Loading...
The URL can be used to link to this page
Your browser does not support the video tag.
Home
My WebLink
About
PublicWorksPipeline_Late2026_Somali-Web
HOWLAHA GUUD Dhuunta DABAYAAQADA 2026 Biyaha aad Cabayso waxaa loo Aqoonsaday in ay yihiin kuwo Ammaan ah Kormeerka lagu sameeyay biyaha la cabbo ee Edina iyo Minneapolis sanadkii hore wuxuu muujinayaa inay ammaan yihiin. Himilada Magaaladu waa inay dadka deegaanka siiso biyo dhaafsiisan shuruudaha gobolka iyo federaalka ee badbaado iyo tayadaba. Warbixinta sanadkan waxay muujineysaa biyaha Edina inay dhaafeen heerarka sharciyeynta ee dhammaan tirinta. Dadka degan Xaafada Morningside ee biyaha ka hela Magaalada Minneapolis waxay warbixintani ka heli doonaan macluumaad faahfaahinaya tayada biyaha Minneapolis, sidoo kale. Warbixinta faahfaahsan ka akhri EdinaMN.gov/WaterReport. 2 Barnaamijka Beddelista Mitirka Biyaha Magaalada oo Dhan ah Ayaa Sii Socdo Magaalada waxay mitirada biyaha u beddelaysaa wejiyo-wejiyo muddo dhowr sano ah. Sanad kasta, koox kale oo mitiro ah ayaa loo qorsheeyaa in la beddelo. Rakibaada waxay bilaabatay horraanti sanadkan waxaana la filayaa inay sii socoto ilaa 2029. Ma jiro kharash u gaar ah mitirka cusub. Kharashka waxaa daboola Sanduuqa Adeegyada Guryaha ee Magaalada, marka kama muuqan doono biilkaaga. Mitiradi la beddelay shantii sano ee la soo dhaafay kuma jiraan qorshaha beddelka. Sanadkan, ku dhawaad 5,000 oo guryo ah ayaa lagu soo daray. Haddii gurigaaga uu qayb ka yahay kooxda sanadkan, waxaad warqad ka heli doontaa Magaalada oo ay ku qoran tahay tilmaamaha sida aad ballanta u qabsan karto. Ogaysiisyada waxaa boosto loogu soo diri doonaa weji-weji sanadka oo dhan. Waxbadan ka ogow EdinaMN.gov/MeterReplacement. Haddii aadan hubin in warqad, wicitaan taleefan ama booqasho ay sax tahay, Qaybta Adeegyada Guryaha ee Waaxda Hawlaha Guud ee Edina kala xiriir 952-826-0375 si aad u xaqiijiso. - Waxa Qoray Brittany Bader Maxaa Loo Beddelayaa Mitirada • Mitirada biyaha ee Edina waxaa marki ugu dambaysay la beddelay inti u dhaxaysay 2012 iyo 2014 waxaana hadda soo dhow dhammaadka cimrigooda. • Beddelista mitirada waxay hadda ka hortagaysaa biilasha khaldan ee ay keenaan batariyada aan shaqaynaynin. • Beddelista mitirada waxay hadda Magaalada u oggolaanaysaa inay si hufan u xisaabiso xogta isticmaalka biyaha ayna durba aqoonsato qubashada biyaha. Waxa la Filayo Isha Ku Hay Boostadaada Waxaad heli doontaa warqad ka socota Magaalada marki ay tahay tookada gurigaaga laga beddelayo mitirka. Muddayso Ballantaada Isticmaal tilmaamaha ku jira warqadda si aad u qabsato ballantaada. Jadwalka la xaqiijiyay iyo macluumaadka xiriirka waxaa la soo dhigaa EdinaMN.gov/MeterReplacement. Fadlan ha isku-dayin inaad qabsato ballan adigoo aan helin warqad kuu sheegaysa inaad sidaas samayso. U-diyaargarow Rakibaada Xaqiiji in meelaha biyaha laga xiro adeegaaga biyaha ee soo socda ay si fiican u shaqaynayaan oo si buuxda loo xiri karo. Farsamo-yaqaaanka wuxuu u baahnaan doonaa inuu marin u helo mitirka biyaha gurigaaga ama mehradaada, marka fadlan xaqiiji in aagga ku hareeraysan mitirka uu bannaan yahay oo la adeegsan karo. 3. 4. 1. 2. Ha Lagaa Beddelo Mitirka Inta lagu jiro ballanta, farsamo-yaqaan ayaa beddeli doona mitirkaaga biyaha wuxuuna rakibi doonaa ateeno ku xiran bannaanka oo qayb ka ah cusboonaysiintan. Qof qaangaar ah oo 18 sano jir ah ama ka wayn waa inuu joogaa wakhtiga ballanta oo dhan. Rakibaada badankeeda waxay qaadataa qiyaasti hal saac, waxaana muddo kooban la xiri doonaa biyahaaga inta lagu jiro wakhtigaas. Yaa Qabanaya Shaqada Magaalada waxay qandaraas ku siisay Ferguson Waterworks iyo RMR Services. Farsamo-yaqaanada qalabka rakibaya waxay: Xiran doonaan yunifoom waxayna ku imaan doonaan baabuur calaamadaysan Soo mareen hubinada taariikheed Noqonayaan shaqaalaha RMR Services Xiran doonaan baajaj aqoonsiyo ay bixisay Magaalada 2 3 Sideen u codsadaa xafladda wadada xaafadda? Booqo EdinaMN.gov/BlockParty si aad uga hesho codsiga. Waa in la soo gudbiyaa ugu yaraan shan maalmood oo shaqo kahor dhacdadaada. Xafladaha wadada xaafada waxaa loo oggol yahay waddooyinka xaafadaha ee aan mashquulka badnayn, dhammaadka waddooyinka ama waddooyinka geeska ka xiran. Qayb dhan waa in la xiraa; qayb ahaan in la xiro waddo (sida dhawr guri hortooda) lama oggola. Tani waxay tahay in laga fogaado in hawlaha gaadiidka ee wadada la xiro. Xafladaha wadada xaafada waxaa kaliya la oggol yahay labo jeer sanadki baloogiba, iyadoo aan lagu xisaabinaynin dhacdooyinka Night to Unite. Waddooyinka lama xiri karo wax ka badan lix saacadood ama wixi ka dambeeya 10 p.m. Ma jirto khidmad laga qaado xafladda lagu qabsado wadada xaafadda. Waxaa jira god ku yaalla wadadayda. Goorma ayaa la hagaajin doonaa? Godadka waxaa la dayactiraa xilliga hagaajinta laamiga ee xagaaga. Codsiyada adeegga ee ay dadka deegaanka ku soo gudbiyaan aabka Edina311 ama EdinaMN.gov/Edina311 waxay naga caawiyaan aqoonsashada aagaga u baahan in la dayactiro. Haddii aad aragto god, fadlan ku soo sheeg aabka, onlaynka ama Waaxda Hawlaha Guud ka wac 952-826-0376. Su'aalaha Badanaa La Is Weydiiyo Waxaan gurigayga ugu baahanahay birta wayn ee qashinka lagu rido. Maxay yihiin xulashooyinkayga? Waxaa jira labo xulashooyin oo lagu meeleeyo: 1. Dhigista guri gaar loo leeyahay (dariiqa soo galo guriga ama daarada). Xulashadan, waxaad alaabta uga tagi kartaa 24 saacadood maalinti ilaa mashruuca laga dhammeeyo. 2. Dhigista seed loogu talagalay “Baakinka Wadada”. Tani waxaa la oggol yahay ugu badnaan 12 saacadood oo wakhtiga maalinta ah kahor inta aysan u baahan in la saaro. Ma jiraan wax laga soo reebayo. Weelasha qashinka ee loo dhigo si sharci-darro ah waxaa la siin doonaa tigid waxaana lagu qaadi doonaa kharashka mulkiilaha. Ma xiri kartid seedka baabuurta, seedka baaskiilka ama seedka baska, mana jirto ruqsad kuu oggolaanayso inaad sidaas samayso. Haddii aad ku nooshahay aag ay maamulaan ururka mulkiilayaasha guryaha, waa inaad sidoo kale hubisaa xeerarkooda. Wixii macluumaad dheeraad ah, Qaybta Qorshaynta kala xiriir 952-826-0369. Waxaa jira geed ama laan geed oo saaran fiilo koronto. Yaan wacaa si uu wax uga qabto arrintaas? Magaaladu geedaha kama gurto baalayaasha korontada. Kala xiriir Xcel Energy si ay si badbaado ah meesha uga saarto. Booqo XcelEnergy.com/trees si aad uga hesho xog ku saabsan gurista geedaha iyo maaraynta kale ee dhirta. Duufaan kadib, yaa guraya laamaha geedaha iyo waxyaabaha kale ee ku soo daata daaradayda? Magaaladu ma qaado mana hayso boos ay ku aqbasho laamaha geedaha ama qashinka daaradda. Haddii aad leedahay adeegga qashinka daaradda, laamaha iyo dhirta kale ku rid weelkaaga qashinka. Ama kala xiriir qandaraasle ama kuwa qashinka kaa qaada wixi ku saabsan qaadistooda. Qashinka daaradaada ama qashinka duufaanta ha ku ridin weelka aad ku rido qashinka dabiiciga ah. Xilliga qaboobaha, haddii gaariga barafka xaaqa uu ku dhaco oo uu waxyeeleeyo sanduuqayga boostada, yaa ka masuul ah inuu sameeyo? Haddii aad rumaysan tahay in sanduuqaaga boostada la waxyeeleeyay inti la xaaqayay baraf, waxyeello ku gudbi EdinaMN.gov/MailboxRepair. Waaxda Hawlaha Guud waxay dib-u-eegis ku samayn doontaa xogta la gudbiyay. Haddii Magaaladu go’aamiso in sanduuqa boostada uu si toos ah ugu dhacay qalabka barafka xaaqa ee Magaalada, Magaaladu waxay samayn doontaa midkood inay sanduuqa boostada ku beddesho sanduuq boosto oo cabbirka caadiga ah leh, oo aan la xardhin iyo beddelista tiirka boostada, haddii loo baahdo, ama magdhowga kharashka qaybaha dayactirka ilaa $100 oo la soo gudbinayo risiidka. Waxyeellada uu gaysto culayska barafka, gabowga ama daciifidda agabka ama arrimaha kale sida baraf xaaqista gaarka loo leeyahay ama shilalka baabuurta ma ahan masuuliyadda Magaalada. — Waxaa isku dubariday Holly Conwell iyo Tom Swenson 3 4 Lix Mashaariic Waddo iyo Dhabbaha Lugaynta Ayaa Soo Socdo Edina 4 ¹» ¹» ¹º¹º ¹º ñ ñ ¹»¹º ¹º ¹º ¹º ¹º ¹º ñ ¹» ñ ñ ñ ñTRACY AVEVERNON AVEWOODDALE AVEHANSEN RD70TH ST W FRANCE AVE SVALLEYVIEWRDMINNESOTA DRGLEASONRDEdinaCommunityCenter AvailAcademy GoldenYearsMontessori CityHall St Peter's LutheranChurch & School South ViewMiddle School Normandale Elementary ConcordSchool CorneliaSchool SouthdaleLibrary Fire Station Public Works &Park Maintenance Creek ValleySchool FireStation Valley View Middle School EdinaHighSchool CountrysideSchool HighlandsSchool EdinaCommunityLibrary Our Lady ofGrace Church& School M innehahaCreek NineMileCreek N ine MileCreek SouthdaleCenter Canadian Pacific RailroadCanadian Pacific RailroadBLAKE RDSCHAEFER RDVERNO N A VE CAHILL RD66TH ST W YORK AVE SINTERLACHEN BLVD MALONEY AVE 44TH ST W 50TH ST W 54TH ST W 58TH ST W 70TH ST W 76TH ST W DEWEY HILL RD VALLEY VI E W R D VALLEY VIEW RD 78TH ST W I-494 HWY 100HWY 169HWY 169HWY 100HWY 62 HWY 62 April 2019 ±Legend 0 2,000 Feet 3 4 56 1 2 Presidents Rolling Green Rosland Park Pedestrian Bridge 72nd St.Prospect Knolls Interlachen 5 Laga bilaabo dib-u-dhiska waddooyinka iyo hagaajinada yutiilitiga ilaa isku xirka dhabbayaasha iyo beddelista buundooyinka, mashaariic badan oo Hawlaha Dadweynaha ah ayaa socda ama la diyaarinayaa bulshada oo dhan. Si wadajir ah, dadaaladani waxaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado xaaladaha waddooyinka, beddelista kaabayaasha gaboobaya, xoojinta biyo- shubka iyo kor u qaadista badbaadada iyo adeegsiga dadka lugaynaya, kuwa baaskiilka wata iyo kuwa gaariga wata guud ahaan Edina. — Waxaa isku dubariday Lum Chi, Lauren Siebenaler iyo Brittany Bader 5 1 Presidents Goobta: Harrison Avenue, Tyler Avenue, Tyler Court, Belmore Lane bariga Van Buren Avenue ilaa Dearborn Court Waqtiga Dhismaha: Maarso ilaa Juulaay Ku dhawaad: Ku dhawaad 20% ka mid ah mashruuca wadada Xaafadda Presidents A & B ayaa weli dhiman in la dhammeeyo waddooyinka kor ku xusan. Dib-u-dhiska wuxuu ahaa lagama maarmaan oo ay sabab u yihiin xaaladaha laamiga wadada iyo tuubooyinka biyaha oo xun. Yoolku waxa uu yahay in gebi ahaanba dib loo dhiso laamiga wadada, la beddelo qarqarka shubka ah iyo biyo-shubka, lagu daro tuubo biyo oo cusub iyo adeegyo biyo, kor loo qaado nidaamyada bullaacada, lana hagaajiyo wadada iyo bullaacadaha biyaha si kor loogu qaado biyo-shubka. Webseedka: BetterTogetherEdina.org/presidents-ab Meesha lagala xiriirayo: Injineerka Qalin-jabiyay Chris Moore, cmoore@EdinaMN.gov ama 952-826-0444 2 Prospect Knolls Goobta: West 70th Street, Antrim Court, Antrim Road, Antrim Terrace, Down Road, Dublin Circle, Dublin Road, Fleetwood Drive, Kemrich Drive, Kerry Road, Lanham Lane, Lee Valley Circle, Lee Valley Road, Parklawn Court, Shannon Drive, Tara Road, Tralee Drive, Village Drive, Weston Circle, Wexford Road Waqtiga Dhismaha: Abriil ilaa bartamaha Nofeembar Ku dhawaad: Mashruuca Wadada Xaafadda Prospect Knolls A/C/D waxaa ku jiri doona dhismaha dhammeystiran ee laamiga wadada; beddelista qayb ahaanta ah ee tuubada wayn ee biyaha, beddelista buuxda ee adeegyada biyaha, tuubooyinka iyo qasabadaha dabdemiska ee wadada dhinaceeda; horumarinada nidaamka bullaacada; wax ka beddelka wadada iyo bullaacadaha biyaha si kor loogu qaado biyo-shubka; iyo beddelista qarqarka shubka ah iyo biyo-shubka. Dib-u-dhiska dhammaadka wadada Parklawn Court ayaa lagu daray mashruucan. Dib-u-dhiska waxaa loogu talagalay in kor loogu qaado xaaladaha laamiga wadada waxaana la filayaa in la soo gabagabeeyo bartamaha Nofeembar. Webseedka: BetterTogetherEdina.org/prospect-knolls Meesha lagala xiriirayo: Injineerka Qalin-jabiyay Chris Moore, cmoore@EdinaMN.gov ama 952-826-0444 6901 520 306 300 307 6707 412 6528 65216525 6520 308 609 508 406408 407 516 605 304 516 524 532 305 6512 309 24 422 308 304 301 6521 317 404 411 315 408 512 316 323 407 415 303 322 401 308 308 312 314 419 302 510 322 306 313 320 504 309 299 300 311 414 6624 425 6612 312 419418 401 304 300 513 421 400 301-03 6615 6512 298 310 505 409 6615 417-19 305 408 500 313-15 420 501 421-23 509 309-11 613 302 312 417 300 323 305-07 500 301 410408 317-19 314 6517 416 420 304 318319 308 318 422 411 415 321 315 406 6600312315 301 411 405 409 316 405 314 304 311 319 306 413 308 317 401 306 424 317 425 301 305 307 404 401 414 418 422 408 421 412 407 411 423 423419 305 405 6616 400 424 323 413 415 323 419 411 422 406 311 411 415 315 540 425 404 415 419 404 410 413 309 414 405 423 301 403 424 410 419 409 412 305 411 418 414 409 420 6601404 410409 416 313 402 409 416 317 423 401 416 407 6606414 414 408 418 411 319 404 415 418 412 420 402 418 425 416 303 416 400 408 415 408 403 417 409 421 422 424 400 415 301 319 405 401 6605423 6609309 400 323 424425 303 417 318 305 311 419 320 6655 402 322 425 423422 310 314316315 304 6651 417 310 412 302 318 306 318 320 404 405 400 409 306 312 308 316 404 414 314 402402 317 406 400 405 416 424 300 319 300 421 302 306 424 403 308 317 420 320 311 300 322 405 313 309 300 321 401 401403 315 404 322 407 425 305307 323 406406 325 307 403 6721 69406938 6750 306 6528 517 Project Limits BELMORE LN MALONEY AVE ALDEN PARK 3RD ST S +¡ 2ND ST S WASHINGTON AVE SADAMS AVEJEFFERSON AVEMADISON AVEMONROE AVEJACKSON AVEVAN BUREN AVEHARRISON AVETYLER AVETYLER CTCity of HopkinsCity of Edina / Engineering DeptJune 2024 2025 Project AreaPresidents A & B Neighborhood Roadway and Alley ReconstructionCITYOFEDINAMINNESOTAINCORPORATED1888 ,e 7317 7250 7215 8 7224 7100 7308 7024 5420 5905 7017 7431 54155809 7004 5712 7150-60 5526-38 5510-24 5515-235525-355537-45 5540-54 5556-705572-84 5547-59 5500-08 7175 5545-5539 7101-15 7401 7200 6 2 5901 4 7000 7100 70007012 7017-29 7121 7012 7202 7104 7140 7009 7100-12 7305 5501 7100 7028 5912 7016 7020 7024 7016 7101 7105 7300 7104 5900 7070-82 7205 7117 7028 5809 7037 7016 7005 7001 7209 7008 70217020 7021 7141 5908 59205912 5813 7145 7301 7024 7205 7001 6013 7013 5416 7017 6909 7460 7119 6982 5601 5900 7005 5904 7012 6832 7011 5517 7109 5812 5905 7115 7032 7000 7115 5432 7137 6005 7401 5721 7105 7019 7221 7400 6012 6986 5916 7304 7009 7121 7101 70217001 6009 7009 7201 7001 7123 7308 5605 7001 7312 7033 7201 6994 6916 7008 7017 5600 5829 7401 7101 6920 7013 5532 7015 6909 6913 5804 7041 7019 7305 7209 5601 5808 7023 6005 5729 7220 5524 5805 58085812 5604 7115 5800 7020 7310 6998 5816 6836 7029 5812 5716 5617 7012 7131 7302 5805 6912 5801 5616 5528 5725 7109 7309 7208 5920 7301 7009 7129 7109 6990 7000 5708 5833 7125 7309 5609 7128 7315 5613 7212 7005 5704 7100 5705 56085612 7012 7015 7220 5816 7313 7021 7028 5716 57175801 7022 7216 7122 5713 7200 7304 7220 7305 5800 5709 5708 5721 5712 7020 7013 7225 7001 7015 5820 5720 5820 7001 5912 7301 5700 7000 7004 7212 7306 7305 7300 7313 5701 5640731260007209 7308 7025 6112 7308 7204 5920 7100 7040 5805 7133 7215 7224 7219 5908 7029 7101 6113 7203 7213 5709 5708 7112 7314 7217 7304 5705 7108 7205 6008 5911 7221 7318 7300 6009 7322 5426 7204 5700 7101 7124 7021 7120 7304 7209 5811 5917 7208 7401 60047108 7205 7400 7123 5924 5701 7216 5717 7209 7028 7105 59216001 7109 7017 7200 7223 7324 7116 7120 7213 7301 7044 7108 7200 7104 7121 7112 5704 7117 7100 7205 5416 7208 7000 7133 7016 7005 7117 5721 5704 7201 7401 7326 7113 5824 7105 7104 7004 5404 7113 7120 7104 7009 7217 5724 7116 7000 7316 7121 60056009 7112 7201 7105 5412 7101 7117 5713 7109 7116 7113 5804 7008 5728 7125 7045 7212 5414 7129 73005800 7204 7216 6840 7320 542460136021 6913602569086017 5736 54027300 7305 6029 58285720 5500-026001 7012 7004 7309 54187008 5504-0654205508-105422540070757234-7240 7227-7233 72 3 2 - 7 2 2 0 5549 5501-5511 5545 5553-5561 55395551- 5565 5515-55275535 5541 553170407300 7068-7096 70327044-706470365521-5527 5530-5536 5555-5547 5529-5537 5538-55485511-5519 7121-55 5916 PROJECT LIMITS W 70TH STANTRIM RDDUBLIN CIR DUBLIN RD KERRY RD WEXFORD RDANTRIM T E R ANTRIM CTDOWN RD LEE V A L L E Y RD SHANNON DRTRALEE DRSHANNON DRKEMRICH DR DEWEY HILL RD W 70TH ST ANTRIM RDLANHAM LN FLEETWOOD DRLANHAM LNTARA RDLEE WESTON C I R VILLAGE DR CAHILL RDVALLEYCIR /Engineering DeptJune 2025 2026 Project AreaProspect Knolls ACD Neighborhood Roadway ReconstructionImprovement No. BA-458CITYOFEDINAMINNESOTAINCORPORATED1888 ,e 4401 4145 440141414435 4201 4100-20 4351 7600 7625 4451 4480 44254350 4440 44 1 54280 4251 4250 4456 4456 4452438042004300-28 7337 7401 740374107404 7400 7326732873307334733273367338734073234444444644484450 4400 Project Limits PARKLAW N C T W 76TH ST PARKLAWN AVE PARKLAWN AVE/Engineering DeptMay 2025 2026 Project AreaParklawn Ct Neighborhood Roadway ReconstructionCITYOFEDINAMINNESOTAINCORPORATED1888 ,e 6 4 Rosland Park Pedestrian Bridge Goobta: Buundada Dadku ay Ku Lugeeyaan ee Rosland Park ee dulmarta Minnesota Highway 62 Waqtiga Dhismaha: Xagaaga 2026 ilaa Xagaaga 2027 Ku dhawaad: Dhismaha Buundada ay Dadku Ku Lugeeyaan ee Rosland Park ee dulmarta Highway 62 ayaa bilaabmaya xagaagan. Marki hore la dhisay horraanti 1960-meeyadi, buundada dhisan waa in la beddelaa oo ay sabab u yihiin da’deeda, xaaladeeda iyo xaddidaadaha adeegsiga. Buundada lagu beddelayo waxaa ku jiri doona meelo laga galo labada dhinac ee wadada wayn si loo hagaajiyo adeegsiga dadka lugaynaya, kuwa baaskiilka wata iyo kuwa aaladaha riixanaya inay ku galaan kagana soo baxaan beerta Rosland Park. Waxaa sidoo kale si aad ah kor looga dulqaadi doonaa wadada wayn si looga hortago inay baabuur ku dhacaan sida kuwi dhacay 2022. Mashruuca ay ku baxayso ku dhawaad $8-da milyan waxaa la filayaa in la dhammeystiro xagaaga 2027. Marki dhismaha uu bilowdo, buundada hadda ay dadku ku lugeeyaan waxaa loo xiri doonaa muddada mashruuca. Tas-hiilaadka Rosland Park, oo ay ku jirto Xarunta Biyaha Edina, waxay u shaqayn doontaa si caadi ah inta lagu jiro dhismaha. Saamaynta soo gaarayso gaadiidka maraya Highway 62 waa mid yar, inkastoo xiritaano yar oo habeenki ah iyo xiritaanka seedadka oo marnar ah ay dhici karaan inta uu socdo dhismaha. Webseedka: BetterTogetherEdina.org/Rosland-Park-Bridge Meesha lagala xiriirayo: Agaasimaha Hawlaha Guud & Injineerinka Magaalada Chad Millner, cmillner@EdinaMN.gov ama 952-826-0318 3 72nd Street Goobta: 72nd Street laga bilaabo waxyar marki la dhaafo Cornelia Drive dhanka galbeed, iyo dhanka kale ee France Avenue ee dhanka bariga Waqtiga Dhismaha: Xagaaga ilaa dayrta; taariikhaha waa la sheegi doonaa Ku dhawaad: Mashruuca dib-u-dhiska 72nd Street waxaa lagu dayactirayaa laguna casriyaynayaa nadaafadda, biyaha, bullaacadaha biyaha iyo waddooyinka. Mashruucu waxa uu dabooli doonaa dib-u-dhiska waddooyinka iyo dayactirka bullaacadaha waawayn, hagaajinta 72nd Street laga bilaabo waxyar marki la dhaafo Cornelia Drive ee dhanka galbeed iyo guud ahaan France Avenue dhanka bari. Webseedka: BetterTogetherEdina.org/72nd-street-improvements Meesha lagala xiriirayo: Maareeyaha Adeegyada Injineerinka Ross Bintner, rbintner@EdinaMN.gov ama 952-903-5713 7000 7320-30 7340 7300-10 7333-55 7128 7201 70084208 42167205 4401 7203 7025 72077207 7207 7350-60 3680-3484 72007010 4040 3950 7000695071104000 4001 7001 7101 7136 7212 7216 3861-817015 7000 70087205 6996 7007 6953 71014225 421742214221 4000421369496941 6937 4401 4217 7000 7108 7129 7108 4304 7209 7200 4308 4401 4309 7013 7204 6945 4200 4305 4400 4301 4209 3910 7208 7001 7116 440144004224 7208 4400 7001 7201 7201 4300 7137 7004 7021 7200 7007 7129 7016 7012 7133 7004 7017 7117 710942164220 7005 7128 7100 712542017000 7009 7013 7004 7204 7001 71084212 71217129 7008 7124 7201 7005 7101 7125 7009 7200 7213 7217 7120 7206 7109 7209 7128 7009 7128 4200 7125 7012 7121 7016 7137 7105 7113 7205 7117 7105 7117 71247124 7204 71214209 7204 7206 7205 7133 7111 7208 7116 7104 7104 7112 7205 7100 7116 7120 7132 7101 7120 7112 7102 7209 7129 7100 7201 7109 7125 4204 7128 7105 7124 420142127104 7121 7113 4208720442057112 7120 7200 7221 7301 7017 4400 7305 7309 7313 7317 7321 7325 7329 7333 73374401 7213 7217 7221 7301 7305 7309 7313 7317 7321 7225 7212 7216 7220 7224 7300 7304 7308 7312 7316 7320 7324 7212 7216 7220 7224 7300 7304 7308 7312 7316 7320 7213 72177219 7303 7305 73097311 7317 732 1 7211 7215 7221 7301 7307 73137315 7319 7326732873307334733273367338734073237208 7208 72107212 72097209 7250 73007380 W 72ND ST Project Limits CORNELIA DRGLOUCHESTER DRHEATHERTONCIRHEATHERTON TRLBRISTOL BLVDBRI S T O L C I R FRANCE AVELYNMAR LNGLOUCHESTER AVEOAKLAWN AVE/Engineering DeptNovember 2025 Project AreaSouth Trunk Sanitary Phase 1 CITYOFED INA MIN N ESOTAINCORPORATED1888 ,e 7 5 Rolling Green (2027) Goobta: Annaway Drive, Bywood West, Crescent Terrace, Merilane Avenue, Mait Lane, Paddock Road, Rolling Green Parkway Waqtiga Dhismaha: Xagaaga 2027 ilaa bartamaha Nofeembar 2027 Ku dhawaad: Mashruuca dib-u-dhiska Rolling Green waxaa ku jiri doona dhismaha dhammeystiran ee laamiga wadada; beddelista qayb ahaanta ah ee tuubada wayn iyo adeegyada biyaha, beddelista buuxda ee tuubooyinka iyo meelaha laga furo qasabadaha dabdemiska ee wadada dhinaceeda; horumarinada qayb ahaanta ah ee nidaamka bullaacada; wax ka beddelka wadada iyo bullaacadaha biyaha si kor loogu qaado biyo-shubka, oo ay ku jirto rakibaadda tuubada biyaha qaada halki macquul ah; iyo beddelista qarqarka shubka ah iyo biyo-shubka. Webseedka: Soo Socdo Dhawaan Meesha lagala xiriirayo: Kaaliyaha Injineerinka Magaalada Aaron Ditzler, aditzler@EdinaMN.gov ama 952-826-0443 6 Interlachen (2027) Goobta: Interlachen Boulevard laga bilaabo Blake Road ilaa Mirror Lakes Drive Waqtiga Dhismaha: Xagaaga 2027 Ku dhawaad: Mashruuca dib-u-dhiska Interlachen waxaa ku jiri doona dib-u-dhiska dhammeystiran ee laamiga wadada; rakibaada tuubo wayn oo biyo oo cusub oo lagu rakibo qayb ka mid ah mashruuca; beddelista adeegyada biyaha, tuubooyinka iyo meelaha laga furo qasabadaha dabdemiska ee wadada dhinaceeda iyo ku darista tuubooyinka dabdemiska ee wadada dhinaceeda meeshi loo baahdo; horumarinada nidaamka bullaacada biyaha; wax ka beddelka wadada iyo bullaacadaha biyaha si loo hagaajiyo biyo-shubka; rakibaada qarqar iyo biyo-shub cusub; rakibaada dhabbo shub ah oo la isla wadaago oo 8-fiit ah oo cusub; iyo rakibaadda seedadka baaskiilka oo shub ah oo 5-fiit ah oo cusub. Webseedka: BetterTogetherEdina.org/interlachen-blvd Meesha lagala xiriirayo: Agaasimaha Hawlaha Guud & Injineerinka Magaalada Chad Millner, cmillner@EdinaMN.gov ama 952-826-0318 7 8 2 9 7 4608 5804 4605 49055801 4904 5600 5800 6 5 13 4 9 7 16 11 18 10 20 5005 33 4600 11 19 15 4912 25 17 14 12 27 4812 4904 4801 4800 4908 4909 5100 4700 4801 4724 29 4705 5725 4901 4700 4603 4915 4812 4616 4602 4701 4900 4808 4715 4733 4712 4604 4877 4708 4820 4704 4800 5924 4820 255808 4909 4729 4817 4708 5608 4904 4725 4913 4805 4917 4601 4604 4811 27 4612 4721 5920 5804 5805 5733 4808 5808 4908 4912 4602 4916 4810 5002 5020 50005000 5040 5908 5904 4603 5524 5610 5633 5637 5801 5528 5805 5601 5621 5641 5645 5649 56135629 5646 5642 5636 5625 5609 5603 4615 4705 5526 Mait Ln Annaw ay D r By w o o d W e s t Crescent T e r Merila n e A v e Paddock RdRo l l i n g G r e e n P k w y Interlachen Blvd Mirror Lakes DrInterlachen Cir CITYOFEDINAMINN E SOTAINCORPORATED1888 ,e Engineering DeptApril 2026 2027 Project AreaRolling Green NeighborhoodRoadway ReconstructionImprovement No. BA-469 8 Martigeliyaha Cusub ee Dulin Hore: Cayayaanka Duleeliya Geedka Chestnut ee Labada Xarriiq Leh ee Edina Waxaa qortay Edie Weinstein Marki Dhireeyaha Magaalada Luther Overholt uu arkay geedaha oak oo leh laamo dhimanayo guud ahaan Edina, wuxuu u qaatay inay tahay dhardharka geedka oak, cudur caadi ah oo uu la dagaallamo si uu u ilaaliyo caafimaadka kaynta Edina. Intaa kadib, wuxuu garowsaday dhibaatadu in aanay fududayn. “Geedo badan oo oak ah oo aan marki ugu horraysay arkay waa kuwo 100-sano ka badan jira oo aan u baahnayn in la waraabiyo, lala socdo isla markaana aan u baahnayn caawimo dibedda ah,” ayuu yiri. “Taasi waa waxa ixiiso geliyay.” Marki uu arkay qaabka muuqda ee baararka laamaha oo dhimanayo marka hore, wuxuu garowsaday inuu la tacaalayo dulin horay taariikh u lahaa, cayayaanka duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh. Cayayaanka duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh wuxuu masuul ka ahaa dhimashada malaayiin geedaha chestnut ah dabayaaqadi qarnigi 19aad iyo horraanti qarnigi 20aad. Overholt weligiis horay uma uusan arag dulinka oo carada qabsaday, maadaama geedka martigeliya uu ka dabargo’ay qaybtan wadanka. Hadda, cayayaanka wuxuu la qabsaday inuu weeraro geed dhan oo cusub. Cayayaanka duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh waxaa soo jiita geedaha dhibaataysan. Abaarti labada sano ahayd ee xilliyadi xagaaga 2021 iyo 2023 waxay wiiqeen geedaha oak ee Edina si ku filan in cayaayaanka duleeliya uu geedka ka soo galo laamaha kore, halkaasoo qoloftu ay khafiif tahay. Halkaas marki ay joogaan, waxay weeraraan “nidaamka wareega nafaqada” ee geedka, ama wadooyinka ay maraan biyaha ee geedka dhexdiisa. Ilaa iyo hadda, Overholt wuxuu daawaynayaa in ka badan 100 geed oo waxyeelowday oo ku yaalla Rosland Park oo uu ku duro cirbad disha cayayaanka oona badbaadinaysa geedka. Marka geedo badan oo ku yaalla guryaha Magaalada la arko inay qabaan cudurka, waxay sidoo kale heli doonaan daaweynta cirbadan. Cayayaanka duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh waxay si aad ah ugu faafeen aagga magaalada oo ay galeen geedaha ku yaalla goobaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay labadaba, oo dhammaan kumanaanka geed ee oak ee ku yaalla Edina waa kuwo halis ugu jira. Sidee ku sheegi kartaa haddii geedkaaga oak uu la ildaran yahay cayayaan duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh oo uusan ahayn dhardharka caadiga loogu arko geedka oak? Ugu horrayn, hubi nooca geedka oak ee aad leedahay. Dhardharka geedka oak wuxuu ugu horrayn saameeyaa geedaha oak ee cas, marka caleemaha dhintay ee geedkaas waxaa inta badan loo aanayn karaa dhardharka geedka oak. Haddii aad leedahay geedka oak oo cad oo u muuqda mid jirran, fursadda inuu qabo cayayaanka duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh waa mid aad u badan. Kadib, hubi caleemaha. Dhardharka geedka oak wuxuu sababaa “goobo cagaaran” oo ku yaalla caleemaha, halkaasoo geesaha caleemaha ay dhardharaan balse dhexda u dhow jirrida ay cagaar sii ahaato. Geedaha la ildaran cayayaanka duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh waxay yeeshaan caleemo ama laamo gebi ahaanba dhintay, gaar ahaan baarka geedka, xaalad loo yaqaano kor ka soo dhimasho. Gu’ga waa wakhti wanaagsan oo isha lagu hayo caleemahaan dhintay maadaama geedaha caafimaadka qaba ay tahay inay soo saaraan caleemo badan inta lagu jiro wakhtigan. Haddii aad u malaynayso in geedkaaga uu qabo cayayaanka duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh, wac dhir-xannaaneeye si aad ugala hadasho xulashooyinka daaweynta si aad u xaqiijiso geedkaaga oak inuu ahaado mid xoog leh oo adag. Haddii aad aragto cudurka xilli hore, geedka waxaa lagu daaweyn karaa isla habka cirbadda ee ay Magaaladu isticmaalayso. Haddii aan la daaweyn, geedka waa uu ka sii dari ugu dambayntiina waa uu dhiman. Waxaad sidoo kale qaadi kartaa tallaabo aad ku yaraynayso khatarta cayayaanada duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh inay ku dhacaan geedkaaga. Tusaale ahaan, iska ilaali inaad geedka wax ka jarto inta lagu jiro xilliyada daran ee sanadka. Wax ka jarista geedka waxay abuuraysaa “dhaawacyo,” ama meelo furan oo ka dhigi kara geedka mid nugul. “Cayayaanada waxaa soo jiita dhaawacyada furan. Marka aad wax ka jarto geedkaaga, taasi waa dhaawac furan,” ayuu ku sharraxay Overholt. “Taasi waa sida ay halkaas ku gaaraan. Wax haka jarin geedahaaga oak bilaha Abriil, May, Juun—xagaaga oo dhan, haddii aad iska ilaalin karto. Qaboobaha ayaa ah wakhtiga ugu fiican ee wax laga jaro geedka.” Haddii geedkaaga ay soo gaarto waxyeello aan laga fogaan karin—sida marka lagu jiro duufaanta—isticmaal riinjiga dhaawaca geedka si aad ugu daboosho aagga si dhaawaca uu u bannaanaado ilaa inta ugu yar ee macquulka ah. Haddii aad calaamadaha cayayaanada duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh ku aragto geedaha kale ee ku yaalla aagga, waa mid fiican in xilli hore la sii daaweeyo geedkaaga. Si loo yareeyo faafitaanka dhammaan dulinada iyo cudurada waxyeellada leh, marka qoryaha dabka haka rarin meel hana u rarin meel kale, sida gurigaaga oo aad ka qaado oo aad gayso cariish ama xero. Haddii qoryaha laga keenay geed loo jaray sabab ah inuu ku dhacay cayayaanka duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh ama jirro kale, sida Emerald Ash Borers, waa mid si gaar ah muhiim u ah inaan marna la rarin. Dadaalka dheeraadka ah ee lagu xannaanaynayo kaynta magaalada Edina waxaa lagu ilaalin karaa geedaha oak ee ka baxayay Edina in ka badan boqolaal sano. G e edka Oak ee Cad 9 “Waxaa isoo gaara wicitaano badan oo ku saabsan cayayaanka duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh sababtoo ah dadku waxay jecel yihiin geedahooda oak,” Overholt ayuu ku tilmaamay. “Qofkasta waa uu ogyahay in geedka wayn ee oak uu yahay ‘sayidka kaynta’—waa geedo waawayn, oo cajiib ah, dadkuna waa ay xannaaneeyaan.” Haddii aad aragto laamo dhintay oo dulsaaran geedaha oak ee la rabay inuu caleemo badnaado oo ku yaalla guryaha gaarka loo leeyahay, la xiriir dhir-xannaaneeye si uu u dejiyo qorshaha daaweynta. Haddii aad aragto geed u muuqda inuu la ildaran yahay cayayaanka duleeliya geedka chestnut ee labada xarriiq leh oo ku yaalla goob dadweyne sida beer nasiino, Overholt kala xiriir 952-826-0308. G e edka Oak ee Cad G eedka Oak ee CasD hardharka Geedka OakKor ka soo dhimashada * *Kor ka soo dhimashada waa calaamada cayayaanka duleeliya geedka chesnut ee labada xarriiq leh Qaabka iyo midabka caleemaha kaliya ma sheegi karaan nooca geedka oak balse sidoo kale caafimaadka geedka. 9 10 Gaari Dhigashada Sharci-darrada ah Waxay Horseedaysaa Tigid, Jiidis iyo Dib-u-dhaca Baraf Xaaqista Middan ku darso kalandarkaaga Nofeembar 1: • Lama oggola in gaari la dhigto waddooyinka Edina inta u dhaxaysa 1 iyo 6 a.m. • Ama marka baraf 1.5 inji ama kasii badan ah uu da’o, ilaa inta loo xaaqayo wadada geeskeeda. Ku eg Maarso 31. Lagu celinayo sanad kasta. Kuwaasi waa xeerarka meelaha baabuurta la dhigto ee Edina. Waxayna u jiraan sabab wanaagsan. Baabuurta maraysa waddooyinka waxay faro-geliyaan baraf xaaqista, taasoo hoos u dhigta baraf ka xaaqista wadada waxayna horseedi karaan dib-u-dhacyada baabuurta gurmadka degdegga ah haddii ay noqoto inay maraan waddo kale. Mararka qaar baabuurta baakiman waxay hor istaagaan in la banneeyo wadada gebi ahaanba, taas oo ka dhigi karta mulkiilaha gaariga mid aanay jeclayn deriskiisa, ayuu yiri Kaaliyaha Hawlaha Guud Dave Goergen. Marar dhif ahna, gawaarida barafka xaaqda waxay ku dhacaan gaari, iyagoo jebinaya muraayad-haadka ama ka xoqaya xoogaa riinji ah. “Horraanta xilliga barafka, waxaan had iyo jeer aragnaa baabuur badan oo si sharci darro ah meel loo dhigtay. Balse waxay dhacdaa marka dhowr toddobaad uusan jirin baraf,” Goergen ayuu yiri. “Waxaa na soo maray baraf wayn bishi Febraayo, inkastoo aanu ogaysiisyo badan dirnay xilli hore anagoo dadka u digayno, waxay 30 wicitaano iga soo gaareen darawallada baabuurta barafka xaaqda oo ku saabsan baabuur baakiman habeenkaas ugu horreeya.” Xusuusinada laba sano oo dhan: • Wadada in baabuur la dhigto lama oggola lix saacadood oo isku xiga ama ka badan wakhti kasta oo sanadka ka mid ah, ilaa si kale loo saxiixo mooyee. • Qashinka iyo haamaha qashinka dib-u-warshadaynta waa in aan marna la dhigin wadada ama wadada dhinaceeda. Dhig geeska dariiqaaga (ma ahan dhabbaha dhinaca wadada) ama daaradaada geeska wadada. Boolisku miyuu calaamado digniin ah dulsaaraa baabuurta marki ay baabuurta habeenki ku baakiman yihiin wadada ama ay yaalaan dariiqa baabuurta barafka xaaqda? Baabuurta lagu helo ku xadgudubka xeerka baakinka habeenki inta u dhaxaysa Nofeembar 1 ilaa Maarso 31 waxaa caadi ahaan la siiyaa digniin halmar ah, ayay tiri Saddex Alifle Boolis Anna Eckstein. Digniintani waxaa loo bixiyaa sidi kaar ogaysiis jaalle ah oo la dulsaaro baabuurka. Miyaad ku bixisaan tigid dembiga koowaad, ama wax ayay ku xiran tahay? Tigid ayaa inta badan la bixiyaa dembiga labaad, kadib digniinta koowaad. Marna miyaad jiidaan baabuurta yaalla dariiqa barafka laga xaaqayo? Haa. Baabuurta wadada ka xiraysa baabuurta barafka xaaqda isla markaana abuuraya walaac badbaado, si gaar ah haddii ay hor istaagayaan baraf ka xaaqista habboon ee wadada, waa la jiidi karaa, ayay tiri Eckstein. Marki ay macquul tahay, waxaa lagu dadaalaa in lala xiriiro mulkiilaha baabuurka kahor inta aan la xaaqin. Qiyaas ahaan immisa tigid ayaa la bixiyaa qaboobe kasta oo lagu bixiyaa gaari dhigashada wadada ee sharci- darrada ah ee habeenki? Inti lagu jiray xilligi qaboobaha 2025-2026 (Nofeembar 1 ilaa Maarso 31), wadar ahaan 301 tigid ayaa lagu bixiyay ku xadgudubka xeerka baakinka habeenki iyo xeerka baraf xaaqista labadaba, ayay tiri Eckstein. Tiradani waa ay kala duwanaan kartaa sanadba sanad iyadoo ay ku xiran tahay qadarka barafka yimaada inta lagu jiro xilliga qaboobaha. Waa maxay ganaaxa dembigan? Ganaaxa ku xadgudubka kasta ee xeerarka baakinka waa $30. Haddii baabuur la jiido, waxaa jira khidmado badan oo lagu qaadayo jiidista, keydinta iyo la soo bixidda. Muddo intee la’eg oo ka horraysa duufaanta barafka ayaa ay tahay inaan meesha ka kaxeeyo baabuurkayga? Haddii aadan rabin in gaarigaaga lagu buufiyo milanka dhalaaliya barafka, waxaa wanaagsan inaad wadada ka saarto wakhti kasta oo duufaan baraf ah la saadaaliyo. Waaxda hawlaha guud waxay diyaarisaa wadada kahor inta aysan imaan duufaanada barafka, marki ay suurtagal tahay, si ay uga dhigaan baraf xaaqista mid degdeg ah oo fudud. Waxyaabaha wadada lagu daadiyo waxay si aan loo qasdin u gaari karaan baabuurta wadada ku baakiman. Maxay tahay sababta qashinka iyo haamaha qashinka dib- u-warshadaynta aan loo dhigi karin wadada ama wadada dhinaceeda, gaar ahaan xilliga saamarka? Xirista dhabbaha dhinaca wadada, xitaa qayb ahaan, waxay hor istaagi kartaa ama xannibi kartaa kuwa ku socda usha, biraha lagu lugeeyo, kuwa adeegsada baabuurta curyaanka ama aaladaha kale ee lagu socdo. Waxay xadgudub ku tahay sharciga. Xagga waddooyinka, qashinka ama haamaha qashinka dib-u-warshadaynta waxay faro-geliyaan dadka xaaqa waddooyinka bilaha diiran. Xilliga qaboobaha, waa ay ku adkaan kartaa darawallada baabuurta xaaqda barafka inay arkaan waxaana ku dhici kara garabka baabuurka barafka xaaqa, Goergen ayuu yiri. Taasi waa ay kala daadin kartaa – iyo dhammaan waxa ku jira – oo ay ku daadan karaan wadada oo dhan. Qofka meesha deggan ayaa masuul ka ah inuu qaado qashinka meesha ku daata iyo beddelista haanta haddii loo baahdo oo uu ka helayo shirkadda qashinka ka qaada. Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baakinka wintarka ama xaaqista barafka, booqo EdinaMN.gov/SnowPlowing. - Waxaa isku dubariday Debbie Townsend 11 Meeleynta Qashinka Xilliga Qaboobaha & Keydinta Barafka WAA MAMNUUCWAA MAMNUUC Qashin Ku Ururinta Gacanta Haddii qashin qaadahaaga uu gacanta ku aruuriyo haamaha qashinka, daaradaada “meel la dhigo” uga qod si aad u dhigto haamaha qashinka oo loo qaado. Qashin Ururinta Otomaatiga ah Dhig haamaha afaafka hore ama geeska dariiqa si ay u qaadaan qashin qaadayaasha otomaatiga ah (Gacanka cagafta wuxuu gaari karaa 3 ilaa 5 fiit.) Keydinta Barafka (dhismaha dhexdiisa) Barafka laga xaaqo dariiqa loo maro dhismaha waa in lagu keydiyaa meel ka baxsan dariiqa qashin ururinta, gudaha khadadka dhismaha. Keydinta Barafka (kabaxsan dhismaha) Barafka laguma keydin karo wadada hareeraheeda dhul gaar ah ama mid guud (Magaaladu leedahay). Barafka waxaa loo qaadi karaa goob uu gaar u leeyahay ama loo fasaxay inuu adeegsado qandaraaslaha. Xeerarka Meelaynta Qashinka Xilliga Qaboobaha 11 DhuuntaHOWLAHA GUUD Magaalada Edina Xarunta Howlaha Guud & Dayactirka Beeraha Nasashada 7450 Metro Blvd. EDINA, MN 55439 EdinaMN.gov/PublicWorks Maxay ka dhigan yihiin calamada midabada kala duwan leh ee daaradayda? Calamada dayrkaada waxay astaan u yihiin kaabayaal kala duwan. Waa kan furaha waxa midab kasta uu caadi ahaan la micno yahay: Buluugga Biyaha la qaadi karo Basali Waraabka Casaan Fiilooyinka korontada, keebalada, iwm. Oranji Fiilooyinka isgaarsiinta (taleefanada, intarneedka) Caddaan Meel la soo jeediyay in la qodo Jaalle gaas iyo saliid Cagaarka Bulaacadaha iyo tuubooyinka qaada wasakhda Xabxabi Astaymaha hawlaha dhismaha ee ku meelgaarka ah