan ah waxaa la yiraahdaa Guryaha Loo Awoodi Karo Si Dabiici ah (NOAH), erey ka yimid Minnesota balse hadda laga isticmaalo waddanka oo dhan. Danaha ilaalinta guryaha NOAH si ay u sii ahaadaan kuwo la awoodi karo oo dayactiran, Magaaladu waxay joogtaysaa barnaamij gaar ah oo ah Ka Dhaafista Canshuurta Guryaha La Awoodi Karo. Si loogu qalmo, mulkiilaha guryaha waa inuu joogteeyaa ugu yaraan 20% qaybaha guryaha uu ka dhigaa kuwo la awoodi karo (oo uu buuxiyaa shuruudaha kale ee macquulka ah). Marka intaas la buuxiyo, heerka canshuurta mulkiilaha guriga waxaa hoos loogu dhigayaa 0.25% – oo laga soo dhimay 1.25% canshuur soo rogista lagu dabaqo guriyaynta “qiimaha suuqa”. Culayskan hoose wuxuu u oggolaanayaa mulkiilayaasha guryaha inay joogteeyaan qaab- dhismeedyo kiro hoose iyo, caadi ahaan, dib-u- maalgelinta guryahaan gaboobaya iyadoo lagu samaynayo cusboonaysiimo tamarta tashiila. Si loo dardargeliyo arrinta dambe, Magaalada waxay sidoo kale bixisaa Barnaamijka Deeqda Adkaysiga Guryaha. Sida magaca laga dheehan karo, hindisahan horay-u-fikirka leh waxa uu horumarinayaa yoolalka mataanaha ah: ilaalinta fursadaha kiraynta heerka hoose ee Edina iyada oo la xakameynayo raadadka kaarboonka ee guryaha cufnaanta sare leh iyada oo loo marayo hagaajinta tashiilka tamarta. ilaa $50,000 guri kasta ayaa loo heli karaa in meesha laga saaro kharashaadka uqalma. Siyaabo aamusan sida kuwan, Magaalada waxay u gogol xaaraysaa koritaan cabbiran iyadoo isla markaana loo amba qaadayo “yoolka cagaaran” ee lagu taamo ee Edina ee inaan qiiq la siidayn marka la gaaro 2050. Waxbadan oo ku saabsan barnaamijyadaan ka ogow EdinaMN.gov/4d. WAXAA QORAY DAVID KATZ Iyadoo tirada dadka Edina ay si tartiib ah u kordhayso, saamaynta deegaanka ee qofkasta oo deggan Magaalada ayaa dhab ahaanti sii yaraanaysa. Cagsigeeda, horumarkan kobaca waxaa lagu suurtogeliyay iyada oo loo marayo istaraatijiyad korriineed oo loo qasday, oo fog oo ku qotonta guryaha la awoodi karo. Xisaabta inteeda badan waxay isugu biyo shubatay guriyaynta, ayay ku sharraxday Maareeyaha Guryaha La Awoodi Karo Stephanie Hawkinson. Guryaha la awoodi karo waxay badanaa yihiin guryo isku dheggan, oo qaybo badan leh – iyo xaafad dad badan ay ku nool yihiin ayaa si fudud loo go'aamiyay inay noqdaan kuwo sii waaraya qofkiiba. “Guriyaynta dadka badan waxay sare u qaadi kartaa adeegsiga gaadiidka dadweynaha,” Hawkinson ayay xustay. “Sida ku cad Qorshaha Waxqabadka Cimilada, 41% ka mid ah gaasaskeena hawada lagu sii daayo waxa ay ka yimaadaan gaadiidka. … Guryaha isku dheggan ayaa yareeya masaafada u dhaxaysa [meelaha la aado], taasoo ka dhigaysa gaadiidka, baaskiil wadashada iyo socodka mid aad u habboon.” Intaa waxaa dheer, qoysaska deggan guryaha la awoodi karo waxay caadi ahaan u baahan yihiin tamar iyo biyo yar bil kasta, taasoo si isku mid ah faa’iido u ah qofka deggan guriga iyo bulshada guud ahaan. Sida ay sheegtay Waaxda Horumarinta Guriyaynta iyo Magaalada ee Mareykanka, guryaha “la awoodi karo” waxaa guud ahaan qeexa xeerka 30%. Si fudud, guri waxaa loo arkaa in qoys uu awoodi karo marka dakhliga soo gala aysan kiro iyo adeegyada guriga kaga bixin wax ka badan 30% dakhliga guud ee soo gala sanadki. “Boqolkiiba afartan iyo kow dadka deggan Edina waa ‘ay ku culus tahay kirada guryaha,’ taasoo la macno ah inay ku bixinayaan in ka badan 30% mushaarkooda xagga kharashaadka guryaha,” Hawkinson ayay sheegtay. “Taasi macnaheedu waa in qayb yar oo ka mid ah mushaarka qoyska lagu bixiyo kharashaadka kale ee taageera dhaqaalaha maxalliga ah, sida tafaariiqda iyo madadaalada.” Halkan sidoo kale, culayska qarashka wuxuu sidoo kale saameeyaa cimilada. “Haddii shaqaalaha Edina aysan awoodi karin inay ku noolaadaan bulshada, waxay u soo safrayaan halkan – taasoo ciriiri badan u keenaysa waddooyinka” iyo qiiq lagu siidaayo hawada aanu wadaagno. Guud ahaan Twin Cities, qadarka guryaha la awoodi karo ayaa si fiican uga dambeeya baahiyaha qoysaska dakhligoodu hooseeyo. Edina waxay ka mid tahay bulshooyinka metro ee la tacaalaya gabaabsigaas. Qorshaheeda Dhammeystiran ee 2018, Magaaladu waxay bartilmaameedsatay in lagu daro 1,804 guri oo la awoodi karo marka la gaaro sanadka 2030. Dadka deggan Forty-Forty Flats, sida Vicky Smith-Murray, ayaa haysta koronto nadiif ah iyo biilal hoose oo korontada ah iyadoo ay ugu wacan tahay 300 soolaro oo ku rakiban dhismaha. (Sawirada waxaa qaaday Jason Heuer) 6 Sanduuqa Waxqabadka Cimilada ee Magaalada waxa uu bixiyaa dhiirigelinta mashaariic kala duwan, oo ay ku jiraan sharista hawada iyo dahaarka guryaha, qalab koronto oo aad tamarta u tashiila sida bamamka kulaylka iyo shooladaha korontada ku shaqeeya, rakibaadda soolarada, qalabka korontada dibadda sida agabka daryeela cawska iyo barafka, iyo baaskiilada korontada ku shaqeeyo. Haddii aad qorsheynayso mashruuc dib-u-habayn ama casriyayn guri oo aad xiisaynayso siyaabaha loo isticmaalo tamar yar ama aad gurigaaga uga dhigto mid deegaanka u roon, xulashooyinkani waxay hagaajin karaan istareexa, kordhin karaan waxtarka tamarta waxayna kuu sahlayaan inaad ku darto sifooyinka sida qalabka soolarka ama korontada ee mustaqbalka. Mashaariic badan ayaa sidoo kale uqalmi kara lacago celino dheeraad ah oo ka socda Gobolka, Xcel Energy iyo CenterPoint Energy, taasoo gacan ka gaysanaysa kharashaadka bilaabista. “Bilaabista safarka aan uga dhigayno gurigeena 80 jirka ah mid tamar badan tashiila ayaa lahaa hammi weyn marki hore, balse Sanduuqa Waxqabadka Cimilada, waxay noqotay xaqiiqo xiiso leh,” ayay tiri Rica Enriquez oo deggan Edina, oo u adeegsatay barnaamijka inay gurigeeda ku rakibato bamka kulayliya biyaha. Maadaama lacagta ay xaddidan tahay, xaqiiji kahor inta aadan bilaabin mashruucaaga inaad oggolaansho hore ka hesho Qaybta Waaritaanka si aad ugu qalanto maalgelin. Ka ogow waxbadan oo ku saabsan Sanduuqa Waxqabadka Cimilada, shuruudaha uqalmitaanka iyo sida loo codsado barta EdinaMN.gov/ClimateFund. Saqafka Xagga Hoose Dahaarka Saqaf Xagga Hoose & Hawo Sharista Dahaarka saqaf xagga hoose & hawo sharista waxay hawada kulul ama qabow ku haysaa halka ay ka tirsan tahay, taasoo yaraynaysa kharashaadka tamarta iyo hagaajinta istareexa. Cusboonaysiintani waxay sidoo kale ka hortagtaa barafka iyo qoyaanka geesaha saqafka ku urura. Qolka Adeegyada Guryaha Casriyaynta Qalabka Korontada Haddii aad qorsheyneyso inaad ku darto qalab koronto oo cusub oo adeegga qalabka gurigaagu uu ka yar yahay 150 Amps, waxaad u baahan kartaa inaad cusboonaysiiso qalabka korontadaada si aad si ku filan dab u siiso gurigaaga. Korontiste ruqsad haysta ama la-taliye ka socda Electrify Everything Minnesota ayaa qiimayn kara awoodda gurigaaga kugulana talin kara tallaabooyinka xiga. Bam Kuleyliyo Biyaha Bamka kulayliya biyaha wuxuu kulayl ka soo qaadaa hawada ku hareeraysan beddelki uu soo saari lahaa kulayl cusub, taasoo ka dhigaysa mid aad uga habboon noocyada soo jireenka ah. Waxay sidoo kale gacan ka gaystaan inay qoyaanka ka saaraan meeshi lagu rakibo. Bamka Kulaylka Isha Hawada Bamamka kulaylka isha hawada waxay bixiyaan kulaylin iyo qaboojin labadaba oo hal nidaam ah. Waxaa jira noocyo badan, oo ay ku jiraan nidaamyada tuubada iyo kuwa aan tuubada lahayn iyo xulashooyinka cimilada qabow. Gudaha Minnesota, guryo badan ayaa laga yaabaa inay u baahdaan nidaamka kuleylinta oo kayd ah marka lagu jiro heerkulka ugu qabow. Garaashka Cawska Korontada & Qalabka Barafka Cawska korontada & qalabka barafka waa beddel kale oo xoogaa ka dayactir yar qalabka gaaska ku shaqeeya. Qalabka korontada wuxuu sidoo kale meesha ka saaraa soo saarista qiiq waxyeello leh. Kaydka Batariga Soolarka Nidaamyada kaydka batariga waxay kaydiyaan koronto xad-dhaaf ah oo ay dhaliyaan soolarada oo hadhow la isticmaali karo, iyaga oo siinaya koronto xitaa marka qorraxdu aysan ifin ama ay go’an tahay korontada. Magaaladu waxay sidoo kale bixisaa gunno dhiirigelin ah oo loogu talagalay kaydka batariga ee ku xiran soolarka. Jikada Burjikada Korontada Burjikooyinka korontada waxay adeegsadaan tamarta birlabta korontada si ay si toos ah ugu kulayliyaan qalabka wax lagu karsado. Waxay ka tamar tashiil badan yihiin burjikooyinka gaaska ama kuwa korontada ee soo jireenka ah, si dhakhso ah ayay u kululeeyaan cuntada iyo biyaha waxayna ka caawiyaan inay ka fogaadaan wasakhowga hawada ee gudaha ee ka yimaada karinta gaaska. Qolka Dhar Dhaqaalka Bamka Kulaylka Qallajiya Dharka Bamka qallajiya dharka uma baahna in hawada dibeda loo saaro, taasoo ku siinaysa dabacsanaan badan oo ku aadan halka lagu rakibi karo. Waxay adeegsadaan hawo diiran si ay qoyaanka uga saaraan dharka kuna ururiyaan meel. Waxay aad u tashiilaan tamarta waxayna ku habboon yihiin maryaha, inkastoo wakhtiyada qallajinta ay dheeraan karaan. Ma Qorsheynaysaa Mashruuc Guri? Tixgeli Xulashooyinkaan Tashiila Tamarta Sahmi Mashaariicda uu Taageero Sanduuqa Waxqabadka Cimilada ee Magaalada - WAXA QORAY BRITTANY BADER Koronto Kadhig Waxkasta: Kharashaadka Mashruuca ee Dhabta ah iyo Tashiilka Edina Nooca Mashruuca Xaafadda Kharashka Mashruuca Lacago Celinada Adeegyada Guryaha Kharash Wadaagga CAF % inta Ay Lacago Celiyeen Adeegyada Guryaha & Magaalada Casriyaynta qalabka korontada Bredesen Park $2,850 $1,500 $1,350 100% Mashaariic dahaar & hawo sharis ah Baadiyaha $2,925 $1,620 $810 83.1% Bamka kulaylka isha hawada Dhabbayaasha Cali Beesteenka $8,057 $4,000 $2,000 74.5% Dahaarka darbiga Chowen Park $3,495 $1,500 $750 64.4% Mashaariic dahaar & hawo sharis ah Melody Lake $4,137 $1,300 $1,300 62.8% Burjiko koronto Edinborough $1,364 AAN LA HELI KARIN $750 55% Bamka qallajiyaha kulaylka Bredesen Park $2,176 AAN LA HELI KARIN $500 23% Bam kuleyliyo biyaha Morningside $4,890 $500 $500 20.4% Kuwani waa kharashaadka dhabta ah ee uu taageeray Sanduuqa Waxqabadka Cimilada (CAF). Qiimayaasha safafka Lacago Celinada Adeegyada Guryaha iyo Kharash Wadaagga CAF waxay ka tarjumaysaa maalgelinta la heli karay sanadka mashruuca la dhammeystiray mana u taagna waxa la heli karo 2026. Qiyaas inta aad tashiilan karto oo hel dhiirigelinada la heli karo adigoo isticmaalaya Electrify Everything Calculator (Kalkuleetarka Wax Kasta Koronto Kadhig). Iskaangaree sawirka iskaanka si aad u hesho kalkuleetarka, ama booqo ElectrifyEverythingMN.org/find-incentives. Saqafka Soolarada Soolarada waxay ilayska qorraxda u beddelaan koronto nadiif ah oo la cusboonaysiin karo oo dab siin kara gurigaaga. Haddii aad danaynayso soolar, tixgeli da’da saqafkaaga iyo xaaladda iyo in dayactir loo baahan yahay rakibaadda kahor. Kahor inta aadan aadin soolar, waxaa lagu talinayaa inaad marka hore kordhiso tashiilka tamarta ee gurigaaga, taasoo kordhin karta qiimaha guud ee maalgelinta soolarkaaga. 7Magaalada Edina EdinaMN.gov WAXAA QORTAY JACEY MISMASH Kadib qaboobe muddo dheer ah, ree Minnesota waxa ay maalmaha qorraxda ku soo dhaweynayaan gacmo furan – haddii ay ahaan lahayd maalmaha dhammaadka toddobaadka ee harada lagu qaato, ku lugaynta beerta nasiinada ama wakhti ku qaadashada bannaanada magaalada. Inkastoo gobolada Galbeedka Dhexe lagu yaqaano qaboobaha barafka ah, hadana waxay si la mid ah muhiim u tahay in loo diyaargaroobo kulaylka daran ee saamarka. Sanadki 2025 oo kaliya, Minnesota waxay dhigtay 14 maalin rikoor ah oo cusub ee heerkulka maalinlaha ee ugu badan, iyadoo dhammaan marka laga reebo saddex bilood ee sanadka ay muujiyeen heerkul badan celcelis ahaan, sida ay sheegtay WCCO News. “Marka laga hadlayo kulayl xad dhaaf ah, waxaanu ka hadlaynaa cimilo aad u kulul oo ka qoyaan badan marka loo eego celceliska,” ayay ku faahfaahisay Maareeyaha Waaritaanka Marisa Bayer. “Inkastoo Minnesota ay tahay gobol cimilo qabow leh, kulaylka aadka u daran ayaa weli ah arrin aan ku aragno bulshadeena.” Dadka qaar ayaa aad ugu nuglaan kara jirrooyinka la xiriira kulaylka, oo ay ku jiraan carruurta, waayeelada, dadka aan caddaanka ahayn, shaqaalaha ka shaqeeya bannaanka, shakhsiyaadka qaba jirrooyinka daba dheeraada iyo kuwa ku nool meelaha ay ku yar yihiin harka geedaha ama guryahooda aysan lahayn qalabka qaboojinta. “Isbeddelka cimiladu waxa uu sababayaa kulayl badan oo soo noqnoqda oo daran, waxaana muhiim ah qof kasta oo Edina jooga inuu u diyaargaroobo saamarkan,” ayay tiri Bayer. Sidee Ayay Edina Ula Dagaalamaysaa Kulaylka Daran? Magaalada waxay leedahay tallaabooyin badan oo u diyaarsan in ay wax uga qabato kulaylka si isku mid ah dadka deggan iyo soo booqdayaasha, oo ay ku jiraan: •Ilaalinta iyo ballaarinta dadnaanta geedaha ee Edina, inta badan maalgelinta Waaxda Kheyraadka Dabiiciga ah ee Minnesota •Bixinta dhiirigelino loogu talagalay kahortagga cimilada iyo bamamka kulaylka ee guryaha Edina •Tijaabinta dahaar qaboojiya laamiga inta ay socdaan mashaariicda dhismaha wadooyinka •Rakibista qaab-dhismeedyada harka macmalka ah oo lagu rakibo Fred Richards Park iyadoo loo marayo maalgelinta Hay’adda Xakamaysa Wasakhowga Minnesota •Dejinta habraacyo loogu talagalay shaqaalaha Magaalada haddii ay dhacaan dhacdooyin cimilada ah oo aad u daran •La shaqaynta Degmada iyo hay’adaha kale si loo abuuro qorshe wax looga qabto kulaylka oo degmada oo dhan ah Ma raadinaysaa goob aad isku qaboojiso Hennepin County oo dhan? Eeg Khariidada Xulashooyinka Qaboojinta ee Hennepin County adigoo iskaangaraynaya sawirka iskaanka, ama booqo hennepin.us/cool. Isqabooji Gudaha Edina: Ka Baxso Kulaylka Daran Sahmi Siyaabo Aad isku Qaboojiso Gudaha Guryaha iyo Bannaanka Saamarka Minnesota Sida Loogu Diyaargaroobo Xagaaga Kulul - Qalabka Badbaadada Kulaylka Daran Kareenka cadceedda Biyaha Shukumaanada Qaboojinta Cabbitaanada Isboortiga Marwaxadaha Ku Shaqeeya Batariga Caagada Buufinta Qalabka Gargaarka Degdegga ah 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov8