Loading...
HomeMy WebLinkAboutEditionEdina_6 June-2026_Somali_WebWAXAA QORTAY LAUREN SIEBENALER Xarunta Biyaha Edina waxaa lagu samaynayaa cusboonaysiin kahor xilliga saamarka 2026, iyadoo cusboonaysiimaha ay martidu arki doonto isla markaaba iyo horumarino daaha gadaashiisa ah oo loogu talagalay in xarunta dhisan ku dhawaad 70-ka sano ay sii shaqayso muddo sanado ah. Soo booqdayaasha soo laabanaya xagaagan waxay isla markiiba arki doonaan meelo la harsado oo cusub, barsadaha la kiraysto, barkado dib loo saaray sagxado, agab la cusboonaysiiyay iyo meelo cusub oo badbaadada ah (Barsadaha iyo kuraasta fadhiga lama heli doono ilaa dabayaaqada Juun.). Balse shaqada inteeda badan waxay ka dhacday daaha gadaashiisa, gudaha nidaamyada farsamada ee gaboobaya ee xarunta. “Waxyaabaha ay dadku arki doonaan waxay cusboonaysiin doonaan muuqaalka Xarunta Biyaha,” ayay tiri Maareeye Guud Patty McGrath. “Waxaanu ku faraxsanahay in martida ay dareento xoogaa goobo la cusboonaysiiyay iyadoo isla markaana la xaqiijinayo in xaruntu mustaqbalka sii ahaato mid la isku hallayn karo.” Qaybta ugu wayn ee mashruuca waxay diiradda saartay cusboonaysiinta qolka bamka gaboobaya ee Xarunta Biyaha iyo nidaamyada sifaynta. Sida uu sheegay Maareeyaha Tas-hiilaadka & Raxanta Baabuurta Derik Otten, baahida waxay noqotay degdeg kadib marki 2021 koronto go’day ay waxyeelaysay qalab muhiim ah kaasoo dabsiiya sifaynta iyo nidaamyada kulaylinta ee barkadaha. Iyadoo shaqaalaha ay awoodeen inay dayactiraan wakhtigaas, beddelista qaybaha waa ay adkaayeen in la helo sababtoo ah xarunta waxay ku tiirsanayd agab koronto oo gaboobay. “Waxaanu xaqiiqdi ka walaacsanayn in cillad la mid ah ay markale dhacdo, ma aanu awoodi lahayn inaan barkadda dabbaasha ku taageerno dayactiro,” Otten ayuu yiri. Kadib marki xarunta lagu qiimeeyay shirkadda dhismaha iyo injineerinka HGA, Magaalada waxay go’aamisay in cusboonaysiimo makaanik oo waawayn loo baahnaa, oo ay ku jiraan taangiyada dheellitirka weyn ee looga baahan yahay xeerarka caafimaadka iyo badbaadada ee la cusboonaysiiyay. Taasi waxay horseeday dhismaha qolka bamka cusub ee la soo kordhiyay ee ku dhagan xarunta dhisan. Golaha Magaalada waxay ansixiyeen mashruuca uu ku dhawaad ku kacayo $8.432 milyan sanadki 2025, dhismuhuna wuxuu bilowday waxyar kadib marki Xarunta Biyaha loo xiray xilliga. Inti lagu hawlanaa, shaqaaluhu waxay sidoo kale badaleen meelaha biyo-shubka waxayna dib u malaaseen sagxadda dhammaan saddexda barkadood ee dabbaasha si ay gacan uga gaystaan dheeraynta cimriga xarunta. Isbeddelada ay sida aadka ah u arki karaan soo booqdayaasha, yeelkadeede, waxay u badan tahay inay noqoto wixi ka sarreeya dhulka. Meel wayn oo la harsado oo cusub ayaa hadda ku taasha qayb ka mid ah geeska barkadda dabbaasha, taasoo beddelaysa meel hore oo qadiimi ah oo gaartay cimrigeeda. Martida waxay sidoo kale arki doonaan barsado cusub oo ku jeeda aagga barkadda dabbaasha oo la kiraysan karo. Kiraysashada barsada waxay qiimaheedu ahaan doontaa $50 saacadi Isniin ilaa Khamiis iyo $75 saacadi Jimco ilaa Axad. Ugu yaraan labo saacadood ayaa loo baahan yahay si loo buug-garaysto barsada. “Waxaa nagu yaraa harsiga halkan Xarunta Biyaha,” McGrath ayay tiri. “Meesha cusub ee la harsado iyo barsadaha waxay xaqiiqdi xoogaa iftiin ah iyo dareen xoogaa casri ah u keenayaan xarunta.” Xarunta Biyaha waxay yeelan doontaa alaabta meelaha la fadhiisto oo cusub iyo cusboonaysiinta meelaha badbaadinta nolosha si kor loogu qaado aragtida iyo badbaadada. Gudaha qaybta cuntada lagu iibiyo, ofen cusub oo dhakhso badan ayaa la filayaa inuu gacan ka gaysto yaraynta wakhtiyada sugitaanka cuntada inta lagu jiro maalmaha saamarka ee mashquulka badan. “Mid ka mid ah waxyaabaha aanu ognahay waa in safafka cuntada loo galo ay dheeraan karaan,” McGrath ayay tiri. “Waxaanu ku faraxsanahay in aan haysano qalab cusub oo gacan ka geysan doona hagaajinta waxtarka iyo u helitaanka cuntada si degdeg ah.” Marka laga yimaado cusboonaysiimaha muuqda, dhowr isbeddel oo hawlgal ah ayaa imanaya xilligan. Xarunta Biyaha waxay bilaabaysaa kaarka gelitaanka waayeelka oo cusub iyo xulashooyinka kaarka lagu galo xilliga, iyo sidoo kale iyo kaar kaliya lagu galo xilliga Agoosto. Carruurta ka yar 2 sano waxay hadda heli doonaan gelitaan bilaash ah. Dadka deegaanka waxay sidoo kale heli doonaan xilli xoogaa yara dheer sanadka 2026. Maadaama Dugsiyada Dadweynaha Edina ay bilaabmayaan dabayaaqada sanadkan, Xarunta Biyaha waxay qorshaynaysaa inay sii furnaato ilaa Agoosto 23, muddo hal asbuuc ah ka badan sidi caadiga ahayd. Inkastoo qaar badan oo ka mid ah cusboonaysiimaha muhiimka ah ee mashruuca ay ku qarsan yihiin dhulka hoostiisa, shaqaalaha Magaalada ayaa sheegaya in shaqadu ay muhiim u ahayd ilaalinta mid ka mid ah meelaha xagaaga ugu caansan Edina. “Dadka adeegsada waxay imaan rabaan barkadda dabbaasha waxayna arki doonaan barsadaha iyo meelaha harsiga,” Otten ayuu yiri. “Laakiin marki laga fiiriyo dhanka isku hallaynta, tani waxay ahayd hawl wayn si loo hubiyo in Xarunta Biyaha ay shaqada u sii wadi karto si wanaagsan mustaqbalka.” Wixii macluumaad ah oo dheeraad ah, booqo EdinaAquaticCenter.com. Xarunta Biyaha Edina Ayaa Saamarka Ugu Diyaargaroobaysa Cusboonaysiimo Magaalada Ayaa Maalgelinaysa Horumarino Muddo Dheer ah Kahor Xilliga 2026 Marka Xarunta Biyaha Edina ay xilliga u furmato Juun 4-teeda, martidu waxay heli doontaa meelo la harsado oo cusub iyo safafka loo galo cuntada oo gaaban oo ay wehliso soo jiidashada la jecel yahay ee Lil’ Lagoon. (Sawirka faylka) JUUN 2026 Majalada 13, Qeybta 6 Magaalada Edina EdinaMN.gov 1 Aasaaska XooganHIMILOOYINKA MAGAALADA Ku wanaagsan wadajirkaAdeeg La isku halayn karo Magaalo lagu Noolaan karo Daabacaad: Edina Dhismaha Buundada Ay Dadku Maraan ee Rosland Park ee Cusub Ayaa Bilaabmaya Xagaagan Buundada Lagu Beddelayo oo Yeelanaysa Taagag Laga Dagto, Marin-hel Hagaagsan Gees-ka-Gees Highway 62 WAXAA QORTAY BRITTANY BADER Buundada Ay Dadku Maraan ee Rosland Park ee cusub ee dulmarta Minnesota Highway 62 waxaa la filayaa in la furo wakhtigan camal sanadka soo socdo, taasoo kor u qaadaysa isku xirka u dhexeeya xaafadaha waqooyi ee wadada iyo tas-hiilaadka Rosland Park, oo ay ku jirto Xarunta Biyaha Edina. Dhismaha wuxuu bilaabmayaa xagaagan, marka buundada ay dadku ku lugeeyaan ee hadda loo xiro muddada mashruuca. Buundada cusub waxaa ku jiri doona marinada laga galo labada dhinac ee waqooyi iyo koonfur ee wadada wayn si loo horumariyo marin-u- helka dadka qaba caqabadaha socodka ama kuwa raba inay u lugeeyaan, baaskiil ku aadaan ama qalab ku riixdaan ama kaga soo laabtaan Rosland Park, 4300 W. 66th St. Waxaa sidoo kale si aad ah kor looga dulqaadi doonaa wadada wayn si looga hortago inay baabuur ku dhacaan sida kuwi dhacay 2022. Magaalada waxay kala shaqaysay shirkadda injineerinka Bolton & Menk si ay u soo saarto fikradaha buundada kuna miisaanto shuruudaha lagu soo saaray talada ka socoto dadka deegaanka, shaqaalaha Magaalada, Waaxda Gaadiidka ee Minnesota (MnDOT) iyo la-taliyayaasha, iyada oo diiradda la saarayo badbaadada, gelitaanka, tixgelinada deegaan iyo meelaha la deggan yahay, kharashaadka iyo saameynta gaadiidka. Fikradda la doortay waxaa intaa kadib nakhshadda buundada ee ugu dambaysa ku nakhshadeeyay Snow Kreilich Architects, oo muujinayso xaddiid qayb ahaan lagu dahaaray si loo abuuro albaab soo jiidasho leh oo soo dhaweyn leh oo bulshada laga galo. “Mashruucani wuxuu meesha ka saarayaa caqabada adeegsiga ee dad badan oo ku tiirsan ama doorbida lugoolayda ama qaba caqabadaha socodka,” ayuu yiri Agaasimaha Hawlaha Guud & Injineerka Magaalada Chad Millner. “Buundada cusub iyo meelaha laga galo waxay sahli doonaan isu socodka u dhexeeya xaafadaha waqooyiga Highway 62 iyo Rosland Park. Waxaanu rajaynaynaa in aynu sahalno meelo tegista.” Buundada ay dadka ku lugeeyaan ee hadda waxaa leh oo maamula MnDOT, taasoo oggolaatay inay milkiyadda ku wareejiso Magaalada marka buundada cusub la dhammeystiro. Maxay buundadu ugu baahan tahay in la beddelo? Sababo la xiriira da’deeda, xaaladda iyo xadidaadaha adeegsiga, buundada waa in la beddelaa. Marki hore la dhisay horraanti 1960-meeyadi, buundada waxaa kaliya lagu adeegsan karaa jaraanjaro mana buuxinayso Xeerka Naafada Mareykanka (ADA) ee hadda ama heerarka dhererka/joogga ee gobolka. Buundada waxaa soo gaaray waxyeello wayn kadib marki uu labo jeer ku dhacay baabuur sanadki 2022. Goorma ayaa dhismaha la qabanayaa? Dhismaha waxaa la filayaa inuu bilowdo bisha Juun ama Juulaay iyadoo buundada cusub la dhammeystirayo xagaaga 2027. Sidee ayuu dhismuhu u saamaynayaa isku socodka iyo adeegsiga aagga? Adeegsiga Buundada: Marki dhismaha uu bilowdo, buundada ay dadku ku lugeeyaan ee hadda waxaa loo xiri doonaa muddada mashruuca. Inta lagu jiro dhismaha, dadka lugaynaya waxay adeegsan karaan Valley View Road si ay ugu kala socdaalaan Rosland Park iyo xaafadaha waqooyiga Highway 62. Taraafiga Highway 62: Saamaynta qulqulka baabuurta ee Highway 62 waxaa la filayaa inay yaraan doonto. Xiritaanka labo jeer ee maalmaha dhammaadka toddobaadka ayaa loo baahnaan doonaa si meesha looga saaro buundada dhisan loona saaro qaab-dhismeedka cusub. Xiritaanada seedadka oo marmar ah ayaa sidoo kale dhici kara. Rosland Park & Xarunta Biyaha Edina: Tas-hiilaadka Rosland Park, oo ay ku jirto Xarunta Biyaha Edina, waxay u shaqayn doonaan si caadi ah inta dhismuhu socdo, inkasta oo soo booqdayaashu ay u baahan karaan inay si ka duwan u soo galaan meelaha qaar ee beerta. Inta dhismuhu socdo, darawallada ma awoodi doonaan inay u kala safraan Mooty Pickleball Courts iyo Xarunta Biyaha Edina ee West 64th Street sababtoo ah qayb ka mid ah wadada ayaa loo isticmaali doonaa diyaarinta dhismaha iyo qalabka. •Barxadaha Mooty Pickleball: Soo booqdayaasha waa inay barxadaha ka soo galaan galbeed iyagoo soo maraya West 64th Street. •Xarunta Biyaha Edina: Soo booqdayaasha waa inay xarunta ka soo galaan albaabada waawayn ee beerta ee ka baxa Valley View Road ama West 66th Street. •Goolofta Saxanka: Barxadda goolofta saxanka waa ay sii furnaan doontaa, inkastoo hal ama labo god laga yaabo in si kumeelgaar ah loo xiro inta uu socdo dhismaha. Buundadu miyay lahaan doontaa seedad kala duwan oo lugaynta iyo baaskiilka ah? Buundada waxaa loogu talagalay inay isla wadaagaan dadka lugaynaya, kuwa baaskiilka wata iyo kuwa aaladaha riixanaya mana lahaan doonto seedad u kala duwan. Sidee ayaa mashruuca loo maalgelinayaa? Mashruuca waxaa la filayaa inuu ku kaco ku dhawaad $8 milyan waxaana lagu maalgelin doonaa isku dhafka maalgelinta Gobolka ee la helay ($6.2 milyan), Sanduuqa Badbaadada Dadka Lugaynaya iyo Kuwa Baaskiilka Wata ($800,000), Kaalmada Dawladda Hoose ($600,000) iyo degmada Maalgelinta Canshuur-kordhinta ee Centennial Lakes ($400,000). Sidee ayaan ula socon karaa xogta mashruuca? Warbixinada mashruuca waxaa laga heli karaa barta BetterTogetherEdina.org/Rosland-Park-Bridge. Waxaad isu qori kartaa cusboonaysiimaha iimaylka ee bogga mashruuca waxaadna dooran kartaa warbixinada farimaha qoraalka ah adigoo ereyga ROSLAND qoraal ahaan ugu diraya 844-929-4328. Wixii macluumaad dheeraad ah, kala xiriir Millner, 952-826-0318 ama cmillner@EdinaMN.gov. Buundada cusub ee ay dadku ku lugeeyaan ee Rosland Park waxaa ku jiri doona meelo laga galo labada dhinac ee Minnesota Highway 62 oo loogu talagalay dadka lugaynaya, kuwa baaskiilka wata iyo kuwa aaladaha riixanaya inay ku galaan kagana soo baxaan beerta Rosland Park. (Sawirka sharraxaada ee la gudbiyey) 2 Bandhigga ‘If These Streets Could Talk (Haddii Waddooyinkani Hadli Lahaayeen)’ Ayaa Helay Abaalmarinta Heritage ee 2026 Scipioni Ayaa Lagu Maamuusay Cilmi Baarista Taariikhda Magacyada Waddooyinka Maxalliga ah WAXAA QORTAY LUM CHI Qorsheeyaha Gaadiidka Andrew Scipioni waxa uu had iyo jeer aad u jeclaa taariikhda. Marka, dabiiciyan, wuxuu go’aansaday inuu ku daro jacaylka uu u qabo injineerinka. Xiisaha Scipioni uu u qabo taariikhda waddooyinka waxay soo bilaabatay 2011 xiligaas oo Shaqo Barte Injineer ahaan ugu shaqaynayay Magaalada Eagan. Wakhtigaas, wuxuu akhriyay buugga The Street Where You Live ee uu qoray Donald Empson — oo ah buug soo koobaya sida waddooyinka, xaafadaha iyo beeraha nasiinada ee ku yaalla St. Paul ay ku heleen magacyadooda. “Waxaan ku soo barbaaray Eagan, oo ku taasha koonfurta St. Paul, marka waan garanayaa waddooyinkooda,” Scipioni ayuu yiri. “Buugaas aad ayaan uga helay. Wakhtigi aan ku jiray shaqo barashada, waxaan wax badan ku safray Eagan waxaana bilaabay inaan arko aragtiyaha ku dhex duugan magacyada xaafadda.” Waxyaabaha uu arkay waxaa ka mid ah geemka Monopoly, dhagaxyo iyo dhagxaanta gemstones. Xaafadiisa waxaa loogu magacdaray shinbiro. Marki uu bilaabay inuu ka shaqeeyo Waaxda Injineerinka Edina sanadki 2014, Scipioni wuxuu go’aansaday inuu bilaabo baarista taariikhda magacyada waddooyinka Edina. Isagoo ka duulayo dhiirigelinta Empson, Scipioni wuxuu mashruuciisi ku magacaabay “If These Streets Could Talk (Haddii Ay Waddooyinkani Hadli Lahaayeen).” Mashruuca, oo hadda ah bandhig, wuxuu ku guulaystay Abaalmarinta 2026 Edina Heritage. Iyadoo uu taabageliyay Guddiga Ilaalinta Hidaha Edina (HPC), Abaalmarinta Heritage Award waxaa la siiyaa qof kasta, urur kasta ama shirkad kasta oo gacan ka gaysatay ilaalinta hiddaha Edina. “Dad badan ayaa ka warqaba magacyada waddooyinka Edina, laakiin ma garanayaan sababta loogu magacaabay sidaas,” ayay tiri Kaaliyaha Qorsheeyaha Magaalada Emily Dalrymple, xiriiriyaha shaqaalaha ee HPC. “Bandhigga Andrew ayaa ka sheekaynaya sheekadaas, wuxuuna Guddiga HPC kaga mahadceliyay shaqadiisa.” Cilmi-baarista Scipioni waxay marki hore ku bilaabatay sidi hiwaayad madadaalo. Balse marki aafadi caabuqa ay carada ku dhufatay, waxay isu beddeshay mashruuc xamaasadeed. “Waxaan soo eegay kulamadi Golaha Magaalada, qoraaladi Golaha Magaalada, khariiradaha waxaana la hadlay Bulshada Taariikhda Edina,” Scipioni ayuu ku faahfaahiyay. “Waxaan sidoo kale waraystay dhowr dhul-cabbire iyo horumariyayaal bulshada ah si aan isugu dayo una helo keydadkooda ku aadan sida magacyada waddooyinka lagu xushay.” Marki uu dhammeeyay, mashruuciisa kaliya kuma saabsanayn asalka magacyada waddooyinka. Wuxuu sidoo kale faahfaahiyay taariikhda hodanka ah ee ka dambaysa muuqaalka dhulka guud ee Edina. Hal tusaale oo la soo qaadan karo waa sida bulshooyinki dhulka loogu yimid iyo dadki ree Yurub ee soo dagay ay u qaabeeyeen goobaha Edina sida Indian Hills (Asali) iyo Prospect Knolls (Irish). Scipioni wuxuu rabay inuu shaqadiisa la wadaago dadka deegaanka si ay waxbadan uga bartaan goobta ay ugu yeeraan gurigooda. Wuxuu isu keenay shaqadiisa wuxuuna u bandhigay shaqaalaha Magaalada, guddiyada Magaalada iyo kooxaha bulshada lix jeer 2021 iyo 2025. Dadaalkiisa awgiisa, lammaanihiisa, Mary Kathryn Dorr, ayaa u magacowday abaalmarinta Edina Heritage Award. “Scipi wuxuu kaabe kasta oo maalinle ah u beddelay diiwaan macno leh oo ku saabsan taariikhdi hore ee magaalada, isagoo xaqiijinaya in sheekooyinkani loo keydiyo lalana wadaago jiilalka mustaqbalka,” ayay ku sharraxday. Guusha Scipioni waxaa lagu maamuusay kulanki Golaha Magaalada ee May 5, halkaasoo Guddoomiyaha HPC Brad Olson uu ku soo bandhigay abaalmarinta. “Bandhigga Scipioni waa ururin cajiib ah oo ku aadan goobaha kala duwan ee Edina, oo ka hadlaya waddooyinka la xiriira iyo xaqiiqooyin taariikhi ah oo xiiso leh,” ayuu yiri. “Waxaan u maleynayaa inay tahay dadaal hal abuur leh oo qof walba uu u isticmaali doono inuu ku qadariyo Edina iyo taariikhda magaaladeena.” Scipioni wuxuu sii wadaa ka shaqaynta mashruuca, isagoo ballaarinaya cilmi-baaristiisi hore. Wuxuu ku booriyaa dadka inay la soo xiriiraan haddii ay waxbadan ka ogyihiin waddooyinkooda iyo beerahooda nasiinada, si uu qisooyinkooda u sii faafiyo. Waxaad kala xiriiri kartaa scipi30@gmail.com. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Abaalmarinta Heritage iyo dadki horay u qaatay, booqo EdinaMN.gov/HeritageAward. Mashruuca cilmi-baarista ee Qorsheeyaha Gaadiidka Andrew Scipioni ee ku saabsan taariikhda magacyada waddooyinka Edina ayaa helay abaalmarinta 2026 Edina Heritage Award. (Sawirka waxaa qaaday Jason Heuer) TIRO AHAAN Barnaamijyada Madadaalada Xagaaga Barnaamijyada madadaalada la qabsiga 5 inji kalluun ah ayaa ku guulaystay Tartanka Kalluumeysiga ee Centennial Lakes Park ee 2025 10 Barnaamijyada Baro Kudul Orodka Barafka 17 Hawlaha madadaalada dhalinyarada 807 Barnaamijyo isboorti ayaa la bixiyaa 298 naadiyo goolof oo ilmaha loogu talagalay oo la kiraysto 35 Maadaama lagu jiro fasaxa dugsiyada oo ay cimiladu diiran tahay, barnaamijka xagaaga Beeraha Nasiinada iyo Madadaalada Edina ayaa ah habka ugu fiican ee lagu barto wax cusub ama lagu raaxaysto waxqabad la yaqaan. Kulaylka keen barxadda, sahmi hal-abuurkaaga ama isku qabooji barnaamijka Baro Kudul Orodka Barafka ee Braemar Arena. Boqolaal barnaamijyo ah ayaa qofkasta wax siiya, oo ay ku jiraan barnaamijyada soo noqnoqda iyo dhacdooyinka gaarka ee halka mar ah. Waxbadan ka ogow oo iska diiwaangeli EdinaMN.gov/Fun. - WAXAA ISKU DUBARIDAY EDIE WEINSTEIN 3Magaalada Edina EdinaMN.gov PROFESSIONAL MOVERS QualityMovingCo.com 952-831-6800 WAXAA QORTAY BRITTANY BADER barta BetterTogetherEdina.org/Rosland-Park- Bridge. Waxaad isu qori kartaa cusboonaysiimaha iimaylka ee bogga mashruuca waxaadna dooran kartaa warbixinada farimaha qoraalka ah adigoo ereyga ROSLAND qoraal ahaan ugu diraya 844- 929-4328. Wixii macluumaad dheeraad ah, kala xiriir Millner, 952-826-0318 ama cmillner@EdinaMN.gov. DHACDOOYINKA SOO SOCDA Isniin, Juun 1 Bisha Pride Month ayaa bilaabanaysa Talaado, Juun 2, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina Talaado, Juun 2, 7 p.m. Xafladda Grooves & Foods, Spinning Wheel Trilogy, Centennial Lakes Park Khamiis, Juun 4, 10 a.m.-8 p.m. Maalinta Furitaanka Xilliga, Xarunta Biyaha Edina Khamiis, Juun 4, 11-11:30 a.m. Hadalka Mashruuca: Wadada Mashruuca isgoyska isdulmarka ee Vernon Avenue & Highway 100, Onlayn Jimco, Juun 5, Duhurki-8 p.m. Sabti, Juun 6, 10 a.m.-7 p.m. Axad, Juun 7, 10 a.m.-5 p.m. Bandhigga Farshaxanka Edina, 50th & France Sabti, Juun 6, 10 a.m.-duhur Farshaxanka Sheybaarka, Xarunta Farshaxanka Edina Axad, Juun 7, 11 a.m.-4 p.m. Parade of Boats, Centennial Lakes Park Talaado, Juun 9, 5-7 p.m. Farshaxanka Wada Socda, Saldhiga Dabdemiska 2aad ee Edina Talaado, Juun 9, 6:30 p.m. Siminaarka isqaboojinta, is-kululaynta: Sharraxaada Bamamka Kulaylinta, Onlayn Talaado, Juun 9, 7 p.m. Xafladda Grooves & Foods, Classic American Rockers, Centennial Lakes Park Khamiis, Juun 11, 7 a.m. Shirka Hay'ada Guriyeynta & Dib U Horumarinta, Hoolka Magaalada Edina Talaado, Juun 16, 7 p.m. Shirka Golaha Deegaanka, Hoolka Magaalada Edina DHACDOOYINKA SOO NOQNQODA Axadaha, Isniinaha iyo Arbacooyinka, 7 p.m. Riwaayado, Centennial Lakes Park Talaadooyinka, 10 a.m.-duhurki Wax Sawirka & Fiiqsiga, Xarunta Farshaxanka Edina Maalmaha Talaadooyinka iyo Khamiisaha laga bilaabo Juun 9, 9-10:30 a.m. Kulmiska Farshaxanka ee Xarunta Farshaxanka Edina, Centennial Lakes Park Talaadooyinka iyo Khamiisaha, 10 a.m. Taxanaha Madadaalada Dhalinyarada, Centennial Lakes Park Khamiisaha, 9-10:30 a.m. Kalluumaysiga Bilaashka ah ee Khamiisaha ee Ilmaha, Centennial Lakes Park Khamiisaha, 3-7 p.m., muusiga 4-6 p.m. Suuqa Beeralayda, Centennial Lakes Park Talaado, Juun 16, 7 p.m. Xafladda Grooves & Foods, The Good The Bad & The Funky, Centennial Lakes Park Arbaco, Juun 17, 6 p.m. La lugee Duqa Magaalada, Pamela Park Arbaco, Juun 17, 6 p.m. Xarunta Shinbiraha Wax Ugaarsada ee Jaamacadda Minnesota, Centennial Lakes Park Arbaco, Juun 17, 6:30 p.m. Siminaarka Wax Kulaylinta: Korontaynta Kulaylinta Biyaha, Cunto Karinta iyo Qallajinta Dharka, Onlayn Khamiis, Juun 18, 11 a.m.-1 p.m. Rugta Hubinta Kursiga Baabuurka, Saldhigga Dabdemiska 2aad ee Edina Khamiis, Juun 18, 11-11:30 a.m. Hadalka Mashruuca: Wadada Mashruuca isgoyska isdulmarka ee Vernon Avenue & Highway 100, Onlayn Jimco, Juun 19 Juneteenth; xafiisyada Magaaladu way xidhan yihiin Jimco, Juun 19, duhurki-4 p.m. Dabaaldega Juneteenth, Centennial Lakes Park Talaado, Juun 23, 7 p.m. Xafladda Grooves & Foods, From Barry – A Tribute to The Bee Gees, Centennial Lakes Park Isniin, Juun 29, iyo Talaado, Juun 30 Xarunta Waayeelada Edina waxay u xiran tahay dayactir/nadiifin wayn Shirarka Golaha Deegaanka, Maamulka Guriyeynta & Dib-u-hormarinta iyo Guddida Qorshaynta toos uga daawo Edina TV (Kanaallada Comcast 813 ama 16) ama onlaynka. Si aad u hesho liiska shirarka iyo dhacdooyinka oo dhameystiran, booqo EdinaMN.gov. 952-927-8861 | mail@EdinaMN.govMagaalada Edina EdinaMN.gov4